-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa shegay in uu aad uga xun yahay qalalaasaha ka socda Caasimadda. Rooble ayaa sheegay in aan loo baahneyn xilligan in dagaal dalka uu ka dhaco sidaas awgeedna ay xukuumaddiisa fulineyso balan qaadkii Uu ka hor sameyay golaha shacabka ee ahaa in dalka uu ka qabto doorasho ku dhacda heshiiskii 17 September . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Rooble Bismillaahi, Markii aan tixgaliyay duruufaha Adag ee uu dalku ku jiro iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ee cakiran. Markii aan latashi ballaaran la sameeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed. Waxaan soo saaray War-murtiyeedkaan: 1- Waxaan ku celinayaa markale sida aan uga xumahay xiisadaha colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay, taas oo sababtey barakaca Shacab badan oo danyar ah. 2- Waxaan soo dhawaynayaa Warmurtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah. 3- Sida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020. 4- Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka. 5- Ciidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda. 6- Siyaasiyiinta Mucaaradka ah waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, waana in ay ku ekaadan Guryahooda iyo Goobahooda gaarka ah. 7- Doorka beesha caalamka waa muhiim, waxaan codsanayaa in ay sii wadaan taageerada ay u fidiyaan dadka iyo dowlada Soomaaliyeed. 8- Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ka codsanayaa in ay nagu garab istaagaan dedaalada nabadaynta iyo xasilinta Dalka iyo sidii aan si nabad ah doorasho uga hirgalin lahayn Dalka. Wa Billaahi Towfiiq Source: goobjoog.com
-
DEG DEG: Farmaajo oo sheegay inuu caawa la hadlayo shacabka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa la hadli doona warbaahinta, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyay bogaga Villa Somalia. Farmaajo ayaa khudbadiisa caawa kaga hadli doona xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada, kadib markii muddo korosigiisa ay diideen HirShabelle, Galmudug iyo ra’iisul wasaare Rooble. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Khudbada ay shaacisay Villa Somalia inuu caawa jeedin doono Farmaajo ayaa kusoo aadeysa waxyar un kadib markii maamulada Galmudug iyo HirShabeelle oo si weyn u taabacsan ay kasoo horjeesteen muddo kororsiga loo meel-mariyay hay’addaha dowladda. Hirshabelle iyo Galmudug oo war saxaafadeed soo saaray ayaa si cad uga hor yimid muddo kordhintaas, waxayna si wadajir ah u shaaciyeen in dalka laga qabto doorasho si deg-deg ah u dhacda, iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September. Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aankaas kasoo baxay Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ee looga hor-yimid muddo kordhinta Farmaajo. Rooble ayaa sheegay inuu dalka ka qabanayo doorasho ku saleysan heshiiskii 17 Setepmber sida uu markii hore ka hor sheegay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxay u badan tahay in khudbada Farmaajo uu ku muujiyey tanaasul, xili ay kasoo horjeesteen maamuladii taabacsanaa. The post DEG DEG: Farmaajo oo sheegay inuu caawa la hadlayo shacabka appeared first on Caasimada Online. -
MOGADISHU (HOL) - Galmudug and HirShabelle states, two of three Federal Member States which have supported President Mohamed Farmaajo announced Tuesday they will no longer support the president’s bid for a second term in office. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa isna ka horyimid mudda kororsiga rabshadaha horseeday, ee loo sameeyay hay’adaha dowladda Federaalka. Qoraal uu soo saaray Ra’iisul wasaare Rooble, ayuu kaga horyimid mudda kororsiga dowladda, waxaana uu taageero buuxda u muujiyay mowqifka dowlad goboleedyada diiday mudda kororsigaas. Ra’iisul wasaare Rooble, wuxu sidoo kale ballan-qaaday, in uu dalka ka hirgelinayo doorasho loo dhanyahay oo ku salaysan heshiiskii 17-kii September ,kaas oo dhexmaray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. “Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.” Ayuu yiri Rooble. Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda islamarkaana ku ekaadan guryahooda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in dalku doorasho aaday appeared first on Puntland Post.
