Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - The Somali government has disbanded interim electoral committees following failure by the country’s leadership to prepare for elections and the subsequent extension of President Mohamed Farmaajo’s stay in office. Source: Hiiraan Online
  2. Somalia is expected to go to the polls to elect its president through direct universal suffrage in early 2023, its first in more than 50 years. If fairly run, that election is touted to usher in a new period of democracy and stability for a nation that has endured one of the world’s most arduous, costly, and bloody political journeys of the 21st Century — an election in 2023 will come six years after the historic Baidoa Consultative Conference of 2017, during which the Federal Government of Somalia and regional administrations laid the groundwork for a one-man, one-vote election, culminating in an electoral bill approved by both houses of parliament and ratified by President Mohamed Farmaajo. The proposed model is a shift away from the 4.5 Election Model — a system that gives equal representation to the country’s four major clans and a smaller number of posts to so-called minor clans — which has been fraught with corruption and bribery and determined by electoral delegates made up of a few hundred traditional elders. The old model, while beneficial to a few dominant clans, has been practised to the exclusion of others, and the 2023 poll will mean wider participation of the Somali people, which has been touted as a major achievement in the Somalia state-building process. This election was initially scheduled to take place in 2021 but was opposed by a segment of Somalia’s political stakeholders, especially regional leaders, and a section of the international community. For regional politicians, universal elections mean losing control over who gets a parliamentary seat, a role they currently hold, and for which they earn millions of dollars throughout their terms. Other forces that have been a hindrance to universal suffrage in Somalia include part of the international community, a section of which has enjoyed close relations with Hassan Ali Kheyre, Farmaajo’s former prime minister whom Parliament voted out in July 2020. Kheyre, a dual Norwegian citizen and former oil executive, was impeached by Parliament for “working against the interests of Somalia”. Mr Kheyre, who nurses presidential ambitions, was one of the biggest opposers of the one-man-one-vote model and has long preferred the indirect election which he saw as an easy route to the presidency. He held the bill in the cabinet for almost one year before it could be approved, and when it was finally taken to the parliament, the agreed-upon model had been changed. The new law removed the option of a single constituency election and instead proposed a multiple constituencies election, based on existing federal member states. The law also removed the option for a Proportional Representation, PR – Closed list election system, in which the electorate votes for parties in a simple majority contest. The parties would then decide on the list of candidates and how they are elected, and proposed the First Past the Post (FPTP) system, which is decided by a simple majority in a local seat contest and open list, where it does not matter even if the person is in the starting numbers of the list. It also removed a provision in which the president must come from the party that garners 50+1 percent votes in parliament, which is against Article 89 of the Constitution. After these events, the National Independent Electoral Commission (NIEC), in an address to Parliament, presented two elections scenarios: to hold a one-person-one-vote manual election in March 2021 or a biometric one five months later in August – in effect a technical expansion of President Farmaajo’s terms by five or six months. Taken to ask, NIEC argued that the logistics involved which made the time extension necessary. It also cited the delay of the elections bill at the Cabinet level, a heightened security risk ahead of the polls, and the Covid-19 pandemic. At this point, the anti-term extension narrative kicked in full swing, describing Farmaajo as a tyrant “who wants to return to power by the barrel of the gun”. Propagandists spewed clan politics with nepotism undertones. The EU commissioned Sahan Research which painted the picture of a looming ‘full blown’ civil war and the idea of rival governments forming in Mogadishu. In hindsight, the six-month period that NIEC sought and which regional leaders and opposition groups rejected, now seems reasonable. And when they called for it, the Federal Government of Somalia agreed to an indirect election. Surprised that the FGS had given in so quickly, the ‘opposing coalition’, with the support of local politicians, sought to impede the very election they had championed, first by constantly revising their demands at subsequent meetings. The opposition’s objective was to drag the situation out until the FGS lost its mandate. But the government’s mandate was secure under the Constitution. Under Law No. 30, if elections are delayed, as they were in 2016, and 2012, they must be rescheduled. No election in the last decade has been held in time in Somalia; to avert an institutional vacuum, Article 30 mandates constitutional institutions to continue to discharge their functions until replacements are chosen. It was by dint of this provision that the federal government’s mandate remained in place in compliance with the rule. The opposition’s other strategy was to compel President Farmaajo to resign. Former leaders and members of the opposition openly called for an army mutiny and ordered their clansmen to desert the army and defy federal government orders. On February 19th 2021, the opposition orchestrated another attempt to derail election talks by declaring that there was no government and placing roadblocks on some roads and bringing militia within blocks of the presidential palace, which the FGS removed at night. The next morning the same militias shelled the airport with mortars, according to several reports. The final attempt to rescue the indirect election agreement was a meeting in early April 2021, but this again flopped after two regional leaders demanded that the International Community be guarantor, and demanded parliament’s dissolution and the removal of some military commanders. These decidedly hard-to-meet demands only compelled Parliament to break the eight-month period of political uncertainty that threatened Somalia’s nascent democratization process and fragile peace by signing a special resolution to guide the country into elections by early 2023. The question remains, will Somalis finally get to elect their leaders in two years? Source: The Nairobi Law Monthly The post SOMALIA: A LONG, WINDING ROUTE TO UNIVERSAL SUFFRAGE appeared first on Puntland Post.
