-
Content Count
211,311 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaladda Muqdisho waxaa maanta ka furmay wajigii 2-aad ee shirkii wada-tashiga doorashooyinka ee heer wasiir, waxaana shirka yeelanaya guddigii horay loo magacaabay, kuwaasi oo kala metalya maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Shirkan maanta furmay kii ka horreeyey ayaa horay uga dhacay Baydhabo, iyadoona shirkaasi lagu gaaray go’aamo masiiri ah. Dhanka kelana wasiirada arrimaha gudaha Puntland iyo madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa sheegay in labada maamul aanay qeyb ka eheyn shirkaasi. Shirkan ayaa wuxuu hordhac u yahay shirka madaxda federaalka, madaxda dowlad goboleedyadda iyo gobalka Banaadir oo la filayo in dhawaan uu ka furmo Muqdisho. View the full article
-
WAR-SAXAAFADEED: 18/03/2021 Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Warbiximo Lagaga Dhegeystay Wasiirrada Wasaaraddaha Caafimaadka, Ganacsiga, Diinta iyo Awqaafta. Fadhigii 72aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta iyo Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland. Ugu horray wasiirka horumarinta Caafimaadka, ayaa golaha uga war-bixiyey Xaaladda xannuunka Covid 19 ee dalka oo wakhtigan soo laba kacleeyey, isagoo sharaxay kor u kaca xannuunkaaas ee bilaha Jeeniweri ilaa Maaraj ee 2021, inta la baadhay bulshada. Waxaanay u kala saaray wasiirku sidan:- Bilaha Sannadka Inta qof ee La Baadhay Inta qof ee laga helay Inta Dhimatay Jeeniweri 4,339 59 2 Feebarweri 5,059 232 13 Maaraj 4,055 607 29 Sannadkan 2021 13,453 898 44 Goluhu waxa uu mar kale isla qaatay in taxaddirkii la xoojiyo, lana raaco tilmaaha Wasaarada horumarinta caafimaadka ee ay ugu mihiimsan yihiin, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo faraxalka. Dhawaanna ay go’aamo soo saari-doonaan guddida heer qaran ee ka hortagga xanuunka covid 19. Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Golaha uga war-bixiyey Xaaladda Abaaraha ee dalku ku sugan yahay hadda, ayaa tilmaamay guud ahaan in biyo la gaadhsiiyey 130(saddex boqol iyo Soddon) Tuullo, kuwaasoo loo qaybiyey 37,800 (Toddoba iyo soddon kun iyo siddeed boqol) oo foosto. Wasiirku waxa uu xusay in biyo-dhaamiskan oo xukuumaddu ay qaybisay wakhtigii ay deegaannadaasi aad ugu baahnaayeen inay biyo helaan, hadii gurmadkani dib uga dhici lahaana ay ku tagi lahayd dadkaasi inay ku iibsadaan guud ahaan lacag ka badan 154,000 oo doolar (Boqol iyo Afar iyo Konton Kun oo dollar), balse ay dedaal balaadhan xukuumaddu gelisay sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa biyo bilaasha oo ay qaybinayeen Booyadaha dawladdu ugu tallo gashay inay wakhtiga abaaraha bulshada harraaddan u dhaamiyaan, horena loogu iibiyey gurmadka abaaraha. Tuulooyinka ugu daran ee biyo la’aantu ka jirto ee Xukuumaddu biyaha gaadhsiisay waxa ay ka tirsan yihiin Gobollada kala ah: Gobolka Togdheer, Gobolka Saraar, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag, gaaar ahaan (Ceel-af-weyn iyo Gar-adag, Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan (Cadaadlay iyo Sallaxlay). Ugu danbayntiina waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska oo golaha faah-faahin ka siiyey Shidaalka qaaliyoobay maalmihii u danbeeyey. Warbixinta ka dibna, wasiirka waxa loo xilsaaray; in uu ka hawl-galo sidii bulshadu u heli lahayd shidaal jaban, maadaama wakhtigan ay abaaro ba’ani ka jiraan deegaanno badan oo Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ah. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Xirsi Gaani (bidix) iyo Maxame Dhabancad (midig) Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn shirka wajigii 2aad ee guddiga farsamada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maanta ka furmay hotelka Decala ee Muqdisho. “Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Muqdisho” ayaa bartiisa Twitterka ku qoray Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo kamid ah wafdiga madaxweyne Deni ee ku sugan Muqdisho. “Jubaland qayb kama ahan kamana war hayso wax shir ah oo u furmay guddi farsamo oo horudhac u ah shir ka dambeeya” ayuu isna Twitter-kiisa ku qoray Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubaland Xirsi Gaani. Shirka Muqdisho ka furmay ee ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland Shirka hotel Decale uga furmay qaar kamid ah guddiga farsamada ayaa la sheegay in uu hordhac u yahay shirka la filayo in ay dhawaan magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxda federaalka, dowlad goboleedyadda iyo gobalka Banaadir, kaas oo looga tashanayo arrimaha doorashooyinka ee khilaafku ka taagan yahay. Guddiga farsamada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka kooban 14 xubnood ayaa bishii Febraayo wajigii 1aad ee shirkan ku yeeshay magaalada Baydhabo, kaas oo looga hadlay xubnaha guddiga doorashooyinka, xal u helidda guddiga doorashooyinka kuraasta Somaliland, xaaladda gobolka Gedo, qoondada haweenka iyo jadwalka qabsoomidda doorashada. Waxaana markii uu dhamaaday shrikaasi war ay soo saareen guddigu ku sheegeen in xal farsamo laga gaaray dhammaan qoddobadii khilaafku ka taagnaa, iyagoo intaas ku daray in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay u meelmariyaan. Balse madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa qodobadaas saxiixin, iyadoo welina uu taagan yahay khilaaf adag. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Jubaland oo qeyb ka ahayn shirka 2aad ee guddiga farsamada appeared first on Puntland Post.
-
Fadhigii 72aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta iyo Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland. Ugu horray wasiirka horumarinta Caafimaadka, ayaa golaha uga war-bixiyey Xaaladda xannuunka Covid 19 ee dalka oo wakhtigan soo laba kacleeyey, isagoo sharaxay kor u kaca xannuunkaaas ee bilaha Jeeniweri ilaa Maaraj ee 2021, inta la baadhay bulshada. Waxaanay u kala saaray wasiirku sidan:- Bilaha Sannadka Inta qof ee La Baadhay Inta qof ee laga helay Inta Dhimatay Jeeniweri 4,339 59 2 Feebarweri 5,059 232 13 Maaraj 4,055 607 29 Sannadkan 2021 13,453 898 44 Goluhu waxa uu mar kale isla qaatay in taxaddirkii la xoojiyo, lana raaco tilmaaha Wasaarada horumarinta caafimaadka ee ay ugu mihiimsan yihiin, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo faraxalka. Dhawaanna ay go’aamo soo saari-doonaan guddida heer qaran ee ka hortagga xanuunka covid 19. Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Golaha uga war-bixiyey Xaaladda Abaaraha ee dalku ku sugan yahay hadda, ayaa tilmaamay guud ahaan in biyo la gaadhsiiyey 130(saddex boqol iyo Soddon) Tuullo, kuwaasoo loo qaybiyey 37,800 (Toddoba iyo soddon kun iyo siddeed boqol) oo foosto. Wasiirku waxa uu xusay in biyo-dhaamiskan oo xukuumaddu ay qaybisay wakhtigii ay deegaannadaasi aad ugu baahnaayeen inay biyo helaan, hadii gurmadkani dib uga dhici lahaana ay ku tagi lahayd dadkaasi inay ku iibsadaan guud ahaan lacag ka badan 154,000 oo doolar (Boqol iyo Afar iyo Konton Kun oo dollar), balse ay dedaal balaadhan xukuumaddu gelisay sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa biyo bilaasha oo ay qaybinayeen Booyadaha dawladdu ugu tallo gashay inay wakhtiga abaaraha bulshada harraaddan u dhaamiyaan, horena loogu iibiyey gurmadka abaaraha. Tuulooyinka ugu daran ee biyo la’aantu ka jirto ee Xukuumaddu biyaha gaadhsiisay waxa ay ka tirsan yihiin Gobollada kala ah: Gobolka Togdheer, Gobolka Saraar, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag, gaaar ahaan (Ceel-af-weyn iyo Gar-adag, Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan (Cadaadlay iyo Sallaxlay). Ugu danbayntiina waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska oo golaha faah-faahin ka siiyey Shidaalka qaaliyoobay maalmihii u danbeeyey. Warbixinta ka dibna, wasiirka waxa loo xilsaaray; in uu ka hawl-galo sidii bulshadu u heli lahayd shidaal jaban, maadaama wakhtigan ay abaaro ba’ani ka jiraan deegaanno badan oo Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ah. ALLAA MAHAD LEH Source
-
