-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Haween markii ugu horeysay ka mid noqday ilaalada Masjidka Xaramka+Sawirro Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay haween ku soo dartay ciidanka Booliska ee ilaalada ka ah Xaramka barakeysan ee Makka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Sacuudiga ayaa baahisay sawiro muujinaya gabdho markii ugu horeysay ka shaqeynaya Ammaanka Xaramka iyo dadka ku cibaadeyanaya Arrinkaan ayaa la sheegay inuu dood badan keenay, dadka qaar ayaa dhaliilay talaabadan qaar kalena way soo dhaweeyeen. Sacuudi Carabiya ayaa soo jiidatay indhaha caalamka sanado ka hor markii ay haweenka ka qaadday xayiraad muddo dheer saarneyd oo ku saabsan gawaari kaxeynta. Boqortooyada ayaa sidoo kale qafiifisay xayiraaddii cayaaraha ee la saaray haweenka iyo gabdhaha, iyadoo u oggolaatay haweenka inay cayaaraha ka daawan karaan garoomada cayaaraha. Tallaabooyinkan ayaa waxay qeyb ka yihiin isbedelka arrimaha bulshada lagu sameynayo ee uu wado dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Maxamed bin Salmaan, kaasoo ballan qaaday in dalka uu isbedel ku sameynayo oo qeyb ka ah tiigsiga 2030ka. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo ay kooxo hubeysan ka geysteen degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Dilka oo xalay ka dhacay xaafadda Dhagaxtuur ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ah dadka deegaanka, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, AUN Axmed Maxamed Mayow (Karbaash), waxaana la toogtay isaga oo kusii jeeday hoyga uu ka dagan yahay degmada Afgooye. Wararka ayaa sheegaya in Axmed Maxamed Mayow (Karbaash) oo la shaqeynayey maamulka degmada Afgooye, isla-markaana uu isku xiri jiray bulshada iyo maamulka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa dilka kadib tegay goobta, waxaana ay saameeyeen howl-gallo baaritaano ah, balse waxa natiijo ah oo ka soo baxay. Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan Sh/ Hoose. The post Kooxo hubeysan oo dil ka geystay AFGOOYE appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa baaniyey warar laga faafiyey oo ku saabsan inuu taageeray muddo kororsiga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Waxaan arkay warar meelaha lagu soo qoray oo sheegaya in aan si aad ah u dhaliilay mucaaradka isla markaasna aan ku baaqay in Farmajo iska jooga waxaan cadeynayaa in uu warkaasi yahay waxba kama jiraan iyo been abuura la iga faafiyey,” ayuu Sanbaloolshe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook. “Aniga mowqifkeygu waa cadyahay oo waa in Farmajo iyo damaciisa xukun boob ka ah dalka laga badaadiyo oo si cad oo aan gambasho la heyn looga hor yimaado. Waxaan si weyn u boogaadinayaa una taagerysanahay mowqifka mucaaradka iyo go-aanka shir weynaha Mogadishu Clan ee maanta lagu qabtay muqdisho oo hal ku dhiigiisa ahaa no extension.” Ma cadda, cidda faafisay wararka Sanbaloolshe uu beeniyey, hase yeeshee maalmihii dhowaa waxaa jiray dadaallo ay wadeen dad ku xiran madaxweyne Farmaajo oo baraha bulshada aad ugu faafinayey warar lagu kala qeybinayo mucaaradka. Dadka faafinayey wararkan ayaa qaarkood waxay ka shaqeeyaa warbahainta dowladda, qaarna maamulka gobolka Banaadir, waxaan dadaallada ay wadeen ka mid ah in hab qabiil loo kala qeybiyo mucaaradka, inkasta oo aysan ku guuleysan. Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ka mid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan Farmaajo, ee aan xitaa la gaban hadallada, wuxuuna marar badan beelaha Mogadishu Clan usoo jeediyey inay iska kiciyaan Farmaajo, xitaa ka hor inta aanu muddo xileedka ka dhammaan 8-dii Febraayo. The post Sanbaloolshe oo beeniyey warar laga faafiyey oo la xiriira madaxweyne FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo hadal ka jeediyey shirweynihii Muqdisho lagu soo gabagabeeyey ee beelaha Mogadishu Clan ayaa sheegay in hadda ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan in dalkan lagu xukumo sharci darro. “Anaga in sharci darro nala ku xukumo, dhibkeeda hadda ayaan iska qabaneynaa, si aan dhibweyn oo soo socda isaga badbaadino, taasina diinteena ayaa qabta,” ayuu yiri Cabdiraxman Cabdishakuur. Siyaasigaan ayaa tilmaamay seddax qodob oo kala badbaadi kara mucaaradkooda iyo Farmaajo, isagoo sheegay in hadii aysan qodobadaas hir-gelin, aysan huri doonin inay Farmaajo is fara saaraan. Cabdiraxman oo tirinaayey qodobadaas ayaa yiri, “Anaga iyo Farmaajo waan kala baaqaneynaa hadii ay I maqlaayaan dhinacyada aan la hadlaayo. 1- Ganacsatadeena waxaan leeyahay hadii aad canshuurta diidaan, anaga iyo Farmaajo waan kala baaqaneynaa, sababtoo ah shilin uu ku shaqeeyo ma helaayo, ileen aduunkii waa ka goosteen lacagtiiye, nin hoggaamiye kooxeed ah oo Villa Somalia dhex jooga oo adduunkii lacagta ka goostay, halkuu lacagta ka keenaa inuu dadka dhaco maahane? 