-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afar Ceel ayaanu ka Qodaynaa Degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-Janno” Wasiirka Warfaafinta Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wac’gelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ay ka mid yihiin Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ah murrashax u taagan golaha wakliillada, isuduwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Sool Axmed Maxamuud Xirsi iyo mas’uuliyiin kale ayaa xogogaal u noqosho ku maraya gobolka Sool. Weftiga oo si weyn loogu soo dhaweeyey degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-janno ayaa u jeedada socdaalkooda ku sheegay in uu salka ku hayo sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool degaanadaas, waxaanay xuseen in ay u qodi doonaan afar ceel kuwaas oo laga hirgelin doono degaannada hoos yimaadda gobolkaas. Wasiirka Warfaafinta ayaa degaanka Gol-jano sheegay in degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-janno ee ay marayan laga qodi doono afar ceel, kuwaas oo ka ugu horeeya laga qodi doono degaanka Goljano, waxaanay intaas ku dareen in xukuumaddu dadaal ugu jirto daboolida baahiyaha biyo ee ka jira gobolka Sool iyo degaannada hoos yimaada. Qaran News
-
29 March 2021 – Somalia’s outbreak of circulating vaccine-derived poliovirus type 3 (cVDPV3) has been successfully stopped, with no international spread. Dr Hamid Jafari, Director of Polio Eradication for WHO’s Eastern Mediterranean Region, Source: Hiiraan Online
-
Kani waa sawir hore Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si qarsoodiya ciidan qoris uga bilowday magaalooyin ka tirsan Somaliland. Dowladda Federaalka ayaa sida la xaqiijiyay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood ka samaysay xarumo qarsoodiya oo laga diiwaan-geliyo dhalinyarada Reer Somaliland ee ku biiraya ciidamada Soomaaliya. Magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Somaliland, ayaa la sheegay in dhalinyarada laga keeno, kadibna si qarsoodiya looga diiwan-geliyo magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo, sida ay caddaysay xogtani. Dhalinyarada ayaa loo sheegaa in tababar dibadda ah loo qaadi doono, kadibna ay ku biirayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale ,waxa xusid mudan in magaalada Gaalkacyo laga qortay dhalinyaro ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo loo sheegay in tababar ciidan loo qaadi doono. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ciidan qoris ka wadda gudaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Agaasimaha Guud ee W.Warfaafinta oo Baabuur iyo Agab kale kala Wareegay BBC Media Action Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa Baabuur Serf ah iyo Qalab Xafiis kala wareegay Madaxa BBC Media Action Maxamed Cabdilaahi Gaas. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa uga mahadceliyey BBC Media Action qalabka ay soo gaadhsiisay Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu tilmaamay in qalabkaasi qayb ka yahay wada shaqeynta ka dhexaysa Wasaaradda iyo BBC Media Action. Madaxa BBC Media Action Maxamed Cabdilaahi Gaas ayaa xusay inay wasaaradda la lahaayeen muddo dheer wada shaqeyn la xidhiidha dhinaca tababarka iyo qalabeynta ah, waxaanu sheegay in baabuurkan iyo qalabkaasi wax ka tari doono hawlaha shaqo ee Wasaaradda. Qaran News
-
Muran iyo khilaaf horleh ayaa hareeyay shirar gaar-gaar ah oo ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo u gogol-xaaraya shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, kaas oo la filayo in ay yeeshaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Wararku waxay sheegayaan, in dhinacyadu ay weli isku fahmi la’ yihiin arrimaha Shirka, gaar ahaanna ka qayb-galka iyo ajandaha Shirka, oo ay ku jiraan qaabka loo furay iyo qodobada lagu bilaabayo iyo muddada uu soconayo. Shirka oo la doonayay in la furo Talaadada maanta ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, waxaana weli socda kulamo goonni-goonni ah iyo dadaallo ku jihaysan in isfaham laga gaaro muranka la xiriira qabsoomidda Shirka. Dhinaca kale, Hoggaamiyaasha qaar ayaa walaac ka muujinaya in fadhiga Baarlamanka Soomaaliya oo sida qorshaysan Arbacada berri ah la qaban doono, kaas oo laga cabsi qabo in mudda kororsi loogu sameeyo dowladda Federaalka. PUNTLAND POST The post Muran iyo khilaaf hareeyay qabsoomidda Shirkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Xudur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo uu la socday siku duwaha ciidanka Koonfur Galbeed ee degmooyinka Ceel-Barde iyo Xudur ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa in sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhabah u galeen sarkaalkaasi iyo ciidanka la socday, iyadoo labada dhinac uu dhex-maray dagaal toos ah. Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ku khaarijisay Yuusuf Shig-shigow oo ahaa isku duwihii ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ka howl-gala degmooyinka Ceel-Barde iyo Xudur ee gobolka Bakool. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada maamulkaasi & kan degmada oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey weerarkaasi. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku aada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool.
