-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The United Nations Population Fund Arab State Regional Office mourns late Egyptian writer Nawal Al Saadawi CAIRO – 23 March 2021- The Regional Director of the United Nations Population Fund for the Arab States, Dr. Luay Shabaneh, expresses his deep condolences on the loss of the late Egyptian Writer Dr. Nawal Al Saadawi. Al Saadawi was known for her tireless efforts in defending human rights, especially women and girls’ rights, and in combating female genital mutilation. Her continuous struggle had a great impact on the march for defending the rights and empowerment of women and girls. She won local, Arab and international recognitions and appreciation. Qaran News
-
Gantaalaha Kuuriyada Waqooyi Warbaahinta Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku warrantay, in Kuuriyada Waqooyi ay dhammaadki todobaadki hore tijaabisay ugu yaraan laba gantaal oo ah nuuca riddada gaaban. Wargeyska Washington Post oo marki ugu horreysay warbixintaan faafiyay ayaa sheegay, in gantaalladaasi ay ahaayeen kuwi ugu horreeyay ee ay xukuumadda Pyongyang riddo ku dhawaad muddo hal sano ah. Ma jirto faah-faahin ku aadan nuuca saxda ah ee gantaallada, goorta la tuuray iyo inta ay la egtahay fogaanta ay gaareen. Sidoo kale ma jirto war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha dhanka difaaca ee dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed oo ku aadan gantaalladaasi la sheegay in ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi. Hase ahaatee, haddii si rasmi ah gantaalladaasi loo xaqiijiyo ayaa waxay ku soo aadi doonaan, maalmo kaddib marki ay Xoghayayaasha Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga Mareykanka, Lloyd Austin iyo Antony Blinken booqdeen dalalka Kuuriyada Koofureed iyo Japan. PUNTLAND POST The post Kuuriyada Waqooyi oo gantaallo tijaabisay appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (PP News Desk) — There is a growing dissonance in messages from the International Community on the Somali political deadlock. The United States urged Puntland and Jubaland to join the electoral summit without “preconditions”. In what appears to be a political gaffe the Norwegian Embassy in Nairobi urged the Federal Government of Somalia to transfer power. “As a close partner, is deeply concerned about the lack of political will by all to seek a solution. The FGS is obliged to secure swift transfer of power, as are all political actors. A successful way forward requires courageous leaders seeking consensus. #Somalia” tweeted the Norwegian Embassy although no elections have taken place. “Somalia’s leaders need to find a compromise leading to an immediate electoral process and a peaceful transfer of power, through the implementation of the September 17 agreement” said High Representative/Vice-President of EU Josep Borrell, on the current political situation in Somalia. Puntland and Jubaland leaders, signatories of the 17 September electoral model, have boycotted the electoral summit currently underway in Mogadishu. © Puntland Post, 2021 The post The International Community Sends Conflicting Messages on the Somali Political Deadlock appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa goordhow soo baxay war-murtiyeedka ay soo saareen guddiyada farsamo ee ku shiray Baydhabo 15-16-kii February ee sanadkan. Arrimaha heshiiska laga gaaray waxaa ka mid ah Arrinta Gedo, guddiyada lagu mudansanyahay ee Doorashooyinka iyo Arinta Somalinad. Hoos Ka Akhriso Warmurtiyeedka Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-2332021.mp3 View the full article
-
Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa war saxaafadeed uu goor dhaw soo saaray waxa uga hadlay khilaafka doorasho ee ka taagan Soomaaliya ee u dhaxeeyao madaxda Dolwadda Federalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada. Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Josep Borrell ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda Soomaaliya ku sugantahay. Borrell ayaa madaxda Soomaalida u sheegay in loo baahanyahay hanaan doorasho oo hufan in lagu qabto sida ugu dhaqsiyaha badan. si xukunka la isugu wareejiyo hab nabdoon iyadoo la raacayo hergelinta heshiiskii doorasho ee 17-September. “Heshiis la’aanta hadda taagan waxey dib u dhigeysaa xawaraaha is-beddella deg degga loogu baahan yahay, taasi oo dhaawaceysa muwaadiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub. Dhanka kale waxa uu si adag ula hadlay hogaamiyeyaasha Soomaalida isagoo uga baaqay iney ka fogaadaan danta shaqsiyadeed, waxaana uu intaa ku daray kuwa diidan wadahallada ee ka shaqeynayana rasbhado ama dib u dhac in laga qaadi doono tallaabo ku haboon islamarkaana ay la kulmi doonaan caawiqabta ficilladooda. “Marka mudnaanta shaqsiyadeed ay ka sarreyso danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa ceebeynaya naftooda si ay u metelaan muwaadiniintooda, kuwa wax u dhimaya wada hadalka ama ka shaqeynaya rabshadaha waxaa laga qaadi doonaa tallab ku haboon waxeyna wajihi doonaan caawqibta waxa ay sameeyeen,” ayuu yiri Mr Josep. Ugu dambeyntii waxa uu u sheegay madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul Goboleedyada iney ilaaliyaan sharafta mas’uulyadda ay u hayaan umadda Soomaaliyeed islamarkana ay si deg deg ah ku qabtaan doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa Baarlamaan. “Ma ogolin doorashooyin isbarbar socda, mid hal dhinac ah iyo mid aan loo dhameyn mana heli doonto taageeradeena,” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Josep Borrell. Waxaa marba marka ka sii dambeysa sii kordhaya cadaadiska Beesha Caalamka ay saareyso madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul Goboleedyada iyadoo ay xusid mudantahay in shirka uu Afisiyooni ka furmay balse ay ka maqan yihiin madaxda Puntland iyo Jubaland iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka oo lagu casuumay kuwaa oo wata shuruudo dhowr ah islamarkana ku mideysan Madasha Badbaado Qaran oo maanta shir uga furmay Hotel ku yaala xerada Xalane. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: eeas.europa.eu Muqdisho-Somalia
-
Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare oo Waraysi bixiyay ayaa ka digay Khilaafka ka dhex Aloosan Madaxda Soomaaliya inuu sababi karo Dalka oo dib u laabta. Waare wuxuu sheegey in ay sax ahayd oo ay jiraan dhamaan waxayaabihii uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka sheegay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna hadalkiisa raaciyey in Saciid Deni uu iyaga si gaara xitaa ugu sheegay. Madaxweyne Deni ayaa khudbad uu ka jeediyey Garowe sanadkii hore wuxuu banaanka soo dhigay waxyaabo dhowra oo isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay kawada hadleen ama dhexmaray. Hoos ka dhagayso Waare oo ku raacay Deni in Dhamaan waxyaabahaas Deni sheegay ay yihiin wax sax ah Waare-wuxuu-Deni-sheegay-waa-sax-1 Halkaan Horsens ka dhagayso waxa uu Deni ka dheegay Madaxweyne Farmaajo Puntland-State-TV-Startside The post Dhagayso Waare “ Wixii Madaxweyne Deni ka sheegay Farmaajo waa sax, Anaguna waan ogayn” appeared first on . Source
-
Baydhaba (Caasimada Online) – 16-kii Febraayo, waxaa magaalada Baydhaba heshiis ku saabsan khilaafka doorashooyinka dalka ku gaaray guddiyo farsamo oo ka kala socday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo jeediyey qodobo xal u noqon kara is-mari waaga siyaasadeed ee dalka. Heshiiskaas ayaan marnaba la shaacin, waxaana guddiga ay sheegeen inay u gudbinayaan madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, kuwaas oo marka ay saxiixaan heshiiska shaacin doona. Si kastaba, madaxda ayaan marnaba kadib kulmin, waxaana lasii kala fogaaday markii madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhammaaday ee Farmaajo uu awood ciidan u adeegsaday musharaxiinta mucaaradka iyo shacab dibad-bax nabdoon ka