-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka. Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo. Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka. Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku dhiirrigeliyey Xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka in ay si daah furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey. DHAMMAAD View the full article
-
Wajaale Ciidanka Dab-demiska Wajaale ayaa habeenimadii xalay damiyay Dab weyn oo qabsaday Meherado ganacsi iyo guryo ku yaalla daanta Itoobiya ee magaalada Wajaale. Meheradahan goobtaa ganacsi ku yaallay ayaa tiradoodu ahayd 14 Meheradood , waxaana dabku gaadhay 4 ka mida, halka ciidanka Dab-demisku dabkaas ka xakameeyeen 10 kii Meheradood ee kale. Sidoo kale iyadoo hawlgalka lagu jiro ayaa ciidanku damiyeen laba guri oo kale dab ka kacay, Ilaahay Mahadiina dhamaan Hawlgaladaas way ku guuleysteen ciidamadu, iyagoo adeegsanaya xirfadda la dagaalanka dabka. Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu dabkaasi sababay. Sababta dhalisayna waxaa gacanta ku haya laamaha baadhista ku shaqada leh. Maamulka degmada Wajaale qaybta Itoobiya oo ay ugu horeeyaan Mayorka iyo Mayor xigeenka magaaladaas ayaa ciidanka kala qayb qaatay hawlgalkaa lagu daminayay meheradahaas ganacsi. Qaran News
-
Maalintii labaad waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Afisyoone shir ku yeeshay dowladda federaalka, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, waxaana shirkaas weli bannaanla ka jooga Puntland iyo Jubaland. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka. Kusimaha guddoomiyaha guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha ay ka soo saareen guddigu shirkii talo-soojeedinta arrimaha farsamada doorashooyinka ee magaalada Baydhabo ka dhacay 15-16 Febraayo. Guddiga ayaa la wadaagay madaxdii ka qeybgashay shirka nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey. Guddiga farsamada doorashooyinka waxaa ka maqnaa xubnihii matalayay Puntland iyo Jubaland. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xubnaha guddig heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystirayo qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka. Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha gowlad goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku dhiirrigeliyey xubnaha guddiga darsamada arrimaha doorashooyinka in ay si daahfuran ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey. PUNTLAND POST The post Shirka Muqdisho ee Puntland iyo Jubaland dibad jooga ka yihiin, maxaa looga hadlay maanta? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shaaca ka qaaday walaaca ay ka qabaan kala qeybsanaanta shirka wadatashiga ee ka socda teendhada Afisyoone ee Muqdisho, islamarkaana ay isha ku hayaan khilaafyada lagu xalinayo arrimaha doorashooyinka. Shirkan oo ay diideen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa u dhaxeeya Farmaajo iyo madax goboleedyada taabiciyiinta ah. Moussa Faki ayaa sheegay arrintan ay walaaca ugu weyn ka qabaan maadaama la sheegay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada aysan u dhameyn ka qeybgalka shirka la rabay inuu ka qabsoomo Afisyooni. Gudoomiyaha guddiga midowga Afrika ayaa ku booriyay dhinacyada iney u midoobaan arrimaha taagan ee lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka laguna jaangoynayo heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho. “Waxaan xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika inay sii wadaan taageerada ay siinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee ku aadan rabitaankooda ah in si deg deg ah loo abaabulo doorasho nabadeed oo hufan,” ayuu yidhi Moussa Faki. Goor sii horreysay oo maanta ah ayaa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxa ugu baaqday Farmaajo inuu xaqiijiyo in si buuxda looga wada-qeyb galo shir madaxeedka doorashada, islamarkaana uu dhameystiro heshiis doorasho, halka ay madax goboleedyada ugu baaqday inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruudo hordhac hor-dhigin. “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeystiro heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin,” ayaa lagu yiri qoraalka. Maalintii labaad ayey teendhada Afisyooni shir hal dhinac ah ku leeyahiin madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, saddexda maamul ee taageersan dowladda federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaan wali kasoo qeybgalin shirka oo maalintiisii labaad galay, waxaana jirta in beesha caalamka ay xalay dalbadeen in maalmo dheeri ah lasiiyo si ay tabashooyinka jira u xaliyaan.