-
Ciidamada Kumaansoorka DANAB iyo kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay howlgal miino baaris ah ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada dowladda iyo Jubbaland ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay degaanada Dhaay-cabdow Mayoonde iyo Buula-kuusow, waxaana halkaas laga saaray miinooyin ku aasnaa wadada. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in miinooyinka ay dhulka lagu aaseen Al-shabaab, isla markaana la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka iyo dadka safarka ah. Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in inta uu socday howlgalka uu iska hor imaad kooban uu dhexmaray Ciidamada iyo Al-shabaab, uuna jiro khasaaro ka dhashay, in kastoo aysan faah faahin. PUNTLAND POST The post Hawlgal miino-baaris ah oo laga sameeyay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska duubay waxa uu ku weeraray madaxweynasha Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, isagoo tilmaamay inay u muuqdaan rag siyaasadu cariiri ku noqotay. Waxa uu sheegay in wixii hadda ka horeeyey uu is lahaa iyagaa gar leh, balse hadda ay u muuqdaan rag siyaasadu ku cakirantay. “Markii horaba waxyaabo laga garaabi karo ayaad ku doodeyseen, laakiin meeshii aad dalbateen hadii la idinkugu yimid oo aad diidaan inaad ka qeyb gashaan shirka cariiri ayaad geleysaan, in amar la idin siiyo oo la idin handado waxay idinku tahay fadeexad weyn oo siyaasadeed, marka meeshii aad is la heydeen garabka kale cariiri geliya, adinkaa cariiri la idin geliyey hadda,” ayuu yiri Xasan Daahir. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Xasan Daahir labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ugu baaqay inay shirka ka qeyb galaan inta goori goor tahay oo aan sharaf dhac siyaasadeed lagu sameyn. “War hadda kadib waad ku ceeboobeysaan bahasha, hadii kale siyaasadda isaga baxa, waxaa la rabaa inaan la isku cariirin siyaasadda, waad isku cariiriseen bahasha, taasna waxaa idin kugu wacan jidka xun ee markii horaba aad qaadeen ee diin la’aanta ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray Xasan Daahir Aweys. Waxuu intaas ku sii daray, “War waxyaabaha qaar waa ceeb, sababtoo ah markii hore amniga ayaad ka cabaneyseen, taasna waan idin kugu garaabaayey oo wixii 19-kii Febraayo dhacay idinlama rabin, laakiin markii Xalane la idin kugu yimid, maxay yihiin waxa kale oo aad rabtaan magacood?” Waxa uu sheegay in garabka kale ee Farmaajo iyo madax goboleedyada taabacsan oo markii hore ay la doonaayeen shirqool siyaasadeed uu hadda iyaga shir qoolay, isagoo Deni iyo Axmed Madoobe kula taliyey inay sidaan wax ka bedelaan oo ay la yimaadaan feker siyaasadeed ama siyaasadda dhan ay isaga baxaan, sida hadalkiisa uu u dhigay. “Adinku waxaad rabtaan inaad sharafta ka qaadaan kuwa kale, ayaguna sidoo kale ayey u doonayaan in sharafta la idinka qaado, kuligiin waxaa tihiin qurun is xasdaaya oo aan isku tanaasulin, marka cariirigu hadda adinka ayuu idin heystaa ee ogolaada inaad shirka gashaan, awalowsan kheyr ka imaneyn, kheyrna laheyne,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda Soomaaliya. Hoos ka Daawo
-
Maxkamadda Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ganaax lacageed oo mid $700 oo Doolar ku riday 31 ruux oo si sharci daro uga kalluumeysanayay xeebaha maamulkaas. Kalluumeysatadan oo ka soo jeeday waddanka Yemen ayaa laga soo qabtay xeebaha u dhexeeya degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere sida ay maxkamaddu sheegtay. Dadka la qabtay ayaa ka koobnaa 39 qof balse 8 kamid ah ayaan wax xukun ah lagu ridin maadaama lagu sheegay carruur aan qaan-gaarin. Sidoo kale maxkamaddu waxay xukuntay in lala wareego doontii iyo qalabkii ay wateen raggaas. PUNTLAND POST The post Galmudug oo xukunno ku ridday kulluumeysato ajaanib ah appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamada Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ganaax mid $700 (Todoba boqol oo dollar ah) ku riday 31 qof oo ajaanib ah, kuwaas oo kalluumeysi sharci darro ah ka waday xeebaha Soomaaliya. Kalluumeysatadan ganaaxa lacageed lagu xukumay ayaa laga qabtay inta u dhaxeysa magaalooyinka Xarardheere iyo Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana lagala wareegay doomihii iyo qalabkii ay wateen. Sidoo kale lix tan oo kalluun ah oo ay ka jilaabteen badda Soomaaliya ayaa lagala wareegay dadkaan la xukumay oo markii laga reebay nin turjumaan u ahaa oo Soomaali ah intooda kale ka soo jeeda dalka Yemen. Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa ka koobnaa 39 qofood, balse sideed (8) ka mid ah ayaa la sheegay inay carruur yihiin, kuwaas oo ay Maxkamaddu go’aamisay in la iska sii daayo. Goobtii uu ka dhacay xukunkaan ayey Maxkamadda Gobolka Mudug ee Galmudug digniin adag uga dirtay doomaha iyo ganacsatada shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug. Qoraal lagu baahiyey barta Facebookga ee wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu soo dhaweeyey xukunka ay maxkamaddu ku riday raggaas lagu soo qabtay kalluumeysiga sharci darrada ah, sida ay maxkamaddu sheegtay. Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa lagu ammaanay ciidamada ilaalada badda ee dowlad goboleedka Galmudug, kuwaas oo ku guulaystay in hawlgallo ay ka fuliyeen xeebaha Galmudug ay ku soo qabtaan dadkaan la xukumay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku dalbatay in loo midoobo ka hortagga cudurka Coronavirus oo dhawaan dalka ku soo laba kacleeyey, sidoo kale la qaato tallaalka cusub ee cudurkaan. Wasaaradda ayaa qoraalka ay soo saartay waxay Weriyaasha iyo culumada Soomaaliyeed uga codsatay inay bulshada u soo bandhigaan xaqiiqada dhabta ah ee tallaalka COVID-19 oo dhawaan Soomaaliya la keenay. Sida lagu cadeeyey qoraalka wasaaradda Tallaalkaan ayaa laga faafiyey warar been abuur ah oo bulshada ku abuuray shaki weyn oo badankood ku kalifay in aysan is tallaalin. “Culumadda dalka oo aan mar walba ku bogaadineyno dadaalka ay ka geystaan waciygelinta ka hortagga COVID-19, waxaan ku dhiirigelinaynaa in ay sii koojiyaan dadaalkaan oo bulshada ay la wadaagaan halista uu leeyahay cudurka COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda caafimaadka. Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in Saxaafadda madaxa-banaan iyo tan dowladda ay u aragta in doorweyn ay ku leeyihiin baraarujinta shacabka, isla markaana ay muhiim tahay inay ka hor-tagto wararka khaldan ee laga baahinaayo Tallaalka COVID-19. “Warbaahinta waxaan ka codsanaynaa inay qaataaan mas’uuliyada ka saaran in ay soo xaqiijiyaan wararka aan xaqiiqda ahayn ee laga baahinaayo arrimaha tallaalka ee lagu khaldaayo shacabka iyo aragtidooda, taas oo halis sii gelin karta xaaladda caafimaad ee guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Madaxda dalka, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah, sida haweenka iyo dhalinyarada, hey’adaha dalka gudahiis ka shaqeeya, culumada, warbaahinta iyo dadka kale ee bulshada saameyn ku dhex leh ayaa qoraalkan ka soo baxay wasaaradda caafimaadka looga dalbaday inay ka qeyb qaataan wacyi-gelinta iyo ka hortagga COVID-19, isla markaana ay gudbiyaan xaqiiqada saxda ah ee Tallaalka. Saacadihii u dambeeyey 187 qof oo qabta Coronavirus ayaa laga diiwaan geliyey Soomaaliya, sida lagu shaaciyey warbixinta maalin-laha ah ee wasaaradda caafimaadka, waxaana u dhimatay 14-ruux, halka 40 kale ay ka soo bogsadeen.