Ethiopia’s request for an investigation into the humanitarian consequences of the conflict in the country’s northern Tigray region is agreed by United Nations human rights (OHCHR) chief Michelle Bachelet, according to the statement of U.N. spokesperson on Wednesday. Tigray residents have told human rights groups and journalists of massacres, widespread sexual violence and indiscriminate killings of civilians by security forces in the region. Aid workers, meanwhile, say Tigray’s health system has largely collapsed and warn of possible large-scale starvation. “The High Commissioner responded positively to the Ethiopian Human Rights Commission’s (EHRC) request for joint investigations on Monday,” Jonathan Fowler, spokesperson for OHCHR told Agence France-Presse (AFP). The U.N. office is now preparing a plan in order to launch the mission as soon as possible. Source: Daily Sabah The post UN agrees to Ethiopia’s request for joint Tigray probe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-1832021.mp3 View the full article
-
(SLT-Yemen)-Hadal ka soo baxay Kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto waxa ay ku baaqeen inay Ciiddanka Sacuudiga ka baxaan gudaha Yemen, si ay iyagana u joojiyaan duqeymaha iyo Darooniska ay la beegsadaan magaalooyinka iyo xarumaha shidaalka ee Sacuudiga. Maxamed Cali Al-xuuti oo xubin ka ah Guddiga Sare ee Siyaasada ee Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay hore Imaaraadka uga joojiyeen duqeymaha, kadib markii ay Ciiddankooda kala baxeen gudaha Yemen. Imaaraadka waxa ay Ciidankooda kala baxeen Yemen, wax yar kadib markii uu Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta, Cabdimaalik Xuuti uu farriin u diray Madaxda Imaaraadka inay Ciiddankooda kala baxaan Yemen, si ay iyagana u joojiyaan duqeymihii ay la beegsan jireen “Haddii ay Sacuudiga ku dhawaaqaan inay Ciiddankooda la bixi doonaan, sida ay Imaaraadka u sameeyeen inay markaasi joojin doonaan Beegsigooda” ayuu yidhi Maxamed Cali Xuuti oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka. Dowladda Imaaraadka waxay u dhega-nuglaadeen Fariintaasi, iyagoo Ciiddankooda si rasmi ahaan ugala baxay Yemen, isla markaana ay joojiyeen Beegsigooda Kooxdaasi. Qoraal uu Maxamed Cali Al-xuuti soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Dowladda Sacuudiga ugu nasteexeeyey inay Ciiddankooda kala baxaan gudaha Yemen, si ay uga badbaadaan Duqeymaha iyo Darooniska ay la beegsadaan gudaha Sacuudiga. Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Joe Biden waxa uu ku dhawaaqay inay joojiyeen Taageerada Loojistikada ee ay hore u siin jireen Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga ee Hawlgalladda duqeymaha ka fuliya gudaha Yemen. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada ee Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir ee heshiiska kusoo gaaray Baydhaba ayaa maanta uu shir uga furmay Hotelka Decale ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxaa shirka ka qeyb galaya xubno ka kala socda maamul goboleedyada dowladda taabacsan ee HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, waxaase ka maqan Galmudug, Jubaland iyo Puntland. Hase yeeshe xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta qaar u sheegay in Puntland ay qeyb-ka tahay. Si kastaba, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ka mid ahaa xubnihii Puntland ku matalayey guddigii farsamada heshiiskii Baydhaba, ayaa beeniyay in Puntland ay qeyb ka tahay shirkaas wasiirka Dhabancad ayaa sheegay in warka dowladda aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan jirin shir ka furmay Muqdisho. “Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Mogadisho,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Puntland. Hore ayaa waxay guddigan shir ugu yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, balse kulankan ayaa ah mid ay ku kala qeybsameen guddiga. Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo caasimada dalka ay ku sugan yihiin inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka, lana filayo in ayaga iyo madaxda dowladda uu shir uga furmo xarunta Xalane.