-
Wasiirka gaashaandhiga dowladda Talyaaniga Guerrini Lorenzo ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho. Guerrini Lorenzo, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiiru-dowlaha gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xagaa oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka Xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Axmed Cabdi Kooshin. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo wasiirka difaaca Talyaaniga ayaa si wadajir ah waxay salaam ugu qaataan cutubyo ka tirsan ciidmada Soomaaliya, waxaana ciidmadu ay goobta ka qaadeen astaamaha qaran ee dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga. Wasiirka gaashaandhiga dowladda Talyaaniga iyo mas’uuliyiintii soo dhaweysay Soomaaliya ayaa kulan wada qaatay, kaas oo looga hadlay xiriirka labada labada dowladood, waxaana intii kulanku socday khadka taleefanka ugu qeybgalay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo howlo shaqo ugu maqan dalka dibadiisa. Guerrini Lorenzo wasiirka difaaca Talyaaniga ayaa sheegay in uu Soomaaliya uu u yimid in uu sii xoojiyo xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dalka ka dhexeeya. Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee dhanka ciidanka iyo horumarinta kale ka taageera dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir Talyaani ah oo yimid Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Source
-
Madaxweynaha Maraykanka oo Cunaqabateyn ku soo rogay,Shatigii Ganacsina kala noqday Maalqabeenka u shashay Isra’iil+Sababta Dan Gertler, oo ku sugan dalka Congo 2012, Maamulka madaxwayne Biden ayaa dhawaan cunaqabateyn dib ugu soo rogay ganacsadaha u dhashay Israa’iil, Dan Gertler, oo lagu eedeyay musuqmaasuq baahsan oo la xiriira macdanta uu qaniga ku yahay dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo. Wariye Franz Wild ayaa ka warbixinaya sida uu ninkan ku soo shaacbaxay iyo isbaheysigii uu la lahaa madaxwaynihii hore ee Congo, Joseph Kabila, oo xitaa u arka in uu yahay diblamaasi reer Congo ah. Markii hore ee ay Mareykanka cunaqabateynta ku soo rogeen maalqabeenkan ka ganacsada macdanta, sannadkii 2017, waxaa uu qabsaday qareenkii madaxwayne Donald Trump si liiska cunaqabateynta looga saaro. Cunaqabateynta ayaa lagu soo rogay ka dib markii lagu eedeeyay in xiriir musuqmaasuq uu la leeyahay madaxwaynihii hore ee Congo, Joseph Kabila. Kabil ayaa la sheegay in uu gacan ka siiyay in Gertler uu dhaqaale badan ka sameeyo macdanta noocyadeed kala duwan, balse labadaba way beeniyeen eedeeynta loo soo jeediyay. Afhayeen u hadlay Mr Gertler ayaa sheegay in eedeeymahan “si aan xaq ahayn oo qalad ah dusha looga saaray. Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray “ma jirto cadeyn lagu kalsoonaan karo oo eedeeyntooda taageeraysa”. Cafiskii Trump Muddo 20 sano ah ayuu Gertler, oo 47 sano jir ah, uu ku noqday mid ka mid ah ganactada ugu awoodda badan dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo. Waxaa uu leeyahay awood ay shirkadiisa wayn ay fursad ugu heshay in ay macdan ka qodo dalka Kenya. Macdantaasi waxaa ka mid ah dahab, dheyman iyo noocyo kale. Gertler waxaa uu sidoo kale noqday diblamaasi muhiim ah oo matala Mr Kabila. Markii uu qabsaday qareenkii Mr Trump Alan Dershowitz ayaa sidoo kale guul u soo hoyatay. Maalmihii u dambeeyay ee xukunkii maamulkii Mr Trump oo shati siiyay Gertler, taasi oo u suuragalisay in uu helo lacagihii laga xannibay ee taalay bangiyada, muddo sanad ah. Hasa yeeshee, Bishii March, waxaa isbadal degdeg ah ku dhacay hantidiisa. Ka dib muddo ay qaaylo wadeen qaar ka dadka u ololeeya la dagaalanka musuqmaasuqa, Aqalka Congreska Mareykanka iyo saraakiil horey uga tirsanaa wasaarada arrimaha dibada, wuxuu Gertler noqday tusaalihii ugu horeeyay ee ahaa balanqaadkii Mr Biden ee la dagaallanka musuqmaasuqa caalamiga ah. Maamulka madaxwayne Trump ayaa ka dib kala laabtay Gertler shatigii ama leysinkii uu siiyay. “Shatigii la siiyay markii hore, ma ahayn mid la jaanqaadi karay siyaasadda adag ee