Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray xaaladda doorasho ee dalka ka dib markii muddo kordhin loo sameeyay hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa yana puntland dalbatay in dib loogu noqdo wadahadalladii doorashada ee Afisyooni. Puntland ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabooyin waa weyn haddii aan dib loo bilaabin wadahadalladii doorashada iyo heshiiskii 17-kii Sebtember. Halkaan Ka Akhriso Warsaxaafadeedka ay soo saartay Puntland 1: Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed ma aqoonsana tilaabaadii sharci darrada ahayd ee Golaha Shacabka Federaalka ee 10_aad ee muddo xileedkoodii dhammaaday ku meel mariyeen waxay ugu yeereen xeerka jiheynta doorashada iyo muddo kororsiga hay’adaha Federaalka ee dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 2- Puntland waxay caddeynaysaa in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiiska lagu yahay si loo qabto doorashada Federaalka, iyadoo la xalinayo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas si loo gaaro doorasho si nabad ah, wada oggolna ah ku dhacda. 3- Puntland waxay ugu baaqeysaa Saxiixayaashii heshiiskii 17 September 2020, Saamileyda Siyaasadeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya hormarka siyaasadda Soomaaliya in miiska wada hadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsaha badan si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed, loogana hortago khal khal amni iyo burbur dowladnimo 4- Haddii ay dhici weydo in dib loogu soo laabto miiska wada hadalka, Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynaha Puntland ee 17 March 2020, waxay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaagi doontaa tillaabada ku haboon ee la qaadi karo si loo badbaadiyo masiirka dowladnimo dhiska Somaaliya iyo danaha gaar ahaaneed ee Dowladda iyo ShacabkaPuntland. 5- Puntland waxay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraysaa in la illaaliyo midnimada, wadajirka, lana badbaadiyo mabaadiida geeddi socodka dowladnimo dhiska Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah iyo dimuqraadiyadda. 6- Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Puntland in ay illaaliyaan midnimadooda dastuuriga ah, amniga iyo xasiloonida Puntland. Dowladda Puntland waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadeysaa cid kasta oo isku deyda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland. 7- Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa xal u helista xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. VANCOUVER -- With tens of thousands of British Columbians ages 40 and older now getting their AstraZeneca shots and no additional shipments of that vaccine scheduled, many are wondering if they’ll get their second dose within the four-month window. Source: Hiiraan Online
  3. The US House of Representatives has passed a bill that would limit the ability of any United States president to impose a travel ban on the basis of religion, a move that was welcomed by civil rights advocates as “a major step forward”. Source: Hiiraan Online
  4. In September 2019, one day before he delivered a speech at the United Nations General Assembly calling out the “violence, cowardice and opportunistic guerilla tactics” of Al-Shabab, the jihadi fundamentalist group gripping large swaths of his country, the president of Somalia was reflecting on his former existence: a life rooted on Grand Island in a two-story home on a street lined with grassy lawns. Source: Hiiraan Online
  5. Ambassador Dang Dinh Quy, Permanent Representative of Vietnam to the United Nations, on April 20 shared other countries’ concern over the recent developments in Somalia, which would hinder the electoral process in the country. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Badbaado Qaran ayaa qoraal u dirtay Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika oo maanta kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, qoraalkaas oo la mariyey safiirka Jabuuti ee Ethiopia Mohamed Idriss Farah, oo ah guddoomiyaha iminka ee golahaas. Kulanka Golaha ee maanta ayaa la filayaa in looga hadlo isku day Midowga Afrika ku doonayo inuu ku dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, kadib cadaasi ka yimid beesha caalamka oo keenay in Farmaajo uu dalbado dhex-dhexaadintaas. Qoraalkan ayey Madasha ku sheegtay inay soo dhoweeneyso dhex-dhexaadin dibadeed oo loo sameeyo dhinacyada Soomaalida, hase yeeshee waxay sheegtay in wada-hadal kasta ay qasab tahay in saldhig loogu dhigo diidmada muddo kororsiga sharci-darrada ah ee labada sano, iyo ku laabashada wada-hadallo ku saabsan fulinta heshiiskii 17-ka September ee doorashooyinka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caqabad ku yahay inay dalka ka dhacaan doorashooyin daah-furan, nabad ah oo loo dhan yahay, uuna isku dayayo inuu awood u adeegsado ficillo dalka waxyeello gaarsiinaya. “Sidaas darteed waxana ku baaqeynaa in Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika uu qaado tallaabo deg deg ah oo looga hortagayo in arrintan ay noqoto mid dhab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalkaa ayaa intaas ku daray in tallaabada ay qaadeen baarlamanka Soomaaliya ay aheyd mid aan sharci-darro kaliya aheyn, balse ay sidoo kale ka hor-imaneyso dastuurka, maadaama golaha shacabka muddo xileedkiisu dhamaaday, uu muddo kororsiga ku ansixiyey ayada oo aanu kooramka buuxin iyo in Aqalka Sare uusan ansixin. Waxay tallaabadaas ku qeexaan mid dambi ah, oo musuq maasuq ah, taasi oo halis gelineysa xasilloonida aan cagaha adag ku taagneyn ee dalka. The post Madasha Badbaado Qaran oo shuruud adag u gudbisay Golaha Ammaanka Midowga Afrika kahor kulanka maanta appeared first on Caasimada Online.
