Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The president of Somalia has arrived at Afisyoni which is scheduled to host a conference of government, regional governments, and Benadir region. Also, in the presence was Prime Minister Mohamed Hussein Roble. The parties held a preliminary meeting for a national conference on finalizing elections and implementing the September 17, 2020 agreement. It is also noteworthy that the two presidents of Puntland and Jubbaland, who are refusing to attend the conference, are absent from the conference hall on Monday. View the full article
  2. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta furay shirkii 3-aad ee uu ku sheegay ‘shir horudhac ah’ oo ay ka maqan yihiin madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland. Shirarkan horudhaca waxaa ay dhaceen maanta oo Afisyooni ah marka lagu daro, gudaha Villa Somalia oo shir ka dhacay 21-kii Febraayo iyo Dhuusamareeb 1-dii Febraayo. Shirarkaas waxaa joogay madaxda ologga la ah Farmaajo sida Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xaraa ra’isul wasaare Rooble. Source: goobjoog.com
  3. Warar lagu kalsoonyahay oo Puntland Post ka heshay Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Deni uu shir deg deg ah isu’gu yeeray Golaha Badbaado Qaran oo dhowaan lagu as’aasay Muqdisho. Shirkan oo looga tashanayo marxaladdda kala-guurka ah iyo muranka Arrimaha Doorashooyinka, waxaa ka qayb-galaya dhammaan dhinacyada ku midaysan Golaha Badbaado Qaran sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Shirka oo la filayo in uu goordhow ka bilowdo gudaha Xarunta Xalane, ayaa ku soo beegmay xilli uu saacad ka hor xarunta AFISYOONI ee Muqdisho ka furmay Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada taageersan oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir. Dhinacyada ayaan ku heshiin, Shirka guud ee ku saabsan xallinta muranka Arrimaha Doorashooyinka, kaas oo la qorsheeyay in uu maanta ka furmo Xarunta Afisyooni ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo shir deg deg ah isu’gu yeeray Golaha Badbaado Qaran appeared first on Puntland Post.
  4. Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland soo gaaray diyaarad sidda Talaalka xanuunka Covid-19 . Talaalkan oo laga qaaday magaalada Muqdisho laga qaaday ayaa la filaya in la gaarsiiyo dadka ku nool deeganada Maamulka Jubbaland . Astrazeneca ayaa todobaad ka hor ka bilaawday magaalada Muqdisho , iyadoo Jubbaland ay noqoneyso Maamulki labaad oo uu gaaro talaalka, Horay ayuuna waxa uu u gaaray talaalka maamulka Puntland . Deeganada Jubbaland ayaa waxa ay ka mid yihiin deeganada Muddooyinkii u dambeyay uu ku soo laba kacleynayay xanuunka Corona Virus . Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray xarunta ciidamada cirka ee Afisiyooni oo lagu balamay in lagu qabto shirka dowladda, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa iyaguna jooga ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamullada Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed iyo Duqa Muqdisho. Dhinacyadan ayaa yeeshay kulan hordhac u ah shirka qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020-kii. Sidoo kale waxaa xusid mudan in shirka ay ka maqan yihiin labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland oo diidan ka qeyb-galka shirkan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  6. Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaa hadda ka furmay shir u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada taageersan, oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir. Shirka waxa ka qayb-galay madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa la xaqiijiyay in ay ka baaqdeen Shirka maanta bilowday ,kaas oo uu maalmo ka hor iclaamiyay madaxweyne Farmaajo, si loo xalliyo muran ka aloosan Arrimaha doorashooyinka dalka. Xukuumadda Puntland ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay in aysan ka qayb-geli doonin Shirka maadaama sida ay tilmaantay aan lagala tashan Ajandaha Shirka. PUNTLAND POST The post Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada taageersan oo shir uga furmay xarunta Afisyooni ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, madaxda maamul goboleedyada dalka ee taabacsan & guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray Teendhada Afisyooni oo uu maanta ka dhacayo shir looga hadlayo is mari-waaga doorashooyinka. Wararka ayaa sheegaya in goobta uu shirku ka dhacayo aysan weli tegin madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan xeyndaabka Xalane, kuwaas oo si weyn uga soo horjeedo hannaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in madaxweye Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu guddoomiyey kulan horudhac ah oo ka dhacay Afisyooni, kaas oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha, hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo duqa magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa ahaa mid horudhac u ah shirka maanta ka dhacaya Afisyooni ee ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, islamarkaana looga arrinsanayo doorashooyinka. Shirkan oo ah mid isha lagu wada hayo ayaa waxaa amnigiisa sugayo ciidamada AMISOM oo damaanad qaaday, maadaama uu jiro kala shaki weyn. Si kastaba shirkan ayaa ka duwan shirarkii hore, maadaama diyaarintiisa & qabashadiisa ay leedahay beesha caalamka oo cadaadis saareyso dowladda & dowlad goboleedyada dalka.
