-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ayaa waxaa laga helayaa kulan dhex-maray madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland oo lagu dhameynayey mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhex-galay labada dhinac. Kulankan oo saacado badan ayaa qaatay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey xildhibaano & Senataro kasoo kala jeeda labada maamul, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku howlanaa dadaallo la’isugu keeynayo Madaxweyne Qoor Qoor & Madaxweyne Deni. Wararka ayaa sheegaya in labada hoggaamiye uu dhex-maray is afgarad, islamarkaana lagu ballamay inay sii socoto wada-shaqeyntooda, maadaama ay daris yihiin. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay bixiyeen labada dhinac oo ku aadan dadaallada socday ee lagu dhameeyey khilaafka Galmudug & Puntland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamadu ay sii socon doonaan, inta ay labada hoggaamiyey kasoo saarayaan war-murtiyeed ku aadan heshiiskooda. Si kastabna ios faham-waaga ayaa yimid, kadib khudbadii uu SiciidDeni ka jeediyey 22-kii Febaraayo ka jeediyey Garoowe, taas oo uu dhibsaday Qoor Qoor oo isagu garwadeen ka ahaa kulamadii ka dhacay Dhuusamareeb iyo dadaalladii socday ee doorashooyinka.
-
Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka socda Afisyooni
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Magaalada Muqdiho waxaa saacadaha soo socda, gaar ahaan Teendhada Afisiyooni ka furmi doona maalintii labaad shirka wadatashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada. Shirkan oo shalay si hor dhac ah u bilawday ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda Federaalka, qaar ka mid ah kuwa dowlad Gobaleedyada iyo duqa Muqdisho. Inta uu socdo shirkan ayaa waxaa lagu lafa-gurayaa is mari-waaga ka taagan doorashada iyo tabashooyinka ay weli muujinayaan madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland. Si kastaba kulanka ka dhacaya Afisiyooni ayaa waxaa gar-wadeyn ka ah Beesha Caalamka iyo taliska ciidamada AMISOM oo damaanac qaaday amniga inta uu socda shirkaasi. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ay beesha caalamka soo qaban qaabisay ee Afisyoone ayaa u muuqda inuu guuldarreystay, ugu yaraan maalmaha soo socda, ayada oo beesha caalamka ay go’aansatay in si hoose loo xaliyo arrimo la isku hayo ka hor inta aanu shirka furmin. Shirka ayaa fashilmay kadib markii dowladda ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay shirka ku fashilineyso, taasi oo ka carreysiisay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland. Waxaa tallaabooyinkaas ka mid ahaa ciidankii uu Saciid Deni sheegay in lagu hareereeyey Xalane, kuwii garoonka diyaaradaha la geeyey, ajendihii shirka oo ayadoo aan laga heshiis ay dusisay Villa Somalia iyo Farmaajo oo weli diidan inuu wareejiyo awoodda. QM ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku tiri “QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September.” Caasimada Online ayaa ogaatay in shirka dib loo dhigay, islamarkaana si hoose loogu kala dab qaado dhinacyada, si loo xaliyo qodobada la isku hayo, kadibna ayada oo aany jirin caqabado kale shirka dib loo furo si deg deg heshiis loogu gaaro. Shirka ayaa shalay waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha taabacsan, hase yeeshee dowladda ayaa kahor shirka qaaday tallaabooyin lagu fashilinayo, ayada oo ujeedkuna uu ahaa in shirka la tago kadibna Saciid Deni iyo Axmed Madoobe loo muujiyo kuwa wax diidan. Axmed Madoobe iyo Deni oo ka carrooday tallaabada ay qaaday dowladda ayaa dalbanaya qodobo ay ka mid yihiin: 1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro Xalane si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba. Inkasta oo amniga shirka ay damaanad qaaday Amisom, haddana waxaa la rumeysan yahay in ciidamada dowladda ay weli ku jiraan qeybo ka mid ah Xalane. 2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada. 3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo. 4 – In laga wada heshiiyo ajandaha shirka oo ay horey shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. 5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February. Ma cadda sida xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxay u muuqataa in xalka doorashada aanu weli dhoweyn.
