-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir ay isku khilaafeen bixinta Tallaalka cudurka saf-marka ah ee Covid-19. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qorshaha markii hore ahaa in dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir laga sameeyo rugo laga qaato Tallaalka balse ay qorshahaasi isku fahmi waayeen maamulka gobolka iyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Lama hubo sababta ka dambeysa hase yeeshee waxaa soo baxaya in khilaafkan uu salka ku hayo arrimo dhaqaale iyo macaash la sheegay in la aaminsan-yahay in laga sameyn doono tallaalkaan oo loogu talagalay in si lacag la’aan ah loo qeybiyo. “Khilaaf culus ayaa jiro oo u dhaxeeya gobalka iyo wasaaradda waana sababta loogu diiday in la siiyo gobalka adeegaan muddo maalmo ah oo uu yaalo dalka,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online. Tobaneeyo qof ayaa maalintii cudurkaan ugu geeriyada Muqdisho, waxaana goobaha tallaalka laga helo ilaa hada ay tahay ugu badnaan 3 xarun oo markii hore goob karantiil oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.
-
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu maanta oo isniin ah bilaabay Dadaal dheeraada oo lagu badbaadinayo Shirkii uu isagu hormuudka ka ahaa ee uu gogoshiisa dhigay Teendhada Afisyooni. Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu saaka Teendhada ku qabtay shir aan loo dhamayn oo aan qayb ka ahayn Dadaaladii socdey hadana Beesha Caalamku waxay ku adkeysanayaan in La qabto wax loo dhan yahay oo aysan marnaba aqbalayn Shir koox kaliya ay wataan. Ergeyga Gaarka ah iyo Safaarada Maraykanku waxay maanta duhurkii yeesheen kulan ay uga arinsanayaan Xaalada Dalka waxayna isla meel dhigeen in Sigaara loo casumo Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni, Madaxweyne Axmed Madoobe isla markaasna la la tashado Midowga Mudharixiinta. Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe waxaa lala kulmay isla maanta Wayna soo dhaweeyeen Dadaalka ay wadaan Maraykanka iyo Beesha Caalamka, iyagoo intaas ku daray in ay lagama maarmaan tahay in Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday uu u dhaga nuglaado uuna aqbalo in Dalka Doorasho ka dhacayso uuna kamid yahay Musharixiinta sidaas awgeed waa inuu Qoraal ahaan ku cadeeyay inuusan ahayn Taliyaha Ciidamada uuna joojiyo isticmaalka uu sida Gaarka ah u isticmaalayo Hay’adaha Dowliga ah, Caawa waxaa la filayaa in Ergayga Gaarka ah James Swan iyo Safiirka Maraykanku ay xiriiro la sameeyaan Villa Soomaaliya, waxayna doonayaan in ka hor Shirka meel la isla dhigo Qodobada ay isku diidan yihiin Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, Qodobada lan sla meel dhigayo waa inay ahaadaan oo qura kuwa hortaagan in Shirka loo dhan yahay uu furmo, Qodobada hortaagan doorashadana looga wadahadlo shirka, sida Arimaha Gobolka Gedo iyo Gudiga Doorashada,taasna Way aqbaleen Deni iyo Axmed Madoobe. Wararka hoose oo Puntlandi.com ay helayaan waxay sheegayaan in Maraykanku uu aad uga xumaadey qaabka ay Villa Soomaaliya u isticmaalaan Ciidamada, sidaas awgeed Walaaca Maraykanku wuxuu xoojinayaa soo jeedintii Madaxweyne Deni uu soo jeediyay in Madaxweyne Farmaajo uu saxiixi waraaqda uu ku wareejinayo Awooda Dalka( Hay’adaha Dowliga ah iyo Ciidamada). Hadii ay dhacdo in isfahan la dhex dhigo Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe Shirku wuu bilaabanayaa, Waxaa iyana maalmahaan soo kordhay Madasha Badbaado Qaran, oo ay Xubno ka yihiin Deni, Axmed Madoobe iyo Musharixiintu, waxayna culays Siyaasadeed ku noqonaysaa Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe waxay jeebka ku wataan Ajandayaal dheeraada oo Musharixiintu usoo dhiibeen tasoo ka dhignaanaysa in Musharixiintu ay saameyn ku yeelanayaan Shirka iyagoo banaanka ka fadhiya. Madaxweynayaasha Hirshabele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay Beesha Caalamku u arkaan inay ku qanacsan yihiin oo qura in Farmaajo la qanciyo waana tan keentay in aysan qayb ka ahayn Dadaalada maanta iyo caawa ay wadaan Beesha Caalamku, Igu dambeyn waxaa aad loo rajaynayaa in beri ay kulmindoonaan Madaxweyna Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdulaahi iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Puntlandi.com Muqdisho The post Faahfaahin tii u dambeysay QM iyo US oo wada dadaalo gabagabo ku dhow oo la iskusoo hor fariisinayo Deni, Farmaajo iyo Axmed Madoobe appeared first on . Source