dhigayey Muqdisho. Caasimada Online ayaa hadda heshay heshiiskii Baydhaba. Haddaba hoos ka aqriso heshiiska iyo waxyaabaha ku qoran. WAR-MURTIYEED Guddi farsamo oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, loona xil saaray ka shaqaynta sidii xal farsamo loogu heli lahaa caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskii 17 September 2020 ee qabsoomidda Doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 15 – 16 February 2021 Shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka Koonfur Galbeed. Guddiga Farsamada ayaa si qoto dheer uga dooday sidii Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Federaalka ay ku qabsoomi lahayd muddo cayiman, si gaar ahna Guddigu waxay dood dheer iyo hogo-tusaalayn ka yeesheen tubta xal u helista caqabadaha qabsoomidda Doorashada iyo gaar ahaan fulinta heshiiskii 17 September 2020 lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu. Guddigu waxay diiradda saareen in ay xal farsamo ka diyaariyaan dhamaan qodobada khilaafku ka jiro si ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ugu sahlaan in ay is afgarad ka yeeshaan qabsoomidda doorashada Dalka. Qodobada Shirka Guddiga Farsamada 1. Cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer (SlElT iyo FIEIT). 2. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland 3. Khilaafka Gobolka Gedo 4. Hirgelinta Qoondada Haweenka 5. Jadwalka cusub ee qabsoomidda Doorashad Shirka waxaa ka soo baxay: 1. Guddiga doorashooyinka a) lyadoo la tixraacayo is af-garadkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee shirkii Dhuusamareeb ee 4-aad, waa in ciddii haysa magac ama magacyo cabasho laga qabo oo ka tirsan Guddiyada Doorashada (FlElT iyo SIEIT) ay u soo gudbiyaan Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka saxiixaan heshiiskaan. b) Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto macluumaadka xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo macluumaadka wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2bari gudahood ah. 2. Somaliland Si waafaqsan talo soo jeedintii Madaxda Golaha Wadatashiga earanka ee shirkii Dhuusamareeb 5 February 2021 ee xallinta khilaafka Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta Somaliland, Guddigu waxay soo jeedinayaan a) ln Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dib u celiyo 4 xubnood sl Guddoomiyaha Aqalka Sare ugu soo gudbiyo badalkooda muddo 5 maalmood ah laga bilaabo markii la saxiixo heshiiskaan. b) Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa soo gudbinaya 4 xubnood oo ka mid ah Guddiga Maamulka kuraasta Somaliland (1 xubin Guddiga heer Federaal ah iyo 3 xubnood ee Guddiga StEIT). 3. Xal u helidda Gobolka Gedo Guddiga ayaa si qoto dheer u falanqeeyey, ugana dooday xaaladda Gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarka bulshada iyo dhaqaalaha. Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka waxay soo jeedinayaan tubta xallinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo guud ahaan iyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd Magaalada Garbahaarey. a) ln Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay soo wada saaraan baaq nabadeed iyo xabad joojin Gobolka Gedo, loona cayimo ciidamada kala duwan baro ay ku sugnaadaan inta laga dhameystirayo dib u heshiisiinta Gobolka. Guddiga Dib u heshiisiinta ee ay soo magacaabeen Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa cayimaya baraha ay ku kala sugnaanayaan ciidamadaas si loo hubiyo xabad joojinta. b) ln Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay ka maqan tahay Jubbaland ay u diraan Guddi dib u heshiisiineed Gobolka Gedo si ay u abuuraan jawi xasillooni amni ah, gogol xaarna ugu noqdaan dib u heshiisiin ballaaran iyo jawi lagu qaban karo doorashada Magaalada Garbahaarey. Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa Guddiga dib u heshiisiinta magacaabaya muddo 3 maalmood gudahood ah laga bilaabo markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan. c) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay wadatashi buuxa la yeeshaan bulshada Reer Garbahaarey si loo abuuro jawi ay ku qabsoomi karto Doorashada kuraasta taala Magaalada Garbahaarey. d) Si loogu dhiso Degmada Garbahaarey maamul cusub oo dhex dhexaad ah, kana shaqayn kara isu soo dhaweynta bulshada ee dhanka siyaasadda, amniga iyo horumarka, waa in qaybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha qabaa’ilka deegaanka dega ay Guddiga dib u heshiisiinta u soo gudbiyaan magacyada shaqsiyaad qaadi kara masuuliyadda maamulka Degmada Garbahaarey. Madaxweynaha Dowladda ubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka ay Guddiga dib u heshiisiintu usoo gudbiyeen. e) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta guud ahaan Gobolka iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey si horey loogu socdo magacaabista Maamulka Garbahaarey iyo qabashada Doorashada. f) Si loo hubiyo amniga Doorashada, Guddigu waxay soo jeedinayaan I. ln AMISOM Police la geeyo Magaalada Garbahaarey si ay u hubiyaan amniga Magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashadu. II. ln Guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka cusub ee ay soo magacawday Jubbaland ka soo talo bixinayaan, kana shaqeeyaan sidii Guddiga doorashada, ergada iyo murashaxiinta loogu diyaarin lahaa ilaalo gaar ih (Close Protection) ee amnigooda si loo helo amni laysku halayn karo muddada ay doorashadu socoto. g) ln Guddiga dib u heshiisiinta ay soo gudbiyaan qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, waana in hirgalinta qorshaha dib u heshiisiinta Gobolka lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah. 4. Qoondada Haweenka lyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2O2O ee xaqiijinta Qoondada Haweenka, lagana duulayo waaya aragnimada in tirada haweenka ee Golayaasha Baarlamaanka aysan marna gaarin qoondadii lagu heshiiyey ee 30%, Guddiga Farsamadu wuxuu soo jeedinayaa 1) ln Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay la yimaadaan ka go’naansho siyaasi ah oo ay ku xaqiijinayaan qoondada haweenka 30% ee labada Aqal. 5. Jadwalka qabsoomidda Doorashada lyadoo la xeerinayo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo asteeyey qabsoomidda Doorashada hay’adaha Federaalka ee 202012021, Guddiga Farsamadu waxay soo jeedinayaan. a) ln Doorashada lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii heshiiskaan ay saxiixaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka. b) Guddiga Doorashada heer Federaal (FlElT) ayaa soo saaraya jaangoynta jadwalka guud ee hirgalinta doorashada c) Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah (SlElT) waxay diyaarinayaa jadwal u gaar ah qabashada doorashada Dowladda Xubinta ka ah si waafaqsan jadwalka Guddiga heer Federaal si loo dadajiyo hirgalinta doorashada. Magacyada Guddiga 1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, wasiirka Dastuurka DFS 2. Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji, wasiirka waxbarashada DFS 3. Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland 4. Wasiir Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade, wasiirka warfaafinta Puntland 5. Wasiir XirsiJaamac Gaani, wasiiru dowraha Madaxtooyada Jubarand 6. Wasiir Mursal Maxamed Khariif, wasiirka caafimaadka Jubaland 7. Wasiir Cabdiwaayeel Maxamed Jaamac, wasiir Arrimaha Gudaha Galmudug 8. Wasiir Aadan Cismaan Xuseen, wasiirka boosta iyo isgaarsiinta Garmudug 9. Wasiir Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed 10. Wasiir Maxamed Abukar Cabdi, wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed 11. Wasiir Maxamed Cali Caadle, wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle 12. Wasiir Caasho Khaliif Maxamed, wasiirka Haweenka Hirshabelle 13. Guddoomiye Basma Caamir Axmed, Guddoomiye ku-xigeen Gobolka Banaadir 14. Xiireey Axmed Rooble, Xoghayaha Gobolka Banaadir.
