Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,866
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimad Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa galabta garoonka Muqdisho kasoo dajisay dhalinyarado Soomaaliyeed oo dhowaan doon ay kula dagtay dalka Madagascar, halkaas oo ay ku dhinteen Soomaali badan, kuwana kale lasoo bad-baadiyay. Dhalinyarada la keenay oo kasoo bad-baaday shilkaasi ayaa gaaraya illaa 40 muhaajiriin ah, waxaana diyaarad gaar ah u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Tahriibayaashan oo ku labisnaa labiska Calanka Soomaaliya ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad wayn iyo inay ku qanacsanaayeen kusoo laabashadooda Soomaaliya. Mas’uul ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale dhalinyaradan kusoo dhaweeyay Muqdisho, taas oo muujineyso in dowladdu ay dadaal badan gelisay soo celinta dhalinyaradan. Qaar kamid ah dhalinyarada lasoo celiyay oo isugu jiro gabadho iyo wiilal ayaa qaarkood la hadlay warbaahinta, waxayna si weyn u mahadceliyeen dowladda Soomaaliyeed. Illaa 28 muhaajiirin Soomaali ah ayaa kamid noqday dadka ku dhintay shilka ka dhacay dalka Madagascar, waxaana la waayay doontii ay la socdeen oo lasoo wariyay inay xeebta kula degtay, sida ay xaqiijiysay wakaaladda dekedaha, badda iyo webiga ee Madagascar oo qoraal soo saartay. Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo gelinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada Birjeex ee Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana xigay dagaal socday ku dhawaad saacad oo sababay khasaare xooggan. Afhayeenka ciidamada Jubbaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir oo wareysi siiyay VOA ayaa ka warbixiyay dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in labada dhinacba uu khasaare soo gaaray. Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax ayaa tilmaamay in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, uuna ka dhaawacmay mid kale, balse khasaare ka badan ay gaarsiiyeen Shabaab. Afhayeenka ayaa xusay in dagaalka kadib ay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay ka carareen 9 maydad ah, ayna jiraan maydad kale iyo dhaawacyo ay horay u qaateen. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga waqooyi ee magaalada Kismaayo. Al-Shabaab ayaa u muuqata inay ka dhex faa’iideysaneyso xiisadda dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxayna kordhisay weerarada ay ku qaadeyso ciidamada maamulkaasi.
  3. Nairobi (Caasimada Online) – SODMA (Somali Digital Media Academy) oo ah xarun Soomaaliyeed oo ku takhasustay horumarinta xirfadaha dijitaalka ah, ayaa ku guuleysatay Abaalmarinta Silver Award ee Digitally Fit Awards – East Africa Edition 2024. Xafladda oo lagu qabtay Nayroobi waxaa kasoo qaybgalay in ka badan 500 shirkadood oo ka kala yimid dalalka Bariga Afrika, sida Soomaaliya, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiyadda Congo, iyo Burundi, si loo xuso hal-abuurka iyo horumarka tiknoolajiyada dijitaalka ah. Abaalmarinta waxaa goobta ka guddoomay Farxaan Xuseen Cabdi oo ka tirsan maamulka SODMA, kaas oo sheegay in guushan ay tahay mid ay ku faani karaan dhammaan Soomaalida, isagoo tilmaamay in ay abaalmarintani tahay caddeyn u ah dadaalka SODMA ee ku wajahan horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee xirfadaha dijitaalka ah. Senator Okiya Andrew Omtatah oo ka socda Kenya ayaa bogaadiyay SODMA kadib markii uu wax badan ka bartay shaqadeeda. Wuxuu yiri: “Waxa ay SODMA qabato waa wax aan dhammaanteen ku faani karno. Doorkeeda ku aaddan tababarka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo barashada xirfadaha dijitaalka ah waa tusaale ifaya oo isbeddel wanaagsan ah. Saameynteeda waxay ka baxday Soomaaliya oo waxay gaartay gobolkan oo dhan.” Wuxuu intaas ku daray: “Mashaariicdan waa maalgelin mustaqbalkeena wadajirka ah, mana aha oo kaliya horumar shaqsi. Dadaalka SODMA wuxuu muujinayaa sida hay’adaha goboleedku uga qayb qaadan karaan horumar waara.” Guushan waxay u tahay Soomaaliya tallaabo weyn oo lagu muujinayo kartida iyo hal-abuurka dadkeeda. Gobol ahaan, waxay astaan u tahay muhiimadda iskaashiga iyo waxbarashada si loo abuuro fursado cusub oo lagu gaaro horumar waara.
