-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maleeshiyo hubeysan oo qabsatay Deegaano ka mid ah Dalka Ethiopia Koox hubeysan ayaa la wareegtay gacan ku haynta degmo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Ethiopia, ayaga oo sida lagu warramay dilay dad shacab ah islamarkaana afduubtay shaqaale dowladeed, waxaa sidaas warbixin ku sheegay Arbacadii Guddiga Xuquuqda Aadanah Ethiopia, ee dowladda ay soo magacowday. Guddiga ayaa sheegay in warbixino ay heleen ay sheegayaan in Sedal Woreda oo ku taalla galbeedka gobolka Benishangul-Gumuz “ay si buuxda gacanta ugu hayaan koox hubeysan tan iyo 19-kii April.” Guddiga ma sheegin cidda ay yihiin kooxdan hubeysan. Deegaanka ayaa waxaa ku nool qiyaastii 25,000 oo qof, sida uu sheegay guddiga. Gobolka Benishangul-Gumuz ayaa bilihii dhowaa waxaad aad uga dhacayey rabshadaha qowmiyadaha, waxaana bishii December ka dhacay weerar lagu dilay 200 oo qof oo shacab ahaa. Gobolkan ayaa waxaa wada degan dhowr qowmiyadood oo ay ka mid yihiin Gumuz iyo Amxaaro, waxaana hareeyey weeraro is-daba joog ah oo la isugu jawaabayo. “Dad kasoo qaxay deegaanka ayaa Guddiga Xuquuqda Aadanaha u sheegay in kooxda hubeysan ay gubeen oo ay bililiqeysteen hanti dowladeed iyo mid shacab. Sidoo kale mas’uuliyiintii deegaanka ayaa ka cararay. Waaa jira warbixino sheegaya shacab la dilay iyo shaqaale dowladeed oo la afduubtay,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga. Guddiga ayaa intaas ku daray in tiro yar oo ahaa ciidamada deegaanka ay ka awood iyo tiro bateen kooxda hubeysan. Ethiopia ayaa la xarbineysa inay xakameyso rabshado qowmiyadeed iyo kuwa siyaasadeed kahor doorashooyinka qaran ee dhacaya bisha June. Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in muhiimadda koobaad la siiyo sii amba-qaadida wada-hadallada xalka loogu raadinayo is mari-waaga siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka. Shirkan oo ku qabsoomay Aaladda Zoom-ka ayaa golaha amniga iyo nabadda Midowga marka hore wuxuu warbixin uga dhageystay ergayga Midowga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaas oo ka hadlay arrimihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo doorashada. Sidoo kale waxaa kulankan qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo metalayey dowladda federaalka ah, kana hadlay doorka xukuumadda ee xal raadinta. Golaha ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo saamileyda kale inay mudnaanta siiyaan wada-hadal loo dhan yahay, si loo gaaro heshiis buuxa. Bankole Adeoye oo ah guddoomiyaha golaha amniga iyo nabadda Midowga Afrika oo isna ka hadlay madasha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin inay ka qeyb-qaataan dadaallada socda, gaar ahaan fududeynta wada-hadallo dhex-mara Soomaalida. “Waxaan caddeeyey in guddiga Midowga Africa diyaar u yihiin inay fududeeyaan wada-hadal wax ku ool ah oo dhex-mara dhinacyada Soomaalida, si looga gudbi is mari-waaga siyaasadeed ee haatan Jira,” ayuu yiri Bankole Adeoye. Midowga Afrika qoraalkan marnaba kuma soo hadal qaadin go’aankii baarlamaanka ee muddo kordhinta, balse wuxuu ka mid ahaa ururadii ka horyimid talaabadaasi. Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo booqasho ku tegay dalka Kongo uu ka dalbaday madaxweynaha dalkaasi oo sidoo kale guddoomiyaha Midowga Africa inuu dhexdhexaadiyo dhinacyada Soomaalida ee isku haya doorashooyinka. The post Maxaa kasoo baxay kulankii Midowga Afrika ee is-mari waaga doorashada Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Laamaha kala duwan ee Amniga Gobolka Bari, ayaa xalay hawlgal qorshaysan ku qabtay koox rag ah oo hub iyo rasaas badan watay. War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in Laamaha kala duwan ee Ciidanka oo hawlgal wadajir ah fuliyay ay gudaha Boosaaso ay ku qabteen koox rag ah oo hub iyo raasas badan sitay. Talisku wuxu sheegay in haatan baaritaan ku socdo kooxda hubka lagu qabtay, islamarkaana dib laga shaacin doono natiijada baaritaanka ka soo baxda. Hawlgalka waxa si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Booliiska, Nabad-sugidda, Madaxtooyada iyo Booliiska gaarka ah ee PMPF. PUNTLAND POST The post Koox watay hub iyo rasaas badan oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Dhakhtar Caan ka ah magaalada Muqdisho oo la khaarajiyey Dr. BuuraneKooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay goordhow xaafadda Albaraka ku toogteen Dr. Xasan Cismaan Ciise (Buurane) oo ka mid ahaa dhaqaatiirta caanka ee Soomaaliyeed ee ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho.Wararka ayaa sheegaya in dhaqtarka la dilay, isaga oo horfadhiyey guri uu leeyahay oo uu dhisme ka socday, kaas oo ku yaalla isla xarunta uu ka howl-galo ee Albaraka.Dhaqtar Buurane oo ku taqasusay xanuunada maqaarka ayaa 30 sano ka badan kusoo jiray howlaha caafimaadka, wuxuuna mar soo noqday agaasimaha isbitaalka Madiina. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen toogashada, kadib waxaana halkaasi tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo dilay dhaqtarka oo si weyn caan uga ahaa gayiga Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca koonfurta ee dalka. AUN Dr Buurane ayaa si bilaash ah ku daaweyn jiray dadka danyarta ah wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirtii aan dalka ka bixin intiii ay socdeen dagaalladii sokeeye. Dilkan qorsheysan ayaa sidoo kale qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii dambe siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Dr. Hassan Osman Isse, also known as Dr. Burane, was killed by unknown gunmen in Somalia's capital on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Xogta tirada musharraxiinta Golayaasha Deegaanka ee la soo celiyay, tirada ansaxday iyo Xisbiga WADDANI oo hoggaaminaya Degmooyinka Darajada (A): Jamhuuriyadda Somaliland waxa laga codaynayaa 20 Degmo doorasho dalka oo dhan, waxa ay ahayd in ay sharraxan xisbi kasta 220 Xildhibaan oo ka tartamayaa degmooyinka derajada A oo 95 kursi derajada B oo ah 55 kursi iyo derajada C oo ah 70 kursi. Tirada saddexda Xisbi u sharraxan doorashada 31 May 2021 waxay kala yihiin: UCID 147 oo u dhiganta 67% KULMIYE 190 oo u dhiganta 86% WADDANI 184 oo u dhignta 83% Saddexda Xisbi qaran musharraxiinta ku baaqatay. Guud ahaan saddexda Xisbi qaran waxa ku baaqday 139 musharrax oo ay bannaan tahay liiskooda musharraxnimo wadarta kuraasta bannaani waxay u dhigantaa 21% wadarta msushrraxiinta tartamayaa dalkuna waxay u dhigantaa 79% UCID 73 Kursi KULMIYE 30 Kursi WADDNI 36 Kursi Tirada guud ee Degmooyinka Derajada A Guud ahaan Somaliland tirada guud ee degmooyinka darajada A waa 7 Degmo doorasho waxaana ka tartamaaya 95 musharrax xisbi kasta. Tirada Xildhibaanada Degmooyinka Derjasa A waa 95 xildhibaan, Xisbiga keliya oo buuxiyey waa Xisbiga WADDANI. Tirada musharraxinta laga diiday saddexda xisbi qaran wadar ahaan waa UCID 6% Ceerigaabo 4 masharrax Boorama 2 musharrax KULMIYE 4% waxa lagu soo celiyay Berbera 2 musharrax Ceerigaabo 1 musharrax Boorama 1 musharrax. WADDANI 0% dhammaan