  7. Somalia's capital, Mogadishu, is home to more than half a million internally displaced persons, or IDPs, living in crowded camps with poor sanitation where the coronavirus can spread rapidly. In the holy month of Ramadan, these vulnerable IDP families rely on food aid to survive. Reporter Mohamed Sheikh Nor reports from Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay maamulka degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Wareegto kasoo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa waxaa xil-kan loogu magacaabay inuu qabto Mucaawiye Sheekh Axmed Muudey, kaas oo ah nin dhalinyaro ah. Mucaawiye ayaa bedalaya guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Marxuum Maxamed Cabdi Xayle oo 17-kii bishan April lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho. Sidoo kale Cumar Filish ayaa faray guddoomiyaha cusub inuu si deg-deg ah ula wareego xil-ka, isagoona sidoo kale amray saraakiisha laamaha ammaanka inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub oo horey u ahaa wariye ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho. Magacaabistaan ayaa kusoo aadeyso, iyadoo aan weli lasoo bandhigin natiijada baaritaanka dilkii loo geystay AUN Marxuum Xayle oo si arxan darro ahaa loogu dilay Sarkuusta. The post Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Xamar Jajab, kadib dilkii Maxamed Xayle appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay in uu soo iibsaday gaadiid dagaal iyo hub faro badan oo uu isku difaaco, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu soo iibsaday gaadiid gaaraya ilaa 8 gaari oo kuwa dagaalka ah, iyadoo ay hore ugu yiileen gaadiid dagaal oo kale. Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo iibsaday hub u badan BKM, Sabanka, iyo qoryaha dhashiikaha ah ee gaadiidka la saaro iyo hubka fudud. Arrimahaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay magaalada Muqdisho gashay xaalad amni oo hubinti la’aan ah, taas oo ka dhalatay muranka doorashada Soomaaliya, lagana cabsi qabo in dowladda ay weerarto mucaaradka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah Murashaxiinta mucaaradka ah kuwa ugu cad cad, ayaa sidoo kale waxa uu ugu horreeyaa siyaasiinta Mogadishu Clan ee diidan muddo korarsiga sharci-darrada ah ee madaxweyne Farmaajo. Wali magaalada Muqdisho waxaa ka jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyadoo aysan jirin wax dedaal ah oo socda islamarkaana lagu raadinayo xalka doorashada Soomaaliya. The post CC Shakuur oo soo iibsaday gaadiid dagaal iyo hub badan appeared first on Caasimada Online.