2- Labada dowlad goboleed ee federaalka nagu metesha, oo yiraahda mudo kororsi ma ogolin, Farmaajo waa nakala badbaadi kartaa. 3- Ra’iisul wasaaraha oo yiraahda shaqadeyda ayaan heystaa, hadii intaas la waayo Farmaajo is huri meyno, sababtoo ah waxa uu rabaa inuu xoog nagu xukumo, taasna waxay u soorta geli weysay dad isaga ka awood badan. Ugu dambeyntii Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa yiri, “Ninka mudo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ah waxaan leenahay fursadda maanta aad heysato waa tii ugu dambeysay, dadkan mar dambe shir isugu imaa maayaane, sidii ay isaga kaa qaban lahaayeen ayey isugu imaa doonaan.” Hoos ka Daawo The post CC Shakuur: Seddax qodob ayaa kala badbaadin karta Farmaajo iyo mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Askarigii Dilay Ninkii Madoobaa George Floyd oo lagu helay denbi Dila+Wuxu xukunkiisu noqon doono Xeer-beegti ayaa sarkaal hore oo booliis ahaa ku heshay dambi ah in sannadkii hore uu waddo ku taal Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madoow oo Maraykan ah. Derek Chauvin, oo 45 jir ah, ayaa muuqaal laga duubay asagoo in ka badan sagaal daqiiqo jilibka qoorta kaga haya Mr Floyd oo la doonayey in la xiro bishii May. Muuqaalkaas oo si weyn loo daawaday ayaa caro iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo awoodda xad dhaafka ah ee booliska ka dhaliyey caalamka oo dil. Chauvin ayaa lagu helay dambi ah in si ula kac ah uu u dilay George Floyd. Ninkaas ayaana xabsiga lagu hayn doonaa tan iyo inta la xukumayo waxaana suurta-gal in tobonaan sano uu xabsiga ku sii jiro. 12-ka qof ee xeer beegtida ah ayay maalin ka yar ku qaadatay in arrintaan ay go’aan ka gaaraan, kaddib maxkamadayn socotay muddo saddex toddobaad ah oo qalalaase ka abuurtay Minneapolis. Kaddib markii labada dhinacba ay Isniintii soo bandhigeen doodooda, ayay xeer beegtidu waxay ku kaliyaysteen hoteel cidla ah oo aan la oggolayn in wax xiriir ah lagala soo sameeyo bannaanka si ay kiiskaan go’aan uga gaaraan. Xeer-beegtida ayaa si aqlabiyad leh isugu raacday go’aanka waxaana lagu war geliyey in aanay guryahooda u hoyan tan iyo inta ay go’aan gaarayaan. Go’aanka xeer-beegtida ka soo baxay ayaa dabbaal-degyo ka abuuray bannaanka maxkamadda, ayadoo boqolaal qof oo halkaa ku sugnaana ay si weyn ugu farxeen markii uu go’aanku soo baxay. Qareenka qoyska Floyd, Ben Crump, ayaa sheegay in maanta ay “maalin taariikhi ah” u tahay Marayakanka. Sidee u dhacay dilka George Floyd? Ninkaas oo 46 jir ahaa wuxuu baakad sigaar ah ka iibsaday dukaan ku yaalla Koonfurta magaalada Minneapolis markii ay taariikhdu ku beegneyd 25-kii bishii May ee sanadkii 2020-kii. Qof ka mid ahaa shaqaalihii dukaanka ayaa aaminsanaa in ninka wax iibsaday uu bixiyay $20 doolar oo been abuur ah, wuxuuna u wacay booliska kaddib markii Mr Floyd uu diiday inuu celiyo sigaarka. Ciidan ayaa yimid waxayna gacmaha ka xireen Floyd, laakiin markii ay damceen in ay gaarigooda galiyaan wuu diiday. Isjiidjiid kaddib Mr Floyd waxaa af af loo seexiyay waddada dhexdeeda. Markaas ayey dadkii goobta ka ag dhawaa billaabeen inay muuqaallo ka duubaan. Mr Chauvin, oo 44 jir ah, ayaa jilibkiisa qoorta ka saaray Mr Floyd, wuxuuna ku hayay in ka badan sagaal daqiiqo, sida ay sheegeen dacwad oogeyaasha. Labo askari oo kale ayaa ka caawiyay in uu dhulka dhigo, halka mid kalena uu dadkii goob joogeyaasha ahaa ka celinayay inay soo faragaliyaan. In ka badan 20 jeer ayuu Mr Floyd sheegay in ay neefta ku xirantay. Muuqaalka ayaa laga arkayay isagoo foorara oo lagu qaadayo gaariga booliska Qaran News
-
Nin Dad laayey,Qaarna si xun dhaawacay oo codsadey in la toogto Dacwad oogeyaasha gobolka Nevada ayaa soo jeediyay in Zane Michael Floyd lagu dilo qaabka loo adeegsado irbadda Nin lagu helay dambiyo dil ah, oo ay suuragal tahay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee xukun dil ah ku wajaha gobolka Nevada ee dalka Mareykanka muddo 15 sano ah kaddib, ayaa codsaday in dilkiisa loo fuliyo qaab toogasho ah halkii irbad laga duri lahaa. Qareennada u doodaya Zane Michael Floyd, oo u dagaallamaya sidii ay u baajin lahaayeen dilka laga yaabo in lagu fuliyo bisha June, ayaa sheegay in codsiga ninkan uusan ujeeddadiisu ahayd “xeelad dib u dhigid ah”. Warqadaha maxkamadda oo ay aragtay Wakaaladda Wararka ee Associated Press, waxay qareennadu ku sheegeen in qaabka uu codsaday uu “ka xanuun yar yahay” qaabka kale. Aad ayay dhif uga tahay Mareykanka in dilalka dambiileyaasha loo fuliyo qaab toogasho ah. Brad Levenson, oo ah qareen heer federaal ah ayaa sheegay in Floyd uu doonayay inuu ka hor tago habka israbadda dawooyinka geerida sababa loogu dhufto dadka la dilayo, kaasoo ah hannaan uu gobolkaas adeegsado. Hase yeeshee, tallaabo kasta oo hannaankaas wax looga baddalayo wuxuu u baahan yahay in lasoo gudbiyo qaab lagu baddali karo, Mr Levenson ayaana sheegay in rasasta ay tahay “sida ugu fiican ee bani’aadanimo leh”. Dilalka toogashada ah waxaa hadda Mareykanka laga oggol yahay oo kaliya saddex gobol – oo kala ah Mississippi, Oklahoma iyo Utah – habkanina lama adeegsanin tan iyo sanadkii 2010-kii. Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay inay raadin doonaan oggolaansho ay dilka Floyd ku fuliyaan bisha soo socota, taasoo suuragal ka dhigeysa in la dilo horaanta bisha June. Wuxuu noqon doonaa dilkii ugu horreeyay ee gobolka Nevada ka dhaca tan iyo sandkii 2006. Floyd, oo hadda 45 jir ah waxaa lagu helay dambi ku saabsan inuu afar qof toogasho ku dilay afar qof halka qof kalena uu dhaawac halis ah u geystay. Falkaas wuxuu 1999-kii ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Las Vegas. Waxaa dil lagu xukumay sanadkii xigay kaddib markii uu qirtay dambigiisa. Laakiin marar badan ayuu Floyd racfaan ka qaatay xukunka lagu riday, qareennadiisuna waxay sheegeen inuu 22-ka bisha June cafis ka dalban doono guddiga cafiska ee gobolka Nevada. Sanadkii lasoo dhaafay, maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka ayaa diidday codsi uu uga doonayay inay kiiskiisa dhageysato. Codsigiisa ugu dambeeyay ayaa yimid xilli uu socdo olole lagu doonayo in gobolka Nevada looga joojiyo sharciga dilka. 70 qof ayaa hadda dil suge ku ah gobolka Nevada – oo ka mid ah 27-da gobol ee wali laga fuliyo xukunnada dilka ah. Qaran News
-
Idriss Déby: Kumuu ahaa madaxweynihii la dilay ee Chad? Taliska militariga waxay sheegeen in Idriss Déby uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaalka jiidda hore Madaxweynihii dalka Chad, Idriss Déby, ee geeriyooday isagoo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa marar badan ka badbaaday isku dayo dil iyo afgambi ah oo lala damacsanaa. Déby wuxuu qudhiisa xukunka ku qabsaday afgambi kaddibna wuxuu wajahay dhowr isku day oo sidaasoo kale loogu doonayay in xilka looga tuuro. Lix doorashoo oo ka dhacday dalkaas – oo tii 11-kii bishan April ay ugu dambeysay – ayuu ku guuleystay si uu madaxweyne usii ahaado. Qaar ka mid ah doorashooyinkaas waxaa qaaddacay xisbiyada ugu waaweyn mucaaradka Chad oo sheegay in aysan ahayn doorashooyin xor ah. Bishii April ee sanadkii 2006 wuxuu ka badbaaday isku day lagu damcay in lagu afgambiyo kaddib markii xoogagga fallaagada ay weerar ku qaadeen magaalada caasimadda ah, mar kalena wuxuu weerar noocaas ah ka badbaaday sanadkii 2008. Fallaagada waxaa markaas ka adkaaday ciidamada dowladda ee gacanta ka helayay diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska iyo saraakiil xeeladaha dagaalka u dajinayay. Faransiiska ayaa sidoo kale Chad ku taageerayay sirdoon. Sanadkii 2013-kii, dowladda Chad ayaa sheegtay inay fashilisay afgambi kale oo la qorsheynayay, xilligaasna waxaa la sheegay inay ku lug lahaayeen saraakiil ka tirsan taliska militariga iyo xildhibaan mucaarad ah. Kumuu ahaa Idriss Déby siduuse ku noqday madaxweynaha Chad? Idriss Déby wuxuu ku dhashay magaalada Fada ee bariga dalka Chad sanadkii 1952-kii. Isagoo ah askari ka tirsan militariga ayuu siyaasigii lagu magacaabi jiray Hissen Habre ka caawiyay inuu xukunka ka tuuro Goukouki Oueddei, sanadkii 1982-kii. 1989-kii, wuxuu u baxsaday dalka Suudaan kaddib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgambi militari. Laakiin hal sano kaddib xisbigiisa oo la magac baxay dhaqdhaqaaqa waddaniga ayaa kacdoon hubeysan oo ay sameeyeen xukunka uga tuuray Mr Habre oo dalka dibaddiisa u cararay. 1991-kii ayay ku dhawaaqeen in Mr Déby uu yahay madaxweynaha Chad. Idriss Déby wuxuu geeriyooday isagoo 68 jir ah Wuxuu ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee Chad ka dhacday waqtigii gumeysiga kaddib oo la qabtay sanadkii 1996-kii. Dib ayaa loo soo doortay sannadkii 2001, kaddibna 2005 wuxuu ku guuleystay afti qaran oo u oggolaaneysay inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha. Warbixin ay sanadkii 2013-kii soo saartay hayadda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa Mr Déby loogu eedeeyay inuu si arxan darro ah ula dhaqmo dadka dhaliila maamulkiisa, uuna iska indho tiray ballaan qaadyo uu u sameeyay inuu ilaalin doono xuquuqda aadahana markii uu xukunka qabsanayay sanadkii 1990-kii. Mr Déby wuxuu dhowr jeer farogalin ku sameeyay arrimaha ku saabsan dalalka dariska la ah. Ciidamadiisa ayaa galay dalalka Afrikada Dhexe iyo Mali. Bishii January ee sanadkii 2012-kii ayuu muran xoog leh abuuray kaddib markii uu guursaday gabar uu dhalay Musa Hilal oo la sheegay inuu ahaa kooxdii ka jirtay Suudaan ee Janjaweed. Sanadkii 2016-kii wuxuu ballan qaaday in haddii la doorto uu dib usoo celin doono sharcigii xakameyn jiray inta jeer ee uu qof madaxweyne noqon karo, laakiin sanadkan ayuu mar kale tartamay. 