-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho iyo qeyb ka mid ah dalka ka da’ay Roobab xooggan kuwaas oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada. Roobabka oo Xalay xilli dambe si xooggan ugu bilaabmay caasimadda ayaa waxa ay biya dhigeen waddooyinka Muhiimka ah ee Magalada. Qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda ayaa Roobabki xalay ka da’ay sababeen in ay hakad galaan Isku socodka dadka iyo Gaadiidka . Waddooyinka ay saakay Biyaha xireen ayaa waxaa ka mid ah Wadada Isku xirta Isgoysyada Bar Ubax iyo Warshadda Caanadaha, halkaas oo ay biya dhigeen Roobabkii ka da’ay magalaada Muqdisho . Dhanka kale Waddada Isku xirta Isgoysyada Zobbe iyo Danwadaagaha ayaa iyadana xiran saakay , Iyadoo wadada anay isticmaali karin Gadiidka dadweynaha . Waddooyinka xiran sidoo kale waxaa ka mid ah kawaan bari, masaajidka Irshaad hormarta, waddada macalin Nuur iyo Fagax. Dowladda federaalka ah ayaa ku guuldareysatay in sameyso meelo dhuumo biyaha ka baxaan iyo booyado dhuuqa intaba xilli roobaadka taasi oo keenta in mushkiladdan ay soo laalaabto. Roobkan oo ah Gu’ga ayaa sidoo kale ka curtay dhammaan gobollada dalka xilli ay abaar ba’an jirtay muddo dheer qaar ka tirsan gobollada sida Jubbaland iyo Galmudug. GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Danjirihii hore ee dalka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa wareysi dheer oo uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA waxa uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka. Stephen Schwartz oo haatan howlgab ah, kana tirsanayn dowlada Maraykanka ayaa ugu horreyntii la weydiiyay sida uu u arko xaaladda ay hadda ku jirto Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay in Soomaaliya ay meel khatar ah marayso. “Xaaladda waa mid qatar ah oo nasiib darro xambaarsan, waxay ila tahay looma baahneyn in xaaladda sidaan noqoto, balse haddii aan eegno sida ay aheyd xaaladda Soomaaliya afartii sano ee ugu dambeysay ee Farmaajo, waxaa jiray dhaqan joogto ah oo muujinayey inuusan rabin in la helo hanaan doorasho, lama qaadin tallaabooyinkii muhiimka u ahaa doorasho qof iyo cod ah ee dalka ay ugaga dhici lahayd,” ayuu yidhi Stephen. Stephen waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay tahay mid aan sharciyad haysan isla markaana uu Farmaajo xiriir ah la yeelan madaxda maamul Goboleedyada ee ka jira Soomaaliya marka laga reebo kuwa uu isaga ka caawiyey inay xilka qabtaan. Mar wax laga weydiiyay sida uu arko Beesha Caalamka cadaadiska ay saareyso dowlada. “Labadii bilood ama seddexdii bilood ee ugu dambeysay jawaabaha Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan qoraalada Beesha Caalamka waxay ahaayeen kuwa aad u adag, waxay ila tahay inay isku dayayaan inay hadal ahaan muujiyaan awood iyagoo sheegayo inaan la qasbi karin, hase yeeshee aad ayey uga fiirsanayaan sababtoo ah beesha Caalamka ayey isku haleenayaan marka ay noqoto badbaadadooda, haddii ay ahaan laheyd kaalmada debadeed, deyn cafinta, xawaaladaha, iyo muwaaqifta ku aadan lacagaha sirta ah ee ka imaaneyso Qatar, Sidoo kale haddii ay lahaan laheyd tababarada Ciidamada Militariga oo ay siiso Turkiga, haddii ay ahaan laheyd nooc kasta oo taageero oo kala duwan ay ka helaan Eritrea, dhammaan beesha Caalamka oo kala duwan ayaa caawinayo Dowladda Soomaaliya, sidaa daraateed waa wax yaab leh inaad isugu yeerto inaad ka maarmi karto danahaas oo dhan iyo cadaadiska ay beesha caalamka waddo muhiimada waxa ay tahay soomaalida inay wax doortaan,” ayuu yidhi danjiraha oo ku ammaanay labadii madaxweyne ee ka horeysay Farmaajo sidii ay xukunka u wareejiyeen. Source
-
Madaxweynaha Democratic Republic of Congo ahna madaxa midowga Afrika Felix Tshisekedi oo kulan 2 saac ah isniintii Kinshasa kula qaatay madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaanan caddeyn mowqifkiisa ku aadan muddo kordhinta labada sano ee iskiis ugu dhufsaday ninka martida ah. Kulanka kadib, qoraal ay madaxtooyada DRC soo dhigtay Twitter-ka waxaa lagu sheegay in Farmaajo ka dalbaday hoggaamiyaha Midowga Afrika Felix Tshisekedi inuu dhexdhexaadiyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo saamileyda Soomaaliyeed, isla markaana wixii khilaaf ah oo Afrika dhexdeeda ay Afrika dhameyso. Tallaabadan oo ku eg mid Farmaajo uga baxsanayo diidmada go’aankiisa muddo kordhinta ee saamileyda Soomaaliyeed iyo cadaadiska beesha caalamka gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka oo kala doorsiiyey inuu ka tanaasulo muddo kordhinta, kuna laabto teendhada ama la cunaqabateynayo ayuu la aaday madaxweynaha ay Qatar saxiibka yihiin ahna madaxa xilligan ee midowga Afrika Felix si uu uga helo taageero muddo kordhinta, tiiyoo aaney muuqan inuu guul kasoo gaaray. 