Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo sidoo kale madax goboleedyada la safan, kaas oo xalay saq-dhexe ka qabsoomay xarunta Villa Somalia. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynayaasha kala ah Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Wararka ayaa sheegaya in hoggaanka Villa Soomaaliya & dhinacyada kale ee la safan ay ka wada-hadleen shirka lagu wado in saacadaha soo socda uu ka furmo Afisyooni. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinacyadan ay diiradu saareen sidii ay ajendi ay ku mideysan yihiin ula tegi lahayeen shirkan oo ah mid xasaasi ah, loogana arrinsanayo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Dhankooda madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland & musharraxiinta mucaaradka ayaa iyaguna yeeshay kulamo horudhac u ah midka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan xeyndaabka Xalane, kaas oo ay garwadeen ka tahaya beesha caalamka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana isha si aad ah loogu hayaa shirka ka dhacaya Teendhada Afisyoono, kaas oo ay amnigiisu la wareegtay AMISOM.
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-2232021.mp3 View the full article
  3. War ka soo baxay Taliska Ciidamada Midawga Nabad ilaalinta Africa ee AMISOM ayaa lagu sheegay in gebi ahaan Ammaanka goobta uu shirka ka dhacayo ay sugeyso AMISOM . Qoraalka ayaa lagu xusay in saacadihii la soo dhaafay uu Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, uu kulama la qaatay Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) Madaxweeynaha Jubaland, Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ee Hirshabeelle, Raiisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Danjire Madeira wuxuu kaloo qadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Maamulka KGB C / casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Dhamaan hogaamiyaashan siyaasadda Soomaaliya . Francisco ayaa Mas’uuliyiintaas kala hadlay Ammaanka goobta uu ka dhacayo shirka arrimaha doorashooyinka dalka . Qoraalka ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa sidoo kale lagu yiri “Danjire Madeira ayaa sheegay in dhinacyada farsamada iyo amniga ee kulanka ka dhici doona gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle la dhameystiray”. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa damaanad qaadi doona amniga kahor, inta uu socdo iyo kadib kulanka. Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida, shacabka iyo daneeyayaasha kale in AMISOM, iyadoo la kaashaneysa la-hawlgalayaasheeda, ay diyaarisay talaabooyin lagama maarmaan ah si loo hubiyo in kulanka uu ku qabsoomo jawi wanaagsan, amni leh oo nabdoon oo dhinacyada oo dhami dareemaan. raaxo leh in laga qaybqaato. Ayuu yiri Danjire Madeira. “Waxaan si kal iyo laab ah u bogaadinayaa madaxda Soomaalida ee ku soo shiray magaalada Muqdisho isla markaana ogolaaday in la qabto kulankan muhiimka ah si loo xaliyo arrimaha taagan si doorasho u dhacdo”, ayuu raaciyay Danjire Madeira Sikastaba Madaxda Dowlad gobaleedyada qaar ayaa horay u sheegay in aysan ku kalsoonaan karin shirka Amnigiisu Villa Soomaaliya ay Sugeyso. Source: goobjoog.com
  4. Waxaa Saacadaha soo soccdo filaya in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Shirkan oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka , xubna ka tirsan Midawga Musharixiinta uu ay ka mid yihiin Madaxweeynayaashi hore ee dalka. Kulanka ayaa waxaa looga arinsan doona sidii xal looga gaari lahaa doorashada waqtigeeda dhaaftay ee Soomaaliya . Ajendaha shirka ayaa waxa uu noqon doona in kulama hor dhac ah ay qaatan Madaxda kulmeysa , kulamadaas hor dhaca ah ayaa waxa garwadeen ka ah Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo Mandera . Hoos Ka Akhriso Ajendaha Shirka Source: goobjoog.com
  5. MOGADISHU, Somalia, 21 March 2021 – Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the gun shooting incident that resulted the serious injury of Goobjoog Media Group’s cameraman, Sharma’arke Abdinur Wehliye by a Somali police officer in Mogadishu on Saturday night 20 March. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU - Somalia’s government says it is making a commitment to conduct delayed presidential and parliamentary polls after the U.S. urged the leadership to hold transparent elections. On Friday, U.S. Secretary of State Antony Blinken said leaders should set aside “narrow political objectives” and “uphold their responsibilities to the people of Somalia.” Source: Hiiraan Online