  3. Qaar ka tirsan midowga musharaxiinta oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore ayaa bilaabay iney isku ballaariyaan qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir. Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariikh Sheekh Axmed ayaa noqday musharaxii ugu dambeeyey ee ka guura koonfurta Muqdisho oo hoygiisa ahaa isaga oo degay degmada Cabdicasis ee bariga Muqdisho. Guurista Shariikh ayaa timid maalmo kadib markii horay sidaas oo kale koonfurta isaga guuray madaxweynihii xilka uga dambeeyey ahna musharax 2021-ka Xasan Sheekh Maxamuud. Arrintan ayaa kusoo aaday todobaad kadib markii uu isla aagga labada mas’uul ka guureen uu isna lafihiisa kala baxsaday Gen. Saadaq John oo dowladda iskudeysay qabashadiisa. Musharaxiintan oo inta badan deganaa degmada Wadajir iyo Weberi gaar ahaan goobo u dhow garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde ayaa la sheegayaa iney dareemeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah iyo isballaarin ay dowladda waddo. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in sidoo kale ay jiraan musharaxiin kale oo maalmaha soo socda degi doono qeybo kale oo ka tirsan koonfurta iyo bartmada Muqdisho. Farmaajo ayaa dhankiisa waxaa codsi weydiistay midowga Afrika isaga oo raadinaya soo celinta kalsooni dhex marta isaga oo mucaaradka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka iyo fashilka ku yimid wada-hadalladii ka socday Teendhada Afisyoone. Kulankan oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa marka hore warbixin looga dhageystay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kadib golaha ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay & khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka. Ugu horeyn Golaha Ammaanka ayaa shaaciyey in xalka kaliya uu ku jiro in dib loo soo celiyo wada-hadalladii doorashooyinka ee ka socday Afisyoone ee magaalada Muqdisho, balse ma jiro bayaan wadajir oo ay soo saareen 15-ka xubnood ee golaha ammaanka. “Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku saleysanaa heshiiskii 17 September,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ergaga Norway ee Golaha Ammaanka. Sidoo kale T. S. Tirumurti oo ah safiirka India ee Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa qoraal kooban oo uu soo saaray kaga hadlay arrimaha Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay illaa afar qodob oo ay ka mid yihiin; 1-In Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleeydu ku laabtaan madasha wadahadalka, 2-in la hirgaliyo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo, 3-in caqabadaha siyaasaddu ay dhiirragalinayaan Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah 4-inay soo dhaweynayaan dadaallada Midowga Africa. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay gashay wejiga kale oo siyaasadeed, kadib markii Golaha Shacabka Soomaaliya uu ansixiyey muddo kordhin labo sano ah, taas oo ay si weyn uga horyimaadeen xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka. Si kastaba Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegay in aysan taageeri doonin doorasho hal dhinac ah iyo sidoo kale muddo kordhin horleh. The post Golaha ammaanka ee QM oo shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  5. Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa ka dooday arrimaha Soomaaliya gaar ahaan muddo kordhinta uu sameysay Farmaajo. Fadhiga aan rasmiga aheyn ee talaadadii uu golaha ammaanka ka sheegay arrimaha Soomaaliya ayey soo jeediyeen in loo baahanyahay in dib loogu noqdo heshiiskii September 17. Inta badan xubnaha haddalada ka jeediyey golaha ee matalayey 15-ka dal ee golaha ayaa u badnaa qodobbdo ay ka mid yihiin (1). In loogu baaqo DF iyo DG iney wada hadal bilaabaan (2). In dib loogu noqdo hirgelinta heshiiskii September 17 (3). In la saxiixo war murtiyeedkii Baydhabo iyo arrimo kale oo amniga ay ku jiraan. Hadalka UNSC ayaa imaanaya kadib markii baaqyo sidaa la mid ah ay horay u jeediyeen Yurub, Mareykanka, Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka. Lama oga sida uu u aqbali doono, madaxweynihii hore oo isaga oo 12-kii bishan si iskiis ah 2 sano ugu dhufsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Golaha Amniga Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqay in dib loogu laabto wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee ka socday xarunta Afisyooni. Golaha ayaa shalay kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin ka yeeshay xasaradda siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha doorashooyinka, kadib markii dowladda Federaalku sheegtay in ay laba sano ku darsatay mudada xil-haynteeda. Kulanka Golaha Amniga, ayaa sidoo kale warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya looga dhegaystay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaaliya James Swan. Qarmada Midoobay waxay hore u sheegtay in aysan taageri doonin mudda kororsi, doorasho aan loo dhammayn iyo fal kasta oo keeni kara amni darro iyo fowdo. PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda cakiran ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Xilli gelinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay wareegii labaad ee wadahadaladii ka socday Vienna, ee ku saabsanaa heshiiskii Nukliyeerka Iiraan, ayay u qaabilsanayaashii Dehraan, waxay shirka ka muujiyeen walaac. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Vienna, caasimadda Austria, kaa oo la filaayay in ay ka soo bixi doonaan is afgarad laga gaaro arrinta Nukliyeerka Iiraan, balse waxay u muuqataa in madaxa wada xaajoodka Iiraan, Cabaas Caraqji, uusan ku qanacsaneed habka uu u socda shirka. Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada Iiraan oo la hadlayay warbaahinta, shalay gabal dhacii ayaa carabka ku adkeeyay in halis badan ay ku hor dadbantahay guusha wadahadalada, isagoo intaa ku daray in ay muhiim tahay in la fahmo mowqifka Iiraan ee heshiiskan. Dhamaan wufuudda ka qeyb gashay shirka ayaa dib ugu laaban doona waddamadooda, si ay ula tashadaan madaxdooda, kahor inta aan markale lagu soo laaban miiska wadahadalada, wareega saddexaad ee shirka oo meeshiisa ka sii socon doona Toddobaad kadib. PUNTLAND POST The post Iiraan oo walaac ka muujisay shirkii Nukliyeerka ee ka socday Vienna appeared first on Puntland Post.
  8. Somalia, just like many fragile states which are recovering from long periods of instability, has laid its focus on improving investment laws, streamlining business registration and licensing, establishing efficient tax systems, and increasing access to finance and credit facilities. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay u guuray oo xarun ka dhigtay Waqooyiga Muqdisho, isagoo kasoo guuray hoygii uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaaraddaha ee Muqdisho. Qorshahaan uu Sheekh Shariif ugu soo guuray Waqooyiga Muqdisho ayaa qeyb ka ah istiraatiyada murashaxiinta mucaaradka ay isugu ballaarinayaan degmooyinka gobolka Banaadir, si awooda maamul ee dowladda waqtigeeda dhamaaday loo wiiqo. Madaxweyne Shariif ayaa degay guri ku yaal degmada Cabdicasiis oo aan ka fogeyn guriga uu dhawaan degay madaxweyne Xasan Sheekh oo ku yaalla isla degmadaasi, gaar ahaan aagga Mirinaayo. Maalmo ka hor ayaa degmada Cabdicasiis ee uu degay Sheekh Shariif waxaa kaga soo horeeyay madaxweyne Xasan Sheekh oo fariisimo dhowr ah ka sameystay, waxaana barbarka