  4. Elders from North Eastern region have raised fears over an influx of refugees in the country caused by rising tensions in the Horn of Africa over the independence of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029. Istaraatiijiyaddan oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo Isla Xisaabtan,” ayaa looga golleeyahay dib-u-habeynta nidaamka caddaaladda si uu u noqdo mid ka jawaaba baahiyaha dadka Soomaaliyeed. Qorshahan waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa ilaalinta xuquuqda bulshada nugul sida haweenka iyo carruurta, iyadoo la dhisayo nidaam caddaaladeed oo isku dhafan, waafaqsanna nidaamka federaalka, kuna saleysan dhaqanka, qiyamka, iyo diinta suuban ee Islaamka. Mudane Xamse ayaa ku nuuxnuuxsaday in istaraatiijiyadda cusubi ay muhiim u tahay dhismaha nidaam caddaaladeed oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana bulshada u sahlaya helitaanka adeegyo caddaaladeed oo hufan. Waxaa sidoo kale qorshuhu xooga saaraya in la xoojiyo isla xisaabtanka hay’adaha garsoorka iyo hufnaanta howlaha lagu fulinayo caddaaladda. Source: goobjoog.com
  6. A Chinese-owned fishing vessel with 18 crew members aboard was hijacked last week off the northeastern coast of Somalia, local authorities said Friday. Source: Hiiraan Online
  7. Somalia on Thursday announced that it successfully brought back 161 of its citizens stranded in Libya through the United Nations-backed Voluntary Humanitarian Return program. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa si adag ugu jawaabay wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si weyn u dhaliilo dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Al-Cadaala oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa naqdiyay hadallada Juxa, wuxuuna u jeediyay eedeymo shaqsiyadeed, isaga oo runta u sheegay. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in wasiir Juxa la yaqaano taariikhiida, uuna baal madow uu jiro, sidoo kalena yahay nin anshax xumo badan, sida uu hadalka u dhigay. “Juxa labo taariikhood buu leeyahay, mid anshax xumo uu sameeyay ah buuggiisa ayuu ku qoray, isagoo madaxu cadaaday in uu meel lasoo fariisto doorkii uu ku lahaa burburkii dalka waa nasiibdaro” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in jiraan dad kale oo uu la meel dhigay argagixisada, isaga oo tusaaleynayay dhaqankooda. “Kuwaas oo kale waxa ay ka xun yihiin oo dhaqan xumadooda ay ka halis badan yihiin argagixisada, sababtoo ah argagixisada waa la yaqaanaa, laakiin qofkan isaga oo u isticmaalayo magacii dowladda ayuu sidaas u hadlayaa” ayuu mar kale yihi wasiirku. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sidaan oo kale u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka qayb-galayay kulan dadweyne, wuxuuna adeegsaday erayo adag oo dad badan ka falceliyeen.
  9. Rag hubaysan oo markab kalluumeysi ugu af-duuban yahay xeebaha Puntland ayaa dalbaday $5 milyan oo doollar sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP News. Wakiilo ka socda shirkadda markabka leh ayaa u bandhigay dableyda hubaysan lacag dhan $1 milyan oo doollar balse way diideen waxaana ay ku adkeysteen in la siiyo $5 milyan oo doollar. Markabkani oo laga lee yahay dalka Shiinaha islamarkaana ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa todobaar ka hor laga qafaashay xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari. Markabka oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah waxaa markii hore la geeyay degaan xeebeedka Jiifle oo ka tirsan degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal waxaase hadda lagu hayaa degaanka Marraya oo hoostaga degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Wararka ayaa sheegaya in markabkani ay bilowgii qafaasheen ilaaladii loo xilsaaray amnigiisa balse ay dib kaga biireen dabley kale oo hubaysan. PUNTLAND POST The post Rag hubaysan oo markab ku qafaashay xeebaha Puntland oo dalbaday lacag dhan $ 5 milyan appeared first on Puntland Post.