1-da bisha December waxay ku aaddan tahay 30 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Idriss Déby la wareegay xukunka dalka Chad. 30-kii sano ee xukunka Idriss Déby muxuu u keenay dalka Chad? Markii uu awoodda maamulka ku qabsaday afgambi xilka looga tuuray Hissene Harbe, Déby wuxuu si deg deg ah isaga dhigay dharka militariga oo uu iska ruqseeyay wuxuuna isu baddalay siyaasi. Sanadkii 2016-kii ayaa Habre lagu helay eedeymo loo maxkamadeymnayay oo ku saabsanaa inuu geystay dambiyo dagaal. Maxkamad khaas ah oo ku taalla dalka Senegal ayaa kiiskiisa gacanta ku heysay. Tan iyo markii uu madaxweynaha noqday wuxuu la tacaalayay mucaarad ka dhan ah maamulkiisa iyo kooxo fallaago ah oo hubeysan. Madaxweynaha 68 jirka ahaa isagoo adeegsanayay qabiilkiisa awoodda badan ee Zaghawa oo daacad u ah ayuu aasaasay xisbiga Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee badbaadada qaran. Taas waxay u sahashay inuu ka badbaado saameynta kacdoonno badan oo qaar ka mid ah dalalka ku yaalla bartamaha Afrika ay ku burbureen kaddib markii ay maleyshiyaad la wareegeen maamulka kheyraadka biyaha, dhulka iyo macdantaba. Waxaa horay loogu eedeeyay inuu hoggaaminayay dowlad hal xisbi uu awood leeyahay, inkastoo doorashooyin su’aalo la galinayay ay dhacayeen. Xilliyadii ay socdeen doorashooyinka ama mudaharaadyada, xukuumadda waxaa lagu dhaliilayay inay jareysay adeegga internet-ka. Déby oo ah rug caddaa dagaallo badan kasoo qeyb qaatay intii uu militariga ku jiray wuxuu ka baaqsaday dagaallo qaarkood xitaa ay isaga dan ugu jirtay. Si taxaddar leh ayuu u wajahay xasaradihii ka dhacay dalalka dariska la ah ee Suudaan, Liibiya iyo Afrikada Dhexe. Isagoo heysa ciidan awood badan haddana waxaa loo arkayay nin nabadda ku dadaala oo coladada ka wareegta. Idriss Déby wuxuu Chad madaxweyne ka ahaa 30 sano Ilaa hadda, waddanka Chad wuu ka badbaaday qalalaasaha gilgilay dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso. Ciidamada Chad waxaa sidoo kale lagu amaanay inay la tacaalayeen kooxda Boko Haram ee fadhigeedu yahay dalka Nigeria, ayna dhibaatooyin badan gaarsiiyeen. Waddan dhaqaale ka hela saliidda oo sabool ah Waxaa u suuragashay inuu saaxiib la noqdo dalkii horay u gumeystay Chad ee Faransiiska iyo sidoo kale waddamada Mareykanka iyo Shiinaha. Paris wuxuu inta badan ka kaashanayay dhinaca taageerada militariga halka Beijing uu ka helayay caawinaadda dhaqaalaha. Siyaasiyiinta kasoo hor jeeda Déby waxay ku dhaliili jireen inuu lacagta kasoo xaroota kheyraadka saliidda ku iibsado taageerada dalalka awoodda leh iyo inuu kusoo baddasho hub halka shacabkiisuna ay saboolnimo ku nool yihiin. Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, Chad waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan guud ahaan caalamka – waxaana 66.2% ka mid ah shacabka dalkaas oo tiro ahaan gaaraya 15.5 milyan oo qof ay ku nool yihiin faqri heerka ugu daran ah. Sanadkii 2019-kii, waddanka Chad wuxuu kaalinta 187-aad uga jiraa liiska dalalka dadkoodu ay horumareen ee ka kooban 189. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa qaabilay saraakiil ka socotay howl-galka AMISOM iyo Ingiriiska, kuwaas oo sidoo kale ka qeyb-galay shirka golaha amniga maamulkaasi oo lagu qabtay magaalada Baydhabo Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah saraakiil ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed. Intii socday kulankan ayaa waxaa lagu soo qaaday xaaladaha ammaanka ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ammanka oo warbixin laga dhageystay ayaa xusay inay labo jibaareen inta lagu guda jiro bisha Ramadaan howl-gallada lagu sugayo amniga. Dhankiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo madasha ka hadlay ayaa marka hore u mahad-celiyey saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda Ingiriiska, isaga oo ku booriyey sida ay u garab taagan yihiin ciidamada Soomaaliya oo dagaal kula jiro kooxda Al-Shabaab. Lafta Gareen ayaa sidoo kale ciidamada Soomaaliyeed ku amaanay, sida ay mar-weliba ugu heelan yihiin shacabkooda, si ay nabad-gelyo ugu naaloodaan. Koonfur Galbeed oo ka kooban Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli magaalooyinka qaar go’doomin ku haya Al-Shabaab oo ku xoogaan gobolladaasi. The post Sawirro: Lafta Gareen oo la kulmay saraakiil ka socota AMISOM iyo Ingiriiska appeared first on Caasimada Online.