-
The European Union on Monday imposed sanctions on Eritrea over human rights violations and blacklisted the country's National Security Office which is tasked with intelligence gathering, arrests and interrogations. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (PP News Desk) — UNSOM has called on Puntland and Jubaland leaders to join the electoral summit currently underway in Mogadishu. Puntland and Jubaland have not participated in the pre-meeting attended by leaders of Hirshabelle, Galmudug, South West State and Banadir Governor. Last night, Puntland expressed reservations about the summit agenda. Jubaland President Ahmed Mohamed Islan (left) and Puntland President Said A. Deni flipflopped on 17 September electoral model. “An agenda of the anticipated inclusive electoral summit must be consulted and agreed by all concerned stakeholders. A partial agenda like this might to lead to failure of the summit” tweeted Mohammed Abdirahman, Puntland Interior Minister. UNSOM expects the electoral summit to finalise the “17 September electoral model.” Both Puntland and Jubaland initially demanded renegotiation of the terms of the electoral agreement. Puntland and Jubaland leaders formed the Forum for National Salvation made up of the two leaders, the Union of Presidential Candidates and the Chairman of the Upper House. “Puntland and Jubaland leaders have no a reason to be outside the electoral summit. They shouldn’t be giving the impression that the two Federal Member States are holding the political proceess hostage” said Hassan Ali, a radio journalist in Mogadishu. The former Federal Interior Minister Abdi Farah Saeed (Juha) urged Puntland and Jubaland leaders “to join the summit and argue their case.” © Puntland Post, 2021 The post UNSOM Urges Puntland and Jubaland to Join the Electoral Summit appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in la dilay ugu yaraan 2 wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa 500 oo dhallinyaro ah maanta tagay xerada Turksom ee Muqdisho. Dhallinyaradaan ayaa rabay in ay kamid noqdaan ciidamada Soomaalida ee uu tababaro Turkiga, waxaana la sheegay in laga qaatay 200 oo kamid ah dhallinyaradii tagtay goobtaas. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in dhalinyarada soo hartay oo gaaraya in ka badan 300 oo qof ay gadoodeen, islamarkaana ay isku dayeen in ay xoog ku galaan xerada Turksom si loo tababaro, waxaana kadib rasaas ku furay ciidankii ilaalada ka ahaa Saldhigga Turksom ee Muqdisho. Marka laga reebo geerida labada qof, waxaa sidoo kale dhaawacmay dad ka badan shan qof oo kale, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyada xogtan nala wadaagay. Saraakiisha Turkiga iyo dowladda federaalka kama hadlin dhacdadan. Caasimada Online oo xiriir la sameysay dowladda way ka gaabsatay, halka Turkish-ka aan heli weynay. Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta shaqo la’aan xoog leh waxeyna dhallinyarada muddooyinkii ugu dambeeyay buux dhaafiyeen goobaha ciidamada laga qoro ee Muqdisho, si ay u helaan shaqo iyo nolal dhaanta tan rajo la’aanta ah.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar__Qubanaha-2232021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maanta la sheegay inuu ka furmay Xalane loo badeli doono wada-tashiyo aan rasmi aheyn oo sii socon doona maalmaha soo socda. Sida ku cad qoraalkaan, waxaa dib u dhacay shirkii caadiga ahaa ee lagu waday inuu furmo Isniinta maanta, waxaana maalmaha soo socda sii soconaya wadahadallo gaar ah oo la isugu soo dhaweynayo madaxda, si ugu dambeyn ay heshiis uga gaaraan khilaafka hareeyey doorashada dalka. “QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo goordhaw lagu baahiyey twitter-ka xafiiska QM ee Soomaaliya. .@UN notes today’s pre-meeting for the planned summit, with partial #FMS representation; urges further informal #consultations in coming days to ensure full #participation needed for this event to produce #consensus on implementation of the 17 September #electoral model. — UNSOM (@UNSomalia) March 22, 2021 Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo galabta warbaahinta kula hadlay teendhada Afisyooni ayaa sheegay inuu furmay shirka looga hadlayo khilaafka doorashada, balse furitaankiisa aysan ka soo qeyb gelin madaxda Jubbaland iyo Puntland, isagoo ka codsaday inay ku soo biiraan shirka.