  10. Dalka kenya oo Qunsul cusub u soo magacaabay Somaliland Wasiir-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa kula soo dhoweyn u qabtay xildhibaanada cusub ee Beesha Barriga Afrika iyo Qunsulka guud ee Kenya u magacowday xafiiska Qunsuliyadooda ee Somaliland. Sida lagu shaaciyey fariin Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ku baahisay barteeda Twitter ayaa lagu sheegay in Md Ababu Namwamba ayaa muxaadaro ka jeediyey hanaanka diblomaasiyadda Baarlamaanka. “Md Namwamba ayaa muxaadaro ku saabsan “Diblomaasiyadda Baarlamaanka” (Parlomacy) oo ah Qaabka Xidhiidhka Caalamiga ah “ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xidhayay mudanayaasha Kuliyadda Arrimaha Dibedda, oo goobjoog ahaa Sarkaalka cusub ee loo magacaabay inuu noqdo Qunsulka guud ee xafiiska Qunsuliyadda Kenya ay ku yeelanayso magaalada Hargeysa, Somaliland, wallow aan magaciina weli si rasmi ah Kenya u sheegin. Wasiir-xigeen MdNamwamba ayaa iftiimiyay taariikhda, qaababka, caqabadaha iyo qiimaha diblomaasiyadda ee xidhiidhka caalamka iyo doorka gaarka ah ee Kuliyadda Arrimaha Dibedda ee diyaarinta diblomaasiyiinta.”sida lagu sheegay fariinta Wasaaradda A Dibedda Kenya. Shaacinta Qunsulka cusub ee Kenya ayaa noqonaya dalkii lixaad ee caalamka ee xafiis diblomaasiyadeed oo cusub ka furta caasimada Hargeysa, taasoo hore ugu lahaayeen dalalka Itoobiya, Jabuuti, Turkiga, Taiwan, Imaaraadka Carabta, iyo dalka Ingiriiska oo leh xafiis qaabilsan iskaashiga labada dal. Qaran News
  11. Komishanka Doorashooyinka S/land oo shaaciyey Liiska Musharaxiinta Golayaasha Deegaanka 3-da Xisbi Ee u tartami doona Doorashooda dhici doonta 31 May 2021 Qaran News
  12. Ganacsade Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo lagu dilay dalka Koofur Afrika Wararka ka imanaaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi goordhaweyd lagu dilay allaha u naxariistee muwaadin Soomaaliya oo ka mid ahaa ganacsatada wadankaasi Koofur Afrika. Muwaadinka Soomaaliga ah ee lagu dilay dalkaas ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi loona yaqiinay Farmaajo, waxaana lagu dilay tuulada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalkaasi Koofur Afrika. Marxuumka ayaa la sheegay in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi xili uu ku guda jiray adeegista macaamiishiisa, waxaana wararku aay intaasi ku darayaan in ninkii dilay muwaadinka Soomaaliga isna lagu dilay isla goobta. Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa inta badan la kulma dhibaatooyin badan oo loogu geysto dalkaas sida dilalka iyo dhaca loo geysto goobahooda ganacsi, iayadoo dowlada dalkaasina aay marwalba sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatada lagu haayo ganacsatada Soomaaliyeed. Qaran News
  13. At least three people were killed and four others wounded when a mortar attack targeted Somalia’s presidential palace in the capital Mogadishu on Wednesday, local media reported. “At least three civilians were killed and four others injured in the attack, targeting the presidential palace in Mogadishu. The victims are members of the same family living near the palace,” local radio broadcast Garowe Online reported. The presidential compound in Mogadishu houses the president, the prime minister and the speaker of the parliament. Talking to Anadolu Agency, police officials confirmed the attack without elaborating on casualties. Adan Abdirahman Hussein, a resident in Mogadishu’s Boondhere district, told Anadolu Agency over the phone that he saw several children wounded in Wednesday’s mortar attack. “I heard more than five explosions. One of the mortar shells landed in a residential area near an IDP camp,” Hussein said. Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for the mortar attack, saying it had targeted Villa Somalia, official presidential residence and workplace. It is the second mortar attack in less than a month in Mogadishu. Al-Shabaab has carried out numerous attacks in Somalia over the years, including a 2017 truck bomb blast in Mogadishu which killed at least 300 people. Source: Anadolu Agency The post Somalia: Mortar attack kills 3 in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Koofiya-casta ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumaha ka agdhow ayaa ciidan dheeraad ah geeyay dhismaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ku taalla kasoo hor jeedka taliska booliska Soomaaliya ee Kumaanda Buluusiya. Ciidankaan dheeraadka ah ee la geeyay ayaa la sheegay in ay xoojin doonaan ciidan kooban oo markii hore halkaasi ku sugnaa, kuwaas oo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, waxaana arrintaan lagu sheegay amar ka soo baxay Villa