Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (PP News Desk) — Kenya Airways has put on hold the plan to start direct flights to Hargeisa. In a press release published one after Government of Kenya suspended civilian flights to Somalia, Kenya Airways stated that “ we do not have any operational flights between Nairobi, Kenya and Hargeisa, Somaliland at this time. These plans are on hold pending requisite approvals and clearances. to launch flights to Hargeisa… are currently on hold pending requisite clearance and approvals”. Kenya Airways was the planning to start direct flights from Jomo Kenyatta Airport to Hargeisa three times a week from 28 May. The flight suspension will not affect UN and medical evacuation flights. Somalia and Kenya restored diplomatic relations one week ago. Somalis travelling to Nairobi will be able to use Djibouti or Addis Ababa route while the suspension remains in place. © Puntland Post, 2021 The post Kenya Airways Puts Planned Flights to Hargeisa on Hold appeared first on Puntland Post.
  2. ujeeddada qormadani waa: ku dhiirrigelinta hayadaha saharcigu u xilsaaray dejinta, fulinta iyo ilaalinta shuruucda dalka ilaalinta sarreynta sharciga, u tilmaamidda shacabka Soomaaliyeed saxnimada shuruucda lagu dhaqayo. Hordhac Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqu waa mid ka mid ah guddiyada madaxabannaan ee uu Dastuurka KMG ah ku xusayo Cutubka 10aad. Marka guddi dastuuri ah la yagleelayo waxaa qasab ah in uu dastuurku sheego hab-raaca/yada loo marayo dhismah guddiga, sidoo kalana waxaa waajib ah in ay Labada Aqal BFS dejiyaan sharci gaar ah oo qeexaya tirada xubnaha guddiga, hab-raaca magacaabista xubnaha guddiga, shuruudaha, wajibaadka, awoodaha, doorashada Guddoonka Guddiga, muddada xil-heynta, xilweynta, xil ka qaadista, miisaaniyadda, warbixinnadda guddiga, IWM. Haddaba, Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxaa sal iyo tixraac sharci u ah Dastuurka KMG qodobbada 111C iyo 112aad iyo Xeer lr. 12 oo ah Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer oo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu Madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya saxiixa 21 Sep, 2019. Qoraalkani wuxuu ka hadlayaa wax-ku-oolnnimada Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa, iyo sharcinnimada xubnaha Guddiga ee uu dhaariyay Madaxweynaha JFS Apr 25, 2021, doortayna guddoonka guddiga May 4, 2021, ugu dambeyn qormado waxay soo jeedinaysa talo. 1: wax-ku-oolnimada Dhismah Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa Soomaaliya waxay sanad walba ka gashaa musuqmaasuqa iyo maamul xumada kaalinta 1aad, sida ay sheegayaan international trancparancy iyo hayada kale ee daah-furnaanta iyo maamuul wanaagga ka faalloda, sidaas darteed dhismaha guddigan waxuu laf-dhabar u yahay A: Horumarinta iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagulana dagllamayo Musuq-maasuqa ka dhaca dalka iyo dibadda. kaas oo ay ku kacaan saraakiisha Dowladda. B:Xaqiijinta habsami u maamulka hawsha Qaranka, iyada oo la ilaalinayo danta dadwaynaha Soomaliyeed iyo hantidooda lagana dhawrayo boob iyo ku- takrifal awoodeed. C: Ka ilaalinta Saraakiisha dowladda ku xadgudubka xilkooda iyo ka gaabinta waajibaadkooda. D: Iyada oo laga duulayo baahida loo qoba xaqiijinta arrimaha kor ku xusan loona hoggaansamayo Dastuurka KMG qodobkiisa 111C oo farayaa dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxay Labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyeen Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer islamarkaana Madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay Sharcigan Sep 21, 2019. 2: Qiimeynta Sharcinimada Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee hadda jira Sharcinnimada Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waxaa tiir sharci u ah Dastuurka KMG iyo “Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer. Haddaba, si uu guddigu u helo sharciyad wax-qabadkiisuna u yeesho raad sharci oo ay waajib tahay in loo hoggaansamo, waa in magacaabista xubnaha guddiga waafaqdaa habraacyada uu dhigayo Dastuurka KMG iyo sharciga (Xeer lr. 12) oo ay ansixiyeen Labada Aqal uuna saxiixay Madaxweynaha JFS Sep 21, 2019. A: Dastuurka KMG Qodobka 112aad. Magacaabidda Guddiyada Heer Federaal ayaa u qoran sidan; Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. B:Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer Sida uu dhigayo Sharcigani Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer ansixinta magacyada xubnaha guddiga (qodobka 9aad xarafaha t&kh,), xil ka qaadista (15aad faqradda 3aad iyo 4aad.) iyo dalbashada warbixinnada guddiga (Qodobka 22aad faqrada 2aad.) waxaa si isku mid ah u gudanaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sida la ogyahay xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee hadda jira waxaa ansixiyay hal Aqal oo ah Golaha Shacabka, iyada oo aan la hor geyn Golaha Aqalka Sare, si ay ugu codeeyaan xubnaha guddiga. Haddaba, Guddiga ay Xukuumaddii Xil-gaarsiinta magacaawday Sep 7, 2020, Golaha Shacabkuna ansixiyay Nov 16, 2020, islamarkaanan Madaxweynaga JFS dhaariyay April 25, 2021, doortayna guddoonka guddiga may 4, 2021, wuxuu khilaafsan yahay qodobka 55ad, 112aad ee Dastuurka KMG iyo Qodobka 2aad xarafka (d) qodobka 9aadxarfaha t&kh, (15aad faqradda 3aad iyo 4aad.) (Qodobka 22aad faqrada 2aad. ee “Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer, sidaas darteed, guddigani ma haysto sharciyad shaqooyinkiisuna ma yeelanayaan saameyn/raad sharci, maaddaam aan dhismaha Xubnaha Guddiga Madxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa loo marin habraacayadii shuruucda dalku fartay. 