-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in wasiir hore ee amniga maamulka Jubbaland & Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) iyo ciidamo uu wato ay soo gaareen Tuulada Najax oo hoostagta degmada Beledxaawo. Janan ayaa lagu soo warramayaa inuu halkaasi kula kulmo doono taliyaha nabad sugida Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyo wasiir ka socda dowladda federaalka ah ee Somalia, si loo dhameystiro wada-hadallada maalmahan u socday labada dhinac. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada u shaaciyey in Janan & ciidamadiisa oo wata illaa 11 gaadiidka dagaalka ah ay haatan joogaan Tuulada Najax oo lagu ballamay inay isugu yimaadaan labada dhinac, gaar ahaan Janan iyo wafdiga ka socda dowladda dhexe. Sidoo kale qorshaha ayaa ah inay wafdiga tegay Beledxaawo ay la wareegaan gaadiidka iyo ciidanka uu wato Wasiir Janan, taas oo qeyb ka aheyd wada-hadallada socda. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa intaasi kusii daraya in Janan loo soo qaadayo magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, si uu ula kulmo madaxda dalka. Heshiiska Janan ayaa sii xoojinaya hardanka & dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ee uu horkayaco Axmed Madoobe. Si kastaba saaka ayey aheyd markii wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jubbaland xil kii looga qaaday wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo shalay shaaciyey inuu wada-hadal hoose kula jiro dowladda Soomaaliya.
-
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxmaed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa la kulmay Imaamka Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif Dr Axmed Al-Dayib. Imaamka ayaa ballan qaaday in Jaamacadda Azhar ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso wax kasta oo la xariira waxbarashada. Imaamku wuxu intaas ku daray inay ku guda jiraan sidii ay Soomaaliya ugu tababari lahaayeen imaamyada masaajidda, si kor loogu qaado aqoontooda diinta. Imaamka ayaa carrabka ku adkeeyay, sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado sidii loola dagaalami lahaa fikirka xagjirnimada ah ee ay xanbaarsanyihiin kooxo aan aqoon u lahayn diinta Islaamka. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dadka Soomaaliyeed abaal weyn u hayaan Jaamacadda Al-Azhar, isagoo u mahadceliyay Imaamka iyo maamulka Jaamacadda. View the full article
-
Ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay in Antonio Guteres uu ka walaacsanyahay xasilooni darada Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in is mari-waaga siyaasadeed oo dheeraaday uu khatar weyn ku yahay xasiloonida iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo xilligan wajahaya xaalado ammaan iyo kuwo bin’aadanimo. Mr Guteres ayaa sidoo kale tilmaamay in Qaramada Midoobay ay ku boorineyso dowladda federaalka iyo hogaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka in ay yeeshaan wada-hadallo dhammeystiran oo shuruud la’aan ah, si xal waara looga gaaro khilaafyada hareeyay geedi socodka arrimaha adoorashooyinka qaran ee 2021-ka. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay heshiiska 17-kii Septemper ,iyadoo ku baaqday in si degdeg ah la’isugu raaco dhaqan-gelinta heshiiskaasi. Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in sii laba jibaarto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka iyo horumarka dalka. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay al-baabada isugu dhufaneyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalkaasi oo tan iyo burburkii kadib ay daganaayeen boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah. Kenya ayaa qoraal xasaasi ah oo ay soo saartay u dirtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNHCR, si ay labo todobaad gudahood ugu xirto xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma oo ka mid ah xeryaha qaxootiga adduunka ugu weyn. Warqadda kasoo baxday dowladda Kenya ayaa waxaa wakiilka hay’adda UNHCR u fadhiya Nairobi u gudbiyey wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Fred Matiang, kaas oo la socod-siiyey go’aanka ay dowladdiisu ku xireyso gabi ahaan xeryahaasi qaxootiga ah. Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay inay go’aankeeda u cuskaneyso walaaca ay ka muujisay khataraha weeraro laga soo abaabulo halkaasi oo Al-shabab ay ka fuliyaan dalkeeda. Kenya ayaa wacad ku martay haddii labo todobaad ay dib uga dhacdo UNHCR, iyadoo aan wax tallaabo ah qaadin ay qaxootigaasi dib ugu celin doonto dalalkooda. Dhadhaab iyo Kaakuma ayaa waxaa haatan ku nool in ka badan illaa 500,000 oo qoys oo qaxooti Soomaaliyeed ay ku jiraan, kuwaas oo laga cabsi qabo inay hoy la’aan noqdaan, haddii aysan wax tallaabo ah qaadin ha’yadda QM ee qaxootiga UNCHR. Si kastaba go’aanka ay dowladda Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee dalkaasi ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan uusan wanaagsaneyn xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.