waa la ansixiyay 95 musharrax. Dhammaan kuraasta bannan lama soo buxinaayo waxaana lagu geleyaa doorashada tiradaa. Xisbi ahaan waxa sharaf noo ah in aan nalaga diidin oo aan nalagu soo celin musharraxiintii Degmooyinka A-da ah oo tiradoodu dhantahay 95, waxaanan rajaynayaa in aanu hoggaamin doono wadarta guud ee musharraxiinta guulaysta, waxa mahadnaq mudan guud ahaan guddiyadii, maamulka iyo masuuliyiinta ka shaqeeyay suuragalnimada guushaa. Waxaa qorey, Maxamed Siddiiq Dhamme. Xog. Arr. Bulshada Xisbiga WADDANI. Source
-
Saddexdii bishii Juulay ee sannadkii 1972, cabbaaro 8:00 subaxnimo, oo maanta laga joogo 49 sanno, ayuu Janaraal Maxamed Siyaad Barre si bahalnimo ah qudha uga jaray Janaraal Salaad Gabayre Kidiye iyo saddex sarkaal oo kale. Markuu dilka geystay Siyaad Barre wuxuu xukunkiisu jiray wax ka yar saddex sanno, waxaanu tijaabiyey heerka fal-celinta bulshada degan Muqdisho siday ka yeelaan. Sidaasi oo kale Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayaa Garaad Cali oo Dhulbahantoo dhan u taliya ku deldelay Laascaanood sannadkii 1899. Waxaanu yidhi” Wallee Nugaal laba baar qab kama wada taliyaan”. Wixii intaa ka dambeeyey Sool clan Sayidka wuu ku daba-faylay. Waa dhaqan ay leeyihiin keligood-taliyeyaashu inay marka hore qudha ka jaraan shakhsi miisaan ku leh bulshada ay u socdaan inay afka jebiyaan si looga baqdo. Ka fal-celintii uu Sool clan kaga jawaabay waayey dilkii Garaadkoodii ugu sarreeyey Garaad Cali iyo dilkii Siyaad Barre u geystay Janaraal Gabayre ee ay Mogadishu Clan ka fal-celin waayeen, waxa ay keentay inay labadaa keligood-taliye sii kibraan oo ay xukunkoodii naraxiista darnaa sii wataan. Dhacdooyinka taariikhu si bay isku shabbahaan, maanta waxa taagan is-marin waaga u dhexeeya Saadiq Joon oo hore u ahaan jiray taliyaha booliska gobolka Banaadir oo isku dhac dhexmaray isaga iyo Farmaajo, taasi oo keenay in xilkii iyo derejadii si ficil aargoosi ah looga qaado. Saadiq taasi beddelkeeda ciidamo taabacsan ayuu la goostay oo la galay xaafadiisa Shiirkole ee Muqdisho, si uu isaga difaaco haddiiba ay soo weeraraan ciyaalo-eyda Farmaajo soo tababartay ee Hadhimacadka la yidhaa. Madaxweyne Goor Goor ayaa bilowgii hore ee isku dhaca Farmaajo iyo Saadiq kala badbaadiyey, hasayeeshee Farmaajo ayaa ka baxay ballantii ahayd in Saadiq aan la weerarin dooni oo ay dawladu ammaan siinayso. Mar kale ayey isaga iyo ciidankiisi ku noqdeen xaafadiisii Shiirkole, si uu isaga difaaco weerarada uu Farmaajo ku doonayo inuu soo qabto ama dilo. Maanta su’aasha is-weydiinta mudani waxa weeyi, Farmaajo ma u suurtageli doontaa inuu Saadiq u sadqeeyo sidii Salaad Gabayre oo kale uu Siyaad u sadqeeyey, iyada oo tolkii ay daawadayaal ka yihiin?. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
-
Mogadishu (HOL) - The African Union Peace and Security Council (PSC) will virtually convene its 993rd session on Thursday to discuss the ongoing political crisis in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Addis Ababa)-Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa shir xasaasi ah maanta waxa ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirkaasina uu ka dhici doono xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa. Kulankan ayaa imanaya kadib markii dhowaan uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka codsaday Midowga Afrika inay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya. Sidoo kale kulan ay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay dhowaan yeesheen waxa ay dalbadeen in Arrimaha Soomaaliya loo daayo Midowga Afrika. Xubnaha Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa in shirkooda ay kusoo magacaabaan Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si xal looga gaaro khilafka xoogan ee weli ka taagan doorashada Soomaliya. Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoog leh saareysa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay xal waara ka gaadhaan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka. Source