-
(SLT-Tanzania)-Madaxweyne ku xigeenka dalka Tanzania gabadha lagu magacaabo Saamiya Xasan ayaa si rasmi ah loogu dhaarin doonaa xilka madaxweynaha dalkaasi kadib markii uu geeriyooday John Magufuli oo dalkaasi hoggaaminayay. Sida uu qabo dastuurka dalkaasi madaxweyne ku xigeenka ayaa xilka madaxweynaha la wareegaya haddii ay madaxweynaha ku timaado geeri ama xannuun uu shaqada la qaban kari waayo. Saamiya Xasan waxay xilkaan heyn doontaa ilaa 2025 oo uu ah waqtiga uu dhammaaneyso mudada xilka madaxweynihii geeriyooday. Waxa ay noqoneysaa madaxweynihii lixaad ee Tanzania iyo madaxweynihii ugu horeeyay oo dumar ah ee soo mara dalkaasi. Source
-
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa shaaca ka qaadey In qabanqaabada Shirka looga hadlayo Arimaha Doorashada ay uu isagu gacanta ku hayo isagoo dhanka Amaanka la kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho jooga. James Swan isagoo ka hadlaya Qaban qaabada Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey Ee Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi ayuu sheegay in Dhaqaalaha ku baxaya Shirka ay Beesha Caalamku Diyaariyeen Amaankana ay sugayaan Ciidamada Amisom. Wuxuu kaloo sheegay inay uu aad ugu rajo weyn yahay in guul uu ku dhamaado Kulanku. Shirka oo qabsoomi lahaa Todobaadkii hore ayaa waxaa furitaankiisa hor taagnaa Dowlada Federaalka oo doonaysay in Shirka lagu qabto Villa Soomaaliya laakiin waxaa taas diidan Jubbaland iyo Puntland Amaanka awgeed. Puntlandi.com Muqdisho James Christopher Swan United Nations Secretary-General’s Special Representative for Somalia The post James Swan “ Shirku wuxuu ka dhacayaa Afisyooni, Amaankiisans Amisom ayaa qaabilsan appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jabril Ibrahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi. Kulankaan ayaa waxa diirada lagu saaray nidaamka doorashooyinka, iyada oo labada mas’uul ka wada-hadleen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada isku haya doorashooyinka oo xaalad cakiran ka abuuray dalka. Jabril oo soo dhigay qoraal kooban bartiisa baraha bulshada ayaa waxa uu uga hadlay kulankaan, wuxuuna yiri “Waxaan maanta kulan muhiim ah wada yeelanay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi”. Jabril ayaa sheegay in isaga Danjiraha aay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira Doorashooyinka iyo sida aay lagama maar-maanka u tahay qabsoomidda doorasho raali laga wada-yahay oo si xor iyo xalaal ah loo qabto. Sidoo kale waxa uu sheegay in Wakiilka uu ka codsaday in uu si toos ah uga qeyb qaato wada-hadalada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee isku haya hogaanka dalka. “Danjire Vecchi ayaan ka codsaday in uu si toos uu qeyb weyn ka qaato is-fahamsiinta Dowladda Federalka ah, Dowladda Gobaleedyadda iyo siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee daneynaya hogaanka dalka,” ayuu yiri. Ugu dambeyntiina Musharax Jabril Ibarahim Cabdulle ayaa uga mahad-celiyay Wakiilka kaalinta Dowladda Talyaaniga ay qaadaneyso xoojinta dowladnimada Soomaaliya.