-
Abdullah Muhammad al-Naqbi was sworn in on March 17 as director of the United Arab Emirates Trade Office in Somaliland. This appointment sparked immediate controversy due to contradictory messages from Somaliland’s official Twitter channels. Somaliland’s Ministry of Foreign Affairs claimed that the UAE had appointed an ambassador to Somaliland, while Somaliland’s President Muse Bihi Abdi stated that the UAE had appointed a representative to the autonomous region. Notwithstanding the botched announcement of his appointment, Naqbi pledged to further consolidate the UAE’s “brotherly relations” with Somaliland, and DP World immediately launched plans to expand its flagship Berbera Port. Naqbi’s appointment was greeted with sharply divided reactions in Somalia and Somaliland. In Mogadishu, his arrival was regarded as a UAE tactic to destabilize Somalia and undermine its sovereignty. A prominent Somali analyst told Al-Monitor that “the UAE typically uses Somali regions to pressure the central government.” The analyst contended that “the UAE took this step at this late hour in [Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo Mohamed’s] term” to accrue political influence ahead of Somalia’s elections and “help the Somali opposition defeat Farmaajo.” This perspective largely aligns with Somali Information Minister Osman Dubbe’s strident rhetoric toward the UAE. On Feb. 21, Dubbe accused Abu Dhabi of delegitimizing the Farmaajo government and warned that the UAE wants Somalia to be beset with “displacement, violence and backwardness” like Yemen and Libya. The Somali government’s sensitivity to UAE engagement with Somalia’s autonomous regions has been further amplified by intra-regional divisions over the still unscheduled Somali elections. Sharp regional cleavages were triggered by the expiration of Farmaajo’s term on Feb. 8 and Jubaland’s and Puntland’s refusal to accept the terms set by Farmaajo for Somalia’s forthcoming elections. As Puntland has close relations with the UAE and urged Abu Dhabi to maintain its security operations in Somalia in April 2018, Somali officials fear that the UAE could capitalize on Puntland’s resistance to Farmaajo to advance its own interests. The reaction in Hargeisa was predictably much more optimistic. The Somaliland Chronicle hailed Naqbi’s arrival as the latest in a string of diplomatic successes for President Bihi, which began with Taiwan’s establishment of bilateral relations with Somaliland in September 2020. Yusuf Gabobe, a prominent political analyst in Somaliland, told Al-Monitor that the UAE’s appointment of a career diplomat to Somaliland “will increase the likelihood of other countries joining the UAE and the other eight that already maintained embassy-equivalent offices in Hargeisa.” Beyond advancing projects such as the Port of Berbera, the Berbera corridor and health facilities, Gabobe argued that Naqbi’s appointment could help expand UAE-Somaliland cooperation on securing Red Sea and Gulf of Aden maritime routes from terrorism and piracy. These domestic polarizations are likely to extend to the geopolitical arena. Due to Farmaajo’s neutral response to the 2017 Qatar blockade and Abu Dhabi’s cancellation of aid and military cooperation programs in Somalia in May 2018, the UAE is locked in a struggle with Turkey and Qatar for geopolitical influence. The expansion of Emirati investments in Berbera strengthens the UAE’s ability to compete with Qatar’s Hobyo seaport project and the Turkish Albayrak Group’s 14-year contract to manage the Port of Mogadishu. In the short-term, the prospective expansion of the UAE’s commercial footprint in Somaliland is unlikely to have a transformative impact on the geopolitical struggle that is brewing in the Horn of Africa. A Somali political analyst told Al-Monitor that Qatar would be happy if the federal government “scolds the UAE” and stated that “Turkey won’t lose a lot of sleep on the UAE move, as there is widespread support for Turkey in Somalia.” The analyst also noted that Turkey is returning to its “previous role of non-interference in domestic issues.” This normative position means that even if the UAE uses its expanded presence in Somaliland as a launchpad for deeper relations with the Somali opposition, Turkey will be able to maintain positive relations with any authority that takes power in Mogadishu. The long-term geopolitical