-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xubnabaha beesha caalamka oo si wadajir u soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxa ay uga hadleen shirka wada-tashiga ee lagu wado inuu beri ka dhaco Teendhada Afisyooni. Qoraalkan ayaa waxaa baaq loogu diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, iyada oo laga dalbaday inay ka dhabeeyaan dadaallada socda. Halkan hoose ka aqriso: Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac. Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran. Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalkan ayaa waxa soo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay. View the full article
-
Madaxweynaha Hirshabeele, Cali Guudlaawe Xuseen iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii is maandhaafka jira loo soo afmeeri lahaa. Labada mas’uul oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ay leedahay qabsoomidda doorasho lagu wada qanacsan yahay oo dalka ka dhacda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Saaxiibada Caalamka ayaa soo dhoweeyay Shirka Arrimaha Doorashada ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka kaas oo sida qorshaysan berri ka furmi doona xarunta AFISYONI ee magaalada Muqdisho. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Beesha Caalamka Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka kaqeybgalayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021. Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac. Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran. Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray. Waxaan ka codsanaynaa madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay gaaraan xal siyaasadeed nabdoon oo horseeda doorashooyin, ayna sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka u ah danta qaranka Soomaaliyeed iyo dadkiisaba. Saaxiibada caalamku waxay sii wadayaan dadaaladooda ku aaddan isku soo dhoweynta saamilayda Soomaaliyeed. Waxaan mar kale ku celinaynaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka marka la isku af-garto faahfaahintiisa. * Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka war ka soo saartay Shirka Arrimaha Doorashada ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartay ku xaqiijisay in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu ka dhacayo aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho. Qoraalka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka ka qeyb galayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021.” Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Soomaalida inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac. Waxay sidoo kale dhiiri-gelisay la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran. “Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Waxay kale oo ay ka codsadeen madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay gaaraan xal siyaasadeed nabdoon oo horseeda doorashooyin, ayna sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka u ah danta qaranka Soomaaliyeed iyo dadkiisaba. “Saaxiibada caalamku waxay sii wadayaan dadaaladooda ku aaddan isku soo dhoweynta saamilayda Soomaaliyeed. Waxaan mar kale ku celinaynaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka marka la isku af-garto faahfaahintiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2132021.mp3 View the full article
-
Shirkada AstraZeneca oo diiday go’aan kasoo baxay Golaha Culimada Indonesia Shirkadda AstraZeneca ayaa maanta sheegtay in tallaalkeeda COVID-19 aysan ku jirin wax walxo ah oo ka yimid doofaarka, ayada oo ku gacan seertay go’aan kasoo baxay dalka ugu Muslimiinta badan caalamka ee Indonesia oo lagu sheegay in tallaalka uu ka hor-imanayo shareecada Islaamka. Golaha ugu sarreeya culimada Indonesia ee Indonesia Ulema Council ayaa Jimcihii website-kooda ku sheegay in tallaalka uu yahay “xaaraam” sababtoo ah waxaa ku jira “walxo ka yimid dheecaanka dheefshiidka doofaarka.” Si kastaba, golaha ayaa islamarkaana ansixiyey isticmaalka tallaalka sababtoo ah xaaladda deg deg ah ee ka dhalatay cudurka COVID-19. Hase yeeshee, afhayeenka AstraZeneca ee Indonesia Rizman Abudaeri ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “dhammaan heerarkii soo saarista tallaalka looma isticmaalin, wax xiriir ahna lama sameyn walxo ka yimid doofaar ama xoolo kale.” Mas’uuliyiinta Indoneisa ayaa Jimcihii ansixiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca kadib markii ay eegeen warbixino ka yimdi Yurub oo ku saabsan in qaar ka mid ah dadkii qaatay uu dhiigga xinjir noqday. Indonesia ayaa ka mid ah meelaha ugu darran qaaradda Asia ee uu cudurka ku faafay, waxaana laga diiwaan-geliyey 1,455,788, halka ay u dhinteen 39,447. Qaran News
-
MOGADISHU, Somalia – Unknown gunmen have shot and killed a local government soldier earlier on Sunday in the capital, Mogadishu, a witness said. The victim, whose name has not been released, was gunned down by men armed with pistols at Suq Bocle area in Dharkenley district while collecting taxes from business shops, a witness told Shabelle Media. He says the killers escaped from the crime scene. Somali security forces arrived at the area and started an operation. He says no one was arrested in the operation. No group has claimed responsibility for Sunday’s assassination. But such attacks are often carried out by an al Qaeda linked group al Shabaab. The tax collection is one of the riskier jobs in Mogadishu. In Mogadishu, dozens of soldiers in charge of tax collections were targeted and killed, with Al Shabab group claimed the responsibility for their assassinations. View the full article
-
Somalia’s south west state president Abdiaziz Hassan Mohamed has on Sunday arrived in Mogadishu after departing from Turkey. Mohamed and his delegation received a warm welcome upon arrive at the airport in Mogadishu. He is expected to attend a two-day meeting to finalize the 17 Sep election deal reached in the capital, Mogadishu. The election talks hosting by Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed is scheduled to take place on Monday to end electoral impasse. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa fal toogasho ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqidisho. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa qaada Canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyada lagu dilay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado uu ka dhacay gudaha Suuq Boocle oo ku yaalla degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in raggii ka dambeeyey dhacdadaasi ay goobta isaga baxsadeen, kadib toogashada. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo daqiiqado kadib meydka kasoo qaaday halkaasi, kadiba sameeyey baaritaano kooban. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda oo ku aadan dhacdadaasi. Si kastaba dilkan ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayey Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro dilal & qaraxyo geystay khasaare kala duwan.