17-kii bishan ayey beesha caalamka waxaa ay Farmaajo ugu yeertay Afisyooni, Xalane iyaga oo la hordhigay inuu ka laabto muddo kordhinta, dibna ugu laabto teendhada si loo ambaqaado dhameystirka heshiiskii doorasho ee September 17, taasi badalkeeda waxaa uu u caray Kinshasa si uu waqti iyo taageero u helo. Dhankiisa, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay arrinka muddo kordhinta waxaa uu u muuqdaa inuu ku adkeysanayo isaga oo midowga Afrika ka dalbaday iney fududeeyaan wada hadal dhex mara Soomaalida, oo lagu taageerayo go’aankaas. Mar uu ka hadlayey shir jaraa’id uu Kinshasa kula lahaa madaxweynaha DRC and madaxa midowga Afrika Felix Tshisekedi ayuu sheegay inuu dhammaan beesha caalamka ugu baaqayo iney taageeraan go’aanka golaha shacabka ee taariikhiga ah. Farmaajo oo arrinkaas ka hadalaya ayaa yiri “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan saxiibada Soomaaliya oo ay ku jirto AU oo aad adiga madax ka tahay iney taageeraan go’aanka doorashada taariikhiga ah iney waqtigeeda ku dhacdo”. Madaxweynihii hore oo sii hadlaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Dowladdeyda waxaa ay soo dhoweyneysaa kaalin AU ee fududeynta wada hadal ay Soomaalida hormuud ka tahay, oo ay ku wada hadlayaan dhammaan saamileyda oo ay k aka wada hadlaan doorashada iyo nimaadka dowladda, waxaan madaxweynaha AU ka codsaneynaa iney gacan na siiyo soo celinta kalsoonida”. Farmaajo ayaa u muuqda inuu sahashanayo hadallada iyo cadaadiska madasha badbaado qaran iyo maamul goboleedyada, isaga oo haddii Afrika ay taageerto, oo beesha caalamka lagala hadlo is tusay inuu Soomaalida ka guuleysan karo, taasi oo nafteeda noqon karta qar iska tuurnnimo iyo xisaab kale oo qaldan uu isku dhufsanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Minneapolis)-Walter Mondale oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Mareykanka xilligii Jimmy Carter ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay qoyskiisa. Mondale wuxuu ahaa 93-jir, waxaana qoraal ka soo baxay qoyskiisa lagu yidhi “Waa murugo aad u weyn inaan idinla wadaagno warka ah in aabbaheen oo aan aad u jecleyn uu geeriyooday” Waxaa lagu sheegay Mondale inuu ahaa codkar wax badan ka badalay siyaasadda mareykankaa, gaar ahaan xisbiga dimoqraadiga oo uu ka tirsanaa, wuxuuna sannadkii 1984 u tartamay xilka madaxweynaha Mareykanka, waxaana cod aqlibiyada leh kaga adkaaday Ronald Reagan. Mondale wuxuu soo noqday xeer-ilaaliyaha guud gobolka Minnesota, ka hor inta aan loo magacaabin booskii Aqalka Senateka ee uu banneeyay Hubert Humphrey oo noqday madaxweyne ku xigeenkii madaxweyne Lydone Johson, kaas oo iskan iska casilay markii uu noqday madaxweyne ku xigeenka Jimmy Carter sanadkii 1976. Geeridiisa waxaa ka tacsiyeeyay madaxweyne Jose Biden oo sheegay in Mondale uu ahaa ninkii ku soo dhaweeyay aqalka Senateka markii isaga oo da’yar uu ku soo biiray. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay wariye ka howl-galayey magaalada Boosaaso lagu dhaawacay gudaha magaaladaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen saddex nin oo mindiyo ku hubeysnaa. Wariyaha oo lagu magacaabo Ficil Burkud ayaa ka tirsan howl-wadeenada warbaahinta Daljir ee ka howl-gasha deegaanada dowlad goboleedka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in wariyaha ay dhaawac culus u geysteen raggaasi oo burcad ahaa, waxaana ay waxyeeladu kasoo gaartay garabka midig, gacanta iyo bowdada. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxda burcadda ah ay horey usii qaateen taleefanka uu watay wariyaha oo markii dambe, isaga oo garaab ah goobta laga qaaday. Ciidamada Puntland oo kadib sameeyey howl-gallo ayaa gacanta ku soo dhigay burcaddii ka dambeysay falkaasi, iyaga oo watay mindiyo iyo mobile-kii ay ka qaateen wariyaha. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal iyo dhac intaba. The post Wariye ka howl-galayey BOOSAASO oo mindi lagu dhaawacay appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay, in aysan waxba ka beddeli doonin go’aankii mudda kordhinta hay’adaha dowladda, kaas oo uu ansixiyay Aqalka hoose ee Baarlaamnka dalka. Warkan waxa laga soo xigtay wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyay BBC-da, islamarkaana ka hadlay tallaabada Midowga Afrika ku dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka. “Waxba iskama aanay badelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl baarlamaanka u taal” ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibadda. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dhex-dhexaadinta madaxweyne Farmaajo ka dalbaday guddoomiyaha Midowga Afrika Felix Tshisekedi, in uu fududeeyo wada-hadal dhexmara dowladda Federaalka iyo mucaaradka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan waxba iska beddelin go’aankii mudda kordhinta appeared first on Puntland Post.