  10. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa xaqiijiyay in doon laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay saarnaayeen 18 shaqaale ah ay soo afduubteen kooxaha Burcad-badeedda Soomaalida. Mas’uuliyiinta degmada Xaafuun oo ka tirsan Puntland ayaa shaaca ka qaaday in burcad-badeedda afduubka sameysay ay ka mid yihiin xubno ka tirsan kooxdii amniga ee doonta waardiyeynaysay kuwaas oo kaashaday rag hubaysan oo deegaanka ah si ay u qabsadaan doonta. Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee la-dagaallanka burcad-badeednimada, Eunavfor Atalanta, ayaa war-saxaafadeed soo saaray ku xaqiijiyay in arrinta ay soo gudbiyeen mas’uuliyiinta deegaanka. Baaritaannada hore ayaa falka ku tilmaamay “dhac hubaysan oo ka dhacay badda.” Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan shaqaalaha saaran doonta ay badqabeen oo aysan wax dhaawac ah soo gaarin. Kooxda burcad-badeedda ah ayaa markii hore doonta u qaaday deegaanka Jiifle oo ku yaal degmada Godobjiraan, laakiin waxaa la sheegay in doonta loo wareejiyay meelo kale oo xeebaha Soomaaliya ah. Hadda, waxaa lagu tuhunsan yahay in doonta ay ku sugan tahay deegaanka Maraya oo hoos yimaada degmada Eyl. Dhacdadan inkasta oo la sameeyay dadaallo badan oo caalami ah, sida kormeerka ciidamada badda ee Mareykanka iyo saaxiibbadooda caalamiga ah. Mas’uuliyiinta maxalliga ah waxay sheegeen in baaritaan socdo, iyaga oo ballan qaaday in tallaabo degdeg ah la qaadi doono si loo soo afjaro arrintan. Afduubkan wuxuu markale soo saaray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo amniga xeebaha Soomaaliya si looga hortago dhibaatooyinka noocan oo kale ah. Source: goobjoog.com
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa sheegtay in ay lidka diyaaradaha ku garaacday diyaarad gelinkii dambe ee shalay kusii jeeday dhanka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka baxday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradda ay sahay u siday ciidamada dowladda ee ku sugan aagga Raaskambooni oo maalmahan ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo culus. “Ciidamada Jubbaland ayaa galabta 5:20pm qoryaha lidka diyaaradaha ku garaacay diyaarad shixnad u sidey maleesshiyaadka lagu daabuley Raaskaambooni” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Telefishinka Jubbaland. Sidoo kale waxaa warka qoraalka ah lagu sheegay in diyaaraddu ay dagi weysay, kadibna ay u jiheysatay dhinaca xuduuda Kenya oo ay markii dambe jihadaasi kasoo degtay. “Diyaarada ayaa jihadii ay ka degi jirtey ka carartey kana soo degtey dhanka xuduuda Kenya ayadoo markii ay ka duulaysay garoonka Diyaaradaha Raaskambooni faro caaradood kaga fakatey rasaasta ciidamada Jubbaland ku ridayeen” ayaa lasii raaciyay. Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada Jubbaland ayaa fariisin ka samaystay goob aan ka fogayn garoonka diyaaradaha Raaskambooni waxaana ka go’an sidii looso afjari lahaa maleeshiyada Xamar diyaaradaha lagaga soo daabulay si ay u khalkhal galiyaan amniga deegaanada Jubbaland”. Horay Jubbaland ayaa u mamnuucday in diyaaradaha ay toos uga dagaan Raaskambooni, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan maamulkaasi. Dowladda ayaa dhankeeda iyaduna xayiraad kale uga jawaabtay go’aankaasi, waxayna gebi ahaan joojisay in diyaaradaha ay u duulaan dhammaan deegaanada hoostaga Jubbaland.
