Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Staffan Tillander. Kulanka labada mas’uul oo ka qabsoomay hoyga madaxweyne Deni ka degganyahay Muqdisho, ayaa looga wada-hadlay xallinta khilaafka ka aloosan Arrimaha doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Sidoo kale, kulanka waxa looga arrinsaday sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirka Arrimaha doorashooyinka oo la filayo in uu Muqdisho ku dhexmaro dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. “Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada, caqabadaha hortaagan iyo sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada.” Ayaa lagu yiri qoraalka Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Sweden appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xiisad ka dhalatay muran iyo is qab-qabsi hareeyey dhul ku yaalla agagaarka iskuul Buluusiya, halkaas oo ay isku heystaan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhulkan la’isku heysto ayaa ah goob Qabuuro oo ku taal dhanka xeebta ee degmada Xamarjajab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in xiisaddani ay timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Badda ay isku dayeen inay dhismo ku bilaabaan dhulkaasi oo u dhaxeeyo xarunta iskuul Buluusiya iyo isbitaalka caanka ah ee Yardameeli, balse waxaa ka horyimid ciidan kale oo milatari ah. Saraakiisha kala hoggaamineyo ciidamadaasi ayaa mid kasta wuxuu sheeganaaa inuu isagu leeyahay dhulkaasi, waxaana laga cabsi qabaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo hubeysan iyo gaadiid dagaal lagu arkayo degmada Xamarjajab, gaar ahaan dhulka lagu muransan yahay. Si kastaba ma jiro wax hadal ah oo kas oo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan xiisadaasi, balse inta badan waxaa magaalada Muqdisho kusoo laa laabta isku dhacydada ciidamada ee ka dhasha is qab-qabsiyo la xiriira dhulal la’isku heysto.
  3. Waxa isasoo taraya warar sheegaya in dadka u geeriyooda Cudurka Coronaha ee ay Dawladdu aasto ee magaaladda Hargeysa in ajuura looga qaado lacag u dhexaysa 400 dollar illaa 700 Dollarka Maraykanka ah, arintaasi oo culays ku ah dadka ehelka ah ee murugadu ku habsatay ee marka horeba iska tiiraanyaysnaa. Waxa uu Wargeyska Foore halkan idiinku soo gudbinaynaa mid ka mid ah eheladda marxuum Hargeysa ugu geeriyooday Cudurka CoronVirus-ka oo ka waramaya dhacdo layaableh iyo meydka waalidkoodii oo loo diiday illaa ay ka bixiyaan lacag 400 dollar ah, waxa kale oo uu ka sheekaynayaa murugo kale oo ah in meydkaasi laga haystay wakhti aan ka yarayn 24-saacadood, isagoo sheegay inay markii hore la yaabeen lacagtii markii dambena ay u waayeen lacagta oo ay wakhti badan ku qaadatay inay lacagtaasi ku bixiyaan. Waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Waxaan joognaa Xabaashii Axmed Cilmi oo Alle ha unaxariistee dhintay, kaasi oo aanu kasoo qaadnay Cisbitaalka Kaarantiimadda Cudurka Corona-Viruska, Ama Cisbitaalka laga furay Goobta loo yaqaan “Dab-La taagay” ee la yidhaa “Out Patient Hospital” ee magaaladda Hargeysa, hase ahaatee markii aanu Xalay u tagnay waxay nagu yidhaahdeen waxa uu u dhintay xannuunkii karoonaha, oo sababta markii horeba loo geeyay waxay ahayd sababtaasi, markii aanu ku nidhi ma qaadan karnaa Meydka waxa nagu yidhaahdeen ma qaadan kartaan, ee mid ayaad samayn kartaan, Xabaal ayaad qodi kartaan, oo waliba Iilkii aan naqaanay aan loo samaynaynayn ee la qabaal jeexayo”. Waxa kale oo uu yidhi “Imika waa labadii duhurnimo,waxaanu go’ay illaa tobankii habeenimo ee Xalay, Markii aanu isdhi meydka qaata, waxaa lanagu yidhi, waxa loo haystaa lacag, markii aanu nidhi meyd lacag lagu xihdo maanu arag, ma Lacag Cisbitaalku ugu shaqeeyay intii uu noolaaba ee Waa lagu leeyahay?, markaasi ayay nagu yidhaahdeen Mayee, meydka ayaa lagu qaataa $400-dollars ah, waxaa sidaasi nagu leh shaqaalihii iyo bahdii Caafimaadka, markaa ta xiligaasi soo gaadhsiisay in Meydku illaa Xiligaasi yaalo waxay ahayd lacagtaasi oo aan hore loo bixin, oo aan la haynin”. Ugu dambayn waxa uu yidhi “Markii lacagtii la bixiyay waakuwaa imika keenay, iyaga ayaa dhigay meydka iilka, iyaga ayaana looxii saaray Qabaal jeexa, Ciidana Dad weynaha ayaa ku rogi doona”. Source