-
War Saxaafadeed kooban oo xafiiska Qaramada Midoobay ee Unsom uu soo saaray ayaa lagu sheegay in ay ka warhayso kulanka shalay ka dhacay Afisyoono ee ahaa hordhaca. “Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob joog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka;” sidoo kale Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu baaqay in la sii wado kulamadan gaar gaarka ah. “Waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo kasoo qaybgalkii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September.” Shirka Afisyooni oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka 2021-ka, waxaana ka qeyb-galaya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo sidoo kale duqa magaalada Muqdisho. View the full article
-
Waxaa saacadaha soo socda Teendhada Afisiyooni ka Furmi doona Maalintii labaad shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Shirkan oo shalay si hor dhac ah u bilawday ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Gobaleedyada dalka . Madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo , Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble , Madaxweeynayaasha Dowlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur galbeed iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa kulama hor dhac ah yeeshay xilli ay ka maqnaayeen Madaxda dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland . Kulanka ka dhacaya Afisiyooni ayaa waxaa gar wadeyn ka ah Xubnaha Beesha Caalamka iyo Taliska ciidamada AMISOM . Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - Minister of Information Osman Abukar Dubbe has said that he hopes President Deni and President Madobe of Puntland and Jubaland will attend the electoral talks organized on Monday evening by the Federal Government after failing to attend the first day of negotiations. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada ay Dowlada Federaalku ay dhawaan geeyeen Gobolka Gedo ayaa ilaa shalay waday Ugaarsiga Dadka taageersan Jubbaland oo ay u horeeyaan Nabadoonada iyo Guud ahaan Odoyaal dhaqameedka. Saciid Axmed Maxamed oo ka tirsan Shacabka Baledxaawo ayaa Puntlandi usheegay in Ciidamadu ay si arxan daro ah ula dhaqmayaan Shacabka aan taageersanayn Maamulka Farmaajo, waxaana lagu shaabadeynayaa Qofkii aan taageersanayn Farmaajo inuu yahay Al-shabaab. Wuxuu kaloo sheegey in dhib xoogan lagu hayo Beelo gaara, Ciidamada waxaa wata ama la socda Dad Deegaanka ah oo Dadka kala yaqaan , dhibkaan horay waa u jiray hadase maalmahaan waxaa socda wax aan loo dulqaadan karin, Dhalinyarada waa la jir filayaa si ay u hadlaan, ayuu yiri Axmed Beelaha ay kasoo jeedaan Madaxda Jubbaland ee Reer Gedo ayaa si gaara loo ugaarsanayaa, waxaana howlgal cusub oo ay Ciidamadu bilaabeen maalmihii lasoo dhaafay. Puntlandi.com Muqdisho The post Ciidamada Lageeyay Gedo oo bilaabay ugaarsiga taageerayaasha Jubbaland appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-2332021.mp3 View the full article
-
Muxuu Sucuudigu ku qasbay inuu heshiis ugu baaqo Falaagada Xuutiyiinta? Waxaa jiray duqaymo xagga cirka ah oo ay geystaan bahda sucuudigu hoggaaminayaa Sacuudi Arabiya ayaa soo jeediyay qorshe nabadeed cusub oo lagu soo afjarayo ku dhowaad lix sano oo dagaal ka socday Yemen.Waxay soo jeedineyaan xabad joojin ay Qaramada Midoobay kormeerto oo u dhaxeysa dowladda Yemen ee Sucuudigu taageero iyo fallaagada Xuutiyiinta, oo ay taageerto Iran.Qorshaha ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in dib loo furo isku xidhkii muhiimka ahaa ee cirka iyo badda, iyo bilowga wadahadallada siyaasadeed.Fallaagada Xuutiyiinta ayaa sheegay in dalabku uusan u muuqan inuu meel fog gaadhayo si looga qaado xayiraadda hawada iyo badda ee saaran. Soo jeedinta waxaa caasimada Sucuudiga ee Riyaad kaga dhawaaqay Wasiirka Arimaha Dibada Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan oo ugu yeedhayey Xuutiyiinta, kuwaas oo gacanta ku haya dhul balaaran oo Yemen ah in ay ka aqbalaan.Waxa uu sheegay in xabad joojinta ay dhaqan galayso isla marka ay Xuutiyiintu aqbalaan.Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa soo dhaweysay dalabkan, laakiin Xuutiyiinta ayaa sheegay in dadaalkaasi uusan wax cusub soo kordhinin, isla markaana ay ka gaabiyeen dalabkoodii ahaa in gabi ahaanba laga qaado xayiraada saaran garoonka diyaaradaha ee caasimada Sanca, iyo dekedda galbeed ee Xudeyda. “Waxaan fileynay in Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqi doonto dhamaadka xayiraadda dekedaha iyo garoomada diyaaradaha iyo qorshe lagu ogolaanayo 14 markab oo ay hayaan isbaheysigaasi,” madaxa wadahadalada Xuutiyiinta Mohammed Abdulsalam ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.Kooxdu waxay sii wadi doontaa inay kala hadasho Sacuudiga, Mareykanka iyo dhexdhexaadiyahooda oo Cummaan ah heshiis nabadeed, ayuu yiri. Saraakiisha Sucuudiga waxay sheegeen inay talaabooyinkooda kala kaashanayaan Qaramada Midoobay iyo Maraykanka, kuwaas oo sidoo kale dardar galiyay dedaalkooda ku aaddan joojinta khilaaf kaas, oo abuuray dhibaatada bini’aadanimo ee ugu xun adduunka.Maalmo ka hor, Xuutiyiinta ayaa diiday qorshe Mareykanku uu ku doonayay xabad joojin dalka oo dhan ka dhacda. Qorshahan nabadeed ayaa durba hirgelintiisu socotaa, iyada oo la isticmaalayo hab diblimaasiyad ahaan aammusan . Waxaana horkacaya Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden. Haddii dhaqdhaqaaqyadan cusubi shaqeyn waayaan, eedda waxaa iska lahaan doona markan Xuutiyiinta. Qaar badan oo ka mid ah qorshayaashii nabadeed ee hore ee Yemen ayaa fashilmay, oo ay ka mid tahay xabad joojinta Sucuudiga ee sanadkii hore, ayay tiri madaxa warfaafinta caalamiga ah ee BBC Lyse Doucet.Laakiin boqortooyada ayaa hadda bixinaysa waxoogaa tanaasul ah oo ay Xuutiyiintu muddo dheer codsamayeen, ayay raacisayWaxaa ka mid ah furitaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Sanca, oo hadda ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, in kasta oo xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo ay maamulayaan hawada.Sacuudi Carabiya waxay ogtahay in soo afjarida khilaafkan ay mudnaanta siineyso Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, wariyaheena ayaa leh; Boqortooyada waxay sidoo kale dooneysaa inay fududeeyso culeyska xiriirka ay la leedahay Washington ee lala xiriirinayo dilka saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi.Haddii dhinacyada dagaallamaya ay ogolaadaan xabad joojinta, waxaa kormeeri lahaa UN-ka waxayna gacan ka geysan doontaa in gogol xaadh loo sameeyo wadahadallo nabadeed. Colaaddan ayaa bilaabatay dabayaaqadii sanadkii 2014, markii fallaagadaasi ay la wareegeen inta badan galbeedka dalka waxaana isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ee dowladaha carabta ay bilaabeen hawlgal militari oo lagu soo celinayo xukunka madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.Riyaad waxay hogaaminaysay isbahaysi militari oo gudaha wadankaah sanadii 2015 si ay u taageeraan dawlada uu caalamku aqoonsan yahay, laakiin waxay la halgamaysay sidii ay uga saari lahayd fallaagada.Qiyaastii 20 milyan oo qof – saddex meelood labo meel dadka Yemen – waxay ku tiirsan yihiin gargaarka bani’aadamnimada. Ilaa laba milyan oo carruur ah ayaa nafaqo-xumo ba’an ay haysaa.Colaadaha ka sokow, Yemen waxay la kulantay inuu burburay nidaamkeedii caafimaad, taasoo ka dhigeysa inay awoodi weydo inay la tacaasho cudurka faafa ee coronavirus. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gudaha dalka Mareykanka, kadib markii uu nin hubeysan weerar toos ah ku qaaday suuqa King Soopers ee magaalada Boulder oo ka tirsan gobolka Colorado. Weerarka ayaa waxaa xigay iska hor imaad qaatay saacad, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Booliska iyo ninka weerarka geystay. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah askari ka tirsan ciidamada ammaanka, sida uu shaaciyey Maris Herold oo ah taliyaha Booliska magaalada Boulder. Booliska ayaa goor dambe soo afjaray weerarkan oo si toos looga daawanayey Youtube-ka, waxaana gacanta lagu dhigay nin dhaawac ah oo lagu tuhmayo toogashadaasi. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Colorado Jared Polis oo u warramay warriyeyaasha ayaa sheegay inay murugada la qeybsanayaan dadka gobolka ee dhibaatadu gaartay. Kadib dhacdan ayaa waxaa si toos ah loola wadaagay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaas oo looga warbixiyey toogashada ka dhacday gobolka Colorado. Bilihii u dmabeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada toogashada ah ee ka dhacaya wadanka Mareykanka, waxaana arrimahan ay kusoo aadayaan, iyadoo bishii hore, Biden ballan qaaday in uu sameyn doono sharci lagu baarayo taariikhda dadka iibsanaya hubka.
-
DUBAI, United Arab Emirates — Saudi Arabia on Monday offered a cease-fire proposal to Yemen's Houthi rebels that includes reopening their country's main airport, the kingdom's latest attempt to halt years of fighting in a war that has sparked the world's worst humanitarian crisis. Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Gobalka Bari. Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan dhinacyada amniga ee ciidamada Booliska oo ka howlgala Magaalada Bosaaso iyadoo diirada lagu saaray qodobo ay kamid ahaayeen Dardargalinta Amaanka Guud ee Gobalka Bari. Taliye Xuseen wuxu ugu horayn Taliyaasha Saldhigyada Qeybohooda kala duwan ka dhagaytsay howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameyeen Ciidamada Booliska iyo dardar galinta kuwa dhiman iyadoo sidoo kale lasoo jeediyay in la dhamaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howlgalka. Dhinaca kale Taliye Xuseen ayaa u mahadceliyay dhamaan sarakiisha kala duwan ee Booliska isagoona ugu baaqay in ay dardar lixaadleh ay galiyaan amaanka isamarkaana bulshada ay ugu adeegaan si wanagsan iyagoo racaya timaamo uu siiyay madama bulshada ay shaqada ay u hayaan ay tahay mid waajib ah. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali ayaa sheegay in ujeedka loo qabtay kulankaan muhiim ka ah ay tahay xaqiijinta amniga Gobalka Bari iyo Kala warqaadashada Lamaha Booliska. Taliyaha Qeybta Ayaa Bulshada Magaalada Bosaaso ka codsaday in ay gacan ka siyaan ciidamada xaqiijinta amaanka si looga hortago kuwa sameeya dhibaatootinka. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Amniga oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka warfaafinta u qaabilsan xukuumadda Puntland, oo xalay qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa suxufiyiinta ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugidda Amniga. “Wasaaradda warfaafinta Dawladda Puntland waxay guud ahaan bahda warbaahinta Puntland ugu baaqaysaa inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga” ayuu yiri wasiir Timacadde. Baaqa wasiirka ayaa u muuqda wax lagu qoslo, maadaama ilaalinta Amniga Puntland ay u xil-saaran yihiin laamaha kala duwan ee ciidamada dowladda, islamarkaana aysan shaqo saxaafadeed ahayn. Hadalka Timacadde ayaa ku soo beegmay, iyadoo xukuumadda madaxweyne Deni ay cadaadis xooggan ku hayso warbaahinta madaxa-bannaan, qaarkoodna mudda xabsiyo lagu hayay. PUNTLAND POST The post Puntland: Wasiir saxaafadda ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugidda Amniga appeared first on Puntland Post.