ku haya baro kontorool oo ay maamulaan ciidamo taabacsan Senator Xaaji Muuse Yalaxow. Qorshahaan ayaa u muuqda mid milateri oo murashaxiinta ay degeen maadaama ay deganaayeen goobo isu dhow dhow oo ku teedsan garoonka diyaaraddaha Muqdisho, una arkeen in deegaanadaasi ay dhexda ugu jiraan kontoroollo ay maamulaan ciidamada dowladda. Tallaabadan ayaa waxay tahay mid ka dhalatay mudo kororsiga Farmaajo oo looga soo horjeedo iyo dhaqdhaqaaqyada dowladda ay ku dooneyso inay ku baabi’iso awooda ciidan ee taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jen. Saadaq Joon Tan iyo markii uu baarlamaanka fuliyay qorshaha madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ee mdudo kororsiga, waxaa dhaawacmay horumarkii dimoqraadiyadda ee ay Soomaaliya hiigsaneysay. Qoraal shalay kusoo baxay Caasimada Online ayaa waxaa uu kashifay in magaalada Muqdisho labo qeybood u qeybsantay, qeyb dowladda ka caagan iyo qeyb mucaaradka ka taliyaan oo aysan usoo gudbi karin dowladda. Ali Muhiyaddiin London, Caasimad The post Sheekh Shariif oo u guuray xaafad cusub iyo qorshaha mucaaradka oo xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
  10. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xalay kulan afur ah la qaatay Madaxda Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed. Guddigan oo ay markii hore magacowday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa muddo 6 bilood ka taagnaa khilaaf xoogan, kuwaasi oo aan wax shaqo qaban tan iyo markii la dhisay, iyadoona ugu dambeyn xalay kala diray. Guddiga ayaa waxaa la dejiyay hoteelo ku yaalla Muqdisho oo maalmo lagu siinayay Seminaaro ku aadan doorashooyinka, isla markaana soo saaray War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay uga hadlayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baaqyo ku socda Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalk Mahdi Guuleed ayaa guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed uga mahad celiyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo kala dirtay Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  11. (ERGO) – Thousands of people affected by repetitive river flooding in the town of Mustahil in Somali Regional state of Ethiopia, close to the Somali border, have been moved to permanent new homes on higher ground by the Ethiopian authorities. Source: Hiiraan Online
  12. A few minutes after hearing the Derek Chauvin verdict, Ronnie Guy fired up the grill in the park in front of the Hennepin County Government Center. The jury had just found former Minneapolis officer Derek Chauvin guilty of murder. Some in the crowd were crying; others were calling out George Floyd’s name. Guy took this as a cue to start getting people fed. Source: Hiiraan Online
  13. Over 100 spaza shop owners in KwaNobuhle and Despatch in the Eastern Cape drove in convoy to the KwaNobuhle Police Station on Monday to demand more police visibility. They also wanted to highlight what they say has been a spike in incidents of robbery, hijackings and other targeted attacks on Somalian and Ethiopian-owned shops. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) - Members of the influential Mogadishu Clan clan met in Mogadishu on Monday to pass a resolution that unequivocally rejected President Farmajo's two-year term extension. Source: Hiiraan Online