-
Qaramada Midoobey oo Dhiirigelisay Shir Doceedka Afisyooni.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qoraal goordhow kasoo baxay qaramada Midoobey xafiiskeeda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankii Afisyooni uu ahaa mid golol dhig u ah shirweyne dhici doona, uuna ahaa mid ay yeesheen qeyb ka mid ah dowlad goboleedyada. Qoraalka oo sidoo kale lagu booriyey in kulanada la sii wado ayaa waxaa ka mid ahaa “Qaramada Midoobey waxaa ay aragtaa inuu maanta dhacay kulan gogol-xadh u ah shirkii loo balansanaa, kaasi oo ay tageen qeyb ka mid ah maamul goboleedyada. Waxaa uu boorinayaa in ay sii socdaan maalmahan shirarka aan rasmiga ah si ay uga dhashaan kasoo qeyb gal laga maarmaan u ah iney ka dhalato kulan lagu fulinayo dhameystirka nooca doorasho ee September 17 “. Hadalka qaramada Midoobey ayaa kusoo aadaya xilli Puntland iyo Jubbaland ay qaadhaceen shir maanta u furmay Madaxweynihii Hore Farmaajo iyo Maamul goboleedyada taageersan. Source: goobjoog.com -
Click here to read more about this article Qaran News
-
Khamiistii laso dhaafay Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilaabay wadahadalladii ugu horreeyay ee heer sare ah oo uu la yeesho saraakiisha taliska Shiinaha. Hase ahaate labada dhinac ayaa Camera-daha hortooda muddo saacad ah waxa si fool ka fool ah udhexmaray tacshiirad deplomasiyadeed oo an waxba lasykula harin. Wafdiga shiinaha waxa horkacayay Yang Jiechi Oo diplomaasiga ugu sareeya xisbiga shuuciga shiinaha ahna agaasimaha golaha dhaxe ee siyaasadda arimaha dibadda shinaha waxa kaloo qayb ka ahaa wasiirka arimaha dibadda ee china Wang Yi. Dhanka washington, hoghayaha arimaha dibadda maraykanka antony Blinken iyo La Taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan ayaa horboodayay wada hadalladan heerkoodu sarreeyo. Xoghaye Blinken ayaa diblomaasiga ugu sarreeya xisbiga Shuuciga ee Shiinaha Yang Jiechi iyo wasiirka arrimaha dibedda Wang Yi waxa uu hortooda ka tibaaxay walaaca maraykanku ka qabo ficilada shiinaha waxa uun ku eedeyay Beijing in ay “xasuuq” u geysatay Muslimiinta Uyghur, sido kale Hong Kong iyo Taiwan, marka lagu daro weerarada Elektaroonikada “cyber attack” ee ka dhan ah Mareykanka iyo cadaadis dhaqaale oo shiinuhu ku hayo xulafada maraykanka. Diplomaasiga sare ee shinaha yang jechi ayaa dhankiisa sheegay in maraykanku uusan matalin aduunka ee uu matalo “naftiisa” oo kali ah, sidaas darteedna aysan suura gal ahayn in shiinuhu uu kala hadlo washington siyaasadiisa caalamiga ah. Mar kale ayuuse Blinken waxa uu ku adkaystay isagoo daba socda hadalka sarkaalka shiiinaha kasoo yeeray in dawladaha dariska la ah shiinaha ay u sheegeen ku qanacsaantooda in ay xulafeystaan maraykanka iyo in Tokyo iyo Seoul (japan iyo kuuriyada koonfureed) ay u caddeyeen maamulka biden walaacooda ku aadan dhaqanka xisbiga shuuciga shiinaha. Jake Sullivan, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa isna waxa uu furitaanka kulanka ku nuux nuuxsaday in Mareykanku uusan raadineynin “khilaaf” Shiinaha uu la galo, laakiin ay diyaat uyihiin tartan adag oo ay la galaan, isagoo intaa ku daray, in Marwalba ay udagaalameyaan mabaadi’da dadkooda iyo saaxiibadood. Dhinaca kale Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa sheegtay in diplomaasiga shiinaha ee Jiechi uu usheegay saraakiisha amerikaanka intii ay socdeen wadahadaladii ay la yeesheen inay ka tanaasulaan maskaxdii Dagaalkii Qaboobaa”, sarkaalka Shiinaha ahna wuxuu ku hanjabay inuu qaadi doono “tallaabooyin adag” oo ka dhan ah “faragelinta Mareykanka”. Inkastoo Wadahadalada aysan aysan miradhalin oo aysan dhinacyadu muujin