-
Without immediate humanitarian aid, crisis is likely to peak in June, says Save the Children Source: Hiiraan Online
-
Without immediate humanitarian aid, crisis is likely to peak in June, says Save the Children Source: Hiiraan Online
-
On 15 March 2020, Somalia received 300 000 doses of Oxford AstraZeneca vaccines from the COVAX Facility to protect frontline workers and elderly people with chronic health conditions from COVID-19. The World Health Organization (WHO) hears back from some of the first people vaccinated in the capital city. Source: Hiiraan Online
-
An eight-country trade bloc in Africa has resolved to establish an inter-regional coordination platform to deal with desert locusts wreaking havoc in many parts of the region. Source: Hiiraan Online
-
Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry and Somalia's Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Mohamed Abdirizak discussed here on Monday means of promoting bilateral cooperation in all fields, the Egyptian foreign ministry said in a statement. Source: Hiiraan Online
-
Beled Xaawo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo dhawaan laga dejiyay gobolka Gedo ayaa waxay qeybo kamid ah gobolkaas ka bilaabeen howl-gallo cusub. Ciidamadaan oo badanaa ka tirsanaa Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxay howl-gal ka bilaabeen deegaano hoostaga degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo shalay ay safar dhanka dhulka ku tageen. Howl-galadda ayaa waxa lagu beegsanaya dagaalyahanad Al-Shabaab, kuwaasi oo mararka qaar weeraro ka deegaanada, sida uu sheegay Taliyaha howlgelinta Gobolada Jubbooyinka ee dowladda Soomaaliya. Bakaal Kooke oo howl-galada ciidanka hoggaminaya ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sugida amniga iyo ka hortegida weerarada Ururka Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in howl-galada ka dhanka ah Shabaab aysan joogsaneyn marnaba, illaa laga sifeynayo deegaanadas, oo laga xaqiijinayo amniga dhamaan tuulooynka hoostaga degmada Beled-Xaawo. Deegaanadda ku teedsan Beled-Xaawo ayaa waxa mararka qaar ka dhaca weeraro kala duwan oo ay fulinayeen dagaal-yahaanada Shabaabka. Howl-galkaan ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyay laga deyrinayay Ciidamo hor leh oo ay dowladda geysay degmada Doolow ee Gobolka Gedo, xili ay taagan yihiin xiisado siyaasadeed.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Covid-19 oo Somaliland ka bilowday, wuxuuna si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka Covid-19. Munaasibadda Daah-furka ololaha tallaalka oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qeyb-galay madaxweynaha, Guddoomiyaha golaha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi-qaran, xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo agaasimeyaal guud, kuwaas oo dhammaantood qaatay tallaalka Covid-19. Mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay munaasibadan ayaa dhamaantood waxay bulshada ku booriyeen inay qaataan tallaalka, si ay uga badbaadaan Aafada xanuunkani leeyahay iyo halista uu noloshooda u leeyahayba, sidoo kalena waxay shacabka ugu baaqeen inay u dhago nuglaadaan tallaabooyinka caafimaad. Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay daah-furka tallaalka ayaa sheegay inuu si rasmi ah u bilaabmay, laguna saleeyey qaadashadiisa qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay oo ay kaalinta koowaad leeyihiin dadka u nugul cudurkaas. “Maanta waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karoonaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaadhay, wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xanuunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da’da ah ama cudurada gaarka ah qaba,” ayuu yiri. “Tallaalkii anigu waan qaatay, wax laga baqdona malaha, marka lagu durayana dareemi maysid gacantii in lagu duray iyo in kale, wax Alle iyo wax shaki ah oo uu leeyahana ma jirto, adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Bani’aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh”. Ugu dambeyntiina madaxweyne Muuse Biixi ayaa shacabka Somaliland ku dardaaray qaadashada tallaalka, isaga oo meesha ka saaray cabsida laga muujinaya tallaalkaan oo toddobaadyadii u dambeeyay soo gaaray dalka.