  7. Odayaasha iyo Waxgaradka magaalada Badhan, ayaa markii u horraysay ka hadlay weerarkii Somaliland maalin ka hor ku qaadday Degaanka Shidan ee Gobolka Sanaag. Waxgaradka iyo Odayaasha ayaa ku baaqay in la difaaco dadka Rayidka ah ee ku nool Shidan, kadib markii Ciidanka Badda Somaliland ay halkaas ka gaysteen weerar sababay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac. Odayaasha ayaa sheegay in aysan jirin Nabad dambe oo laga wada-hadlaa, maadaama Somaliland ay jebisay Heshiiskii hore ee Nabadda Degaanka, islamarkaana si cad u weerartay Shacab aan waxba galabsan. Sidoo kale, Odayaasha ayaa sheegay in Shacabka Degaankaas laga difaaci doono weerarka Somaliland. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Odayaal ku baaqay in Shacabka Degaanka Shidan laga difaaco Somaliland appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacadahii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada heystay riwaayad laga sameeyay xaaladda dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warbaahinta Universal TV ayaa todobaadkaan sii deysay muuqaal aad ugu baahay baraha bulshada, waa qeyb ka mid ah sheekooyinka isbuuclaha ah oo ay soo daayaan. Sheekada Guuxa Dadweynaha ayey qeyb ka aheyd, waxaana qeybtaan loogu magac daray, Dalkaan haloo daneeyo, Hadii Kale..”. Riwaayadaan waxaa hormuud u ah nin dab wata kaas oo wixii talo ahaa inta diiday, xalka uu noqonayo iney la hadlaan beesha caalamka iyo UN-ka, taasoo si cad ay ugala jeedaan Farmaajo. Muuqaalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli beesha caalamka ay cadaadis xoog badan saareyso hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya, waxaana qoraalkii ugu dambeeyay oo maanta soo baxay lagu sheegay wada fariistaan kana heshiiyaan arrimaha doorashooyinka dalka. HALKAAN KA DAAWO:
  9. Waa khasab in madaxda maamul goboleedyada ay Muqdisho ku sugnaadaan” War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliya ay haatan doonayaan in la qabto doorashada. The people of #Somalia want elections now. @SaidAbdullahiDe @PresidentMadobe @MrQoorqoor @AliGuudlaawe @Laftagareen must stay in Mogadishu until an election agreement is reached. Failure is not an option. https://t.co/ORiVN4Mzfy — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) March 21, 2021 Mareykanka wuxuu madaxda maamul goboleedyada ‘ku amray in Muqdisho ay ku sugnaadaan tan iyo inta looga heshiinayo hannaanka doorashada ee Soomaaliya. Qaran News
  10. Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay Amniga Goobta lagu qaban doono Shirka Arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Francisco Madiera ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay mas’uul ka yihiin Amniga xarunta AFISYOONI ee Shirka lagu qabanayo. Ambassador Madiera ayaa caddeeyay in AMISOM ay dammaanad-qaad ka yihiin Xaqiijinta Amniga xarunta AFISYOONI Shirka ka hor iyo kadib, islamarkaana la dhammaystiray Shaqadii Guddiga Amniga u qaabilsan Shirka. Wuxu sheegay in AMISOM ay dhammaan dhinacyada kala shaqaynayso in Shirka AFISYOONI ku qabsoomo hannaan xasiloon iyo jawi ammaan ah oo lagu kalsoonyahay. PUNTLAND POST The post AMISOM oo si buuxda u dammaanad-qaadday Amniga Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweyne isu bedelay Hogaamiye Jabhad hubaysan+Sababta François Bozizé Jabhadaha doonaya inay la wareegaan xukunka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa u sheegay wakaalad warar oo laga leeyahay Faransiiska, in hogaamiyahooda uu yahay madaxweynihii hore, François Bozizé. Hogaamiyahan ayaa horay u beeniyay inuu ka dambeeyay kacdoonka bilowday dhammaadka sanadkii hore ee ay jabhadaha isbahaystay ku doonayaan inay xukunka uga tuuraan madaxweyne Faustin Archange Touadéra. Sanad ka hor markii uu Bozizé si qarsoodi ah ugu soo laabtay dalkiisa, ayaa dad badan waxa ay saadaaliyeen inuu dhibaato ka shaqeynayo. Bozize ayaa kamid ah dadka loo haysto dembiyada dagaal ee ka dhacay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, waxaana uu ku jiraa liiska cunaqabateynta Qaramada Midoobay isagoo lagu eedeeyay inuu taageeray maleeshiyaad ka qeyb qaatay dagaalkii sokeeye. Sababta aan illaa hadda loo qaban ayay dadka qaar ku sheegeen inay tahay in xukuumadda Bangui ay gacanta ku hayso keliya boqolkiiba 30 waddankaas, iyo in madaxweynaha hore uu taageero ku dhex leeyahay ciidamada. Xiisadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe Dowladda Jamhuuriyadda Afrika Dhexe ayaa dhammaadkii January ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, xilli ciidamadeed iyo kuwa Qaramada Midoobay ay la dagaallamayeen jabhado ku soo siqaya caasimadda Bangui, isla markaana doonaya inay la wareegaan awoodda dalkaas. Xooggaga dowladda la dagaallamaya oo hadda gacanta ku haya saddex meelood oo meel dalkaas ayaa hareereeyay caasimadda Bangui. Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyadda Afrika Dhexe ayaa ka digay in dalkaas uu “wajahayo xaalad khatar ah.” Jabhadaha ayaa diiddan natiijada doorashadii dhacday bishii Decembar oo uu mar labaad ku guulaystay Madaxweyne Faustin Archange Touadéra. Dowladda dalkaas ayaa ku eedaysay Madaxweynihii hore François Bozizé, oo laga horjoogsaday inuu u tartamo doorashadii 27-kii Disembar, inuu ka dambeeyo rabshadaha sii xoogeysanaya. “Waa la soo qaban doonaa, oo la maxkamadeyn doonaa kuwa ka dambeeya dembiyadan aan la cafin karin ee ka dhanka ah shacabka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe,” ayuu yiri Madaxweyne Touadéra oo dhanka kale ku baaqay dib u heshiisiin qaran. François Bozizé oo xukunka waddankaas qabtay 2003 afgembina looga tuuray 2013 ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay. Madaxweyne Touadéra ayaa ku guulaystay doorashada muranka dhalisay. Baaq ah kordhinta ciidamada nabad ilaalinta Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mankeur Ndiaye, ayaa sheegay in dalkaas uu khatar ugu jiro luminta guulihii laga gaaray xasilloonida. Waxa uu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu kordhiyo tirada ciidamada nabad ilaalinta, isla markaana loo oggolaado inay ka falceliyaan xaaladda amni ee faraha ka sii baxaysa. Inkastoo aanu ergayga shaacin cududa ciidan ee loo baahan yahay, ayaa haddana wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay ka soo xigatay hawlgalka Minusca in dalkaas u baahan yahay 3,000 oo askari oo dheeraad ah, diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca iyo xitaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran. , Ndiaye ayaa sheegay in tiro badan oo ciidanka dowladda ah ay faarujiyeen furimaha dagaalka, tababar xumo iyo qalab yari awgood. In ka badan 12,000 oo nabad ilaaliyayaal ah ayaa hadda ku sugan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Ka hor doorashadii Disembar, Rwanda iyo Ruushka ayaa waddankaas u diray ciidamo dheeraad ah si ay u caawiyaan dowladda. Faransiiska ayaa sidoo kale diray taakulo ciidan oo uu ku taageeray xukuumadda Madaxweyne Touadéra. Qaran News
  12. Laamaha Amniga Gobolka Gardafuu ee Puntland, ayaa gacanta ku dhigay saddex doonyood oo laga leeyahay waddanka, Yemen kuwaas oo kallluumeysi sharci-darro ah waday xeebaha Gobolkaas. Saraakiisha Amniga Gardafuu, ayaa laga soo xigtay in saddexda doonyood aysan xukuumadda Puntland ka haysan rukhsad kalluumeysi, sidaas darteedna ay sharci-darro ku jillaabanayeen. Doonyahan jariifka ah waxa saaran 45 shaqaale ah, kuwaas oo dhammaantood gacanta lagu dhigay, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada. Dowladdu waxay sheegtay in doonyaha iyo shaqaaalaha saaran loo gudbin doono magaalada Boosaaso, kadibna sharciga lagu qaadi doono. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay doonyo jariif ah appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Amisom ayaa qaaday tallaabo aan looga baran, ayada oo xiriir la sameysay qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada una damaanad qaaday amniga Teendhada Afisyooni oo maanta la filayo inuu ka furmo shirka arrimaha doorashada. Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu madaxdan kala hadlay amniga guud ee xarunta shirka iyo midka madaxda ka qeyb-gaeleysa shirka. Madeira ayaa sheegay in la dhameystiray farsamada iyo amniga kulanka oo ka dhex dhacaya xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, islamarkaana Amisom ay damaanad qaadeyso amniga kahor iyo kadib kulanka. “Waxaan jeclaan lahaa inaan u xaqiijiyo dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo qeybaha kale ee saamileyda in Amisom oo kaashaneysa saaxiibadeeda ay diyaarisay tallaaboyinka lagama maarmaanka ah ee xaqiijinaya in kulanka uu ku dhaco deegaan nabdoon oo la la sugay oo dhammaan dhinacyada ay ku dareemi karaan deganaan ay uga qeyb-galaan,” ayuu yiri Madeira. Tallaabada caadiga ah ee uu qaaday Madeira ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu isku dayayo inuu ciidamo badan geeyo garoonka, taasi oo walaac ay ka muujiyeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay wareysi siiyey BBC ayaa yiri ““Maxaaba shir laga qeyb galaa, meeshii aan u maleeynaynay inay amni tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamadaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febraayo weeraray Ma’ida iyo Airport-ka ee dadkii mudaaharadayay lagu qaaday.”