wax tanaasul ah, hadana Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Zhao Lijian ayaa ku tilmaamay wadahadallada inay aheyeen “wadahadal istiraatiijiyadeed oo heer sare ah. ” Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wariyeyaasha in kulankaan uu yahay dooda ugu horeysa ee lagu fahmayo danaha, ujeedka iyo ahmiyada labada dal”. Magaalada ugu weyn gobolka alaska ee Anchorage ee ku taal badweynta Baasifigga waxaa loo doortay in ay marti galiso 3 kalfadhi oo dhaadheer oo socday a ilaa subaxnimada Jimcaha. Source: goobjoog.com
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) welcomes the release of independent journalist Kilwe Adan Farah, who was today pardoned by Puntland President Said Abdullahi Deni. Kilwe Adan Farah had on, 17 March 2021, been sentenced to three years in jail by the Military High Court of Puntland, following a sham trial on charges brought against him under Somalia’s outdated penal code without the presence of lawyers, family members and colleagues. The conviction attracted widespread national and international condemnations. While Kilwe’s release is a welcome development, NUSOJ wishes to note that this sad episode was unnecessary, avoidable and should not have happened in the first place, if the authorities in Garowe had respected Kilwe’s inalienable rights as a journalist. It was also an aberration of justice that a civilian charged with an offence should have faced trial in an improvised military tribunal. “We welcome the release of journalist Kilwe Adan Farah, but he should not have spent a single day in jail because of journalistic work. The decision of Puntland President to pardon Kilwe reverses this glaring miscarriage of justice that had seen our colleague sentenced to an underserved 3 years in jail,” said NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman. “We hope that this is a lesson for all involved and will lead to genuine respect for media freedom that will particularly ensure journalists are able to go about their duties without the threat of arbitrary arrests. Journalists have a right to go about their duties without illegal interference from any quarters just as citizens have a right to credible information generated by journalists,” Osman added. NUSOJ wishes to put it on record that Kilwe should not have been arrested in the first place, let alone convicted of any crime, and the union insists on his innocence and that fact should not be lost in the Presidential pardon. It is also worth noting that Puntland has earned the unenviable reputation of being the only Federal Member State or regional administration where journalists are tried under military courts for carrying out their journalistic work. NUSOJ calls upon Puntland President to initiate a national dialogue on the rights and security of journalists, end judicial harassment and rededicate his government’s energy to ensuring that citizens, including journalists, enjoy their civil liberties as set out in the State and Federal constitutions. View the full article
-
MOGADISHU, Somalia — The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) welcomes the release of independent journalist Kilwe Adan Farah, who was today pardoned by Puntland President Said Abdullahi Deni. Kilwe Adan Farah had on, 17 March 2021, been sentenced to three years in jail by the Military High Court of Puntland, following a sham trial on charges brought against him under Somalia’s outdated penal code without the presence of lawyers, family members and colleagues. The conviction attracted widespread national and international condemnations. While Kilwe’s