  4. (SLT-Burco)-Isuduwihii Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Togdheer Dr. Aadan Casayr ayaa Iska Casilay Xilkii. Isuduwaha Ayaa ku sababeeyay Iscasilaadiisa Xaalada Covid19 ee Burco oo sii Xumaanaysa Isla markaana Aanu qaadi Karin masuuliyada Dadka Xanuunsanaya iyo kuwa Udhimanaya Covid19., Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. NAIROBI (HOL) - Abdikadir Haji, the son of former Garissa senator Yusuf Haji is poised to replace his deceased father in the Senate after it emerged no other candidate submitted nomination papers at the close of the deadline by the electoral commission. Source: Hiiraan Online
  6. UNITED NATIONS — The U.N. Security Council called on Somalia’s leaders Wednesday to meet “at the earliest opportunity” to break the impasse delaying the holding of elections that had been scheduled for Feb. 8. The council said in a press statement after a closed briefing by U.N. special envoy James Swan that inclusive elections should take place “as soon as possible” in the interest of all Somalis. Pressure has been growing on Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed since the February elections failed to take place because of the lack of agreement on how the vote should be carried out. Two regional states have said they would not take part without a deal. Contentious issues in the election process include the formation of the electoral management commission, the selection of commission members for the breakaway region of Somaliland, and the crisis in the Somalia-Kenya border region of Gedo. Critics accuse Mohamed, who is seeking a second four-year term, of delaying the election to extend his current mandate. The president has blamed unnamed foreign interventions. The council called for the parties to resolve outstanding issues on the basis of an agreement reached last Sept. 17. This was the second appeal this month by the U.N.’s most powerful body for action to organize elections. On March 12, the council urged the federal government and regional states “to organize free, fair, credible and inclusive elections” in accordance with the September agreement “without delay.” That appeal was in a resolution that authorized the African Union to maintain its nearly 20,000-strong force in Somalia until the end of the year with a mandate to reduce the threat from al-Shabab and extremist groups to enable “a stable, federal, sovereign and united Somalia.” The council on Wednesday “reiterated their condemnation of terrorist attacks by al-Shabab and reaffirmed their support for the national sovereignty, territorial integrity and political independence of Somalia.”https://d-24994126253673950327.ampproject.net/2103240330001/frame.html Council members also commended the AU’s role “in promoting dialogue between Somalia’s parties.” British Ambassador Barbara Woodward, who called for the meeting along with other council members, said Swan told council that Somalia’s electoral process required “urgent attention.” She said the council very much welcomes Swan’s efforts “to bring the parties together and to proceed with elections as soon as possible, but without compromising.” Somalia began to fall apart in 1991, when warlords ousted dictator Siad Barre and then turned on each other. Years of conflict and al-Shabab attacks, along with famine, left this Horn of Africa country of about 12 million people largely shattered. Al-Shabab rebels were ousted from the capital, Mogadishu, in 2011 and have been pushed out of other key cities but still control large parts of southern and central Somalia and often target the capital with suicide bombings. Puntlandi.com Mogadishu The post UN urges Somali leaders to break impasse delaying elections appeared first on . Source
  7. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeeshay Xaalada Soomaaliya ayaa waxay ka dayriyeen in natiijo laga gaaro Wadahadalada Doorashada iyagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in la dhameeyo Khilaafka ka taagan qabsoomida Doorashada. Safiirada Ingiriiska u fadhida Qaramada Midoobay Barbara Woodward ayaa sheegtay in Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya James Swan uu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay Foojignaan dheeraada xiligaan la joogo. Golaha Amaanku waxay walaac ka muujiyeen qaabka wax ubsocdaan iyagoo si cad Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyay inuit si ulakac ah Doorashada dib ugu dhigayo si Wakhtiga loogu kordhiyo ama uu u helo si uu usii joogo afar sanoo hor leh,waxay kaloo Golaha Amaanku sheegeen Dhinaciiss Madaxweyne Farmaajo uu ku andocoonaya inay jiraan faragalin shisheeye oo uusan carabaabin