Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa looga jawaabay dhaleeceyntii iyo soo jeedinadii caalamiga ahaa ee ka dhashay mudo kororsigii uu meel mariyey Aqalka Hoose ee baaralamaanka mudo xileedkiisu ka dhamaaday. “Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah jawaabtaan ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda. Dadka Soomaaliyeed waxay u oomanaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda. Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka. Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed. Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal. Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof, hal-cod doorasho lagu hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horay u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood. In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa. a taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda. Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya. The post DF Somalia oo jawaab kulul ka bixisay canaantii beesha caalamka ee mudo kororsiga appeared first on Caasimada Online.
  2. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii u horraysay jawaab rasmiya ka bixisay walaaca Beesha Caalamku ka muujisay mudda kordhinta Aqalka hoose ee Baarlamanku u sameeyay hay’adaha dowladda. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in wakiilada Beesha Caalamku ay marin-habaabin ku sameeyeen sharciyadda ay soo saareen hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo dimoqraadiyadda dalka. War-saxaafadeedka waxa sidoo kale lagu sheegay, in hadallada ka soo yeeraya wakiilada Caalamka ay wax u dhimayaan madax-bannaanida Soomaaliya, islamarkaana dhiirri-gelinayaan ururada Argagixisada ee ku sugan gudaha dalka. Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhammaystiran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda. Dadka Soomaaliyeed waxay u oo manaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda. Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka. Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed. Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal. Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof, hal-cod doorasho lagu hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horay u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood. In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda. Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Beesha Caalamku dhiirri-gelinayso Argagixisada gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kuwa ammaanka ah, dagaalamayaasha ururka Daacish ayaa amray in la xiro goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Daacish ayaa beegsaday shirkadaha daawooyinka keena dalka ee saldhigoodu yahay Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay in ay dul dhigeen kumanaan dollar oo lacag baad ah oo lagu qasbay inay bixiyaan. Shirkadaha ayaa sheegay in aysan awoodin bixinta lacagahaas waxaana lagu amray in ay joojiyaan shaqada ay haayaan, haddii aysan bixin lacgtaas. Mid kamid ah shirkadahaas oo ka dhaga adeegtay islamarkaana ganacsigeeda furtay ayaa dhismihii ay daganeyd lagu xiray qarax miino, kaas oo sababay dhaawaca qof shacab waxa uuna falkaan dhacay todobaadkii hore. Milkiilayaasha shirkadaha la xiray qaarkood ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo canshuur ka qaadata ay daawaneyso dhibka haysta, islamarkaana aysan soo faro-gelin arrintan oo aysan sugin amnigooda Wali hay’adaha amaanka kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in Daacish ay kordhiyeen cadaadiska ay saarayaan ganacsatada Soomaaliyeed. Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in kooxda Al-Shabaab ay sidoo kale lacag ka qaado ganacsatada, islamarkaana aysan ogoleyn inay lacag kale siiyaan Daacish oo uu dagaal kala dhaxeeyo. The post Xog: Daacish oo albaabada isugu dhufatay shirkado ku yaalla suuqa Bakaaraha appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu Sabtida soo socota hortago mudanayaasha Baarlamanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo safarkiisi Muqdisho. Farriin kooban oo xalay loo diray xildhibaannada Baarlamanka, ayaa lagu wargeliyay in madaxweyne Deni uu Sabtida hor imaan doono Golaha, waxaana wararku sheegayaan in uu warbixin ka siin doono safarkii Muqdisho. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Golaha u jeediyo khudbad ku saabsan fashilka ku yimid dadaalladii ku jihaysnaa xallinta muranka doorashooyinka iyo sidoo kale shirkii natiijo laa’aanta ku dhammaaday ee Muqdisho. Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu khudbaddiisa kaga hadlayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, taas oo ka dhalatay mudda kororsiga dowladda Federaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Sabtida hortagaya Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Mogadishu (HOL) - Somalia's Federal Government said that it was "deeply dismayed" on Wednesday to see statements from international partners that it says "misconstrues" the extension legislation as "unlawful term extensions". Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online)- Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa hadda ka socda madaxtooyada Soomaaliya. Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh iyo cabsi dagaal, waana taas arrinta uu Qoor Qoor kala hadlayo Ra’iisul wasaare Rooble. Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) ayaa xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan xaafadda Shiikole ee degmada Deyniile, waxuuna wataa ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal. Sidoo kale qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaksii iyo Baar-ubax oo aad ugu dhaw isgoyska Shiirkole ayaa caawa lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad. Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon, waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo uu amro weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato. Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase aan la fududeysan karin oo ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon. S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka. Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay. The post Xiisad caawa laga dareemayo Muqdisho iyo shir u socda Rooble iyo Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