impact of Naqbi’s appointment could be more significant, as it could reflect a sea change in the UAE’s power projection tactics on the Red Sea and the Horn of Africa. On the surface, it appears as if the UAE is retrenching from the region. In October 2019, the UAE officially withdrew its military presence from Aden, and on Feb. 18, the UAE dismantled its base in Assab, Eritrea, which assisted its military intervention in southern Yemen. A closer examination reveals that the UAE is reorienting its Red Sea strategy away from direct military intervention and toward a synthesis of economic investment and remote power projection. The UAE’s transition from a security-premised to economy-focused strategy in Somaliland, which was illustrated by Abu Dhabi’s September 2019 conversion of its proposed military base in Berbera into a civilian airport, was a critical dimension of its strategic reorientation. The UAE’s expanded economic footprint in Somaliland, which will result from Naqbi’s appointment, is complemented by its prospective construction of an Ethiopia-Eritrea oil pipeline and provisions over $200 million to Sudan’s agriculture sector. The UAE is also quietly consolidating a sphere of influence around the Bab el-Mandeb Strait. Ahmed Atef, a former Yemeni diplomat, told Al-Monitor that the UAE’s departure from Eritrea was motivated by instabilities resulting from the Tigray conflict and desire to redeploy forces to “the quieter and more strategic” Mayyun Island in southern Yemen. Atef also argued that the UAE was establishing a “triangle of influence in Aden, Mayyun Island and Socotra” to secure the Bab el-Mandeb Strait. If the UAE’s closer economic cooperation with Somaliland extends to the security sphere, as Gabobe postulates, Abu Dhabi will be able to expand its maritime security role in this region, even though it is not part of the formal Red Sea coalition established in January 2020. Although the UAE-Somaliland relationship has strengthened considerably since 2018, Naqbi’s appointment could upgrade the economic and security dimensions of this partnership. The UAE’s expanded influence in Somaliland will sharpen its rivalries with Turkey and Qatar in the Horn of Africa and complement its residual network of Southern Transitional Council-aligned militias in southern Yemen. Monitor Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay qiray inay jireen ciidamo dheeraad ah oo Sabtidii lagu daadiyey dhismaha golaha ee Villa Hargeysa, halkaas oo lagu balansanaa kulan ajendihiisa tuhun weyn laga qabay. Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux oo kamid ah nidaamiyayaasha golaha shacabka oo wareysi siiyey BBC ayaa qiray in ciidamo dheeraad ah uu guddoomiyuhu dalbaday maalintaas, isagoo aan shaacin sababta. “Qeybaha kala duwan ee ciidamadu fadhi ayey ku leeyihiin xarunta baarlamaanka, guddoomiyaha baarlamaanku waqti kasta waa uu dalban karaa ciidamo dheeraad ah oo sharciga ayaa u ogol, marka in maalinkaas ciidan badan la keenay wey jirtaa, laakiin xaalad weyn oo markaas jirtay anigu ma ogi,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Way jirtaa inaan ciidamada soo badinay, mar-mar aan ciidamada soo kordhinana way iska jirtaa oo xaalado ay soo kordhaan oo wax cusub maaha, marka xaaladda dalku ku jiro ayaa iska ah mid feejignaan amni u baahan mar kasta.” Mar wax laga weydiiyey sababta ka dambeysa kulankii golaha ka baaqday Isniintii maanta ayuu sheegay in kulanka dib loogu dhigay Arbacada amar ka yimid guddoomiye Maxamed Mursal, iyadoo uu sidiisii yahay go’aankii dhawr iyo toban xildhibaan looga joojiyay ka qayb-galka shirarka golaha. “Sida aad ogtihiin kulamada mararka qaar waa la baajiyaa, iyadoo la sii diray ajendaha, guddoomiyaha ayaa nagu war-geliyey inaan kulankaas balamino Arbacada soo socota, laakiin guddoomiyuhu nooma sheegin sabab gooni ah,” ayuu Xildhibaan Maxamed oo kamid ah nidaamiyayaasha golaha shacabka. Sidoo kale waxa uu sheegay in goluhu uu leeyahay xeer hoosaad, kaas oo qabanaya xildhibaankii fowdo abuura, isagoo cadeeyey in ganaaxii maalinkii Sabtida ku dhacay xildhibaanada qaar uu sidiisa sii ahaanayo oo shanta kulan ee soo socda ay seegi doonaan. Qaar ka mid ah xildhibaanadaas oo kol sii horeysay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku goodiyey inay ka qeyb geli doonaan kulamada baarlamaanka, isla markaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta.
