-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Martial Court today sentenced eight men to death by a firing squad. Ayn and Mudug Martial Court foun the eight men guilty of carrying out assassinations as members of Al-shabaab. The Martial Court Prosecutor reading the court’s ruling against eight Al-shabaab members. For the last eight months Galka’yo saw the highest number of terrorist attacks in Puntland. Al-shabaab cells have masterminded the assassination of the former Mudug Governor and several journalists who spoke out against the presence of Al-shabaab operatives in the divided city. The eight men have thirty days to appeal the martial court’s ruling. North Mudug regional authorities have pledged to strengthen coordination between security agencies to fight the “scourge of Al-shabaab”. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Martial Court Sentences Eight Al-shabaab Members to Death appeared first on Puntland Post.
-
The UN Security Council members on Tuesday rejected President Farmaajo’s extension of term, but endorsed efforts of the African Union to help parties resolve an electoral impasse. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa maanta weeraray saldhiga bartamaha magaalada Garoowe, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay labo askari. Ciidamada weeraray saldhiga ayaa watay gaari tikniko ah, waxayna xoog kula baxeen taliyihii hore ee ciidamada dowladda hoose ee degmada Goroowe oo la xiray markii uu diiday xilka qaadis lagu sameeyay. Sidoo kale ciidamada ayaa mar kale xoog u la baxay labo askari oo ka tirsanaa saldhiga oo loo xiray ku lug lahaanshaha weerarkii hore. Ciidamada saldhiga Garoowe weeraray ayaa kamid ahaa ciidamo Boolis ah oo dhawaan lagu soo tababaray xerada Xorgoble ee Qardho. Booliska Puntland ayaa ka hadlin falkan, waxaana xiriiro aan la samaynay saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dhacdadan. PUNTLAND POST The post Ciidamo weerary saldhiga dhexe ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa lagu sheegay in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ay khilaaf ka dhex abuurayaan golaha dhexdiisa, iyadoo arrintaas aad loogu dhaleeceeyey qoralkaan. “Waxaan ogsoonahay in abaabul xoogan oo lagu kala dhantaalayo awooda golaha mudaba uu ka soctay xaafiisyada dowladda waqtigeedu dhamaaday, iyadoo qaar kamid ah xubnaha golaha laga hadalsiinayo, loona isticmaalayo dano guracan, waa in ay ogaadaan xubnaha golaha in xeer qaba doono, cid kasta oo ku xad gudubta danta guud ee loo aas-aasay Golaha Hogaaminta Habaragidir,” ayaa lagu yiri qoraalka. War-saxaafadeedka oo dheer ayaa intaas ku sii daray, “GHH himaladli iyo Hilgsigii uu u qabay doorashada Soomaaliya waxay ahayd in shacabka Soomaaliyeed helaan doorasho hufan, xalaal ah, la isla ogolyahay, isla marahaantaasna lagula kala wareego xukunka si nabadgalyo ah, oo dhamaan saamilayda siyaasada Soomaaliya laga tixgaliyo, si looga gudbo dib u dhaca iyo xasarad dalka ka dhacda.”` Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa sidoo kale qoraalkaan ku sheegay inay u muuqato khatar siyaadeed iyo mid amni oo ku gedaaman habraacii ‘sharciga baalmarsanaa ee uu ku dhaqaaqay Golaha Shacabka baarlamaaka Soomaaliya’ kaas oo mudo kordhin u sameeyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, halka madaxweynuhuna uu deg deg ku saxiixay. “ GHH waxaa uu ka digayaa khatarta kor aan kusoo xusnay oo umadda Soomaaliyeed ku yeelan karta saameyn taban oo aan si dhow looga soo kabsa karin, wax kasta oo ka yimaada isku dhajinta kursiga oo halis ku ah dalkeena kasoo banaya qalalaase 3o-sano jirsaday, waxaa masuuliyadeeda qaadi doona madaxwaynaha iyo hogaanka golaha shacabka ee muda xileedkoodii sharciga ahaa wada dhamaaday,” ayaa lagu yiri qoraalkan. Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada in xiligaan adag ay badbaadiyaan dalka iyo dadka Soomaallyeed, iyagoo kaashanaya saamileyda kale ee siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan. “Waxaa uu qayb ahaa Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir, soona dhawaynayaa wixii ka soo baxay shirweynilhii beelaha Mogadishu Clan ee Isniintii shalay Muqdisho ka dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalkan. The post Golaha Hoggaaminta beesha Habargidir oo war kasoo saaray xaaladda dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya sababta rasmiga ah ee Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uga baaqdeen shirkii beelaha Mogadishu Clan, oo la filayey inay uga dhowaaqeen mowqifkooda ku aadan muddo kororsiga Farmaajo. Sida aan xogta ku helnay, Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa xubnaha mucaaradka ah u sheegay in ay dib ugu laaban doonaan degaanadooda islamarkaana ay kulamo la qaadan doonaan baarlamaanka, golaha wasiirada iyo ururada bulshada rayidka, islamarkaana ay kadib caddeyn doonaan mowqifkooda ku aadan arrinta muddo korarsiga. Xogta aan helnay ayaa tilmaameyso in labadaan Madaxweyne ay u sheegeen mucaaradka in ay soo saari doonaan war-saxaafadeed wadajir ah, islamarkaana aysan ka qeyb geli karin shirkii aaya ka tashiga Mogadishu Clan iyagoo aan wadatashiyo la sameynin maamulada ay matalaan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha mucaaradka ah ay ku qanceen hadalka labada madaxweyne, islamarkaana ay ka qabaan rajo wanaagsan in ay helaan mowqifkooda ku aadan arrimaha doorashada Soomaaliya. Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shalay ka baaqsaday shirkii aaya ka tashiga Mogadishu Clan, waxaana soo baxayay warar sheegaya in ay uga baaqdeen cadaadis uga yimid dhinaca Villa Somalia oo shirkaasi diidaneed. Beel Weynta Mogadishu Clan ayaa shalay si cad u diiday muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaana shirkaas ka maqnaa Madaxweyne Galmudug iyo HirShabeelle oo shirka la rajeynayay in ay ka soo qeyb galaan maadaama ay beesho degto degaanada iyo meelo kale oo Soomaaliya kamid ah. The post Xog: Sababta ay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay uga baaqdeen shirkii Mogadishu Clan appeared first on Caasimada Online.
-
Waysadu waa lafdhabarta salaadda, iyada la’aanteed salaad lama aqbalo sida ka sugan Rasuulka Xadiiska Abu Hurayra warinayo ee Bukhaari soosaaray, “Ilaahay ma aqbalo salaad aan wayso lahayn.” Waa wax cad in aanay suurtagal ahayn qof aan wayso qabin in uu salaad tukado, laakiin waxa la iswaydiiyaa qofka maydhay isaga oo aan waysaysan ma tukan karaa? Su’aashaa waxa keenay xadiiska Caasha ee sheegay: Rasuulku kolka uu maydho muu waysaysan jirin. Fahanka iyo sharraxa xadiiskan fuqahadu waxay ku soo ururiyeen in maydhashada la jeedaa ay tahay midda jinaabada oo ay leeyihiin qofku hadduu maydhashada ka hor waysaysto oo aanay waysadu ka jabin kolka uu maydho wayso uma baahna. Xadiiska Caasha ee ah: “Rasuulku kolka uu maydho muu waysaysan jirin.” Fahannada laga qaato waxa ka mid ah qofka oo maydhasho qabowsi ah maydhay in uu tukado isagoo aan waysaysan isagoo dhaqangelinaya xadiiskan. Fuqahadu waxay si cad u sheegeen in aan la khalad fahmin xadiiska oo lala akhriyo axaadiiska kale ee mawduucan ay ka wada hadlayaan. Fuqahadu waxay leeyihiin maydhashada caadada ah ee qofku naftiisa u qabowsanayo ama isku nadiifinayo iyo midda cibaadada ah ee jinaabo ama xayd laga maydhanayo waxa kala saarta ee u dhaxaysaa waa niyadda. Niyaddaa caadada iyo cibaadada kala saarta kolkaas maydhashada aan cibaado ahayn lagu dhaqangelin maayo xadiiskan. W/Q Cabdirisaaq Rakuub Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Urur