-
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa si cad u sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii kasoo baxay Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ee looga hor yimid muddo kordhinta. Rooble ayaa sheegay inuu dalka ka qabanayo doorasho ku saleysan heshiiskii 17 Setepmber sida uu markii hore ka hor sheegay Baarlamaanka Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook Bismillaahi, Markii aan tixgaliyay duruufaha Adag ee uu dalku ku jiro iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ee cakiran. Markii aan latashi ballaaran la sameeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed. Waxaan soo saaray War-murtiyeedkaan: 1- Waxaan ku celinayaa markale sida aan uga xumahay xiisadaha colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay, taas oo sababtey barakaca Shacab badan oo danyar ah. 2- Waxaan soo dhawaynayaa Warmurtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah. 3- Sida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020. 4- Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka. 5- Ciidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda. 6- Siyaasiyiinta Mucaaradka ah waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, waana in ay ku ekaadan Guryahooda iyo Goobahooda gaarka ah. 7- Doorka beesha caalamka waa muhiim, waxaan codsanayaa in ay sii wadaan taageerada ay u fidiyaan dadka iyo dowlada Soomaaliyeed. 8- Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ka codsanayaa in ay nagu garab istaagaan dedaalada nabadaynta iyo xasilinta Dalka iyo sidii aan si nabad ah doorasho uga hirgalin lahayn Dalka. Wa Billaahi Towfiiq The post DEG DEG: Rooble oo ka hor yimid muddo kordhin kuna dhawaaqay inuu qabanayo doorasho appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-War saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxay si cad u sheegeen inay tahay doorashada lagu heshiiskii 17 September, iyagoo ka soo horjeestay muddo korodhsigii labada sanno War Saxaafadeedkan ayay maamulada Hirshabelle iyo Galmudug si rasmi ah ugu caddeeyeen inay ka soo horjeedaan muddo korodhsiga labada sanno ayna ku baaqayaan in dib loogu laabto wadahadaladii doorashooyinka kuwaasoo ku salaysan heshiiskii September 17. Warkan ka soo yeedhay labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxa uu dharbaaxo kulul ku yahay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo. Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka Galmudug iyo Hirshabelle. Source
-
Maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo war saxaafadeed soo saaray goordhow ayaa ka hor yimid muddo kordhinta Farmaajo iyaga oo ku baaqay in dib loogu noqdo September 17 Arrintan ayaa timid kadib markii uu Farmaajo dagaal ka bilaabay caasimadda Muqdisho Akhriso War saxaafadeedka Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Musharrax Khadar Saleebaan Cartan oo kamid ah musharraxiinta Xisbiga WADDANI oo u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Musharrax Mustafe Cabdiraxmaan Ciise oo isna kamid ah musharraxta Xisbiga WADDANI ee u tartamaysa doorashada Golaha Degaanka ee degmadda Berbera, ayaa midoobay,isla markaana noqday laba musharrax oo isku sidkan. Kullan ballaadhan oo xalay ka qabsoomay Huteelka Maamuus ee Magaalada Hargeysa oo ay ka soo qayb-geleen Odayaal, wax-garad,Aqoonyahan,Culimo, Dhalinyar kale taabacsanaa labadan Musharrax ayaa lagu sheeciyey inay si rasmi ah u midoobeen labadan Musharrax iyo ardaayadda ay ka soo kele jeedaan, isla markaana ay codkooda siinayaan labadaa Musharrax. Dhanka kale ardaayadda ay kasoo kele jeedaan labadan Musharrax ayaa madasha ka sheegay inay si rasmi ah isku bahaysteen,isla markaana ay ku heshiiyeen inay dhisaan oo ay soo saaraan Musharrax Khadar Saleebaan Cartan oo ah Musharrax u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Musharrax Mustafe Cabdiraxmaan oo isna u sharraxan doorashada Golaha degaanka ee degmadda Berbera,waxaanay hoosta ka xariiqeen in maddaama oo uu wakhtigu kooban yahay la dar-der-geliyo hawlaha u yaal, isla markaana degaanadda iyo bulshadda lagu wacyigeliyo inay codkooda siiyaan labadaa Musharrax,waxaanu kullankaas ku soo dhammaaday jawi is afgarad iyo heshiiskaas. Source