cida uu ula jeedo. Kulanka Golaha Amaanka waxaa hoosta laga xariiqay inaan cidna maanta aqbalayn talo fara maroojin iyo Mudo kororsi, iyo in si deg deg ah loo xaliyo Khilaafyada hortaagan hirgalinta Heshiiskii 17/Sebtembar. Golaha Amaanku waxay kaloo soo hadal qaadeen Qodobada la isku hayo oo uu u horeeyo Gudiga Farsamada ee Doorashada oo ay ku jiraan Shaqaalaha hoose ee Xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Ciidamada ,Qodobka kale ee la carabaabay waa Khilaafka Gobolka Gedo. Hadalka kasoo yeeray Golaha Amaanku wuxuu u muuqdaa in Beesha Caalamku ay ka quusteen Madaxwwynaha uusana diyaar u ahayn in Uu dhaco heshiis Doorasho. Kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmihii u dambeeyay uu Gudoomiyaha Baarlamaanku u ololaynayay Mudo kordhin, iyo waliba Jubbaland iyo Puntland oo shalay shaaciyey in Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey ay xagal daacinayaan Wadahadalada Doorashada. Puntlandi.com Garowe The post Golaha Amaanka oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu Doorashada dib u dhigayo si wakhtiga loogu kordhiyo appeared first on . Source
  8. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay Xiisada ka aloosan Soomaaliya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah waxay ka yeesheen xaaladaha cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, waxayna baaq u direen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha Xubnaha ka ah. Kulanka Qaramada Midoobay ayaa ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxayna madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ugu baaqeen iney si deg deg ah dalka uga qabtaan doorasho loo dhan yahay oo ku dhacda xasilooni iyo Caddaalad. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in xiligaan la joogo loo baahan yahay doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya oo aay ku qanacsan yihiin dhamaan dhinacyada isku haaya ismari waaga ka taagan doorashooyinka dalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale Golaha Ammaanka isla qaateen qoraal aay soo diyaarisay dowladda Ingiriiska kaasi oo ahaa mid walaac looga muujinayay xaalada kala guurka ah ee dalka Soomaaliya. Kulankan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xili wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ilaa haatan aanan laga gaarin wax natiijo ah. Qaran News
  9. Ra’iisal-wasaarihii hore ee Masar oo saaka geeriyooday Ra’iisal wasaarihii hore ee Masar Dr kamaal al-Jansuuri ayaa saaka ku geeriyooday isbitaal ku yaal caasimadda dalkaas ee Qaahira. Ra’iisal wasaaraha ayaa u geeriyooday xanuun uu qabay muddadii u danbeysay, isagoo 88 jir ah sida ay sheegtay warbaahinta Masar. Al-Jansuuri ayaa xilka ra’iisal wasaarinimo ee dalka Masar soo qabtay laba jeer oo kala ahaa 1996 ilaa 1999 iyo 2011 ilaa 2012. Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Siisii ayaa ka tacsiyeey geerida ra’iisala wasaaaraha, isagoo ku amaanay howlihii uu soo qabtay intuu hoggaanka dalkaas ka mid ahaa. PUNTLAND POST Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan heshiis la galay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah gaar ahaan xaaladda dowlad goboleedkaasi. Janan ayaa marka hore shaaca ka qaaday arrimaha ay isku qabteen Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyey in kaliya uu doonayo inuu noqdo qofka ugu sarreeya iyo kan ugu hooseeya ee Jubbaland, isla-markaana uusan waxba u ogleyn qof kale, sida uu hadalka u dhigay. “Saaxiibkey Axmed Madoobe waxaan u sheegay in uu kaligiis rabbo afkaartiisa lagu socdo, qofkii ka fikir duwana uusan doonaynin,” ayuu yiri Janan oo haatan ku sugan Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labadii sano ee ugu dambeysay ay dib u dhac wajaheysay Jubbaland, isla-markaana uu fadhiid noqday maamulka Axmed Madoobe. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in illaa iyo hadda aan lasoo magacaabin golaha wasiirada Jubbaland, maamulka hadda jirana uu isku soo koobay Axmed Madoobe. Hadalka Janan ayaa kusoo aadayo maalmo kadib markii ay dowladda ku soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