Goboleedka IGAD ayaa goordhoweyd war-murtiyeed kasoo saaray xaalada dalka, gaar ahaan dalabkii uu dhawaan madaxeynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo u gudbiyay guddoomiyaha Midowga Afrika ee madaxweyne Congo, Felix Tshisekedi. IGAD ayaa soo dhaweeysay “hindisaha la soo jeediyay ee dib wada-hadalada loogu bilaabayo Saamileyda siyaasadda dalka,” si loo xalliyo xaalada cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya. Waxay sheegtay in dhinacyada is-diidan ee saamileyda siyaasada ay fursad siiyaan hidisahaan cusub, si loo galo wada-hadal furan oo miro-dhal ah. “IGAD waxay markale ku celinaysa in wada-hadalku uu weli yahay midka ugu fiican ee isku-xirnaanta qaran, siyaasad loo dhan yahay, dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta, amniga aadanaha iyo xasilloonida,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay IGAD. Sidoo kale waxay hogaamiyeyaasha IGAD ugu baaqeen siyaasiyiinta Soomaalida inay is-xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojin karta xiisada taagan, midaasi oo keeni karta isku dhac dhex-mara dhinacyada is-diidan. “Waxa ku boorineyna dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, oo dib loogu celiyo meel furan, ayada oo la galayo wada-hadal hufan oo wax ku ool ah, kaasi oo dan u ah dadka Soomaaliyeed iyo in hore looga socdo dib u dhaca siyaasadeed.” Si kastaba, wada-hadallada ay IGAD boorineyso ayaa waxaa hore u diiday Madasha Badbaado Qaran, ayada oo sheegtay in isku dayga uu yahay mid Farmaajo uu dadka ku maaweelinayo, waqtigana kusii dheereysanayo. Qoraalka IGAD ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday u ambabaxay dalka DR Congo, kana codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaalida ee ku muransan arrimaha doorashada. Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxtooyada DRC ayaa sidoo kale qoraalo ay soo saareen ku xaqiijiyey in Farmaajo doonayo in madaxweyne Félix Tshisekedi uu saamileyda Soomaalida u qabto wada-hadallo lagu gaaro heshiis doorasho, oo aan la shaacin nooca ay yihiin. Xaalada Soomaaliya ayaa kasii dartay, tan iyo markii uu soo baxay qaraarka Golaha Shacabka ee uu muddo kororsiga ugu sameeyay Farmaajo, lamana oga in saamileyda siyaasaddu ay aqbali doonaan wada-hadal dhex-mara madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo asagu sii dheereystay xukunka dalka. The post IGAD oo war kasoo saartay wada-hadallada cusub ee laga qorsheynayo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Anakara)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa u yeedhay safiirka Sweden ee Ankara, si ay uga ashtakooto xidhiidh dhex maray laba wasiir oo Swedish ah iyo xubnaha ka tirsan kooxda Ciidamada Dimoqraadiga Syria (SDF), oo Ankara ay u aragto urur argagixiso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasi. Turkiga ayaa SDF u aragta inay ka tirsan tahay kooxda PKK ee Kurdish-ka ee dalkaas laga mamnuucay, taasi oo dagaal tobaneeyo sano socda ku qaadeysay Turkiga. Ankara ayaa sheegta in kooxda Kurdish-ka Syria ee YPG, oo ah garabka militari ee SDF, ay ka dhalatay PKK. Ilo-wareedyada Turkish-ka ayaa ayaa sheegay in safiirka Sweden looga wacay wasaaradda, sababo la xidhiidha wada-hadal video ah oo dhex maray Wasiirka Difaaca Sweden Peter Hultqvist iyo xubno sare oo ka tirsan SDF. Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in wada-hadalladan ay yimaadeen waxyar un kadib markii uu xidhiidh dhex-maray Wasiirka Arrimaha Dibedda Sweden Ann Linde iyo “argagixisada.” Safiirka ayaa lagu yidhi in Turkiga ay “si xooggan u cambaareysay” xiriirka, islamarkaana “siyaasadaha halista ah ee Sweden aysan taageereyn kaliya kuwa beegsanaya madax-banaanida Syria iyo amniga Turkey, balse ay ka dhigan yihiin xadgudub cad oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga, ayna sidaas darteed waxyeeleynayaan xiriirkeena,” ayey yidhaahdeen ilo-wareedyada. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sweden ayaa xaqiijisay in loo yeeray safiirka, waxayna sheegtay in dowladda aysan la kulmin ururada ku jira liiska ururada argagixisada ee Midowga Yurub. Reuters Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran oo sidoo kalena ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Qoor-Qoor oo xulufo dhow la’ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday. Odowaa ayaa waxa uu Qoor-Qoor ku eedeyay amni darada ka taagan deegaanada maamulkiisa, xili uu muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu sheegay inuu u joogay meel-marinta muddo kororsiga sharci darada ah ee Farmaajo. “Farmaajo musiibada uu dalkan u horseeday kuma sinna inuu duminaayo dowladdii federaalka aheyd ee 20 sano lasoo dhisaayay, balse wuxuu sidoo kale duminayaa dowlad goboleedyadii dalka. Madaxda dowlad goboleedyada uu isagu dhistay (Farmaajo), kuraastana u boobay, ayaa dhowr bilood waxay iska fadhiyaan Xamar, iyagoo aan wax war ah ka heyn dadkooda iyo deegaankooda,” ayuu yiri. “Maalimihii lasoo dhaafay, Shabaab waxay qabsadeen dagmada Bacaadweyne oo ahayd magaalo muddo dhan kaligeed difaac ku jirtay, sidoo kale deegaanada Sinadhaqo iyo Labi Dulle oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Galmudug ee Dhuusmarreeb. Madaxweynihii Galmudug na wuxuu Xamar u joogaa inuu Farmaajo kala shaqeeyo muddo kororsi sharci darro ah. Waana sababta markii horeba loo geystay Galmudug.” Odowaa ayaa madaxweynaha Galmudug ku canaantay ‘dayaca mas’uuliyadiisa’, maadama uusan gacan ku hayn amniga deegaanadiisa, balse taasi bedelkeeda uu ku howlan yahay ka shaqeynta damaca ‘Ninkii geystay Galmudug’, sida uu sheegay. Madaxweynaha Galmudug ayaa kamid ah maamulada saddexda ah ee taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kuwaasi oo uu doorashadooda ku bixiyay dhaqaale badan, halka kuwa qaarkoodna uu u daadiyay dhiig aan la mahdin. Xaalada dalka ayaa kasii dartay, tan iyo markii uu Golaha Shacabka meel-mariyay qaraar uu muddo kororsi ugu sameeyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo hay’addaha dowladda, kaasi oo ay si adag uga hor-yimaadeen mucaaridka, dhaqanka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland. The post Odowaa oo weerar culus ku qaaday QOOR-QOOR appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geeridii ku timid kaligii taliyihii dalka Chad Idriss Deby, oo shalay la dilay isagoo ka dagaalamaya jiidda hore ee dagaalka ay dowladiisa kula jirto mucaaradka Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed, waxaan qaaradda Afrika kula biirayaa uga tacsiyeynta shacabka iyo dowladda Chad geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby.” “Idriss Deby wuxuu ahaa hoggaamiye dowli oo dhab ah, kuna weyneyd Afrikaanimada, wuxuu shahiiday isagoo difaacaya dadkiisa iyo dalkiisa,” ayuu yiri Farmaajo, oo qeexaya Deby oo ahaa kaligii taliye 30 sano awood iyo caburin ku xukumayey dalka Chad. . Hadalka Farmaajo ayaa kuso aadayo xilli shalay war qoraal oo ku saabsanaa geerida Idriss lasoo geliyey oo warbaahinta dowladda si weyn loogu weerayey madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday iyadoo inta badan dadkii fikradaha ka dhiibtay ay dhahayeen “sidan oo kale ayaa u dambeysa kaligii taliye.” Faallooyinkaas shacabka Soomaaliyeed ay bixiyeen ayaa keenay in qoraalkaas laga saaro baraha bulshada warbaahinta dowladda oo dhan, balse dib loo soo geliyey ayada oo laga soo reebay erayo ay ka mid ahaayeen inuu 30 sano kali-talis ahaa. Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ayaa dhawaan sameystay muddo kordhin, waxaana lagu eedeeyey inuu doonayo inu xukunka kusii heysto awood taasoo ah dhaqan ay inta badan caan ku yihiin madaxda Afrika oo looga bartay inay isku dhajiyaan kursiga. The post FARMAAJO oo ‘shahiid’ ku tilmaamay Idriss Deby, kaligii taliyihii la dilay shalay appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) - A military court in Galkayo has sentenced eight members of the insurgent group Al-Shabaab to death on Wednesday for murder. Source: Hiiraan Online