-
Galmudug iyo Hirshabeelle, ayaa si rasmiya uga horyimid mudda kororsiga qalalaasaha iyo dagaalka horseeday, ee Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya u sameeyay hay’adaha dowladda Federaalka. War-saxaafadeed wadajir ah, oo ay soo saareen Galmudug iyo Hirshabeelle, waxay ku baaqeen in meesha laga saaro mudda kororsiga loo sameeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana dalka laga qabto doorasho deg deg ah, si looga baaqsado in uu sii socdo qalalaasaha siyaasadeed ee ka aloosan Muqdisho. Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in doorashada lagu galo heshiiskii arrimaha doorashada ee 17-kii September, maadaama uu yahay hannaanka keliya ee lagu heshiiyay, si dalka doorasho looga hirgeliyo. Galmudug iyo Hirshabeelle waxay sidoo kale Ciidamada Qalabka sida ku boorriyeen, in aysan siyaasadda ku milmin, kana fogaadaan wax kasta oo amni-darro keeni kara, kuna ekaadan waajibaadka ciidanimo oo keliya. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhan PUNTLAND POST The post Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka horyimid mudda kororsiga dowladda kuna baaqay doorasho deg deg ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug oo war saxaafadeed soo saaray ayaa si cad uga hor yimid muddo kordhinta uu Baarlamaanka Soomaaliya u sameeyey madaxweyne waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Labada Maamul ayaa si wadajir ah u shaaciyey in dalka laga qabto doorasho si deg deg ah u dhacdo iyadoo lagu saleenayo heshiiskii 17 September. Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay saareen labadaan maamul ayey ku sheegeen in aysan aqbali doonin burbur dalka ku yimaada, taas oo ka dhalata muddo korarsiga Madaxweyne. Labadaan maamul ayaa cambaareeyay dagaaladii ka dhacay waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaalada iyo in la qabto doorasho ku qotanta heshiiskii 17-kii Sep ee 2020. Warkan ka soo yeeray labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxa uu dharbaaxo kulul ku yahay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo. Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka Galmudug iyo Hirshabelle. Halkaan hoose ka akhriso war-saxafadeedka oo dhameystiran Tr. April 27-2021 War-saxaafadeed Wadajir ah Madaxda Dawlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya markii ay tixgaliyeen mnarxaladda adag ee uu dalku marayo. Markii ay wadatashiyo qotta dheer layeesheen Bulshada qaybaheeda kala duwan. Markii ay garawsadeen qataraha dhinacyada badan ee uu dalku wajahayo. Markii ay arkeen ismariwaaga siyasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah lahelo. Markii ay arkeen xaaladaha amnidarro ee kusoo kordhay caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay iyo sida ay usii fidayaan. Markii ay garawsadeen in aanay macquul ahayn lasii fiirsado xaaladaha isisoo taraya ee aan farad galinaynin shacabka Soomaaliyeed. Markii ay garawsadeen baahida loo qabo qaadashada go’aarno badbaadinkara rnustaqbalka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Waxeey soo saareen warmurtlyeedkaan. 1- waxaan ka xunnahay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, waxaanan ka tacsiyaynaynaa Dacikii ay waxyeeladu kasoo gaartay dhacdooyinkaas. 2-dhacdooyinkaas waxaan u aragnaa in ay nasiib-darro ku yihiin hanaanka Dawlad-dhiska Soornaaliya, si gaar ah shacabka ku nool caasimadda Muqdisho oo aan mudnayn in dib loo xusuusiyo waqtiyadii adkaa ee ay soo mareen. 3- waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin. 4- Waa in doorashada lagu galaa heshiiskii 17-kii september 2020. maadaama uu yahay kan. 5- waa in la joojiyaa meeshana laga saaraa waxkasta oo caqabad ku noqonkara ama horay ugu noqday hirgelinta heshilskil 17-kli september. 6- Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Maamul Goboleedyada kale ee dalka in ay ka qaatan kaalinta uga aadan sidii loo fulin lahaa heshiiskii 17- september 7- Madaxda DFS waxaan ka codsaneynaa inay si dhaqso ah u qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah fulinta heshiiskii 17- september si dalku u aado Doorashadii lagu heshiiyey. 8- waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyaan arrimaha taagan ee Soomaallya in ay ka fogaadaan wax kasta oo keenIkara kala fogaansho iyo xaslloonidarro taas badalkeedana la muujiyo qalbiwanaag iyo masuuliyad 9- waxaan usoo jeedinaynaa Qaybaha kala duwan ee ClIdamada Oalabka sida In ay ka fogaadaan waxkasta oo keenikara arnnidarro kuna ekaadaan waajibaadka qaran ee Dastuurku ucayimay isla markaana aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda. 10- Guud ahaan Shacabka Soornaallyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khatar ku ah amnIga lyo wadajirka umadda Soomaallyeed. 11- beesha Calaamka waxaan uga mahadcelInaynaa taageerada joogtada ah ee lagarabtaaganyihiin Soomaaliya. waxaanan ku dhiirigalinaynaa in ay sii wadaan dedaalkooda. Mahadsanidlin. Dhammaad The post DEG DEG: HirShabelle iyo Galmudug oo si rasmi ah u diiday muddo kororsiga appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiir wadaad ahaan jirey ee loo haysto amaan uu u jeediyay Usama Bin Ladin Ciise Pantami Madaxtooyada Nigeri ayaa sheegtay in ay barbar taagantahay wasiir ka mid ah golaha wasiiradda oo buuq badan uu ku furanyahay, kaas oo loo jeedinayay eedeymo la xiriira fikraddo uu qabay hadda ka hor. Ciise Pantami , waa wasiirka isgaarsiinta iyo dhaqaalaha qalabka casriga ah, waana wadaad caan ka ah dalkaas, isaga oo mar taageero u muujiyay kooxaha argagixisada ah ee Alqaacida iyo Boko Xaraam. Khudbad uu masaajid ka jeediyay sanadihii ka dambeeyay 2000, ayuu sheegay in Usama Bin Laden uu isaga ka muslimsanyahay, isaga oo intaas ku daray in uu farxo marka la xasuuso dadka aanan muslimiinta ahayn. Hadaladan ayaa qabsaday baraha bulshada, iyada oo dadka ay madaxweyne Maxamadu Buhari ugu baaqeen in uu shaqada ka eryo. Wasiirka ayaa maalmihii lasoo dhaafay wareysi uu siiyay wargeys, isku dayay in uu iska bari yeelo fikradihii hore ee uu aaminsanaa, isaga oo sheegay in xiligaas uu cabirayay fahamkii uu ka haystay diinta, haddana uu sameeyay qaangaarnimo iyo caddeymo cusubna uu heley. Mid ka mid ah muuqaladiisa oo lasoo bandhigay ayuu taageero ugu muujiyay kooxda Boko Xaraam, isaga oo indhihiisa ay illin ku taagantahay, wuxuuna ku tilmaamo walaalo ay tahay in la garab istaago. War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Nigeria ayaa lagu yiri “Wasiirka raaligalin ayuu ka bixiyay waxii uu yiraahday, aragtiyahaasi ma ahayn kuwa la aqbali karay xiligaas, si la mid ah sida maanta aanan loo aqbali karin, haddii uu ku celiyo maanta”. Balse dadka iyo xisbiyada mucaaradkaba waa liqi waayeen sharaxaadda madaxtooyada, iyada oo xisbiga PDP ay isku dayeen in arrinka wasiirka looga doodo baarlamaanka ka hor intii uusan xisbiga talada haya diidin. Arrinka wasiirka ayaa shaaca usoo baxay kadib markii todobaadkii hore uu wargeys qorey in dowladda Maraykanka ay wasiirka galisay liiska dadka dhaqdhaqaaqooda lala socdo. Hase ahaatee Maraykanka ma uusan qirin arrinkaas. Welwelka ugu badan ee ay dadka ka qabaan wasiirka ayaa ah in uu mas’uul ka yahay wasaaradda haysa xogta shaqsiga ah ee dadka, taas oo ay sheegayaan in ay suurtogal tahay in uu la wadaago cid kale oo halis galin karta naftooda. Qaran News