Somalia. Ciidanka dheeraadka ah ee maalmo kahor la geeyay dhismaha Wasaaradda Warfaafinta oo ay ku dhax yaalaan xarumaha Warbaahinta Qaranka, sida SNTV, Radio Muqdisho, SONNA iyo Radio SNA ayaa ah ciidan haysta hub culus iyo mid fudud. Qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta iyo agaasimayaasha wasaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankaan wasaaradda lagu soo kordhiyay markii ay Golaha Shacabka Muqdisho kaga dhawaaqeen muddo korarsiga dowladda islamarkaana uu dowladda ka goostay Janaraal Saadaq Joon. Khubarada amniga ayaa qaba in dowladu ka baqday afgambi ka dhaca Muqdisho, oo Farmaajo looga qaado xukunka sharci-darrada ah ee u uku joogo Villa Somalia. Badanaa markii ay ciidamada sameeyaan afgambi waxay ka billaabaan Warbaahinta Qaranka, xarumaha Madaxtooyada iyo baarlamaanka, waana sababta ay dowladda u adkeysay ammaanka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. The post Xog: DF oo ciidamo dheeraad ah geysay wasaaradda warfaafinta xilli ay cabsi jirto appeared first on Caasimada Online.
  15. Garowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa go’aan ka kooban 7 qodob kasoo saaray xaaladda doorashada Soomaaliya, iyo muddo kororsigii ay sameysteen hay’adaha dowladda federaalka iyo Farmaajo. Hoos ka aqriso qoraalka Puntland. Go’aanka Dowladda Puntland ee Xaaladda Doorashada Soomaaliya. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u taagan tahay mabaadiida dowladnimada Puntland si waafaqsan Dastuurka Puntland iyo kan Dowladda Federaalka ah ee Puntland xubinta ka tahay. Dowladda Puntland waxay sidoo kale illaalisaa masiirka geeddi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah, dimuqraadina ah. Kadib tillaabadii sharci darrada ahayd ee qeyb kamid ah Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday 26 December 2020 ku dhawaaqeen 12 April 2021 ee ay muddo kororsiga ugu sameeyeen hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Golayaasha Puntland waxay wadatashi ka yeesheen xaaladda cakiran ee marxaladda kala guurka ah ee uu Dalku marayo. Sidoo kale Dowladda Puntland waxay wadatashi la yeelatay Uruurada Siyaasadda, Bulshada Rayidka ah, Aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshada Puntland. Ka dib markii la tixgaliyey go’aankii Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee soo baxay 17 April 2021. Ka dib markii la arkay Xeerka tirsigiisu yahay 10 ee soo baxay 30 July 2000 ee ilaalinaya doorka Puntland ee nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya. Dowladda Puntland iyadoo tixgelinaysa talooyinka hay’adaha Dowladda Puntland iyo qaybaha bulshada, kana duuleysa baahida loo qabo ilaalinta midnimadda, Xasiloonida iyo horumarka geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, waxay qaadatay go’aanada soo socda. 1- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ma aqoonsana tilaabaadii sharci darrada ahayd ee Golaha Shacabka Federaalka ee 10_aad ee muddo xileedkoodii dhammaaday ku meel mariyeen waxay ugu yeereen xeerka jiheynta doorashada iyo muddo kororsiga hay’adaha Federaalka ee dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 2- Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiiska lagu yahay si loo qabto doorashada Federaalka, iyadoo Ia xalinayo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas si loo gaaro doorasho si nabad ah, wada oggolna ah ku dhacda. 3- Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Saxiixayaashii heshiiskii 17 September 2020, Saamileyda Siyaasadeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya hormarka siyaasadda Soomaaliya in miiska wada hadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsaha badan si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed, loogana hortago khal khal amni iyo burbur dowladnimo 4- Haddii ay dhici weydo in dib loogu soo laabto miiska wada hadalka, Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynaha Puntland ee 17 March 2020, waxay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba Ia wadaagi doontaa tillaabada ku haboon ee la qaadi karo si loo badbaadiyo masiirka dowladnimo dhiska Soomaaliya iyo danaha gaar ahaaneed ee Dowladda iyo Shacabka Puntland. 5-Dowladda Puntland waxay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraysaa in la illaaliyo midnimada, wadajirka, lana badbaadiyo mabaadiida geeddi socodka dowladnimo dhiska Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah iyo dimuqraadiyadda. 6- Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Puntland in ay illaaliyaan midnimadooda dastuuriga ah, amniga iyo xasiloonida Puntland. Dowladda Puntland waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadeysaa cid kasta oo isku deyda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland. 7- Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa xal u helista xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya. The post Puntland oo go’aan 7 qodob ah ka qaadatay xaaladda doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  16. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa looga hadlay go’aanka Puntland ee arrimaha doorashada Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn tallaabadii Baarlamaanka Soomaaliya muddada ugu kordhiyay hay’adaha federaalka. Puntland waxay sheegtay in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiis lagu yahay si loo qabto doorashada federaalka. Puntland waxay ugu baaqday saxiixayaashii heshiiskii 17 September, saamileyda siyaasadda iyo wakiilada Beesha Caalamka in miiska wada hadalka lagu soo noqdo si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed. Puntland waxay sheegtay in haddii dib loogu soo noqon waayo miiska wada hadalka ay aayaheeda ka tashan doonto, iyadoo ka duuleysa shirweynihii Puntland ee 17 March 2020. Puntland waxay xustay in ay soo dhaweyn doonto cid walba oo ka qeybqaadanaysa xaaladda cakiran ee Soomaaliya. Dowladda Puntland waxay sheegtay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doono cid walba oo isku dayda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo go’aan ka soo saartay xaaladda doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaali ah oo sidoo kale ka mid ah ganacsatada ku dhaqan gudaha dalkaasi lagu dilay duleedka magaalada Cape Town. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdullahi Gacaney ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay tuulada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed. Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ayaa sidoo kale shaaciyey in isna toogasho lagu dilay ninkii dambeeyey falkaasi oo isku dayey inuu baxsado. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse ka aysan hadlin. Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika. The post Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo ninkii dilay oo la toogtay appeared first on Caasimada Online.
  18. Somalia is bracing for record levels of displacement this year as drought ravages parts of the country, leaving tens of thousands of people without water and livelihoods. “Once again Somalia is facing the prospect of serious drought. Water and pasture resources are depleting every day and resulting in people abandoning their homes with their livestock to search for better conditions. We are worried that drought coupled with conflict could see record levels of displacement this year,” said Mohamed Abdi, Country Director for the Norwegian Refugee Council (NRC) in Somalia. According to data from the Protection and Monitoring Returns Network (PRMN), over one million people were displaced by floods, conflict and drought in Somalia last year, the highest figures recorded since 2016. So far, 112,000 have been displaced in the first three months of 2021, of whom 34 per cent were uprooted because of drought. The last time more than a million people were displaced in Somalia was in 2017, when drought ravaged the country and caused widespread suffering and uncertainty. “Drought will most likely be the driving factor displacing a large number of Somalis this year due to the poor performance of seasonal rains. Our staff on the ground are reporting that more than 50 districts are currently experiencing moderate to severe drought levels and it is expected to get worse,” Abdi said. In Somalia, the impact of drought runs parallel with the impact of flooding in other parts of the country. “It sounds contradictory but simultaneous flooding and drought are a reality in Somalia. Flooding was the main driver of high displacement last year. Some rains have dropped in the past number of days so our teams on the ground are also working towards flooding preparedness and to support those in critical need. We have to prepare for all climate shocks,” Mohamed Abdi explained. The UN’s 2021 aid appeal for Somalia seeks $1.09 billion to assist four million people in dire need, as a result of widespread insecurity, recurring climate disasters and the indirect economic impact of Covid-19. “Around 13 per cent of Somalia’s aid appeal has been donated so far, nowhere near enough to sustain the population as it battles drought and multiple other crises. The international community must not turn their back on Somalis, particularly pastoralist communities, who are impacted the most. We must do all we can to prevent another cycle of suffering in Somalia,” Abdi said. Qaran News
