Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,311
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Keydka ay u soo direyso gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howl-galka Midowga Afrika AMISOM ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab. Ciidamadan oo gaaraya illaa 2,752 oo askari ayaa haatan ku sugan xarunta tababarada taageerada Nabadda ee Singo, si loogu tababaro halkaasi. Uganda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadaasi ay Soomaaliya soo gaarayaan inta u dhaxeysa bisha October ee sanadkan, illaa bartamaha sanadka kale ee 2022-ka. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay dowladda Uganda in ciidamada ay soo direyso ay bedali doonaan kuwa kale oo ku sugan Soomaaliya oo dhameystay joogitaankooda. Wadanka Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ay ka socdaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee haatan howl-gallada ka wada gudaha Soomaaliya, waxaana ay garab siiyaan ciidamada Xoogga dalka ee haatan dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab. Si kastaba howl-galka AMISOM ayaa soo billowday sanadkii 2007-dii waxaana tan iyo markaasi ciidanka Midowga Afrika ay howl-gallo ka wadaan gudaha Soomaaliya.
  2. Somali businesses have played and continue to play a major role in the country’s recovery. The Somali private sector is one of the few beacons that still shine despite a devastating civil war which scarred an entire nation and its population. Source: Hiiraan Online
  3. Qalab ballaaran oo loogu tala-galay dhismaha wejiga saddexaad ee dekedda, ayaa saaka oo Khamiis ah gaaray magaalada Garacad ee Gobolka Mudug. Qalabkan cusub ayaa ka kooban gaadiidka waaweyn ee dhagxaanta qaada, Cagafyada dhagxaanta jebiya, Haamaha waawen ee shimitada lagu qaso iyo daawooyinka shubka lagu qallajiyo. Guddiga gacanta ku haya dhismaha dekedda, ayaa sheegay in uu heer geba-gabo ah marayo dhismaha, islamarkaana si dhakhso ah loo dhammaystiri doono wejiga saddexaad. Dhismaha dekedda Garacad oo ku socda qaab isku-tashi bulsho ah, waxaa maal-gelinaya Ganacsatada Reer Puntland, gaar ahaanna Gobolka Mudug, oo kaashanaya shacabka iyo dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Qalab ballaaran oo la gaarsiiyay dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynihii dalka Tanzania John Magufuli ayaa Arbacadii u dhintay wadno xanuun kadib shan sano oo uu xukunka hayey, waxaa sidaas sheegtay madaxweyne ku-xigeenka Tanzania. Magufuli ayaan muddo saddex toddobaad ah la hayn war iyo wacaalkiisa, taasi oo abuurtay xan ku saabsan inuu xanuusanaa, ayada oo mucaaradka Tanzania ay sheegeen inuu ku dhacay cudurka Coronavirus. “Waxaan aniga oo si aad u qoto dheer uga xun idinka wargelinayaa in maanta 17-ka March, saacadda 6:00pm aanu weynay hoggaamiyaheenii geesiga ahaa, madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania John Pombe Magufuli,” ayey tidhi madaxweyne ku xigeenka Tanzania Samia Suluhu Hassan Waxa ay intaas ku dartay in Magufuli uu “wadno xanuun” uu muddo qabay ugu dhintay cisbitaal ku yaalla Dar es Salaam. Waxa ay sheegtay in markii ugu horreysay si kooban loo dhigay cisbitalka Jakaya Kikwete Cardiac Institute, 6-dii March, balse kadib laga saaray. Hase yeeshee Magufuli uu 14-kii March mar kale dareemay xanuun oo loola cararay cisbitaalka Emilio Mzena Memorial Hospital ee Dar es Salaam Magufuli ayaa markii ugu dambeysay si shaacsan loo arkay 27-kii Febraayo, waxaana uu saddex Axad oo isku xigta aanh ka qeyb-galin Kaniisadda oo uu tegi jiray Axad kasta kana jeedin jiray khudbado xiiso leh. Hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa sheegay in Magufuli uu qaaday Coronavirus, islamarkaana lagu soo daweynayey dalka dibaddiisa. Magufuli ayaa la doortay 2015-kii, wuxuuna ku caan baxay inuu ahaa hoggaamiye la dagaalama musuq-maasuqa taasi oo shacabka jecleysiisay, hase yeeshee wuxuu kadib ku dhacay kali-talisnimo isaga oo billaabay inuu cabudhiyo warbaahinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah Wuxuu beeniyay jiritaanka Coronavirus markii uu soo shaac baxay, hase yeeshee wuxuu kadib soo jeediyey in duco lagu wajaho cudurkan intii la xiran lahaa af-xirka. Waxa uu sidoo kale ku jees-jeesay cudurka, isaga oo sheegay in tijaabo uu ka qaaday xoolo, babaay iyo khudaar kale ay soo saareeen natiijo ah in cudurka uu ku jiro, isaga oo ula jeeda inuusan jirin cudurkan. Source