-
Ilaa 5 Hoobiye oo lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in illaa shan hoobiye ay ku dhaceen xarunta madaxtooyada iyo xaafado ku dhaw dhaw sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka. Mid kamid ah hobiyayaasha ayaa ku dhacay gudaha xarunta madaxtooya iyadoo mid kalena ku dhacay darbiga dambe ee madaxtooyada, lamana soo sheegin khasaare ka dhashay. Hoobiyayaasha kale ayaa ku dhacay xaafado ku dhawdhaw madaxtooyada, iyana lama oga khasaaraha ay geysteen. Illaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka hoobiyayaasha ee maanta Muqdisho ka dhacay. koobaad ee Janaraal Daa’uud ee degmada Wradhiigley, waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in khasaaro kale jiraan. Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Tiro hoobiyeyaal ah oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ay goor dhowayd kusoo dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada ee Gobolka Banaadir. Illaa afar Hoobiye ayaa lagu warramayaa in lagu duqeeyey gudaha degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, waxaana ay ku kala dhaceen suuqii hore Warta Nabadda, Safaaradii hore ee Jarmalka, Xarunta Jodka Jilacow, Wasaaradii hore ee Caafimaadka iyo guryo kale oo dad rayid ah ay degan yihiin. Gudaha Warta Nabadaa waxaa la xaqiijiyey geerida laba qof, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Sidoo kale Hoobiyaasha ku dhacay Degmada Boondheere ayaa sababay khasaare, balse weli lama hayo tiro rasmi ah. Sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen mid kamid ah hobiyeyaasha ayaa ku dhacay Kaam ay daganaayeen dad barakacayaal ah, waxaana la xaqiijiyey inuu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Xaafadaha hoobiyeyaasha lagu garacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada Villa Somalia, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda. Source
-
MOGADISHU (HOL) - At least three mortar shells landed in Villa Somalia the seat of Somalia’s president as tensions in the city grow over ongoing electoral stalemate. Source: Hiiraan Online
-
Wararka naga soo gaaraya Xaafada ka tirsan degmada Warta-nabadda ayaa sheegaya in goordhaw ay ka dhaceen Madaafiic. Dhawaqa Madaafiicda oo inta badan laga maqlay degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaceen agagaarka Madaxtooyada iyo Godka Jilacow. Wararka ay GoobJoog News heshay ayaa sheegaya in Madaafiicda ay ka dhasheen khasaaro kala duwan , qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa dhankooda sheegay in Madaafiicda ay uu ku dhintay Hal qof . Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Madaafiicdan ku dhacday agagaarka Madaxtooyada . Wixii Faahfaahin ah ee ku soo kordha warkan kala soco GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Maxaynu ka naqaanaa Wiilka madaxweynihii hore Chad ee Xukunka dalka la wareegay Idriss Deby Itno iyo wiilkiisa Maxamed Xaqiiqdii, wax badan lagama yaqaano sarkaalkan milatariga ah oo aan weli gaarin 40 jir, haatanna hogaaminaya dalka Chad. Waxa uu dhashay sannadkii 1983-dii, Janaraal Maxamed Idiris Déby Itno waa mid ka mid ah wiilasha madaxweynihii geeriyooday. Waxaa lagu naanaysaa Maxamed Kaka, sabtoo ah waxaa soo korisay ayaydii. Kaka luuqadda Chad waxaa loo yaqaanaa ayeeyo. Markii uu