-
Safiirka Ruushka u fadhiya Mareykanka ayaa Axadda maanta ah u tagay magaalada Moscow si looga wada hadlo sida loo wajihi karo xiriirka sii xumaanaya ee Mareykanka iyo Ruushka kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in uu u maleynayo in Vladimir Putin uu yahay dilaa, wakaalada wararka ee Reuters ayaa oo soo xiganeysa wakaallada TASS ayaa warisay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in safiirkeeda, Anatoly Antonov, ay dib ugu yeeraneyso si loola yeesho wadahadal deg deg ah ka dib markii Biden uu ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga ABC in uu u maleynayo in madaxweyne Putin uu yahay dilaa islamarkaana uu qaadan doono cawaaqib xumada ka dhalata faragalinta doorashada Mareykanka – eedeyntaasi oo ay Moscow beenisay. Baraha bulshada ee safaaradda Ruushka ee Washington ayaa baahiyay sawirka Antonov subaxnimadii hore ee Axadda xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha oo ay diyaaraddii sidayna ay sii kacaysay. Labada dal ayaa sheegay in ay iskaashi samaynayaan kaliya marka ay dantooda qaran tahay in tallaabadaasi la qaado. PUNTLAND POST The post Safiirkii Ruushka ee Mareykanka oo ku laabtay Moscow appeared first on Puntland Post.
-
Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay Golaha Badbaadinta Qaran ee maalmo ka hor Muqdisho looga dhawaaqay, ayaa maanta oo Axad ah lagu qabtay Caasimadda Puntland ee Garoowe. Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Gobolka Nugaal waxa ka qayb-galay Maamulka Gobolka, kan degmada Garoowe, Saraakiisha kala duwan ee Laamaha Amniga Gobolka oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qaybta, Odayaasha Dhaqanka, ganacsatada, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada, iyo marti sharaf kale. Dhammaan ka qayb-galayaashii Kulanka ka hadlay , waxay si weyn u soo dhoweeyay Golaha Badbaadinta Qaran ee Muqdisho lagu as’aasay, kaas oo ujeedkiisu yahay in dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay in uu Doorashada wakhtigeeda ku qabto. Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed jabuuti iyo duqa Caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo Munaasabadda ka hadlay ayaa dhankooda bogaadiyay Golaha Badbaado Qaran iyo dadaalka Madaxweyne Deni ee ku wajahan in doorasho nabdoon oo heshiis lagu yahay dalka la gaarsiiyo. PUNTLAND POST The post Golaha Badbaado Qaran oo si weyn looga taageeray Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Xarunta Salaam Somali Bank ee degmada Xamarweyne, ayaa maanta laga bixiyay barnaamij Qardu Xasan (free micro finance) oo ah lacago lagu siinayay ganacsatada yar yare si ay u kobciyaan ganacsigooda. Munaasabad ka dhacday xarunta bangiga ayaa lagu gudoonsiiyay ganacsatada lacag maalgelin ah oo qeyb ka ah wajiga labaad ee barnaamijka Qardu Xasan 2021, oo aan dadkii la siiyay faa’ido laga rabin. Dadkii ka faa’iidaystay barnaamijka ayaa uga mahadceliyay bangiga taageeridda wax ku oolka ah, iyagoo sheegay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan oo wax ka bedelaysa ganacsigooda. Waxay sidoo kale sheegeen iney aad ugu farxeen fursadan maalgelineed ee uu bangiga siiyey. Qardu Xasan waa barnaamij dhowrkii bilood mar uu bangiga bixiyo, waana mid loogu talagalay in laga bixiyo dhamaan xarumaha bangiga ee gobolada iyo magaalooyinka dalka. Ujeedku waa in lagu dhiira geliyo ganacsatada soo koreysa sidoo kalana ay ka qeyb qaadato shaqa abuurka. Horey ayuu bangiga sidan oo kale ugu bixiyey Xaruumo dhowr ah, waxaana Maamulka Bangiga uu sheegay inay sii wadi doonaan illaa laga gaarsiiyo dhamaan xarumaha dalka. Ujeedada ugu muhiimsan uu banigiga u bixinaayo lacagahan ayaa ah in kor loo qaado wax soo saarka ganacsatada soo koreys, laguna garab istaago kobcinta ganacsigooda. View the full article
