Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa galabta gaaray degmada Beledxaawo, kadib heshiis uu la galay dowladda Soomaaliya. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaalya, maamulka gobolka Gedo iyo shacabka reer Beledxaawo ayaa ku soo dhoweeyay Janan gudaha degmada Beledxaawo oo ay horey ugu dagaalameen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland. Janan ayaa lagu soo warramayaa inuu heshiis rasmi ah la galay dowladda Soomaaliya, kadib wada-hadallo uu la yeeshay saraakiil ka tirsan hay’adda NISA. Sidoo kale Saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda Nabad-sugida Qaranka ayaa la sheegay in ay u tageen gobolka Gedo dhameystirka heshiiska iyo soo dhoweynta Janan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  2. Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Masuuliyiin ka Socda Ingiriiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay xafiiska dawladda Ingriiska ee Somaliland. Kulankan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha Guud Maxamed Yuusuf Ismaciil, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Deeq Aw Cali Yuusuf iyo La-taliyaha Wasiirka Sucaad Daahir Maxamed, waxa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeyntii hay’addaha dawaladda iyo kuwa caalamiga ah ee la dagaalanka cudurka COVID-19 Wasiir Koore ayaa tafaasiil ka siiyey masuuliyiintaas kaalinta Wasaaraddu ku leedahay wacyigelinta xannuunkan iyo kor u qaadista wacyiga guud ee bulshada Somaliland. Waxa kulankaas laba dhinacba ku balameen inay yeeshan shirar dambe oo lagu sii xoojinayo wada shaqeyntooda. Qaran News
  3. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka. Janan ayaa waxaa Beled Xaawo kusoo dhaweeyey wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo ee dowladda sameysay iyo Shacab aad u badan Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlayey goobta lagu soo bandhigay Janan ayaa sheegay in dowladda ay si rasmi ah heshiis ula gashay janan. Waxaa uu sheegay in Janan uu muhiim u yahay nabadda Gobolka Gedo, isla markaana uu gartay in uu u hiiliyo Qaranimada Soomaaliya, sidoo kalena ay dadaal ku bixisay dowladda Soomaaliya. “Innaga oo ah wafdi ka socda DFS ayaan kula kulanay Wasiirka Duleedka Beledxaawo. Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu. Wasiirka waxaa wehliya Ciidamo badan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaranka. Talaabadaan waa mid ka farxinaysa Qofkasta oo jecel Qarannimada Soomaaliya wuxuuna ka nixinayaa cidkasta oo cadaw ku ah Qarankeenna,” ayuu yiri Janan. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo wata Ciidamo farabadan iyo Gaadiidka dagaalka ayaa soo garay deganka Najax ee duleedka Beled-Xaawo, waxana u halkaasi kula kulmay wasiiro uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala kadibna waxaa la keenay Beled Xaawo. Janan ayaa la filayaa inuu Beled-Xaawo kula kulmo taliyaha NISA Fahad Yaasiin waxayna wararka sheegayaan in loo soo gudbin doono Muqdisho si uu ula kulmo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa saacado kadib dib uga laabatay qoraalkii ugu adkaa ee ay kasoo saarto khilaafka doorashada Soomaaliya, kaasi oo ay si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg-deg u wareejiso. Qoraalka cusub ee kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho oo lasoo dhigay twitter-ka, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Norway ay dhex-dhexaad ka tahay dhaq-dhaqaaqyada gudaha, islamarkaana ay rabto doorasho deg-deg ah, halka markii hore ay dalbatay ‘in Villa Somalia ay xukunka deg-deg u wareejiso’. “Safaaradda waxay jeceshahay inaan caddeyno in waxa aan rajeyneyno inaan aragno ay tahay doorashooyin deg-deg ah oo nabdoon oo ku dhisan heshiis. Norway, oo ah saaxiib iyo jaal muddo dheer oo Soomaaliya ay leedahay, dhex-dhexaad ayey ka tahay kana ahaan doontaa ikhtiyaarada gudaha ee ay sameeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Norway. Qoraalkii