arrimaha dibadda ee Mareykanka, ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee guud ahaan caalamka,” waxaa sidaasi sheegay afhayeenkii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price. Waxaa uu intaa ku daray in Gertler “uu ku lug lahaa musuqmaasuq ballaaran”. Qareenkiisa oo lagu magacaabo, Dershowitz ayaa cabasho ka muujiyay shatiga lagala noqday inuu ahaa “mid hal dhinac ah,” iyada oo aan Gertler fursad loo siin in uu is difaaco. Awoodda iyo galaangalka ninkan ganacsadaha ah uu isticmaalayo iyo cunaqabateynta waxaa lagu xusay bayaanka. Cunaqabateynadan ayaa ahaa kuwa lagama maarmaan ah “si looga hortago musuqmaasuq, loona hormariyo xasiloonida dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo,” ayuu yiri Mr Price. “Mareykanka way sii wadi doonaan la xisaabtamidda dhiinacyada ku lugta leh falalka musuqmaasuqa, anaga oo adeegsanayn dhammaan kaabayaasha aan haysano, si loo hormariyo dimuqraadiyadda loona xoojiyo heerka caalamiga ah, laguna soo rago ciqaab la taaban karo kuwa doonaya in ay laalaan.”ayuu intaa ku daray. Dalka Congo waa dal qai ku ah macdanta noocyadooda kala duwan Dalka Congo, Mr Gertler wuxuu ka yahay dilaal u dhaxeeya shirkadaha caalamiga ah iyo dalka, waxaa uuna maareeye ka noqday shirkado isaga oo matalaya Kabila, sida lagu sheegay cunaqabateynta Mareykanka. Maadaama uu madaxwayne Felix Tshisekedi, madaxwayne ahaa tan iyo 2019, waxaa meesha ka baxaya awoodihii Kabila ee siyaasadda, waxayna Mareykanka doonayaan in la xaddido awoodda ganacsadahan u dhashay Israa’iil. Taageeradii Buush ee uu helay Kabila Gertler oo ah nin si aad ah u xiiseeya oo jecel kubadda cagta, waxaa uu ka soo jeedaa qoys guulo ka gaaray ka ganacsiga Dheemanka oo fadhigoodu yahay magaalada Tel Aviv. Mr Gertler ayaa markii ugu horeysay tagay dalka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo sanaddii 1997, wax yar uun ka dib markii uu Mr Kabila aabihii Laurent-Desirée, uu xukunka la wareegay. Sanadkii 2000, markii uu dagaalka sokeeyay ka qarxay dalkaas, taasi oo halis galisay in awoodda iyo xukunka Kabila meesha ay baxaan, ayuu Gertler u ballanqaaday malaayiin doolar. Sida lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay, in lacagta iyo hub ay heleen ay ahayd labada arrimood ee xukunka ku sii hayay qoyska Kabila. Waxaa Gertler, loogu abaalguday in kaligii uu ka faa’ideysto oo uu dhoofiyo Dheeymanka uu dalkaasi Congo qaniga ku yahay. Wuxuu helay kalsonida wiilka dhalinyarada ah ee Kabila, ee xukunka la wareegay ka dib markii aabihii la dilay 2001. Xilligaas oo uu dagaal kula jiray dalka Rwanda ee ay xulufo ahaayeen Mareykanka, ayaa hoggaamiyaha da’da yar waxaa uu magaaalda Washington u diray Gertler si uu madaxwaynihii xiligigaasi, George W Bush, taageero uga codsado. Ka dib wadaxaajoodyo dheer, ganacsadahan wuxuu maamulkii Bush kula heshiiyay in ay taageeraan taageero madaxwayne Kabila, taasi oo waddada u xaartay heshiis ay gaareen dhinacyadii dagaallamayay iyo xukuumaddii Mr Kabila. Mr Gertler ayaa ka dib noqday wakiilka Congo ee Israa’iil waxaana la siiyay baasaboor Dublamaasiyadeed. ‘$100 milyan ee laaluushka’ Shirkado uu maamulo Gertler ayaa bilaabay in ay helaan shatiyo u damaanad qaadaya ka ganacsiga macdanta Congo. Waxaa uu marar badan caawiyay shirkado caalami ah sida Glencore iyo Och-Ziff Capital Management, waxaa uuna maalgalin xoogan ku sameeyay mashaariicda macdanta isaga oo jaabka ku shubtay faa’ido badan. Madaxwayne Joseph Kabila (Midig) waxaa uu awoodda ku wareejiyay Felix Tshisekedi (bidix) January 2019 Ka hor inta aysan maalgalin shirkadda Och-Ziff, Gertler, waxaa ay dib u eegis ku sameysay qaabka uu ganacsigiisa u qabto. “Waxaa uu doonayay in galaangalka uu ku [Mr Kabila uu u isticmaalo sidii shirkadan ku heli lahayd heshiiska, waxaana lagu eedeeyay xilligaas Mr Gertler in uu bixiyay ugu yaraab $100 milyan oo dollar oo laaluush ah. Eedeyntan ayaa waxaa beeniyay Mr Gertler denies. Waxaa uu noqday mid ka mid ah maalqabeenada Israa’iil, waxaa uuna guriyo dabaqyo ah ka dhistay xaafad ay dadka saboolka ah ku nool yihiin oo ku taalla duleedka magaalada Tel Aviv. Qaran News