3Gunaanad iyo talo soo jeedin A Gunaanad Guddiga madaxabannaan ee la-dagaallanka musuqmaasuqa ee hadda jira ma haysto sharciyad uu ku noqdo gudiga la dagaallanka musuqmaasuqa ee uu tilmaamayo qodobka 111C ee Dastuurka KMG, hawlahiisuna ma noqonayaan ku leh raad sharciyadeed sax ah inta uu guddigu ka helayo ansixinta labada aqal, lana marsiinayo habraacayada ku xusan qodobbada Dastuurka KMG iyo Sharciga Dhismaha Guddiga ay ansixiyeen Labada Aqal uuna saxiixay Madaxweynaha JFS Sep 21, /2019. B Talo soo jeedin Giddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmasuqa wuxuu fure iyo laf-dhabar u yahay mmmaamul wanaag ka hana qaada gayiga Soomaaliyeed, haddaba, si xoogga, waqtiga iyo hantida gashay dhismaha guddiga uga soo baxaan miriha laga filayayo, guddiguna u helo sharciyad, waxqabadkiisuna u yeesho raad sharci oo ay waajib tahay u haggansamiddiso, qormadani waxa ay u soo jeedineysaa Wasaaradda Caddaaladda XFS, Golaha wasirrada XFS, Garsoorka, Golaha Shacabka, Madaxweynaha JFS, iyo cid kasta oo hadda joogta ama imman doonta oo ay khuseyso arrintani in ay ka qayb qaataan dib-u-sixidda guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa lana waafajiyo habraacyada ku xusan Dastuurka KMG iyo Shirciga Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ah meelmarinta Xubnaha Guddiga Labada Aqal. Sida oo kale, Xubnaha Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa waa in ay ogaadaan sharciyadda ay heystaan in ay tahay mid dhimman kana codsadaan hayadaha iyo ashqaasta awoodda u leh arrimahan dib u sixitaan iyo in la dhameystiro hab-raacyada qaldamay, si loo gaaro sarreynta sharciga. =<Dhammaad>= Qore: Garyaqaan Dahir Shuuriye Source: goobjoog.com
  3. Dhammaan deegaannada uu maamusho ururka Al-shabaab ee koonfur iyo bartamaha Soomaaliya ayaa maanta Arbaco ah laga ciiday. Deegaanada laga ciiday ayaa ka tirsan gobollada Jubbooyinka, Shabeellooyinka, Bay, Bakool iyo Galgaduud, waxaana sawiro ay baahisay warbaahinta taageerta Al-shabaab muujinayaan boqolaal qof oo isugu soo baxay tukashada salaada Ciidul Fidriga. Al-shabaab ayaa xalay iclaamisay in ay Arbacada u tahay ciid, waxayna sheegeen in deegaanno ay maamulaan laga arkay bisha Shawaal. Dalalka kale ee Afrika ku yaalla oo qaar kamid ah muslimiinta ku nool ay maanta ciiday waxaa kamid ah Mali, Niger iyo Ivory Coast. Muslimiinta Caalamka ayaa berri oo Khamiis ah ciidaya, maadaama aan shalay inta badan la arag bisha Shawaal. PUNTLAND POST The post Deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo maanta laga ciiday appeared first on Puntland Post.
  4. Wadamada laga ciidayo maanta+Siday Soomaalida ugu kala qeybsantahay (Kuwo maanta Ciiday,Kuwo Berri Ciidaya & Kuwo saad danbe Ciidi Doona) Wadamo badan oo Dunida ka tirsan ayaa maanta laga ciidayaa xili inta badan dunida islaamka ama Dalalka Diinta Islaamka haysta laga sooman yahay. Dalalka Senegal, Maali, Niger iyo Ivory Coast oo ku yaal Galbeedka Afrika ayaa maanta oo Arbaco ah laga ciiday, xilli laga sooman yahay inta badan dunida Islaamka.Dalalkan ayaa xalay shaaciyey inay arkeen bisha Soon-fur. Dhinaca kale Deegaanno ka tirsan Gobollada koonfurta fog ee Soomaaliya ayaa Saaka laga tukaday Salaada ciida, halkaasi oo ay joogaan Al-Shabaab. Dalal kale ayaa ayaa Maanta Soontu u tahay 29, waxaana la filayaa in ay Maalinta Jimcaha ciidaan. Soomaalidu saddexda heerba waa ku jirta;kuwa maanta ciiday, kuwa berri ciidaya iyo kuwa saadanbe ciidi doonaba. Qaran News
  5. Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways, ayaa beenisay warar ku saabsan, in ay duullimaadyo toos k aka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Shirkadda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay, warar shalay lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegay, in ay dhowaan duullimaadyo ka bilaabayso magaalada Hargeysa. “Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay haatan hakad ku jiraan, iyada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay shirkadda. Warkan ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Kenya ay hakisay dhammaan dullimaadyada Soomaaliya, marka laga reebo diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Kenya Airways oo beenisay in ay duullimaadyo ka bilaabayso magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  6. The African Union says its mission in Somalia, commonly known as Amisom, will get an extension on its mandate to December 31 this year, ending security uncertainties as the country heads to elections. Source: Hiiraan Online
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Shirikadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa maanta ka hadashay warar sheegaya in duulimaad toos ah ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, dhamaadka bishan aan ku jirno ee May. Qoraal kasoo baxay maamulka Kenya Airways ayaa waxba kama jiraan loogu tilmaamay wararkaas oo shalay ilaa xalay si weyn loogu baahinayay baraha bulshada, ayada oo lagu lifaaqay heshiiskii ay hore u wada-galeen madaxweyne Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta. Wararka ay beenisay Kenya Airways ayaa waxaa lagu sheegay inay duulimaad toos ah ku tegi doonto Hargeysa toddobaadkiiba saddex maalin, kuwaasi oo lagu kala sheegay Arbacada, Jimcaha iyo Axadda. “Kenya Airways (KQ) waxay jeceshahay inay cadeyso in qorshooyinka ay duulimaadyada uga bilaabi doonto Hargeysa, Somaliland ay weli ku jiraan hakad, iyadoo la sugayo ogolaanshaha iyo ansixinta aas-aasiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shirkadda. “Hadda ma jiraan duulimaadyo toos ah oo howl-galaya oo shirkadda ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo ay Kenya Airways ku beeninayso wararka la wareejinayo baraha bulshada. Qoraalka Kenya Airways ayaa laga fahmi kara in duulimaad ay ka bilowdo Somaliland ay ku xirantahay ogolaansho laga helo dowladda federaalka oo gacanta ku haysa maamulka hawada Soomaaliya, inkasta oo ay arrintaas ku cadeyn qoraalkeeda. Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliland ayaa heshiis ay kal hore wada-gaareen, waxaa qeyb ka aheyd in diyaaradda Kenya Airways ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Hargeysa. Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay shalay dowladda Kenya ku dhawaaqday joojinta duulimaadyadii Soomaaliya, midaasi oo cadaadis hor leh lagu saarayo dowladda federaalka, si ay u fasaxdo qaadka laga soo dhoofiyo Kenya. The post Kenya Airways oo war kasoo saartay duulimaadyada la sheegay inay ku tageyso Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
  8. Dacwad oogaha Maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada, Fatou Bensouda, ayaa muujisay walaaca ay ka qabto dagaalka cusub ee ka dhax bilaawday Israa’iil iyo Falastiin. Fatou Bensouda ayaa tilmaantay in dagaalkan ay ka dhalan karaan xad-gudubyo sababa xasuuq shacab. Fatou Bensouda ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay dadaal ku bixiso si loo joojin lahaa daagaalkaan , waxeyna raacisay in xafiiskoodu la socodo waxa ka dhacaaya goobaha kala duwan ee Falsatiin. Bensouda ayaa horay si rasmi ah uga codsatay maxkamadda in la furo gal baaritaan oo ku saabsan dambiyo dagaal oo la sheegay in Israa’iil ka geysatay dhulka Falastiin. PUNTLAND POST The post Maxkamada danbiyada dagaalka oo war ka soo saartay isku-dhacyada Falastiiniyiinta iyo Yahuuda appeared first on Puntland Post.
  9. Cabashada gaamuurtay ee dagaalka Israel & Falastiin hurisay XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka,Xaaladda ka soo cusboonaatay Quddus ayaa cirka isku shareertay bishii la soo dhaafay Rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa salka ku haya cabashooyin muddo dheer soo taagnaa oo labada dhinac u dhaxeeya xaal waarana aan loo helin ayaa markale colaad horleh hurisay. Waa nabar aan bogsan oo ku yaalla bartamaha Bariga Dhexe waana sababta keenta iney dhacaan iska horimaadyo fool ka fool ah oo markii dambe isu beddelay gantaallo la soo rido, duqeymo dhinaca cirka iyo dhimasho. In wararka ku saabsan isku dhacyada ay ka maqnaayeen boggaga hore ee warbaahinta, kama dhigna in aysan jirin wax isku dhacyo ah ama xaaladda ay dantay. Arrimihi taagnaana ma jiraan wax iska baddalay sida oo kale nacaybka iyo cabashooyinka gaamuuray ee sanadaha badan soo taagnaa waxay jiilal badan u horseedeen dil iyo dhibaatooyin fara badan. In ka badan hal qarni Yahuudda iyo Carabta waxay ku hardamayeen sidii ay u hanan lahaayeen dhulka u dhaxeeya Webiga Urdun ilaa iyo Badda Mediterranean. Israa’iil waxay Falastiin u geysatay jab isdabajoog ah tan iyo markii ay xornimada qaadatay ee 1948-kii, balse wali Israa’iil ma gaarin guul kama dambeys ah. Inkasta oo khilaafka qotoda dheer ee laba dhinac u dhaxeeya uu sii socdo. Midda la hubo ayaa waxay tahay in dhowrki sanaba mar ugu yaraan iney dhacaan qalalaasooyin rabshada wata. Iska horimaadyada 15-kii sana ee ugu dambeeyey labada dhinac dhexmarayey badanoodna waxay ka dhacayeen xeyndaabka kala qaybiya Qaza iyo Israa’iil. Balse wakhti xaadirkan rabshadaha ka dhacay magaalada Qudus iyo goobaha barakeysan ee ku yaalla ay leeyihiin awood ay ku sii huriyaan rabshadaha taagan. Turkiga oo safaarad ka furanaya Quddus Xiisadda Qudus oo sii karaar qaadatay, Qasa oo gantaalo lagu garaacay Aqoonsiga Trump ee Quddus oo khatar geliyey la dagaalanka argagixisada Magaalada muqaddaska u ah Kirishtanka, Yahuudda iyo Muslimka xaalkeedu ma aha mid diineed oo keli ah. Goobaha barakeysan ee diimaha Yahuuda iyo Muslimka waxay magaaladaasi ka yihiin astaamo muuqda. Waxaana u dhaxeeya masaafa aad u yar oo qofki dhagax tuura uu la gaari karo. Kaniisadda Sepulchre oo ay si aad ah u xurmeeyan Falastiinyiinta Misiixiyiinta ahna waxay ku taallaa meel aan ka fogeyn goobta ay ciidamada Israa’iil wax ku baaraan. Rabshadahan ugu dambeeyeyna waxyaabaha kiciyey waxaa ka mid ah hanjabaado loo soo jeediyey Falastiiniyiin deggan xaafadda Sheekh Jarrah in guriyahooda laga saarayo. Xaafaddaasi oo ah mid ay Falastiiniyiintu ay deggan yihiin oo ka baxsan darbiyada magaalada Qadiimiga ah, oo ay sheeganayaan kooxa Yahuud ah oo tagay maxkamadaha Israa’iil. Israa’iil ayaa qorsheyneysa magaalada Qudus iney noqoto magaalo Yahuudda ugu badan lagu beero. Israa’iilna sanado isxigxiga waxay dhulka ay xooga ku qabsatay ee Falastiin ay ka dhistay deegaanno dadka Yahuudda la dajiyey taasoo la sheegay iney ka horimaneyso shuruucda caalamka u yaalla. Sanadihii ugu dambeeyeyna dowladda Israa’iil iyo Yuhuudda deegaameynta loo sameeyey oo iskaashanaya waxay ka shaqeynayeen si dad kale oo Yuhuud ah loo soo dejin lahaa deegaannada Falastiiniyiinta ee ku dhow darbiga magaalada Qadiimka. XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka,Deegaannada Yahuudda ay ka qabsatay Falastiin oo ay deegaanno uga sameysay dadka Yahuudda. Intaa waxaa dheer dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa si weyn iisu fara saaray Booliska Israa’iil iyo Falastiiniyiinta inta lagu guda jiray bisha Ramadhaan, waxaana ka dhashay in masaajidka Al-Aqsaa gudihiisa lagu tuuro bamka qarxa ee naxdinta badan leh, masaajidkaasi oo ay Muslimiintu aad u xurmeeyaan marka laga reebo Maka iyo Madiina. Ururka Xamaasna wuxuu qaaday tallaabbooyin kaddib markii dalabkoodi ahaa ciidamada Israa’iil iney ka baxaan agagaaraha masaajidka Al-Aqsa iyo xaafadda Sheekh Jarrah kaddibna waxay magaalada quddus ku soo rideen gantaallo tira badan. Gabadha Trump iyo seeygeeda oo soo gaaray magaalada Quddus Trump oo shaaciyey qorshihiisa nabadaynta Bariga Dhexe Ra’isul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku qoray “Ururrada argagaxisada ee Qaza iney khadka cas soo dhaafeen…Israa’iilna awoodda ugu sarreyso ay uga jawabeyso”. Wariyaha BBC halkaasi uga soo warrama ayaa Isniinti i weydiiyey xilli ay rabshaduhu billowdeen, waa goortee xilligi ugu dambeysay oo laga raja qabay iney labada dhinac gaaraan xal nabad u horseeda. Waxaan magaalada Qudus anigu ku noolaa 1995-2000 marar badanna waa ku soo noqnoqday. Su’aashi aan wariyaha weydiiyey jawaabta ku habboon in loo helo wey adagtahay. Heshiiska ugu rajada wanaagsan ee la xusi karo wuxuu yahay geeddi socodki nabadeed ee Oslo ka dhacay 1990-kii waxaana heshiiskaa xusuusan kara oo keli ah dadka ay da’doodu 40 jirka tahay ama ka weyn tahay. Hoggaamiyeyaasha labada dhinac waxay u halgamayaan dagaalladooda siyaasadeed ee gudaha, iyagoo xoogga saaraya sidii ay u illaalin lahaayeen jagooyinkooda, marka arrinta ugu weyn ee hoggaamiye kasta oo Falastiini ah ama Israa’iil ah ay tahay inay nabad timaaddo. Caqabadaas ayaana ah mid aan sanado badan wax laga qaban. Qoraalka Muuqaalka,Magaalada Quddus ee qadiimka ah maxaa muhiim ka dhigay? Fikradaha cusub ee yididiilada leh ee haatan soo baxayana waxaa ka mid ah, warbixinno ay laba hay’adood oo caan ah ay soo saareen oo ay ku sheegeen in mudnaanta kobaad la siiyo xuquuq siman iyo nabadgalyo siman sidi ay Falastiin iyo Israa’iil looga heli lahaa, fikirkaasi oo ah mid wanaagsan oo soo dhaweyn mudan. W/D : Jeremy Bowen Tifaftiraha Bariga Dhexe ee BBC-da Qaran News
  10. Gantaallo lala beegsaday Tel-Aviv oo khasaare geystay Dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay 130 gantaal ku garaaceen magaalada Tel Aviv ee Israa’iil kadib markii duqeyn dhanka cirka ah o ay Israa’iil ka gaysatay daar weyn oo ku taal marinka Gaza. Dhismahan oo ka kooban 13 dabaq ayaa la weeraray hal saac iyo badh ka dib markii dadka deegaanka iyo kuwa ka ag dhaw loogu digay in ay ka guuraan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsanayaan mintidiinta ku sugan Qaza iyaga oo ka jawaabaya weerarradii hore ee gantaalada. Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhimatay rabshadahan oo noqonaya mid ka mid ah rabshadihii ugu xumaa ee sanado dhaca. Beesha Caalamka ayaa ku boorrisay labada dhinac inay soo afjaraan xiisadda sii kordheysa, taasoo daba socota ismaandhaafkii ka taagnaa Qudus. Kooxahan mintidiinta ayaa horey boqolaal gantaal ugu riday dhanka Qudus iyo aagag kale. Saddex qof ayaa lagu dilay aagga Israa’iil halka ugu yaraan 28 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil. Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horaysay sheegay in kooxda Xamaas, “ay ka gudbeen khad cas” iyagoo gantaalo ku garaacay magaalada Qudus markii ugu horaysay sannado. Xamaas, oo gacanta ku haysa Gaza, ayaa sheegtay inay u dhaqmayso sidii masaajidka al-Aqsa ee Qudus looga difaaci lahaa Israa’iil gaar ahaan “gardarada iyo argagixisanimada” kadib markii goobtan oo u ah meel barakaysan Muslimiinta iyo Yuhuuda ay isku dhaceen booliska Israel iyo Falastiiniyiinta Isniintii, hallkaas oo boqolaal qof ay ku dhaawacmeen. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa la arkay rabshadihii ugu xumaa ee ka dhaca magaalada Qudus tan iyo sanadkii 2017-kii. arrintan ayaa dabab socota cadho ka dhalatay barakicinta qoysaska iyo deegamaynta yuhuudda. Xiisadda ayaa mar horeba cakirneyd bil ka hor markii gacan ka hadal dhex maray dibadbaxayaasha iyo booliska qeybta ay ku badan yihiin Carabtu ee magaalada. Maxaynu ka ognahay dagaalka? Xamaas ayaa sheegtay inay gantaalo ku garaacday Tel Aviv iyo hareeraheeda si ay uga jawaab celiso “bartilmaameedsigii cadowga” Muuqaalo laga soo duubay magaalada ayaa muujinaya gantaallo sabbaynaya hawada habeennimadii, iyo qaar soo qarxaya maaddaama ay ku dhacayaan agabka iska caabbineed, ee gantaalka.Haweeney 50 jir ah ayaa lagu dilay gantaal Rishon LeZion, oo u dhow Tel Aviv, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Israel. Bas wax gaadheen oo goobtiisii yaalla Xaafadda Tel Aviv ee Holon, gantaal ayaa ku dhacay bas madhan, afhayeenka booliska Israel Mickey Rosenfeld ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP. Gabadh yar oo shan jir ah iyo laba haween ah, oo mid 50 tahay midna 30, ayaa iyana lagu dhaawacay goobtaas. Magaalada Tel Aviv lafteeda, dadka lugeynaya waxay u carareen gabbaad halka kuwa wax ka cunaya ay ka sii qulqulayaan maqaayadaha halkaas oo ku dhuumanayaan, halka kuwo kalena beerka dhulka ku hayaan xilli uu dhacayo dhawaaq sare oo sheegaya in xaaladdu cakirantahay. Gegida diyaaradaha ee Ben Gurion ayaa si kooban u hakisay duulimaadyadii iyo dhuun shidaal oo u dhexeysa magaalooyinka Eilat iyo Ashkelon ayaa iyana wax gaadheen. Gantaalaha ayaa la bilaabay ka dib markii la burburiyey Taawaarkii Hanadi ee Gaza, kaas oo ku yaal xafiis ay isticmaalaan hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas.Saacado kadib burburkii, wali lama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah. . Quddus maxaa xuddunta xiisadda ka dhigay? Al-Aqsa waa magaca “qeybta sare ee qalinka ah” wuxuuna masaajidka uu ku yaalla dhul ka kooban 35-hektar, Muslimiinta waxay u yaqaanaan masjidku al-Xaram al-Sharif, halka Yahuudana ay u garanayaan Macbad. Waxaa sidoo kale hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsantay goob dhaqan iyo hiddo leh oo muhim ah. Goobta uu misaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sannaddii 1967 xilligaas oo Israa’iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada. Muxuu muhim u yahay misaajidka Al-Aqsa? Dadka Musliminta ah waxay Misaajidka Al-aqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta sadexaad ee Barakeysan. Masjidka Al-Aqsa waxa uu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Maka. Qaabkan casriyeynta dhismahan oo qarnigii 7-aad la sameeyay waxa ay Musliminta u rumeysan yihiin in Beytul Maqdis ay ahayd goobtii laga dheelmiyay Nabi Maxamed Nabad galyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee. Dadka Yahuudda ayaa dhankooda aaminsan in dhismahani uu yahay goobti mar uu ku yaallay Macbadkii Yahuudda, balse sharciga Yahuudda ayaa mamnuucaya in halkaasi la galo oo lagu cibaadeysto iyaga oo u arkaa goob barakeysan oo aan la gali karin. Darbiga ku yaalla dhanka galbeed ee misaajidka oo ay Yahuuda u yaqaanaan Gidaarta Baroorta, ayaa la rumaysan yahay in uu yahay darbigii ka haray macbadkii Yahuudda. Balse Muslimiinta ayaa aaminsan in darbigaas yahay Gidaarka Al-Burqa oo ah goobtii uu nabi Maxamed (SCW) uu ku xirtay al-Buraq markii uu samada aadayay uuna Alle la soo hadlay. Qaran News
  11. Turkey & Sacuudi Carabiya oo Wadahadalo Heer wasiiro Arimo dibadeed u furmeen+Qodobada laysla Gorfeeyay Mevlut Cavusoglu iyo Faisal bin Farhan Al-Saud Turkey iyo Sacuudi Carabiya ayaa sii wadai doona wada-hadallada ay wax uga qabanayaan khilaafyada u dhaxeeya, waxaa sidaas Talaadadii sheegay wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu kadib markii uu magaalada Makkah kula kulmay dhiggiisa Sacuudiga. Cavusoglu iyo wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan ayaa yeeshay wada-hadallo looga dan leeyahay in lagu gudbo khilaafkii ka dhashay dilkii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu gaystay Jamaal Khaashuqji oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah, 2018-kii. “Waxaan doonayaa inaan walaalkey Amiir Faisal uga mahad-celiyo casuumadda iyo soo dhoweynta. Waxaan yeelanay kulan furan oo saaxiibtinimo waxaana wax ka qabanay meelaha ay dhibaatooyinka ka jiraan ee xiriirkeena,” ayuu Cavusoglu u sheegay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu. “Waxaan sidoo kalee ka wada-hadalnay sida sare loogu qaadayo iskaashigeena ku aadan xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka. Waxaan go’aansanay inaan sii wadno wada-hadalkeena, waxaana ku casuumay Turkey,” ayuu yiri Cavusoglu. Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada-hadlay gardarrada Israel, sida uu sheegay Cavusoglu, kadib markii Jaamacadda Carabta ay cambaareysay duqeymaha dhimashada leh ee Israel ay ka waddo Marinka Gaza. “Wasiirka arirmaha dibedda Sacuudi Carabiya kalama hadlin oo kaliya xiriirka labada dal, waxaanse ka wada xaajoonay tallaabooyinka aan qaadi karno marka ay noqoto Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkey. Reuters Qaran News
  12. Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa soo saaray wareegto ku aaddan in guddoomiyeyaasha xisbiga ee gobollada Saaxil, Togdheer iyo Sool si kumeel-gaadha xilka u wareejiyaan. Halkan hoose ka akhriso: Source
  13. (SLT-Nairobi)-Shirkaddaha diyaaradaha ee Kenya ayaa si rasmiya u shaacisay in sideed iyo labaatanka bisha may ee sannadka ay bilaabayso duulimaadyada tooska ah ee hargeysa iyo Nairobi. Dawladdaha Kenya iyo Somaliland ayaa dhammaadka sannadkii 2020 ku heshiiyey In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha kale ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos ah oo isaga kala gooshaya Magaalooyinka Nairobi iyo Hargaysa marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka. Kenya Airways ayaa sheegtay in maalmaha Axada, Jimcaha iyo arbacad ayaa duullimaadyo toos ah ku imaanayso garoonka caalamiga ah ee Hargeysa laga bilaabo sideed iyo labaatanka bishan ay ku jirno ee May. Ku dhawaaqista Xukuumadda Nairobi ayaa kusoo beegmaysa xilli ay mar kale joojisay duulimaadyada ka yimaada ama taga dawladda aan cagaheeda ku taagnayn ee Soomaaliya. Source
  14. (SLT-Muqdisho)-Soomaaliya ayaa diiday magacaabista iyo inuu dalkeeda yimaado Wakiilka sare ee uu Midowga Afrika usoo magacaabay Soomaaliya, John Mahama, si uu u hogaamiyo wadahadalada dhexdhexaadinta arrimaha doorashada. Dowladda Soomaaliya ayaa xustay in ayna kalsooni ku qabin madaxweynihii hore ee Ghana sababa la xidhiidha xidhiidhka uu la leeyahay dowladda Kenya. Warqad ku taariikheysan 10-ka May, ayaa Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdirisaaq wuxuu ugu sheegay Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Moussa Mahamat, in Mahama aan lagu soo dhaweynayn Soomaaliya, imaatinkiisana in aanu wax qiimo ah soo kordhineyn maadaama horeyba heshiis wada hadal loo galay. “Runtii waa wax lala yaabo in murashax xidhiidh dhow la leh hoggaanka Kenya ay doorteen Midowga Afrika si loo fududeeyo wada-hadallada ku saabsan muranka siyaasadeed ee ay qayb ka yihiin kuwa ay hoggaamiyeyaasha Kenya taageereen,” ayaa lagu yidhi warqadda qeyb ka mid ah. Dowladda Federaalka waxa ay xustay inay kala laabaneyso taageerada Wakiilka Sare ee Midowga Afrika. Balse, mucaaradka ayaa soo dhoweeyay isla markaana taageeray magacaabista Mahama si uu u hogaamiyo wadahadalada doorashooyinka. Si kastaba ha ahaatee, Ilo wareedyo ayaa sheegay in Midowga Afrika aanu ka laaban doonin go’aankiisa ku aaddan magacaabista iyo dirista Mahama ee loo dirayo Soomaaliya. Source
  15. (SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa cambaareysay weerarada ciidamada Israa’iil ka wadaan dhulka Falastiin. War kasoo baxay Salaasadii shalay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Israa’iil ku xadgudubtay Masaajidka Barakeysan ee Al Aqsa, isla markaana looga baahan yahay in Beesha Caalamka tilaabo ka qaado falalkan ay ku kacday Israa’iil. Sacuudiga ayaa sheegay inuu taageero la garab taagan yahay shacabka reer Falastiin, iyagoona sheegay in xalka kaliya ee xiisadan lagu soo afjari karo ay tahay in shacaka Falastiin yeeshaan Waddankooda u gaarka ah iyadoo la raacayo xaduudihii 1967dii, isla markaana Bariga magaalada Qudus ay noqoto caasimadooda. Source
  16. Maxkamadda Ciidamada Puntland ee magaalada Galkacyo, ayaa xukun dil ah ku ridday shan xubnood oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Maxkamadda ayaa sheegtay in shantan xubnood ay ku caddaatay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana dilal kala duwan ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacyo sannadihii u dambeeyay. Sidoo kale, maxkamadda ayaa xorriyadooda u celisay lix qof oo kale, kuwaas oo lagu waayay wax danbi ah, kadib markii looga shakiyay falal la xiriira Shabaabnimo. PUNTLAND POST The post Puntland oo xukun dil ah ku riday xubno lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT- Senegal)-Dalal ku yaalla Galbeedka qaarada Afrika ayaa waxaa Maanta laga ciidayaa oo ay u tahay maalinta Koowaad ee Ciidul fitriga, iyadoo dunida Muslimka laga wada sooman yahay, kadib markii bisha soonfur laga waayey. Dalalka laga Ciidayo ayaa waxaa kamid ah Senegal, Mali, Niger iyo Ivory Coast, waxaana ay sheegeen in xalay bisha soonfur laga arkay dalalkooda, sidaasina ay ugu dhawaaqeen Ciida. Dhinaca kale waxaa Maanta oo Arbaca ah laga ciidayaa deegaanada ay maamulaan dagaalamayaasha Al-shabaab oo shaaciyay in maqribnimadii xalay bisha laga arkay deegaano ka tirsan Gobolada dalka ay gacanta ku hayaan. Saaka waxaa laga tukaday saalada Ciida deegaanada Al-shabaab, isla markaana dadweyne badan isugu geeyay goobo fagaare ah, xili dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka ay sheegeen in Maanta la dhammeystirayo 30-ka Ramadaan. Inta badan dalalka Caalamka ayaa ku dhawaaqay in 30-ka bisha Ramadaan la dhammeeystirayo, ka dib markii la waayay aragtida bisha Shawaal, isla markaana Ciidul fitriga ay kow noqoneyso maalinta berri oo khamiis ah. Source
  18. The Middle East and many parts of Africa are arid regions with long experience of drought. However, anthropogenic climate change threatens to significantly exacerbate these challenges. In 2017, the World Bank noted that, “while population and economic growth will increase water demands, climate change will be the primary driver for the most pronounced changes in surface water stress across” the Middle East. The UN has projected that temperature increases in the Sahel will be 1.5 times higher than the global average. Multiple studies indicate that the risks of prolonged, severe drought will be higher as the global climate shifts. Climate change is not the only problem: Population growth, economic development, unsustainable agricultural policies, poor infrastructure, and other factors contribute. Nonetheless, climate change will intensify all of these factors. Increased drought conditions and more variable rainfall patterns will present many challenges to the Middle East and Africa. One of those challenges will be the way that water stress intersects with conflict and violent extremist groups. While there is statistical evidence that climate change increases the risk of conflict, it is often difficult to draw clear causal links between drought and conflict. In any conflict, there are multiple factors that contribute to violence. Drought puts stress on existing fractures in a society and increases the risk of conflict by exacerbating problems such as inequality, unemployment, migration, food shortages and governance failures. Drought diminishes a society’s overall resilience. Conflict over water in the Middle East and Africa is as old as civilization, but climate change and population growth are compounding age-old problems. In some cases, water shortages lead to direct forms of conflict. Tribes, local communities and even countries can dispute and contest access to water sources. On a national level, upstream states can take steps that threaten downstream states’ basic access to water, leading to disputes that increase the risk of war — reflected in recent concerns about potential conflict between Ethiopia and Egypt. More often, drought and water shortages contribute to conflict indirectly by weakening societal and governing structures and putting more stress on existing divisions. Drought can increase competition for food and push food prices higher, with destabilizing effects. Water shortages undermine faith in governments, putting strain on societies that are already struggling with weak governance and benefiting insurgent or extremist groups. War can damage water infrastructure — as it has in Yemen and Syria, for example — which puts further pressures on vulnerable populations. These factors contribute to feedback loops that erode a country’s or a community’s stability. In many cases, prolonged droughts so badly damage agricultural communities that they lead to migration to urban areas, as has happened in Syria, Iran, Iraq, Yemen and Jordan. Such migration from an unusually severe and prolonged drought clearly contributed to the factors behind the Syrian civil war. Another negative impact of the increased risk of drought is that water shortages provide violent extremist organizations with opportunities to expand their influence. At the most basic level, there are examples of extremist groups attacking farmers and stealing their food supplies in the midst of drought or famine, as Al-Shabaab reportedly did in Somalia during the 2011 famine. Such actions contribute to humanitarian disaster and conflict cycles. In other cases, violent extremist organizations take somewhat more sophisticated approaches to exploiting water shortages. They can benefit from a sense that governments are unable to meet people’s basic needs. There are examples from countries such as Iraq and Mali of extremist groups recruiting boys and men who can no longer survive from farming or herding due to severe drought. Daesh used control of limited water resources to charge taxes to fund its operations and try to present itself as a governing authority. Extremist groups have exploited migrants who have been forced to move due to drought and have used control over water resources to reward allies and punish enemies. Throughout history, many actors have weaponized water, but Daesh took such actions to a new level. Its brief control of the Mosul Dam threatened many communities as well as opposing forces. Both Daesh and Al-Shabaab used water tactically, diverting it to block opposing forces. They have also attempted to use water to reward allies and punish opponents. The intersections of climate change, drought, and conflict and violent extremism are complex and vary from country to country. Therefore, solutions to these problems must also be both multifaceted and tailored to the specific conditions in a country or locale. Recognizing that there are links between climate change, drought and floods, and conflict and violent extremist groups is an important start. Solutions could include shaping aid policies and counterinsurgency and counterterrorism strategies to take water scarcity into account. Ensuring access to water for displaced populations is an important step. Aid programs can help provide farmers with more efficient farming techniques and tools, such as drip irrigation, and can help build infrastructure that wastes less water. All governments should work to mitigate global climate change. Governments can also take steps to enforce norms against weaponizing water. There are some international agreements, such as Protocol II of the Geneva Conventions, which can be used to hold actors who weaponize water accountable. Military operations should seek to avoid any direct or collateral damage to water infrastructure, thereby reinforcing a norm against weaponizing water and helping prevent conditions that feed into the conflict cycle. Access to water is a basic human need that should not be a part of warfare. Source: Arab News The post The role of drought and water in conflict appeared first on Puntland Post.
  19. (SLT-Addis Ababa)-Sarkaal sare oo ka tirsan gobolka Tigree ee dagaaladu aafeeyeen Itoobiya ayaa sheegay inuu jiro olole ula kac ah oo lagaga hortagayo dadka inay wax tabcaan, taas oo uu ka digay inay horseedi doonto dadka inay u dhintaan gaajo. Abebe Gebrehiwot, oo ah ku xigeenka madaxa xukuumada kumeelgaadhka ah ee Tigray, ayaa ka sheegay TV-ga maxaliga ah in ciidamadu ay ka celinayeen abuurka inay gaaraan gobolka una sheegaan dadka inaan loo ogoleyn inay wax beertaan. Ma magacaabin kuwa sidan samaynaya laakiin wuxuu carabaabay aagag cayiman oo laga ogyahay inay ku sugan yihiin askarta iyo ciidamada Eriteriya ee ka socda gobolka Amxaarada Itoobiya. “Dadaalada lagaga hortagayo soo gelida abuurka iyo dadaalada lagu joojinayo beerashada ma lahan fariin kale oo aan ka aheyn, ‘Dadka Tigreegu ha u dhintaan gaajo,’ ayuu Mr Abebe u sheegay TV-ga Tigray. Arrintan ayaa waxay caddeyn dheeri ah u tahay in dambiyada ka dhanka ah aadanaha la geysto – waxayna culeys ku kordhineysaa eedeymaha ah in rayidka Tigreega si wada jir ah loo ciqaabayo. Colaadu waxay ka qaraxday Tigray 4tii Nofeembar 2020 markii dowladda Itoobiya ay qaadday guluf ay xukunka uga saareyso xisbigii hore u xukumi jiray gobolka, ee TPLF, ka dib markii dagaalyahannadeedu qabsadeen saldhigyo millatari oo federaal ah. Iskahorimaadka lixda bilood socday wuxuu saameyn ba’an ku yeeshay gobol markii horaba cunno yaraantu ka jirtay. Sida laga soo xigtay Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP, 5.2 milyan oo qof oo ku nool Tigray ayaa u baahan gargaar cunno. Source
  20. (SLT-Lod)-Israa’iil ayaa xaalad deg deg ah gelisay magaalada badhtamaha dhacda ee Lod kadib markii dibadbaxyo rabshado wata ay halkaas ka dhigeen dadka kasoo jeedo Carabta Israa’iil xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeyo ciidamada iyo dagaalyahanada Falastiiniyiinta. Xilli ay rabshadaha ka socdeen magaalada Lod, waxaa dab la qabadsiiyay baabuur. Waxaana halkaas ku dhintay aabe iyo Inantiisii kadib markii baabuurkooda uu ku habsaday madfac. Dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa gantaallo ku garaacay gudaha Israa’iil halka Israa’iil ay duqeysay Qaza. Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay dagaalkan ka socda halkaas. Millateriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsanayaan dagaalyahano Falastiiniyiin ah oo ku sugan marinka Qaza Kadi gantaallada ay kusoo weerareen Israa’iil. In ka badan 1,000 gantaal ayaa ku dhacay bartamaha iyo koonfurta Israa’iil kuwaas oo soo tureen dagaalyahanada Falastiiniyiinta. Source
  21. Dowladda Soomaaliya ayaa gudbisay qoraal ka dhan ah Ergeyga wadahadalada Midawga Afrika ee Soomaaliya John Mahama, iyado oo sheegtay in aanu dhexdhexaad aheyn, xiriirna la leeyahay hoggaanka Kenya .\ Warqad ay aragtay GOOBJOOG NEWS oo uu diray wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq loona sii mariyay safaaraddeenna Adis Ababa ayaa lagu sheegay Cabashadaan . Qoraalka waxaa ka mid aha in Howlaha doorashada ay noqdaan mid ay Soomaalida hogaamineyso, Soomaalina leedahay, Isla markaana uu horkacayo heshiiskaas hirgelintiisa Ra’iisul wasaaraha. Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay qadarin u heyso midawga Afrika sida ay qeyb libaax leh uga qaadato xasilinta dalka, waxaana sidoo kale la amaanay shaqada xafiiskooda ee arrimahan la xiriira. Dowladda Soomaaliya waxa ay qoraalkeeda ku cadeysay in uu qorshaha doorashada hirgalinteeda bilawday lana balansan yahay 20 May , isla markaana faragelinta Ergayga midawga Afrika ay abuuri karto jahawareer, ugana sii dari karo xaaladda iyo Hanaanka siyaasadeed . “Marka qof loo dhiibayo shaqadaan xasaasiga ah waa in qofka Musharaxa ah uu dhexdhexaad yahay isla markaana aanu xiriir la laheyn qeybaha gobalka “. Dowladda Soomaaliya waxa ay wax lala yaabo ku tilmaamtay ninka ay midawga Afrika madax uga soo dhigeen wadahalada Soomaaliya uu xiriir la leeyahay hogaanka sare ee Kenya . GoobJoog News Source: goobjoog.com
  22. Casat Al-Rishqi, oo ah xubin katirsan xafiiska siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, ayaa shaaca ka qaaday, in ay jiraan dhinacyo waddo dadaalo ay ku doonayaan sidii loo heli lahaa xasilooni u dhexeeysa Israa’iil iyo Falastiin, gaar ahaan xaalada ka taagan Marinka Qasa iyo Qudus, balse waxuu sheegay in dhankooda ay ku wargeliyeen in marka hore Yahuudda ay joojiso weerarada gardarada ah ee ay ku soo qaaday dhulka Falastiin. ”Go’aankeenna waa in marka hore la joojiyo weerarada gardarrada ah ee ay wadaan xoogaga Sahyuuniyadda, sida duqeymaha bahalnimada ah ee lala beegsanayo dadka rayidka ah ee Marinka Qasa”, ayuu yiri: Al Rishqi. “Waxaan uga dignay Ciidamada Yahuudda inay sii wadaan falalka gardarada ah ee ay ku ahayaan shacabkeena, haddii kale waxay naga filandoonaan jawaab ay ku tijaabin doonaan dulqaadka iyo naxdinta” sidaas waxaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Xamaas. Dadka Falastiiniyiin ayaa beryahii danbe la kulmayay weerarro joogtada ah oo u badan duqeymo, kuwaa oo intooda badan ka dhacay marinka Qasa iyo Qudus. PUNTLAND POST The post Ururka Xamaas oo shuruud ku xiray wada-xaajoodka Israa’iil appeared first on Puntland Post.