-
(SLT- Cape Town)-Wararka laga helayo waddanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaali ah oo sidoo kale ka mid ah ganacsatada ku dhaqan gudaha dalkaasi lagu dilay dulleedka magaalada Cape Town. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdullahi Gacaney ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay tuullada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in muwaadinkaasi Soomaaliga oo dhalinyarro ahaa in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed. Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ayaa sidoo kale shaaciyey in isna toogasho lagu dilay ninkii dambeeyey falkaasi oo isku dayey inuu baxsado. Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo baadhitaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse ka ayna hadlin. Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika. Source
-
Hanti dadweyne ayaa ku burburtay iska dhac goordhow dhex maray ciidamo ka tirsan hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo hey’adda socdaal iyo jinsiyadaha. Wararka ayaa sheegaya in NISA ay gudaha usoo gashay garoonka kadibna ay isku dhaceen hey’adda socdaalka halkaasina uu ka dhashay burbur hanti qaran oo ay ku jiraan qalabkii lagu shaqeynayey. Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo la hadlay Goobjoog News, isla markaana codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in muranka uu socday ilaa shalay, kadib markii ay la isugu dhacay baarista gabar blogger ah iyo rag ajaanib ah oo la socday. Dhacdadan oo saameyn ku yeelatay shaqada garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka ayaa la sheegayaa iney jiraan sidoo kale dhaawacyo arrinkan ka dhashay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waaxda Socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa saaka weerar kusoo qaadey Ciidamada NISA kuwa dharcadka ah, waxayna bilaabeen iney fharbaaxaan dhaqaalaha Waaxda socdaalka, kuwasoo iyana ugu jawaabay dharbaaxo iyo kuraas ay la dhacaan . Gacan ka hadalka oo mudo daqiiqado ah socdey waxaa soo kala dhex galay Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi kuwasoo Xaalada dejiyay. Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Dharcadka ah ay ka yimaadeen Madaxtooyada, Puntlandi.com Muqdisho The post Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Kuraasta la isla dhacay appeared first on . Source
-
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu dilay Alla naxariistii haka waraabiyee Dhakhtar caan ah Dr. Xasan Cusmaan oo ku Magac dheeraa Buurane. Kooxa hubaysan ayaa Dhakhtarka khaarajiyey xili uu ku sugnaa Guri uu leryahay banaankiiss, Sida ay Puntlandi.com u xaqiijiyeen Ehelkiisu. Dr.Buurane Alla ha u naxariistee wuxuu ku taqaqusay Cudurada ku dhaca maqaarka Bini’aadamka. Puntlandi.com Muqdisho The post Dr.Xasan Cusmaan Buurane oo Xamar lagu dilay appeared first on . Source
-