release is a welcome development, NUSOJ wishes to note that this sad episode was unnecessary, avoidable and should not have happened in the first place, if the authorities in Garowe had respected Kilwe’s inalienable rights as a journalist. It was also an aberration of justice that a civilian charged with an offence should have faced trial in an improvised military tribunal. “We welcome the release of journalist Kilwe Adan Farah, but he should not have spent a single day in jail because of journalistic work. The decision of Puntland President to pardon Kilwe reverses this glaring miscarriage of justice that had seen our colleague sentenced to an underserved 3 years in jail,” said NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman. “We hope that this is a lesson for all involved and will lead to genuine respect for media freedom that will particularly ensure journalists are able to go about their duties without the threat of arbitrary arrests. Journalists have a right to go about their duties without illegal interference from any quarters just as citizens have a right to credible information generated by journalists,” Osman added. NUSOJ wishes to put it on record that Kilwe should not have been arrested in the first place, let alone convicted of any crime, and the union insists on his innocence and that fact should not be lost in the Presidential pardon. It is also worth noting that Puntland has earned the unenviable reputation of being the only Federal Member State or regional administration where journalists are tried under military courts for carrying out their journalistic work. NUSOJ calls upon Puntland President to initiate a national dialogue on the rights and security of journalists, end judicial harassment and rededicate his government’s energy to ensuring that citizens, including journalists, enjoy their civil liberties as set out in the State and Federal constitutions. View the full article
-
Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaaden ayaa ka qayb galay kulan balaaran oo maanta ka dhacay Hoolka shirarka Madaxtooyada Jubbaland, Kulankasoo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka saxda Sadex Hay’adood oo Qaramada Midoobay ah oo fadhigoodu yahay Nairobi. Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Andelmouda ayaa Wafdiga hogaaminayay, Wafdiga waxaa kamid ahaa WHO Hay’ada Caafimaadka Aduunka, WFP Hay’ada Cunada ee QM, UN OCHA Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan ka jawaabida iyo Qiimaynta Gargaarka degdega ah , Waxaa kaloo kamid ah Wafdiga UNHC Hay’ada Qaxootiga Aduunka, waxaa Wafdiga weheliya Hay’ado gaara NGO fadhigoodu yahay Nairobi. Ujeedka safarka waxaa ugu weynaa laba qaybood oo horay ay Jubbaland uga qaylo geysay ayna dalbadeen jawaab degdeg ah, labadaas arimood oo kala ah.. Cudurka Covid19 qaabka Jubbaland looga caawinayo, talaal iyo qalabkamlagula tacaalo Abaaraha Gobolka Gedo oo Jubbaland ay dalbatay in si deg deg ah looga jawaabo Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo khudbad ka jeediyay Shirka ayaa hoosta ka xariiqay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Gobolka Gedo ka abuurtay Colaad Siyaasadeed oo saamaysay nolosha Bulshada, Wuxuu raaciyey in hada Gobolka ay ka jirto Abaar baaxad weyn oo jawaab bini’aadanimo u baahan. Hay’adaha wuxuu kula dardaarmay in lakala saaro Dagaal siyaasadeedka ka jira Dalka iyo ugatgaarida Shacabka iyo in lagubiyo kaalmada Gobolka loogu talaalo inay gaarto Dadka u baahan. Wuxuu Madaxweyne Xigeenku sheegay in Ciidamada ku sugan Gobolka ay kala solcayaan Shacabka tasoo keentay in Dad baahan aysan helin