Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa golaha Senate-ka dalka Mareykanka oo guddiga senete-ka ee arrimaha amniga warbixin ka siiyay xaaladda Amni ee Soomaaliya ayaa shegay in Soomaaliya ay ka taagan tahay xaalad Hubanti la’aan amni oo ka qatar ururka Al-shabaab. Taliyaha Africon Stephen Townsend oo Guddiga Senate-ka Arrimaha Ammaanka la hadlay ayaa sheegay indhibaatooyinka iyo Isfaham waaga ka dhex jira madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka ay tahay khatarta Amni ee Soomaaliya ay wajaheyso Hadda . “Saameynta ugu weyn ee amniga Soomaaliya haatan ma aha Al-Shabaab, ee waa xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada. “Muddo krorosiga ka baxsan mudda xileedka dastuuriga ah ee xilka madaxweynaha — ayaa ah caqabaddeenna ugu weyn, sida aan filayo, hadda,” ayuu yiri Jeneraal Townsend. 12-kii bishaan Golaha Shacabka ayaa Laba sano ugu daray Farmaajo taas oo ay ka dhalatay diidmooyin fara badan Mr Townsend oo mudanayaasha guddiga ay Su’aallo kale ka weydiiyeen xaaladda Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankii Madaxweeynihii hore ee Mareykanka Trump ciidamada uga saaray Soomaaliya ay ka dhex abuurtay qal qal iyo in ay Al-shabaab ka faa’ideystaan . “Lama dafiri karo in ka saaridda ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay abuurtay jahwareer iyo khatar hor leh,” ayuu yiri Townsend . Stephen Townsend ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Ciidama yar oo Mareykanka , kuwaasne ay la shaqeeyan Safaaradda. “Waxaan inta badan saaxiibbadeen kala shaqeynaan saldhigyada aan gobolka ku leennahay. Kaddibna waan safarnaa si aan u sameyno tababarro, iyo si aan ula talinno una caawinno saaxiibbadeen. Ilaa afar howlgallo noocaas oo kale ah ayaan sameynay 90-kii maalmood ee la soo dhaafay. Mid ka mid ah hadda wuu socdaa.” ayuu yiri Townsend. Taliska AFRICOM ayaa intii uu ku sugnaa Soomaaliya waxa uu Tababaro siiyay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya , iyadoo sidoo kale AFRCIOM ay aas aastey Ciidamada Kumaandoosta DANAB, kuwaas oo hadda gaaraya 3,000 Askari . Mareykanka ayaa sido kale intii uu ku sugnaa Soomaaliya waxa uu sameeyay howl-galo iyo duqeymo dhanka cirka ah oo lagu dilay Saraakiil Badan oo ka Tirsan Al-shabaab . Source: goobjoog.com
  2. Taliyaha Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa guddiga senete-ka ee arrimaha amniga u sheegay in caqabadda amni ee ugu weyn ee haatan ka jirta Soomaaliya aysan ahayn kooxda Al-Shabaab, balse ay tahay muddo korosigii dhawaan ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Jeneraal Stephen Townsend oo shalay hadal ka hor jeedinayay Guddiga Arrimaha Ciidamada u qaabilsan Senate-ka Mareykanka, ayaa sheegay in xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada ay tahay caqabadda amni ee ugu weyn ee haatan dalka ka jirta. “Saameynta ugu weyn ee amniga Soomaaliya haatan ma aha Al-Shabaab, waa xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada. Muddo krorosiga ka baxsan dastuurka ee xilka madaxweynaha — taasi waa caqabaddeenna ugu weyn, sida aan filayo, hadda,” ayuu yidhi Jeneraal Townsend o Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – War murtiyeedka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowha Afrika ayaa looga codsaday AMISOM inay la socoto dhaq dhaqaaqa Ciidamda Amniga Soomaaliya si looga hortaggo iska hor imaadyo ka dhaca Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa laga codsaday inuu qabto shirarka dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya heer Safiiro iyo heer taliyeyaasha ciidamada si looga tashado tilaabooyinka laga qaadi doono dhinacyada Soomaalida haddii ay isku dayaan gacan qaad. “Waxaa ka codsaneynaa AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, si ay ula socoto soo daad gureynta Ciidamada Amniga ee Soomaaliya (SSF), sidoo kale waxaan ka codsaneynaa Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, inuu si deg deg ah u qabto shirarka Ciidamada iyo Wadamada Ciidamada ku biiriya Booliska (T / PCCs ), heer safiirnimo, iyo sidoo kale Guddiga Isku-dubbaridka Hawlaha Milatariga (MOCC) ee heerka Taliyeyaasha Difaaca, si loo tixgeliyo saameynta amniga ee is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira, iyo sidoo kale khariidaynta xulashooyinka wax looga qabanayo iyo yareynta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay. Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay si toos ugu fashilantay qorshihii dalalka caalamka ay uga raadinaysay muddo kororsiga, waxayna warbixinta Midowga Africa kuso aaday xilli laga cabsi qabo in Magaalada Muqdisho ay marti geliso dagaal u dhaxeeyo Ciidamad Dowladda iyo kuwa mucaaradka ah. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka guuray Hotel Jazeera, waxayna dageyn waqooyiga Muqdisho, waxaana guuritaankooda lagu fasiray inay tahay kaarto Militari oo loogu diyaar garoobayo dagaal ka dhan ah Dowladda. Sidoo kale General Saadaq Joon oo horey u ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa xirtay qeybo kamid ah xaafadda Shiirkole, wuxuuna halkaas ku heystaa ciidamo aad u hubeysan, waxaana laga cabsi qabaa inay weerar ku qaado Dowladda. The post AMISOM oo laga dalbaday in ay la socoto dhaqdhaqaaqyada Ciidanka dowladda appeared first on Caasimada Online.
  4. Dowladda Ingiriiska ayaa taageertay go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ku cambaareeyay mudda kordhinta hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Danjire Kate Foster ayaa Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka waxay ku taageertay go’aanka Midowga Afrika oo ay ku tilmaantay mid muhiim ah. Sidoo kale, waxay soo dhowaysay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika u samaynayo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si heshiis looga gaaro xaaladda cakiran ee siyaasadeed, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Ingiriiska oo taageeray go’aankii Midowga Afrika ku cambaareeyay mudda kordhinta Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeyntii shalay uga timid dowladda federaalka Soomaaliya ee aheyd inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa ku eedeeyey Jabuuti iyo Kenya inay isku dayeen “inay farageliyaan” go’aankii Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ay kaga dhaadhicinayaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika soo jeedin qoddobo ay doonayeen in lagu daro qoraalkii xalay kasoo baxay. Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen ugana xun yihiin in wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya uu mar kale ku celinayo eedeymo iyo tuhun been abuur ah oo ah in Jabuuti ay ajende ka leedahay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya. “Aan si aad ah u caddeeyo, Jabuuti uma qalanto hadalladan oo kale. In Jabuuti lagu eedeeyo inay faro-gelineyso arrimaha Soomaaliya oo ay dhinac la jirto waa mid aan wax macno ah laheyn, oo waxyeeleyneysa qiyamkeena ku aadan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yidhi Ilyaas. “Aad ayaan u qiimeynaa waxa ay Soomaalia noo fashay. Sidaas darteed ma sameyn karno wax ka yar. Waa taas sababto ay wiilasheena ugu dhimanayaan dib u curashada Soomaaliya,” ayuu yidhi. Jabuuti ayaa waxay ciidamo ka tirsan AMISOM ka joogaan Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa siyaasad cadaawad leh kula dhaqmeysay Jabuuti, tan iyo markii ay saaxiibeen madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, oo ciidankiisa ay xoog ku haystaan dhul ay leedahay Jabuuti. Source