-
Responsibility for the tragic war in Tigray is being laid at the door of Ethiopia’s Prime Minister, Abiy Ahmed. But the real culprit is further north. Eritrea’s President Isaias has plotted and schemed ever since his forces captured Asmara in 1991. Not satisfied with turning his own country into the most repressive state in Africa – without a functioning constitution, parliament, press or freedom of speech, assembly or religious expression – he has intervened in every one of his neighbours. President Isaias has supported Sudanese rebels, fought with Djibouti, Yemen and Ethiopia (1998 – 2000), When the Islamic Courts fled from Somalia, they found a haven in Asmara. President Isaias backed the Islamist group, al-Shabaab, Ethiopian rebel movements were given training and logistical support by President Isaias. In July 2011 the UN Monitoring group on Somalia and Eritrea accused the Eritrean government of plotting to bomb the AU headquarters in Addis Ababa during the summit of African heads of state in January 2011. US concerns about Eritrea’s role in the Tigray war President Isaias considered military intervention in Tigray long before war broke out in November 2020. As President Isaias stated when he gave his annual interview on Eritrean television, he began planning for the war after meeting the Tigrayan leader, Debretsion Gebremichael in Omhajer in January 2019. When the war in Tigray erupted, Eritrean forces attacked from the north, joining offensives by Ethiopian troops and Amhara militia from the south and the east. The involvement of the Eritrean forces in Tigray is now accepted by the United States, the European Union and Britain. Even the Ethiopian government now quietly admits their role in this war. There has been wide condemnation of the role of Eritrean troops in atrocities in the town of Axum and beyond. President Biden has drawn a line in the sand.On 27 February Secretary of State Antony Blinken said that: “The immediate withdrawal of Eritrean forces and Amhara regional forces from Tigray are essential first steps. ”According to diplomatic sources, Secretary of State Blinken spoke to Ethiopian Prime Minister Abiy twice in early March, and told him that Eritrean and Amhara forces must be withdrawn from Tigray within 72 hours. This has not taken place. There is a great deal at stake In November 2020, a day after the Tigray war broke out, a range of senior American former diplomats issued a statement. They warned that the conflict could lead to the: “acceleration of polarization amid violent conflict [which] would also mark the death knell for the country’s nascent reform effort that began two years ago and the promise of a democratic transition that it heralded.” This could lead to “the fragmentation of Ethiopia [which] would be the largest state collapse in modern history. ”This fragmentation would not just threaten the Horn of Africa, it could be send ripples of instability across the Arab world and into the rest of Africa. It would strengthen the hold of Islamist movements like al-Shabaab and their international Islamist allies. It is a prospect that threatens Washington, Paris and London – as much as it does Addis Ababa. But unless Eritrea can be forced to end its role in the Tigray war, and President Isaias shown that he cannot continue his perpetual practice of destabilizing his neighbours, it is difficult to see how this can be averted. Source: Martin Plaut The post Isaias Afwerki is a threat to the Horn of Africa – and an obstacle to peace appeared first on Puntland Post.