  14. Wasiir Dhabancad Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya u qaaddacday shirka arrimaha doorashada, oo sida qorshaysan maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay qoraal kooban soo saaray, ayaa sheegay in Puntland aysan ka qayb-geli doonin Shirka. “Ma jiro shir Dowladda Puntland og tahay ama ka qaybgalayso oo barri ka dhacaya Mogadishu.” Ayuu yiri wasiirka Mr Dhabancad, wuxu tilmaamay in la soo qortay ajande aan heshiis lagu ahayn, taasina ay keeni doonto fashil ku yimaada qabsoomidda Shirka. “In shir aan laga heshiin ajandihiisa la qorto waxay horseedi kartaa fashil ku yimaada qabsoomidda shirkii la rajaynayey inuu Xamar ka qabsoomo.” Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladda Puntland ay rajaynayso in dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ay ku heshiiyaan qabsoomidda doorasho wadar-ogol ah oo si nabdoon ku dhacda. PUNTLAND POST The post Puntland oo si rasmiya u qaaddacday shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – 20-kii sano ee ugu dambeysay siyaadda Soomaaliya waxey aheyd xarig isku dhiib, waxaana ka soo hana qaadayay Dimuqraadiyad curdan ah. Xukunka ayaa waxaa isu dhiibay oo si nabad ah u kala wareegay afar Madaxweyne oo mid kasta ilaaliyay dhaqanka xarig isku dhiibka iyo ilaalinta dastuurka ku-meel gaarka ah. Mudadaas oo ay Soomaaliya ku jirtay daganaanta siyaasadeed iyo doorashooyinka sida nabadgalyada ah ku dhaca, waxaa dalka ku soo dhiiraday wadamo badan oo dunida ah, kuwaas oo safaarado ka furtay Muqdisho, qaar kale ayaa dalka ka sameeyay maalin gelin sida Turkiga. Wadooyin, suuqyo, bankiyo, iyo hormar weyn ayey sameysay Muqdisho iyo qaar kamid ah gobalada dalka. 20 sano kadib dadka Soomaaliyeed wadnaha ayey farta ku haayaan. Ma jirin qof ku fikirayay in 2021 Madaxweyne Soomaaliyeed oo raadinaya dan gaar ah uu dalka gelin doono jawhareer siyaasadeed. Sidoo kale ma jirin filasho ah in maamul gobaleedyada dalka u kala safan doonaan mucaarad iyo muxaafad halkii ay aheyd in ay dalka ka saraan marxalada adag. Maamul goboleedyada dhibaatada dalka u horseeday ayaa ah kuwa markii horeba madaxdooda kursiga loo boobay, oo u abaal-gudaya ninkii kursiga u boobay. Khilaaf adag ayaa ka jira Soomaaliya waxaana kooxo isku aragti ah usii kala baxaya hay’adihii dowladda, maamul gobaleedyada dalka iyo baarlamaanka. Waxaa socoto kala jiidasho maamulada ah waxaana sidoo kale sii xoogeestay cabsida laga qabo in dalka ka dhacdo doorasho nabad-galyo ah. Caqabado badan ayaa ku hor-gudban shirka maanta la filayo in uu ka furmo Muqdisho loogana hadlo doorashada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudo xileedkiisa dhamaaday 40 cesho ka hor ayaa ka aamusan xaalada wadanka. Dhibaatada Soomaaliya kaliya ma ahan maareen la’aanta waqtiga kala guurka ah ee sidoo kale waxaa ka jira amni darro, abaaro xoog leh iyo cudurka Covid-19.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay falal amni darro ah oo maalmahii ugu dambeeyay kusoo badanayay dagmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo ay geysanayeen sida dadka qaar ay cabashadooda kusoo gudbiyeen burcad xiran dharka ciidanka dowladda. Dadka Muqdisho ayaa maalmahii ugu dambeeyay cabasho ka muujinayay dhaca loo geysto xilliyada habeenkii ah, iyadoo laga qaato Moobeelada iyo waxyaabaha ay markaas wataan, balse taliska Booliska ayaa ka hadlay. Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada kaga hadashay cabashada laga soo gudbiyay burcadda, waxeyna ugu baaqday shacabka iney taliska lasoo wadaagaan wixii dhibaato ah. “Iyadoo malmihii la soo dhaafay isoo gaareen cabashooyin la xiriir xatooyo moobile iyo dhib kale loo geeystay dhalinyaro Soomaliyeed waxaan mar labaad bulshada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa dagan Gobolka Banadir soo xasuusinaayaa in numberka 991 wacdaan hada la kuluntaan dhib si ay saraakiisha howlgalada isla markii ay wax ka qabtaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska. Zakiya Xuseen ayaa sidoo kale dadka qaar ee baraha bulshada ku baahiya cabashadooda ku eedeysay iney eedeynayaan saraakiisha Booliska, balse taas badalkeeda ay haboon tahay in hay’adaha amniga ay lasoo wadaagaan wixii ay tabanayaan si wax loogu qabto. “Wallow aan idinka mahad celinaaya inaad ila wadaagtaan cabashoiyinka waxaa xusid mudan in adigoo dhib la kulmay ka dib social media soo dhigtid iguna tag gareeysid (qaarkiina aflagaado igu sii dartaan) inaysan idinka xal idin noqoneeyn anagana naga lumineysa fursad aan wax uga qaban karno.” Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahii lasoo dhaafay qudhiisa hawlgallo ka fuliyay Muqdisho, waxeyna dagmooyinka qaar kusoo qabteen kooxo mootooyin dadka uga dhici jiray agabka ay wataan sida Moobeelada.
  17. Cape Town (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay boob iyo dhac loo geystay ganacsato Soomaali ah oo ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaasi oo kooxo burcad ah ay ka geysteen magaalada Cape Town ee dalkaas. Kooxda burcadka ah ayaa lagu soo waramayaa inay boobeen oo dhac u geysteen Gaari u rarnaa Ganacsato Soomaali ah, isla markaana sida dalab rooti ah xilli uu marayay waddo muhiim ah oo ku taal Xaafad ka tirsan magaalada Cape Town. Dhacdadaan ayaa qeyb ka noqoneysa boob iyo dhaca ay burcadka Koonfur Afrika ku hayaan ganacsatada Soomaalida, waxaana isasoo taraya walaaca iyo cabsid ay muujinayaan ganacsatadu, kadib markii ay billo gudahood ay dhaceen dilal iyo boob badan. Bilihii la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo batay dhibaatoyinka isugu jira dilka, dhaca iyo cago-jugleynta loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kamid ah kuwa ku ganacsada dalkaas. Waxaa dalkaas dil loogu geystay labadii bilood ee u dambeeyay Soomaali badan, ayada oo ganacsato kalena boob cad looga dhacay xoolahooda, waxaana inta badan la kulmaan weeraro dhac ah. Sidoo kale waxaa xusid mudan in tiradii ugu badneyd ee ganacsatada Soomaalida laga dilay sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-ka, kuwaasi oo ka dhacay deegaanada isku raranka ah ee hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaas. Ganacsatada Soomaalida ah ee Koonfur Afrika ayaa wajaha dilal iyo weeraro dhac oo bareer ah, mana jiro ilaa hadda wax cad oo ay ka qabatay dowlad dalkaas oo dhowr jeer ka hadashay dhibaatada ay burcadka ku hayaan ganacsatada, gaar ahaan kuwa Soomaalida.