  19. Mogadishu (HOL) - The Intergovernmental Authority on Development, an eight-country multinational bloc in East Africa, has called on Somali stakeholders to sit down with the federal government in a process and give the "new initiative a chance." Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu youth groups ‘oppose warmongering’. Mogadishu (PP News Desk ) — A three-day conference for Mogadishu youth groups was concluded in Mogadishu today. Participants have passed resolutions in favour of “peaceful co-existence for Somalis”. “We don’t want our children to go through the same tribulations as we did as children. We say ‘no to warmongers’” said one of the participants. Participants took note of the tense political situation in Somalia and warned against attempts to drive a wedge among Somali people. “Damuljadiid group has an agenda, and is making baseless claims about the political situation in Somalia” said another participant. Damulajdiid is a politico-religious group to which Hassan Sheikh Mohamud, the former Somalia President, belongs. “We oppose politicians who are keen on creating hostilities among Somali clans for political purposes. It is deplorable that some traditional leaders have resorted to fanning hostilities. As youth groups we have decided to stand up for peace and say ‘no to destablisation’” reads one of the resolutions. A one-day consultative conference for a group of Mogadishu Clan politicians against the mandate extension for federal institutions was concluded in Mogadishu on Tuesday. Several Presidential Candidates including Hassan Ali Kheire, Abdikarim Guled and Dahir Mohamud Gelle have boycotted the conference they deem to be a platform for Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud, two former Somalia Presidents. © Puntland Post, 2021 The post Somali Youth Groups ‘Oppose Warmongering in Mogadishu’ appeared first on Puntland Post.
  21. Garowe (PP News Desk) — A disgruntled group of policemen has attacked Garowe Central Police Station and managed to forcibly release Mohamed Dahir, the former commander of the Municipality Force, from custody. Mr Dahir was detained after he had refused to hand over responsibility to a new commander. Garowe authorities have arrested two policemen who “took part in the raid”. The same group of policemen, now armed with a vehicle-mounted browning machine gun, returned to Central Police Station and released the two policemen arrested for collusion with the group who raided the Garowe Central Police Station a few hours ago. Several policemen at the police station were wounded in the attack. Policemen who stormed the police station reportedly belong to a batch of rookie cops trained in Qardho. Puntland Police Force has not commented on an incident many locals view as a sign that recruitment standards of the police force had deteriorated significantly. © Puntland Post, 2021 The post Disgruntled Policemen Storm Garowe Central Police Station appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in la saaray cadaadiskii ugu dambeeyay ee dhinaca beesha caalamka, iyadoo shirar gaar gaar ah oo laga yeeshay xaaladda Soomaaliya laga soo saaray farriimo adag. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubno sare oo ka tirsan QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka iyo UK ay Madaxweyne Farmaajo hor dhigeen laba qodob oo kala ah. 1- In uu dib ugu laabto shirkii looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya ee teendhada Afisyoone, islamarkaana uu xaliyo khilaafka doorashada Soomaaliya. 2- In uu iscasilo haddii uu diido ku laabashada shirka ama uu xalin waayo muranka doorashada Soomaaliya oo gaaray heerkii ugu sarreeyay. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Farmaajo uu saaran yahay culeys xooggan oo dhanka dibadda ah. Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa in si isdaba joogb ah ay ula soo xariiraan wakiilada beesha caalamka ee dalalka Mareykanka, UK iyo France iyo ururada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. Kulankii Golaha amaanka ee QM xalay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa loo oo jeediyay saddex qodob, kuwaas oo kala. 1- In dowladda iyo maamulada dalka ay ku laabtaan shirkii Afisyooni. 2- In la dhaqan geliyo heshiiskii 17-Sep, ee doorashada Soomaaliya. 3- Iyo in la saxiixo is afgaradkii guddi ee Baydhabo lagu gaaray 16-kii Feb ee sanadkaan, kaas oo ku aadanaa doorashada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu warramayaa inuu weli ka dhego adeegayo inuu ka laabto muddo kororsiga, mana cadda sida ay xalaaddan ku dhammaan doonto. The post Xog: Beesha caalamka oo Farmaajo ku cadaadineysa inuu sameeyo laba midkood appeared first on Caasimada Online.