  8. Hormuud Salaam Foundation oo looga bartey ineey gacan ka geeysato xaaladaha adag ee lasoo gudboonaado dadka Soomaaliyeed ayaa Maanta $50,000 oo dollarka Mareykanka ah Ugu Deeqday Gurmadka Abaaraha ee ka jira Gobolka Gedo. Horrmuud Salaam Foundation waxaa aay 50,000 oo doolarka mareekanka ku wareejisay Al-Raxma Foundation oo oo ah hey,ad maxali ah oo ka shaqeysa GOBOLKA GEDO, haatana Biyo dhaamin iyo gurmad ka wada Godolka GEDO. Munaasanad lacgtaasi lagu wareejinayay ayaa maanta lagu qabtay Xafiiska Hormuud Salaam Foundation ee magaalada Muqdisho. Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Maamulaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo tilmaamay in gurmadkan uu qeyb ka yahay Kaalamada Hormuud Salaam Foundation markastaa la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed Wuxuuna sheegey inaanay deeqdan noqon midii ugu danbeeysey, horayna aay gacan uga geysan jireen markastaa oo xaalad adaga kasoo gudboonaato Gobolka Gedo, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ineey ka qeybqaataan gurmadka. Madaxa fulinta Al-Raxma Foundation Maxamed Aadan Waadi ayaa gudoomay lacgta 50-kan ee doolark mareekanka oo Hoormuud SaaamFoundation ay ugu talagashay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo biyada la’aanta ka jirta Gobolka Gedo wuxuuna uga mahad celiyay Hormuud Salaam Foundation sida ay uga jawaabtay baahida ka jirta gobolka gedo wuxuuna ka codsaday dadka soomaliyeed gaar ahaan ganacsada inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka walaaleheen ah ay abaaruhu saameeyeen. hormuud salaam foundation ayaa aalaaba gacan weyn ka geysata kaqeyb qaadashada ugurmashada shacbiga soomaaliyeed xiliyada ay soo wajahaan abaaraha. View the full article
  9. (SLT-Muqdisho)-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow ay teendhada Afisyooni gaadheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, raysal wasaaraha xukuumadda xil gaadhsiinta Maxamed Rooble iyo madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Waxaa kale oo goobta ku sugan teendhada Madaxweyneyaasha Galmudud Axmed Qoorqoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe. Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhammeystiro heshiiskii September 17 iyo is afgaradkii guddiyada farsamo ay ku gaadheen Baydhabo 15-16-kii bishii hore. Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ay doonayaan in ajendaha lagu koobo wixii kasoo baxay guddiga farsamo ee Baydhabo iyo qodobadii 3-da ahaa ee lagu kala kacay Dhuusamareeb 4 ee kala ahaa: Guddiyada doorashada, Gedo iyo Somaliland. Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo taageero ka heysta madasha badbaadada qaran ayaa qaba in ajendaha lagu darro amniga doorashada iyo cidda sugeysa, in wax laga badalo booliiska, in shaqada laga joojiyo taliyeyaal ku lug lahaa weerarka mucaaradka ee 19 Febraayo, in Farmaajo uu saxeexo warqad uu ku laalayo awoodihiisa, in xukuumadda ay sii wado arrimaha doorashada, in la dhiso guddi qaran oo muddada kala guurka maamula dalka oo xukuumadda iyo guddoonka ay baarlamaanka ay u matali doonaan iyo arrimo kale. Dad xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland aysan ka qayb geli doonin shirka Maanta ka dhacaya Aviazone iyadoo Ay ku sababeeyeen in Laga baxay qaybo kamid ah waxyaabihii lagu heshiiyay in shirka ay ka qayb galaan. Somalilandtoday.com kals soco wixii warar ah ee ka soo kordha Source