-
Wararka rasmiga ah ee Warbaahinta Puntlandi.com ka helayaan Xalane, Shirkii Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay maanta wada yeesheen ayaa laba qodob la isla meeldhigi waayay, labadaas qodob oo Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ay kabiyo diideen, tala ayaana ay caawa ugu tageen Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi. Qodobka kowaad ayaa ah in Musharixiinta Xubno matalaya ay ka qayb noqdeen Shirka Wadatashiga. Qodobka labaad ayaa isna ah in Shirku intuusan bilaaban uu Madaxweynuhu Ka hadlo in aysan Hay’adaha Dowlada ay yihiin oo qura Xilgaarsiin aan awood lahayn, Qodobkaan waxaa looga gol leeyahay in laga hortago in Baarlamaanku uu qaado talaabo waxbu dhimaysa Wadahadalada socda. Labadaan Qodob ayaa diidmada ay diidan yihiin Sadexdaan Madaxweyne waxaa lagu macneeyey in ay tahay Cadaadis ka saaran dhanka Villa Soomaaliya, waana laba qodob oo sida Muuqata uusan marnaba aqbalayn Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey, balse ah Qodobo Macquul ah oo xal u noqon kata in Dalku Doorasho aado. Aakhirkii waxaa la isla meeldhigay in ay Madaxweyne Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaawe ay wadatashi u aadaan Villa Soomaaliya ayna kasoo dhaadhiciyaan Madaxweyne Farmaajo labadaan Qodob. kulanka Madaxweynayaasha ayaa sii soconaya beri oo Talaado ah 30/3,2021, waxaana lagu dadaalaysa in 1 April uu furmo Shirweynaha wadatashiga. Puntlandi.com Muqdisho The post Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe oo Madaxweyne Farmaajo ka dhaadhiciyaan Laba qodob oo Shirkii maanta aan go’aan looga gaarin appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho gaar ahaan gudaha xerada Xalane ka socday shirar isdaba joog ah oo u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada oo qeyb ka tahay beesha caalamka. Sida aan xogta ku helnay Madaxweynayaasha shanta dowlad Goboleed ayaa weli isku haya laba qodob oo kala ah; ajandaha shirka soo socda iyo amniga goobta shirka, iyo sidii ay Beesha Caalamka goobjoog iyo damaanad qaad ka noqon laheyd fulinta heshiiska doorashada. Ilo-wareedyo ka agdhow dhinacyada ku shirsan Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in qoddobka “amniga goobta shirka” ay ku adkeysanayaan Deni iyo Axmed Madoobe kadib markii uu sare u kacay kala shakiga qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa waxay kalsooni darro ka muujinayaan hab-dhaqanka Farmaajo, kadib weerarkii 19-kii Febraayo ee lagu beegsaday dibad-baxayaashii nabdoonaa ee Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu doonayo inuu ilaaladiisa la tego goobta shirka, taasi oo Deni iyo Axmed Madoobe ay diidan yihiin. Qodobkan ayey suurta-gal tahay in In kasta oo horey ay Amisom u sheegtay inay damaanad qaadeyso amniga, haddana taas macnaheedu kama dhigna in ciidamada Farmaajo aysan goobta iman karin, waana waxa la isku hayo. Dhanka ajendaha shirka, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa weli ku adkeysanaya in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan Saamileyda siyaasadda sida Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxaa lagu wadaa inay sii socon doonaan kulamada gooni-goonida ah, waxaana suurta-gal ah in wada-hadaladu ay ku qabsoomaan teendhooyin kala duwan, oo aanba la isa soo hor-fariisan, kadibna la isku yimaado kaliya marka la heshiiska la saxiixayo. Madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo iyagu taabacsan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ayaa waxay isku dayayaan inay yareeyaan khilaafka ka dhex aloosan Farmaajo iyo labada madaxweyne, si heshiis kama dambeys ah looga gaaro doorashada, lamana oga halka ay wax sal dhigan doonaan.
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-2932021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda Federalka Soomaaliya ayaa muuqaal uu soo duubay waxa uu kaga hadlay doorka Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee xiligan kala guurka ah. Xasan Daahir ayaa si kulul u canaantay Ra’isul Wasaaraha, waxaana uu sheegay inuu gabay doorkiisa siyaasadeed, isaga oo ku tilmaamay “nin shaqeynayo sida inuu Farmaajo leeyahay oo kale.” “Waxaad u shaqeyneysaa nuuc ah in Farmaajo uu ku leeyahay oo kale, waxaana meesha ku joogtaa kuraas la qeybsaday ayaad midkood ku joogtaa, kii 1-aad qolo ayaa heysata kii 2-aad ayaad ku joogtaa qolo, iyaga ayaana leh, ma taqaanid inaad dad ka wakiil tahay Rooble,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Xasan Daahir ayaa sidoo kale xusay in Rooble uusan awoodin xitaa inuu kala dhexgalo siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira, islamarkaana uusan talo keeni karin. Waxa uu hadalkisa intaa raaciyay “Iyagi ma kala celin kartid, iyagana dadka kama celin kartid, qofkii ku qaloocan kama celin kartid, kama sixi kartid, maxaa laguugu falaa marka, Dad