  5. Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay geeridii ku timid madaxweynihii Tanzania John Magufuli. Qoraal uu soo madaxweyne Farmajao bartiisa witter-ka ayuu tacsi ugu diray dowladda iyo shacabka Tanzania, kadib geerida ku timid John Magufuli. “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed, waxaan jeclahay inaan tacsi tiiraanyo leh u diro Jamhuuriyadda Midoobey ee Tanzania geeridii ku timid Madaxweyne John Magufuli,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Magufuli ayaa u dhintay wadno xanuun, wuxuuna ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalkaasi. View the full article
  6. Durban - Feeling oppressed in their own countries due to wars, political infighting and poverty, foreign nationals travelled to South Africa for a chance at a better life. Before they arrived, they heard that the country would provide them with job opportunities, safety and equality. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - Somalia will conclude its legal case to the ICJ on Thursday at the Peace Palace in The Hague, the international court confirmed in a statement. Source: Hiiraan Online
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ay ka wada hadleen sidii doorasho nabdoon oo daah furan dalka uga dhici lahayd. Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeya, isagoo faahfaahiyay arrimihii ay isla soo qaadeen. “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaan ka wada hadalnay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, doorasho loo wada dhanyahay, in laga wada shaqeeyo dhamaan dadka ay quseyso saamileyda guud, in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoonyahay, Soomaalida oo dhan meelkasta oo ay joogaan ay qeyb ka yihiin, waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta iyo qaabilaaddii maanta.” Ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle. View the full article
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-1832021.mp3 View the full article
  10. In Somalia, late instar hopper bands are present in the northwest (Somaliland) and the northeast (Puntland) where a limited number of immature swarms continue to form. Other areas in the northeast are likely to contain locusts but cannot be accessed. Source: Hiiraan Online
  11. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sheegtay inay maanta soo geba-gebyn doonto dhageysiga kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomalaiya iyo Kenya. Maxkamadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kadib dhageysiga maanta ay guda geli doonto gaarista go’aanka kiiskan, islamarkaana ay xukmin doonto, inkasta oo aysan shaacin waqti rasmi ah. Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto. Sidaas darteed, ayey tiri maxkamadda, Soomaaliya ayaa maanta soo gudbin doonta dooddeeda ugu dambeysa, saacadda magaalada Hague marka ay tahay 3:00pm, taasi oo ku beegan 5:00pm xilliga Muqdisho. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa shalay ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya. Go’aanka Maxkamadda ay ku diiday codsiga Kenya ayaa fursad weyn u ah Soomaaliya, iyo qareenada matalaya, sababtoo ah Kenya ma ka haysato fursad ay isku difaacdo.
  12. "Ramla has the ingredients to become a very successful professional fighter"; trainer Joby Clayton is confident Ramla Ali will shine on the undercard of Lawrence Okolie’s world title fight against Kryzsztof Glowacki on Saturday night, live on Sky Sports Source: Hiiraan Online
  13. If there’s something that is not working for a Minnesota student or their family at their school, Mustafa Diriye wants to hear about it. Source: Hiiraan Online
  14. Qaahira (Caasimada Online) – Xiriirada siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ayaa isku badbadalaya si joogto ah, waxaana kamid ah xiriirka Masar iyo Soomaaliya kaa oo u muuqda mid ay Soomaaliya dhexdhexaad ka istaagtay Biyo xireenka Webiga Nile oo Masar iyo Itoobiya ku muran sanyihiin. 8-dii March 2021 madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa ku qaabilay Qasrigiisa Qaahira Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Masar Ilyas Sheekh Cumar, isla maalintii laga gudoomay waraaqaha safiir nimo waxa uu Ilyaas soo saaray war saxaafadeed uu ku muujinayo sida ay Soomaaliya rajo weyn ugu qabto sidii u sii socon lahaa xiriirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya Masar. “ Sharaf weyn iyo taariikhi ayey ii tahay inaan waraaqaheyga aqoonsi ku wareejiyo madaxweyne Alsisi” ayuu ku yiri bilowga war saxaafadeedka, wuxuuna safiirka hoosta ka xariiqay xiriirka faca weyn ee Soomaaliya iyo Masar, iyo in Masar ay kala shaqeyso Soomaaliya heshiisyo isfaham ahaa oo ay kala saxiixdeen Labada dowladood sanadihii 2015 iyo 2019 kuwaa oo ku saabsanaa waxbarashada, caafimaadka, Beeraha, Xoolaha, ganacsiga iyo Kaluumeysiga. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa 5-tii March soo saartay war murtiyeed ay ku cambaareyneyso qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaraxii maqaayadda Luul Yameni oo dad shacab dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay. Masar waxey sheegtay iney Soomaaliya ku garab taagantahay sidii looga adkaan lahaa argagixsada Al shabaab si dalka loogu soo celiyo amni iyo kala dameyn. Zakaria Othman, oo horay u ahaa cilmi bare katirsan Machadka Daraasadaha Afrika iyo Carabta ayaa wargeyska Al-Monitor u sheegay in Masar ay sanadihii ugu dambeysay ahmiyad siineysay wadamada Afrika si looga adkaado argagixsada, wuxuuna noqday tiir aas-aas u ah siyaasadda arrimaha Dibadda ee Masar. Waxa uu intaa ku daray Sakariye in Masar ay bilowday xoojinta xiriirka Afrika, markii uu xoogeystay muranka kala dhaxeeyo Itoobiya ee ku aadan webiga Nile, dowlado ay kamid tahay Sudan iyo Koofur Afrika ayuu sheegay iney kula jirto heshiis Military. “Si walboo ay ahaato in Masar ay xiriir dhaw la yeelato Afrika gaar ahaan Soomaaliya iney ka caawiso la dagaalanka argagiixsada iyo wada shaqeyn dhanka ganacisga iyo dhaqaalaha waxey Masar uga fadhisaa mid qaas ah maamadama Soomaaliya ay xuduud la leedahay Itoobiya oo muran dhanka webiga Nile uu kala dhaxeeyo ” Wargeyska Al-Monitor. Sanadihii ugu dambeeyay Masar waxey kor u qaadeysay xiriirka wadamada Sudan, Koofurta Sudan iyo Eritrea kuwaa oo dhamaantood xuduud la leh Itoobiya, warbaahinta ayaa sidoo kale tabisay in Dowladda Masar ay wado qorshe ay saldhigyo Militery uga dhiseyso Soomaaliya, Koofurta Sudan, iyo Eritrea. Cilmi bare sare oo Masaari ah kana faalooda arrimaha Afrika oo diiday in magaciisa la sheego ayaa xusay ujeedka ay Masar xiriirka ula yeelaneyso wadamada Afrika ee xuduuda la leh Masar oo Soomaaliya ay ku jirto kuwaa oo sidoo kale xubin ka ah Jaamacada Carabta ama Midowga Afrika iney tahay sidii Itoobiya cunaqateyn loo saari lahaa, una codeyn lahaayeen hadii ay dhagaha ka fureysato wadahallada Masar kana shaqeyso buuxinta biyo xireenka Webiga Nile iyadoo aan heshiis la gaarin. “Xitaa hadii aysan ku guuleysan Masar cadaadiska ay saareyso dowladaha iyo ururada caalamiga ah ee ku aadan iney cunaqateyn ku soo ragaan Itoobiya ,waxey saameyn dhaqaale ku yeelan doontaa Addis Ababa, maadama Itoobiya ay tahay dal Bad la’aan ah ayna ku tiirsantahay dekado ku yaala Eritera iyo Masar, waxaa suuragal ah iney Itoobiya u taag heliweyso buuxinta webiga” Cilmi bare sare oo Masaari ah ayaa sidan u sheegay Al-Monitor. Sanadii 2020 waxey Masar geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii dhowr dowladood iyo dhowr urur ay u soo saari lahaayeen go’aan ka dhan ah biyo xireenka ay rabto iney buuxiso Itoobiya, xiligaas Soomaaliya wey ka aamustay,waxaana March 2020 uu sheegay wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya iney Dowladda Federalka diyaar u tahay dhexdhexaadinta dowladaha isku haya Webiga Nile. Sidoo kale Masar ayaa xiriir dhaw la yeelatay maamulka iskiisa ugu dhawaaqay madax banaanida ee Somaliland waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen iney saldhig Militery ka furan rabto, Dowladda Federalka Soomaaliya ayaana booqashadaas ka xumaatay. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: Wargeyska Al-Monitor
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Dadka degan Lamu waxay lumin doonaan xuquuqdooda kalluumeysi, haddii maxkamadda ICJ ay Soomaaliya u xukmiso dhul-badeedka ay dacwaddiisa qaadeyso, waxaa sidaas maxkamadda u sheegay Kenya. Kenya ayaa ku doodeysa in xuduudda badda ee labada dal lagu salleeyo loolka ama xagal qalloocan oo dhinaca Soomaaliya soo aadeysa. Loolka ayaa Kenya siinaya qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya. Qareenada Soomaaliya ayaa sheegay inay Soomaaliya mowqifkeeda tahay in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda dhulka. Qareenada Soomaaliya waxay sheegeen in xadaynta badda ee noocaas ah loo adeegsaday xukunnadii hore ee maxkamaddu go’aamisay ee ku aaddan badaha waddamo uu muran ka dhexeeyey sida Bangladesh iyo Myanmar oo kale. Haddii maxkamadda ICJ ay kiiska u xukmiso Soomaaliya, Kenya ma weyn doonto dhul ka maqan balse waxay weyn doontaa dhul badeed aysan laheyn oo hadda ay kalluumeysatada dalkaas uga kalluumeystaan si sharci-darro ah. Kenya ayaa dokumentiyo ay u gudbisay maxkamadda ku dooday in kalluumeysiga uu yahay 80 dakhliga bulshooyinka ku nool Lamu. Kenya ayaa sidoo kale ku dooday in hadduu dhulka la isku hayo loo xukmiyo Soomaaliya uu aad u yaraan doono dhul-badeedka Kenya, taasi oo sida ay ku dooday xadidi doonta dhaq-dhaqaaqa maraakiibta.
