-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixday hey’adda maalgashiga iyo ganacsiga ee IFC oo kamid ah Bankiga Adduunka, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle. Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee wasiir Beyle ayaa lagu sheegay in heshiiska uu quseeyo horumarinta ganacsiga dalka iyo in uu gacan ka geysto shaqo abuurka dadka Soomaaliyeed. “Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaa uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha dalkeena, sidoo kale Waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalada dib u habaynta hanaanka Maaliyadda iyo dhaqaalaha si aan iskaashi maalgashi iyo mid taageero dhaqaale u la yeelano Hey’addaha kala duwan ee Maaliyadeed ee caalamka,” ayuu yiri wasiirka. View the full article
-
After reading the press release announcing the Initial Public Offering “IPO” of Somtel, I wanted to share my thoughts with the Dahabshiil Group, the Somaliland authorities, and members of the public who may be interested in participating in the public offering. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Ceerigaabo gaarsiiyay 17 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ka qabteen degaanka Shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag. Maxaabiista ayaa lagu soo qabtay dagaal ciidamada Somaliland iyo dad shacab ah ku dhexmaray degaanka Shidan, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa lix ruux oo rayid ah, halka tiro kalena ay ku dhaawaceen, sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Maxaabiista Rayidka ah ee laga soo qabtay Shidan ayaa loo gudbiyay xabsiga weyn ee magaalada Ceerigaabo, waxaana la xaqiijiyay in maxaabiista uu ku jiro qof dhaawac ah. Dagaalka Shidan ayaa la sheegaa in uu ku salaysan yahay macdan qodis, ay ka horyimaadeen shacabka degaanka ee ka soo jeeda dhinaca Puntland. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo dad rayid ah ka soo qabtay degaanka Shidan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn u diidan madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal ka sameeyay imaatinkiisa teendhada Afisyooni oo la damacsanaa inuu maanta ka furmo shirka arrimaha doorashooyinka. Farmaajo ayaa maanta wakhti hore soo xaadiray teendhada Afisyooni oo ah aagga garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde, waxaana hogaaminayay kolonyo gawaari gaashaaman ah oo ay dadka siyaabo kala duwan fasiraad uga bixiyeen. Mahad Salaad oo qoraal uu macno kale ugu yeelayo imaatinka Farmaajo ee teendhada wuxuu sheegay inuu dib ugu soo laabtay halkii lagu doortay Afar sano ka hor iyadoo aan lagu heshiin arrimaha doorashada. Sidoo kale wuxuu sheegay in imaatinkiisa uu yimid xilli ay maamullada dalka ay kala irdhoobeen, sidoo kalana uu galay dambiyo dagaal sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaas sii raaciyay in markii la doortay ay ciidamo Soomaali ah ilaalinayeen balse ay maanta garbahiisa joogaan AMISOM oo dadka ka ilaalineysa. Hadalka Mahad Salaad oo waxyaabo gaar ah ku qotomay wuxuu kaloo ku sheegay in qabkii iyo buuloxuuftadii lasoo waday mudadii uu sida sharciga ah ku joogay Villa Soomaaliya ay soo dhamaatay. “Teendhadii 4 sano kahor lagu doortay isagoo Ciidamo Soomaaliyeed amnigiisa ilaalinayaan ayaa maanta la soo dhex fariisiyay isagoo MW muddo xileedkiisu dhamaaday ah, doorasho heshiis lagu yahana aysan jirin” ayuu soo qoray Xildhibaan Mahad Salaad. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hadana yiri: “Maamuladii dalka ay kala irdhoobeen. Dambiyo dagaal galay. Amisom amnigiisa ilaalinayso, dadkana ka ilaalinayso. Qabkii beenta ahaa iyo buuloxuuftadii 4 sano jirsatay ee Farmaajo soo maanta halkaas kuma harin?!” Hadalka Mahad Salaad ayaa kusoo aaday xilli madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qarka u saaran yahay inuu ka fashilmo shirkii shanaad oo uu ku baaqo, iyadoo maanta ay soo xaadireen kaliya maamullada uu taageerada ka heysto ee saddexda ah.