-
Walter Mondale Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka xilligii Jimmy Carter, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, sida laga soo xigtay Qoyskiisa. Walter Mondale wuxuu ahaa 93-jir, waxaana qoraal ka soo baxay qoyskiisa lagu sheegay in uu geeriyooday, balse lama shaacin sababta geeridiisa. Mr Mondale, wuxu ka tirsanaa xisbiga dimoqraadiga, wuxuuna sanadkii 1984 u tartamay xilka madaxweynaha Mareykanka, inkastoo uu cod aqlibiyada leh uga adkaaday Ronald Reagan. Geeridiisa waxaa ka tacisiyeeyay madaxweyne, Jose Biden oo sheegay in Mondale uu ahaa ninkii ku soo dhaweeyay aqalka Senateka markii isaga oo da’yar uu ku soo biiray. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Walter Mondale oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland ayaa rasmiyan ula wareegtay daryeelka laba carruur ah oo todobaadyo ka hor haweenay uga dhuumatay Garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe. Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa shaaciyay in labada gabdhood oo da’doodu ka yartahay shan sano ay hadda dowladdu la wareegtay si ay u helaan daryeel iyo xannaano. Xafiiska ayaa sidoo kale u mahadceliyay Qoys mudda laba todobaad ah gacanta ku hayay labadan gabdhood oo lagu magacaabo SIMAN iyo SIDRA. Waxa xusid mudan in xafiisku aanu sheegin xiriirka ehelnimo ee ka dhexeeyay carruurtan iyo haweenayda uga dhuumatay gudaha Airport-ka Garoowe. PUNTLAND POST The post Garoowe: Dowladda oo la wareegtay carruur haweenay ka dhuumatay appeared first on Puntland Post.
-
Kinshasa (Caasimada Online) – Saacado kadib markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiag ah ee Congo, ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda, ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu soo saaray qoraal durba rajo tiray wada-hadalladaas. Qoraalladii hore ee wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxtooyada DRC ayaa labaduba lagu sheegay in Farmaajo doonayo in madaxweyne Félix Tshisekedi uu saamileyda Soomaalida u qabto wada-hadallo lagu gaaro heshiis doorasho, oo aan la shaacin wuxuu yahay. Hase yeeshee saacado kadib ayuu Farmaajo soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu doonayo inuu galo wada-hadallo ku saabsan qabashada doorasho qof iyo cod ah. “Waxaan soo dhoweynayaa in Midowga Afrika uu kaalin hogaamineed ka qaato fududeynta hanaan doorasho oo muwaadin kasta uu doorasho xor iyo dhex-dhexaad ah ku doorto wakiiladooda. Dhammaan saamileyda siyaasadda ayaa ka qeyb qaadan doona wada-hadallada mustaqbalka dimoqraadiyaddeena,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraalka uu soo dhigay twitter-ka. Qoraalka madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka muuqata inu weli uu ku dheggan yahay doorasho qof iyo cod ah, oo horey la isugu raacay inaysan suurta-gal aheyn in xilligan ay Soomaaliya ka dhacdo. Maamul goboleedyada qaar iyo mucaaradka ayaa horey u sheegay ku adkeysiga “qabashada” doorasho qof iyo cod ah ay tahay xeelad uu Farmaajo waqtiga ku luminayo, sababtoo ah afar sano oo uu madaxweyne ahaa xitaa hal maalin kama shaqeyn arrintaas. Qabashada doorashada qof iyo cod ayaa sidoo kale aheyd qiilkii uu Maxamed Mursal u adeegsaday labadii sano ee sharci-darrada aheyd ee uu ku kordhiyey muddo xileedka Farmaajo iyo kan xildhibaanada golaha shacabka. The post Farmaajo oo qoraal cusub ku rajo tiray dhex-dhexaadintii uu ka codsaday M/Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa dowaladda Masar iyo shacabkeeda uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka ee shalay ka dhacay gobalka al-Qalyuubiya ee waqoogiya dalkaas. Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la qeybsaneyso murugada dowladda Masar sidoo kalena ay garab taagan tahay walaalaha Masaarida. Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ilaah u naxariisto dadkii geeriyooday, caafimaadna siiyo dadkii ku dhaawacmay shilka. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo dadka aan walaalaha nahay ee Masar” ayaa lagu yiri bayaanka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo Masar uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Somalia Monday 19 April 2021 – Twenty-five Somali journalists from various regions in Mogadishu and other regional federal member states have participated in 2 –day Online training held from 17th – 18th April 2021 on respecting the safety procedures for Covid-19 prevention. Source: Hiiraan Online