-
Tan iyo bilowgii bishii Febraayo ee sanadkan, Villa Somalia waxay ku baaqday ilaa 6 shir oo aan midna u qabsoomin sidii qurshuhu ahaa, sidaas ay tahay mar walba isla qoraalkii ayaa lasoo celiyaa. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa in ka badan shan jeer ugu baaqay madaxda Maamul-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir in ay isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo qabsoomidda doorashada 2021. Shirarkan uu ku baaqay February 9, 17, 22 iyo March 1 iyo 14, waxaa lagu soo saadiyey iyada oo ay Villada heysatay xasarad siyaasadeed sida tan ugu dambeysay oo uu Farmaajo shir ku baaqay saacado kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan. Goobjoog News ayaa dib u milicsaneysa tixanaha baaqyada Farmaajo ee shirarka looga arrinsado doorashada iyo waqtiga ay kusoo aadaan dhacdooyinkii siyaasadeed ee jiray. 28-kii Janauray ee sanadkan, maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa soo magacaabay xubnaha guddiga doorashada uga qeybgalaya, beesha caalamkuna waa ay soo dhoweeyey, Villa Somalia in guddiyaasi ay laashay ayuu hadana 2 maalin kadib Farmaajo ku baaqay shir doorasho oo ka dhaco Dhuusamareeb. Baaqa Farmaajo ee shirka, waxaa lagu tirtiray ra’yul caamkii ku wajahnaa in ay dadku u arkaan dowladda in ay kasoo horjeeddo in hore loo socdo ayadoo diidday guddi doorasho oo ay maamulladu soo magacawdeen Shirkaasi wuxuu ahaa Dhuusamareeb 4, inkasta uu fashilmay hadana waxaa gadmay in dowladda ay diyaar u tahay in doorashada laga wada hadlo. 8-dii February ee sanadkan waxaa ku ekaa muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo maalintii ku xigtay oo ay taariikhdu aheyd 09-kii February waxaa muqdisho kulan isugu yimid midowga musharrixiinta oo sheegay in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday isla markaana loo baahan yahay in la dhiso gole samatibixiya xaaladda lagu jiro isla markaana ka shaqeeya doorasho la wada oggol yahay oo dalka ka dhaca Si guuxaasi siyaasadeed loo damiyo aragti taas ka duwanna ay u dhalato ayay Villa Somalia soo saartay warqad lagu iclaaminayo shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir shirkaas ma qabsoomin laakiin waxaa iyana hoos loo dhigay qorshihii midowga musharixiinta oo ahaa in la dhiso gole samatabixin oo ay ku jiraan dowlad goboleedyada, guddoonka baarlamaanka iyo xukuumadda Rooble. 14-kii February midowga musharixiinta ayaa ku baaqay in 19-ka bisha la qabto bannaanbax siyaasadeed oo dadku ay ku cabbirayaan aragtidooda ku aaddan qabsoomidda doorasho hufan oo xalaal ah, taarikhdu markii ay aheyd 17-ka February Villa Somalia waxaa kasoo baxay warqad ku baaqeysa in 18-ka ilaa 19-ka February ay shir isugu yimaadaan isla xubnihii hore shirka loogu baaqay Shirkaas way diideen Puntland iyo Jubbaland laakiin waxaa isku yimid Madaxda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddexda maamul goboleed ee kala ah (Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug) hal maalin kaddib markii uu shirkaasi furmay ayay haddana dowladdu ugu baaqday 22-kii isla bishaas Puntland iyo Jubbaland in ay shirka kasoo qeyb galaan laakiin labadaasi maamul dheg jalaq uma siin 25-kii February midowga musharrixiinta iyo Ra’iisulwasaare Rooble ayaa heshiis hor dhac ahaa ku gaaray hotel Decale ee magaalada Muqdisho ayadoo laga war dhowrayo dhaqan galka heshiiskaas ayaa taariikhdu markii ay aheyd 01-da march waxay villadu mar kale soo saartay shir ay isugu yimaadaan Federaalka, Maamulka Gobolka banaadir iyo maamul goboleedyada dalka, shirkaasina ma qabsoomin Shirarkaas kala duwan ee Farmaajo ku baaqay inta waxaa uu ku daminayey xasarado siyaasadeed oo heystay, waxaa la is weydiinayaa inta ay sii socon doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Turkiga ayaa sheegay inay burburiyeen in ka badan 20 goobood oo ay ku sugnaayeen xoogaga Kurdiyiinta isla markaana ayku dileen tiro badan oo mintidiin ah, magaalada Tal Rifaat ee waqooyiga Siiriya. Ilo ka tirsan militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen Sabtidii in duqeynta goobaha Kurdiyiinta ay jawaab u tahay madafiic lagu garaacay gobolka “Kilis” ee koonfurta Turkiga. Ilo wareedyadu waxay tilmaameen in duqeymo aargudosho ah, ay ciidamadu ku qaadeen goobo ku yaal “Tal Rifaat”, oo la rumeysan yahay in laga soo riday madafiicdii lagu weeraray gobolka killis, Khamiistii. Waxay cadeyeen saraakiishu in ciidamada Turkiga ay bartilmaameedsadeen, marka laga soo tago goobihii ay madaafiicda laga soo tuuray, goobo kale oo ay lahaayeen kooxaha kurdiyiinta “YBK / PKK”, waxayna ku guuleysteen inay burburiyaan in ka badan 20 goobood. Duqeymaha Turkiga waxay