-
Michael Rubin oo ah Diblumaasi Maraykan ah isla-markaana ka Tirsan Mac-hadka American Enterprise Institute, ayaa mar kale wax ka qoray Sida Dawladaha reer Galbeedka ee uu Maraykanka ka mid yahay Dhaqaalaha badan ugu caawinayaan Soomaaliya, iyaga oo taa beddelkeedana indhaha ka lalinaya Jamhuuriyadda Somaliland. Michael Rubin oo Maqaal dheer ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay in Maraykanku isku hawlayo in Xaaladda Soomaaliya gacan ka geysto, xilligaasi oo Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanku is-diidsiinayso guusha Somaliland oo la jaar ah Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Sanadihii u dambeeyay uu Maraykanku Malaayiin dollar ku shubay Soomaaliya, sidoo kalena gacan ka geystay dhismaha Ciidammada kala duwan ee Soomaaliya, sida Booliska iyo kuwo kale ee Amniga, laakiin aanay Tallaabooyinkaasi oo dhami waxba ka beddelin Xaaladda Soomaaliya. Rubin wuxuu ka warramay Xaaladda Runta ah ee Soomaaliya xilligan ka jirta, isaga oo ku tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu dariiq aan sax ahayn u maray Muddo-kordhinta uu u sameeyay Baarlamaanka oo laftiisa uu muddo-xileedkiisu dhamaaday. Fool-xumooyinka uu Mr. Rubin qoraalkiisa ku sheegay waxa ka mid ah in la shaqada laga fadhiisiyey Taliyihii Ciidammada Booliska ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo ka hor-yimid Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha, laakiin Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir loo Magacaabay Askari uu Rubin sheegay inuu ka mid ahaan jiray Xoogagga Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Al-qaacida, kaasi oo uu xusay inuu hore caan uga dhex ahaa kooxdaasi. Rubin wuxu sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee Dawladda farmaajo xil u Magacowdo qof ka mid ah koox Argagixiso ah, balse uu hore Taliyaha Ciidammada Sirdoonka ugu Magacaabay Fahad Yaasiin oo uu xusay inay jiraan dhukumantiyo sheegaya inuu xidhiidh la lahaa Al-shabaab iyo kooxo kale oo Argagixiso ah. Micheal Rubin oo Qoraalkiisu dheeraa, ayaa waxa kale oo uu ka warramay in laga yaabo in syaasadda Madaxweyne Farmaajo ay saamayn ku yeesheen Ruushka iyo Shiinaha oo dabcan saamayn ku leh Itoobiya iyo Jabuuti. Wuxuu is waydiiyey waxa Maraykanka isagoo og xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya uu indhaha uga leexinayo Somaliland oo uu tilmaamay inay Tobanaankii Sano ee u dambeeyay qabsanaysay doorashooyin Cod iyo Qof ah. Wuxuu xusay in Somaliland Dadkeeda ku diwaangelisay Habka Biometric-ga ah ama la sawiro bu’da indhaha Dadka, si ay qabsato doorashooyin sugan oo amaan ah. Micheal Rubin wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland weli haysato Jihada siyaasadeed ee reer Galbeedka uu Maraykanku ka mid yahay, sidoo kalena ay xidhiidh la samaysatay Taiwan, waxaanu mar labaad su’aal iska waydiiyey waxa iyada oo waxaasi oo dhami jiraan uu Maraykabku uu u cunaqabataynayo Somaliland. “Haddii siyaasadda Arrimaha dibedda Maraykanka ee xilligani ku indho beeshay Sawirka xuduudka (Somaliland/Soomaaliya), muxuu Congress-ku toos ula xidhiidhi waayay Somaliland..” ? ayuu qoraalkiisa ku sheegay Micheal Rubin. Geeska Qaran News
-
Wargeyska The Tennessee Tribune oo ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa war-bixin dheer ka qoray Doorka Dawladda Imaaraadka Carabta oo Saaxiib dhow la ah Somaliland ku leedahay Dalalka Koonfurta Qaaradda Aasiya iyo Bariga Afrika. Wargeyska The Tennessee Tribune wuxuu sheegay in Imaaraadka oo qayb libaax ka qaaday heshiiskii Dawladaha Eritrea iyo Itoobiya uu xilligan isku dayayo inuu dhexdhexaadiyo Dalalka Pakistan iyo Hindiya ee Koonfurta Qaaradda Aasiya, kuwaasi oo ku muransan Gobolka Kaashmiir. War-bixinta ayaa lagu sheegay in Imaaraadku qorshaynayo inuu Xalka khilaafka Pakistaan iyo Hindiya ka ciyaaro mid la mid ah kii uu ka qaatay heshiiskii ay wada gaadheen Itoobiya iyo Eritrea. Imaaraadka ayaa xidhiidh Ganacsi oo weyn la leh Pakistan iyo Hindiya, si gaar ah sannadkii hore ee 2020 waxa dhex maray Ganacsi lagu qiimeeyay $59,110 million, halka Pakistan ay xidhiidhka Ganacsi ee ay la leedahay Imaaraadku uu sannadkii 2019-ka uu ahaa $6 billion, sida uu sheegayo The Tennessee Tribune. Wargeysku wuxuu War-bixintiisa ku soo qaatay Xidhiidhka uu Imaaraadka Carabtu la leeyahay Dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland. Arash Azizi oo ah Taariikhyahan ka tirsan Jaamacadda New York University oo u warramay Warbaahinta Zenger News isla-markaana uu soo xigtay Wargeyska The Tennessee Tribune ayaa sheegay inaan Dad badan rumaysnayn doorka Milletari ee Imaaraadka, laakiin Imaaraadku uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay Somaliland oo ah halka ugu nabdoon dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya “Halka ugu nabadda badan Soomaaliya (wixii la isku odhan jiray Soomaaliya) waa Somaliland oo uu Imaaraadku ka taageero Awoodda Milletariga.” ayuu yidhi Taariikhyahan Arash Azizi, waxaanu intaa ku daray in Imaaraadku uu Somaliland ka taageero Tiknoolajiyadda Ciidammada iyo Tababbarka. Source