  6. (SLT-Addis Ababa)-Koox hubeysan ayaa la wareegtay gacan ku haynta degmo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Itoobiya, ayaga oo sida lagu warramay dilay dad shacab ah islamarkaana afduubtay shaqaale dowladeed, waxaa sidaas warbixin ku sheegay Arbacadii Guddiga Xuquuqda Aadanah Itoobiya, ee dowladda ay soo magacowday. Guddiga ayaa sheegay in warbixino ay heleen ay sheegayaan in Sedal Woreda oo ku taalla galbeedka gobolka Benishangul-Gumuz “ay si buuxda gacanta ugu hayaan koox hubeysan tan iyo 19-kii April.” Guddiga ma sheegin cidda ay yihiin kooxdan hubeysan. Deegaanka ayaa waxaa ku nool qiyaastii 25,000 oo qof, sida uu sheegay guddiga. Gobolka Benishangul-Gumuz ayaa bilihii dhowaa waxaad aad uga dhacayey rabshadaha qowmiyadaha, waxaana bishii December ka dhacay weerar lagu dilay 200 oo qof oo shacab ahaa. Gobolkan ayaa waxaa wada degan dhowr qowmiyadood oo ay ka mid yihiin Gumuz iyo Amxaaro, waxaana hareeyey weeraro is-daba joog ah oo la isugu jawaabayo. “Dad kasoo qaxay deegaanka ayaa Guddiga Xuquuqda Aadanaha u sheegay in kooxda hubeysan ay gubeen oo ay bililiqeysteen hanti dowladeed iyo mid shacab. Sidoo kale mas’uuliyiintii deegaanka ayaa ka cararay. Waaa jira warbixino sheegaya shacab la dilay iyo shaqaale dowladeed oo la afduubtay,” ayaa lagu yidhi warbixinta guddiga. Guddiga ayaa intaas ku daray in tiro yar oo ahaa ciidamada deegaanka ay ka awood iyo tiro bateen kooxda hubeysan. Itoobiya ayaa la xarbiyaysa inay xakameyso rabshado qowmiyadeed iyo kuwa siyaasadeed ka hor doorashooyinka qaran ee dhacaya bisha June. Source
  7. Cairo (Caasimadda Online) – Jaamacadda Carabta ayaa ka dhawaajisay inay walaac xoog leh ka qabto Xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka ka dhaxeeyo dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya ee ku saabsan doorashadii la filayey inay dhacdo. Bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda Maamul Goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah inay xal siyaasadeed oo deg deg ah ka gaaran arrinta Doorashada. Golaha Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadahadalka siyaasadeed uu yahay midka kaliya ee xal looga gaari karo heshiis la isku raacsan yahay oo lagu maamulo doorashooyinka soo socdo ee Soomaaliya. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed xilli kasta illaa ay ka guuleysanayaan caqabadaha haatan jira ee dib u dhiska Hey’adaha Dowliga ah, waxayna jaamacadda Carabta sheegtay inay lagama maarmaan tahay ilaalinta midnimada Qaranka, Xisiloonida iyo soo kabashada guud ee dalka Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka taagan khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan doorashada maadaama dowladda hadda ka taliso uu waqtigeeda ku ekaa 8 February illaa haddana ma jirto doorasho heshiis lagu yahay oo lagu soo dooranayo madaxweynaha iyo Baarlamaanka iyadoo weliba uu guddoonka Baarlamaanka soo saaray sharci u ogolaanayo muddo kordhin laba sano ah. Isniintii, Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay in Midowga Africa uu door hoggaamineed ka qaato fududeynta geeddi-socodka doorashooyinka oo awood u siinaya “muwaadin kasta in uu ku doorto wakiillada iyada oo loo marayo doorashooyin xor iyo xalaal ah.” The post Jaamacadda Carabta oo walaac ka muujisay xaaladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  8. Maanta oo Jimca ah ayaa lagu wada in la Aaso madaxweeynihii mudada dheer xukumayay Chad Idriss Deby oo dhawaan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray kadib dagaal kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee uu galay . Madaxweeynayaal , Ra’iisul wasaarayaal iyo Madax kale ayaa ku sii qul quleysa caasimadda Chad ee N’Djamena kuwaas oo ka qeyb galaya aaska Debby . Aaska, ayaa ka dhici doona Maanta Fagaaraha weyn ee La Place de la Nation magaalada N’Djamena, Halkaas oo militeriga dalkaas ay Rasaas u ridi doonan Aaska Madaxweyne Idris Waxa Debby lagu garab Aasi doona halka uu ku duugan yahay meydka Aabihii , kaas oo ku aasan tuulla lagu magacabo Amdjarass oo u dhaw halka uu ku dhashay ee Berdoba. Idris Debby ayaa in kabada 30 sano maamulayay dalka Chad , iyadoo markii Lixaad uu ku guuleystay doorashadii Dalkaas ka dhacday Sanandkaan. Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (HOL) - The Commander of the United States Africa Command (AFRICOM) told a Senate panel that the illegal term extension posed the biggest obstacle to security in Somalia and not the militant insurgent group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  10. (ERGO) – Displaced single mother of eight Halimo Aalin Dinle has moved from camp to camp in Mogadishu for more than 15 years, suffering forced evictions on several occasions and always struggling to make ends meet. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu toddobaadkan ku dhacay bohoshii ugu weynd, sida uu hadalka u dhigay. Caynte oo qoraal soo dhigay facebook ayaa yiri “Kalitaliye Mohamed Abdullahi Farmaajo muddo toddobaad gudihiis ah wuxuu ku dhacay bohoshii ugu weyneyd. Kaddib markii uu si sharci darro ah labo sano ugu dhufsaday, wuxuu damcay inuu ka dhex kalluumeysto Midowga Afrika, si loogu xalaaleeyo boollida uu dhacay.’ Waxa uu intaas ku daray “Caawa ayay Midowga Afrika kasoo xireen albaabkaas, waxayna codkooda ku biiriyeen caalamka intiisa kale (USA, EU, UK & UN).” Caynte ayaa ka falcelinayey go’aankii xalay kasoo baxay Midowga Afrika ee sida xooggan loogu cambaareyey muddo kororsiga Farmaajo iyo golaha shacabka, kuna baaqay in deg deg loogu laabto wada-hadalladdii doorashada. Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegay in Farmaajo ay hadda u furantay laba waddo oo kala daran. “Laba wadiiqo oo kala daran ayaa u furan: 1. Inuu kusii socdo dhabbaha qar iska xoornimada, sheegtana inuu yahay madaxweyne sharci ah. Taas waxaa ka dhalan doonta in isaga iyo xertiisa toos loo beegsado, cunaqabateyn iyo curyaamin kale la dul dhigo. 2. Inuu is-casilo, kaddib marka uu garowsado tabar darradiisa. Ku soco ayaan leeyahay.” Go’aanka Golaha ayaa dhabar jab weyn ku noqday Farmaajo, ayada oo ururka Midowga Afrika uu ahaa kan kaliya ee ka harsanaa beesha caalamka, ayada oo horey muddo kororsiga ay u diideen QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo dhammaan dalalka Yurub. The post CAYNTE: Farmaajo wuxuu toddobaad gudihiis ku dhacay bohoshii ugu weyneyd appeared first on Caasimada Online.
  12. Somalia’s largest telecommunications provider, Hormuud Telecom, has announced the rollout of the country’s first indigenous mobile money application. Source: Hiiraan Online
  13. SOUTH-WEST STATE, Somalia – Weeks turned into months, and still the rains never came. As the drought in Somalia scorches the land, the chances for a family’s survival wither and die like crops and livestock, forcing them to search for lifelines elsewhere. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn Soomaaliya ee iminka aysan aheyn Al-Shabaab, balse ay tahay muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka. “Al-Shabaab ma ahan walaaca ugu weyn ee Soomaaliya iminka, balse waa qaska siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada….muddo kororsiga madaxweynaha waa caqabaddeena ugu weyn, sidaas ayey ila tahay iminka,” ayuu taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend, oo warbixin siiyey guddiga adeegga ciidamada ee Aqalka Senate-ka. Senator Jack Reed, oo ah guddoomiyaha guddiga ciidamada ayaa isna kulanka ku yiri “Tallaabadan [muddo kororsiga] waxay si toos ah u waxyeeleyneysaa horumarkii laga sameeyey hanaanka dimoqraadiyadda iyo is-beddelada hay’adaha dowladda, waxayna halis gelin kartaa taageerada caalamiga ah.” Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa horey u diiday muddo kororsiga, waxayna ku hanjabtay tallaabooyin ka dhan ah kuwa ku lugta leh, oo ay ka mid yihiin cunaqabteyno. Dhinaca kale, Jeneral Stephen Townsend ayaa Senate-ka u sheegay in go’aankii uu maamulka Trump ciidamada uga saaray Soomaaliya uu abuuray caqabad cusub oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. “Shaki kuma jiro in ka bixitaanka ciidamada ee Soomaaliya ay soo kordhisay caqabado iyo halis cusub,” ayuu yiri Townsend. Townsend ayaa sheegay in ciidamo yar oo gaaraya illaa 100 ay iminka ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaas oo shaqadooda ay la xiriirto safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Waxa uu intaas ku daray inuu xog ka siinayo xoghayaha Gaashaandhigga Lloyd Austin mustaqbalka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, ayada oo hadda ay socoto dib u eegis lagu sameynayo, taasi oo uu amray madaxweyne Biden, markii uu xukunka kala wareegay Trump. The post Africom oo muddo kororsiga Farmaajo ku tilmaamay halis ka darran kooxda Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