-
The Somali National Army (SNA) has killed a senior al-Shabab operative and arrested two others in an operation in the Middle Shabelle region, a military officer confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Somalia said Monday that it would welcome the African Union taking a principal role in facilitating a process that would lead to dialogue between the government and other stakeholders in the country. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho hal maalin qaadatay oo uu kusoo bixiyey magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo (DRC). Soo laabashada Farmaajo ayaa aheyd lama filaan, ayada oo madaxtooyada ay horey u sheegtay in safarka uu qaadn doono laba maalmood, balse lagu soo koobay kaliya 24 saac. Ma cadda sababta loo soo gaabiyey safarka, hase yeeshee waxaa horey u jiray warar sheegayey in Farmaajo uu walaac ka qabay in inta uu maqan yahay ay xaaladda Muqdisho faraha ka baxdo ama magaalada gacantiisa ka baxdo, maadaama xiisad colaadeed ay ka taagneyd maalmihii tegay. Safarka Farmaajo ee Kinshasa ayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka geliyey is-beddel cusub, kadib markii uu ka codsaday madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi in isaga oo cayaaraya doorkiisa guddoomiyaha Midowga Afrika oo dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaaliya. Si kastaba, Farmaajo ayaa sidoo kale soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu doonayo inuu galo wada-hadallo ku saabsan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taasi oo u muuqata mid aan suurta-gal aheyn xilligan. “Waxaan soo dhoweynayaa in Midowga Afrika uu kaalin hogaamineed ka qaato fududeynta hanaan doorasho oo muwaadin kasta uu doorasho xor iyo dhex-dhexaad ah ku doorto wakiiladooda. Dhammaan saamileyda siyaasadda ayaa ka qeyb qaadan doona wada-hadallada mustaqbalka dimoqraadiyaddeena,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraalka uu soo dhigay twitter-ka. The post Farmaajo oo soo gaabiyey safarkii CONGO, kuna soo laabtay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu ku dhacay arrin uu toddobaad kahor uga digay madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in talada inta ay gacmaha Soomaalida ay ku jirto, gudaha dalkana lagu wada hadlayo uu xal gaaro, haddii uu ka dhega adeegana ka gudbi doonto xerada Afisyooni oo ay gaari doonto in Kambala ama dalalka kale ee Africa, oo uu xal ka raadin doono. Hadalkaasi ayaa xaqiiq noqday markii uu madaxweyne Farmaajo u ambabaxay dalka DR Congo kana codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaalida ee ku muransan arrimaha doorashada. “Maanta waa laga soo tegay Afisyooni ayey joogtaa, Afisyooni waa dhul Soomaaliyeed weli waa caasimadii Jamhuuriyadda, war waa la yaqaan waxaan horaa loo soo arkay Maxamadoow hadaad Buffalo fadhiday adiga, anagaa soo joognay waa la yaqaan wadadaas meesha ay ku dhamaato, berri Kambala yeynan ku dhamaan, waa ku celinayaa maanta meel fiican ayey joogtaa caasimadii dalka ayey joogtaa, Villa Somalia iyo meeshii maqaamka wey ka timid xero ciidan iyo garoonka diyaaradaha ayey maanta joogtaa yey ka bixin beri ee boorsooyinka anagoo sii xerxeraneyno, jaakadaha sii dhuuqsaneyno yaan nala arkin oo aan sii socono,” ayuu yiri Xasan Sheekh Madaxweynihii hore isagoo intaa raaciyay in dadka iyo dalka intaasi ka mudneyn, awood iyo qorina dalka lagu haysan karin. Hadalkaasi dhaxal-galka ahaa ee Xasan Sheekh ayaa maanta noqday mid dhaboobay, markii uu Farmaajo ka codsaday madaxweynaha DR Congo inuu dhexdhexaadiyo Soomaalida, taasi oo sidoo kale meesha ka saartay dooddii Farmaajo ee aheyd