-
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, ayaa isu’ soo dhowaansho ka muujiyay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay muddooyinkii dambe. Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, oo laga soo doorto Puntland iyo Galmudug, ayaa labada mas’uul oo aan mudda wada-hadlin ku kulansiiyay hotel ku yaalla xarunta Xalane, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. “ Labada madaxweyne waxay isaga cudur-daareen mudadii ay kala maqnaayeen, waxaana la isla gartay in laga wada-shaqeeyo danaha iyo iskaashiga labada dowladood islamarkaana la xoojiyo wada-shaqaynta Puntland iyo Galmudug” ayuu Puntland post u sheegay mas’uul ka tirsan Puntland. “ Sidoo kale waxay ka wada-hadleen xallinta muranka Arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna qabsoomidda Shirka Afisyooni, taas oo labada madaxweyne ay door muuqda kaga jiraan sidii loo hirgelin lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo nabdoon.” Waxa xusid mudan, in khilaafka Deni iyo Qoor Qoor uu ka dhashay hadal-jeedintii madaxweynaha Puntland ee 21 February 2021, taas oo uu dhibsaday madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug. PUNTLAND POST The post Deni iyo Qoor Qoor oo khilaaf xooggan kadib Xalane lagu kulansiiyay appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu yeeray ka-bixitaanka Turkey ee heshiis caalami ah oo looga gol leeyahay in looga hortago rabshadaha ka dhanka ah haweenka “mid si aad ah looga niyad jabo.” Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku sheegay in ka bixitaanka Turkey ee Axdiga Istanbul uu ahaa “mid deg deg ah oo aan loo qiil dayin.” “Tani waa tallaabo qalbi jab leh oo dib loo qaaday oo ku aadan dhaq-dhaqaaq caalamiga ah oo lagu soo geba-gebeynayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka,” ayuu yiri Biden. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa soo geba-gebeeyey ka mdi ahaanshaha Turkey ee heshiiska Golaha Yurub kadib warqad uu soo saaray Sabtidii. Dikreetada madaxweyne ee kasoo baxay madaxtooyada Turkey ayaa lagu sharxay in go’aanka Ankara uu ka dhashay in heshiiskan loo isticmaalayo in lagu ilaaliyo xuquuqda bulshooyinka la isku yiraah LGBT, oo ay ka mid yihiin kuwa aaminsan inay is-guursan karaa dadka isku jinsiga ah. “Axdiga Istanbul, oo markii hore loogu talo-galay in lagu ilaaliyo xuquuqda haweenka, ayaa waxaa afduubtay koox isku dayeysa inay caadiyeeyaan is-guursiga dadka isku jinsiga ah, taasi oo aan waafaqsaneyn qiyamka bulsho iyo midda qoys ee Turkey, sidaas darteed waan ka baxnay heshiiska,” ayaa lagu yiri qoraalka. Turkey ayaa aheyd dalkii ugu horreeyey ee saxiixay Axdiga Istanbul, oo sita magaca magaalada ugu weyn dalkaas. AP + VOA
-
Dowladda Sacudi Carabi, ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqaday in ay waddo qorshe ay heshiis xabad joojin ah kula galaysa, kooxda fallaagada Yemen ee Xutiyiinta ah. Isagoo la hadlayey Wariyeyaasha, Wasiirka Arrimaha debbada dalkaas, Feysal bin Farxan Al-sacud ayaa sheegay in qorshahan loo jeediyey Xutiyiinta tahay aragti fog oo xal u noqon karta khilaafka oo dhan, kaasi oo suura-gelinaya in la furo Eerboorka Sanca ee dalka Yemen ee ay Xutiyiinta gacanta ku hayaan. “Waxa uu heshiiskan taaba gal noqonayaa marka ay Xutiyiinta aqbalaan, Xutiyiinta waa in ay ka hormariyaan danahooda, danaha Iiraan”, Wasiirka. Haddii ay heshiiska aqbalaan Xutiyiinta waxa ay dhaha u xaari doonta in ay galaan wada-hadalo siyaasadeed oo lagu soo af-jaro dagaalada mudada qaatay ee dalkaasi ka jira. PUNTLAND POST The post Dowladda Sacuudiga oo heshiis la gelaysa Xuutiyiinta Yemen appeared first on Puntland Post.