aabihii geeriyoonayay, waxa uu ahaa madaxa ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha, sida uu weriyaha BBC-da uga soo warramo Chad laga soo xigtay. Wuxuu weriyaha sheegay in Maxamed uu ka qeyb qaatay howl gallo milatari oo dhawr ah. Sannadkii 2009-kii Maxamed Idiris deby waxa uu ka qeyb qaatay dagaalkii Am Dam ee ka dhanka ahaa ina adeerkii Timan Erdimi. Si kastaba ha noqotee, Maxamed ma uusan ahayn nin caan ah intii uu aabihiis madaxweynaha ahaa. Laakiin, wuxuu waqtigiisa ku bixiyay ammaanka madaxweynaha, sidoo kale wuxuuna udub dhexaad u ahaa saanadda milateriga. In kasta oo sida muuqata uusan lahayn khibrad dawladeed, Mahamat Deby Itno wuxuu dalka Chad hogaamin doonaa muddo 18 bilood oo ku meel gaar ah. Wali lama oga in madaxan cusub ee Golaha Milatariga Ku Meel Gaarka ah uu leeyahay hami siyaasadeed oo shaqsiyadeed. Madaxweynihii dalka Chad, Idriss Déby, ayaa si lama filaan ah ku geeriyooday kaddib markii uu dagaal dhacay isagoo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ay ciidamada waddankiisa kula jiraan xoogagga fallaagada, sida ay taliska militariga ka shaaciyeen telefishinka dowladda. Idriss Déby wuxuu booqanayay ciidamada militariga ee dagaalka kula jira fallaagada Af hayeen u hadlay militariga Chad ayaa sheegay in madaxweyne Idriss Déby uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaalka safka hore. Waxaa la filayay in madaxweynaha loo caleema saaro kursiga markii lixaad, maadaama ay muuqatay inuu ku guuleystay doorashadii dhacday 11-kii bishan April. 80% ka mid ah coodadkii la tiriyay ayuu ku guuleystay sida lagu qeexay natiijada hordhaca ah. Mr Déby wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi dhacay sanadkii 1990-kii, in ka badan 30 sano ayuuna xilka hayay. Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay madaxa hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik. War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu qaabilay madaxa hay’adda Caafimaadka adduunka ee Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik. Madaxtooyadu waxay sheegtay in kulan dhexmaray labada mas’uul looga hadlay xoojinta wadashaqeynta dowladda Puntland iyo hay’adda WHO iyo xakamaynta xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo qaabilay madaxa hay’adda Caafimaadka WHO u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Tiro hoobiyeyaal ah oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ay goordhow kusoo dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada ee Gobolka Banaadir. Illaa afar Hoobiye ayaa lagu warramayaa in lagu duqeeyey gudaha degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, waxaana ay ku kala dhaceen suuqii hore Warta Nabadda, Safaaradii hore ee Jarmalka, Xarunta Jodka Jilacow, Wasaaradii hore ee Caafimaadka iyo guryo kale oo dad rayid ah ay degan yihiin. Gudaha Warta Nabadaa waxaa la xaqiijiyey geerida laba qof, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Sidoo kale Hoobiyaasha ku dhacay Degmada Boondheere ayaa sababay khasaare, balse weli lama hayo tiro rasmi ah. Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimada Online, mid kamid ah hobiyeyaasha ayaa ku dhacay Kaam ay daganaayeen dad barakacayaal ah, waxaana la xaqiijiyey inuu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Xaafadaha hoobiyeyaasha lagu garacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada Villa Somalia, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda. Inta badan weerarada noocaan oo kale ah waxaa looga bartay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarkaan, wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah. The post Hoobiyeyaal lagu garaacay xaafado u dhow Villa Somalia iyo khasaare ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