  15. Derek Chauvin Derek Chauvin oo ah askari horay uga tirsanaa booliska magaalada Minneapolis, kuna eedeeysnaa dilka Goerge Floyd oo ahaa nin madow ayaa lagu helay dhammaan danbiyadii lagu soo oogay. Chauvin ayaa lagu helay saddex danbi oo kala ahaa, darajada labaad ee dil aan qasdi aheyn, darajada saddexaad ee dil ula kac ah iyo darajada labaad oo ah dil aan ula kac aheyn. Floyd ayaa sannadki hore u dhintay neef-xiran, kaddib marki uu muddo 9 daqiiqo ah uu surka jilibkiisa ugu taakeeyay Derek Chauvin oo markaasi ahaa askari ku jira waajibaadkiisi shaqo. Muuqaalkii laga duubay dhacdada ayaa kiciyay, mudaaharaadyo ruxay Ameerica lagana dareemay inta badan caalamka. Chauvin ayaa la xiray kaddib markii lagu dhawaacay xukunkiisa, iyadoo garsooraha maxkamadda degmada Hennepin uu laalay damaanaddii uu bannaanka ku joogay, wuxuuna sugi doono ciqaabta dambigii lagu helay, kaas oo sideed todobaad kaddib lagu dhawaaqi doono. PUNTLAND POST The post Derek Chauvin oo lagu helay danbi ah inuu dilay Goerge Floyd appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa ka tanaasushay qorshe ay ku weerari laheyd taliyihii hore ee booliska gobalka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon oo degaan ka dhigtay xaafada Shiirkole, kadib cadaadis beeleed xooggan oo la saaray iyo qaar ka mid ah ciidanka oo diidan inay ka qeyb-galaan weerarka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Caasimada Online ayaa xaqiijsay in taliyaasha ciidamada Gorgor iyo Alpha Group ay diideen in ay ka qeyb qaataan weerarka Saadaq Joon, oo laba mar ay dowladda isku dayday toddobaadkii tegay balse ku fashilantay. Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in taliska Gorgor oo dacaayad iyo cambaareyn xoog leh kala kulmay weerarkii lagu qaaday madaxdii hore ee qaranka, islamarkaana ay todobaadkii tegay aba jeer iska diideen in ay markale ka qeyb qaataan weeraro salka ku haaya arrimo siyaasadeed. Sidoo kale taliska ciidanka gaarka ah ee Alpha Group islamarkaana ka tirsan NISA laakiin ka mid ah ciidamada ay tababartay dowladda Mareykanka ayaa diiday in ay ka qeyb qaataan weerarka ka dhanka ah Jenaraal Saadaq Joon oo dagan xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan. Labadaan ciidan oo ay tababareen dowladaha Mareykanka iyo Turkiga islamarkaana ilaa hadda gacanta ugu jira dalalkaas ayaa taliyaashooda waxay sheegeen in aysan diyaar u aheyn ka qeyb qaadashada dhacdooyin salka ku haaya muranka doorashada iyo dano gaar ah. Sidoo kale, ka sokow taliska ciidanka, askar badan oo ciidanka ku jira ayaa diiday inay dagaal ku qaadaan dad lagu haysto dano siyaasadeed, oo qaarkood ay ehel iyo isku beel yihiin. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in inta badan ciidankii Haramcad ee qaadi jiray weerarada nuucaan ah ay intooda ugu badan yihiin ciidanka la goostay Janaraal Saadaq Joon, halka ciidanka Waran iyo Gaashaan ee NISA aysan aheyn tiro badan waxayna sugaan amniga xarumo gaar ah. The post Xog: Qeybo ciidanka DF ka mid ah oo diiday weerar ay ku qaadaan Jeneral Saadaq appeared first on Caasimada Online.
  17. Haween markii ugu horeysay ka mid noqday ilaalada Masjidka Xaramka+Sawirro Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay haween ku soo dartay ciidanka Booliska ee ilaalada ka ah Xaramka barakeysan ee Makka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Sacuudiga ayaa baahisay sawiro muujinaya gabdho markii ugu horeysay ka shaqeynaya Ammaanka Xaramka iyo dadka ku cibaadeyanaya Arrinkaan ayaa la sheegay inuu dood badan keenay, dadka qaar ayaa dhaliilay talaabadan qaar kalena way soo dhaweeyeen. Sacuudi Carabiya ayaa soo jiidatay indhaha caalamka sanado ka hor markii ay haweenka ka qaadday xayiraad muddo dheer saarneyd oo ku saabsan gawaari kaxeynta. Boqortooyada ayaa sidoo kale qafiifisay xayiraaddii cayaaraha ee la saaray haweenka iyo gabdhaha, iyadoo u oggolaatay haweenka inay cayaaraha ka daawan karaan garoomada cayaaraha. Tallaabooyinkan ayaa waxay qeyb ka yihiin isbedelka arrimaha bulshada lagu sameynayo ee uu wado dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Maxamed bin Salmaan, kaasoo ballan qaaday in dalka uu isbedel ku sameynayo oo qeyb ka ah tiigsiga 2030ka. Qaran News