(SLT-Washington)-Golaha Wakiilada ee Maraykanka ayaa arbacadii shalay ansixiyey sharci cusub oo diidaya in mustaqbalka Madaxweyne Maraykan ah awood u yeesho inuu xayiraad socdaalka ah kusoo rogo muslimiinta dalkaasi booqanaya. Sharcigan oo loogu magacdaray (NO BAN Act,) ayey soo diyaariyeen xisbiga Dimuquraadiga ayaa ah mid ka yimid Xayiraadii Socdaalka ee uu Madaxweynihii hore Donald Trump kusoo rogay muslimiinta kasoo jeeda dalalka Islaamka ah oo ay Soomaaliya kamid tahay oo loo diiday inay booqdaan wadankaasi. Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa hore u laalay xayiraadii Trump kadib markii uu xilka qabtay. Xisbiga Dimuquraadiga ayaa sharcigan uga gol leh in mustaqbalka mar danbe go’aan noocaan ah aanu awood u yeelan inuu gaadho Madaxweyne Maraykan ah. Sharcigan oo loo gudbiyey Golaha Aqalka Sare (Senate-ka) ayaa waxaa codkooda ku taageeray 218 xildhibaan oo xisbiga Dimuquraadiga ah halka ay diideen 208 oo ah kuwa Jamhuuriga. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in barqanimadii maanta ay ka dhacday shaqaaqo u dhexeysay ciidamo ka tirsan NISA iyo shaqaalaha waaxda hay’adda socdaalka. Shaqaaqadan oo sababtay gacan ka hadal ayaa lagu soo warramayaa inay sidoo kale dhalisay in muddo kooban ay hakad gasho shaqada garoonka Aadan Cadde. Sidoo kale waxaa gacan ka hadal-kaasi ka dhashay xaalad halis ah, waxaana dhaawacyo fudud ay soo gaareen qaar ka mid ah shaqaalaha, halka ay burbureen agabyo yaallay xafiisyada lagu dhex-dagaalamay ee gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Xiisadan ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhalatay, kadib markii shaqaalaha garoonka iyo ciidanka NISA ay isku qabteen dad ajaaniib ah oo NISA u socday, kuwaas oo loo diiday inay gudaha usoo galaan dalka, iyadoo aan la hubin waxa ay yihiin & ujeedka socdaalkooda. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta ay shaqaaqadu ka dhacday uu goor dambe tegay taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi oo xalliyey arrintaasi, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa garoonka Aadan Cadde. Arrintan ayaa sababtay walaac xoogleh oo soo wajahay shaqaalaha kala duwan ee garoonka ka howl-gala dadka kale ee safraya ama kasoo dagaya garoonka Muqdisho. The post Wararkii ugu dambeeyey shaqaaqo maanta ka dhacday garoonka Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Dhaqtar caan ah ayaa saaka oo Khamiis ah lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya. Dabley hubaysan ayaa xaafadda Al-Barako ee degmada Hodon ku dilay dhaqtarkaas oo magaciisa lagu sheegay Dr Xasan Cismaan Ciise (Dr Buurane,) islamarkaana caan ka ahaa Muqdisho. Dr Buurane oo ku takhakhusay xanuunnada maqaarka, waxa uu ka hawlgeli jiray xarun caafimaad oo ku taal Muqdisho. Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumkaas. PUNTLAND POST The post Dhaqtar caan ah oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Dr. Xasan Cismaan Buurane ahaa dhakhtar caan ka Muqdisho ayaa goordhow lagu dilay xaafadda Al Baraka, ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Dhakhtarka uu ku taqasusay cudurada maqaarka ayaa lagu toogtay xaafadda uu deganaa, kuna lahaa Isbitaal ee aagga al baraka iyo maqaayadda Ain Shamsi, waxaana la sheegayaa inuu meydka weli halkaasi yaalo. Ilaa hadda ma jirto, cid sheegatay dil,a waxaana la sheegayaa in ay baxsadeen kooxaha dilka geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay goordhow xaafadda Albaraka ku toogteen Dr Xasan Cismaan Ciise (Buurane) oo ka mid ahaa dhaqaatiirta caanka ee Soomaaliyeed ee ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in dhaqtarka lagu dilay, isaga oo horfadhiyey guri uu leeyahay oo uu dhisme ka socday, kaas oo ku yaalla, isla xarunta uu ka howl-galo ee Albaraka. Dhaqtar Buurane oo ku taqasuusay xanuunada maqaarka ayaa sano badan kusoo jiray howlaha caafimaadka, wuxuuna mar soo noqday agaasimaha isbitaalka Madiina. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen toogashada, kadib waxaana halkaasi tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo dilay dhaqtarka oo si weyn caan uga ahaa gayiga Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca koonfurta ee dalka. Dilkan qorsheysan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. The post Dr Buurane oo goordhow lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Ergayga joogtada ah ee Vietnam u jooga Qaramada Midoobay Danjire Dang Dinh Quy oo ka hadlayey fadhiga golaha ammaanka ayaa soo hadal qaaday xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka. Danjire Dang Dinh Quy ayaa marka hore shaaca ka qaaday in Vietnam ay walaac xoog leh ka muujineyso xaaladda murugsan ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in sii socoshada khilaafkan uu caqabad ku noqon doonta hanaanka loo wajahayo doorashada 2021-ka. Wakiilka Vietnam ee Qaramada Midoobay oo sidoo kale gudoomiye ka ah wada hadalka is-dhexgalka aan rasmiga aheyn ee golaha amaanka (UNSC) ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo bilaabo wada-hadalladii ku saabsanaa ee doorashooyinka ee u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale gobolka Banaadir. Waxa kale oo intaasi ku daray in Vietnam ay taageereyso dadaallada socda ee horey loogu sii amba-qaado nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. “Vietnam waxa ay taageertaa dadaallada dadka Soomaaliyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka” ayuu yiri Ergayga oogtada ah ee Vietnam u jooga Qaramada Midoobay. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato doorkeeda, isla-markaana ay gacan ka geysato dadaallada lagu dhameynayo xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya. The post Vietnam oo war ka soo saartay xaaladda cakiran ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Amniga iyo nabadda midowga Afrika ayaa maanta lagu wadaa inuu shir degdeg ah ka yeesho arrimaha doorashada ee Soomaaliya. Kulankan oo ku yimid soo jeedinta golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa lagu dejin doonaan qorshaha wada haddallada u dhaxeeya maamulka Farmaajo iyo kooxaha diidan muddo kordhinta. Warar qaar ayaa sheegaya in midowga Afrika uu arrinta xal u helidda Soomaaliya uu u magacaabi doono ergay u gaar ah kaasi oo isu keena labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kula aan rasmi aheyn oo golaha ammaanka ay ka yeesheen Soomaaliya talaadadii ayaa si aqlabiyad ah la isugu raacay diidmada muddo kordhinta uu ku dhufsaday Farmaajo. Golaha oo dood dheer ka yeeshay arrimaha doorashada ayaa soo jeediyey in midowga Afrika uu kaalin ka qaato isu keenista kooxaha Soomaalida. Boqortooyada UK oo ajendaha wadatay iyo Norway ayaa ahaa dalalkii ugu badnaa eek u adkeystay in lagu laabto September 17. Saacado kahor kulanka waxaa ay qoraal u diray madasha badbaado qaran oo ku sheegtay in aaney aqoonsaneyn muddo kordhinta iyaga oo ku baaqay in lasoo dhexgalo iyaga iyo Farmaajo. Farmaajo ayey kooxyar oo golaha shacabka 2 sano ugu dareen 12-kii bishan iyada oo ay iska diideen maamul goboleedyada, madasha badbaado oo dhan ah iyo Mareykanka, Yurub, Afrika iyo guud ahaan dunida oo dhanka kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