adeegyo Caafimaad iyo cuno. Wafdiga ayaa balan qaadey iney sushis ula soconayaan Xaalada Gobolka Gedo. Sawirada hoos ka daawo The post Kulan looga hadlayo Abaaraha Gobolka Gedo oo Qaramada Midoobay ay ku qabteen Kismaayo appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe waxaa maanta Teendhada Afisyoone ka furmay shirka looga hadlayo khilaafka doorashada, kaas oo furitaankiisa aysan ka soo qeyb gelin madaxda Jubbaland iyo Puntland. Haddaba maxaa dhici kara haddii madaxda Puntland iyo Jubaland ay ka baaqdaan shirka? Su’aashaas iyo kuwo kaleba waxaa la hor dhigay Jibriil Cali Aw Maxamed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka oo ay wareysatay BBC. “Haddii ay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ka baaqdaan shirkan waxaa dhici kara in ay doorashadu sii jiitanto, murankanina uu sii daba dheeraado,” ayuu yiri Prof. Jibriil Cali. Isagoo sii halaayey ayuu yiri,”Maadaama ay madaxda Puntland iyo Jubaland dhagaha ka fureysteen baaqii madaxweyne Farmaajo, Beesha Caalamka ayaa hadda u heellan inay shirka soo fariisiso, heshiisna lagu gaaro in la hirgeliyo doorashadii lagu heshiiyay bishii September, 2020.” Prof. Jibriil ayaa rajo ka muujiyey in khilaafka doorashada uu ugu dambeyn kusoo biyo shuban karo is afgarad dhinac walba ah. “Waxaan rabaa inaan Umadda Soomaaliyeed u sheego dalkan Soomaaliya waxa hadda wadahadlaya waa siyaasiyiin dano ka wada murmaya, oo aan xabad iyo hub isu wadanin, arrintaasna waa guul, shacabka Soomaaliyeed-na ma dirirsana. Dowladana nagu xeeran markaad eegto, dhammaantood dhibaatadaas ayey wada qabaan, Itoobiya waad ogtahay in aysan doorashadii ka dhici, dalka Kenya isagana doorashadii ugu dambeysay intay maxkamaddu burburisay ayaa mar kale lagu celiyay,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay dhibkaan siyaasadeed iyo is qabqabsigaan uu ka jiro guud ahaan caalamka, gaar ahaan mandaqaddan ay Soomaaliya ku jirto ee Geeska Afrika. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horay walaac uga muujiyay ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo, waxayna soo bandhigeen shuruudo hor leh, si ay ugu biraan shirkan u furmay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada taabacsan.
-
Warar kala duwan ayaa laga baahinayaan Diyaarad Turkigu leeyahay maanta Muqdisho soo caga dhigatay, durbadii hore waxaa la shaaciyey in Diyaaradu ay wadeen Qalab Malatari laakiin Xaqiiqdu sidaas ma ahan. Diyaarada Ciidamada Turkigu waxay maanta Muqdisho keentay Agab Caafimaad oo u badan Dawooyin noocyada kala duwan. Dawooyinka Kaalmaatiga u ah la dagaalanka Covid19 iyo Dawooyin Nafaqo u badan oo Looguvtalagalay Dadka Abaaruhu sameeyeen ayaa kamida waxyaabaha Diyaaradu keentay. Habayaraatee Qalab Ciidan iyo Hub toona ma aysan keenin Turkigu, waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyay Dad aad uga agdhow Imaatinkii Doyaarada. Wasaarada Caafimaadka Dowlada Federaalka ayaa la wareegtay Shixnadii saarayd Doyaarada. Puntlandi.com Muqdisho The post Turkigu maxay maanta Muqdisho keeneen appeared first on . Source
-
(SLT-Washington)-Daraasad maanta soo baxday ayaa muujineysaa in tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Oxford-AstraZeneca uu yahay mid ammaan ah iyo waxtar leh. Mareykanka ayaa in muddo ah baadhitaan ku sameynayay isticmaalka tallaalka. In ka badan 32,000 qof isa soo bixiyay ayaa ka qeyb qaatay daraasadda kuwaas oo ku sugan Mareykanka, Chile iyo Peru. Waxaana la sheegay in tallaalka uu boqolkiiba 79 uu leeyahay awood uu ku hor istaago in caalamadaha cudurka ay soo ifbaxaan halka boqolkiiba boqol uu waxtar u leeyahay ka hortagga cudurka. Tiro waddamo ah ayaa go’aansaday in ay joojiyaan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca, ka dib markii ay soo bexeen warbixinno sheegaya in dadka qaarkood ay ku dhacday xinjirowga dhiigga ka dib markii la siiyay tallaalka. Dalalka Yurub ayaa soo gabagabeeyay baadhitaan ay ku sameynayeen tallalaka, waxay sheegeen in tallaalka uu yahay mid ammaan ah oo waxtar leh. Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay ugu baaqday dalalka caalamka in ay joojin isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca. Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay in aanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjirowga dhiigga. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ergayga gaar ka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in Somaliland ay ahayd mustacmarad wixii ka horreeyay 1991. Dr. Adna Aadan oo ka qayb gashay dood lagu qabtay muuqbaahiyaha dowlada ayaa sheegtay in Somaliland ay gumaysi ku jirtay xiligii dowladii millatariga. Adna ayaa sheegtay in xiligii ay talinaysay dawladii Kacaanku anay si ula wada dhaqmi jirin goboladii waqooyi (Somaliland) iyo Soomaaliyadii kale. “Xataa markii aan la kala gu’in ee 1991 kahor, Somaliland waxay ahayd wax ka go’an Soomaaliya, oo loola dhaqmo sidii dal lahaysto” ayay tidhi Dr. Adna Adan. Ergayga ayaa dhinaca kale sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu soo dhawaday. “Maanta aqoonsigeenii qarka ayuu saaranyahay, dowlado ayaa badheedh warqadahoodi aqoonsiga u keena, aqoonsiguna waa taas oo isbiirsata” ayay tidhi Dr. Adna Aadan. Ergayga ayaa sheegtay in maadama oo Somaliland 30 sanno jirsatay, laga rabo, maamul wanaag. “Madaama oo aynu qaangaadh nahay, garwanaag baa laynaga rabaa, maamul wanaag baa laynaga rabaa, maanta shaqadu inoo bilaabmaysaa” ayay tidhi Dr. Adna Aadan. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-2232021.mp3 View the full article
-
Waxaa lagu wadaa in malhribadii caawa uu kulan ka dhaco Xalane kulankaasoo ay wada yeelanayaan Saciid Cabdulaahi Deni, Axmed Madoobe iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka. Waxaa lagawada shirayaa qabanqaabada Shirka wadatashiga Amaanka iyo Ajandaha Shirka. Wali waxaa jira walwal laga qabo in kasoo qaybgalayaasha Shirka aysan qaarkood daacad ka ahayn in Shirku miro dhalo, waana tan keentay inay xubnahaan ay caawa kulmaan. Puntlandi.com Muqdisho The post Kulan ay wada yeelanayaan Beesha Caalamka, Jubbaland iyo Puntland appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faah-faahino laga helayaa diyaarado dagaal oo la sheegay in laga leeyahay dalka Turkiga oo maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in diyaaradahaas dagaal ee Turkiga laga leeyahay ay saanad Militari u wadeen dowladda federaalka Soomaaliya. Waxyaabaha aan xogta ku helnay iney wadeen waxaa ka mid ah gaadiidka culus ee dagaalka, oo ay ku jiraan Dabaabbado, hubeedka nuucyadiisa kala duwan oo aan ka gudbeynin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Hubkaan iyo gawaaridaan gaashaaman oo maanta lasoo gaarsiiyay Muqdisho, waxaa la sheegay iney isticmaali doonaan cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor, ee Turkiga uu u tababaray dowladda federaalka Soomaaliya. Maalmahii ugu dambeeyay in ka badan 1000 (kun) askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya, kuwaas oo tababar kusoo dhameystay dalkaas. Wararka qaar ayaana sheegaya in 1500 askari kale laga qaaday Muqdisho kuwaas oo la doonayo in lagu soo tababaro dalka Turkiga.