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo ay kooxo hubeysan ka geysteen degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Dilka oo xalay ka dhacay xaafadda Dhagaxtuur ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ah dadka deegaanka, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, AUN Axmed Maxamed Mayow (Karbaash), waxaana la toogtay isaga oo kusii jeeday hoyga uu ka dagan yahay degmada Afgooye. Wararka ayaa sheegaya in Axmed Maxamed Mayow (Karbaash) oo la shaqeynayey maamulka degmada Afgooye, isla-markaana uu isku xiri jiray bulshada iyo maamulka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa dilka kadib tegay goobta, waxaana ay saameeyeen howl-gallo baaritaano ah, balse waxa natiijo ah oo ka soo baxay. Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan Sh/ Hoose. The post Kooxo hubeysan oo dil ka geystay AFGOOYE appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa baaniyey warar laga faafiyey oo ku saabsan inuu taageeray muddo kororsiga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Waxaan arkay warar meelaha lagu soo qoray oo sheegaya in aan si aad ah u dhaliilay mucaaradka isla markaasna aan ku baaqay in Farmajo iska jooga waxaan cadeynayaa in uu warkaasi yahay waxba kama jiraan iyo been abuura la iga faafiyey,” ayuu Sanbaloolshe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook. “Aniga mowqifkeygu waa cadyahay oo waa in Farmajo iyo damaciisa xukun boob ka ah dalka laga badaadiyo oo si cad oo aan gambasho la heyn looga hor yimaado. Waxaan si weyn u boogaadinayaa una taagerysanahay mowqifka mucaaradka iyo go-aanka shir weynaha Mogadishu Clan ee maanta lagu qabtay muqdisho oo hal ku dhiigiisa ahaa no extension.” Ma cadda, cidda faafisay wararka Sanbaloolshe uu beeniyey, hase yeeshee maalmihii dhowaa waxaa jiray dadaallo ay wadeen dad ku xiran madaxweyne Farmaajo oo baraha bulshada aad ugu faafinayey warar lagu kala qeybinayo mucaaradka. Dadka faafinayey wararkan ayaa qaarkood waxay ka shaqeeyaa warbahainta dowladda, qaarna maamulka gobolka Banaadir, waxaan dadaallada ay wadeen ka mid ah in hab qabiil loo kala qeybiyo mucaaradka, inkasta oo aysan ku guuleysan. Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ka mid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan Farmaajo, ee aan xitaa la gaban hadallada, wuxuuna marar badan beelaha Mogadishu Clan usoo jeediyey inay iska kiciyaan Farmaajo, xitaa ka hor inta aanu muddo xileedka ka dhammaan 8-dii Febraayo. The post Sanbaloolshe oo beeniyey warar laga faafiyey oo la xiriira madaxweyne FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo hadal ka jeediyey shirweynihii Muqdisho lagu soo gabagabeeyey ee beelaha Mogadishu Clan ayaa sheegay in hadda ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan in dalkan lagu xukumo sharci darro. “Anaga in sharci darro nala ku xukumo, dhibkeeda hadda ayaan iska qabaneynaa, si aan dhibweyn oo soo socda isaga badbaadino, taasina diinteena ayaa qabta,” ayuu yiri Cabdiraxman Cabdishakuur. Siyaasigaan ayaa tilmaamay seddax qodob oo kala badbaadi kara mucaaradkooda iyo Farmaajo, isagoo sheegay in hadii aysan qodobadaas hir-gelin, aysan huri doonin inay Farmaajo is fara saaraan. Cabdiraxman oo tirinaayey qodobadaas ayaa yiri, “Anaga iyo Farmaajo waan kala baaqaneynaa hadii ay I maqlaayaan dhinacyada aan la hadlaayo. 1- Ganacsatadeena waxaan leeyahay hadii aad canshuurta diidaan, anaga iyo Farmaajo waan kala baaqaneynaa, sababtoo ah shilin uu ku shaqeeyo ma helaayo, ileen aduunkii waa ka goosteen lacagtiiye, nin hoggaamiye kooxeed ah oo Villa Somalia dhex jooga oo adduunkii lacagta ka goostay, halkuu lacagta ka keenaa inuu dadka dhaco maahane? 2- Labada dowlad goboleed ee federaalka nagu metesha, oo yiraahda mudo kororsi ma ogolin, Farmaajo waa nakala badbaadi kartaa. 3- Ra’iisul wasaaraha oo yiraahda shaqadeyda ayaan heystaa, hadii intaas la waayo Farmaajo is huri meyno, sababtoo ah waxa uu rabaa inuu xoog nagu xukumo, taasna waxay u soorta geli weysay dad isaga ka awood badan. Ugu dambeyntii Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa yiri, “Ninka mudo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ah waxaan leenahay fursadda maanta aad heysato waa tii ugu dambeysay, dadkan mar dambe shir isugu imaa maayaane, sidii ay isaga kaa qaban lahaayeen ayey isugu imaa doonaan.” Hoos ka Daawo The post CC Shakuur: Seddax qodob ayaa kala badbaadin karta Farmaajo iyo mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  21. Askarigii Dilay Ninkii Madoobaa George Floyd oo lagu helay denbi Dila+Wuxu xukunkiisu noqon doono Xeer-beegti ayaa sarkaal hore oo booliis ahaa ku heshay dambi ah in sannadkii hore uu waddo ku taal Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madoow oo Maraykan ah. Derek Chauvin, oo 45 jir ah, ayaa muuqaal laga duubay asagoo in ka badan sagaal daqiiqo jilibka qoorta kaga haya Mr Floyd oo la doonayey in la xiro bishii May. Muuqaalkaas oo si weyn loo daawaday ayaa caro iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo awoodda xad dhaafka ah ee booliska ka dhaliyey caalamka oo dil. Chauvin ayaa lagu helay dambi ah in si ula kac ah uu u dilay George Floyd. Ninkaas ayaana xabsiga lagu hayn doonaa tan iyo inta la xukumayo waxaana suurta-gal in tobonaan sano uu xabsiga ku sii jiro. 12-ka qof ee xeer beegtida ah ayay maalin ka yar ku qaadatay in arrintaan ay go’aan ka gaaraan, kaddib maxkamadayn socotay muddo saddex toddobaad ah oo qalalaase ka abuurtay Minneapolis. Kaddib markii labada dhinacba ay Isniintii soo bandhigeen doodooda, ayay xeer beegtidu waxay ku kaliyaysteen hoteel cidla ah oo aan la oggolayn in wax xiriir ah lagala soo sameeyo bannaanka si ay kiiskaan go’aan uga gaaraan. Xeer-beegtida ayaa si aqlabiyad leh isugu raacday go’aanka waxaana lagu war geliyey in aanay guryahooda u hoyan tan iyo inta ay go’aan gaarayaan. Go’aanka xeer-beegtida ka soo baxay ayaa dabbaal-degyo ka abuuray bannaanka maxkamadda, ayadoo boqolaal qof oo halkaa ku sugnaana ay si weyn ugu farxeen markii uu go’aanku soo baxay. Qareenka qoyska Floyd, Ben Crump, ayaa sheegay in maanta ay “maalin taariikhi ah” u tahay Marayakanka. Sidee u dhacay dilka George Floyd? Ninkaas oo 46 jir ahaa wuxuu baakad sigaar ah ka iibsaday dukaan ku yaalla Koonfurta magaalada Minneapolis markii ay taariikhdu ku beegneyd 25-kii bishii May ee sanadkii 2020-kii. Qof ka mid ahaa shaqaalihii dukaanka ayaa aaminsanaa in ninka wax iibsaday uu bixiyay $20 doolar oo been abuur ah, wuxuuna u wacay booliska kaddib markii Mr Floyd uu diiday inuu celiyo sigaarka. Ciidan ayaa yimid waxayna gacmaha ka xireen Floyd, laakiin markii ay damceen in ay gaarigooda galiyaan wuu diiday. Isjiidjiid kaddib Mr Floyd waxaa af af loo seexiyay waddada dhexdeeda. Markaas ayey dadkii goobta ka ag dhawaa billaabeen inay muuqaallo ka duubaan. Mr Chauvin, oo 44 jir ah, ayaa jilibkiisa qoorta ka saaray Mr Floyd, wuxuuna ku hayay in ka badan sagaal daqiiqo, sida ay sheegeen dacwad oogeyaasha. Labo askari oo kale ayaa ka caawiyay in uu dhulka dhigo, halka mid kalena uu dadkii goob joogeyaasha ahaa ka celinayay inay soo faragaliyaan. In ka badan 20 jeer ayuu Mr Floyd sheegay in ay neefta ku xirantay. Muuqaalka ayaa laga arkayay isagoo foorara oo lagu qaadayo gaariga booliska Qaran News