-
NAIROBI, KENYA -- Five people, including four children, died in a suspected stampede during a public viewing of the body of former Tanzanian President John Magufuli over the weekend, as regional leaders joined Tanzanians to pay their last respects to the controversial leader. Source: Hiiraan Online
-
Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa goordhaw war ka soo saartay shirarka hor dhaca ah ee magaalada Muqdisho ka socda . Qoraal barta Twitter-ka Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho la soo dhigay ayaa loogu sheegay Madaxweeynayaasha Maamul gobaleedyada Dalka In ay si bilaa shuruud ah kaga qeyb galaan shirka . Warka ayaa lagu yiri ” Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu hubiyo kaqeybgal dhameystiran ee shirka ah iyo in heshiis laga gaaro doorashada. Waxaa kale oo ku boorineynaa Madaxweyneyaasha Madoobe, Deni, Qoorqoor, Lafta gareen iyo Guudlaawe waa iney ka qeyb galaan shuruud la’aan.” Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxdii kale ee shalay tegay Teendhada Afisyooni, ayaa maalintii 2aad kulan ku leh halkaasi. Kulankan oo aan saxaafada lagu casuumin ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan madaxda dowlada federalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka. Wararka qaar ayaa sheegaya in warbixin looga dhagaysan doono kulanka maanta taliyaha ciidanka Booliska Gen Xijaar ,uuna ku soo bandhigo shaxda amniga doorashooyinka. Sidoo kale kulankan oo qorshuhu ahaa in dhammaan madax goboleedyada ka soo qeybgalaan ayaa waxaa qaadacay maamullada Puntland iyo Jubbaland. Arrintani ayaa uga sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka ee dhacaya sanadkan 2021-ka. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo waxay sheegayaan inuu jiro wada-hadal u dhexeeya dowladda federaaalka iyo wasiirka amniga ee Jubbaland Cabdirashid Janan, kaas oo la doonayo in xal looga gaaro dagaalladii labada dhinac ku dhexmaray degmada Beledxaawo. Cabdirashid Janan ayaa xaqiijiyay in wada-hadallo uu u socda isaga iyo dowladda balse wax heshiis aanan weli la gaarin. Horraantii sanadkan ayay markii Beledxaawo uu ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka amar qaata Janan iyo ciidamada dowladda federaalka. View the full article
-
Garowe (PP News Desk) — As the rainy season approaches Suldan Saeed Garase, an influential Puntland traditional leader, reminded Puntland authorities of the impact rains can have on the Garowe-Bosaso road. “The Midgar valley near the Garowe-Bosaso road will be further damaged by floods if authorities don’t take necessary renovation steps. Cars and lorries take turns to drive along the road near Midgari Valley. Authorities do not seem to be alive to the poor condition of the road. ” said Suldan Garase in Garowe where he met businessmen and officials from the district administration. Suldan Garase: “Puntland authorities do not seem to be alive to the poor condition of Garowe-Bosaso road”. Rain water that collect in Midigar Valley comes from Bura’o and pass through major water courses in Nugaal Valley to meet the sea of the Indian Ocean. Garowe-Bosaso road has yet to undergo major renovation since the end of landmark infrastructure project funded by the former Italian Aid Fund before 1991. President Deni laying the foundation stone of the Garowe-Bosaso road renovation project back in 2019 “Puntland State Government does not attach any importance to the need to renovate Garowe-Bosaso road. It was left out of infrastructural renovation projects funded by the European Union” said Adan Mohamud Kheyr, a businessman in Bosaso. In 2019 Puntland President Said Abdullahi Deni inaugurated a project to renovate the Garowe-Bosaso road. Puntland Government commissioned China Civil Engineering Construction Corporation Limited (CCECC) to carry out the renovation project, but it has not been implemented so far. Travel time and haulage cost soar during the rainy season due to the poor condition of Garowe-Bosaso road. There is a hope that Suldan Garase’s call for action may create a sense of urgency to deal with infrastructural inadequacies in parts of Puntland. © Puntland Post, 2021. The post Suldan Garase Raises Alarm Bell Over Poor Condition of Garowe-Bosaso Road appeared first on Puntland Post.