-
Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay Xog ku heleen, Madasha Badbaadi Qaran ayaa warqadi dacwo ah u diray Dalalka Talyaaniga iyo Turkiga waxayna muujiyeen Walaaca ay ka qabaan dhaqaalaha Dalalkaas siiyaan Dowlada Federaalka oo loo isticmaalay Arimo Siyaasadeed. Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Xiligiisii uu Xafiiska joogay ayaa Dalka Turkigu bilaabay dhaqaalaha ay ku taageeraan Soomaaliya, ujeedkuna wuxuu ahaa in Ciidamada Soomaaliya ay ka itaal roonaadaan Cadawga Al-shabaab la baxay iyo in Soomaaliya laga taageero dib ugasoo kabashada Dagaalada iyo dib udhaca Deegaan. Wadamada Reer Galbeedka ayaa iyana xiligii Madaxweyne Shariif Sheikh iyo Xiligii Madaxweyne Xasan Sheikh Xasan Sheikh waxay bilaabeen inay bixiyaan Mushaarka Ciidamada Dowlada Federaalka 70% inkastoo lacagtaas qaarkeed hakad galay labo Sanad ka hor. Ingiriiska ayaa isna si gooni ah u bilaabay inuu Koonfur Galbeed ka taageero Bileyska Xiligii Madaxweyne Xasan Sheikh laakiin sidii Xilka looga tuuray Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Sheikh Aaden taageerayaas hakad ayaa galay io Ingiriisku waxay ka xumaadeen qaabkii loo doortay Madaxweyne Laftagareen oo Dad ay ku geeriyoodeen. Laakiin Xukuumada Madaxweyne Farmaajo waxay Dhaqaalahaas iyo taakulayntaas uga faa’iideystaan oo u adeegsadeen dano Siyaasadeed, waxaa shaqadii laga eryay dhamaan Ciidamadii Qalabka sidey ee loo arkayay inaysan la jaanqaadi karin Siyaasda Xukuumada Farmaajo, si tartiib tartiib ah ayaana loo siibay Ciidamadaas haba u badnaayeen Kuwii la haybta ahaa Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif, waxaana la dhisay Ciidamo lasoo aruurshay lana soo tababaray, Mushaarkii Reer Galbeedka oo Talyaanigu ugu horeeyo ay siinayeen Ciidamada waxaa lagusoo koobay oo qura Ciidamada Daacada u ah Madaxweyne Farmaajo, waxoogaa waxaa loo tuuraa Ciidamada kooban ee ilaaliya Madaxdii hore iyo Madaxda wali Xilka haya. Xog ay heleen Howlwadeenada Puntlandi, Mucaaradka oo ka faa’iideysanaya Khibrada Madaxweyne Xasan Sheikh oo waxbadan ka og qaabka lagu keenay in Talyaaniga iyo Turkigu ay taageeraan Ciidamada Soomaaliya ayaa Warbixin dheer oo ay ku jirto Walaaca laga qabo Hubka lagu daabulayo Gobolka Gedo iyo hanjabaada loo jeediyay Xeyndaabka Xalane iyo waliba Falalkii ay Ciidamada Daacada u ah Xukuumada Farmaajo ay u geysteen Shacabka iyo Siyaasiyiinta waxay u direen Labadaan Dal iyo Dalalka kale ee taageera Ciidamada Soomaaliya, waxay kaloo Warbixinta la la wadaageen (Cc) Beesha Caalamka ee kale. Talyaanigu wuxuu maanta soo diray Wasiirka Difaaca Guerrini Lorenzo, sababta uu u yimidna waa saas, inkastoo aan la shaacin waxyaabaha uu kala hadlay Wasaarada Gaashaandhiga Federaalka hadana waxaa jira warar sheegaya in lagala hadlay walaacaan soo kordhaya. Turkiga qudhooda waxaa lagu wadaa inay soo diraan Wasiir si loo hubiyo in kaalmada ay bixiyaan aan laga laeexin ujeedkii laga lahaa. Waxaa jira warar Madax banaan oo sheegaya in Laga cabsi qabo in hakad lagaliyo Mushaarka la siiyo Ciidamada Dowlada Federaalka marka laga reebo Ciidamada ku jira furimaha hore ee ay wada shaqeeyaan Amisom. Warbixintaan waxaa naga caawiyay Saraakiil hore oo ka tirsanaan jiray Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Federaalka, waan uga mahadcelinaynaa Puntlandi.com Muqdisho The post Maxaa ka jira in Madasha Badbaado Qaran ay Warbixin dacwo ah u direen Talyaaniga iyo Turkiga appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Badbaado Qaran ayaa maanta shir kale ka dhinac furatay shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar uga socda teendhada Afisyooni oo ku dhex taalla xarunta Xalane. Goobta uu ka furmay shirkan waxaa kasoo muuqday madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, waxaana furitaankiisa hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ahna guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran. “Maanta waxaa noo furmay shirka koowaad ee Madasha Badbaado Qaran, dalkeena dhibaato badan ayaa ka jirta, waxaana mudo dheer la isku soo heystay sidii dalka loogu qaban lahaa doorasho loo dhanyahay… waxaan u bahanay inaan tashano, oo la heshiiyo, si dalka looga badbaadiyo dhibaatooyinka ku raagay, dalkeenna waxaa jira abaaro, colaado iyo cudurro, hadii dowlad loo dhanyahay aannaa dhisana dhibaatooyinkaas kama baxeyno,” ayuu yiri Cabdi Xaashi. Guddoomiyaha oo ay garbihiisa taagnaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirka maanta u furmay uu socon doono illaa heshiis fulintiisa lagu dhaqaaqi karo laga gaaro doorashada dalka. “Dalka ayey Madashani u dhalatay, waxaana ku raja weynahay, in cid kasta ay dareemi karto dhibaatada dalka ka jirta, taas ayaana feker nooga bahan sidii aan uga bixi laheyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdullahi. Hoos ka Daawo
-
Madasha la magacbaxday Badbaado Qaran ayaa markii ugu horreysay shir uga furmay magaalada Muqdisho. Shirka waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyiin kale, waxayna sheegeen in ay uga hadleen arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda dalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta markii kulnkaasi soo dhammaaday ayaa sheegay in kulamada Madashu ay sii socon doonaan, inta la gaarayo wax ay heshiis tahay Soomaalidu. Shirka jaraa’id ee guddoomiyaha Badbaado Qaran Shirkan ayaa imanaya, iyadoo maalintii labaad xarunta Afisyoone ee Muqdisho shir ay Puntland iyo Jubaland ka maqan yihiin uga socdo dowladda federaalka, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir. Beesha Caalamka ayaa madaxda dowlad goboleedyada ee ka maqan shirkaas ugu baaqday in ay ka qayb-galaan, iyagoo aan wax shuruud ah ku xirin, halka madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in uu arrintaas xaqiijiyo. PUNTLAND POST The post Badbaado Qaran oo shir uga furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhoweyd ay dowladda Soomaaliya ka dejisay degmada Doolow diyaarad siday gaadiidka aanay xabadu karin. Gawaadhida laga dejiyay Doolow ayaa waxa garoonka degmadaas kula wareegay Guddoomiyaha degmada Doolow, Cali Faarax Mire, Taliye Bakaal Kooke iyo Taliyaha NISA ee degmadaas. Si cad weli looma oga cida gawaaridaas ay u wado dowladda federaalka, waxayna kusoo aadayaan xili ay maanta soo baxday in Wasiirka amniga Jubbaland oo si weyn isku hayaan uu wada-hadal la furay dowladda, si heshiis looga gaaro xaalada dagaal ee ka taagan gobolka Gedo. Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa isagu shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo. Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inuu haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhexe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor imaadyo ka dhacay Beledxaawo. Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale wada-hadallada socda lamid dhigay kuwa magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedeyada, isagoona meesha ka saaray inuu jiro wax heshiis ah oo illaa iyo hadda laga gaaray wada-hadallada u socda isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadallada ayaa waxa ay u dhexeeyaan saraakiil socota hay’adda NISA iyo xubno metalaya Janan, iyada oo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii uu ula heshiin lahaa dowladda dhexe, uguna soo noqon lahaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay joogaan ciidanka Xoogga dalka. Arrintan ayaa haddii ay ka dhabeyso dowladda federaalka waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Axmed Madoobe oo weyn doono guud ahaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.