-
Shirkii Baydhabo ee guddiga farsamada Sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, waxaa maanta hotelka Decala ee garoonka Aadan cadde magaalada Muqdisho ka furmaya wajigii 2aad ee shirkii guddiga farsamada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirkan ayaa la sheegay in uu hordhac u yahay shirka la filayo in ay dhawaan magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxda federaalka, dowlad goboleedyadda iyo gobalka Banaadir, kaas oo looga tashanayo arrimaha doorashooyinka ee khilaafku ka taagan yahay. Guddiga farsamada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka kooban 14 xubnood ayaa bishii Febraayo wajigii 1aad ee shirkan ku yeeshay magaalada Baydhabo, kaas oo looga hadlay xubnaha guddiga doorashooyinka, xal u helidda guddiga doorashooyinka kuraasta Somaliland, xaaladda gobolka Gedo, qoondada haweenka iyo jadwalka qabsoomidda doorashada. Waxaana markii uu dhamaaday shrikaasi war ay soo saareen guddigu ku sheegeen in xal farsamo laga gaaray dhammaan qoddobadii khilaafku ka taagnaa, iyagoo intaas ku daray in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay u meelmariyaan. Balse madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa qodobadaas saxiixin, iyadoo welina uu taagan yahay khilaaf adag. PUNTLAND POST The post Guddi farsamo oo shir looga hadlayo khilaafka doorashada uga furmayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa shacabka u furtay inay meel kasta oo ay joogaan ay saami ama SHARE ku darsan karaan shirkadda, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay shirkadda. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka. Warsaxaafadeed Shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo soo agaasintay Xaflada sanadlaha ee saamileyda somtel iyadoo sidoo kale shikaddu daahfurtay saamiyo cusub sanadkan 2021. Munaasabadan oo lagu Qabtay Hotel Giyaajo ayaa waxaa ka soo qeybgalay Qeybaha kala gedisan ee bulshada Sida Ururada Dhaliinyada, Aqoonyahanada, Ururada Haweenka, Ganacsato iyo Shaqsiyaad Caan ah, Mas’uuliyiinta Ugu sareeysa shirkadda isgaarsiinta sotel & Dahabshil Group Intaba. Munaasabadaan oo ay bulshadu aad u daneeynayeen ayaa Waxaa laga dareemay hoolka ay munaasabada ka dhaceeysay & dad weynwhw kale ee baraha bulshada ee shirkadda su’aalaha ka soo weydiinayay Iyadoo Saamiyada laga daahfuray Suuqyada Somtel Somaliland & Somtel Puntland. Ugu horeyntii Waxaa munaasabada Hadal jeedin rasmi ah ka sameeyay madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane: C/laahi Cali Caamir Oo ku dheeraaday ahmiyada Saamileyda shirkaddu u leeyihiin “isagoo tilmaamay inay ka qeyb –qaataan suuq-geynta adeegyada shirkadda Waxa uu na ku dhiirageliyaya in fariinta shirkadda ay gaarsiiyaan.” Sidoo Kale Waxaa munaasabada ka hadlay Saamileyda shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo Codkooda uu ku hadlayay Mudane C/raxmaan Cumar Wiresh Oo Tibaaxay Mudada Labada Sano aan ka mid nahay Saamileyda Somtel Waxa aan Helnay Faa’iido Dhaqaale Iyadoo shirkaddu La timid Istaraatiijyad gaar ah oo Lagu Kobcinaayo Daqliga Shirkadda Si loo Xaqiijiyo qanaacadaSaamileyda. Waxaan ugu baaqaaa Saamileyda Cusub inay Ku soo biiraanBahweynta Saamileyda ayna K amid Noqdaan Milkiilayaasha guud ee shirkadda somtel” Ugu Danbeyntii Waxaa munsaabada soo Xiray Maareeyaha guud ee shirkadda isgaarsiinta somtel “U jeedada aan Daah-fureyno Saamiyada Wejigii Labaad Waa in macaamiisha Somtel ay ka mid noqdaan milkiilayaasha guud ee shirkadda Iyadoo Sanadkii 2018 Wejigii koowaad aan u furnay Macaamiisheena Saamiyo dhan (1033) Saami Waxaan rajeeyneeynaa in Sedex Sano kadib Macaamiishena sharafta leh U furno Saamiyo ka badan ay Kuwii ay shirkaddu Hory ugu furtay bulshada soomaaliyeed” Waxaa xusid mudan in shirkadda Somtel sanadkii 2018 u daah-furtay bulshada soomaaliyeed Wejigii 1aad saamiyadii ugu badnaa abid Iyadoo bulshadu soomaaliyeed ay ka wada qeyb-qaateen Macaamiishii ay horay u seegtay fursada Saami Ku darsashada Somtel Wejigii Koowaad ayaa Maanta soo buux Dhaafiyay Xafiisyada Saamiyada somtel Muqdisho si ay uga Faa’ideystaan Fursadaan Taariikhiga ah oo ay Xiliyo badan sugayeen.