-
KISMAYO (HOL) - Jubbaland president Ahmed Madobe has sacked his embattled security minister Abdirashid Janan in what could be a concession in talks with President Mohamed Farmaajo. Source: Hiiraan Online
-
KISMAYO (HOL) - Jubaland President Ahmed Madobe has sacked his embattled security minister Abdirashid Janan in what could be a concession in talks with President Mohamed Farmaajo. Source: Hiiraan Online
-
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya inuu dowladda la heshiiyey Cabdirashiid Janan, oo ahaa wasiir ka tirsanaa Jubbaland balse buugaagta dowladda federaalka ka ahaa baxsad ay ku raadjoogaan booliiska iyo cadaaladda. Janan ayey horay dowladda ugu eedeysay inuu Gedo ka geystay dambiyo meel ka dhac ku ah xuquuqda aadanaha iyada oo balan qaaday inuu arrintaas darteed cadaaladda la marsiin doono. Cabdirashiid Janan waxaa ay dowladda Farmaajo qabatay 31-kii August 2018-kii, waxaana maxkamad lasoo taagay October 6, isla sanadkaas iyada oo loo heystay inuu galay dambiyo ka dhan ah banii’aadnimo. 28-kii January 2020-kii, ku dhawaad Shan bil kadib Cabdirashiid Janan ayaa isaga baxsaday xabsi ay dowladda ku xirtay sida ay xiligaasi sheegen hay’adaha Amniga Seif Magango, oo ah agaasime ku xigeenka Amnesty International ee bariga Afrika ayaa markii uu baxsaday Janan sheegay in aan la aqbali karin inuu cadaaladda ka baxsado mas’uul la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha. It is unconscionable that Abdirashid Janan, who is suspected of responsibility for crimes under international law and other serious human rights violations, has evaded attempts to bring him to justice. Seif Magango, Amnesty International’s Deputy Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya, islamarkaana haatan ah guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran oo ay sameysteen Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa wareysi uu siiyey BBC kaga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socdo magaalada Muqdisho. Cabdi Xaashi ayaa marka hore shaaca ka qaaday in loo diiday ka qeyb-galka shirka arrimaha doorashooyinka 2021-ka ee ka socda Teendhada Afisyooni, wuxuuna sheegay inay ka hor-istaageen dad uu ku tilmaamay inay shalay yimideen dalka, islamarkaana aan waxba kala socon meesha laga yimid & halka loo socdo. “Maba la ii ogolee maxaan ka qeyb galaa shirka, aniga ma diiddaniye, Waxaan ahay siyaasi dalkaan ka soo shaqeynayay 30-kii sanno ee ay dhibaatadu ka jirtay una taagan midnamadiisa iyo nabadisa marka dad shalay yimid oo aan ogeyn xaalada iyo siyaasadda dalkaan ayaa aniga ii diiday inaan ka qeyb galo arrinta xalka dalkaan,” ayuu yiri. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dhismaha Madasha Badbaado Qaran iyo ujeedada loo aas aasay, wuxuuna tilmaamay in ay doonayaan kaliya sidii heshiis mideysan looga gaari lahaa is mari-waaga arrimaha doorashooyinka & is mari-waaga ka taagan. “Waxaan rabnaa in Soomaaliya oo dhan heshiis la gaaro oo la isku yimaado, dhibaato iyo dagaal aniga xal uma arko.” ayuu sii raaciyey guddoomiye Cabdi Xaashi. Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo maalintii saddexaad uu galay shirka Afisyooni oo ay weli ka maqan yihiin madaxda Jubbaland & Puntland, kaas oo diirada lagu saaray sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka hareeyey doorashooyinka 2021-ka.