  10. (SLT-Ceerigaabo)-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Dagaalka Deegaanka Shide ee ku teedsan Xeebta Gobolka Sanaag oo ay habeen saddexaadkii isku fara saareen Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Laba Beelood oo walaalo ah oo ka mid ah beelaha wada Dega Gobolka Sanaag ayaa wali xaaladdiisu tahay mid adag inkasta oo ay bilaabmeen waanwaan labada dhinac loogu kala dab qaadayaa. Habeen saddexaadkii ayay ahayd markii dagaal culus oo la isku waa’ bariistay illaa barqanimadii uu dhex maray maleeshiyaad ka kala tirsan beelihii dhawaanahanba deegaankaasi ku muransanaa dhawr jeerna ku dagaalamay Deegaankaasi oo dhinaca xeebta kaga beegan Waqdariya ahna deegaan ku teedsan xeebta Gobolka Sanaag. Sida ay nagu soo gaadhayaan warrakii ugu dambeeyey ee aanu deegaankaasi ka helayno oo xog-ogaal ahi, Abbaaro1-dii habeennimo ee saqda dhexe ee habeen-saddexaad ayaa dhallinyaro maleeshiyaad ahi deegaankaasi Shida ku dagaalameen iyada oo illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada 4 qof oo lababa dhinac ahayd oo ka tirsanayd maleeshiyaadka dagaalamay halka dhaawacuna la xaqiijiyey in uu tobaneeye ku dhaw yahay. Sidoo kale dagaalkaasi oo socday illaa galinkii hore ee maalintaasi ayaa waxa ay labada dhinac kala qabsadeen maxaabiis iyo gaadiid iyada oo saacado dhaadheer lagu dagaalamay deegaankaasi. Xaaladda ayaa imika yar qabawday oo deggan iyada oo odayaal dhaqan oo ka kala socda labada dhinac ay soo gaadheen deegaanka shaqaaqadu ka dhacday ee labada beelood ee walaalaha ahi ku dagaalameen, waan waantuna socoto. Sidoo kale madaxda heer Gobol ee Sanaag iyo heer Degmo ee Magaalada Ceerigaabo oo ay weheliyaan taliyayaasha qaybaha kala duwan ee ciidamada qaranka ayaa xaaladdan waanwaanta ah gurmad ka galay oo odayaasha dhaqanka xoojiyay iyada oo marka hore lagu dadaalayo in xabadda la joojiyo kadibna nabadayn loo dhaqaaqo si xal looga gaadho xaaladdan colaadeed. Deegaankan Shide iyo jiidaha ku hareeraysan ee lagu dagaalamay ayaa ka mid ah dhulka aaggaasi oo isla sidan oo kale ay labadan beelood hore dhawr jeer ugu dagaalameen iyada oo aan wali xal waara laga gaadhin iyada oo deegaankani uu hodan ku yahay macdanta dahabka ah. Source
  11. Suldaan Mawliid Cali Ibraahim “Sabayse” oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa si adag ugu jawaabay Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo doraad ka hadlay Sarkaaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo la xidhay, Suldan Mawliid Sabayse waxa uu ku eedeeyay Suldaanka inuu gaf ka galay Ciidanka Qaranka islamarkaana waxa uu u soo jeediyay inuu arinaasi ka waantoobo, farahanna kala baxo arimaha Ciidanka Qaranka. Suldaan Mawliid Sabayse oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaad moodaa Salaaddiintii inay baryahan dambe, qabyaalad qaawan oo aan Geedna loogu soo gaban iyo kala kaxayn iyo waxyaalo badan ay Tv-yada kaga hadlaan, Markaan u soo noqdo Suldaan Barre, waa nin Suldaan ah, Waa nin oday ah, Xalay wuxuu ka hadlayay nin Sarkaal ah oo ku xidhan Miiska Saraakiisha, Ciidanka Qaranku waa badhida Somaliland ku fadhido, waa Astaatiin Qaranka, Astaanka Qaranka Cidda qudha ee lihi Waa Ciidanka Qaranka Somaliland”. Waxa kale oo uu yidhi: “Saraakiisha iyo Jananka Sharci ayaa ka dhexeeya, anigu Eex ka hadli maayo, dhinacna u xagli maayo, laakiin waxaan sheegayaa ka suldaan ahaan, suldaankaasi Xalay gafweynbuu galay, wuxuu farogaliyay Ciidankii Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciidankana in saxaafadda la walqiyo oo Saaxafadda lagaga hadlo, oo cid kasta oo shicib ihi ka hadasho waa qalad, Ciidanka Qaranku waa astaanta qudha ee Qaranka u taagan, nin