-
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo haatan shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa faahfaahin ka bixiyay Shir hor dhac ah oo maanta xarunta Afisyooni ku dhexmaray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada taageersan, oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir. Shirka waxa ka qayb-galay madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in kulanka hordhac ee maanta uu furitaan u ahaa shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, oo la filayo in uu ka qabsoomo xarunta Afisyooni, isagoo ka rajeeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in ay ka soo qayb-galaan Shirka guud. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo sheegtay in Shirka Arimaha doorashooyinka uu maanta furmay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu yeeray ka-bixitaanka Turkey ee heshiis caalami ah oo looga gol leeyahay in looga hortago rabshadaha ka dhanka ah haweenka mid si aad ah looga niyad jabo. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku sheegay in ka bixitaanka Turkey ee Axdiga Istanbul uu ahaa mid deg deg ah oo aan loo qiil dayin. “Tani waa tallaabo qalbi jab leh oo dib loo qaaday oo ku aadan dhaq-dhaqaaq caalamiga ah oo lagu soo geba-gebeynayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka,” ayuu yiri Biden. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa soo geba-gebeeyey ka mid ahaanshaha Turkey ee heshiiska Golaha Yurub kadib warqad uu soo saaray Sabtidii. Turkey ayaa aheyd dalkii ugu horreeyey ee saxiixay Axdiga Istanbul, oo sita magaca magaalada ugu weyn dalkaas. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ka niyad jabay Heshiis Turkigu ka baxay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, oo ay weheliyaan xubno ka socdo Hay’adaha UNHCR, WHO, UN OCHA WFP iyo kuwo kale. Kulankaan ayaa looga hadlayaa Soo laba kaclaynta Caabuqa Covid-19 iyo wax ka qabashada Abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland. Masuuliyiintan ayaa sheegay in Jubaland ay ku garab istaagayaan dadaalka ay ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa abaaraha iyo Xaalada kale ee bini’aadantinimo taas oo ay qeyb ka tahay sidii loo abuuri lahaa qorshe waara oo lagaga hortagayo Xaaladaha noocan oo kale ah. Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay ayaxa ku habsaday qeybo badan oo Jubaland kamid ah iyagoo balan qaaday in ay Jubbaland ka tageeri doonan sidii dhibaataas ay uga soo kaban lahayeen beeraleeyda iyo xoolaleeyda deegaanka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Maxaa maanta ka dhacay Muqdisho oo labogarab kukala shigeen
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Saaka Waxaa kulan ku yeeshay Teendhada Afisyooni Madaxweyne Farmaajo iyo Garankiisa Shirkasoo ay ku macneeyeen inuu gogol xaar uvyahay Shirka wadatashiga. Dhinaca kale waxaa Xalane shir uga socdaa Badbaado Qaran oo iyana ka shirsan Xaalada Dalku ku sugan yahay. Warar Madaxbanaan waxay sheegayaan in saaka ay Ciidamada Amisom ay galbinayren Maduuliyiinta ka timid Villa Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo, Taasina waxay muujinaysaa in loo hogaansamay Amarkii Beesha Caalamka ee ahaa inaan Ciidamo kalasoo gali karin Afisyooni. Kulanka ka dhacay Afisyooni wuxuu ku koobnaa Madaxweyne Farmaajo iyo Maamulada taageersan iyo Raysal wasaaraha, wuxuu socdey mudo laba saac ah ka dibna waa lagu kala tagay. Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shirku uu hordhac u ahaa Shirka Wadatashiga. Puntland iyo Jubbaland waa ka maqnaayeen Shirkaan. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxay hada la kulan sanyihiin Xubnaha kale ee Madasha Badbaado qaran. Wixii kasoo baxa kulankaas kala soco halkaan Puntlandi.com Puntlandi.com Muqdisho The post Maxaa maanta ka dhacay Muqdisho oo labogarab kukala shigeen appeared first on . Source -
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa oo ka dhacay agagaarka garoonka Baardheere lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta qaraxa lala eegtay aysan waxyeelo kasoo gaarin miinada loo dhigay, kuwaas oo la sheegay inay sii wateen socdaalkooda. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Baardheere oo ku aadan qaraxaasi. Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii dambe ciidamada Xoogga ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, iyo madaxweynayaashii hore ee dalka oo ku mideysa Madasha Badbaado Qaran ayaan kasoo qeyb-gelin shirka Afisyoone ee beesha caalamak ay garwadeenka ka tahay, ayada oo shirka ay tageen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada taabacsan. Saakay, Farmaajo iyo saddexda maamul ee taabiciyiinta ah ayaa tagay Afisyooni waxeyna ku yeesheen shir la mid ah midkii ay xalay ku yeesheen Villa Somalia, maadaama aysan soo xaadirin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo goor sii horreysay oo xalay aheyd sheegay iney saluugsan yahiin ajandaha shirka, lana rabo in la marin habaabiyo waxa la rabo in laga hadlo. Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in xubnaha ku jira Madasha Badbaadada Qaran ay ku doodayaan in wax laga qabto afar qodob ka hor inta aanu shirku billaaban, kuwaasi oo kala ah: 1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba. 2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada. 3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo. 4 – In laga tala-geliyo Ajandaha shirka oo xalay shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Deni. 5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February. 6 – In wada-hadallada shirka laga qeyb geliyo Mucaaradka iyo Aqalka Sare si xal loogu helo dhamaan tabashooyinka Soomaaliya. Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamullada taageersan waxey xalay ku heshiiyeen in shirka lagu soo koobo kaliya natiijadii kasoo baxday shirarkii labada maalin ee guddiga farsamada ku yeesheen Baydhaba 15-kii iyo 16-kii February. Sidoo kale waxey isla garteen in xubno ka socda midowga musharaxiinta aan loo ogolaan iney talo ku yeeshaan waxa lagu heshiinayo, walow qudbado la siiyay madaxweynayaal hore sida ku cad ajandaha Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday wuxuu doonayaa in shirka dhan lagu soo koobo wixii la isku diiday shirkii Dhuusamareeb 4 oo ay ka mid ahaayeen arrinta gobolka Gedo, Guddiyada Doorashada iyo arrinta Somaliland. Dhanka kale labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland oo ku lamaanan midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka gudoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxey doonayaan in laga hadlo ka hor shirka qodobadaan soo socda:
-
Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey Wariye Kilwe Aadan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah. Madaxweynaha Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Wuxuu xeeriyey: Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD View the full article -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Khatarta xanuunka COVID-19 uu ku hayo ummadda Jamhuuriyadda Somaliland waa mid maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa. Guud ahaanba gobollada dalka, min bari ilaa galbeed, xawaaraha uu xanuunka COVID-19 ku fidayo, tirada dadka uu soo ridayo iyo dadka inagaga dhimanayaba si weyn ayay u kordheen, sida ay muujinayso shaxda hoose: Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2232021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar madax bannaan oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madasha Badbaado Qaran oo dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho ay shir ku leeyahiin gudaha xerada Xalane, lana filayo iney la hadlaan saxaafadda. Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yahiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland (Axmed Madoobe) iyo (Saciid Deni) oo ay ku lamaanan yahiin midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobollada Waqooyi oo uu horkacayo gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, waxeyna gabi ahaan kasoo horjeesteen shirka uu ku baaqay Farmaajo ee saakay ay soo xaadireen maamullada taageersan dowladda iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday. Warbaahinta madaxa bannaan ayaa looga yeeray xarunta uu shirka uga soconayo madasha Badbaado Qaran sida ay ilo wareedyo halkaas ku sugan sheegeen, waxeyna doonayaan iney saxaafadda la hadlaan kana hadlaan waxa ku saabsan shirka teendhada Afisyooni iyo waxa ay ku diidan yahiin. Puntland ayaa xalay war qoraal ah oo ay soo saareen ku diiday ka qeybgalka shirka la sheegay inuu ka dhacayo teendhada Afisyooni maadaama sida ay sheegeen aysan ku qancin ajandaha Shirka oo xalay baraha bulshada lasoo dhigay. Diidmada Puntland iyo Jubbaland ayaa imaaneysa xilli beesha caalamka iyo dowladda Mareykanka ay shalay si adag ula hadleen hogaamiyayaasha Soomaalida, waxaana muuqata in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay si adag u diidan yahiin shir ay sheegeen iney marin habaabineyso Villa Soomaaliya. Waxaa jira qodobo badan oo la isku diidan yahay ka hor inta uusan furmin shirka, waxaana laga yaabaa iney saxaafadda uga warbixiyaan waxyaabaha ay ku diidan yahiin ka qeybgalka shirka teendhada Afisyooni. Wixii warar ah ee kasoo kordha shirkaas, Caasimadda Online kala soco.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay shirka wada-tashiga ee Afisyooni, kaas oo u dhexeeyo dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Soomaaliya uu guddoomiyey kulan gaar ah oo hordhac u ah shirka qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka. Sida lagu shaaciyey qoraalka waxaa shirkan ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawqe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Warsaxaafadeedka kasoo baxay Villa Soomaaliya laguma soo hadal qaadin madaxda Jubbaland iyo Puntland oo aan weli tegin hoolka Afisyooni oo uu shirku ka dhacayo. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadaasi hoggaamiye oo si weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka cabanayaan hannaanka loo maray shirkan oo ah mid xasaasi iyo ballamo ay sheegeen in looga baxay. Si kastaba arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka xoogan ee hareeyey doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka.