-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida Dacwadaha iyo Anshaxa Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Ayaa ku dhawaaqay in Ganaaxii laga Qaaday Xulalka Gobolada Hawd iyo Togdheer . Sidoo kale waxa Ganaaxii laga Qaaday Ciyaartoydii kasoo Ciyaaray tartankii Maamul Goboleedyada Somalia. Kulankani lagu Shaacinayay waxa Goob joog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire maxamed , Dr Adna Aadan, Jaamac karaaciin, Gudoomiya XKCSL & Ciyaartoydii Ganaaxu ku dhacay. Source
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii dhiggiisa Mareykanka Joe Biden uu ka sheegay wareysi lala yeeshay, kaas oo ahaa inuu Putin u arko “dilaa”. “Waa inuu qofku barto kan kale,” Mr Putin ayaa ka yiri telefishin Ruushka laga leeyahay, wuxuuna Mr Biden ugu baaqay inuu si toos ah ula hadlo. Mr Putin ayaa diiday eedeymaha ah in waaxihiisa ammaanka ay isku dayeen inay dilaan siyaasiga mucaaradka ah ee Alexei Navalny. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale telefishinka ABC News u sheegay in Mr Putin uu “u aayi doono” faragelinta la sheegay inuu ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2020. Ruushka ayaa u yeeray safiirkiisa si uu ugala hadlo in laga hortago in xiriirka uu sii xumaado. Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Anatoly Antonov lagu wargeliyay inuu ka soo tago Washington uuna yimaado Moscow. Mr Biden ayaa ka hadlayay warbixinta sirdoonka Mareykanka oo lagu sheegay in Mr Putin uu amray olole faragelin ah, doorashadii madaxtinnimada Mareykanka bishii Novermber ee sanadkii hore. Warbixinta ayaa Ruushka ku eedeyneysa inuu isku dayay faragelinta doorashada isaga oo u xaglinaya Madxaweynihii hore ee Jamhuuriga Donald Trump, oo uu ka adkaaday Mr Biden, oo Dimuqraaddiga ka tirsan. Mareykanka ayaa la filayaa inuu cunaqabateynno ku soo rogo Ruushka wixii loo gaaro toddobaadka soo socda, sababo la xiriira warbixintan. Isagoo diidmo ka muujinaya eedeymaha Mr Biden, wuxuu soo qaatay hal ku dhig laga adeegsado iskuul dalkaas ku yaalla oo la micno ah “qof walba oo magacyo kuugu yeera isna magacyadaas ayaa loogu yeeraa”. “Ma ogtahay waxaan carruurnimadeydii xusuustaa, markii aan ku muranno daaradda lagu cayaaro waxaan dhihi jirnay, ‘qofku kan kale wuu baranayaa’,” ayuu ka yiri wareysi uu siiyay telefishin ay dowladdu leedahay. Mr Putin ayaa sidoo kale Mareykanka ku eedeeyay xasuuq ka dhan ah dadka Ameerikaanka ah iyo cirribtirka shacabka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, isagoo sheegay inuu bambaanooyin atoomiko ah ku tuuray Hiroshima iyo Nagasaki. Hoggaamiyaha Ruushka ayaa Mr Biden ugu baaqay inay yeeshaan wada hadal barta Internet-ka ah, maanta amaba Isniinta. Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiin heer federaalka iyo heer dowlad goboleed isugu jira ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay saaka, madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka yimid dalka Turkiga oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa. Madaxweyne Laftagareen, ayaa ka qeybgali doono shirka madaxweynaha jamhuuriyadda iclaamiyay oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaan dhameystirka heshiiskii 17 September 2020. Horey waxaa magaalada Muqdisho ugu socnaa madaxweyniyaasha, Galmudug Hirshabeele, Jubaland iyo Puntland. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ayaa saaka soo gaaray Muqdisho isagoo kasoo kicitimay Dalka Turkiga oo uu in mudo ah ku maqnaa. Masuuliyiin ka tirsan Maamulkiida Koonfur Galbeed iyo Labada Gole ee Federaalka ayaa kusoo dhaweyey Garoonka Diyaaradaha. Waxaa jira warar Sheegaya inuu hada kulan kula jiro Masuuliyiin ka socda Beesha Caalamka Gudaha Garoonka Diyaaradaha. Laftagareen ayaa u yimid si uu uga qaybgalo Shirka Afisyooni ee Beesha Caalamku kubyabooheen. Puntlandi.com Muqdisho The post Laftagareen oo Muqdisho soo gaaray si uu uga qaybgalo Shirka Afisyooni appeared first on . Source
-
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa saacadihi la soo dhaafay waxa ay aheyd mid aad u kacsan , iyadoo Aqoonyahanada iyo dadka falan qeeya arrimaha siyaasadda dalka ay tilmaamayeen In aysan muuqan waddo loo baxo. GoobJoog News ayaa qaar ka mid ah Falanqeyayaasha Siyaasadeed iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxa ay hor dhigtay su’aalo ay ka mid yihiin Sida looga gudbi karo xaaladdan cakira, Fasiradda siyaasadeed ee laga bixin karo baaqa Mareykanka iyo arrimo kale . Madaxa Machadka cilmi baaarista Arrimaha siyaasada Prof Afyare Cilmi ayaan hordhignay su’aalo ay ka mid yihiin dhacdooyinkii ugu dambeysay ee dalka , baaqa shirka iyo sameysanka madashada badbado, halka uu dalka u soc do ? Prof Afyare ayaa yiri ” Horta dhanka Madasha waa wax dhanka wanaagsan laga fiiriyo waxaa la dhihi karaa wey soo urruurtay oo wax alla wixii Mucaarad ahaa baa hal weji, hal aragti iyo hal irid oo laga galo yeeshay ” “Marka Issues-kii ay qabeen baa hal dhinac ka wada imaanaya , marka wanaaga ay keeni karto waxaa waye in meeshii qola walba gaar loola xaali lahaa ay taladi ay soo ururtay oo hal qolo iyo hal qolo ay iswajahayaan “. Prof Afyare oo sii hadlayay ayaa yiri” Dhanka ah Shirka hadda madaxweeynuhu uu ku baaqay waa iska caadi oo waxaan is leeyahay waxa uu ugu jawaabayay een erayada ka timid Mareykanka iyo Beesha Caalamka”. Prof Afyare ayaa sidoo kale waxaan wax ka weydinay sida loo fasiran karo Hadalka xog hayaha arrimahadda Mareykanka ka soo yeeray ee ku aadan in si deg deg ah Doorasho loo qabto waxa uuna ka yiri “Hadalka Mareykanka waxaan aniga isleeyahay fasirad badan uma baahna waayo waa cad yahay waxa uu leeyahay hala wada Hadlo oo doorasho hala aado oo dalka hadda meesha uu joogo hala dhaafiyo , marka hadda aad u wey ma jiro “. Prof Afyare Cilmi ayaa sidoo kale waxa aynu wax ka weydiinay sida looga mira dhalin karo dadaalada Isbarbar socda ee ay kala wadaan Farmaajo , Madasha Badbaado Qaran iyo Beesha Caalamka waxaa uuna ka yiri ” Ani waxaan is leeyahay hadda shiraa Xammar loo joogaa siduu doonaba haku yimadoo oo qoladii Mucaaradka wey joogaan muxaafadkina magaalad Wey jogaan , een sida hadda James Swan iyo qolada QM ay ku dhawaaqday shirkaasi inuu dhacaayo ayey sheegen marka waxaan isleeyahay hadda Shir kale oo aan kaas aheyn sida uu ku qabsoomi karo aniga ima muuqato “. Dhanka kale Wasiirkii hore ee Qorsheynta Jubbaland Adan Aw-xirsi oo aan hordhignay isla Su’aalahan ayaa GoobJoog News ayaa sheegay in aysan mira dhal fican laheyn kulamada Muqdisho lagu qabanayo. \ Ugu horeyn Adan Aw-xirsi ayaa ayaan weydiinay dhacdooyinkii ugu dambeysay ee dalka , baaqa shirka iyo sameysanka madashada badbado, halka uu dalka u socdo ? waxa uuna ku jawaabay sidan Adan Aw-xirsi ” Horta arrinta muhiimadda ugu weyn lihi waxa weeye dadka ay arintan ay ka dhaxeyso oo muranka doorashada uu ka dhaxeeyo in ay iyagu isla fadhiistaan oo intey miis wada imaadan ay ka wada hadlaan sidii doorasho loo siman yahay fursadaheda ay u qaban lahaayeen” “Waxaa jira marka laba doodod . dood waxeey oraneysa Xisbiyada siyaasadda heer qaran iyo Kooxdii horay ugu jirtay ee dowlad gobaleedyada iyo Gobalka banaadir iyo Madaxtooyada iyo Xafiiska ra’iisul wasaaraha meeshii haka howl galeen” “Dooda kale waxeey oraneysa bacdamaa siyaasaddu ay ka badan yihiin 100 hatan ra’yigoodina la matalo oo ay jiraan dowlad gobaleedyo ra’yiga mucaaradka uba taagan iyagii haleysu daayo dowlad gobaleedyadii iyo Gobalka Banaadir iyo Dowladda Federaalka howshaa ha wada qabteen “. Adan Aw-xirsi ayaa sidoo kale waxaan wax ka weydinay sida loo fasiran karo Hadalka xog hayaha arrimahadda Mareykanka ka soo yeeray ee ku aadan in si deg deg ah Doorasho loo qabto waxa uuna ka yiri ” Hadalka mareynka ee doorashada Antony Blinken Waan aqriyay marka waa iska hadal guud oo doorasha hala qabta ah oo aan cidna ku eedeyneyn in aysan doorashada waqtigeeda ku-qabsoomin oo aan hoosna cidna ula hadleyn oo aa keeneyn hadduu ilaahey idmo halbeegyo “. Wasiirkii hore ee Qorsheynta Jubbaland Adan Aw-xirsi ayaan ugu dambeyntii isne waxaan hor dhignay sida looga mira dhalin karo dadaalada Isbarbar socda ee ay kala wadaan Farmaajo , Madasha Badbaado Qaran iyo Beesha Caalamka waxaa uuna ka yiri ” Abdisalam Salwa Xoghihii hore Joogtada xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa dhankiisa hor dhignay Isla su’aalahan ayaa isna cabiray xaaladda dalka. Xoghihii hore Joogtada xafiiska ra’iisul wasaaraha Abdisalam Salwa ayaa Ugu horeyn weydiinay dhacdooyinkii ugu dambeysay ee dalka , baaqa shirka iyo sameysanka madashada badbado, halka uu dalka u socdo ? waxa uuna ku jawaabay sidan “Sida ka muuqata Madashan la sameeyay waxaa ku qoran Badbaado Qaran waxaana dalka laga badbaadinaya in dalka uu dibka ugu noqdo een godkii dheera ee uu ka soo baxay in uu dib ugu noqdo ee dagaaladii sokeeye iyo hayaanka loogu jiro sidii dalka uu u soo kaban lahaa “. Abdisalam Salwe ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha baaqa doorashooyinka ee Mareykanka . ” Runtii Hadalka ka soo baxay Dowladda Mareykanka Runtii Afartii sano ee la soo dhafay ee xukumaddii Madaxweyne Donald Trump , Soomaaliya kaliya ma ahe dunida oo dhan waa ay dhibaatootay waayo hogaanka mareykanka aad ayuu muhiim u ahaa oo xasiloonida iyo daganaashiyaha xadaaradda caalamka , nasiib xumo Trump arrintaas wuu badalay hadda marka markii uu yimid madaxweyne Biden adduunyada oo dhan waa ay soo dhaweysay “. WQ/ Abdirahman Sabriye Source: goobjoog.com
-
Rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow askari ka tirsanaa kuwa qaada Canshuuraha ay ku dileen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay qeybta qudaarta lagu iibiyo ee Suuq Boocle oo ku yaalla degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey askariga uu waday howl Canshuur uruurin ah, waxaana isaga baxsaday kooxdii ka dambeysay falkaasi. Sidoo kale waxaa goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka askariga kasoo qaaday halkaasi. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqidisho ka dhacayey falal ammaan dari oo oo isugu jiro dilal qorsheysan & qaraxyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sababta ay Somaliland uga shaqayn waayeen Shirkadaha diyaaradaha ee Air Arabia iyo Fly Dubai. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan oo marti ku ahaa Barnaamijka Qanci Dadkaaga ee Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in sababta ay diyaaradahaasi loogu ogolaan waayay inay ka shaqeeyaan Madaarka Hargeysa ee Somaliland tahay inay ka cajo-jiideen inay heshiis la galaan Dawladda Somaliland. Wasiirka oo ka jawaabayey Su’aal uu arrintaa ka waydiiyey Muwaadin ka mid ah Dadkii barnaamijkaa ka qayb-galay, ayaa yidhi “Inta aan Anigu ogahay, diyaaradahaasi Air Arabia, Fly Dubai waxa yaalla oo Dawladda Somaliland ka doonaysaa inay la gasho heshiis, laakiin Shirkadahaasina waxay ka cajo-jiideen inay heshiis la galaan Somaliland.” Source
-
Inantani waa mid ka mida hablaha ka hawl gala hay’adda miina saarka Somaliland ee HALO TRUST. Gabadhani waxaa ay ku hawlan tahay, oo hadda ay gacanta ku haysa soo saarinta Miino, dhulka hoostiisa lagu aasay. Iyadda oo muddooyinkii u danbeeyay ay habluhu si tartiib tartiib ah ugu biirayeen hay’adda qaabilsan Miinasaarka ee Halo Trust. Waxaa sannadahan u danbeeyay ku soo badanaya hay’adda HALLO TRUST, ku soo dhiiranayay ku biiristeeda hablaha isu xilsaaray sidii ay bulshadooda uga badbaadin lahaayeen halista Miinooyinka dhulka hoostooda ku aasan. Arrintan ayaa noqonaysa mid wax badan ka tarta dadaalkii loogu jiray Miino-saarka laga waddo guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqisho, kadib safar uu maalmahaan ku joogay wadanka Turkiga. Lafta Gareen & wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan golayaasha dowladda, qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qeyb ka noqon doono dadaallada & kulamada siyaasadeed ee ka socda gudaha caasimada, loogana arrinsanayo xaaladda dalka. Si kastaba shirka beri ka furmayo Teendhada Afisyooni ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo kala guur ah, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021-ka.
-
(SLT-Hargeysa)-Badhtamihii bishii December 2020, waxa Dawladaha Somaliland iyo Kenya ay Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis labada dhinacba Muhiim u ahaa. Heshiiskan oo dhacay, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Magaalada Nairobi ku tagay booqasho rasmiya, ayaa waxyaabaha lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Dawladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo Meeqaamka Xafiiskeeda Magaalada Nairobi. Waxyaabaha kale ee lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka. Waxa kale oo ka mid ahaa heshiiskaasi in Dal ku Galka Kenya la siiyo Madaxda Somaliland marka ay gaadhaan Kenya, iyagoo adeegsanaya Baasaaboorka Somaliland. 10 Maalmood baa ka hadhsan dhammaadka Bisha March, 2021 oo qorshuhu ahaa in la fuliyo heshiisyadaasi, laakiin ma muuqdaan Tallaabooyin loo qaaday fulinta heshiisyadaasi oo Wargeyska Geeska Afrika illaa hadda ogyahay. Somaliland ayaa aad ugu baahan diyaarad la mid ah Ethopian Airlines oo ku xidha Dunida inteeda kale. Source
-
(SLT-London)-Boqortooyada UK ayaa qorsheyneyso in marka si buuxda uu u dhaqan gallo qorshaha Brexit ee Ingiriiska kaga baxay Midowga Yurub inuu wax badan ka badalo sharciyada dadka magangelyo doonka ah. Qorsheyaasha u degsan UK ayaa kow ka ah in dadka magangelyo doonka ah ayna soo gelin dalkeeda inta codsiyada magangelyo doonka ah go’aan laga gaadhayo, iyo inta illaa iyo wax ka badal lagu sameynaayo xeerarka socdaalka qaxootiga, kadib markii UK ay si sharciga waafaqsan kaga baxday midowga Yurub. Sharciyada ay qorsheyneyso UK inay soo rogto ayaa waxaa ka mid ah in dadka ka yimaada dalalka UK u aqoonsan tahay kuwo xasiloon oo nabadi ka jirto dadka ka yimaada in ayna heli doonin magangelyo noocey doonta ha ahaatee. Arrinta kale ee magangelyo doonka hore isaga soo dhiibay dalalka Yurub uu ku farxi doono ayaa ah in marka si buuxda u dhaqan geliyo Ingiriiska heshiiska ka bixitaanka Yurub kama mid ahaan doono sharcigii Dublin ee Midowga Yurub ee dhigayay in dadka magangelyo doonka in lagu celiyo wadankii ay markii hore iska diiwaan geliyeen ama kasoo galeen inta codsigooda go’aan laga gaadhayo. Waxayna UK ula dhaqmi doontaa dadka farahooda dhigay dalalka Yurub ee mar kale iska soo dhiibo UK in ayna ku celin doonin Yurub waa marka uu sharcigaan cusub dhaqan galo dhawaan. UK ayaa hore u diidaneyd qodobka sharcigaan hase ahaatee markii danbe aqbashay, inkastoo sharciyadaan ayna weli si rasmi ah u dhaqan gelin. Dad badan oo wadamada Yurub ku jahwareeray oo dalalkii ay iska dhiibeen sharciyo ka waayay ayey fursad u tahay, inkastoo ay adkaan doonto sida lagu soo galo boqortooyada UK. Source
-
(SLT-Dimishiq)-Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay duqeymo ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya. Duqeymaha ayaa lala bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kurdiyiinta ee lagu magacaabo xoogagga Dimuqraadiyada Suuriya. Hay’adda xuquuda aadanaha ee la socodka xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in weerarkan diyaaradaha uu ka dhacay (Saida) oo ka tirsan deegaanka Ain Issa. Waa weerarkii ugu horreeyay oo muddo 18 bilood ah ay fuliyaan millatariga Turkiga. Ma jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxay weerarkani iyo in uu khasaaro ka dhashay. Weerarka ayaa ku soo beegmay ka dib isku dhacyo is xig-xigay oo u dhaxeeyay xoogagga dimuqraadiyada Suuriya iyo maleeshiyaad uu Turkiga taageero. Bishii December, Ruushka iyo dowladda Suuriya ayaa dhexdhexaadin iyo