hore ee Norway “Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed.” Qoraalkaas ayaa ah kii ugu adkaa ee mid kamid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, hase yeeshe ay dib u dabcisay mowqifkeedii adkaa ee muujisay. Inta badan dalalka reer galbeedka ee saxiibada Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeya inaysan runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, kuwaasi oo dhowr jeer Midowga Musharaxiinta u direen baaqyo la xiriira xaalada Soomaaliya. Norway oo kamid ah dalalka lacagta ugu badan ku bixiya Soomaaliya ayaa markii u horeysay luuqad adag kula hadashay madaxda waqtigooda dhamaaday, inkasta oo ay markii dambe dabacsanaan ka muujisay xaalada dalka. Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in sababta xal looga gaari la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada oo la la’yahay cid runta u sheegta Farmaajo, xilli ay sheegeen inay caddahay inuusan doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto
  5. In the maritime boundary dispute case between Kenya and Somalia, the International Court of Justice held: “the Memorandum of Understanding between Somalia and Kenya is a valid Treaty entered into force upon signature and it is binding on the parts under international Law “(paragraph 50). With this judgment delivered on 2 February 2017, the controversy over the validity of the 2009 MoU between Kenya and Somalia has finally been put to rest. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirkii hore Jubbaland Cabdirashiid Xasan JANAN ayaa gaaray heshiis shan qodob ah, kaasi oo Janan uu ugu soo biirayo isbaheysiga Farmaajo, oo ay isku beel yihiin. Cabdirashiid Janan oo wareysi siinayay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyay heshiiska uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah qodob ah inuusan siyaasadda ka bixi doonin. Qodobadaan oo ay ku jiraan inuu dowladda u gacan galinayo ciidamadiisa oo tiro ahaan lagu sheegay 400 askari, gaadiid dagaal oo tiradooda la carabaabay iyo in heshiiska uu qeyb ka yahay Korneel Cabaas oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Jubbaland. QODOBADA LAGU HESHIIYAY: 1. In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland 2. In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah. 3. In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya 4. In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay 5. In uusan siyaasadda ka bixi doonin Masuuliyiin ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa gaaray gobolka Gedo si ay heshiiska usoo afjaraan, sidoo kalana waxey wararka qaar sheegayaan inuu imaan doono Muqdisho una sii gudbi doono dalka Turkiga. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa warqad ku taariikheysa 20-ka March waxauu xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “MadaxweynahaJubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
  7. Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa ka jawaabay Hadal ka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Kaasi oo uu ku dalbaday inay wada yeeshaan Dood Furan. C/laahi Obokor Cismaan, Wasiirka Gaadiid iyo Horumarinta Jidadku waxa uu ku Jawaabay “Sxbkay Khadar Faji “ Magac Bilaash uma baxo” Waxaa Marag kuugu filan camalkaaga ee dib isku qiime. Aqoontu maaha article la soo akhriyo lagana akhriyo Mass-media-yaha ee Waa barasho iyo ku dhaqan rasmi ah. Dawladnimadda iyo Wasaaraddaha waa lagaaga Aqoon, Waayo-aragnimo iyo Kartiba badan yahay, Waligaana Kamaad shaqayn Xafiisyada Bixiya Adeega Dadweynaha”. “Macal Cunne soo Bixi Doonaa” Waxaan diyaar u ahay Dood- Furan oo cadaynteed leh, Waxaad keeni doontaa cadaymo ku filan difaacaaga” Labba Faras Fuulka………”, Ugu dambayn, waxaan sxbkay leeyahay Sxbkaana keen goobta, Codkana soo noolee” Source