-
Caqbado dhinaca kabaha oo haystay akadeemiyada Itaal FC sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baahidooda ka jawaabay Maamulka iyo macallimiinta naadiga Som United ee ka dhisan magaalada Stockhom ee dalka Sweden,iyagoo sanadihii laga soo gudbay labada dhinaca ay bilaaweyn wada shaqeyn iyo horomarinta da’yarta Itaal FC ee ka dhisana Magaalada Muqdisho. “Waan u mahadcelinaynaa Maamulka iyo Macallimiinta kooxda Som United sida wanaagsan ay noo garab taaganyihiin,waxaan ka rajaynaa intaas iyo ka badan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay macallinka Akadeemiyada Itaal Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) In badan oo ka mid ah ciyaaryahan Itaal FC ayaa mustaqbalka ku haminaya in ay meel wanaagsan ka gaaraan xirfadda kubbadda cagta,waxaana Maamulka sare ee naadiga Som United ay balan-qaadeen in ay diyaar u yihiin garabsiinta iyo guulaha akadeeemiyada Itaall FC oo loo diyaarinayo horomarka kubbadda cagta Soomaaliya mustaqbalka soo socda. “Waxaan diyaar u nahay horomarinta akadameeyida Itaal,waxaan u mahadcelinaynaa macallin Aweys Aar sida wanaagsan uu iskugu xilqaamay horomarinta da’yarta soo koraysa,Som United way ka go’antahay dhiirigelinta iyo horomarka Itaal” ayuu Goobjoog Sports ugu wramay Macallin Haatun Cabdiqaadir Daahir oo ah tababare kooxda Da’yarta Siom United ee ka dhisan dalka Sweden. Daawo Warbixin Ku Saabsan Qalab Wareejinta Som United ee Itaal FC Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Som United Som United Oo Qalab isboorti Ku wareejisay Akadeemiyada Itaal W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2332021-2.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ayaa farriin culus oo ku aadan is-mari waaga siyaasadda Soomaaliya u dirtay madaxweynaha waqtigu uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada. Safaaradda ayaa ugu baaqday Farmaajo inuu xaqiijiyo in si buuxda looga wada-qeyb galo shir madaxeedka doorashada, islamarkaana uu dhameeyo heshiis doorasho, halka ay madax goboleedyada ugu baaqday inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruudo hordhac hor-dhigin. Qoraalka Mareykanka ayaa yimid kadib markii shirkii Afisyoone ee shalay lagu ballansanaa uu qabsoomi waayey, kadib markii ay diideen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayada oo ay ka qeyb galeen kaliya Farmaajo iyo madaxweynayaasha taabiciyiinta ah. “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeeyo heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin,” ayaa lagu yiri qoraalka. We urge @M_Farmaajo to ensure full participation in the summit and conclude an elections deal. We urge @SaidAbdullahiDe @PresidentMadobe @MrQoorqoor @AliGuudlaawe @Laftagareen to participate without preconditions. https://t.co/eT9OSTVUkP — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) March 23, 2021 QM ayaa qoraal ay xalay soo saartay niyad-jab kaga muujisay shirka ayada oo ay sheegtay inay sii socon doonaan wada-hadallo hoose, ka hor inta aan shir buuxa la isugu iman. “QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka Septembe,” ayaa lagu yiri qoraalka QM. Qoraalka Mareykanka ayaa u muuqda canaan kale oo loo diray madaxda Soomaalida, ayada oo qoraal kale oo soo baxay 21-kii bishan loogu sheegay madax goboleedyada inaysan Muqdisho ka bixi karin illaa heshiis laga gaaro. “Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda ah. Saciid Cabdullahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Kaariye Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen waa inay joogaan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaaro. Fashilku ma ahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee 21-kii March.