  16. Dalka Imaaraat-ka Carabta oo tijaabinaya diyaaradaha Drones-ka oo Daruuraha Bacrimiya si ay u darooraan ama Roob hooraan . Dalka Imaaraat-ka ayaa tijaabinaya diyaaradaha loo yaqaan Drones-ka ee aan duuliyaha lahayn nooc ka mid ah oo daruuraha marka ay u baxaan ku sii daaya maayad danab ah oo dhalisa roob. Dalkaas ayaa haatan ba hore u adeegsanayey tiknoolajiyada daruuraha bacrimiya oo waxa daruuraha dusha lagaga daadiyaa cusbo si loo cariyo in ay darooraan. Hase yeeshee maadaama oo celcelis ahaan roobka Imaaraadka sannadkii ka da’aa uu yahay 100mm, ayaa dalku waxa uu doonayaa in uu helo xaddi intaa ka badan. Sannadkii 2017 ayaa dawladdu ku bixisay sagaal mashruuc oo kala duwan oo kuwa daruuraha lagu bacrimiyo ah 15 milyan oo doolar. Saynisyahanno ka socda Jaamacadda Reading ee dalka Ingiriiska ayaana mid ka mid ah mashruucyadaa hormuud ka ah oo wada. Mashuurcaas ayaa ujeedadiisu tahay in wax lagaga bedelo isku dheeli tirnaanta maayada danabka ah ee daruuraa sida uu sheegay borofesoor Maarten Ambuam, oo mashruucaas ka shaqeeyey. “Biyaha dhulka hoostiisa ku jira ee dalka Imaaraadu aad bay u yaraanayaan, markaa ujeedada mashruucani waxa weeyi in la isku dayo in roobka di’idiisa la carin karo” ayuu yidhi isaga oo BBC-da la hadlayey. Sidoo kale “dalku ma laha daruuro badan” markaa qorshuhu waxa weeyi in qoyaanka hawada ku jira la isku ururin karo si uu daruuro u noqdo oo la isku dhejiyo ” waa sida timo qoyan oo la feedhayo” marka maayada negi ee timaha la cariyo, ayuu yidhi. “Marka qoyaankaas badani isku ururo ayuu dhibco waaweyn oo biyo soo daadan kara ah noqdaa”. Agaasimaha xarunta cilmi-baadhista carinta roobka ee Imaaraat-ka, Calyaa Al-Masruuci, oo la hadashay wargeyska Arabnews ayaa tidhi “qalab danab maayad ah sii daynaya ayaa lagu rakibayaa diyaaradahaa aan duuliyaha lahayn oo joog hoose ku duulaya, waxaanay arintaasi carinaysaa in daruuruhu biyo sii daayaan”. Daraasadan ayaa wax tarkeeda la qiimayn doonaa, iyadoo rajona laga qabo in lacag badan oo dheeraad ah lagu bixiyo si diyaarado kuwan haatan ka waayen mustaqbalka loo adeegsan karo. Qaran News
  17. Madaxweynihii Baaldoosarka ee Tanzania oo Geeriyooday+Taariikh Nololeedkiisa John Pombe Magufuli, wiilka nin beeralley sabool ahaa, isla markaana noqday madaxweynaha Tanzania sanadkii 2015, ayaa geeriyooday isaga oo jira 61 sano. Waxaa mar lagu ammaanay hannaankiisii diidmada waxyaabaha uu micnodarrada u arkayay, wuxuu noqday hoggaamiye hadalladiisu ay ahaayeen kuwo muran dhaliya, gaar ahaan sidii uu uga jawaabay xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Waxaa mar labaad la doortay sanadkii 2020 iyadoo ay jirtay in mucaaradku ay ku eedeynayaan ku shubasho iyo hanjabaad. Kahor inta uusan madaxweyne noqon waxaa lagu naaneysi jiray “baaldoosarka” sababo la xiriira inuu horkacayay barnaamij waddooyin lagu dhisayo isagoo markaas ahaa wasiirkii shaqada, markii dambena waxaa lagu ammaanay sida uu uga soo horjeestay musuqmaasuqa iyo sida uu u necbaa khasaarinta ama beerdareynta lacagta. Madaxweyne ahaan waxaa sidoo kale lagu eedeeyay ugaarsiga mucaaradka iyo xaddidadda xorriyadaha qaar, balse kaddib geeridiisa waxaa aad loogu xusuusan doonaa sida isaga u gaarka ahayd ee uu u wajahay Covid-19. ‘sheydaankuba waa Coronavirus’ Markii Covid-19 uu gaaray Tanzania, Madaxweyne Magufuli uma cuntamin inay dadku guryaha joogaan. Wuxuu doonayay inay aadaan masaajidda iyo kaniisadaha. “Coronavirus, oo ah sheydaan, kuma badbaadi karo dhiigga Christ… durba wuu gubanayaa,” Magufuli, oo ahaa Kirishtaan, ayaa erayadaasi kaga dhawaaqay kaniisad ku taalla Dodoma. Markii dhan laga eego, Magufuli wuxuu u ololeeyay daaweyn dhaqameedka sida is uuminta si loola dagaallamo coronavirus Tan iyo June 2020, markii uu ku dhawaaqay in dalkaasi uu xor ka yahay “Covid-19”, madaxweynaha, iyo saraakiil sare oo kale oo dowladda ka tirsan, ayaa ku maadeystay waxtarka af-saabka, waxayna sidoo kale dacaayadeeyeen dalalka deriska ee soo rogay tallaabooyinka caafimaad ee lagula dagaallamayo fayraska. Baaritaanno yar ayaa laga sameeyay Tanzania wax qorshooyin ahna looma diyaarin barnaamijka tallaalka. Balse markii loo dhaariyay madaxtinnimada bishii October 2015, Magufuli wuxuu u muuqday nooca qofka ay Tanzania u baahneyd – hoggaamiye karti leh, oo aan la laaluushi karin. ‘Baaldoosar’ oo shaqada bilaabay Ficilladiisa natiijada ku saleysnaa waxaa sidoo kale loo arkay kuwo lagu dabiqi karo dalalka kale ee Afrika – waxay ahaayeen kuwo ay u baahneyd qaaradda si ay ula tacaasho arrimaheeda dowladnimada. Maalintii ugu horreysay madaxtinnimadiisa, wuxuu diray farriin adag oo uu ku sheegay inuusan u dulqaadan doonin maqnaanshaha shaqaalaha hay’adaha dowladda, markii uu booqday xafiisyada wasaaradda dhaqaalaha, isaga oo su’aalay halka ay ku maqan yihiin kuwii aan markaas shaqada joogin. Wuxuu sidoo kale liiska lacag bixinta ka saaray shaqaalaha aan jirin ee mushaarka iska qaata, wuxuu sidoo kale shaqada ka tiray saraakiil loo arkay inay musuqmaasuq ku lug lahaayeen amaba aan waxqabad lahayn. Mararka qaar waxaa arrimahan si toos ah looga soo deyn jiray telefishinnada. Wuxuu sidoo kale meesha ka saaray waxa uu u arkayay kharashka ku baxa tamashleyn ka badbadis ah, isaga oo qaadacay dabaaldegyada Maalinta Xorriyadda markii ugu horreysay muddo 54 maalmood ah, wuxuu amray nadiifin guud ahaan dalkaas laga sameeyay, isaga oo gacmihiisa ku gurayay khashin yaallay bannaanka Madaxtooyada. Magufuli oo ka qeyb qaadanaya olole nadiifin ah Wuxuu sidoo kale dhammaan safarrada dibadda ka mamnuucay shaqaalaha dowladda. Sanadkii ugu horreeyay ee madaxtinnimada Magufuli, hannaankan wuxuu u soo jiiday ammaan baaxad leh, taas oo horseedday in barta Twitter-ka laga bilaabo hal-ku-dhigga ah : #WhatWouldMagufuliDo (Waxa uu Magufuli sameyn lahaa). Inkastoo qoraallada qaar ay ahaayeen kuwo lagu maadeysanayo siyaasadaha adag ee madaxweynaha – tusaale ahaan: “Waxaan soo iibsan rabay foorno haddana waxaan is weydiiyay #WhatWouldMagufuliDo” iyada oo qoraalkaas la raaciyay digsi la dul saaray shumacyo – qaar kale ayaa ku baaqay in hoggaamiyeyaal kale oo Afrika ka soo jeeda ay ku daydaan hannaankiisa hoggaamineed. Sanadkii 2017, bare jaamacadeed oo Kenya u dhashay ayaa ku baaqay in Afrika “La Magufuliyeeyo” xilli uu khudbad ka jeedinayay Jaamacadda Dar es Salaam. Balse, sidoo kale way caddeyd in hoggaankiisa uu lahaa dhinac kale oo madow. Milicsiga taariikhda John Magufuli Wuxuu ku dhashay Chato, waqooyi-galbeed Tanzania, sanadkii 1959 Wuxuu kimistariga iyo xisaabaadka ka bartay Jaamacadda Dar es Salaam Wuxuu soo noqday macallin dhiga kimistariga iyo xisaabta Markii ugu horreysay waxaa xildhibaannimo loo doortay sanadkii 1995 Wuxuu golaha wasiirrada ka mid noqday sanadkii 2000 Waxaa markii ugu horreysay madaxweyne loo doortay sanadkii 2015 Mar kale ayuu madaxweyne noqday sanadkii 2020 Bishii January 2016, labo bilood makrii uu xilka hayay, maamulkiisa wuxuu ku dhawaaqay in telefishin dowladdu leedahay uusan si toos ah u baahin karin kulamada baarlamaanka, taa soo ka mid ah tallaabooyinka lagu dhimayo dakhliga. Mucaaradka ayaa arrintaas u arkay xorriyad ka qaadid maaddaama ay ka mid ahayd hababka yar ee ay ula xisaabtami kareen dowladda. Waxay qorsheeyeen dibadbaxyo ka dhan ah mamnuuciddaas, balse dowladda ayaa ku jawaabtay inay mamnuucdo dhammaan dibadbaxyada. Tusaale kale oo kaas la mid ah wuxuu ahaa sida uu Magufuli uga jawaabay hees sanadkii 2017 uu soo qaaday fannaan caan ah oo Tanzania u dhashay laguna magacaabo Nay wa Mitego. Wax ka yar maalin markii la baahiyay heestaas, Mitego booliiska ayaa xiray. Waxaa lagu eedeeyay inuu caayay madaxweynaha oo uu ku aflagaaddeeyay dowladda heestiisa oo ay erayadeeda ka mid yihiin: “Weli dalkan ma waxaa ka jirta xorriyadda hadalka?” ayuu ku heesay fannaankan oo magaciisa dhabta ah uu yahay Emmanuel Elibariki. “Ka warran haddii aan hadlo kaddibna aan iska dhex arko [Saldhigga Booliiska]?” “Ma waxaa jira hoggaamiyeyaal gaara go’aanno nacasnimo ah? Way jiraan!” Cabsidii uu heesta ka soo qaaday ayaa u rumowday – waxaa dabcan lagu xiray