  18. Xaalada Magaalada Muqdisho oo ay caawa soo caga dhigeen Ciidamo Maraykan ah waxaa lahadl hayaa sababta Ciidamadaan u yimaadeen Muqdisho. Waxaa muuqata in loo baqay Amaanka Guud ahaan ee Xeyndaabka Xalane laakiin lama oga xogta ay Maraykanku heleen oo keentay inay Ciidamo soo dhoobay Duleedka Muqdisho. Dhanka kale Ma jiro wax Shirka oo Muqdisho ka furmaya 22 bishaan, Shirkii ay waday Beesha Caalamka wali sidii ayuu u taagan yahay, walina lama cayimin wakhtiga uu dhacayo, kaliya waxaa socda qabanqaabadiisa, Qolada Villa Soomaaliya wali waa diidan yihiin kasoo qaybgalka Shirka waxayna taagan yihiin inay iyagu qabanayaan Shirka, taasna waa laga diidey, Xitaa inay Amaanka waxka sugaan oo ay dalbadeen ayaa laga diidey. Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxaa laga yabaa in Shirku uu bilowdo 25/3/2021 oo khamiis ah, waana Shirkii ay ku baaqeen Beesha Caalamku. Shirkii uu Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay in la isigu yimaado 22 maarso,Kaas walli lama hayo meel lagu badalay ama lagu baajiyay. Lamana oga goobta uu ka dhacayo iyo Cida kasoo qaybgalaysa, waxaa la xaqiijiyay oo kaliya in Teendhada loo diyaariyey in la isugu yimaado uusan wax Shirka ka dhacayn Isniinta 22/3/2021. Puntlandi.com Muqdisho The post Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Muqdisho” Wax Shir ah oo dhacayo ma jiro 22/3,2021 appeared first on . Source
  19. Wali waxaa taagan sida ay suuragal u noqonayso inuu shir ka furmo Xeyndaabka Xalane maalmaha soo socda, Safaarada Maraykanka oo caawa la xiriirtay Jubbaland iyo Puntland waxay balan qaadeen in Maraykanku uu qayb ka noqonayo dugsiga Amniga Xeyndaabka Xalane . Dhanka kalena Warsaxaafadeed kasoo baxay caawa Taliska Guud ee Amisom waxay lagu sheegay in Wadatashi ay la yeesheen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre kadib ay Amisom balan qaadeen sugida Amaanka Shirka inta uu socdo iyo kasoo qaybagalaashiisaba waakan hoose Warsaxaafadeedkii ee alhriso The post Warsaxaafadeed Amisom “ Anaga sugayna Amaanka Shirka” appeared first on . Source
  20. Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ay helayaan, Safaarada Maraykanka ayaa Masuuliyiinta Shirka Wadatashiga ka qayb galaya u sheegay caawa in Amaanka Shirka Wadatashiga ee lagu wado inuu beri ka furmi Muqdisho ay Maraykanku qayb ka ahaanayaan sugida Amaanka. Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu Qoraal ahaan ugu sheegay Beesha Caalamka inuu ka walwalsan yahay Amaanka goobta Shirku ka dhacayo sidaas awgeedna uu ka fiirsanayo ka qaybgalkiisa. Dhamaan ka qaybgalayaasha waxaa caawa lagu wargaliyey in Amaanka goobta Shirku ka dhacayo iyo kasoo qaybgalayaashaba ay ka shaqaynayaan Amisom oo kaashanayaan Ciidamada Maraykanka oo ay weheliyaan Ciidamo Soomaali ah oo aan ka amarqaadan Dowlada Federaalka kuwasoo caawa laga keenay Balidooglay. Hadalkaan ayaa yimid xili uu Shirku qarka u saaraa inuu gabi ahaan burburo, dhanka kalena wali hada si rasmi ah looma shaacin xiliga rasmiga ah ee Shirku furmayo Puntlandi.com Muqdisho The post War Deg Deg ah :- Maraykanka oo balan qaadey sugida Amaanka Shirka xili uu Shirku qarka u saaraa inuu baaqdo appeared first on . Source
  21. PRESS RELEASE African Union lauds Kenya’s court ruling against female genital mutilation The AU Commission has termed the decision a clear demonstration of the commitment by member states to preserve, protect and promote women’s rights through laws, policies and action ADDIS ABABA, Ethiopia, March 21, 2021/ — The African Union Commission, Women, Gender and Youth Directorate, has lauded a decision by the High Court of the Republic of Kenya, dismissing a case in which a medical doctor had challenged the prohibition of Female Genital Mutilation (FGM), arguing that it limited women’s choice and right to uphold their culture. The Court however on the 17th March 2021, ruled that the practice of FGM violates a woman’s right to health, human dignity and in instances when it results in death, the right to life, adding that the practice also undermines international human rights standards. The AU Commission has termed the decision a clear demonstration of the commitment by member states to preserve, protect and promote women’s rights through laws, policies and action. During the trial and ruling, several African Union treaties such as the Protocol to the African Charter on Human and Peoples’ Rights on the Rights of Women in Africa (Maputo Protocol on Women’s Rights), the African Charter on the Rights and Welfare of the Child (https://bit.ly/3f0u50t), together