  7. As an outside observer on the tumultuous events surrounding the Somali elections, I cannot help but remember a time I was served my favourite meal and without thinking about where I have eaten more than I could swallow. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online)- Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) uu xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Saadaq Joon oo wata ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal ayaa deegaansaday xaafadda Shiirkole, halkaas oo deegaan ahaan ay ku badan yihiin reerkiisa. Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon. Sidoo kale ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa lagu arkayaa qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaaksii iyo Baar-ubax. Waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda dowladda federaalku amraan weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato. Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon. S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka. Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay. The post Xog: Saadaq Joon oo Muqdisho ka degay xaafad ay ku badan tahay beeshiisa appeared first on Caasimada Online.
  9. Taliyaha La shaaciyey in Xilka laga qaadey laakiin wali sheeganaya inuu yahay Taliyaha Bileyska Gobolka Banaadir Saadiq Joon iyo Ciidan isugu jira Bileys iyo Malatari ayaa waxay caawa u hoyanayaan Xarunta Masuuliyiinta Ciidamada Qalabka Sida ee Shiirkolo Officale. Ma cada sababta uu Ciidamada isugu geeyay Xaruntaas, oo u dhow Xarunta uu Degan yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka sida. Warar kale io waxaa jira iyana sheegaya in Ciidamo ka Amar qaata Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ay Sare u qaadeen Amaanka Musharixiinta Madaxweynaha. Puntlandi.com Muqdisho The post Maxaa ka jira in Ciidan uu Saadiq Joon wato ay degeen Shiirkolo Ofisaale appeared first on . Source
  10. Click there to read more about this article Qaran News
  11. Mogadishu (PP News Desk) — The International Community has issued a communique on the mandate extension of the federal instituons. The African Union Mission in Somalia (AMISOM), Canada, Denmark, European Union (EU), Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, United Kingdom, United States, and the United Nations reiterated their position on 17 September Electoral Model as the viable political path to hold indirect elections in Somalia. The International Community offered to act as a mediator. Several countries have expressed reservations about a communique questioning the legitimacy of the Somali Federal Parliament to reach a decision to end the political uncertainty in Somalia following the breakdown of the electoral talks. “The communique is a variation on the EU statement that described the mandate extension as destabilisation for Somalia’s neighbours” said Mohamud Issa, a journalist in Mogadishu. Meanwhile, Abdirahman Abdishskur, a Somali Presidential Candidate, called for uprising in Mogadishu against the Federal Government. “I am no longer a Presidential Candidate” he said. The offer of the International Community to act as a mediator is unlikely to be accepted by the Federal Government. A transitional government is not in charge in Somalia” added Issa. © Puntland Post, 2021 The post The International Community Urges Somali Stakeholders to Return to Electoral Talks appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka kuwooda ugu saameynta badan ayaa ka hadlay xaaladda uu hadda dalku ku jiro, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay sameysatay muddo kordhin laba sano ah. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dalka uu hadda galay waji hoggaamiye kooxeednimo, wuxuuna madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu jabinayo sharciga iyo xeerarka ku yaalla Soomaaliya. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Dowladda Eretariya ku eedeeyey inay ka shaqeeneyso khalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, wuxuuna sheegay in arrintaan ay keeni karto in dalku uu ku laabto sidii uu ahaan jiray 20 sano ka hor. Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa si cad u sheegay in ay dhamaatay rajadii laga lahaa in doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya, sidaas darteedna uu Muqdisho kasoo fuqsaday boorarkii musharaxnimadiisa, kadib markii uu ogaaday in aysan muuqan ififaalo muujinaya doorasho. Waxaa uu dhaliil u soo jeediyay Maamul Goboleeedyada taageeray sharcigii ay meel mariyeen xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu saxixay xalay. Beesha caalamka ayaa dhaleeceysay go’aankii ay Golaha Shacabka Soomaaliya muddo labo sano ah ugu kordhiyeen dowladda Soomaaliya. Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay saxiixay sharciga gaarka ah ee muddada loogu kordhiyay hey’adaha dowladda federaalka. Hoos ka Daawo The post Daawo: CC Shakuur oo ku dhowaaqay inay dhamaatay musharaxnimadiisa appeared first on Caasimada Online.