  15. The withdrawal of most U.S. troops from Somalia has hindered intelligence gathering, making continued U.S. counterterrorism operations more difficult, the top U.S. general for the region said Thursday. Source: Hiiraan Online
  16. Maalmahaan waxaa Deegaanada Puntland ka xirtay Roobabka Gu’ga, Shalay galab ilaa Xalay Roobku wuxuu ku hooray Deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal. Roobabka xoogan wuxuu ku hooray Degmada Eyl nawaaxigeeda iyo Dangoroyo oo labaduba ka tirsan Gobolka Nugaal, Howdka ayaa isna Roobku gaarsiisan uahay. Meelaha qaar Daad ayaa kusoo rogmaday Deegaanada hooseeya laakiin wax khasaare ah ma gaysan, inkastoo Gobolka Nugaal Roobsadey hadana Caasimada masoo gaarin Roobku. Wasaarada Deegaanka Puntland ayaa todobaadkii hore soo saartay Digniin ku saabsan Roobabka. Puntlandi.com Garowe The post Roobabka Gu’ga oo ka da’ay Dangoroyo iyo Howdka Nugaal appeared first on . Source
  17. Maraykanka oo taageeray Mawqifka Golaha Amaanka Midowga Afrika ka qaatay muddo korodhsiga Farmaajo Maraykanka ayaa taageeray cambaareyntii uu golaha nabada iyo amniga Midowga Afrika u jeediyey muddo korodhsiga madaxda dowlada Somalia. Qoraal caawa kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu soo dhaweeyay dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyadoo madaxda Soomaalida loogu baaqay inay heshiis degdega ka gaadhaan Doorashada. “Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay usbuucii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaanu soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Qeybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Maraykanka ayaa ku boorriyay madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah iskugu raacaan wadahadal iyo qorshe lagu xallinayo xiisadda ka dhalatay doorashada iyo muddo korodhsiga. We support the African Union Peace and Security Council @auc_paps decision condemning the mandate extension passed last week by the Somali parliament. We welcome @_AfricanUnion mediation & urge Somalia's leaders to agree to a way forward to resolve the electoral crisis promptly. — Bureau of African Affairs (@AsstSecStateAF) April 22, 2021 Qaran News
  18. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeyntii shalay uga timid dowladda federaalka ee aheyd inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa ku eedeeyey Jabuuti iyo Kenya inay isku dayeen “inay farageliyaan” go’aankii Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ay kaga dhaadhicinayaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika soo jeedin qoddobo ay rabeen in lagu daro qoraalkii xalay kasoo baxay. Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen ugana xun yihiin in wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya uu mar kale ku celinayo eedeymo iyo tuhun been abuur ah oo ah in Jabuuti ay ajende ka leedahay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya. “Aan si aad ah u caddeeyo, Jabuuti uma qalanto hadalladan oo kale. In Jabuuti lagu eedeeyo inay faro-gelineyso arrimaha Soomaaliya oo ay dhinac la jirto waa mid aan wax macno ah laheyn, oo waxyeeleyneysa qiyamkeena ku aadan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas. “Aad ayaan u qiimeynaa waxa ay Soomaalia noo fashay. Sidaas darteed ma sameyn karno wax ka yar. Waa taas sababto ay wiilasheena ugu dhimanayaan dib u curashada Soomaaliya,” ayuu yiri. Jabuuti ayaa waxay ciidamo ka tirsan AMISOM ka joogaan Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa siyaasad cadaawad leh kula dhaqmeysay Jabuuti, tan iyo markii ay saaxiibeen madaxweyne Farmaajo iyo kaligii-taliyaha Eritrea Isaias Afwerki, oo ciidankiisa ay xoog ku haystaan dhul ay leedahay Jabuuti. The post Jabuuti oo jawaab culus ka bixisay eedeyntii uga timid DF appeared first on Caasimada Online.