inuusan dooneyn faro-gelin shisheeye. Tallaabada madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale bahdilaad iyo karaamo xumo ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdoodii hore oo muujiyay sharaf iyo karaamo inay u taagan yihiin dimuqraadiyad soo jireen ah. Tallaabada uu qaaday Farmaajo ayaa ka dhalatay aqbalaad la’aanta soo jeedinta tallooyinka mucaaradka, maamul goboleedyada iyo in uu ku fashilmay mudo kororsiga labada sano oo uu xaqiiqda ogaaday in aysan soconeyn wax aan raali laga wada aheyn. Ali Muhiyaddiin Caasimada, London The post Madaxweyne Farmaajo oo ku dhacay arrintii uu Xasan Sheekh uga digay + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Muxuu daraa kulankii dhexmaray Farmaajo & M/weynaha Dalka Koongo Farmaajo iyo Felix Tshisekedi Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tegay magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyadda Diqomraadiga Congo ayaa la kulmay madaxweynaha waddankaas Felix Tshisekedi. Labada madaxweyne ayaa la sheegay inay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada waddan sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Soomaaliya. Waxay kaloo warbaahinta dawladda Soomaaliya sheegtay inay ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika u ka ciyaaro horumarka Afrika. Maaxweynaha DRC waa Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sannadkan. Dhinaca kalena, madaxtooyada DRC ayaa sheegtay inay labada madaxweyne ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. Madaxtooyada DRC waxay sheegtay inay labada madaxweyne yeesheen wadahadalo socday muddo laba saacadood ah. Waxay sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday madaxweyne Tshisekedi in isagoo ciyaaraya doorkiisa madaxeynaha Midowga Afrika inuu fududeeyo islamarkaana dusha kala socdo wadaxaajood dhexmara saamilayda Soomaaliya. Waxay sheegtay in madaxweynaha DRC uu soo dhoweeyey soo jeedinta madaxweynaha Soomaaliya inuu Midowga Afrika u furo dhammaan Soomaalida sidii loo gaadhi lahaa xal iyo nabad waarta. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa xaqiijisay codsiga Farmaajo. Qoraal kasoo baxay wasaaradda oo lasoo dhigay twitter ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu yiri “Dowladda federaalka ayada oo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo.” Qaran News
-
Sababta Aniga & Sambuus aan isku macsalaameynay Bisha Ramadaan Sambuusku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka fudud ee caanka ka ah magaalooyinka Soomaalida. Bisha Ramadaanka dad aad u badan oo awooda dhaqaale ahaan ayaa jecel in ay ku afuraan. Anigu shakhsi ahaan, aad uma jecli sambuuska, oo wuu ku yaraa magaalada aan yaraanteydii kusoo barbaaray. Kama caagganeyn cunistiisa, laakiin haddana kama mid ahayn cuntooyinka aan joogtada u cuno. Maaddama aanan ku fiicneyn cunto karinta, war uma heynin howsha iyo dhibka laga maro diyaarinta sambuuska. Waxaanse ku baraarugay arrintaa dhowr sano ka hor, taas ayaana igu dhalisay in aan joojiyo in aan ku afuro sambuuska ama gurigeyga lagu sammeeyo bisha Ramadaan iyo bilaha kaleba. Sababta aan u joojiyay Waxaa igu qasbay inaan joojiyo in anigoo ka shaqeynayay magaalada Muqdisho ay waddadii aan shaqada u mari jiray ay xirantay maalin maalmaha ka mid ah, Muddo ayaan sugay bal inaan xeeladeysan karo oo aan waddo kale ka soo wareegi karo. Laakiin wey igu adkaatay, waxaana ku qaasbanaaday in aan guriga iska joogo maalintaas. Subaxdaas waxaa guriga ka socotay howsha sambuus sameyska, oo ay ku jireen xaaskeyga iyo gabdho walaalahey ah oo guriga nagula noolaa. Intaan la fariistay ayaan ku iri, maanta sambuuska ayaan idinla sameynayaa ee gambar ii keena. Waxaa la ii dhiibay howshii lagu fidinaayay foolyada oo aan khibrad saas u weyn u baahneyn Maalintaas waxaan goobjoog u ahaa howsha sambuus sameynta min billow ilaa dhammaad; qasida burka, rifaaqiddiisa, foolyada sambuuska fidinteeda, jarjariddeda, iyo isku laabiddeeda, ka bacdina shiididda hilibka iyo qudaarta lagu dhex shubayo sambuuska. Burjikooyinka ayaan