-
Somalia’s leaders need to find a compromise leading to an immediate electoral process and a peaceful transfer of power, through the implementation of the September 17 agreement. The current lack of agreement seriously delays the pace of urgently needed reforms, for the detriment of Somalia’s citizens. When individual priorities prevail over the general interest of the country, political leaders discredit themselves to represent their citizens. Those who undermine the dialogue or resort to the use of violence will be exposed to measures and will face the consequences of their actions. Somalia’s federal and Member State leaders must honour their responsibilities to the people of Somalia and hold Parliamentary and Presidential elections immediately. No alternative, unilateral or partial process will receive our support. Source: EU The post Somalia: Statement by the High Representative/Vice-President Josep Borrell on the current political situation appeared first on Puntland Post.
-
Imaatinka Wasiirka Gaashaandhiga Talyaanigu Guerrini Lorenzo wuxuu xambaarsanaa dhambaal hanjabaad ah oo la xiriira Mushaarka ay siiyaan Ciidamada Dowlada Federaalka. Talyaaniga waxaa gaaray eedeyno ah in Ciidamada Soomaaliya aysan wax Dagaal ah la galin Al-shabaab taas badalkeedana Ciidamada loo adeegsadey Dani Siyaasadeed oo gaaray in looga cabsi qabo inay soo weerarkaan Xayndaabka ay Deganyihiin Beesha Caalamka, waana sababta uu Wasiirku u yimid Muqdisho. Wuxuu kulan la qaatay Taliyayaasha Ciidanka isagoo si cad ugu gudbiyey fariinta Talyaaniga iyo waliba Saaxiibada kale ee Midowga Yurub. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay helayaan ayaa xaqiijinaya in Saraakiisha Ciidamada lagu wargaliyey in Aysan Deeq bixiyaashu ku faraxsanayn wararka lagasoo sheegayo Ciidamada Soomaaliya. Hoos ka daawo Sawirada Puntlandi.com The post Sawiro Imaatinka Wasiirka Gaashaandhiga Talyaaniga “Talyaaniga oo ku hanjabay inay hakad galinayaan Mushaarka Ciidamada DF “ appeared first on . Source
-
Golaha Badbaado Qaran ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Mqudisho waxa ay ka hadleen xaalada adag uu dalka marayo iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka,iyagoo shacabka ugu baaqay in laga qeyb qaato sidoo loo badbaadin lahaa dalka,waxaana kulanaa ka qeybgalay Madaxweynayaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland iyo sidoo kale guddoomiyaha guddiga Badbaado Qaran ahna guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ahna Gudoomiyaha Golaha Badbaado Qaran ayaa saxaafadda u sheegay in ay muhiim tahay in la badbaadiyo xaalada cakarin ee dalka,sidoo kalane xal wadajir ah laga gaaro khilaafka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Daawo Shirka Jaraa’id Ee Golaha Badbaado Qaran Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi oo shir jaraa’id Ku qabtay Xayndaabka Xalane ayaa ku celceliyey in Madashu ay Dalka ka badbaadinayso in uu wado qaldan Dalku qaado. Gudoomiha ayaa sheegay in Shirkaan oo ah kii kowaad oo ay Yeeshaan looga hadli doono Danaha Dalka, waxaa hadalkiisii kamid ahaa… Sidaas la socotaan Madaxda Dalku ma tagi karaan Balcad, AmaankiinDalka Faraha ayuu ka baxay, Waxaan u taaganahay in Dalka ay ka dhacdo Doorasho loo siman yahay oo Dadka iyo Dalka lagu badbaadiyo” Shirkaan ayaa furmay Xili Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey uu isna shalay furay Shir looga hadlayo Doorashada oo ka dhacay Afisyooni, waxaana muuqata in labadaan shir ee is feer socdaa Socdaa ay nuujinayaan in aad loo kala fogaadey. waxaa Shirka ka qayb galay, Madaxweynayaashii hore Xasan Sheik, Shariif Shiikh Ahmed, Gudoomiyaha Aqalka Sare oo isla markaasna ah Gudoomiyaha Madasha Cabdi Xaashi, Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Saciid Cabdulaahi Deni, Axmed Madoobe, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Maduuliyiin kale. Hoos ka daawo Shirka Madasha Badbaado Qaran The post Daawo Sawiro Shirka Badbaado Qaran oo Muqdisho ka furmay, Gudoomiyaha oo ka hadlay appeared first on . Source