  8. Bileyska Kenya ayaa xaqiijiyay dhimashada Sadex Qof oo ahaa Rakaab saaran Gaari Bus ah oo Qarax la kacay wadada Arabia Road ee Magaalada Mandheera, ugu yaraan dhowr iyo toban Qof ayaa dhacday waxaana loo qaadey Isbitaalka Mandheera. Qaraxa ayaa ahaa nooca dhulka lagu aaso, Baska oo subaxnimadii hore kasoo baxay Tuulada Afey ayaa wuxuu soo galayay Mandhera. Falkaan waxaa looga shakisan yahay inay Al-shabaab ay Xalay ku aaseen Qaraxa, laakiin waxaa hada baaritaan wada Ciidamada Booliska oo kaashanaya xeeldheerayaasha Waxyaabaha Qarxa. Ilaa hada cidna ma sheegan Qaraxa, Sawirka hoose waa Baska la qarxiyay Puntlandi.com Nairobi The post Qarax lala beegsadey Bas, magaala xuduudeedka Mandheera appeared first on . Source
  9. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo labo ahaa oo ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah ciidamadaasi waxaa lagula beegsaday deegaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxyada, kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan waxaana ay shaacisay in qaraxyadaasi ay ku gubtay labo gaari oo ay lahaayeen ciidamada AMISOM. Xaaladda goobaha ay qaraxyada ka dhaceen ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada AMISOM ay sii wateen socdaalkooda,kadib qaraxyadaasi. View the full article
  10. Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay ciidamo gaaraya 2,416 askari oo mudo hal sano ah ka qeyb ka qaaadan doona howl-galka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Abaanduulaha ciidamada difaaca Uganda General David Muhoozi oo ka qeyb-galay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay ciidamadaasi ka mid noqonaya howl-galka AMISOM ayaa sheegay in ay qeyb libaax leh ka qaadan nabad ilaalinta Soomaaliya. Taliyaha xarunta taageerada howl-gallada iyo tababarada oo munaasabadda sagootinta ah lagu qabtay General Bonny Wolimbwa ayaa tilmaamay in ciidamadaasi ay tababar qaadanayeen muddo sanad ah, kahor inta aan loo soo dirin Soomaaliya. Wolimbwa ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ciidamadan ay noqonayaan kuwii labaad ee tababar ay siiyaan saraakiil Uganda u dhashay ee ka qeyb galaya howl-galka AMISOM. Uganda oo ciidamo ku leh howl-galka AMISOM ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 6,000 oo askari kuwaas oo ka qeyb-qaadanaya howl-galka Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
  11. Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyt ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu dadaal ballaaran ku bixineeyso taageeridda Soomaaliya, si loo gaarsiiyo xasilooni iyo horumar ballaaran. Arrintaan ayaa timid kadib markii uu magaalada Qaahira kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo maalmahaan booqasho ku jooga dalka Masar. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay ariimaha ugu danbeeyay ee xaaladda Soomaaliya iyo sidii taageera dhameystiran loo siin lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga gudubto caqabadaha hor yaala. Xoghayaha Jaamacadda Carabta ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageeridda Sooomaaliya si looga guuleysto Kooxaha argagixisada ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta sida ay u garab istaagtay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna codsaday in lasii laba jibbaaro dadaalada lagu taageero Soomaaliya. View the full article
  12. Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka ayaa maalintii Saddexaad galay, xilli shalay Warbixin looga dhageystay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka. Goordhow ayaa la filayaa inuu shirka furmo, waxaana guddoominaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug,Koonfur galbeed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana laga sugaa in ay shirka ku biiraan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Ujeedka shirkan wuxuu yahay dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta Heshiiskii 17-kii sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya. View the full article