-
Michael Rubin oo ah Diblumaasi Maraykan ah isla-markaana ka Tirsan Mac-hadka American Enterprise Institute, ayaa mar kale wax ka qoray Sida Dawladaha reer Galbeedka ee uu Maraykanka ka mid yahay Dhaqaalaha badan ugu caawinayaan Soomaaliya, iyaga oo taa beddelkeedana indhaha ka lalinaya Jamhuuriyadda Somaliland. Michael Rubin oo Maqaal dheer ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay in Maraykanku isku hawlayo in Xaaladda Soomaaliya gacan ka geysto, xilligaasi oo Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanku is-diidsiinayso guusha Somaliland oo la jaar ah Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Sanadihii u dambeeyay uu Maraykanku Malaayiin dollar ku shubay Soomaaliya, sidoo kalena gacan ka geystay dhismaha Ciidammada kala duwan ee Soomaaliya, sida Booliska iyo kuwo kale ee Amniga, laakiin aanay Tallaabooyinkaasi oo dhami waxba ka beddelin Xaaladda Soomaaliya. Rubin wuxuu ka warramay Xaaladda Runta ah ee Soomaaliya xilligan ka jirta, isaga oo ku tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu dariiq aan sax ahayn u maray Muddo-kordhinta uu u sameeyay Baarlamaanka oo laftiisa uu muddo-xileedkiisu dhamaaday. Fool-xumooyinka uu Mr. Rubin qoraalkiisa ku sheegay waxa ka mid ah in la shaqada laga fadhiisiyey Taliyihii Ciidammada Booliska ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo ka hor-yimid Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha, laakiin Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir loo Magacaabay Askari uu Rubin sheegay inuu ka mid ahaan jiray Xoogagga Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Al-qaacida, kaasi oo uu xusay inuu hore caan uga dhex ahaa kooxdaasi. Rubin wuxu sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee Dawladda farmaajo xil u Magacowdo qof ka mid ah koox Argagixiso ah, balse uu hore Taliyaha Ciidammada Sirdoonka ugu Magacaabay Fahad Yaasiin oo uu xusay inay jiraan dhukumantiyo sheegaya inuu xidhiidh la lahaa Al-shabaab iyo kooxo kale oo Argagixiso ah. Micheal Rubin oo Qoraalkiisu dheeraa, ayaa waxa kale oo uu ka warramay in laga yaabo in syaasadda Madaxweyne Farmaajo ay saamayn ku yeesheen Ruushka iyo Shiinaha oo dabcan saamayn ku leh Itoobiya iyo Jabuuti. Wuxuu is waydiiyey waxa Maraykanka isagoo og xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya uu indhaha uga leexinayo Somaliland oo uu tilmaamay inay Tobanaankii Sano ee u dambeeyay qabsanaysay doorashooyin Cod iyo Qof ah. Wuxuu xusay in Somaliland Dadkeeda ku diwaangelisay Habka Biometric-ga ah ama la sawiro bu’da indhaha Dadka, si ay qabsato doorashooyin sugan oo amaan ah. Micheal Rubin wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland weli haysato Jihada siyaasadeed ee reer Galbeedka uu Maraykanku ka mid yahay, sidoo kalena ay xidhiidh la samaysatay Taiwan, waxaanu mar labaad su’aal iska waydiiyey waxa iyada oo waxaasi oo dhami jiraan uu Maraykabku uu u cunaqabataynayo Somaliland. “Haddii siyaasadda Arrimaha dibedda Maraykanka ee xilligani ku indho beeshay Sawirka xuduudka (Somaliland/Soomaaliya), muxuu Congress-ku toos ula xidhiidhi waayay Somaliland..” ? ayuu qoraalkiisa ku sheegay Micheal Rubin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey shirweynihii beelaha Mogadishu Clan ee Muqdisho ka dhacay ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xilligaan shaki la geliyo doorashooyinkii soo jireenka ahaa ee dalkan. Waxa uu sheegay in dadku ay mudo soo dul qaadanayeen, balse hadda ay qasab tahay in go’aan deg deg ah la qaato oo doorashada laga heshiiyo. “In ku filan dadka Soomaaliyeed waa ay u soo dul qaateen dowladda, cod dheer ayey mudo dheer kula hadlayeen, balse maanta war ma harin, waa in jawaab deg deg ah la bixiyo oo la tago teendhadii Afisyooni, doorashana la aado,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Madaxweyne