ayaa wakiil ka tahay Rooble indhaha kala qaad meeshaan qabiil ayaa lagu qeybsaday.” Sheekh Daahir ayaa weydiiyay Ra’isul Wasaare Rooble “maa dadka kala celisid ileen adaa maamulka ku matalee xageed la’dahay, mise shaqadaada dhan ma taqaanid aslan?” Waxa uu ku booriyay Ra’isul Wasaaraha inuu fadhiga ka kaco oo si muuqata door weyn uga ciyaaro arrimaha doorashada iyo isku keenista saamileyda siyaasadeed ee dalka. “Aniga kuma lihi xumeey Farmaajo isagaa ku doortay waa sax laakiin isaga malahan kursiga, dad ayaa iska leh xuquuqdooda u ilaali adaana maamul ahaan u jooga ee dadka isku hagaaji, meesha aad la’dahay anigu waan garan waayay,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys. Ugu dambeyntii waxa uu soo dhaweeyay kulamadii ka dhacay Hotel Decele ee Midowga Musharaxiinta iyo Ra’isul Wasaare Rooble base waxa uu u sheegay inuu ku guuldareestay oo wax faa’ido ah uusan ka keenin. Hoos ka daawo Xasan Daahir Aweys By: Abdiaziz Loyal Abdiazizh99@gmail.com Muqdisho-Somalia
-
Fiinaalkii Champions League ee sanadkii 2007 dhex maray kooxaha Liverpool iyo AC Milan ayaanan sameyn taariikh iyo xusuus u dhiganta fiinaalka tartankaas ee 2005 ka dhacay Istanbul. Labadan koox ayaa isaga hor yimid fiinaalkii Champions League ee xilli ciyaareedkii 2006-07, waxayna Milan ku qaadday tartanka natiijo 2-1 ah. Balse sheekada xiisaha badan ma ahan mid la xiriirta natiijadii ciyaartaas iyo waxyaabihii ka dhacay 90-kii daqiiqo ee hardanka, balse waxa uu ahaa fiinaal sameeyay tababarayaal badan oo haatan kubadda cagta ka leyliya kooxo kale duwan. Xabi Alonso oo ciyaaray labadii fiinaal ee Milan iyo Liverpool wada ciyaareen 2005 iyo 2007 ayaa haatan lala xiriirinayaa shaqada kooxda jarmalka ah ee Borussia Monchengladbach kaddib shaqada wacan ee uu ka qabanayo da’ yarta naadiga Real Sociedad ama Real Sociedad B. Kaddib xantan, majaladda Ingiriiska kasoo baxda ee Daily Mail ayaa qalinka u qaadatay qormadan ay kaga hadleyso xiddigii ciyaaray fiinaalkii Champions League ee 2007 kuwaasoo haatan badankood ay noqdeen tababareyaal. Steven Gerrard oo hoggaaminaya Rangers, sidoo kalena guulo taariikhi ah la gaaraya iyo Andrea Pirlo ayaa qayb ka ah xiddigihii kulankaas ciyaarayay balse haatan tababareyaasha ah. Labada koox ayaa soo saaray tababareyaal waaweyn haatan, waxayna warbixinta mid-mid u dul istaagaysaa tababareyaasha haatan ee iyagoo ciyaartoy ah kulankaas ciyaarayay. LIVERPOOL Xabi Alonso Majaladda Jarmalka kasoo baxda ee Bild ayaa dhowaan baahisay in kooxda Monchengladbach ay dooneyso inay Alonso ku baddesho tababaraheeda Marco Rose, hase ahaatee, khadkii dhexe ee Liverpool iyo xulka qaranka Spain ayaa doortay inuu hal fasal ciyaareed sii hoggaamiyo naadiga Real Sociedad B. Halyeyga Spain kula guuleystay Koobka Adduunka ayaa sidoo kale guulo waaweyn lasoo qaybsaday Real Madrid iyo Bayern Munich oo uu ciyaarihiisa kusoo gabagabeeyay sanadkii 2017. Steven Gerrard Waayaha macallinnimo ee Gerrard ayaa ku bilawday qaab qurux badan, waxaana kooxda Rangers uu sanad ciyaareedkan u gacan geliyay horyaalka dalka Scotland 10 sano kaddib, waliba qaab guuldarro la’aan. Balse intaan shaqadan loo dhiibin xagaagii 2018, waxa uu macallin u ahaa da’yarta naadiga Liverpool, waxaana xiddigaha 19-jirrada Reds uu usoo gacan galiyay tartanka UEFA Youth League xilli ciyaareedka 2017-18. Guulaha uu la gaaray Rangers iyo farsamadiisa ciyaareed ayaa durba dhaliyay hadal heyn ku aaddan inuu shaqada Liverpool ka baddeli doono Jurgen Klopp haddii uu faarujiyo garoonka Anfield Road. Dirk Kuyt Weeraryahanka kubadda cagta ka fariistay ee reer Netherlands ayaa dhowaan sheegay inuu diyaar u yahay inuu macallin ku xigeen u noqdo Steven Gerrard haddii uu tababare u noqdo Liverpool. Kuyt ayaa 17 gool u dhaliyay Reds kaddib 285 kulan oo uu u saftay, waxaana ku jira goolkii uu dhaliyay fiinaalka aynu sheekadiisa heyno. Warreysi uu dhowaan siiyay Mirror ayuu Kuyt ku sheegay inuu rabitaan badan u hayo shaqada macallinnimo balse uu sugayo doorasho ku haboon. Si kastaba ha ahaatee, 40-jirkan ka dhaqaaqay Liverpool sanadkii 2012, ayaa heysta khibrad macallinnimo maadaama uu labo sano soo leyliyay da’ yarta kooxda Feyenoord, isagoo sidoo kale caawiye ka soo noqday kooxda reer Holland ee Quick Boys. Sami Hyypia Difaacii hore ee Liverpool ayaa udub dhexaad u ahaa wadnaha daafaca dhexe ee kooxdii Rafa Benitez ee Champions League ku guuleystay 2005 fiinaalkii ka dhacay Istanbul, balse waxa uu fadhiyay keydka fiinaalkii ka dhacay caasimadda dalka Giriigga ee Athens. Kaddib markii uu labo xilli ciyaareed ku qaatay kooxda Jarmalka ka dhisan ee Bayer Leverkusen, Hyypia ayaa ciyaaraha ka fariistay 2011, waxaana durba uu caawiye ka noqday Leverkusen iyo xulka qaranka Finland. Hase ahaatee, bishii May ee 2012 ayaa loo magacaabay macallinka joogtada ah ee Leverkusen kaddib markii shaqada laga ceyriyay Robin Dutt. Hyypia ma uusan noqon macallin guuleystay isagoo qabtay shaqooyinka tababarka ee Brighton & Hove Albion, Zurich iyo FC Haka kuwaasoo dhammaantood uu natiijo xumo u gacan geliyay. Harry Kewell Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Australia ayaa Anfield soo caga dhigtay 2003 isagoo Liverpool kula guuleystay FA Cup iyo Champions League, balse waxa uu isaga tagay England 2008 isagoo ku biiray Galatasaray kaddibna Melbourne Victory, Al-Gharafa iyo Melbourne Heart. Kewell ayaa kusoo laabtay England isagoo macallin u noqday kooxda Watford da’ yarteeda sanadkii 2014, isagoo laba xilli ciyaareed kaddibna tababare u noqda kooxda Crawley Town ee ciyaarta heerarka hoose ee Ingiriiska. Si kastaba ha ahaatee, kooxo badan oo uu soo leyliyay ma uusan noqon macallin guuleystay, waxaana horraantii bishan laga eryay shaqada kooxda Oldham. Xiddigii kale ee kulankaas ee la xusi karo kuwaasoo wali sugaya shaqadooda tababaraha koowaad:- Bolo Zenden iyo Craig Bellamy oo qayb ka ahaa safkii Liverpool u ciyaarayay fiinaalkii Champions League ee 2007 ka dhacay Athens ayaa sugaya shaqadooda tababaraha koowaad, iyadoo Zenden uu qayb ka ahaa caawiyeyaasha Rafa Benitez muddadii uu ahaa macallinka Chelsea sanadkii 2012, waxaana haatan uu shaqada maamulka PSV Eindhoven la hayaa maamulaha kooxdaas ee Roger Schmidt. Dhanka kale Bellamy oo macallin usoo noqday kooxda 18-jirrada ee Cardiff ayaa haatan caawiye ka ah naadiga reer Belgium ee Anderlecht oo uu macallin u yahay Vincent Kompany oo ay mar ka wada tirsanaayeen Manchester City. AC MILAN Andrea Pirlo Kubbad sameeye aragti fog, ku wanaagsan raacashada una saaxiib ah dhalinta laadadka xorta ah ayuu ahaa waayihiisii ciyaareed, isagoo khadka dhexe ee Milan maamulayay habeenkii Athens, hase ahaatee, ma jirin saan-saan u muuqatay inuu durba macallin u noqon doono koox weyn sida Juventus. Pirlo ayaa loo dhiibay shaqada tababarennimo ee Juve xiddigaha da’dooda ka hooseyso 23-ka sano, waxaase sagaal maalmood kaddib loo magacaabay shaqada kooxda waaweyn maadaama uu kursigaasi faarujiyay Maurizio Sarri. Waayaha macallinnimo ee Pirlo ayaa u muuqda kuwa mugdi galaya maadaama uu lumiyay tartanka Champions League kaddib markii ay FC Porto ku reebtay wareegga 16-ka, sidoo kalena waxa uu quus ka joogaa inuu Bianconeri u gacan geliyo Serie A xilli ciyaareedkii 10-aad oo xiriir ah, maadaama ay kooxdiisu 10 dhibcood ka dambeyso Inter Milan oo hoggaanka horyaalka heysa. Gennaro Gattuso Isagoo ah kaliya 43-jir, ayuu misena Gattuso macallin u noqday labo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dalka Taliyaaniga. Waxa uu tababare iyo ciyaaryahan u ahaa naadiga FC Sion sanadkii 2014, balse maalmo aan tiris ku wacneyn ayuu ku qaatay Palermo, OFI Crete iyo Pisa. Ugu dambeyn, Gattuso ayaa kusoo laabtay San Siro isagoo macallin u noqday Milan-ta yaryar sanadkii 2017, hase ahaatee, kooxda waaweyn ayuu usoo dallacay kaddib markii la ceyriyay macallinkii fashilmay ee Vincenzo Montella. Roseneri oo laacibkeedii hore siisay qandaraas saddex sano ah ayaa xilli ciyaareedkii 2018-19 markii uu dhammaaday iska fasaxday Gattuso isagoo lix bilood kaddibna qabtay shaqada Napoli. Khadkii dhexe ee qaranka Taliyaaniga ayaa Napoli u gacan galiyay Coppa Italia xilli ciyaareedkii hore, waxaana hadda kooxdiisa ay u dagaallameysaa inay ka mid noqoto afarta sare ee horyaalka si xilli ciyaareedka ay u tiigsato ka qayb galka Champions League. Clarence Seedorf Sida Gattuso oo kale, Seedorf ayaa isku dayay inuu xirfaddiisa macalinnimo ku caawiyo kooxdiisii hore ee Milan. Halyeyga Netherlands oo 10 sano ku qaatay San Siro min labo jeerna la qaaday horyaalka Serie A iyo tartanka Champions League ayaa bishii January ee 2014 isaga fariistay ciyaaraha isagoo burburiyay qandaraaskii uu kula jiray naadiga reer Brazil ee Botafogo si uu u noqdo macalinka Milan. Kaddib 35 dhibcood oo uu kasoo kasbaday 57 dhibcood oo uu heli karay, waxa uu lumiyay shaqadiisa iyadoo lagu baddelay weeraryahankii hore ee Roseneri, Filippo Inzaghi. Si kastaba ha ahaatee, Seedorf ayaa xukunno aan guuleysan la hor tagay Shenzhen oo Shiinaha ka dhisan, kooxda reer Spain ee Deportivo La Coruna iyo xulka qaranka Cameroon oo bishii July ee sanadkii 2019 laga ceyriyay. Filippo Inzaghi Waxa uu ahaa geesigii labada gool u dhaliyay Milan fiinaalkii Champions League ee 2007 ciyaartii ay Athens kaga aarsadeen Liverpool oo naadiga reer Italy cashir ugu dhigtay Istanbul labo sano ka hor xilligaas. Markii uu weeraryahankan shaqada kala wareegayay Seedorf, waxaa uu hoggaaminayay naadiga da’ yarta ee Milan, hase ahaatee, waqtigiisii Milan ayaa noqday mid aan la xasuusan maadaama uu guulo la gaaray kaliya 14 kulan, halka 13 kalena la garaacay iyadoo 13 kalena uu barbarro galay 40-kiisii kulan ee uu leylinayay Roseneri, waxaana