wax ka shiday, foolyada ayaan wax ka laallaabay iyo waliba buuxinteeda iyo isku dhedhejinteeda. Markii dhowrkii xabbo ee ugu horreeyay jaga-gacdooda ay yeertay ayaan guriga ka baxay oo aan xaafadda walaashey iga yar soo aaday, si aan usoo salaamo. Sidoo kale, guriga walaashey waxaa ka socotay howl sambuus dubid ah oo intii aan soo arkay la maraayo. Galab-gaabkii ayaan guriga kusoo laabtay, iyadoo sambuuskii dubiddiisa ay dhammaatay, oo isagoo midabka dahabka oo kale leh saxamo lagu shubay, oo u diyaarsan in lagu afuro. Waxaan xisaabiyay inta saacadood ee ay qaadatay sameynta sambuuskaas oo aan ka yareyn 7 saacadood. Aakhirkiina kusoo dhamaaday bur la dhex galiyay hilib iyo qudaar. Markii aan afurnay ayaan isugu yeeray xaaskeyga iyo gabdhihii kale. Waxaan kala sheekeystay dhibka laga maro sambuuska ee aan maanta arkay, ayaguna ay maalin walba kujiraan, farahana uga gubtaan. Waxaan u cuskaday in sambuus si kasta ha u macaanaadee uusan istaahilin in waqtigaa iyo daalka intaas la eg lagu bixiyo oo intaas oo fara-murux ah loo maro. Waxaan ku iri: ka warrama haddii sambuus aan iska dhaafno sidiisaba, oo dhibkiisa ay ka nastaan. Dood dheer ka dib waxaan isku waafaqnay in caawa ay ugu dambeyso in gurigaan sambuus laga dubo. Markii ay gabdhihii aad iila doodeen waxaan ku iri “Aniga sambuus idiinma diidaayo, laakiin aniga kuma jiro, haddaad adinka rabtaan khiyaarkiin, laakiin yaan la isoo hor dhigin caawa ka dib. Habeenkaas ayaan aniga iyo sambuus afurkiisa aan is macasalaameynay, gabdhahana waxaan uga cudur daartay dhibkii horey ugu gaaray sammeyntiisa. Hadda reerkeygu wey ka nasteen sambuus howshiisa, intii dhowr sano ah. Markii ay carruurteydu ‘yiraahdaan ama dhahaan sambuus baan rabnaa’, waxaan ku iraahdaa ‘laamiga ka soo gata’. Dhacdada sheekadan oo aan iyadoo kooban la wadaagay asxaabteyda Facebook, waxay ku noqotay lama filaan, muddo ka dibna qaar badan oo ka mid ayaa qaatay go’aan la mid keyga, waxeyna noqotay sheeko qosol iyo xannun labadaba leh oo la is dhaafsado. Ka sokow sambuuska, waxaaba jirta in ragga soomaalida badankoodu aysan ka warqabin wax ka socda jikada dhexdeeda, oo gabdhaha keliya loo daayay, oo ay la aamusan yihiin daal iyo rafaad. Waana arrin u baahan in dood laga furo mujtamaca dhexdiisa. Waxaan soo xusuusatay oraah ay tiri gabadha qoraaga ah ee reer Nigeria oo lagu magacaabo Chimamanda Ngozi Adichie oo ahayd: “Aqoonta cunto-karintu ma ahan wax ay gabdhuhu caloosha hooyadood kaga soo bexeen oo dheddignimda ku laran”. Inta sambuuska jecel ee guryahooda laga sameeyo waxaan kula talinayaa in ay hal mar ka qeyb qaataan sameyntiisa, ka bacdina ay ka talo bixiyaan haddii sambuus istaahilo intaas oo dhib iyo howl ah. Qaran News
-
Dagaal ka dhex Qarxay Qowmiyadaha Oromada & Amxaarada Itoobiya oo dhimasho & Dhaawac badan sababay+Magaalooyin la gubay Hanti badan ayaa lagu gubay magaalada Ataye Wasaaradda Gaashaandhigga ee Itoobiya ayaa xayiraad ah iney shacabku hub qaadan Karin ku soo rogtay gobollada deegaanka Amxaarada ka tirsan oo ay maalmahanba dagaallo ku dhex marayeen qowmiyado halkaasi wada dega. Wasaaraddu waxay sheegtay ciidammo dowladda dhexe ka tirsan oo si gaar ah gacanta uga hayo deegaannada ay dagaallada ka dhaceen in howl galiyey ciidamaduna amar lagu siiyey iney tallaabba ka qaadan cid kasta oo lagu arko meel hoygeeda ka baxsan hub ku qaadato. Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Itoobiya oo bayan a soo saartay xaaladda amni ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay dagaalladi ka dhacay Bariga deegaanka Amxaarada si wax looga qabto ciidamada qaranka in laga howl geliyey. Rabshadihi qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ee wada daga gobollada ay dagaallada ka dhaceen oo hoos taga deegaanka Amxaarada dad badan ayaa ku naf waayey iyaa oo ay hanti bandanna ku burburtay. Wasaaradduna waxay sheegtay inta uu dhaxeeysa magaalooyinka Debresina iyo Kombolcha waddooyinka waaweyn oo ku yaalla ilaa iyo 20 km qof qori wato inan lagu arki Karin. Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa xayiraad dhanka hubka ah ku rogtay qeybo ka mid ah deegaanka Amxaarada, ka dib dagaallo maalmo socday. Xayiraadda ayaa ah in shacabka aysan hub qaadan karin, si looga hortago colaadda u dhexeysa qowmiyado halkaas wada dega. Wasaaradda waxay sheegtay in ciidammo dowladda dhexe ka tirsan, oo si gaar ah gacanta uga hayo deegaannadaas, lagu amray in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo lagu arko meel hoygooda ka baxsan iyagoo hub ku haysta. Ciidamadan ayaa ka howlgala deegaannada dagaallada ay ka dheceen ee gobolka Amxaarada. Waxaana loo xilsaaray ammaanka waddooyinka in ay gacanta ku hayaan. Waxay sida oo kale wasaaraddu sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii isku dayda inay xirto jidadka, kaniisadaha ama masaajidda, ay gubaan hay’adaha u adeegga bulshadana oo ay waxyeelleeyaan. Ciidamada gaarka ah waxaa amar lagu siiyey in ay tallaabo ka qaadaan qofkii isku deya in uu ku xadgudbo xayiraadaha ay wasaaradda ku soo rogtay deegaannadaas. Qaar ka mid ah shacabka ku nool goobaha ay maalmihi ugu dambeeyey qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ku dagaallamayeen, waxay BBC u sheegeen in dagaallada ay ahaayeen kuwa la isu adeegsanayey hubsi culus oo cabsi badan abuuray. Sida wararku sheegayaan, dhinacyada dagaallamaya waxay si gaar ah u beegsanayeen goobaha lagu cibaadeysto. Rabshadaha magaalada Attaaye ka bilalawday waxay ku sii fideen magaalooyinka iyo tuulooyinka ka dhow. Labada dhinac uu dagaalka dhex maray, midba kan kale wuxuu ku eedeynayaa in uu gardarada dagaal billaabay. Laamaha ammaanka ee Itoobiyana waxay sheegeen in dagaalladaas ay qayb ka ahaayeen maleeshiyaadka jabhadda OLF, garabka heshiiska nabadeed ka baxay ee Oromada. Hay’adda Cabashooyinka Shacabka ee dalka Itoobiya oo soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP, waxay sheegtay in toddobaadkii la soo dhaafay rabshadihi ka dhacay gobollo ka mid ah deegaanka Amxaarada ay ku dhinteen ugu yaraan 300 oo qof oo rayad ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble xalay uu la yeeshay odayaasha beesha Habar Gidir ee taageersan dowladda ayuu ku caddeeyay in dowladda waqtigeeda dhamaaday aysan duulaan iyo weerar ku qaadi doonin taliyihii guud ee ciidamada booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon oo xilkii iyo darajadii todobaadkii hore uu ka xayuubiyay madaxweyne Farmaajo. Suldaanka beesha Habar Gidir, Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho xalay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu damaanad qaaday in dowladda xiligeeda dhamaaday aysan duulaan ku aheyn deegaanka Shiirkole oo fariisin uu ka dhigtay Jen. Saadaq Joon. “Ra’iisal wasaarahu wuxuu noo damaanad qaaday in dowladda aysan duulaan ku aheyn Shiirkole, Saadaq-na aysan duulaan ku aheyn arrinkaasina ay jacel yihiin qaab wada hadal ah iyo is-fahan in lagu dhameeyo,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud oo ka warbixinayay wixii ay isla garteen Ra’iisul wasaare Rooble iyo waxgaradka beesha Habar Gidir. Suldaan Mahdi Cabdirisaaq ayaa meesha ka saaray welwelka iyo cabsida maalmahaan ka jirtay Muqdisho, isagoona sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii loo baajin lahaa dhibaato soo gaarta shacabka deegaanka Shiirkole degan, islamarkaana aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadkaasi oo ay mas’uuliyadeeda ay qaadeen. Wuxuu tilmaamay Suldaanka in ra’iisul wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle ay ku madalaan siyaasadda beesha Mogadishu Clan, wixii wanaag ahna ka wada shaqeynteeda ay qeyb ka yihiin cid walba oo dhaqanka ugu horeeyo. Sidoo kale, wuxuu Suldaan Mahdi uu tilmaamay in xildhibaanada Mogadishu Clan ee habeenadaan ku baaqayay difaaca Saadaq Joon inay la kulmi doonaan, isagoona ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale inay nabadda iyo xasilloonida dalka ka shaqeeyaan. The post Video: Rooble oo odayaal Habar-gidir ah u sheegay qaabka ay u wajahayaan arrinta Jen. Saadaq Joon appeared first on Caasimada Online.