  13. Komishanka doorashooyinka Somaliland, waxa ay maanta u qaybiyeen 3 xisbi qaran calaamadahii ama astaantii musharraxiinta golaha wakiiladda iyo deeganka. Musharraxiinta wakiiladu waa 60 calamadood. Oo xisbigiiba 20 astamood leeyahay. 20 astaamod ayuu dhamaan 6 gobol u qaybinaya misharraxiintiisa uga sharaxan gobol kasta. Halka deeganku ka yahay number UCID 1 KULMIYE 2 WADDANI 3 UCID. KULMIYE WADDANI 101 201 301 102 202 302 103 203 303 104 204 304 105 205 305 106 206 306 107 207 307 108 208 308 109 209 309 110 210 310 111 211 311 112 212 312 113 213 313 114 214 314 115 215 315 116 216 316 117 217 317 Sidaas ayay gobolada kalena ahaanaysa. Xigasho: Yasin Calase Source
  14. Taliyaha ciidanka qaranka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool ayaa qaabilay saraakiil iyo ciidan ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Sareeye guuto Cali Bare Xuseen oo u waramaayay warbaahinta dawlada ayaa sheegay in iyo saraakiishaas iyo ciidankaas kas oo goostay maamulka Puntland ee Soomaaliya tiradoodu gaadhayso tobaneeyo, kuwaas oo sitay saanadoodii milatari. Cali Bare Xuseen Taliyaha ciiidanka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool waxa kale oo uu sheegay un ciidankaas ay ku qaabileen degaanka Goojo-cadde ee gobolka Sool, waxaa waxaanuu taliye Cali Bare wuxuu ciidankaas ku soo dhaweeyay dalkooda hooyo ee Somaliland, waxaanuu intaas ku daray in ciidankaas la marin doono nidaamka u yaala ciidanka qaranka Somaliland. Source
  15. HARGEISA (HOL) - The breakaway region of Somaliland has warned against instability in Somalia and the region following the extension of President Mohamed Farmaajo’s term echoing similar concerns by the international community. Source: Hiiraan Online
  16. HARGEISA (HOL) - The breakaway region of Somaliland has warned against instability in Somalia and the region following the extension of President Mohamed Farmaajo’s term echoing similar concerns by the international community. Source: Hiiraan Online
  17. At least 15 people were killed and several wounded on Wednesday when a minibus carrying civilians hit a landmine in southern Somalia, officials said. Source: Hiiraan Online
  18. Waxaa jira xildhibaanno si gaar ah uga shaqeeyey isla markaana saxiixay Mooshinka 2 Sano Loogu Daray Farmaajo. Goobjoog News ayaa heshay liiska magacyada 34 Xildhibaan oo keenay mooshinka 2-bada sano loogu daray Farmaajo. Sida liiska ku cad, 50% Waa haween, taas oo ku tuseysa sida Farmaajo saameyn ugu leeyahay dumarka oo looga tiro badan yahay Aqalka golaha shacabka Wararka ay heleyso Goobjoog News ayaa intaasi ku daraya in koramka aanu dhameyn maalintii la ansixinayey xeerka gaarka ah ee jiheynta doorashada ee keenay in Farmaajo loogu daro 2 sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somalilanda ayaa markii u horeysay maanta qoraal rasmi ah kasoo saartay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo kasii dartay, tan iyo markii uu soo baxay qaraarkii Golaha Shacabka ee muddo kordhinta. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa waxa walaac looga muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu yeertay ‘dalka deriska’, gaar ahaan is-mari-waaga ka dhex taagan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo musharaxiinta mucaaridka. “Ismari-waagga siyaasaddeed ee maanta jira wuxuu marqaati u yahay dulmiga iyo hoggaaminta macangagga ah ee Taliska Farmaajo, oo qatar buuxda ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka taasi oo suurtagal ah in ay Soomaaliya geliso dagaal sokeeye oo hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa kale oo lagu yiri “Waxaa laga yaaba