  13. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay albaabada isugu dhufaneyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab & Kaakuma oo ay deganyihiin boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah. Kenya ayaa qoraal ay soo saartay u dirtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, si ay labo todobaad gudahooda ugu xirto xeryahaasi. Wasiirka arimaha gudaha Kenya Fred Matiang ayaa wakiilka UNHCR u fadhiya Kenya u gudbiyey warqada xambaarsan go’aanka lagu xirayo xeryaha Dhadhaab & Kaakuma. Dowladda Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay go’aankeeda u cuskaneyso walaac ay ka muujisay khataraha weeraro laga soo abaabulo labadaasi xero ee qaxootiga. Ugu dambeyn Kenya ayaa sheegtay haddii ay labo todobaad dib uga dhacdo UNHCR, iyada oo aan wax tallaab ah la qaadin ay qaxootiga xeryahaasi dib ugu celineyso dalalkooda. View the full article
  14. The Kenyan government has issued a two-week ultimatum to the United Nations High Commissioner of Refugees (UNHCR) to ‘have road map on definite closure of Dadaab and Kakuma refugee camps’. Saying there is no room for further negotiations. Source: Hiiraan Online
  15. Xafiiska QM ee Muqdisho ayaa Goordhaw war ka soo saarat wadahadalada Arrimaha Doorashooyinka dalka ee ka socda Afisiyooni. Qoraal ka soo baxay Xafiiska qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in aysan marnaba taageri doonin Hanaan doorasho oo hal dhinac ah . Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka. Saaxiibbada caalamku waxa ay mar kale ku celinayaan ” in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore.” Source: goobjoog.com
  16. Soomaaliya waxay maanta Maraysaa in Beesha Caalamku ay Madaxa gacanta saaraan isla markaasna qayladii ka dhamaatay iyagoo arkaya wadada uu ku socdo gaariga ay ka buuxaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaarigaasoo hada kusii dhow buundo dhexda kakala go’an. Maraykanka, Norway, Midowga Yurub oo isku duuban iyo Qaramada Midoobay oo matalaya Guud ahaan Saaxibada Soomaaliya waxay ilaa shalay soo tuurayeen qaylodhaan ku socota Siyaasiyiinta Soomaalida oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliyeed waxayna ugu baaqayeen in miis la isugu yimaado lana muujiyo Masuuliyad iyo Tanaasul si Dalku u aado Doorasho loo siman yahay. Maanta oo u dambaysay (Arbaco 24/3,2021) Qaramada Midoobay ayaa Qoraal ay soo saareen waxay ka digeen isku Day walba oo la isku dayo in wakhti kororsi la sameeyo, inkastoo sida muuqata Madaxda Soomaalidu ay tan iyo Shalay u muuqdeen kuwo aad ukala fogaadey. Madaxweyne Farmaajo wuxuu sii wadaa Shirkii uusan ku casumin Maamulada oo dhan, Halka Maamulada Shirkaan ka maqan ay iyana bilaabeen Shir feer socda oo ay ku weheliyaan Siyaasiyiinta ugu Tunka weyn Musharixiinta Madaxweynaha. Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aad ugu dhuun daloola Xaalada Dalka waxay isku raaceen in hadii xaalku sidaas ku sii socdo ay khasab noqonayso in Dalka loo sameeyo Roadmap- Cusub, hadii taasi dhacdo waxay noqonaysaa markii labaad oo Roadmap laga badbaadiyo xiliga kala guurka. Kolkii hore Madaxweyne Farmaajo ayaa Raysal wasaare ahaa oo Xilka looga xayuubiyay Kampala, hadana Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweyne ah. Puntlandi.com The post Beesha Caalamka oo tan iyo shalay afka furatay, Qayladiina ka dhamaatay appeared first on . Source
  17. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wasiirkii hore amniga Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) laga dareemayo magaalada Beledxaawo ee gobolkaasi. Janan ayaa lagu soo warramayaa in haatan isaga iyo ciidamo uu wato ay ku sugan yihiin tuulada Najax oo hoostagta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Sidoo kale waxaa halkaasi kusii jeeda wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu qeyb ka yahay taliyaha NISA, kuwaas oo dhameystirayo heshiiska dhex-maraya labada dhinac. Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu xil ka qaadis ku sameeyey wasiir Janan oo maalmahaan ku sugnaa duleedka Beledxaawo. View the full article