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta kula hadlay xerada Afisyoone oo lagu ballansanaa inuu maanta shir uga furmo madaxda maamul goboleedyada, madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, balse dhinacyada qaar ay soo xaadiri waayeen. Shirkaan ayaa waxa ka qeyb-galay ra’iisal wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirkii uu maanta furay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu soo idlaaday wajigiisi koowaad goordhoweyd, kaasi oo ahaa furitaanka Shirka oo ka qabsoomtay hoolka Afisyoone saaka subaxdii, ayada oo ay ka maqan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe Sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu sii socon doono, si dalka uu u aado doorasho, isagoona ugu baaqay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xaadiraan shirarka dambe ee madaxdu iskugu imaaneyso. “Waxay ujeedadiisu aheyd sii ambo-qaadista sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii 17-kii September ee Muqdisho iyo 16-Kii Fabraayo ee Baydhabo ee ay soo diyaariyeen guddigii Farsamo. Waxaa dhamaan kasoo qeyb-galay qeybihii la casuumay ee madaxweynaha, marka laga reebo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland madaxdooda,” ayuu yiri. Wuxuu hadalkiisa raaciyey “Shirka wuu sii socon doonaa ilaa berito, waxaana rajeyneynaa in madaxda maqan ay berito kusoo biiraan shirka hadii alle raali ka noqdo.” Dubbe ayaa carabka ku adkeeyay in Farmaajo uu diyaar u yahay wada-hadal, islamarkaana uu maanta dhan xaadir ka ahaa goobta shirka, kaasi oo ay ka maqnaayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorasho ee dowladda waqtigeedu dhamaaday. Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay rajo ka qabto in labada madaxweyne ee maanta aan imaanin shirka ay kasoo qeyb gali doonaan, walow ay jiraan warar quus istaajinaya rajo walba oo laga qabay maadaama lasoo warinayo iney wataan shuruudo badan oo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo horay uga biyo diiday. Hadalkaan ayaa imanaya xili ay madaxda Puntland iyo Jubbaland ka madax adeygayaan ka qeyb-galka shirka Afisyoone, maadama ay kasoo horjeedan Farmaajo oo ay ka dhamaatay muddo xileedkiisa sharciga ah iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday.
-
Wasiirka Wasaaradda Warfaafin, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, oo Shir jaraa’id warbaahinta kula hadlay ayaa ka warbixiyey kulankii furitaanka u ahaa Shirka Qaran ee dhammeystirka arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda oo saaka ka furmay xarunta Afisiyooni. Wasiir Dubbe, ayaa sheegay in dhamman xubnihii lagu casuumay shirka ay ka soo qeyb galeen marka laga reebo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, diyaarna ay u ahaayeen dhameystirka heshiisyaddii 17-kii Sabteembar iyo 16-kii Febraayo ee guddigii Farsamadu ay soo diyaariyeen. Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa tilmaamay in maanta shirku uu ku furmay horudhac iyo bar-bilaw wanaagsan, ” waxaa looga hadlayey in marka hore la is qalbi xaaro oo la wadda hadlo si loogu daadago ujeedada shirka iyo ajendayaasha Kale” ayuu yiri Cusmaan Dubbe. “Shirku waa uu sii soconaya, waxana rajeynaynaa in Madaxda ka maqan shirka ee aan saaka imaanin inay ka soo qeyb gali doonaan berri, si shirku u sii socdo dalkuna doorasho u aado” ayuu warbaahinta u sheegay Cusmaan Abuukar Dubbe wasiirka warfaafinta ee XFS. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku booqday hoyga uu ka degenyahay magaalada muqdisho Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) Labada Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay Dardar gelinta Arimaha Doorashooyinka Dalka iyo Dadaalada ay ugu jiraan sidii heshiis looga gaari lahaa Arimahan taagan. View the full article