dagaalkaas uu ku qasbo kumannaan shacab ah inay u barakacaan dalalka deriska ah oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidoo kale waxaa shacabka magaalada Muqdisho ugu baaqeen inay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida caasimada. “Waxaan ugu baaqeynaa shacabka adkeysiga badan ee Muqdisho ee dhexda u galay xabadda iyo argagaxa aan joogsiga laheyn ee Al-Shabaab iyo kali-talisnimada Farmaajo ee tix-gelin la’aantiisa xuquuqda aadanaha inay ilaashadaan nabddooda iyo xasilloonidooda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka Somaliland ayaa waxa kale oo lagu soo dhaweeyay go’aankii uu Golaha Qaramada Midoobey ka qaatay kordhinta cunaqabteynta hubka, waxayna ka codsatay beesha caalamka inay si dhow ula socoto cunaqabteynta hubka Soomaaliya, xiligan xasaasiga ah. Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada, ayaa isku sifeysay inay hormuud u tahay dimuquraadiyada, waxayna qoraalka ku sheegtay in qori-isku-dhiibka kursiga uu si nabad ah uga socda dhaco dalkeeda. Qoraalkan ayaa imanaya xili ay kasii dareyso xaalada siyaasadeed ee dalka, tan iyo markii uu golaha shacabka soo saaray qaraar muddo kordhin loogu sameynayo Farmaajo, taasi oo ay si weyn uga hor-imaadeen mucaaridka iyo beesha caalamka. Hoos ka aqriso qoraalka The post Somaliland oo qoraal yaab leh kasoo saartay muddo kororsiga Farmaajo, farriin-na u dirtay shacabka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  20. Wakiilada Beesha Caalamka oo war-saxaafeed wadajir ah soo saaray, ayaa ka horyimid mudda kordhinta loo sameeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeedka oo ku qoran Af-Soomaali, ayaa lagu sheegay in mudda kordhinta cusub ay wiiqayso amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, islamarkaana ay daahin doonto in doorashooyin lagu kalsoonaan karo dalka ka dhacaan. Wakiilada Beesha Caalamku, waxay ku baaqeen in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka, si heshiis dhab ah looga gaaro xallinta muranka arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, waxay ka digeen in xasilooni-darro iyo khalkhal amni ka dhasho mudda kordhinta cusub, waxaana ay dhinacyada ugu baaqeen in ay is xakameeyaan si aan qalalaase u dhicin. Beesha Caalamku waxay sidoo kale ballan-qaadday in ay fududayn doonto wada-hadal kasta oo dhinacyada siyaasada dalku ay xal kaga gaarayaan muranka taagan si loo qabto doorasho la isu raacsanyahay. Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo si wadajir ah uga hortimid mudda kordhinta dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Somaliland ayaa warmurtiyeed kasoo saartay ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, waxay walaac kaga muujisay xaaladda hadda ka dhex taagan dawladda iyo mucaaradka. war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu yiri “Ismari-waagga siyaasaddeed ee maanta jira wuxuu caddeyn u yahay dulmiga, iyo hoggaaminta macangagga ah ee Taliska Farmaajo, oo khatar buuxda ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka taasi oo soortogal ah in ay Soomaaliya geliso dagaal sokeeye oo hor leh oo laga yaabo in lagu qasbo kumannaan shacab ah in ay u barakacaan dalalka deriska ah oo ay ku jirto Somaliland”. Warka ka soo baxay Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli Golaha Shacabka uu Muddo kordhin labo sano ah uu u sameeyay Madaxweynihii hore. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee ka taaggan Soomaaliya ku sheegtay in ay wer-wer weyn ka qabto dagaal sokeeye oo Soomaaliya ka dhaca iyo xasillooni darro saamayn ku yeelata Gobolka oo ka dhalata go’aanka Muddo kordhinta iyo hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ee xaaladda hadda taaggan. Xukumadda Somaliland waxay ku eedaysay Madaxweyne Farmaajo kalitalisnimo iyo in aanu dhawran xuquuqda Aadamaha, waxaanay bulshada Muqdisho ugu baaqeen in ay amniga iyo xasilloonida ku dadaalan. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in reer Muqdisho wajahayaan caqabad ah dhibta Alshabaab iyo Culayska Kalitalisnimada Farmaajo. Waxa kale oo ay Somaliland Qaramada Midoobay ku ammaantay in Soomaaliya lagu ilaaliyo cunaqabataynta hubka, sidoo kalena Beesha Caalamku si dhaw ula socoto in hub ama saanad ciidan u korodho Soomaaliya wakhtigan. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa hadda kulan xasaasiya la leh madaxweynaha dowladda goboleedka HirShabeelle, Cali Guudlaawe oo kamid ah maamulada taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa labada madaxweyne ku wehlinaya Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo kamid ah hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran, waxayna madaxweyne Guudlaawe kala hadlayaan go’aankii uu ku taageeray qaraarkii uu Golaha Shacabka muddo kororsiga ugu sameeyay hay’addaha dowladda. Go’aanka Cali Guudlaawe kula saftay Farmaajo ayaa ka careysiiyay madaxdaas ay isku haybta yihiin oo ah Musharaxiin iyo Madax hore, iyadoo xusid mudan tahay in madaxdan horay u taageereen doorashadiisa oo aanay ka hor imaan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashadii khilaafka badan ka dhashay ee uu ku soo baxay madaxweyne Guudlaawe, wuxuuna intaas kadib kamid noqday maamulada sida weyn u taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo. Sida ay ogaataay Caasimada Online, madaxdaan ayaa la wadaagay Cali Guudlaawe niyad jabkooda ku aadan go’aankii la sheegay inuu ku taageeray muddo kororsiga Farmaajo, waxayna ku cadaadinayaan inuu ka laabto. Kulankan ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeeysay ee ay Madaxdii hore uga quusanayaan ama isku fahmayaan madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoo la kala ogaan doono midka uu dooran doono. Kulankaan ayaa daba socda midkii ay xalay la yeesheen Musharaxiinta mucaaridka ah madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor, kaasi oo uu ku bayaamiyay inuusan qeyb ka aheyn taageerada loo muujinayo muddo kororsiga Farmaajo, islamarkaana ay tahay inay Guudlaawe lasoo hadlaan, si kulamo kala la iskugu iamado. Si kastaba, xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa kasii dareysa, tan iyo markii uu Golaha Shacabka soo saaray qaraarkii uu muddo kororsiga ugu sameeyay madaxda sarre ee dalka, waxaana isasoo taraya hanjabaadaha ku aadan go’aankaasi ee ay soo saarayaan dalalka beesha caalamka. The post DEG DEG: Kulan cadaadis xooggan lagu saarayo Guudlaawe oo Muqdisho ka socda appeared first on Caasimada Online.
  24. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Denmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsanyihiin meelmarinta 12kii Abriil uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore. Qaraarka 12kii Abriil wuxuu wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed. Waxaan ku qanacsannahay in hirgelinta heshiiskii 17kii Sebtember uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo sidaa darteed, waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka hawsha horey loogusii wedi lahaa. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, ayna sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada halka dhinac ah ee kicin kara xiisadaha. Waxaan diyaar u nahay inaan bixinno adeegyada dhexdhexaadinta si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17kii Sebtember. Source: goobjoog.com