  18. Axmed Madoobe oo xilka ka qaaday Cabdirashiid Janan oo Farmaajo u galay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu xulkii ka qaaday Wasiirkii Amniga ee maamulkiisa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaan Cabdirashiid Janan. Warqadda xilka looga qaaday oo ay heshay VOA laguma sheegin sababta. Hase yeeshee ilo kala duwan oo gobolka ah oo codsaday inaa magacooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay arrintan ka hadlaan ayaa u sheegay VOA in Cabdirashiid Janan uu wada-hadalo kula jiray dawladda federaalka Soomaaliya. Cabdirashiid Janan ayaa dawladda Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdishu bishii Augus sannadkii 2019-ka iyada oo ku eedaysay inuu galay “dambiyo culus” oo ay ku jiro kuwo la xiriira xuquuqda aadanaha. Eedahaas wuu beeniyey Cabdirashiid Janan, waxaanu xariggiisa ku tilmaamay inuu la xiriiray siyaasad. Bishii Jannaayo ee sannadkii hore ayaa Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday goobtii lagu hayey, waxaana uu dhuumasho ku tagay magaalada Kismaayo. Bishii Maarso ee sannadkii hore ilaa bishii Janaayo ee sannadan laba iska horimaad ayaa magaalada Beled Xaawo ku dhexmaray cidamada Cabdirashiid Janan ee mamaulka Jubaland iyo kuwa dawladda federaalka. Cabdirashiid Janan ayaan weli rasmi ahaan ugama hadlin xil ka qaadistiisa. Qaran News
  19. Baadhitaan lagu ogaaday in suuqa-madow lagu kala iibsado tallaalka Covid-19! Sida lagu ogaaday baaritaan cusub, tallaalka, warqadda baasabooradda u ah iyo waraaqaha baaritaanka COVID-19 ee been abuurka ah ee muujinaya in qofka laga waayay xanuunka, waxaa lagu kala iibsadaa suuqa madow. Qiimaha lagu kala iibsado talaallada AstraZeneca, Sputnik, Sinopharm ama Johnson & Johnson ayaa u dhaxeeya 500 illaa 750 doolar. Waraaqaha been abuurka ah ee muujinaya in qofka uu qaatay tallaalka, waxaa lagu iibiyaa qiyaas ahaan $150 doolar. Ganacsigaan waxaa dhaqaale badan ka sameeya ganacsato daahsoon. Baaryaasha ayaa sheegay inay arkeen sare u kac ku yimid xayeesimaha dhanka online-ka ah ee tallaalka suuqa madow, halka ay BBC-da u suuro geli weysay inay xaqiijiso in tallaalka uu yahay mid sax ah. Shabakadda suuqa madow waa qeyb ka mid ah internet-ka taasi oo loo isticmaali karo keliya qalab gaar ah. Baarayaasha shirkadda dhanka amniga internet-ka ee Check Point ayaa la socday shirkadaha burcadda ah iyo suuqyada kale, tan iyo bishii Janaayo, oo ah markii ay bilowdeen xayeesimaha tallaalka. Waxay sheegeen in tirada xayeesimaha ay arkeen xilligaasi ay seddex jibaarmeen ayna gaareen in ka badan 1,200. Kuwa iibiya tallaalka ayaa u muuqdo in ay ka soo jeedaan Mareykanka, Jarmalka, Faransiiska iyo Ruushka. Kooxda ayaa ogaatay in qoraallada xayeesinta loo adeegsaday luuqadaha Ingiriiska iyo Ruushka. Mid ka mid ah iibiyeyaasha ayaa xayeesinaya in maalinta xigtaba uu keeni karo dalabka: Waxa kaloo uu qoray: Farriin reeb haddii aad dooneyso in si deg -deg ah ama habeen gudihii lagugu keeno tallaalka. ‘Mid iibso oo hel mid kale oo bilaash ah’ Xayaysiis kale oo ku saabsan barxad jabsiga ayaa bixiya tijaabooyin been abuur ah waxaana ku qoran: “Waxaan sameynaa tijaabooyin xun oo Covid ah, oo loogu talagalay dadka safarka ah ee dibedda jooga, si ay shaqo u helaan iwm. Iibso labo baaritaan oo kan saddexaadna bilaash ku hel!” Xayeesin kale waxay sheegeysaa in ay sameynayso warqadaha lagu raaco diyaaradaha ama warqad caddeyneysa qofka in uu tallaal qaatay. Qaar ka mid ah shaqaalaha goobaha dalxiisyada ama fasaxyada loo tago, waxay u baahan yihiin shahaadooyinka tallaalka. Nidaamka baasaboorka tallaalka ayaa sidoo kale laga tixgelinayaa Boqortooyada UK, waxaana loo isticmaali karaa in loogu oggolaado martida inay galaan meelaha ay ka mid yihiin baararka, ama garoomada ciyaaraha. Saraakiisha yurub ayaa sidoo kale ku dhawaaqay qorshayaal dadka u oggolaanaya in qofka qaatay tallaalka