shaqada laga ceyriyay bishii June ee 2015. Venezia oo uu heerka saddexaad kasoo qaaday, keenayna heerka labaad kaddib waxaa loo magacaabay shaqada Bologna balse ma aysan guuleysan maalmihiisii ugu horreeyay horyaalka Serie A, waana la ceyriyay. Kaddib ayuu la wareegay shaqada kooxda Benevento oo uu horyaalka heerka labaad kasoo xambaaray, waxaana dhowaan uu 1-0 kaga adkaaday Juventus oo joogta garoonkeeda iyadoo kooxdiisa ay hadda toddobo dhibcood u jirto halka loogu laabto Serie B. Alessandro Nesta Kaddib markii waayihiisii ciyaareed ee quruxda badnaa uu kusoo af-meeray dalka India sanadkii 2014, waxa uu u safray Mareykanka isagoo macallin u noqday naadiga Miami FC. Balse labo sano kaddib ayuu Nesta kusoo laabtay dalka Taliyaaniga isagoo majaraha u qabtay Perugia. Si kastaba ha ahaatee, bishii May ee 2019 ayuu isaga tagay shaqada kooxdaas si uu u qabto shaqada naadiga Frosinone oo toddobaadkii hore laga ceyriyay kaddib bandhiggooda liita ee horyaalka Serie B-da dalka Taliyaaniga. Difaacii hore ee naadiga AC Milan ayaa haatan shaqo la’aan ah. Yaa kale? Paolo Maldini Maldini waxa uu xubin muhiim ah ka yahay garoonka San Siro inkastoo uu ku jiro daaha gadaashiisa, waxaana uu Milan ka caawiyey inay sameysato hadaf kubbadeed tan iyo markii loo magacaabay agaasimaha farsamada ee kooxdaas. Waxa uu la shaqeeyaa wakiillada iyo shaqsiyaadka kale ee ka qeyb qaata kala wareejinta xiddigaha si Milan ay u yeelato koox haysata xiddigo aad u wanaagsan, waxaana saameyntiisa shaqo ka maraqaati kacaya in Rossoneri ay markii ugu horreysay muddo dheer kaddib tartan u gashay ku guuleysiga horyaalka Serie A, iyagoo haatan fadhiya kaalinta labaad, isla markaana indhaha ku haya inay dib ugu soo laabtaan tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo aaddan. Shaqsiyaad kale ee haatan bannaanka ka joogta kubadda cagta:- Daaficii hore ee AC Milan iyo xulka Georgia ee Kakha Kaladze ayaa u dhaqaaqay dhanka siyaasadda kaddib markii uu ciyaaraha isaga fariistay, waxaana uu ahaa guddoomiyaha gobolka Tbilisi tan iyo 2017-kii. Waxa loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka dalkiisa bishii October 2012, laakiin waa uu iscasilay afar sano ka hor si uu u noqdo guddoomiye gobol, isagoo ku guuleystay codad dhan 51%. Dhanka kale daafacii hore ee Liverpool Daniel Agger ayaa u tababartay inuu noqdo farshaxaniiste shabbadeed (Tattoo Artist) kaddib markii uu ciyaaraha isaga baxay sanadkii 2016 isagoo 31-sano jir ahaa. Source: goobjoog.com
-
Paul Pogba ayaa aakhirkii dib u helay Baabuurkiisii Rolls-Royce ka ahaa ee muddo dhowr bilood ah ku jiray gacanta booliska. Xiddigga kooxda Manchester United ee ka dhisan waddanka Ingiriiska, Paul Pogba ayaa markale dib u helay baabuur ku jiray gacanta booliska muddo 270 maalmood ah, kaddib markii qalad uu galay bishii June mar uu marayay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Magaalda Manchester, bishii June ay boolisku joojiyeen, sababtoo ah waxa uu baabuurkiisu isticmaalayay taargada Monaco ee Faransiiska. Pogba oo 28 jir ah, haystana Koobka Adduunka ayaa bishii December waxaa mawkxamadda Tameside Magistrates court ay ku xukuntay inuu bixiyo 220 giniga Istarliinka ah oo ganaax ah iyo 85 gini oo iyagana kharashaad kale ah, laakiin Pogba ayaa isaga tagay baabuurkiisii isagoon bixin lacagtii ganaaxa ahayd ee lagu xukumay. Harraantii bishan ayuu Pogba dib u raadsaday baabuurkiisii raaxada ahaa ee Rolls-Royce, waxaana dadka qaar ay la yaabeen sababta Pogba uu muddadaasi dheer u raadsan waayay baabuurkiisan gaaliga ah, kaasoo suuga ka jooga 300,000 oo giniga istarliinka ah oo u dhiganta 415 kun oo dollar. Sharciga Ingiriiska ayaa waxa uu dhigayaa in gofka aan ahayn muwaadin British ah uu ku gasban yahay inuu beddelo taargada ama lambarka baabuurkiisa kuna beddelo mid Ingiriis ah muddo 6 bilood gudaheeda ah haddii kale waxaa baabuurkaasi la wareegi doona Booliska. Paul Pogba oo 2016-kii ay Manchester United kula soo wareegtay adduun dhan 90 milyan oo giniga istarliinka ah ayaanan ku qasbanaan muddadii uu baabuurkani ka magnaa inuu raaco gaadiidka dadweynaha, sababtoo ah waxa uu mushaar ahaan isbuuciji u qaataa 260,000 oo Pound oo u dhiganta 359,000 oo dollar. Dhanka kale, iyadoo baabuurkiisa Rolls Royce uu ku jiday gacanta booliska ayaa waxaa la arkayay Pogba oo isticmaalayay baabuur kala duwan oo dhammaantood gaali ah sida; Ferrari 812 Superfast oo gümihiisu dhan yahay 260,000 oo giniga istarliinka ah oo u dhinta hal isbuuc mushaarkiisa, Lamborghini Avendator oo isna 270,000 oo giniga istarliinka ah iyo Beritley Flying Spur oo isna 132,000 oo Pound ah. Waxaa kale oo la arkayay Pogba oo mararka gaar ku socda baabuurta kala ah Maserati Quattroporte 115,000 oo Gini, Audi RS6 power R oo 100,000 Gini ah iyo Chevrolet Camaro oo jooga 40,000 oo gini. Source: goobjoog.com