-
President Mohamed (left) with President Tshisekedi in Kinshasa today. Mogadishu (PP News Desk) — The President of the Federal Republic of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed, who is visiting Democratic Republic of the Congo, has expressed support for an African Union mediator role to break the electoral impasse in Somalia. “I welcome @ AfricanUnion to take a leading role in facilitating an election process in which every citizen elects their representatives through free and fair elections. All Somali stakeholders will actively participate in the dialogue on the future of our democracy” tweeted President Mohamed. Western countries have pressed the Federal Government of Somalia to return to talks for 17 September Electoral Model following a controversial extension of the government’s mandate. The African Union maintains peacekeepers in Somalia and is viewed by stakeholders as impartial. The Somali Federal Government’s volte-face stands in sharp contrast to its past stance against foreign mediators in the electoral talks. President Félix Tshisekedi of the Democratic Republic of the Congo, who chairs the AU, held a two-hour meeting with President Mohamed in Kinshasa and said that his counterpart had welcomed the AU to facilitate negotiations among Somali political stakeholders. © Puntland Post, 2021 The post Somalia President Welcomes AU Mediator Role in Electoral Talks appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo ku dhow safaaradda Mareykanka iyo xafiiska Midowga Yurub ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Farmaajo uu wakiilada caalamka u sheegay in wax kasta oo ka dhasha muddo korarsiga uu mas’uuliyaddeeda leeyahay guddoomiye Mursal. Farmaajo iyo wakiilada beesha caalamka ayaa 17-kii bishan April, oo ku beegneyd Sabtidii, ku kulmay teendhada Afisyoone. Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Farmaajo uu wakiilada caalamka hortooda dhowr mar ka sheegay in muddo korarsiga uu yahay go’aan uu qaatay Golaha Shacabka, islamarkaana ay u madaxbanaan yihiin go’aannadooda, wixii ka dhashana ay mas’uul ka yihiin guddoonka Golaha. Sidoo kale Farmaajo ayaa wada-shaqeyn ku tilmaamay inuu saxiixo go’aanka Golaha Shacabka ay ka gaareen arrimaha doorashada, isagoo sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in Goluhu ka laabtaan go’aankaas. Wakiilada beesha caalamka ayaa diiday soo jeedinta Farmaajo ee in wax kasta ay mas’uul ka yihiin Golaha Shacabka, balse waxaa la sheegay in guddoonku uu qeyb ka noqon doono shaqsiyaadka wax ku leh dhibkii dhaca ama la saari karo cunaqabataynta. Ma ahan markii koowaad ee Farmaajo dano siyaasadeed marsado Mursal kadibna uga baxo. Kahor heshiiskii doorashada ee September 17, Mursal ayaa meel-mariyey sharci doorasho oo qof iyo cod ah, hase yeeshee waxaa meesha ka saaray Farmaajo oo markii horeba ka dhaadhiciyey Mursal inuu sidaas sameeyo. Haddana, waxaa suurta-gal ah in cadaadis kadib Farmaajo sharcigan iska tuuro dibna ugu laabto wada-hadallada doorashada. Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa kulankii la sheegay in ay u sheegeen in uu beddelo mowqifka ku saabsan muddo korodhsiga dibna loogu laabto wadahadal iyo wadar-oggol. Farmaajo ayaa la sheegay in uusan markiiba siinin jawaab balse lagu soo kala tagay is-faham in la isku soo laabto. The post Xog: Farmaajo oo eedda muddo kororsiga dusha u saaray guddoomiye Mursal appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynahihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho hal maalin ah ku tagay Kinshasa, oo ah caasimadda Democratic Republic of Congo (DRC) ayaa dalbaday in la dhexgalo isaga iyo mucaaradka. Farmaajo oo kulan 2 saac ah la qaatay Madaxweynaha Congo oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika Felix Tshisekedi ayaa codsaday inuu dhexdhexaadiyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo saamileyda Soomaaliyeed. Talaabo u eg waqti dheereysi iyo ka cararidda reer galbeedka, waxaa uu Farmaajo ku dooday in Afrikaanka ay tahay iney dhexdooda is xaliyaan. Warar ayaa sheegaya inuu arrintaas soo dhoweeyey madaxa Midowga Afrika Felix Tshisekedi. Dhanka kale qoraal lasoo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya aya lagu sheegay in dhankiisa uu Farmaajo balan qaaday qabashada Doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