-
(SLT-Addis ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay qiray in xadgudubyo ka dhan ah dadka shacabka ay ka dhaceen gobalka Tigree-ga, intii uu dagaalka ka socday. Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa arrintaan ka hor sheegay baarlamaanka dalkaas maanta oo salaasa ah. Abiy Axmed ayaa yidhi “waxaa mas’uuliyadda xadgudyadii dhacay qaadan doona askartii geysatay kufsiga ama boobtay hanti shacab” Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa hore ugu eedeeyay dowladda Itoobioya inay xadgudubyo ka geysatay gobalka tigree-ga inkasta oo Itoobiya gaashaanka u daruurtay eedeyntaas. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Guerrini Lorenzo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana lagu warramayaa inuu dalka u yimid arrimo la xiriira ciidamada. Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dhaweeyay taliyaha ciidamada xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Sida la fahamsan yahay, Guerrini Lorenzo wuxuu u yimid Muqdisho inuu la kulmo xubnaha ugu sarreeya dowladda Soomaaliya, wuxuuna fariin ka wadaa dowladda Talyaaniga oo dooneysa iney ka qeyb qaadato tayeynta ciidamada Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawineysay tayeynta ciidamada muddooyinkii ugu dambeeyay, waxeyna soo saartay cutubyo badan oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga kuwaas oo hadda u muuqda iney cudud weyn kusoo kordhiyee dowladda. Si kastaba imaatinka wasiirka difaaca talyaaniga iyo arinta laga dhawaajiyay ee tayeynta ciidamada oo laga wadahadlo ayaa imaaneysa xilli mucaaradka ay walaac xoogan ka qabaan ciidamada Soomaalida ee la xoojinayo, maadaama ay u arkaan in dano shaqsi ah loo adeegsado, lana baalmaray habkii guud ee qaranimada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada ayaa war kasoo saartay shirka Afisyoone ee looga hadlayo khilaafka doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho ee ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo iyagu ka horyimid hanaanka shirkaas iyo ajendihiisa. Qoraalka Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehlinayaan ra’iisal wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka. “Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somalia. Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo. Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xubnaha guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka, sida ay sheegtay Villa Somalia. Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhiirrigeliyey xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka inay si daah-furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey. Arrintan ayaa imaneysa xili uu meel xasaasiya marayo khilaafka doorashada, islamarkaana uu furmay shir ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, kaasi oo aysan qeyb ka aheyn madaxda Puntland iyo Jubbaland oo iyagu kasoo horjeeda guddiga iyo hanaanka doorashada ee dowladda dabada ka riixeyso.
-
Mogadishu (HOL) - Abdirashid Janan, a former Jubaland security minister, wanted by Mogadishu for serious human rights violations, is reportedly negotiating his surrender to Somalia's federal government according to a report published by the BBC Somali language service. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Abdirashid Janan, the Jubaland security minister, wanted by Mogadishu for serious human rights violations, is reportedly negotiating his surrender to Somalia's federal government according to a report published by the BBC Somali language service. Source: Hiiraan Online