  11. Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa Arbacadii waxa uu walwal ka muujiyay ismari waaga ka jira Soomaaliya ee ku aaddan qabasha la,aanta doorashada, sidaasi waxaa sheegay diblumaasiyiin ka tirsan. Arrintaan ayaa kus oo aadeysa ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyadoo aanan lahaynin madaxweynihii badali lahaa oo ay ahayd in la doorto 8-dii Febaraayo. Hadda ma jiro baarlamaan iyo madaxweyne dooran intaba. Safiirka Mareyka gabadhha lagu magacaabo Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay in arrimahaan looga hadlay fadhi ay yeesheen 15-ka dal ee golaha amaanka. Kulankaasi waxa ay sheegtay “in la booriyay dadaallada ay madaxda Soomaalidu ku bixinayaan heshiiska doorashada, balse waxa ay walaac ka muujiyeen ismari waaga taagan iyaga oo hoggaanka Soomaalida ugu baaqay inay galaan wadahadal wax ku ool ah sida ugu dhaqsuyaha badan iyada oo aan wax shuruud hordhac ah lala imaan si loo xaliyo dhibaatada taagan”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sareeyo guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) kala hadlay xoojinta kor u qaadista tababarka ciidanka xoogga , ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda gaashaandhigga. Howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan tababarada ciidanka xoogga dalka ayaa ka shaqeeya sare u qaadista tayada iyo qalabka ciidanka. Taliyaha ayaa saraakiisha EUTM ugu mahad celiyay taageerada ay siiyaan taliska ciidanka xoogga isagoo ka codsaday in ay sii labo laabaan shaqada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka. Saraakiisha howlgalka EUTM ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu qanacsan wada shaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sareeyo guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) kala hadlay xoojinta kor u qaadista tababarka ciidanka xoogga , ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda gaashaandhigga. Howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan tababarada ciidanka xoogga dalka ayaa ka shaqeeya sare u qaadista tayada iyo qalabka ciidanka. Taliyaha ayaa saraakiisha EUTM ugu mahad celiyay taageerada ay siiyaan taliska ciidanka xoogga isagoo ka codsaday in ay sii labo laabaan shaqada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka. Saraakiisha howlgalka EUTM ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu qanacsan wada shaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  14. Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa waxa ay eedeeyn culus ugu jeediyeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyagoo shaaciyay inaysan dowladdu ogolayn in la qabto shirweynaha doorashada waxa ayna intaas ku dareen inay xagal daacinayaan qabsoomidda shirkaas. “Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujiyeen in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomidda shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wadajirka aha. Sidoo kale waxay qoraalkooda ku yiraahdeen “Warka kasoo baxay labada maamul ayaa laga digay in wakhtiga kulanka oo sii dheeraada uu keenikaro in masiirka Dalka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco. Ugu dambeynti, waxaan cadeynaynaa in aan diyaar u nahay qabsoomidda shir looga wada arrinsado xaaladda doorashada Dalka ayadoo qabsoomiddiisa loo marayo tub lays la oggol yahay, uuna saldhig u yahay heshiiskii 17 September 2020”. haddaba halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. After initial fears that even vaccinated people could carry and spread coronavirus, a new study from the Centers for Disease Control and Prevention suggests that vaccinated people may be far less at risk for transmitting COVID-19, not just being protected from serious symptoms. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Addis ababa)-Maleeshiyaad ka tirsan Jamhada Oromada Itoobiya ayaa lagu eedeeyey dilka dad rayid ah oo gaadhaya 30 qof oo u dhashay qowmiyada Amxaarada, xilli ay sii xoogeysanayaan dagaalada u dhaxeeya labadaasi qowmiyadood. Weerarkan ayaa habeen hore ka dhacay deegaanka galbeedka Wollega oo ka tirsan degmada Babo-Gembel ee Ismaamulka Oromada. Weerarkan ayaa dhabar jab ku ah dadaalkii dowlada Federaalka Itoobiya ay dooneysay inay ku joojiso xiisadaha u dhaxeeya qawmiyadahaasi kuwada nool dalka Itoobiya, xilli aan weli xal loo helin dagaalada ka socda ismaamulka Tigray. Source
  17. (SLT-Qaahira)-Raysal wasaarihii hore ee Masar Dr kamaal al-Jansuuri ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla caasimada dalkaas ee Qaahira. Raysal wasaaraha ayaa u geeriyooday xanuun uu qabay muddadii u dambeysay, isagoo 88 jir ah sida ay sheegtay warbaahinta Masar. Al-Jansuuri ayaa xilka raysal wasaarinimo ee dalka Masar soo qabtay laba jeer oo kala ahaa 1996 ilaa 1999 iyo 2011 ilaa 2012. Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Siisii ayaa ka tacsiyeey geerida raysal wasaaaraha, isagoo ku ammaanay howlihii uu soo qabtay intuu hoggaanka dalkaas ka mid ahaa. Source