kasta oo Madaxweyne noqda iyo nin kasta oo masuul noqda iyagu way u siman yihiin, Xalay Suldaankaasi Ciidankii ayuu kala soocay, waxa uu eed u soo jeediyay ninka la yidhaa Nuux Ismaaciil Taani” Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Nuux waa Janankii Ciidanka Qaranka, haddii Saraakiishiisa ay dambi galaan, waaxay leeyihiin Nidaam sharci oo loo raaci ama loo maro, ninka sarkaalka ahi dambi waa gali karaa, waa qaldami karaa, laakiin rool ma uga banaan yahay Salaadiinta inay intay Tv-ga soo fadhiistaan ay Saraakiishii Ciidanka Qaranka iyo jananka isku dhiidhiyaan, aniga waxay illa tahay inay arintaasi foolxumo tahay, inaan Jananka Ciidanka Qaranka iyo saraakiishiisa iyo sharciga u yaala waxaan leeyahay haloo kala baxo, haddaaanu ninka la yidhaa Doolaal dambi lahayna, maxkamad ayuu leeyahay Ciidanku, haddii uu dambi leeyahayna maxkamad ayuu leeyahay” Sidoo kale waxa uu yidhi “Asalba inaynu TV kaga hadalno arin Madaxda Ciidanka Qaranka dhexdooda taagan inay tvyadda kaga hadalno, waxaan leeyahay ciddii hore uga hadashay iyo cidda iga dambaysaba halaga didibsado, oo Ciidanka Qaranka iyo janankiisaba haloo kala baxo, imika halkan ka sheegi maayo waxay Suldaanka iyo Doolaal isku yihiin, laakiin Taariikhda ayaa sheegi doonta, ma qurux badna Hiilka noocaasi oo kale ahi, Hebel hala badelo iyo shaqadii ayaad kasoo bixi wayday, iyo ciidankiibaad baabiisay, waxaan leeyahay suldaan Barre, faawil faro badan ayaad gashay, arin badan oo aan kuu oolin ayaad ka hadashay, waxaad ku talaxtagtay illaa shaqsiyaddii jananka, ninkaad u hadlaysaanna waa sarkaal, taariikhdii uu halganka ku lahaanna Cidina masixi mayso, dambi haddii uu galay adna ma masixi maysid, Nuuxna dambi aanu lahayn raacin maayo, adigase waxaa kaaga qurux badnayd, hadalku intuu afkaaga ku jiro ayuu amaano yahay, waxaad tidhi Maxkamad halasoo joojiyo, haddii uu Xukun ku dhaco ma udanbaa, waxaan leeyahay baryahan dambe Ciidanka Qaranka Farogalin badan ayaa lagu hayay, salaadiinta iyo cid kastaa Ciidanka Qaranka Faraha kala baxaan,wadanka sharci ayaa ka jira iyo nimaad, ciidanku sharci ayuu ku dhisan yahay, suldaan Barrena waxaan leeyahay arinkaasi Cumaadda ayaa kaga dhacdaye dib ha ugu noqon arinkaasi, ciidanku waa ciidankaagii, inay kala dirno oo aynu nidhaa kala yaaca, waa ayaan darro iyo Ceeb”. Ayuu yidhi Suldaan Mawliid Sabayse Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ee ahaa in ciidamo la dul-dhigay, kuwaas oo uu tilmaamay inay gudaha u galeen garoonka Aadan Cadde. Wasiir Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin ciidamo la geeyey garoonka diyaarada magaalada Muqdisho, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah. Dubbe ayaa sidoo kale xusay in madaxweyne Deni si qaldan wax loogu sheegay, maadaama isaga uusan banaanka u soo bixin, sida uu hadalka u dhigay. Cismaan Abuukar Dubbe oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inuu xiriiro la sameeyey taliyeyaasha ciidamada, islamarkaana ay u xaqiijiyeen in aan ciidamo la geyn garoonka. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, kuna kalsoonaadaan dowladdooda iyo wada-hadallada socda ee xal-raadinta ah. Ugu dambeyn wuxuu digniin u diray dad uu sheegay inay leeyihiin dano gaar ah, islamarkaana ay iska horkeenayaan ciidamada iyo madaxda Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, kadib wareysi uu Siciid Deni siiyey BBC-da, kaas oo uu ku sheegay in lagu soo weeraray xerada Xalane, islamarkaana lasoo galiyey ciidamo daacad u ah madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).