-
(SLT- Hague)-Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa maanta dhageysan doonta gunaanadka dacwadda badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay Maxkamaddu dhageysatay dooddii ergadii mataleysay Soomaaliya. Raysal Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegtay in maanta Maxkamadda ay dhageysan doonto gunaanadka dacwadda badda, kaddib markii ay go’aankaas qaadatay maxkamadda, Kenya ayaa sababaha ay uga baaqatay dhageysiga dacwadda Badda ku sheegtay cudurka safmarka ee Covid-19, waxaana maxkamadda ay dhagaha ka fureysatay dalab Kenya ku dooneysay in la baajiyo dhageysiga dacwadda. Dacwadda u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya oo soo jiitamayay illaa 10-kii sanno ee la soo dhaafay ayaa Maxkamadda la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka soo saarto, waxaana la filayaa in go’aankaas uu dhaco ugu yaraan 3 illaa lix bil kaddib. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka arrimaha doorashooyinka ee ka dhacaya magaalada Muqdisho. Swan ayaa shaaca ka qaaday in shirkan ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, islamarkaana ay bixineyso taageerada dhaqaalaha ah ee ku aadan fududeynta shirkaasi. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarinayaan Teendhada Afisyooni oo ku taalla xerada Xalane, islamarkaana uu ka dhacayo shirka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ammaanka goobta uu yahay mid la’isku haleyn karo, islamarkaana ay sugayaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. “Waxaan xusayaa inaan dooneyno inaan Soomaalida siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga keenayo ergooyinka maamul goboleedyada dalka, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqeyneynaa sugidda ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladani ay sii socdaan, iyaga oo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida,” ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimahaSoomaaliya. Amb. Swan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dadaallada socda ay muhiim u yihiin hannaanka doorashooyinka oo uu tilmaamay inay laf dhabar u yihiin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii haya, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho laga dareemayey dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeeda, kuwaas oo looga arrinsanayo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeedo, iyada oo ay sidoo kale ku sugan yihiin madaxda maamullada Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in haatan ay billowdeen dadaallo lagu doonayo in la’isugu soo dhoweeyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmuudg, oo uu khilaaf soo kala dhex-galay, kadib khudbadii uu Siciid Deni bil ka hor ka jeediyey gudaha magaalada Garoowe. Dadaallada ayaa socda ayaa waxaa garwadeen ka ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, xildhibaano & siyaasiyiin kasoo kala jeedo Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta kulan gaar ah ay yeelan doonaan Axmed Madoobe & Qoor Qoor, kaas oo horudhac u ah kulan ay isugu imaanayaan madaxweynayaasha maamulada Puntland & Galmudug, si loo dhameeyo khilaafkooda. Ilo ku dhow kulamadaasi ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in wada-hadallada la’isugu soo dhoweynayo labada dhinac ay marayaan meel wanaagsan, islamarkaana rajada ay tahay in xal waara laga gaaro mad-madowgaasi siyaasadeed. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo magaalada Muqdisho haatan laga dareemayo u diyaar garow ku aadan shirka wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.
-
Axmed Madoobe oo war ka soo saaray geerida Xildhibaan Xiish
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Jubaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka #Covid19. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada. “Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweynahu. Axmed Madoobe ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska iyo guud ahaan reer Jubaland. View the full article -
Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Keydka ay u soo direyso gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howl-galka AMISO. Ciidamadan oo gaaraya illaa 2,752 oo askari ayaa haatan ku sugan xarunta tababarada taageerada Nabadda ee Singo, si loogu tababaro halkaasi. Uganda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadaasi ay Soomaaliya soo gaarayaan inta u dhaxeysa bisha October ee sanadkan, illaa bartamaha sanadka kale ee 2022-ka. Sidoo kale ciidamada ay soo direyso dowladda Uganda ayaa waxa ay bedali doonaan kuwa kale oo ku sugan Soomaaliya oo dhameystay muddo xileedkooda. Wadanka Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ay ka socdaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee haatan howl-gallada ka wada gudaha Soomaaliya, waxaana ay garab siiyaan ciidamada Xoogga dalka ee haatan dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab. View the full article