  18. Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland xalay lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cumar Maxamed Samatar ay toogasho ku dileen, xilli uu kusii jeeday gurigiisa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka oo goobta gaaray falka kadib ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah raggii ka dambeeyey falkaasi. Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale xusay inay ku raadjoogaan raggii kale ee ku lugta lahaa dilka loo geystay marxuum Cumar Maxamed Samatar. Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab. View the full article
  19. Wasaaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in meel wanaagsan uu marayo qorshe dalka lagu keenayo wajiga labaad ee Talaalka karoona Feyrus oo ay gacan ka geysanayaan dowladdo saaxib la ah Soomaaliya Wasiirka Fowsiyo abiikar Nuur ayaa waxa ay tilmaamtay in dalalka Shiinaha Turkiga iyo qaar ka mid aha wadamada Carabta ay soomaaliya ka garab siinayaa Talaalka maadaama kii koowaad oo marayo meel wanaagsan kaasi oo socon doono sedex bilood. Tan iyo markii kiiskii ugu horeysay ee Covid-19 dalka laga diwaan geliyay waxaana la helay 11,398 waxaana ugeeriyooday 529 ruux View the full article
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/04/WARKA-SUBAX-SHABELE-142021.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay ka baxay ballan uu ka qaaday beesha caalamka oo aheyd inuu la kulmayo madaxda shanta madaxweyne goboleed, si loogu guuleysto qabsoomidda shirka madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada. Rooble ayaa galabkii Taaladadii xafiiskiisa kula kulmay wakiilada beesha caalamka, kuwaas oo ku cadaadiyey inuu kaalintiisa hoggaamineed qaato oo uu la kulmo madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana gacan ka gaysto sidii looga gudbi lahaa is-mari waaga ka taagan qabsoomidda shirka, taasi oo uu aqbaly. Waxaa saacado un kadib kulankii Rooble, ay wakiilada beesha caalamka haddana la kulmeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo aad usoo dhoweeyey islamarkaana aqbalay inay la kulmaan ra’iisul wasaaraha. Xubnaha beesha caalamka ayaa isla goobta qoraal ugu diray Rooble una sheegay mowqifka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Waxaa lagu ballamay in la kulmo Subaxii Arbacada ee shalay, ayada qorshuhu ahaa in heshiis looga gaaro ajendaha shirka iyo qaar ka mid ah qodobada kale ee la isku hayo. Si kastaba goor dambe ayaa Rooble wuxuu qoraal usoo diray beesha caalamka, kana cudur-daartay kulanka, isaga oo wakiilada beesha caalamka u sheegay in shanta madaxweyne goboleed ay heshiis kasoo gaaraan ajendaha shirka kadibna ay isaga usoo direen, si uu dib u eegis ugu sameeyo, isagoo og in madax goboleedyada ay heshiis gaari waayey, kadib dhowr mar oo ay kulmeen. Go’aanka Rooble ayaa si aad ah uga carreysiiyey wakiilada beesha caalamka, iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo shalay galab soo saaray qoraal ay ku muujinayaan sida ay qaati uga taagan yihiin “xagal-daacinta” ay wadaan madaxda dowladda. “Waftiga Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubaland oo muddo gaareysa sadex asbuuc ku sugan Magaalada Mogadishu, ayagoo ka jawaabey dalabkii Beesha Caalamka ee ahaa in shir wadatashi ah laysugu yimaado, ayaa wali ka dhursugaya qabsoomidda shirka. Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujinayaan in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomicida shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu,” ayaa lagu yiri qoraalka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Ma cadda sababta uu Rooble u beddelay mowqfikiisa, islaamrkaana uga baxay ballantii uu qaaday, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu cadaadis uga yimid Farmaajo, oo dadaal xooggan u sameynaya in marnaba aan la kulmin, heshiisna uusan dhicin, si aan dalka doorasho u gelin. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in beesha caalamka ay quus ka taagan tahay xaaladda, ayna suurta-gal tahay in arrintan u gudbiso golaha ammaanka, si qaraar looga soo saaro, taasi oo Soomaaliya dib ugu celin karta marxaladdii ku-meel gaarka.
  22. At a recent health event, 16 imams got COVID vaccines in front of cameras from BBC Somali and Universal Somali TV. Source: Hiiraan Online