with other international instruments including the Convention on Elimination of All Forms of Discrimination against Women; and the Beijing Declaration and Platform for Action, were referenced to validate the retrogressive nature of FGM and the need to protect women and girls rights. The medic, Dr. Tatu Kamau, had challenged the constitutionality of the Prohibition of Female Genital Mutilation Act arguing that Sections of the Act contravene Articles of the Kenyan Constitution, by prohibiting an adult woman from freely choosing to undergo FGM under a trained and licensed medical practitioner thereby denying women access to the right to healthcare. She had claimed to speak on behalf of communities that practice female circumcision and, for the women who have been jailed for carrying out the rite. In dismissing the petition, the judges, Justice Lydia Achode, Kanyi Kimondo and Margaret Muigai, also directed that the Attorney General forwards proposals to the National Assembly of Kenya to consider amendments to the Prohibition of Female Genital Mutilation Act, with a view to prohibiting all harmful practices of FGM to protect vulnerable members of society including young girls and women. This Petition was lodged in 24th July 2017. Ms. Victoria Maloka, the AUC Acting Director for Women, Gender and Youth, observed that the ruling serves as an enforcement of existing commitments to gender equality, moving from commitments to action. “In 2019 when Saleema (https://au.int/fr/node/35892), the African Union Initiative on Eliminating Female Genital Mutilation was launched, it was by design aimed at galvanising political action to accelerate the elimination of the harmful practice and complement all the existing policies we have advanced as the African Union in treaties and various initiatives. We are excited to see the judiciary coming in to say we will not allow African women and girls to be subjected to these dreadful practices under any circumstance. The ruling is not only a win for Kenya, but for all African women and girls. It is very encouraging and is very much aligned to the AU Strategy for Gender Equality and Women’s Empowerment” (https://bit.ly/3lCL8qA), she stated. The Saleema Initiative aims to strengthen political action to enforce strong legislation, increase allocation of financial resources and strengthen partnerships to end female genital mutilation, particularly within communities most impacted by the harmful practice. More than 50 million girls in Africa under the age of 15 years are at risk of being subjected to female genital mutilation by 2030, if concerted action is not taken to end the harmful practice. Investing in girls and women remains a central part of Africa’s Transformative Agenda 2063, whose Aspiration 6, calls for ending all forms of gender based violence, including female genital mutilation. The Kenyan trial had enlisted witnesses in various categories of medical evidence, survivors, perpetrators and those in anti-FGM advocacy. Medical experts testified on how FGM increases risks associated with women’s reproductive and sexual health and how women who undergo the cut are more susceptible to infections and sexually transmitted diseases as well as increased risk of child and maternal mortality. Details of how the removal or damage to healthy genital tissue interferes with the functioning of the body and causes several immediate and long-term health consequences such as bleeding, severe pain, shock, infection, septicemia, urine retention, anaemia, cysts, keloids, vulval abscess, clitoral neuroma, infertility, reproductive tract infections, acute and chronic pelvic infection, fistulae, incontinence, vaginal obstruction and ulcers, were laid before the court. The medics also stated that women who have undergone FGM, as they grow older, may develop psychological conditions including but not limited to feelings of incompleteness, loss of self-esteem, depression, chronic anxiety, phobias and even psychotic disorders. Survivors also recounted harrowing experiences on how girls from as early as the ages of 3 to 10 years, were subjected to the rite under duress and how failure to undergo the cut subjected one to ridicule, stigmatization and risks of being ostracized. One narrated of how she had suffered intense pain while carrying out regular biological functions after the cut and how upon marriage, the stitches in her private parts were removed which caused her excruciating pain. She recounted the difficult and prolonged labour during her pregnancies