  19. Waa warshada laydhka ee ku taala xaafada Macalin Haaruun ee dhinaca ku haysa Xarunta degmada Macalin Haaruun, saaka bacda salaadii subax ayaa la shiday waxa ay sii daynaysaa qiiq xoogan oo dadka xaafadu ay aad uga cawdeen, wax yeelo badana waa la sheegayaa oo dadka xaafada soo gaadhay. Dadweynaha xaafadu mudo dheer ayay ka cabanayeen hase ahaatee maamulka Sompower ma ay fulinin dadka codsigooda oo ah in warshada laga raro xaafada. Warshadani ayaa goobtani laga taagey xilli ay xaafadu cidlo ahayd oo ayna dhismayaashu hareeraha ka dhaafin, waxana warshadaasi xiligaasi lahaa ganacsade Cismaan Kaahin oo hadana ka mid ah Saamileyda shirkada laydhka ee Sompower. Waxana hada la sheegayaa in dad badani ay warshadani waxyeelo caafimaad ka soo gaadhay, inkasta oo aan warshadani hada maalin walba la shidin tan iyo intii ay shirkada Sompower ay hirgalisay habka Solar-ka hadana waa mid shaqaysa oo la shido xiliyada qaar , taasi oo saaka oo ay bishu tahay 23/4/021 la daaray waxana aad arkaysaa qiiqa dunida laga mamnuucay oo Cirka isku shareeray Qaran News
  20. CAIRO, April 22 (Xinhua) — The Arab League (AL) on Thursday voiced deep concerns over the recent situation in Somalia and the ongoing critical conditions for reaching a political dialogue among different parties. The AL called in a statement on the federal government, the governments of different regional states, and the other Somali parties to reach a political solution over the national election issue. The pan-Arab body said the political dialogue is the only choice for reaching a consensus deal for running the coming elections in Somalia. The statement reiterated the AL’s support for the Somali people at all levels until they overcome the current challenges of rebuilding the state institutions, and expressed willingness to push for national unity, stability and recovery across the country. Somalia’s federal government suffered a deeper crisis after its mandate expired on Feb. 8 without an agreement to hold long-delayed presidential and parliamentary elections. On Monday, Somali President Mohamed Farmaajo welcomed the African Union to take a leading role in facilitating an election process that will enable “every citizen to elect their representatives through free and fair elections.” The post Arab League voices concern over recent situation in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  21. Roobab mahiiggaan ah, ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay inta badan degaannada Gobolka Nugaal, oo abaar iyo kulayl darani ka jiray. Roobabka ayaa ka da’ay dhul ballaaran oo ka tirsan Hawdka Gobolka Nugaal, islamarkaana dhinaca koonfurta kaga beegan magaalada Garoowe. Sidoo kale, Roobka ayaa maaruqay degaannada dhanka bari ka xiga caasimadda Garoowe, waxaana la sheegay in uu daadad xooggan ka sii daayay dooxooyin ka tirsan degmooyinka Dangoroyo iyo Eyl. Waxa xusid mudan, in Roobabka Gu’ga aysan gaarsiisnayn magaalada Garoowe iyo nawaaxigeeda, halka Gobolka intiisa badan uu roobanyahay. PUNTLAND POST The post Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay guddoomiyay shirka amniga caasimadda ayaa faray hay’adaha ammaanka in la dardargeliyo sugidda amniga, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. Rooble ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa dhagarta kooxaha argagixisada iyo cadowga shirqoollada u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri. Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu faray Wasaaradda Amniga in tallaabo deg-deg ah laga qaado sharcigana la horkeeno dadkii ka danbeeyey shaqaaqadii shalay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Garoonka ayaa waxaa isku dagaalay ciidamo ka tirsan NISA iyo shaqaalaha hay’adda socdaalka markii shaqaalaha ay diideen in garoonka lasoo geliyo qof ajnabi ah oo NISA ay dooneysay inay soo marsiiso ayada oo aanu marin nidaamka sharciga ah. Rooble ayaa sheegay in dhacdadaas ay ay muuqaal aan wanaagsanayn ka bixinaysay dalka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aan la buunbuunin dhacdooyinka wax u dhimaya muuqaalka dalka, sida uu yiri. Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Rooble kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo ciidanka ammaanka. The post Rooble oo soo rogay amarro deg deg kadib kulan uu ku qabtay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  23. Dowladda Maraykanka, ayaa taageertay go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika kaga horyimid mudda kordhinta loo sameeyay Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya. War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, ayaa lagu taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika uu ku cambaareeyay mudda kordhinta dowladda Federaalka. “Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay toddobaadkii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri Qoraalka. Sidoo kale, Maraykanku wuxu soo dhoweeyay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika doonayo in uu ka dhex bilaabo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si heshiis looga gaaro xaaladda cakiran ee doorashooyinka dalka. “Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxaan ku boorineynaa Madaxda Soomalida inay heshiis degdeg ah ka gaaraan khilaafka doorashada” ayuu sii raaciyay Qoraalka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo taageeray go’aankii Midowga Afrika ka qaatay mudda kordhinta dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.