  12. A Chinese fishing vessel off the coast of Somalia has come under the control of alleged pirates, a European Union anti-piracy force operating in the area said Thursday. The ship, with up to 18 crew members, had been taken over by the suspected pirates, some of whom were armed with AK-47s and machine guns, the European Union Naval Force Operation Atalanta said in a statement. It classified the incident as a robbery at sea and said none of the crew had been injured. The force had responded to an alert from police in Somalia’s semi-autonomous northeastern Puntland region that a Chinese ship off the coast had allegedly been hijacked, its statement said. China has yet to comment on the situation, which occurred in a key region for its overseas naval activities guarding the country’s expanded footprint and economic interests in Africa and the Middle East. The People’s Liberation Army Navy has since 2008 conducted anti-piracy operations around the Gulf of Aden along Somalia’s northern coast as one of a number of major powers seeking to secure shipping routes in the face of rampant piracy. And since 2017 China has operated its only overseas military base in Djibouti, also on the Horn of Africa. The latest incident comes amid a recent uptick in piracy in the area, which is close to key international shipping lanes through the Suez Canal and Red Sea. The slow resurgence follows attacks by Houthi rebels on commercial shipping in the Red Sea in retaliation for Israel’s war on Hamas in Gaza. The attacks, which began late last year and decreased in the spring, upended global trade – and diluted the attention of international naval forces in the region, observers say. The EU’s Operation Atalanta recorded 19 attacks by suspected pirates so far this year – the highest number since 2012, according to data from the force, which operates in waters around the Horn of Africa and the Western Indian Ocean. That’s still a far cry from the peak of 2011 when there were 212 attacks, the data shows. The earlier decline is widely attributed to coordinated and UN-backed international efforts, including from NATO, the EU and UN Security Council permanent members, which gained steam from 2008. The Chinese navy’s now-longstanding anti-piracy task force began conducting escort missions in the Gulf of Aden and the waters off Somalia in December 2008 after a spate of attacks on Chinese vessels. At the time, the start of that taskforce marked a step forward in China’s efforts to use its growing international clout and economic strength to address shared international issues. China’s navy has since run more than 40 escort missions of international and Chinese vessels in the region, but did not join a US-led multinational coalition to protect ships transiting the Red Sea against the Houthi attacks. The EU’s Operation Atalanta said it was in “permanent contact” with Somali and Chinese authorities on the latest incident. CNN has reached out to China’s Foreign Ministry and Ministry of Defense for comment. Source: CNN The post Chinese fishing vessel under control of suspected pirates off Somali coast, EU naval force says appeared first on Puntland Post.
  13. Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal beeleed lagu hoobtay oo Jimcihii ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, wuxuuna si gaar ah uga dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Laba Garas ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qaatay saacado badan oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah, sida ay innoo shegeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale waxaa jiro dhaawacyo kale oo intaas ka badan oo waxyeelo ku noqday dagaalka oo ahaa mid xooggan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana aagga deegaanka Laba Garas isku horfadhiyo maleeshiyaadka labada dhinac oo helayo gurmadyo dheeraad ah. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalkan ayaa noqonaya mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka oo ay weli ka jiraan colaad beeleedyo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi.