-
Mogadishu (PP Editorial) — The keyword in the electoral summit in Mogadishu is the 17 September electoral model. What is preventing Puntland and Jubaland leaders from joining the summit in Mogadishu to finalise the agreement they had signed Delaying tactics are not a strategy to challenge the incumbent administration. Jubaland and Puntland are key stakeholders whose participation in the electoral summit can break the deadlock. Their demands for security guarantees have been met: Amisom is in charge of the security at the summit venue. The decision to hold a parallel confrence in Mogadishu under the auspices of the Forum for National Salvation is an unnecessary deviation from the core principles of 17 September electoral model. Galmudug, Hirshabelle, South West State and Banadir are ready to facilitate the selection of MPs and Senators in line with the 17 September electoral agreement. In a speech delivered several weeks ago Puntland President Said Abdullahi Deni stated that Puntland viewed the 17 September agreement as the way forward. Why is he not joining the summit to honour his pledge that Puntland “will sign the agreement”? Puntland and Jubaland have asked for the presence of the International Community at the talks and that Somalia’s international partners guarantee the outcome of any agreement. Outcomes from Somalia’s electoral agreements do not require external guarantees. Stakeholders will be able to call out any party that breaches the agreement. It is a mark of the progress that Somalia has made to let political stakeholders thrash out their differences without an external guarantor. There is no a solid reason why Jubaland and Puntland leaders should be sticking with delaying tactics that cast them out of the political process. The International Community has reiterated that finalisation of 17 September electoral model is the main task that will break the deadlock. Signatories will not renegotiate terms of the electoral model signed after Puntland and Jubaland Presidents rejected one person, one vote elections on which the now-abrogated Electoral Law was based. Jubaland and Puntland leaders should join the electoral summit “without preconditions.” © Puntland Post, 2021. The post Jubaland and Puntland Should Abandon Delaying Tactics appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa isagoo ku sigan Muqdisho wuxuu Xilkii ka xayuubiyay Wasiirkiisii Amniga Cabdirshiid Janan. Xilka qadistaan ayaa timid kadib markii la ogaadey in Cabdirshiid Janan uu gacansaar la sameeyey Villa Soomaaliya. Sargaal ka tirsan Jubbaland ayaa Puntlandi.com u sheegey in Aysan waxba u dhimayn shaqada socota hadii Janan ku biiray Villa Soomaalia Hoos ka alhriso Wareegtada The post Wareegto Xilka looga qaadey Cabdirshiid Janan oo kasoo Baxdey Jubbaland appeared first on . Source
-
The UN’s top official has reiterated his concern at the continued political impasse for elections in Somalia, despite several rounds of consultations amongst the country’s political actors, his spokesperson said. “The protracted stalemate carries significant risks for the stability of the country and the welfare of the Somali people, who are already facing a dire humanitarian situation and precarious security conditions,” Farhan Haq, deputy spokesman for UN Secretary-General Antonio Guterres, said in a statement late on Tuesday. The Horn of African country witnessed a political stalemate after presidential and parliamentary elections were delayed and the president’s constitutional mandate expired on Feb. 8. The agreement reached last September was seen as a major step towards Somalia holding indirect parliamentary and presidential elections in late 2020 and early 2021. It has since stalled as the country’s divided political leaders differ on how to proceed with the elections, despite President Mohamed Abdullahi Mohamed’s constitutional mandate having expired on Feb. 8. Guterres urged the federal government of Somalia and all leaders of the country’s federal member state to resolve their differences in the electoral process and reach a consensus on the way forward. He also welcomed the commitment of Somali leaders to the Sept. 17 electoral model, and called on them to agree quickly on its swift implementation and the holding of elections without further delay. View the full article
-