  13. Wararka ka imaanaya teendhada Afisyooni ayaa sheegaya in goordhow ay halkaasi gaareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Rooble iyo madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta-gareen. Waxaa kale oo goobta ku sugan teendhada Madaxweyneyaasha Galmudud Axmed Qoorqoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe. Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhameystiro heshiiskii September 17 iyo is afgaradkii guddiyada farsamo ay ku gaareen Baydhabo 15-16-kii bishii hore. Waxaa jira ajendeyaal is khilaaf oo kasoo baxaya shirka iyada oo aan la ogeyn kasoo qeyb galka Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubblanad iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo dooddda ugu weyn ka qabay arrimaha ajendaha shirka. Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ay doonayaan in ajendaha lagu koobo wixii kasoo baxay guddiga farsamo ee Baydhabo iyo qodobadii 3-da ahaa ee lagu kala kacay Dhuusamareeb 4 ee kala ahaa: Guddiyada doorashada, Gedo iyo Somaliland. Maamu goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo taageero ka heysta madasha badbaadada qaran ayaa qaba in ajendaha lagu daro amniga doorashada iyo cidda sugeysa, in wax laga badalo booliiska, in shaqada laga joojiyo taliyeyaal ku lug lahaa weerarka mucaaradka ee 19 Febraayo, in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodihiisa, in xukuumadda ay sii wado arrimaha doorashada, in la dhiso guddi qaran oo muddada kala guurka maamula dalka oo xukuumadda iyo guddoonka ay baarlamaanka ay DF u matali doonaan iyo arrimo kale. Wixii soo kordha kala soco halka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidanka Burundi ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca HirShabelle. Dagaalka oo saacado qaatay ayaa yimid, kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhig AMISOM ee deegaanka Miir-Taqwa ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay. Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkaasi waxa ay shaacisay in ugu yaraan ay ku dileen 1 askari, kuna dhaawaceen 2 kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay taliska AMISOM, Burundi oo ku aadan dagaalkaasi la sheegay in ciidankooda waxyeelo xoogan lagu gaarsiiyey. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada fariismaha ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada dalka.
  15. (SLT-Hargeysa)-Xisiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa tan iyo aasaaskiisa shirarkii golaha dhexe ee uu qabsaday waxa ka dhashay khilaafaad-yo kala duwan, kuwaas oo sababay inay mujaahidiin iyo siyaasiyiin miisan ku lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland ay ka baxaan Xisbigaas, isla markaana kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga, iyada oo labadii shir Golaha dhexe ee uu qabsaday WADDANI ay ka dhasheen muran iyo is qab-qabsi sababay inuu Xisbigu lumiyo xubno sumcad iyo karaamo ku leh saaxadda Siyaasadda dalka,isla markaana shaxday dhigaan aan la marrin. Sannadkii 2016 Iyo Loollankii Musharrax ku- xigeenka Madaxweynaha WADDANI Bishii October Sannadkii 2016-kii ayuu Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI shirkiisii kobaad ee golaha dhexe uu ku qabsaday Magaalada Hargeysa ,kaas oo uu ka dhashay khilaafkii koobaad ee Xisbiga WADDANI ka dhex istaadhmay tan iyo aasaaskii Xisbiga,waxaanu ahaa mid ka dhashay loollankii loogu jiray jagada Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI,iyadoo Guddoomiye Cirro iyo masuuliyiinta Xisbiga ay daaqada ka saareen Guddoomiye ku-xigeenka cahdigaas ee Xisbiga Axmed Muumin Seed oo kamid ahaa aasasayaashii Xisbiga, isla markaana in baddan u soo dhabar adayga xaaladdo kale duwan oo isku arkayey isagu markaas inuu xaq uu leeyahay inuu Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga noqdo,balse taa baddelkeeda waxay Guddoomiye Cirro iyo kooxdiisii hawshaas la wadday ay wakhtigaas keeneen oo loo coddeeyey inuu Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka noqdo Maxamed Cali Aw Cabdi oo xiligaas ahaa nin ku cusub saaxada Siyaasadda,haseyeeshee la weriyey in danno kale duwan lagu soo xushay. Axmed Muumin Seed iyo masuuliyiin kale oo kamid ahaa