Saldhigga Dhexe ee Booliiska ee Dar es Salaam. Magufuli ayaa si aqlabiyad ah u guuleystay sanadkii 2020 balse mucaaradka ayaa diiday natiijada Inkastoo Madaxweyne Magufuli uu maalin kaddib amray sii deynta Nay wa Mitego, wuxuu ku taliyay in heesta dib u habeyn lagu sameeyo laguna soo daro dhibaatooyinka kale ee bulshada ka dhex jira, sida khiyaanada canshuurta. Sanadkii 2017, xildhibaan mucaarad ah oo lagu magacaabo Tundu Lissu, oo sanad kaddib madaxtinnimada kula tartamay Magufuli, ayaa gurigiisa hortiisa lagu toogtay dhaawac halis ahna la gaarsiiyay. Mr Lissu ayaa dowladda ku eedeeyay isku day dil waxaa isaga lagu soo oogay jeedinta hadallo nacayb ah iyo inuu madaxweynaha ugu yeeray keligii-taliye. Dowladda ayaa beenisay ku lug lahaanshahay weerarkaas. Maamulka madaxweynaha ayaa sidoo kale shaqada ka joojiyay wargeysyo, arrintan oo ay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay u arkeen inay meel uga dhacayso xorriyadda hadalka. Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in weriyeyaashu ay ka baqayaan in la bartilmaameedsado. Canshuur aad u badan Maamulka Magufuli ayaa sii waday soo rogidda amarro aan caadi ahayn, isagoo soo rogay shuruuc cusub oo lagu kordhinayo canshuurta shirkadaha caalamiga ah ee macdanta qoda. Sanadkii 2017, Acacia Mining, oo qeyb ka ah shirkadda Canada laga leeyahay ee Barrick Gold, ayaa bixisay canshuur aan caadi ahayn oo dhan $190bn (£145bn). Sanadkii 2018, Tanzania waxay sidoo kale meel marisay sharci lagu ciqaabayo qof walba oo su’aal geliya xogaha rasmiga ah, taas oo ka dhigeysa in dowladdu ay tahay tan keliya ee xaqa u leh xogta. Balse xitaa kuwa mucaaradka ku ah Magufuli waxay qirsan yihiin sida uu uga qeyb qaatay horumarka Tanzania, isaga oo maalgeliyay mashaariic waaweyn oo dhismaha ah sida waddada tareenka ee dalkaasi ku xiraya dalalka deriska la ah, ballaarinta waddooyinka waaweyn. Wuxuu horumarin ku sameeyay korontada. Wuxuu sidoo kale dayactiray diyaaradda dalkaas laga leeyahay, Air Tanzania. Magufuli wuxuu sheegay in Julius Nyerere uu saameyn ku leeyahay hoggaankiisa Wuxuu hab maamulka uga dayday madaxweynihii ugu horreeyay ee Tanzania, Mwalimu Julius Nyerere, kaas oo mar walba ahaa qof madax bannaan. “Abbaheen ma ahayn qof loo sheego wuxuu qabanayo… Kuwa soo saara shuruucdan [xayiraadda] waxaa loogu talo galay in lagu bixiyo amarrada uu aabbaheen diiday,” ayuu yiri Magufuli, isaga oo ula jeeday dhaqankii Nyerere ee diidmada talooyinkii uga imaan jiray dalalka Galbeedka. ‘Waan ogahay waxa ay ka dhigan tahay inaad sabool noqoto’ Magufuli wuxuu dowlaaddii Nyerere ku soo koray tuulo ku taalla waqooyi-galbeed degmada Chato oo ku teedsan Harada Victoria, wuxuuna sheegay in noloshii uu ku soo koray ay ku kaliftay inuu u adeego dadweynaha Tanzania. “Gurigeennu wuxuu ka sameysnaa cooshad, sida wiilal kale oo badan waxaa qaabilsanaa raacidda lo’da, iyo sidoo kale iibinta caanaha iyo kalluunka si aan u caawiyo qoyskeyga,” ayuu ku yiri ololihiisii 2015. “Waan garanayaa waxa ay la micno tahay inaad sabool noqoto. Waxaan u halgami doonaan inaan wanaajiyo xaaladda dadka,” ayuu intaas ku daray. Markii uu iskuulka dhammeeyay wuxuu muddo sanad ah noqday bare sare oo dhiga maaddada kimistariga iyo xisaabaadka kahor inta uusan sii wadan waxbarashada. Wuxuu kaddib sanado yar ka shaqeeyay warshad kahor inta uusan iska casilin shaqadaas sanadkii 1995 isagoo kaddib u tartamay xildhibaannimada deegaankiisa Chato. Magufuli ayaa caan ka ah Tanzania iyadoo ay jiraan dadka mucaaradsan Kaddib markii uu ku guuleystay kursigaas, waxaa muddo kaddib loo magcaabay wasiir ku xigeenka shaqooyinka dadweynaha. Wasiirka sare ee waaxdaas, Mama Anna Abdallah, ayaa sheegtay in hannaankiisa diidmada waxyaabaha micno darrada ah, ee diiradda saaraya wax qabad iyo natiijooyin, uu durba caddaaday. Sanadkiisii ugu horreeyay wuxuu ku guuleystay dhismaha waddo muddo ay qaadatay dhismaheeda. Sanadkii 2015, Magufuli wuxuu doonayay inuu u tartamo madaxtinnimo. Waxaa la sheegay in loo soo magacaabay musharraxa xisbiga Chama