(SLT-Addis abab)-Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa qiray markii ugu horreysay in ciidamo Eritrea – yaan ah ku sugan yihiin gobolka Tigreega kaddib markii uu qarxay dagaalkii bishii November. Muddo bilo ah ayeey labada dalba si is daba-joog ah beenninayeen in ciidamada ay ka gudbeen xadka. Abiy Ahmed ayaa u sheegay mudanayaasha Baarlamaanka in ciidamada Eritrea ay yimaadeen iyagoo ka baqaya in ay weeraraan dagaalyahanada gobolka ee Tigray. Iska hor imaadkan ayaa bilaamay kaddib markii Jabhada xoreynta dadka Tigreega (TPLF) ay qabsatay xarumo ciidan oo ku yaalla gobolka. Kooxda TPLF ayaa ahayd xisbiga xukuma gobolka Woqooyiga Itoobiya, laakiin khilaaf aad u weyn ayaa soo kala dhaxgalay Xisbigan iyo waliba xukuumadda uu horkacayo Raysal Wasaare Abiy Ahmed. Inkasta oo TPLF laga saaray xukunka Tigray dhammaadkii bishii November islamarkaana Mr Abiy uu shaaca ka qaaday in khilaafkii la soo afjaray, haddana dagaallada ayaa wali ka sii socda qaybo ka mid ah gobolka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas bartilmaameedsaday askar Boolis ah oo ilaalo ka heysay isgoyska Siinaay. Wararka ayaa sheegay in ragga hubeysan oo goobta isaga baxsaday ay dileen ugu yaraan 2 askari, ayna dhaawaceen mid kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableyda weerarka fulisay ay horey u sii qaateen qoryaha ay wateen askarta ay toogashada ku dileen. Goor dambe waxaa sidoo kale meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal qorsheysan, weeraro & qaraxyo geystay khasaare kala duwan.
-
(SLT-Norway)-Dowladda Norway ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa oo aan weli heshiis rasmi ah ka gaadhin Madaxda. Qoraal kasoo baxay dowladda Norway ayaa waxaa marka hore walaac lagaga muujiyay xal u helid la’aanta arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay in heshiis laga gaadho khilaafka doorashada dhaceysa. Norway ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ku amartay inay xukunka si dhaqsi ah ku wareejiyaan, iyagoona Madaxda Soomaalida ku tilmaamay kuwa aan lahayn rabitaan siysaaseed. “Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah xaqiijinta inay xukunka si dhaqse ah ku wareejiso” ayaa lagu yidhi Qoraal kasoo baxay Dowladda Norway oo kamid ah Beesha Caalamka ee saaxiibada Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay Norway ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Midowga Yurub ugu hanjabay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay ka qaadayaan tallaabooyin cid walba oo wax u dhimeysa wada hadalka, ayna la kulmi doonaan cawaaqibta ficiladooda. Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaadhan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya oo la isku mari la’yahay. Source
-
(SLT-Kismaayo)-Warqad kasoo baxday madaxweynaha Jubaland ayaa xilka lagaga qaaday wasiirkii amniga Jubaland Cabdirashiid Janan. Jubaland kama hadlin sababta xilka ka qaadista loogu sameeyay Janan. Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli Cabdirashiid Janan iyo dowladda federaalka uu u socdo wadahadallo. CabdirashidJanan ayaa shalay xaqiijiyay in wadahadallo uu u socda isaga iyo dowladda Soomaaliya balse wax heshiis aanan weli la gaadhin. Source
-
(CNN) — British people attempting to go on vacation while travel restrictions are still in place could face a $7,000 fine under new government legislation. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa xilkii ka qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) o ahaa wasiirkii amniga Jubaland. “Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland wuxuu xilka qaadis ku sameeyay mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii amniga Jubaland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland. Xilka qaadista Cabdirashiid Janan ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu soo ifbaxay wadahadal u socda dowladda federaalka iyo Cabdirashiid Janan. Cabdirashiid Janan ayaa muddo ciidamo ku haysta xadka Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna halkaas dagaalo kula galay dowladda federaalka. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo xilkii ka qaaday Cabdirashiid Janan appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal kasoo baxay Safaarada Norway ayaa Madaxweyne Farmaajo ku wargalisay inuu si tartiib ah oo Amaan leh ku wareejiyo Xilka. Norway waxay tiri “ Xukuumada Waxaa ku waajiba inay Xilka wareejiso , Sidoo kale waxaa la farayaa Siyaasiyiinta kale iney sii wadaan hogaaminta Dalka”. Norway waxay kamid tahay Dalalka Soomaaliya ka caawiya dhinaca Mushaarka Hay’adaha Rayidka ah iyo kuwa Dowlada. Waakan Qoraalkii kasoo baxay Norway The post Dowlada Norway oo Farmaajo ku Amartay inuu Xilka wareejiyo appeared first on . Source
-