  14. Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol oo Sabtida saaka ah khudbad jeediyay ayaa raalli gelin ka bixiyay sharcigi dagaalka ee martial law-ga ee uu todobaadkaan ku soo rogay dalkiisa, inkastoo uu ka laabtay 6 saacadood kaddib. Yoon ayaa raalli gelintan bixiyay saacado yar ka hor inta aysan mudanayaasha baarlamaanka yeelan fadhi aan caadi aheyn oo la filayo in madaxweynaha xilka looga xayuubiyo. Yoon wuxuu sheegay in uusan isku dayi doonin ka fogaanshaha mas’uuliyadaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay go’aankiisii la yaabka ku noqday shacabka Kuuriyada isla markaana ruxay guud ahaan qaranka uu hogaamiyo. Khudbaddiisa saaka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu uga soo hor muuqdo fagaarayaasha, wixi ka danbeeyay marki uu iclaamiyay sharciga dagaalka, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa ka dhigi lahaa Kuuriyada Koofureed waddan uu ka fulo kaliyah amarka madaxweynaha, milatariguna ay soo xiri karaan qofki ay doonaan maxkamad la’aan. Mudanayaasha axzaabta mucaaridka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada xisbul xaakimka ayaa la filayaa in ay haa ugu codeeyaan mooshinka xilka looga qaadayo madaxweyne Yoon maanta oo Sabti ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo raalli-gelin ka bixiyay Sharcigii Martial Law appeared first on Puntland Post.
  15. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQPfztvnsVMH29DSCJHJ3HXc4SwyVq0ZwJRbqZ16JhrSKo95WdN3YPCZYHLOt-1fIqZWo_XGkwDd_QJYxIi8k3mZ.mp4 Qaran News
  16. AQMwaSy8h14OuFJ8-ryNtlRG99YGRIdXkfDY3hZhLXKeKhD1TvVvjGQvtOX1jFgsxofKprRsXpPEDdYiDCryS89R Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey Masjidka ayaa cadeeyey sida ay uga go’antahay in Axmed Madoobe la dhaafiyo Jubbaland, “Ninkaas wuxuu diiday inuu ku shaqeeyo sharcigii uu saxiixay, suurtagalna maaha in rabitaankiisa dadka loo duleeyo oo Soomaali ku kala tagto,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu diiday in dalka uu wax ka xoreeyo, “Ninkaas wax yaabihii uu sida weyn uga soo hor jeestay waxaa kamid ahaa aas-aaskii ciidanka Macawiisley, markii uu hadlo wuxuu leeyahay inay Shabaab la dagaalo ayaan u noolahay, si cad ayaan u dhihi jirnay Axmed Shabaab uma socotide, faanka iyo beenta jooji,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in Axmed Madoobe uu Jubbaland heystay 13 sano, hadana uu doonayo in 5 sano oo kale uu sii joogo, “Suurtagal miyaa in Axmed Madoobe oo dadkii wada dhashay isku heyn waayey, oo Shabaab hal tuulo ka xorey waayey in 18 sano uu Jubbaland sii joogo?” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay in Raaskambooni ay dowladda Soomaaliya ka sameysatay saldhig militeri, maadaama ay muhiim tahay in ciidanka Qaranka ay ATMIS kala wareegay amniga dalka inta aysan dhamaan bishaan. “Raaskambooni garoon kama jirin, dhulka inta la maro Kismaayo lama tego karo, badda in la marana waa safar dheer, garoonka Raaskambooni dhowaan ayaa la dhisay dowladda Kenya ayaa dhismihiisa ka kaalmeysay Soomaaliya, hadafka dowladda Soomaaliya ay ciidamada u geysay halkaas maaha duulaan ka dhan ah shacabka Jubbaland, laakiin Axmed Madoobe manta Shabaab iyo dowladda waxaa u daran dowladda, waxa uu dagaal abaabulayo wax aqliga geli kara kaama, laakiin ciidanka Soomaaliyeed uma dagaalami doonaan, waad aragteen dhibaatooyinka ay ka tirsanayaan ciidankii uu 13 sano heystay ee Raaskambooni tegay maalmahaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe 13 sano oo Kismaayo uu fadhiyey uu aruursanayey hub iyo lacag uu doonayo in maanta u uku dagaalamo, “dadkii dhamaa waa ku kala tegay Jubbaland 4 nin oo danahooda ka dhex aragtay ayaa Kismaayo la joogta,” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Hadii Axmed Madoobe 18 sano Kismaayo kaliya xukumayo, maxaan xukunka u wareejiyey anigoo dalka dhan amarkeyga laga qaadanayo, maxay Farmaayo iyo Shariif u wareejiyeen, maxaan hadda ugu diyaarsanahay inaan wareejiyo xukunka, maxaan 30 sano isku dileynay?” ayuu yiri Xasan Sheekh. Hoos ka daawo