sababeen sidoo kale dhimashada tiro badan oo “argagixiso” ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay isbaheysiga cusub ee Muqdisho looga dhawaaqay, kaas oo ay ku midoobeen masuuliyiinta ugu miisaanka culus siyaasadda Soomaaliya. Isbaheysigaas oo loogu magac-daray ‘Golaha Badbaado Qaran’ waxaa ku bahoobay Jubbaland, Puntland, Midowga Mushariinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo hor kacaya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland. Wasiir Dubbe ayaa isbaheysiyada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, gaar ahaan aas-aaska Madashan cusub Badbaado Qaran, waxa uu ku tilmaamay kuwo doorasho diid ah oo maanta aan dalkeenna looga baahneyn, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa ajende noo ah doorasho, laakiin waxaan aad uga xunahay, iyadoo dalku doorasho aadayo, in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulaan sameynta isbaheysiyo doorasho la dirir ah, runtii isbaheysiyadaas waxay nagu celinayaan wado qaldan oo dib u dhac ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Cusmaan Dubbe. Golaha Badbaado Qaran ayaa hoggaankooda sare u doortay afar xubnood oo kala ah Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi, waxayna guddoomiyaha guud u sii doorteen Cabdi Xaashi Cabdullahi. Sidoo kale Dubbe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in isbaheysigaan cusub ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaas oo uu sheegay inay habooneed inay ilaashadaan xurmada ay gaareen, sida uu hadalka u dhigay. “Horta anagu dalkaan inuu badbaadsan yahay ayaan u aragnaa, sababtoo ah markii isbaheysigaan Badbaado Qaran ay dadku maqleen, aad ayey u naxeen, waxay soo xasuusteen kuwo hore ee rajadooda god-dheer ku riday, hadana xurmo iyo karaamo badan ayaan u heynaa madaxda oo ay ka mid yihiin madaxweynaayashii hore… runtii waxay leeyihiin maasuus la yaab leh, marka ma rabno in madaxda aan ku dhex aragno isbaaheysiyo doorasho diid ah, waa inay meel fariistaan oo laga barakeysto,” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa maanta dib ugu so laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Madaxweyne Qoorqoor waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la ka qeybgaya shirka doorashada Soomaaliya oo la faliyo in uu maalinta berri ah ka furmo xarunta Afisyooni ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Lafta-gareen oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay iska hor imaad geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Is-rasaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka maamulka Puntland iyo koox ka ganacsaneysay waxyaabaha maanka-dooriya. Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadka labada dhinac ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen illaa afar ruux oo kale. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta lagu dagaalamay la wareegay ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland. Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysay, dhac habeenkii ah & weeraro. View the full article
-
Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Sacuudiga “Aramco” ayaa shaaca ka qaaday in macaashka shirkadda sanadka 2020 uu hoos u dhacay 44%, sababo la xiriira hoos u dhaca qiimaha salliida ceyriinka iyo tirada la iibiyay, iyo hoos u dhaca ku yimid faa iidada wax soosaarka shidaalka. Hoos udhacan ayaa ka dhashay cadaadiska dhanka dalabka saliidda ah oo ay sababtay xayiraadaha cudurka faafa ee Corona, halkaasna ayeyna faa’iidada saafiga ah ay hoos ugu dhacday 183.76 bilyan oo riyaalka Sacuudiga (qiyaastii 49 bilyan oo doolar) sanadkii dhamaaday bishii Diseembar 31 (2020), marka loo barbardhigo 330.69 bilyan oo riyaal oo udhiganta 88 bilyan oo doolar, sanadkii ka horeeyay ee2019kii, sida ay daabacday wakaallada “Reuters”. Wakaaladda ayaa xustay in falanqeeyayaashu ay filayeen in macaashka saafiga ah ee Aramco uu hoos ugu dhici doono 186.1 bilyan oo riyaalka Sacuudiga sanadka 2020, marka loo eego qiyaasta celceliska madasha arimaha dhaqaalaha ee Refinitiv Eikon. Source: goobjoog.com
-
Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kadib Safar uu dalka dibadiisa ugu maqnaa . Cabdi Casiis Lafta-gareen ayaa muddooyinkii la soo dhafay jiray dalka Turkiga, isago saakay dalka dib ugu soo noqday. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shirka arrimaha doorashooyinka oo lagu wado beri in uu ka furmo xerada Tababarka ciidamada Cirka ee Afisiyoni . Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan dhamaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka oo la filayo in uu berri shirka uga furmo Caasimadda Source: goobjoog.com