Shariif Sheekh mas’uuliyadda waxa dhacaya oo dhan waxa uu dusha ka saaray madaxweynaha wartigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Cidda doorashada diidan waan wada ognahay oo teenadhadii gogoshu taalay kasoo tagtay, tii halkaan ka fidsaneed laabtay, masuuliyaddu laba maaha hal qof ayaa iska leh, madaxweynuhu hadii uusan go’aansan in dalka ay doorasho ka dhacdo, cid ka qaban karta ma jirto, meeshaan waan soo marnay waana naqaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif. Sidoo kale waxa uu sheegay in cid kale aysan eed ku laheyn waxa socda, isagoo u mahad celiyey beesha caalamka, waxuuna muwaadiniinta Soomaaliyeed ku baraarujiyey in dowlad dhiska dalkan ay daacad ka noqdaan. “Madaxweynaha iyo madax goboleedyada, waxaan ugu baaqeynaa in teendhada degdeg loogu noqdo, hadii taasi dhici weyso, wixii dhaca masuuliyadooda waxaa si gaar ah u qaadaaya madaxweynaha,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey shirweynihii beelaha Mogadishu Clan ee Muqdisho ka dhacay. Hoos ka Daawo The post Daawo Sheekh Shariif: “War ma harin, waa in jawaab deg deg ah la bixiyaa” appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Kenyata oo si diiran loogusoo dhaweeyey Kinshasa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata oo booqasho Sadex maalmood ah ku tagay Dalka Congo ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyey Dhigiisa Felix Tshisekedi. Madaxweyne Kenyata ayaa inuu Dalkaas joogo wuxuu booqan doonaa Xaruamaha Dowlada Dalkaas. Booqashadiisuna waa mid Sharafeed, Sida ay sheegtay Madaxtooyadu. Madaxweynaha Wakhtigiisubdhamaadey idla markaasna Wakhtiga kororsadey ayaa maalin ku maqnaa Dalka Kongo, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Kongo Xaaskiisa. Puntlandi.com Nairobi The post Madaxweyne Kenyata oo si diiran loogusoo dhaweeyey Kinshasa appeared first on . Source -
Shir beesha Mogadishu Clan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyey in beesha kasoo horjeedo muddo kordhinta Farmaajo iyada oo ku baaqday in lagu laabto oo dib loogu noqdo heshiikii September 17. waxaa kale oo ay sheegtay in ku adkeysiga muddo kordhinta wixii ka dhasha ay mas’uuliyaddeeda saareen Farmaajo . Haddaba halkaan ka akhriso warmurtiyeedka ay soo saartay beesha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u yeeray guddoomiyaasha guddiyada doorashooyinka qaranka, si loogu war-geliyo go’aan ay gaartay dowladda federaalka Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kulankan uu caawa ka dhici doono xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana ka soo baxaya xogo hordhac ah. Ilo ka tirsan guddiyada ayaa sheegay in Rooble uu guddoomiyaasha guddiyada fasixi doono islamarkaana uu la geli doono ballan ah in ay noqon doonaan dadka ugu horreeya haddii shaqadan ay ka gudubto caqabadaha horyaalla. Sidoo kale waxa uu kaga mahad-celin doonaa dhabar adeegii ay sameeyeen intii ay joogeen Muqdisho. Arrintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya uu muddo laba sano ah ugu dareen Madaxweyne Farmaajo, taas oo ka dhigan in laga maarmay baahidii guddigan. Guddiyadan ayaa noqday khilaafkii ugu horreeyey ee caqabadda ku noqday doorashada, kadib markii ay dowladda kusoo dartay xubno ay mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaar sheegeen inay yihiin sirdoon. The post Xog: ROOBLE oo u yeeray madaxda gudiyada doorasho kadib go’aan ay gaartay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Beelaha Mogadishu Clan oo goordhoweyd oo fiidkii ka furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa si adag looga hor-yimid muddo kororsiga labada sano ee madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday. Shirweynahaan oo ay ka qeyb-galeen Musharaxiinta mucaaradka, Xildhibaannada, Senatarada, Odayaasha dhaqanka, Aqoon-yahan iyo dad kale oo lagu martiqaaday shirka ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeed xasaasi ah. Mahad Salaad oo ka tirsan mudaneyaasha golaha shacabka ayaa warbaahinta ka hor aqriyay war-murtiyeedkaas, ayaa sheegay in shirweynaha uusan madaxweynaha Soomaaliya u aqoonsaneyn Farmaajo, oo weli ku sugan Villa Somalia. “In si deg-deg ah looga laabto go’aanka muddo kororsiga sharci darada ah, Shirweynahana waxa uu ku adkeynayaa in wado kasta lagu hor-istaago muddo kororsiga si uusan u meel-marin,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha Beelaha Mogadishu Clan. Sidoo kale waxa lagu sheegay