  18. Mogadishu (HOL) — A tense standoff unfolded Saturday in Somalia's Gedo region as Somali forces and local residents blocked Ethiopian troops from advancing into the border town of Buulo Hawo, a hotspot in the ongoing struggle for regional control and sovereignty. Source: Hiiraan Online
  19. Seoul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol ayaa khudbad laga baahiyay telefishannada aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah, raalli gelin ka bixiyay sharcigi dagaalka ee martial law-ga ee uu todobaadkaan ku soo rogay dalkiisa, in kasta oo uu ka laabtay 6 saacadood kaddib. Yoon ayaa raalli gelintan bixiyay saacado yar ka hor inta aysan mudanayaasha baarlamaanka yeelan fadhi aan caadi aheyn oo la filayo in madaxweynaha xilka looga xayuubiyo. Yoon wuxuu sheegay in uusan isku dayi doonin ka fogaanshaha mas’uuliyadaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay go’aankiisii la yaabka ku noqday shacabka Kuuriyada isla markaana ruxay guud ahaan qaranka uu hogaamiyo. Hadal jeedintiisi saaka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu uga soo hor muuqdo fagaarayaasha, wixi ka danbeeyay marki uu iclaamiyay sharciga dagaalka, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa ka dhigi lahaa Kuuriyada Koofureed waddan uu ka fulo kaliyah amarka madaxweynaha, milatariguna ay soo xiri karaan qofki ay doonaan maxkamad la’aan. Mudanayaasha axzaabta mucaaridka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada xisbul xaakimka ayaa la filayaa in ay haa ugu codeeyaan mooshanka xilka looga qaadayo madaxweynaha maanta.
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda dalka iyo doorashada qofka iyo codka ah ee ay dowladdu qorshaynayso ayaa sheegay in cid kasta oo tabasho ka qabta habka ay wax ku socdaan ay wada-hadal diyaar ula yihiin. “Waxaan diyaar u nahay meel kasta inaan u tagno wada-hadal, inoo imaada haddii la yiraahdo, haddii kalena anagaa inoo imaada dhahayna, maanta maalintii Xamar iyo Garoowe keliya la tagi karay maaha, meelo badan oo dalka kamid ah ayaa lagu shiri karaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in laga wanaagsanyahay in wada-hadal u dhexeeya dad Soomaaliyeed dalal shisheeye lagu qabtay, asagoo tilmaamay inaanay qumanayn in talo Soomaaliyeed dibedda loo qaato, ayadoo gudaha lagu xallin karo. “Talo siyaasadeed in dibedda loo qaado raali kama nihin, balse qofkii yiraahda Quracaas hoostiisaan fadhiyaaye iigu imaada anagaa ugu tageyna” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay wada-xaajoodyada si saamilayda siyaasadeed Soomaalida ee dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay ka go’antahay in doorasho qof iyo cod ah ay qabato, madaxweynuhuna arrintaas ayuu mar kale ku celiyay, asagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay doorashadaas u diyaar garoobaan. Source: goobjoog.com
  21. Mogadishu (HOL) — Somalia has inaugurated a new Maritime Rescue Coordination Center (MRCC) at the Coast Guard's headquarters in Mogadishu. The center, launched with support from EUCAP Somalia, represents a significant boost to maritime safety and security in the region. Source: Hiiraan Online