aasasayaashii Xisbiga WADDANI, kuwaas oo ka cadhooday qaabka loo maamulay shirkaas iyo cugashadii Maxamed Cali iyo caydhintii Seed ayaa waxa ka dhashay inay xubnihii ka biyo diiday shirkaas ay ku bahoobaan garabka Toosinta WADDANI,waxaanay kamid ahaa Ex Wasiir Hinda Gaani , Wasiir Axmed Muunin Seed , Xildhibaan Faarax Dheere, Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Siyaasin kale, kuwaas oo ku biiray markii dambe Xisbiga tallada dalka haye ee KULMIYE, waxaanay door weyn ka qateen gushii Xisbiga KULMIYE uu ka gaadhay doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka dhacday sannadkii 2017-kii. Sannadkii 2019-kii Iyo Shirkii Labaad ee Golaha dhexe ee WADDANI Shirkii labaad ee Golaha dhexe ee Xibiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa dabayaaqadii bishii September sannadkii 2019-kii ka qabsoomay Magaalada Burco, kaas oo isagu aanu jirin khilaaf weyn oo ka curtay ama uu ka tegay marka laga reebo xubno qaadacay shirka oo ka biyo diiday,kuwaas oo aan ka qayb-gelin ee ka baxay Xisbiga Dhanka kalene marka laga yimaado shirarkaas waxa jiray khilaafyo kale duwan kuwaas oo ka dhex qarxay Masuuliyiinta Xisbiga,isla markaana uu ku lumiyey Xisbigu xubno mihiim ahaa,isla markaana ay qaarkood ahayeen aasasayaashii Xisbiga,kuwaas oo ay kamid ahayeen Siyaasi Maxamed Cabdilaaahi Uurcade Xoghayihii Guud ee Xisbiga iyo Mujaahid Boobe Yusuf iyo Marwo Faadumo Siciid iyo xubno kale oo dhawaan is casiley oo kamid ahayeen Mujaahid Cabdi Haybe iyo xubno kale, waxaana marka aad eegto iscasilaada masuuliyiintan oo xiliyo kale duwan iska casiley Xisbiga aad moodaa inay isku mid tahay. Si kastaba ha-ahaatee xisbiga WADDANI ayaa shaaciyey inuu shirkii saddexaad ee Golihiisa dhexe ku qabsanaya magaalada Hargeysa 30-ka bishan March ee sannadka 2021-ka, kaas oo u muuqda inuu ka xaararada kulul yahay labadii shir Gole dhexe ee uu hore u qabsaday Xisbigu maddaama lagu jirro xili doorasho, iyadoo ay hadda siyaasiyiin dhawr ahi qaadaceen isna casileen,halka qaar kalena ay guuxayaan, waxaana muuqata ifafaale muujinaya inuu Xisbiga WADDANI uu lumin doonno masuuliyiin miisaan kulahaa Xisbiga isla markaana door weyn ka soo qaatay guulihii Xisbiga,waxaynu dhawrnaa waa 30-ka bishan Maraj ee sannadkan 2021-ka iyo qabsoomida shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ugu weyn Smaliland ee WADDANI. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Somaliland waxa sarre u kac ku yimid tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid-19, sidoo kalena tirada dhimashada ayaa kor u kacday. Tan iyo intii uu soo laba kacleeyay caabuqa Covid-19, ayaa waxa uu xanuunku si xawli ah ugu fidaya badiba gobollada Somaliland. Gobollada Saaxil iyo Togdheer ayaa lagu warramaya in ay safka hore kaga jiraan, tirada dadka uu caabuqu haleelay iyo Dadka u dhimanaya. Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco Dr. Cabdi Suudi Ibraahim oo Shalay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in 19-kii Maalmood ee bishan u horreeyay uu Xanuunka Covid_19 uu Magaalada Burco ku dilay 10 Qof, halka 668 Qof oo Xanuunka laga baadhay laga helay 224 ka mid ah, arrintaasi oo muujinaysa khatarta jirtaa inta ay leeg tahay. Dr. Cabdi Suudi Ibraahim oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu xanuunka ka baadhnay 668 Qof, waxa laga helay 224 Qof, 19-kii Maalmood ee u dambeeyay bishan March, dadka Burco ugu dhintay Xanuunka Covid_19 waa 10 Qof..” Sidoo kale, Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac, oo waraysi siinayay idaacadda VOA ayaa ka warbixiyay xaaladda Covid-19 ee gobolkaasi, waxaanu yidhi “625 qof ayaa la baadhay waxaana laga helay 161 qof, waa tiro aad iyo aad u saraysa, saddex qof ayaana sanadkan u dhintay” ayuu yidhi Dr. Bashiir. “Xaaladda xanuunku way soo kordhaysaa, waxaan aad iyo aad ugu boorinaya bulshada in ay dareenkooda na siiyaan oo anay kaftan u qaadan waxan aanu maalin walba ka hadlayno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr. Bashiir. Isuduwaha ayaa sidoo kale sheegay in haddii 100 qof la baadho 20-30 ka mid ah caabuqa laga helo taasi oo muujinaysa kor-u-kac xawli ah. Dhanka kale, badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa bulshada gobolka ku booriyay in ay is baadhaan “Waxaan ka codsanayaa dhammaan reer Togdheer Qofkii isku arka qufac in uu is baadho, waa bilaash, waalla baadhayaa, haddii laga helana waa la karantinimaynayaa, haddii laga waayana gurigiisa ayuu tagayaa” ayuu yidhi Guddoomiye Xayd. Sidoo kale, waxa Xaalad aan wanaagsanayn laga soo sheegayaa Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel Af-weyn, waxaana la sheegayaa inay kordhayaan Dadka u dhimanaya Xanuunka Covid_19. Ugu dambayn, guud ahan Somaliland tirada guud ee caabuqa laga baadhay tan iyo sanadkii hore waa 35,363, tirada dhimashadu waa 98 qof halka 1913 qof na ay ka bogsadeen. Arbacadii Toddobaadkii hore, ayaa waxa Somaliland soo gaadhay Tallaalka Covid_19, kaasi oo Somaliland loogu deeqay, waxaana laga yaabaa in toddobaadkan gudihiisa la bilaabo in Shaqaalaha Caafimaadka lagu bilaabo. Source
  17. (SLT-Muqdisho)-Saacadahii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada heystay riwaayad laga sameeyay xaaladda dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warbaahinta Universal TV ayaa toddobaadkaan sii deysay muuqaal aad ugu baahay baraha bulshada, waa qeyb ka mid ah sheekooyinka isbuuclaha ah oo ay soo daayaan. Sheekada Guuxa Dadweynaha ayey qeyb ka aheyd, waxaana qeybtaan loogu magac daray, Dalkaan haloo daneeyo, Hadii Kale..”. Riwaayadaan waxaa hormuud u ah nin dab wata kaas oo wixii tallo ahaa inta diiday, xalka uu noqonayo iney la hadlaan beesha caalamka iyo UN-ka, taasoo si cad ay ugala jeedaan Farmaajo. Muuqaalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli beesha caalamka ay cadaadis xoog badan saarreyso hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya, waxaana qoraalkii ugu dambeeyay oo maanta soo baxay lagu sheegay wada fadhiistaan kana heshiiyaan arrimaha doorashooyinka dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. MOGADISHU, Somalia – At least one African Union soldier was killed and two others wounded in an ambush attack on army camp near Mahaday town, some 120 km north of the capital Mogadishu. The attack took place in Mirtuugo area, triggering fierce fighting between al Shabaab and African Union soldiers, a witness, who asked to be anonymous, said. He says heavy weaponry could be heard. Somali armed group al Shabaab says it has killed an African Union soldier from Burundi and wounded two others in the attack through its website. Shabelle Media could not independently verify the casualty claims. The African Union mission was unavailable to reach on the phone for comments on the latest attack and claims made by al Shabaab. al Shabaab, an al Qaeda linked group has been battling African Union troops and the Mogadishu-based-government for more than ten year. The insurgent group has lost major towns to Somali army and African Union troops, but it still holds large swaths in south of the country. Earlier this month, the militant group launched a mortar attack on Halane camp housing African Union and UN offices and other foreign diplomatic missions in the capital, Mogadishu. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa si aad ah looga dareemaya diyaar garowga shirka arrimaha doorashooyinka, kaas oo lagu wado inuu maanta ka furmo Teendhada Afisyoono oo ku taalla xerada Xalane. Shirkan oo ah mid xasaasi ahaa ayaa waxaa garwadeen ka ah beesha caalamka, waxaana ka qeyb-galaya madaxda watigoodu dhammaaday ee dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka, iyo madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamed iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah xubnah musharraxiinta mucaaradka. Intiisa badan waxaa shirka diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran dalka, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana goobta ka dhacayo shirka la wareegay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Beesha caalamka oo garwadeen ka ah shirkan waxa ay shaacisay in madaxda Soomaaliyeed aan laga aqbali doonin kala teg, iyada oo aan heshiis la gaarin. Si kastaba shirkan ayaa ka duwan kuwii hore, maadaama diyaarintiisa & qabashadiisa ay leedahay beesha caalamka oo cadaadis saareyso dowladda & dowlad goboleedyada.