Covid ama dhowaan ka soo bogsadey fayraska, inuu ku dhex safro Midowga Yurub. Marka maaha wax lala yaabo in dukumiintiyo been abuur ah lagu soo bandhigo oo la kala iibiyo. Baarayaasha Check Point waxay heleen dad badan oo iibiyayaal ah oo bixiya dukumiintiyo been abuur ah, oo ay ku jiraan mid loo maleynayo inuu ka yimid UK oo wata kaarka tallaalka, waxaana la iibinayayaa $ 150 iyadoo la adeegsanayo habka lacagta ‘Bitcoin’. Markii ay la xiriireen qofkii iibinayay, kooxda waxaa loo sheegay in ay u baahan yihiin oo kaliya in ay sheegaan magacyadooda iyo taariikhaha qaarkood, markii ay been abuurka sameeyan. Qofka iibinaya ayaa farriin u diray wuxuuna yiri: “Uma baahnid in aad ka walwasho, waa shaqadeena…. Waxaan sidan ku sameynay dad badan wax dhibaata ahna nagama soo gaarin.” Oded Vanunu, madaxa cilmibaarista Check Point ayaa yiri: “Waa lama huraan in dadku fahmaan in isku dayga lagu helayo tallaal, kaarka tallaalka ama natiijada baaritaanka been ah, iyadoo loo marayo qaab aan rasmi ahayn, ay tahay mid aad khatar u ah, maadaama dadka wax jabsada ay aad u xiiseynayaan lacagtaada, macluumaadkaaga iyo aqoonsigaaga, si looga faa’iideysto. “ Mr Vanunu ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in kooxdiisu ay iibsadeen tallaalka Sinopharm oo ay ku iibsadeen $750 oo doollar, taasi oo qayb ka ah cilmi-baaristooda, laakiin aysan weli helin. Kooxdiisa ayaa BBC-da u sheegtay in ay aaminsanyihiin in qofkii ay ka iibsanayeen uu ahaa mid khiyaano badan, laakiin waxay sheegeen in kuwa kale laga yaabo in aysan iibinaynin tallaallada dhabta ah. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha caalamka ayaa soo saartay qoraal xasaasi ah oo ay soo saartay ku shaacisay inaysan marna taageeri doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka ee waqtigu ka dhammaaday. Qoraalkaan kasoo baxay beesha caalamka ayaa kusoo aadaya xilli ay Caasimada Online baahisay xog ku saabsan iney jiraan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo shalay ku shiray Hotel Decale, islamarkaana baadi goobaya iney guddoonka golaha shacabka hor geeyaan muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraalka beesha caalamka oo xafiiska QM ee Soomaaliya uu soo digay twitter-ka ayaa lagu sheegay muddo kordhin, hanaan doorashooyinka is-dhinac socda ama doorashooyin aan loo dhameyn aysan midna heli doonin taageerada beesha caalamka. “Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM. All key #Somali leaders are in #Mogadishu. Time for further informal #consultations to agree on #FGS–#FMS summit & go to #elections; int’l partners reiterate they “will not support a partial or parallel electoral process or any initiatives leading to extension of prior mandates.” — UNSOM (@UNSomalia) March 24, 2021 Qoraalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday shirkii uu ku baaqay Farmaajo ee ay soo xaadireen kaliya madaxda dowlad goboleedyada taabacsan iyo sidoo kale guddoonka gobolka Banaadir ee uu Farmaajo uu soo magacowday. Qoraalkaan wuxuu ka mid yahay qoraalada ay beesha caalamka ku cadeynayaan mowqifka ay ka joogaan khilaafka jira iyo sidoo kale cadaadiska ay dhinacyada iska soo horjeeda ku saarayaan iney ka heshiiyaan khilafka jira si dalka uu u aado doorasho la isla ogol yahay oo xalaal ah. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa labaduba qaadacay shirkii labada maalin ahaa oo uu ku baaqay Farmaajo kaas oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha maamullada taageerada u ah DF, waxeyna beesha caalamka ku dadaaleysaa iney ka shaqeyso qabashada shir loo dhan yahay. Sidoo kale labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland waxey wataan shuruudo iyagoo wata magaca Madasha Badbaado Qaran oo ay kula mideysan yahiin midowga musharaxiinta mucaaradka iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi oo uu hogaaminayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka ay mudadiisa dhamaatay kal hore.