-
Xawayaan Internet-ka ka jaray Magaalo Dalka Canada ku taal Xawayaanka Beavers-ka Adeegga internet-ka oo 12 saacadood ka go’anaa magaalo ku gaal gobolka British Colombia ee dalka Canada, ayaa lagu eedeeyey xawayaanka loo yaqaan Beavers-ka. Shirkadda adeegga bixisa ee Telus ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah xadhkaha dhulka hoostiisa mara ee internet-ka siiyaa Tumbler Ridge, la ogaaday in ay hoy u noqotay Beavers. Qiyaastii 900 oo macaamiisha internet-ka ah iyo 60 macaamiisha TV ah ayaa ay shirkaddu sheegtay in arintaasi saamaysay. Adeegu wuxuu og’ay qiyaastii 04:00 wakhtiga gobolkaa maalintii Sabtidii. Telus waxay sheegtay in shaqaalaheedu tageen biyo-xidheen halkaa u dhaw oo ay ku arkeen Beavers oo “cunay xadhkihii oo ka jaray dhawr meelood oo dhaawac weyn gaadhsiiyey”. Xadhigu wuxuu dhulka ku aasnaa masaafo hal mitir ah waxaana ku dahaadhan dhuul qaradeedu tahay 12 cm oo gabigeedaba xawayaankaasi calaashaday. Beavers ku waa xawayaan Canadana ku faanto hase yeeshee wuu noocyo badan yahay. Xawayaankaa dadka qaar baa ku jecel in uu yahay xawayaan ku wanaagsan injineernimada oo xirfad fiican u leh in ay biyo xidheenno samaystaan oo taasina deegaanka faa’iido u leedahay. Laakiin ilkahooda xoogga leh ayaa khasaare ballaadhan gaadhsiiya beeralayda oo waxay wax yeelaan geedaha iyo midhaha. Laba todobaad ka hor ayaa duqa magaalada Grenville-sur-la-Rouge, oo ah magaalo ku taal Quebec uu sheegay in xawayaankaasi sabab u ahaa daadad khasaare gaadhsiiyey hanti iyo kaabeyaal kaleba. . Qiyaastii 800 oo Beavers ah ayaa magaalada daawafeeda ka dhistay biyo-xidheenno waxaanu sheegay duqa magaalada Tom Arnold in loo baahanyahay farsamo lagu maareeyo xawayaankan. “Waa dhibaato loo baahanyahay in aan ka takhalusno. Beavers ka waa in la dabar jaraa” inuu yidhi ayay soo xigatay warbaahinta CBC. Beavers ka waxa haatan si tartiib tartiib ah loogu beerayaa qaybo ka mid ah UK iyadoo rajadu tahay in ay gacan ka geysan karaan in ilaalinta dhulka biyo fadhiisinka ah. Qarnigii 16 ayaa ugaadhsi lagu dabar jari gaadhay oo dadku waxa loo ogaadhsan jiray dhogortooda, hilibka iyo q Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag ugu jawaabay Sii-hayaha Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho. Xundubeey ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay awood buuxda oo ay ku maamusho kuna qabsato guud ahaan Magaalada Muqdisho, isagoona ciidamada ka gadoodsan muddo kororsiga ku tilmaamay “******** barakacineysa shacabka Muqdisho”. Wasiir Fiqi ayaa hadalka Xundubey ku sheegay mid shiki galinaya awooda kala sareyn ee xukuumadda xil-gaarsiinta, maadama uu ra’iisal wasaare Rooble uu hore ugu dhawaaqay xabad joojin, halka uu Xundubey uu asaguna iclaamiyey tallaabo horseedaysa dagaal. “Mar kasta ee uu RW Rooble hadlo waxaa hadalkiisa mid khilaafsan ka daba dhaha wasiirkiisa amniga Xundubey. Shalay Rooble wuxuu ku dhawaaqay xabbad joojin, maantana Xundubey wuxuu iclaamiyey dagaal. Waa yaabe sidee loo kala sareeyaa xukuumadan!?,” ayuu yiri Fiqi. Sidoo kale waxa uu ku naqdiyey wasiirka in bililiqo uu ku eedeyo ciidamada gadoodsan ee kasoo horjeeda muddo kororsiga, ayada oo madaxda waqtigeedu dhamaaday ay kursi bililiqo ku joogan Villa Somalia, sida uu hadalka u dhigay. “Saaxiibkay Xundubay wax baa la bililiqeystay ayaa ahayd xujadiisa ugu weyn ee uu dagaalka ku xalaalsanayo, laakin miyuusan ogeyn bililiqo ka weyn kursigii dalka looga talinayey oo Xoog lagu heysto in aysan jirin.” “Asagoo kursi bililiqo ah difaacaya inuu cid kale ku eedeeyo wax bay bililiqeysatay ma ahayn, bililiqada kaliya ee dagaal in lagu qaado mudan waa midda ka jirta Villa Soomaaliya,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Fiqi. Hadalkaan ayaa imanaya waxyar un kadib markii Sii-hayaha wasiirka amniga uu magaalada Muqdisho ka sheegay in dowladda waqtigeedu dhamaaday ay talaabo ka qaadi doonto kuwa uu sheegay “inay yihiin malleeshiyaad dhiira-gelinaya argagixisada,” isla markaana ciidanka amniga ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga caasimada. Hadalka kasoo yeeray Xundubey ayaa uga sii daraya xiisada dagaal ee ka tagaan magaalada Muqdisho, xili uu ra’iisal wasaare Rooble ku dhawaaqay xabad joojin iyo wada-hadal aan weli si rasmi ah loo gudo-galin. The post Fiqi oo si adag uga jawaabay hadalkii wasiir Xundubeey appeared first on Caasimada Online.