  22. Somalia on Friday accused Ethiopia of interfering in its southern Jubaland region, the latest upset in a nearly year-long bitter dispute between the two nations. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) — Egypt and Somalia are set to formalize a critical memorandum of understanding (MoU) on water resource management, marking a pivotal step in their bilateral relations. The agreement, which addresses climate resilience, technical cooperation, and capacity building, reflects both nations' efforts to tackle water insecurity and environmental challenges head-on. Source: Hiiraan Online
  24. Xoogagga mucaaradka Suuriya ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo iyo hormar baaxad leh ka samaynayay dagaalka ay kula jiraan militariga dalkaas, ayagoo qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan kuwa ku yaalla waqooyiga, bariga iyo bartamaha. Jabhadan hubaysan oo dhammaantood isku bahaystay sidii ay xukunka ugu tuuri lahaayeen Madaxweyne Bishaar Al-assad oo asaga iyo Aabbihiis oo talada isaga dambeeyay ay dalkaas maamulayeen ku dhowaad 60 sano ayaa hadda wax ka yar boqol kmr u jira magaala madaxda Dimishiq. Ciidanka dowladda ayaa si lama filaan ah uga baxaya goobaha istiraatiijiga ah, ayagoo halkaas uga tagaya saanad militari oo hub culus iyo diyaarado ay ku jiraan, ayadoo mucaaradku ay iska hor-imaad la’aan isugu ballaarinayaan magaallooyinka waaweyn. Dalalka caalamka ayaa intooda badan danjireyaashooda iyo muwaadiniintooda ugu baaqay inay Suuriya degdeg uga baxaan, taas oo muujinaysa in xaaladda faraha ka sii baxayso, wararka qaarna waxay sheegayaan in qoyska madaxweynuhu ay u hayaameen Ruushka iyo Imaaraadka. Dhanka kale Ruushka ayaa tilmaamay inaanu hayn qorshe uu ku difaaci karo maamulka Bishaar Al-assad, halka Iran iyo kooxaha ay taageerto ee ku sugan Ciraaq iyo Lubnaana aanay qaadan wax tillaabo ah oo lagu taageerayo ciidanka dowladda Suuriya si ay is ballaarinta mucaaradka uga hortagaan. Hoggaamiyaha Mucaaradka Abuu Muxamed Golane oo wareysi siiyay shabakadda CNN ayaa sheegay in yoolkoodu uu yahay in xukunka ka dhaafiyaan Bishaar Al-assad, ka dibna ay colaadda dalkaas ragaadisay soo afjaraan, qaxootiga dunida ku kala firirsanna dib loo soo celiyo. Si kastaba ha ahaatee xowliga xoogagga mucaaradku muddada gaaban dhulka ballaaran ku qabsanayaan ayaa dunida xasuusinaysa sidii ay Taalibaan xukunka dalka Afgaanistaan kula wareegeen sanadkii 2021, balse lama oga sida ay ku dambayn doonto xaaladda dalka Suuriya oo ku dhowaad 60 sano ay gacan bir ah ku maamulayeen qoyska ka soo jeeda calawiyiinta la tirada badanyahay ee reer Al-assad. Source: goobjoog.com
  25. Dowladda Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay ciidankii ugu badnaa ku soo guraysay magaalada Godey ee gobolka Shabeelle, kuwaas oo isku diyaarinaya inay si sharci darro ah ku galaan gollada Gedo, Hiiraan, iyo Bakool. Boqolaal ciidamadaas kamid ah ayaa dhowaan gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, ka dib maalmo guddoomiyaha degmadaasi uu Itoobiya ku joogay safar la sheegay inuu ku saabsanaa ka wada-hadalka arrimaha xuduudka labada dal. Ciidankan ay Itoobiya dalka ku soo daabulayso ayay dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay fara-gelin iyo meel ka dhac qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dhan ah, ayadoo sheegtay inaysan xadgudubka noocaas ah u dulqaadan doonin. Dhaqdhaqaaqa uu wado maamulka Abii Axmed ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ciidanka Itoobiya iyo howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ay dalka ka baxayaan dhammaadka bishan December, balse haddii ay go’aankaas diidaan waxa dowladda u qorshaysan ayaan la ogeyn. Source: goobjoog.com