War-murtiyeedkaan in si dalka loo bad-baadiyo ay shir deg-deg ah isugu imaadaan madaxda maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasada, kaasi oo uusan goobjoog ka aheyn Farmaajo, si dalka uu doorasho u aado. “Shirweynaha waxa uu ka digaya cawaaqib xumada ka dhalata muddo kordhinta sharci darrada, wuxuuna cadeynayaa in mas’uuliyada ay qaadayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo guddoonka golaha shacabka.” Waxay digniin adag u direen taliyeyaasha ciidanka lugta, nabad sugida iyo booliska oo ay sheegen inay ku howlan-yihiin fulinta qaraarkii muddo kororsiga sharci darada ah, iyagoona dalbaday in ciidanka laga saaro loolanka siyaasadeed. Ugu dambeyntiina waxaa war-murtiyeedkaan lagu sheegay in go’aankii golaha shacabka ee muddo kororsiga aysan ku metelin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay si deg-deg ah uga laabtaan go’aankaas oo xasilooni darro u horseedaya dalka. The post DEG DEG: Shirweynaha Mogadishu Clan oo laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Shirweyne ay isugu yimaadeen Beelaha Mogadishu Clan ayaa Warmurtiyeedkii kasoo baxay lagu cadeeyay in Madaxweynaha Xilkiisu dhamaaday uusan ahayn Madaxweynaha Soomaaliya. Qodobbkamida Warmurtiyeedka ayaa uqoran sidaan “ Beesha waxay kalsoonidii kala laabatay Maxaxweynaha Xilkiisu dhamaadey” Shirweynaha waxaa loogu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu kusoo laabto Teendhada Afisyooni, hadii uu taas samayn waayana uunisagu qaadayo Masuuliyada wixii Dalka ka dhaca. Madaxweynihii hore ee Dalka Dhariif Sheikh Axmed oo khudbadbka jeediyay Shirweynaha ayaa isna sheegay in Beesha ay u taagan tahay Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadey inuu kusoo laabto wadahadalka. Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in aan la aqbalayn in Dalka laga leexiyo dhaqankii qori isu dhibka Doorashada. Puntlandi.com Muqdisho The post Beesha Mogadishu Clan oo Aqoonsigii Madaxweynanimada kala laabatay Madaxweyne Farmaajo appeared first on . Source
-
Halkaan hoose ka dhagayso Warmurtiyeedkii Warmurtiyeedkii-Shirweynaha-B-Mogadishu Clan Khudbadii Cabdiraxmaan-Cabdiishakuur Cabfiraxmaan-CabdishakuurDownload Khudbadii Shiekh-Shariif The post Dhagayso Warmurtiyeedka Shirweynihii Beelaha Mogadishu Clan appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadashay inay lacag Malaayiin doollar ah siiso madaxda waqtigoodu dhamaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya. Waxay beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya usoo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin, eedeyntaasi oo uu dhawaan u jeediyay Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz. Dowladda Qatar oo qoraal rasmi ah usoo dirtay idaacada VOA-da oo wax ka weydiisay eedeynta Safiirkii hore ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay inay si hoose dhaqaalo badan ku taageero dowladda waqtigeedu dhamaaday. Qoraalkaas ayaa waxay Qatar ku sheegtay inay jirto lacag dhan $20 Milyan oo sanadkii tegay ay ku taageertay miisaaniyada dowladda, waxayna hoosta ka xariiqday inaysan jirin lacag madow oo ay geliso Soomaaliya. “Qatar waxay door wax dhisid ah ka ciyaarta Soomaaliya, taasi oo aan uga gol leenahay in aan ku caawino madax-banaanida, degenaanshaha iyo horumarinta Soomaaliya. Dadaalada Qatar iyo mowqifkeedu wuxuu lamid yahay midka QM iyo saaxiibada kale ee Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Qatar. Sidoo kale waxay iska fogeysay inuu jiro xiriir hoose oo ka dhaxeeya Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, islamarkaana ay taageerada qarsoodiga ah ee dowladda usoo mariso asiga, sida uu hore ugu eedeyay safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya. Stephen Schwarts, Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wareysi uu dhawaan siiyey idaacada VOA-da waxa uu dowladda Qatar ku eedeyay inay lacag sharci darro ah siiso madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, islamarkaana ay soo dhex-mariso Fahad Yaasiin oo uu sheegay inuu taas ka helay awood iyo saameyn siyaasadeed. Qatar ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeynayay inuu heshiis hoose kala dhaxeeyo madaxda sarre ee dowladda federaalka, hase yeeshe inta badan waxaa eedeymahaas gaashanka u daruurta dowladda Qatar oo loolan adag ku wajahaysa gobolka. The post Qatar oo jawaab rasmi ah ka bixisay eedeyn la xiriirta Fahad Yaasiin oo loo jeediyey appeared first on Caasimada Online.