hehiis dhex dhigay labada dhinac. Xukuumadda Ankara ayaa mar waliba isha ku haysa dhaqdhaqaaqa xoogagga Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha dalka Suuriya. Sannadii 2019 ayay ahayd markii ciidammada Turkiga ay ka tallaabeen xudduuda Suuriya iyaga oo gudaha dalkaasi kula dagaalamayay xoogagga Kurdiyiinta. Kurdiyiinta ka dagaalama Suuriya ayaa waxaa hore gacan u siin jiray Mareykanka. Balse markii ay ciidammada Turkiga howlgalada ka bilaabeen waqooyi bari Suuriya ayaa waxaa uu Mareykanka bishii October 2019 kala baxay Suuriya ciidammadii ka joogay. Turkiga ayaa xoogagga Kurdiyiinta u arka koox argagixiso oo halis ku ah ammaanka Turkiga. Source
-
Mogadishu (HOL) - The National Salvation Forum, Somalia's latest opposition alliance comprised of presidential hopefuls, regional leaders and a Senate Speaker, has written an open letter to Somalia's international partners blasting President Farmajo's leadership and appealing to the international community to intervene to avert a political crisis. Source: Hiiraan Online
-
War qoraal ah, oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa looga hadlay warbixinada shaki gelinta ah ee ku saabsan talaalka COVID-19 oo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay. Wasaaraddu waxay sheegtay in talaalka uu yahay mid la isku haleyn karo isla markaana badqabkiisa ay tijaabiyeen khubaro caafimaad oo caalami ah oo ka tirsan hey’adda WHO iyo hey’adda caafimaadka Midowga Yurub ee EMA. Bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalalkii dhowaan si ku meel gaar ah u hakiyay talaalka ay hadda sheegeen in ay dib u bilaabayaan isticmaalkiisa. “Khibradda aan u leenahay ka hor taga cudurada lagula dagaalamo talaalka iyo baaritaanada lagu sameeynay macluumaadka la xiriira talaalka COVID-19 ayaa na faraya in Oxford Atrazeneca lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar dhanka Cirka ah oo Kooxda Xuutiyiinta ay ka geysteen meel ka mid ah Gudaha dalka Sacuudiga. War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxda Xuutiyiinta ay weerar argagaxiso ku qaadeen Magaalada Khamis Mushait, iyaga oo weerarkaas u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku rakibeen. Sidoo kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Sauudiga, isla markaana ay ka caawineyso ilaalinta amnigeda iyo badqablkjeeda dhuleed. “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd,” ayaa lagu yiri bayaanka. Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda. View the full article
-
Madasha Badbaado Qaran oo maalma ka hor maaalada Muqdisho looga dhawaaqay ayaa war murtiyeed dheer waxa ay u direen beesha caalamka . Golaha oo ay ku mideysan yihiin Midawga Musharixiinta , Madaxda maamulada Jubbaland , Puntland iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare . Qoraalka ay soo saareen Madasha ayaa waxa ay Beeshaa caalamka ugu sheegeen in Farmaajo uu ku fashilmay sidii dalka uu doorasho uga qaban lahaa. Warka ka soo baxay Madasha Badaado Qaran ayaa sidoo kale sheegay in Farmaajo uu dagaal ka abuurayo Gobalka Gedo , oo maalma ka hor uu ciidama geeyay . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ka Soo Baxay Madasha Badbaado Qaran Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo u xiran dowladda Farmaajo, ayaa fariin aad u culus u diray madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo ugu digay inuusan ku qatalmin siyaasiyiinta asal deegaankoodu yahay Muqdisho ee kasoo horjeeda. Xasan Dahir Aweys ayaa sheegay in Farmaajo looga baahan yahay inuusan ku qatalmin kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda kuwaasi oo uu Xasan Dahir ku tilmaamay kuwo aan la dhayalsan karin, dibna loo eego taariikhdoooda isagoona tusaale usoo qaatay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf oo awooddeeda aheyd ciidamadii Itoobiya iyo siyaasiyiin yar oo kasoo jeeday magaalada Muqdisho, kuwaasi oo wax u tari waayay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, lagana saaray Muqdisho. “War ninyahow aniga waxaan kugula talin lahaa kiiskaan haku ceeboobin, labo meelood ayaan marka kaa tusaa, mid waxaa weeya dadka eeda kaala dhaxeyso waa dadkii Maxamed Siyaad Barre oo markaasi awood haystay xukun adagna haystay nimankii meesha ka saaray weeye, waa kuwee, Mogadishu Clan iyo Daarood waaye, Daarood waa ka dhalatay laakiin waxay ahaayeen Majeerteen, Ogaadeen iyo Mogadishu Clan, seddaxdaasi waaye kuwii dowladdii dumiyay, haddana waxaad iska soo horjeedaan waa seddaxdaasi,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo muuqaal uu soo duubay kula taliyay madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Farmaajo. Xasan Dahir ayaa sheegay in seddaxdaasi qabiil in ay dowlad 20 sano jirsatay inay hilfaha u qaadeen, isagoona yiri “Walaaloow Nimankaasi ha isku baclaalin, nimankaasi niman sahlan maaha ma sagaaraa ka liidataa.” Xasan Daahir ayaa fariintiisa intaa sii raaciyay in Farmaajo uu yahay shaqsi dadka fududeysta oo aan dhageysan, qofka dadka fududeystana uu mar walba ku ceebeebo mas’uuliyadda. “Sharciyadda waa kaa dhamaatay, haddaad xoogtidna dadkaani waa dadkaasi Farmaajo dhegaha iyo caqligaaga fur, nimankaan Hawiyena waa nooc gaar ah, meeshana xidido kuma lihid,” ayuu sii raaciyay Xasan Daahir Aweys. Xasan Daahir ayaa tusaale usoo qaatay awoodii Cabdullaahi Yuusuf uu ku yimid Muqdisho isagoo haystay siyaasiyiin Mogadishu Clan sida Cali Maxamed Geeddi iyo Maxamed Dheere oo awood kusoo galay Muqdisho kadibna la eryey. “Walaaloow Cabdullaahi Yuusuf oo Amxaaro wata oo Xamar dabbaabaad kusoo galay ku caqli qaado oo weliba daad Mogadishu Clan ah watay, meeshaanina ma joogi kartid haddaadan xidido ku laheyn, nimaankani sii jeedka ayey ku roon yihiin, haddii ay soo jeestaan waa kuu dhamaatay, Siyaad Barreba dad Mogadishu Clan ayuu ku watay,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys. “Ninka la yiraahdo Cali Maxamed Geeddi wuxuu badbaadin lahaa Cabdullaahi Yuusuf, waa ku sharaf seegan yahay Amxaaro anigaa keenay, laakiin Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle wax ay kuu tarayaan ma jirto, Eebaa og haddii xabad dhacdana safkeey galayaan runtaan kuu sheegayaa, dadkaani ma ahan dad aad isku haleyn kartid,” ayuu sii raaciyay Xasan Daahir Aweys. Mar uu ka hadlayay adeegsiga awood ciidan, isagoona soo hadal qaaday taliyaha nabad sugida Fahad Yaasiin, wuxuuna ku barbar dhigay taliyihii nabad sugida dowladdii Kacaanka Siyaad Barre xiligii ugu danbeeyay kaasoo ahaa Axmed Saleebaan Dafle oo la garan og-yahay, awoodii ciidamadeedna ay difaaci waayeen mucaaradkii xukunka ka tuuray Siyaad Barre oo dhalinyaro ku hubeysnaa kaarabiin xukunka ugu tuuray, dadka maanta joogana ay sameyn doonaan wixii dhacay 1991-kii. Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa fariintiisa ku sheegay inuu u baqayo in dalka Farmaajo u horseedo in gobolada dalka u qeybsamaan maamulo hoostaga Kenya, Itoobiya iyo kuwo gooni u istaaga. Fariinta Sheekh Xasan ayaa ah middii ugu cusleyd ee uu ugu hadlo marxalada dalka ku sugan yahay isagoo kuwa uu dhaliilayo xabsi guri ugu jira. Hoos ka daawo Xasan Daahir W/Diyaariyay Ali Muhiyaddiin Caasimada Online London