Dagaalyahanada Al-Shabaab oo weerar ka fuliyey gudaha Kenya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar loo adeegsaday qarax miino ay ku qaadeen dhismaha darbiga ay Kenya ka wado xadka Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Kenya ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday hal ruux, kadib markii gaari ay wateen madax ka tirsan mashruuca dhismaha darbiga lala bartilmaameedsaday miinada dhulka lagu aaso Guddoomiyaha maamulka Lamu Irungu Macharia ayaa xusay in gaariga qaraxa la haleelay uu ka tegay magaalada Kiunga, kuna sii jeeday xerada Usalaama. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kaaliyihii gaariga uu halkaasi ku geeriyooday, halka wadahiina uu ka baxsaday, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray. Gudoomiyaha ayaa xusay in goobtaasi la geeyay ciidamo ka tirsan ammaanka si ay u xaqiijiyaan badqabka shaqaalaha dhismaha derbiga Kenya ay hore ugu bilowday xadka ay la wadaagto somaliya Al-Shabaab ayaa dhowrkii sanno ee la soo dhaafay weeraro khasaare geystay ku qaaday dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhaw xaduudka Soomaaliya. View the full article -
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan). Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey xil ka qaadista lagu sameeyey Janan oo ka mid ahaa wasiirada ugu saameynta badan Jubbaland. Xil ka qaadistan ayaa timid, kadib markii wasiir Janan shaaciyey inuu wada-hadal hoose kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomalaiya. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Madoobe ayaa goordhaw xilkii ka qaaday wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan . Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweeynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in xilkii wasiirka Amniga laga qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinur Janan . Wasiir Janan ayaa mudda dheer waxa uu soo ahaa wasiirka Amniga Jubbaland , isaga oo si aad ah uga aragti duwana dowladda Federaalka . Saacadihi la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in wada hadalo uu u socdo wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Dowladda Federaalka. Janan ayeey horay dowladda u xirtay iyadoo sheegtay in uu dambiyo dagaal iyo gabood falo bini’aadanimo ka geeystay gobalka Gedo, isagoo markii Dambe ka baxsaday Xabsiga . Dhowr bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada uu hogaaminayo Janan ay magaalada Beledxaawo dagaal kula galeen ciidamada dowladda Federaalka . Hoos Ka Akhriso Wareegatada Xil ka qaadista Source: goobjoog.com
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyada oo walaac looga muujiyey khilaafka ka taagan doorashooyinka. “IGAD waxay ku boorineysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha inay ka waantoobaan ficil kasta oo carqaladeynaya dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadalka, loona sii xoojiyo ismari waaga siyaasadeed ee hada jira,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay IGAD. Sidoo kale IGAD ayaa ku boorisay hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dib ugu laabtaan dhabaha wadahadalka oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan isku tanaasul, iyadoo la tixgelinayo danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. “Danaha dadka Soomaaliyeed ayaa weli ah kuwa ugu muhiimsan, hoggaanka Soomaaliyeed-na waa inuu ka dhabeeyaa himillada shacabka ee ah in la helo doorasho nabdoon, loo wada dhanyahay, xor ah, caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo. Guul darradu maahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Urur goboleedka IGAD. Si kastaba beesha caalamka ayaa wada dadaallo aan kala joogsi laheyn, si heshiis guud ay doorashada uga gaaraan madaxda Soomaaliya, waxayna xubnaha beesha caalamku maalmihii iyo saacadihii la soo dhaafay soo saareen qoraalo canaan iyo tilmaamo isugu jiray. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal hoose kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey xilka qaadista lagu sameeyey Janan oo ciidamo ku heyso duleedka Beledxaawo. “MadaxweynahaJubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Digreetada xilka qaadista ee uu soo saaray madaxweynaha Jubbaland laguma caddeyn sababta xilka looga qaaday wasiir Janan oo ka mid ah wasiirada u dhowaa A/Madoobe. Arrintan ayaa kusoo aadeysa, saacado kadib markii uu soo shaac-baxay wada-hadal u socda dowladda dhexe iyo Janan, kadib markii wakiilo ka socda labada dhinac ay yeesheen kulamo lagu heshiisiinayo dowladda federaalka iyo Cabdirashiid Janan. Si kastaba tallaabadan ayaa uga sii dareyso khilaafka u dhexeeyey Jubbaland iyo dowladda federaalka, iyada oo Axmed Madoobe uu weyn doono guud ahaan gobolka Gedo, haddii uu si rasmi ah Janan ula heshiiyo dowladda, una soo wareego dhankeeda.