Cha Mapinduzi (CCM) – oo talada haya muddo 54 sano ah. Doorashooyinku waxay ahaayeen kuwii ugu adkaa ee taariikhda dalkaas soo mara, balse Magufuli wuxuu ku guuleystay 58% codadka. Markii labaad wuxuu ku guuleystay 84% codadka, balse xisbiyada mucaaradka ee ugu waaweyn ayaa ka biya diiday natiijada. Waxaa meesha ka baxay baaqyadii ahaa in hoggaamiyeyaasha gobolka ay ku daydaan hannaanka hoggaamineed ee Magufuli maaddaama ay cambaareyn uga timid siyaasiyiinta mucaaradka ah, bulshada rayidka iyo dalalka Galbeedka, oo sheegay inuu cadaadinayo mucaaradka, meel uga hdacayo xorriyadda hadalka isla markaana shirkadaha shisheeye u qabsanaya madax furasho. Qaran News
  18. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii waddanka Tanzania, John Pombe Magufuli oo xalay ku geeriyooday magaalada Dar es Salaam. Madaxweyne Farmaaj,o ayaa dhammaan shacabka iyo dowladda dalka Tanzania uga tacsiyeeyay geerida Mr Magufuli, oo sida la xaqiijiyay u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah. “Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray shacabka iyo dowladda dalka Tansaaniya geerida ku timid Madaxweynihii dalkaas Mudane John Pombe Magufuli.” Mudane Farmaaj,o ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay madaxweyne ku xigeenka Tanzania, Suluhu Samia iyo marwada madaxweynihii geeriyooday ee dalka haweeneyda lagu magacaabo Janet Magufuli. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida John Magufuli appeared first on Puntland Post.
  19. Dar es Salam (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Tanzania John Magufuli ayaa Arbacadii u dhintay wadno xanuun kadib shan sano oo uu xukunka hayey, waxaa sidaas sheegtay madaxweyne ku-xigeenka Tanzania. Magufuli ayaan muddo saddex toddobaad ah la hayn war iyo wacaalkiisa, taasi oo abuurtay xan ku saabsan inuu xanuusanaa, ayada oo mucaaradka Tanzania ay sheegeen inuu ku dhacay cudurka Coronavirus. “Waxaan aniga oo si aad u qoto dheer uga xun idinka wargelinayaa in maanta 17-ka March, saacadda 6:00pm aanu weynay hoggaamiyaheenii geesiga ahaa, madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania John Pombe Magufuli,” ayey tiri madaxweyne ku xigeenka Tanzania Samia Suluhu Hassan. Waxa ay intaas ku dartay in Magufuli uu “wadno xanuun” uu muddo qabay ugu dhintay isbitaal ku yaalla Dar es Salaam. Waxa ay sheegtay in markii ugu horreysay si kooban loo dhigay isbitalka Jakaya Kikwete Cardiac Institute, 6-dii March, balse kadib laga saaray. Hase yeeshee Magufuli uu 14-kii March mar kale dareemay xanuun oo loola cararay isbitaalka Emilio Mzena Memorial Hospital ee Dar es Salaam. Magufuli ayaa markii ugu dambeysay si shaacsan loo arkay 27-kii Febraayo, waxaana uu saddex Axad oo isku xigta uusan ka qeyb-galin Kaniisadda oo uu tegi jiray Axad kasta kana jeedin jiray khudbado xiiso leh. Hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa sheegay in Magufuli uu qaaday Coronavirus, islamarkaana lagu soo daweynayey dalka dibaddiisa. Magufuli ayaa la doortay 2015-kii, wuxuuna ku caan baxay inuu ahaa hoggaamiye la dagaalama musuq-maasuqa taasi oo shacabka jecleysiisay, hase yeeshee wuxuu kadib ku dhacay kali-talisnimo isaga oo billaabay inuu caburiyo warbaahinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah. Wuxuu inkiray jiritaanka Coronavirus markii uu soo shaac baxay, hase yeeshee wuxuu kadib soo jeediyey in duco lagu wajaho cudurkan intii la xiran lahaa af-xirka. Waxa uu sidoo kale ku jees-jeesay cudurka, isaga oo sheegay in tijaabo uu ka qaaday xoolo, babaay iyo khudaar kale ay soo saareeen natiijo ah in cudurka uu ku jiro, isaga oo ula jeeda inuusan jirin cudurkan. Hase yeeshee markii bishii Febraayo la sheegay in madaxweyne goboleedkii Zanzibar uu u dhintay cudurka, ayuu Magufuli qiray in cudurka uu jiro. Sida uu qoray dastuurka Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa noqon doonta haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalka, waxayna xisbiga talada haya ee CCM kala tashan doontaa inay soo magacowdo madaxweyne ku-xigeen.
  20. Madaxweynihii waddanka Tanzania John Magufuli ayaa xalay geeriyooday, sida ay xaqiijisay Samia Suluhu Hassan oo ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas. Waxay sheegtay Samia Suluhu in madaxweyne Magufuli uu k u geeriyooday Isbitaal ku yaal Dar es Salaam oo uu ku jiray ilaa 6-dii bishan March. Sadexdii todobaad ee la soo dhaafay Magufuli muuqaalkiisa lama arag, iyadoo ay jirtay hadal heynta ah inuu geeriyooday. Wuxuu Magufuli ahaa 61-jir, sababta geeridiisana si cad looma sheegin. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii Tanzania John Magufuli oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay geeridii ku timid Madaxweynihii wadanka Tanzania John Magufuli oo u dhintay wadno xanuun. Madaxweyne Farmaajio ayaa tacsi u diray shacabka iyo dowladda Tanzania, isaga oo si gaar ah ugu tacsiyeeyey madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Marwo Suluhu Samia iyo Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynuhu, Janet Magufuli “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed, waxaan jeclahay inaan tacsi tiiraanyo leh u diro Jamhuuriyadda Midoobey ee Tanzania geeridii ku timid Madaxweyne John Magufuli,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Geerida madaxweynaha Tanzania ayaa timid, kadib markii saddex toddobaad aan la’arak, taas oo abuurtay xan ku saabsan inuu xanuusanaa, wuxuuna ku dhintay is-bitaal ku yaal magaalada Daarusalaam ee caasimada dalkaasi, sida ay shaacisay dowladda. Magufuli ayaa la doortay 2015-kii, wuxuuna ku caan baxay inuu ahaa hoggaamiye la dagaalama musuq-maasuqa taasi oo shacabka jecleysiisay, hase yeeshee wuxuu kadib ku dhacay kali-talisnimo isaga oo billaabay inuu caburiyo warbaahinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah. Halkan hoose ka aqriso:- Taariikhda John Magufuli Wuxuu ku dhashay Chato, waqooyi-galbeed Tanzania, sanadkii 1959 Wuxuu kimistariga iyo xisaabaadka ka bartay Jaamacadda Dar es Salaam Wuxuu soo noqday macallin dhiga kimistariga iyo xisaabta Markii ugu horreysay waxaa xildhibaannimo loo doortay sanadkii 1995 Wuxuu golaha wasiirrada ka mid noqday sanadkii 2000 Waxaa markii ugu horreysay madaxweyne loo doortay sanadkii 2015 Mar kale ayuu madaxweyne noqday sanadkii 2020
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaallo xeebeedka Kismaayo ku dhintay Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ka tirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo la xanuunsanaa Covid-19. Xildhibaanka oo uu maalmo ka hor soo ritay cudurka Coronavirus ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose. Madaxweynaha maamulka Jubbaland, MudaneAxmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale war kasoo saaray geerida xildhibaanka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in marxuumka uu door-weyn kasoo qaatay dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. “Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam |(Axmed Madoobe) Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa ugu dambeyn Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaana uu ka siiyo qoyskiisa & qaraabadiisa. Cudurka saf-marka ah ee Coronavirus oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha Soomaaliya ayaa haatan fara kulul ku haya guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya dadka uu soo ridanayo iyo kuwa dhimanaya.
  23. Tanzania's President John Magufuli has died aged 61, the country's vice-president has announced. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna kala hadlay muranka la xariira doorashada Soomaaliya. Qoor Qoor oo shalay uun dalka ugu soo laabtay ayaa Midowga Musharaxiinta u sheegay halka ay mareyso siyaasadda Soomaaliya iyo culeesyada kale ee dalka ka jira, gaar ahaan dhibaatooyinka ku geedaaman shirka muhiimka ah ee looga hadlayo doorashada Soomaaliya. Ilo wareedyo muhiim ah oo kulankaan goob joog ka ahaa ayaa Caasimada Online u sheegay in Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay Madaxweyne Qoor-Qoor u gudbiyeen eedeymo culus oo ku saabsan in go’aankiisa siyaasadeed uu gacanta u geliyay Villa Somalia iyo inuusan marna dhex dhexaad ka aheyn muranka doorashada Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug ayaa iska difaacay eedeymaha loo jeediyay isagoo u sheegay in mucaaradka ay la safteen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, halka ay mucaaradkana sheegen in aysan la safan balse ay u arkaan labada Madaxweyne ee kali ah ee doonaya qabashada doorasho heshiis lagu yahay. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka goob joog ahaa Caasimada Online u sheegay in kalsooni darro weyn ay soo kala dhax-gashay Madaxweynaha Galmudug iyo Mucaaradka kadib doodo hareeyay kulankii ay yeesheen. Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu tiriyaa shaqsiyaadka ugu dhow ee Madaxweyne Farmaajo waxa uuna maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalka Turkiga taas oo loo arkay in ay ka dambeysay Villa Somalia.