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Information Osman Abukar Dubbe rejected questions surrounding President Farmajo and his administration's legitimacy since his constitutional mandate expired nearly six weeks ago. During a press conference on Saturday, Dubbe pushed back against calls for Farmajo to step down, adding that the government has been actively working on a myriad of issues facing the country. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Wrka-Subax-2132021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada xukuumadii Xasan Cali Kheyre Cabdullahi Goodax Barre oo ka hadlayay barta Club House oo dhalinyaro badan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku doodo ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadda Farmaajo, arrimo qarsanaa, iyo halka uu dalka ku socdo. Goodax Barre ayaa sheegay in dowladdan ay tahay mid fowdo iyo qas u taagan balse xukuumadii uu la shaqeynayay ee Xasan Cali Kheyre ay aheyd mid ka shaqeyneysay wanaag iyo xal joogto ah. “Dowladii aan ka tirsanaa ma aheyn qaswadayaal, laakin tan waxey wadaa qas iyo fowdo, dhibaatada ugu wayn ee dalka kajirta waxay ka socotaa Villa Somalia,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya Club House Dhanka kale Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si weyn u amaanay maamulada Puntland iyo Jubbaland isaga oo sheegay iney dalka badbaadiyeen islamrkana ay badbaadin doonaan. Waxa uu Goodax uu tilmaamay inuu car qaladeeyay maamulada Puntland iyo Jubbaland doorashooyinkii madaxtimo ee ka dhacay balse uu ku guul dareestay waxaana uu si gaar ah u xusay in Puntland uu ku bixiyay 2 Milyan oo Dollerka Mareykanka. “Puntland iyo Jubaland waa labada maamul oo ka madax bannaan Farmaajo. Puntland faragelin toos ah ayuu ku sameeyay doorashadii… Nin uu wato ayuu Minnesota ka keenay, xog ayaan u hayaa inuu 2 Milyan Dollar ku bixiyey.. waana ku fashilmay… Jubbaland waa la ogaa, wixii waanwaan laga soo shaqeeyay ee Xasan Kheyre hormuud u ahaana Farmaajo ayey ka socon waayeen… Labadaas maamul ee Farmaajo ka madax bannaan ayaa Soomaaliya badbaadin doona..,” ayuu yiri Wasiirka. Hadalka Goodax ayaa ku soo aadaya xili dalka uu kijiro xaalad hubaanti la’aan ah oo laga cabsi qabo in Farmaajo uu dalka geliyo dagaal maamdama uusan u diyaarsaneyn inuu doorasho galo sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim Abdiazizh99@gmail.com Mogadishu-Somalia
-
Xukuumadda Puntland ayaan weli ka hadlin weerarkii khasaaraha dhaliyay ee shalay Somaliland ku qaadday degaanka Shidan iyo xiisadda colaadeed ee haatan ka taagan degaankaas. Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, waxa ku sugan wasiiro iyo taliyaal ciidan oo ka tirsan Puntland, balse ma jiro hal mas’uul oo weli ka hadlay ama ka tacsiyeeyay shacabka lagu laayay weerarkii Shidan. Mas’uuliyiinta Badhan jooga waxa kamid ah wasiirada Amniga iyo Maaliyadda Puntland, oo ay weheliyaan Taliyaha ciidanka difaaca iyo saraakiil kale. Dad badan ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta Puntland uga jawaabi wayday weerarka ama xataa uga tacsiyayn wayday khasaarihii loo gaystay shacabka ku dhaqan Shidan. PUNTLAND POST The post Puntland oo weli ka aamusan weerarkii Somaliland ku qaadday Shidan appeared first on Puntland Post.
-
About 31 million people are facing severe food insecurity and in need of urgent assistance Source: Hiiraan Online