-
(SLT-Jigjiga)-Salaad Roob doon ah ayaa maanta laga tukaday magaalada Jigjiga, iyadoo shacab aad u badan isugu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee Jigjiga. Maamulka u sarreeya Golaha Arrimaha Islaamka ee DDS, Culimada degaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jigjiga ayaa kamid ahaa dadkii isugu soo baxay si ay u tukadaan salaaddan Ilaahay lagaga baryayo si uu abaarta uga dulqaado dadka iyo duunyada, isla markaana Ilaahay u keeno roob khayr qaba. Salaaddan roob doonta ayay dadku tukanayaan iyadoo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dhammaan degaanka laga soomanaa, maantana ay dadku banaankan isugu soo baxeen si Alle u baryaan, abaartana ugu badalo roob lagu qabowsado. Guud ahaan degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka jirtay abaaro iyo roob yari, iyadoo meelo aad u yar maalmihii u dambaysay laga soo sheegayay roob aan sidaa u badnayn. Source
-
Aaden Aw-Xirsi oo horay mar usoo noqdey Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ee Jubbaland hadana ah mid kamida Raga Madaxweyne Farmaajo u Xil saartay Gobolka Gedo ayaa beeniyey in Cabdirashiid Janan uu Wadahadal kula jiro Dowlada Federaalka, isagoo Arinkaas ku tilmaamey mid aan Macquul ahayn. Aaden Awxirsi wuxuu sheegay in Dad aan Caqli lahayn ay warkaas wareejinayaan isla markaasna uusan Janan la heshiin karin DF isagoon ogolaansho ka heysan Kenya. Wasiir hore Aaden Aw-Xirsi Qoraal uusoo dhigay Twitterka ayuu ku yiri sidaan hoose Kuwa caqliga xun ee ku qanacsan in Cabdirashiid Janan uu isu dhiibayo Dowlada Fedederaslka, Cabdirashiid Janan meelna uma dhaqaaqi karo hal tilaabo haddii uusan ka helin ogolaansho toos ah Sirdoonka Milatariga Kenya., Ilaa Farmaajo & Kenyatta ay mar kale saaxiibo , wax wanaagsan kama dhici doonaan Saddex-xagalka. waakan Qoraalka oo uu English ku qoray Hadalkaan kasoo yeeray Aaden Aw-Xirsi ayaa u muuqda laba Arimood midkood 1- Sida Aaden sheegayo iney jirto oo uu warkaan been yahay 2- In uu isagu (Aaden Awxirsi) ka xunyahay in Janan iyo Farmaajo heshiiyaan, oo uu ka cabsi qabo in Janan uga saameyn bato Gobolka, Aaden Awxirsi wuxuu hada kamid yahay raga Farmaajo u xilsaartay Arimaha ka socda Gobolka laakiin hadii Cabdirashiid Janan yimaado oo isasoo dhiibo, Aaden awxirsi daaqada ayuu ka baxayaa, waana tan walwalka ku heysa. Xalay oo Isniin ahayd ayaa waxaa suuqyada Baraha Bulshada waxaa soo galay in Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan loo kala dabqaaday oo ay waannwaan u socoto, laakiin labada dhinac midna ma cadeyn. Puntlandi.com Kismaayo The post Aaden Aw-Xirsi “ Cabdirashiid Janan meelna uma dhaqaaqi karo hal tilaabo haddii uusan ka helin ogolaansho toos ah Sirdoonka Milatariga Kenya” appeared first on . Source