-
Saacadihi la soo dhaafay waxaa isa soo tarayay Baaqyada ay dirayaan dowladaha Taageera Soomaaliya ee ku aadan Isfaham la’aanta ka taagan Doorashooyinka . Saaxibada Soomaaliya ayaa 24-ki saac ee la soo dhaafay waxa ay si isku mid ah u sheegen in loo baahan yahay in la qabto doorasho deg deg ah . Midawga Yurub ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay doonayaan doorashada Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ay ka dhacdo dalka. Qoraal ka soo baxay Midawga Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay haddii ay dhacdo doorasho Hal dhinac ah ama mid isbar bar socota in aysan Soomaaliya Heli doonin taagerada dhaqaale ay siiyaan oo ay ka jari doonaan . “Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay u baahan yihiin inay helaan tanaasul horseedaya geeddi-socod doorasho oo deg-deg ah iyo in si nabad ah xukunka loogu wareejiyo, iyadoo loo marayo hirgelinta heshiiskii Sebtember 17. Heshiis la’aanta hadda jirta waxay si weyn u daahineysaa xawaaraha isbeddelada sida degdegga ah loogu baahan yahay, ee loogu waxyeelleynayo muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midawga Yurub . Qoraalka ka soo baxay Midawga ayaa intaasi la raaciyay in aan loo baahneyn in mudnaanta la siiyo danta shaqsiyadeed. “Marka mudnaanta shaqsiyadeed ay ka sarreyso danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa naftooda ku ceebeeya inay metelaan muwaadiniintooda. Kuwii wax u dhimaya wada hadalka ama adeegsiga rabshadaha waxaa loo soo bandhigi doonaa tallaabooyin waxayna la kulmi doonaan cawaaqibta ficilladooda.” ‘Madaxda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya waa inay sharfaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ma jiro wax beddel ah, geedi socod dhinac ah ama qayb ahaan ah oo heli doona taageeradeenna.” Somalia : Statement HR/VP @JosepBorrellF on the current political situation: Somalia’s leaders need to find a compromise leading to an immediate electoral process and a peaceful transfer of power https://t.co/GtVsQB8yNG — European External Action Service – EEAS (@eu_eeas) March 23, 2021 Dhanka kale Safaaradda magaalada Muqdisho ay ku leedahay dowladda Norway ayaa war ka soo saartay xaaladda dalka . Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa lagu Yiri ” Norway oo Saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaay si qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aan siyaasadeed oo ay dadka oo dhan raadiyaan xalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay si dhaqso leh ku wareegjiso xukunka.” Norway ayaa intaasi hadalkeeda Sii raacisay “Jidka guuleysta ee horay loo socdo wuxuu u baahan yahay hoggaamiyeyaal geesinimo leh oo doonaya heshiis. As a close partner, is deeply concerned about the lack of political will by all to seek a solution. The FGS is obliged to secure swift transfer of power, as are all political actors. A successful way forward requires courageous leaders seeking consensus. #Somalia — Norway in Somalia (@NorwayInSomalia) March 23, 2021 Dhinaca Kale Safaaradda Sweden ee Soomaaliya ayaa iyada oo dhankeeda xoojineysa eedda ka soo baxday Midawga Yurub , barta ay ku leedahay Twitter-ka waxa ay ku daabacday in ay Soomaaliya Lumin doonto Taagerada ay siiso . Qoraalka lagu daabacay Safaaradda Sweden ayaa lagu yiri ” Madaxda DFS iyo FMS waa inay xushmeeyaan waajibaadka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Ma jiro wax beddel ah, geedi socod dhinac ah ama qayb ahaan ah oo heli doona taageeradeenna.” Source: goobjoog.com