that resulted in undergoing a caesarian delivery at an added medical cost. Another spoke of the trauma she experienced long after undergoing the cut, accompanied by nightmares, anxiety and panic. She shared on how she still suffers from incontinence and how FGM prejudiced her intimacy with male partners. Local leaders, similarly weighed in on how women from communities that practiced FGM lagged behind compared to other women from non-cutting communities. They testified that after the cut, women are encouraged to marry, remain at home and bear children unlike their peers in non FGM communities who are encouraged to continue their education and compete on national, regional, and international stages. Young men of high standing in the communities, equally complemented the call to completely shun the harmful practice, highlighting the relevance and impact of the awareness and sensitization efforts by community elders and women on the dangers of FGM. Through awareness, some communities have also abandoned other harmful cultural practices like ear piercing and removal of the two front teeth at infancy, they testified. The three-judge bench recognised the right to health and to the enjoyment of the highest attainable standard of physical and mental health as entrenched in Article 16 of the African Charter on Human and People’s and the African Charter on Women’s Rights (Maputo Protocol), which expressly provides for the right to health of all women and the promotion and respect of women’s sexual and reproductive health. The ruling dictated that decisions on violation of constitutional rights should not be made in a factual vacuum as such an attempt would trivialize the Constitution and inevitably result in ill-considered opinions. The judges therefore ruled that the Petitioner had failed to demonstrate that her ability to exercise the fundamental right had been infringed, and that the said infringement or conduct is not justifiable in a modern democratic state. Distributed by APO Group on behalf of African Union (AU). SOURCE African Union (AU) Qaran News
  22. Caawa makhrisbkii waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho loo xiray Ciidamo Maraykan ah oo lagoo soo daabulay Bali dooglay iyo Markab Dagaal oo Xeebaha Soomaaliya jooga, Mudo laba saac ah ayaa Garoonka gabi ahaan Xiraa oo ay Ciidamadaan soo degayeen, sida ay Puntlandi.com u Xaqiijiyeen Dhaqaalaha Garoonku. Ciidamada waxaa wheheliya Ciidamo Soomaali ah oo ka Amar qaata Maraykanka oo laga keenay Bali Dooglay halka Ciidamo Marines ka Maraykanka ah ay kasoo duuleen Markab Dagaal oo Bada yaal kuwasoo dhowrjeer kusoo degay Helikobtarada waaweyn. Arintaan wuxuu muujinayaa in Beesha Caalamku ay hada ku baraarugeen in Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey ay ka go’antahay inuu awood Ciidan isku dayayo inuu Xukunka kusii joogo, Mucaaradka ayaa dhowrjeer ka digay arintaan balse Beesha Caalamku waxay baraarugeen kadib markii Villa Soomaaliya ay shalay makhribkii Ciidamo soo dhoobtay meel aan ka fogayn Goobta Shirku ka dhici lahaa. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka wuxuu la hadlay Ergayga Gaarka ah isagoo uga digay in aan la dhayalsan Xaalada hada taagan wuxuuna Deni uu Beesha Caalamku ku canaantay inay iska indha tirayaan khatarta kasoo socota damaca Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey. Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Isaguna saaka la hadlay Safiirka Maraykanka wuxuuna uga digay in ay Ciidamada La adeegsanayo ay abuuri doonaan Dagaal ka qarxa Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha. Beesha Caalamku waxay caawa kulan la qaateen Masuuliyiin ka socda Xafiiska Raysal wasaaraha iyo kan Madaxweynaha kulankaas ka dhacay Xalane wuxuu ku saabsanaa Amaanka Shirka, Xogta aan helnay, Villa Soomaaliya waxay Dalbadeen in Shirka ay faraha kala baxaan Beesha Caalamka loona daayo Soomaalida dhexdeeda, Laakiin Arinkaas waa laga diidey waxaana aakhirkii la isla meel dhigay in Amaanka Shirka ay gacanta ku hayaan Amisom, Madaxda Soomaalidana aysan Ciidan iyo hub toona lasoo gali karin Afisyooni. Villa Soomaaliya Way aqbaleen soo jeedintaas. Xaalada Magaalada Muqdisho iyo gabi ahaan Xaalada Xalane ayaa hada isbadashay, Ciidamada Maraykanka ee Caawa kasoo degay Magaalada waxay muujinaysaa in Amnaakii uu faraha ka baxay Dalkuna uu dib ugu noqdey 12 Sano kahor meeshii la joogay. Puntlandi.com Muqdisho The post Maxaa sababay in Ciidamadii ugu badnaa oo Maraykan ah ay caawa kasoo Degaan Muqdisho 30 sano kadib appeared first on . Source