-
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmooyiinka Hodan, Hawl-wadaag , Warta Nabadda iyo Boondheere ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan guryahooda kadib Cabsi amni oo soo wajahday . Shacabka ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay soo wajahday Cabsi xoogan oo ku aaddan in ay aagagga guryahooda uu ka bilaabmo dagaal . Ciidamada dowladda iyo kuwa Mucaaridka ayaa inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho isku hor fadhiyo , iyadoo Mucaaradka ay isku sii balaarinayaan degmooyinka qaar. Sawirada Qaar Ka Mid Ah Dadka Maanta Qaxaya Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - A host of Somalia's partners have released a statement strongly condemning the violence in Mogadishu over the weekend. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wadamada saaxibada la ah Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ururada caalamiga ah ayaa ka hadlay dagaaladii Axaddii ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo weliba khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka. Qoraalka Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu cambaareeyay dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxayna hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay ugu baaqeen inay dib ugi laabtaan wada-hadalada. Halkaan hoose ka akhriso qoralaka Beesha Caalamka. Saaxiibada caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan rabshadihii ka dhacay Muqdisho 25kii Abriil. Waxaan marar badan ka dignay in muddo kororsiga uu horseedi doono qalalaase siyaasadeed uuna wiiqi doono nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Shaqaaqadii dhacday 25kii Abriil awgeed, ayaan waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, dib u billaabaan wadahadalka, kana fogaadaan ficillada halka dhinac ah ee sii hurin kara xaaladda. Waxaan si gaar ah uga welwelnay kala qeybsanaanta soo bexeysa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo u qaybsamaya qaab qabiil, taas oo wax u dhimaysa howshiisii koowaad ee ay ahayd la-dagaalanka Al Shabab iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed. In ciidamada amniga loo adeegsado xaqiijinta ujeedooyin siyaasadeed waa wax aan la aqbali karin. Waxaan mar kale ku celinaynaa in heshiiskii 17kii Sebtember uu wali yahay hanaanka kaliya ee lagu heshiiyey ee doorashooyinka waxaana ku boorinaynaa saxiixayaashii heshiiskan inay si deg deg ah ugu laabtaan wada hadalada ku saleysan hanaankaas. Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu kusoo magacaabayo Ergey gaar ah waxaana ku boorineynaa in wakiilkan heerka sare ah uu yimaado magaalada Muqdisho isla markaana uu guda galo shaqadiisa sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaan diyaar u nahay, haddii aynu nahay saaxiibada, in aan taageero u fidino Ergeygan, isla markaana aan sii wadno dadaallada aan isugu keeneyno dhinacyada. Waxaan mar kale xaqiijineynaa xurmada aan u hayno gobanimada Soomaaliya, midnimadeeda, midnimadeeda dhuleed, iyo madax-bannaanideeda. Qoraalka ayaa waxaa soo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Spain, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha caalamka oo qoraal xasaasi ah soo kasoo saartay dagaalladii Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