  20. Mogadishu (HOL) - Puntland President Said Abdullahi Deni said that he questions the security arrangement for the electoral conference, citing a security risk posed to him by elite Federal troops he deems to be loyal to Farmajo in the capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) - Somalia leaders are scheduled to open a highly anticipated electoral conference in the capital Mogadishu on Monday after months of bitter in-fighting between various stakeholders torpedoed previous organizing attempts at national elections. Source: Hiiraan Online
  22. Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada AMISOM & Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Miir-taqwa, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaankaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal toos ah oo oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay ugu yaraan hal askari, kuna dhaawacday labo ka mid ah ciidamada AMISOM. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi & dagaalka ka horreeyey intaba. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Xoogga dalka & kuwa AMISOM ee koonfurta & bartamaha dalka. View the full article
  23. Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo shirka wada-tashiga ee dowladda federaalka, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee sanadkan 2021-ka. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale shirkani ay ka qeyb-geli doonaan madaxdii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ka mid ah musharraxiinta. Beesha caalamka ayaa garwadeen ka ah wada-hadallada u dhexeeya dhinacyadan oo la doonayo in xal looga gaaro is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo kala guur ah, waxaana dib u dhacay qabsoomida doorashooyinka, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka. View the full article
  24. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Abdirahman Dhabanacad ayaa sheegay in markale ay suura gal tahay in uu fashilmo shirka Muqdisho ka furmaya . Dhabanacad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in aanan lagala tashan dhinacyada shirka ka soo qeyb galaya Ajendaha shirka . Wasiir Maxamed Abdirahman Dhabanacad ayaa yiri “Ajendaha kulanka la filayo ee loo dhan yahay ee doorashooyinka waa in lala tashadaa oo ay isku raacaan dhammaan daneeyayaasha ay khusayso. Ajendaha qayb ahaan sidan oo kale ah wuxuu u horseedi karaa fashil shirka. Qoraalka ayuu soo dhigay Twitter-ka xilli saacada kooban ay ka dhiman yihiin Shirka Arrimaha Doorashooyinka dalka . Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu soo dhigay Twitter=ka oo ku qoran Luqadda Ingiriiska Source: goobjoog.com
  25. War-saxaafadeed ka soo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesco Madeira uu la kulmay qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo musharixiinta mucaaradka. AMISOM ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku xustay in Francesco Madeira madaxda uu la kulmay ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira ammaanka goobta uu ka dhacayo shirka la filayo in maanta Muqdisho uu ka furmo ee u dhexeeya madaxda dowlada federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada iyo sidoo kale gobolka Banaadir. Danjire Francesco Madeira ayaa sheegay in ammaanka goobta xeyndaabka AMISOM ee shirka uu ka dhacayo ay si dhameystiran gacanta ugu hayaan ciidamada AMISOM,isla markaana ay damaanad qaadayaan ammaanka guud inta uu shirka socdo iyo marka uu soo dhamaado. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu rajeenayo in hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo saamileyda siyaasadeed oo kaashanaya AMISOM iyo beesha caalamka ay ka soo qeyb gali doonaan shirkaasi. Ugu danbeyn Francesco Madeira ayaa hogaamiyeyaasha Soomaalida uga mahad-celiyay sida ay iskuugu raaceen shirkaasi oo muhiim u ah qabsoomidda doorashooyinka dalka. View the full article