-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Agaasimaha wasaaradda Warfaafinta Wasaaradda Warfaafinta Puntland, oo tixraacaysa Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, ayaa amar ku bixisay dhammaan Qoraallada Boorarka iyo Magac-bixinta loo beddelo Af-Soomaali. Warqad ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Ciise Cismaan, ayaa lagu amray cid kasta oo boorar dhegsanaysa ama meherad magac ula baxaysa in ay isticmaalan Af-Soomaaliga. Wasaaraddu waxay sheegtay, in Boorarka iyo Magac-bixinta la waafajiyo Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, kaas oo Faafinta Rasmiga ah ku soo baxay 15 December 2020 kadib markii Golayaasha dowladdu ansixiyeen. PUNTLAND POST The post Puntland oo amar ka soo saartay Boorarka iyo Magac-yada lagu qoro Luuqadaha Qalaad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xuska 18-ka May oo ah markii ay Somaliland ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale muddo hadda laga joono 30 sano. Guuleed ayaa marka hore boggaadiyey guulaha ay Somaliland ka gaartay dhinacyada nabadda, horumarka iyo hannaanka Doorashooyinka ku dhisan qof iyo codka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay in la siiyo ahmiyad gaar ah, iyada oo mudnaanta la siinayo aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul. Madaxweynihii hore ee Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu ka gaabiyey arrimaha Somaliland, gaar ahaan wada-hadalladii socday ee u dhexeeyey labada dhinac. “Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin Mudnaantii iyo Meeqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Maawimooyinka Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan,” ayuu yiri musharrax Guuleed. Halkan hoose ka aqriso:- Maanta 30 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha Reer Somaliland ku dhawaaqeen gooni isutaag dhankooda ah. sidaa daraadeed marka hore waxaa Bogaadin mudan guulaha ay Somaliland ka gaartay mudadaas dhinacyada Nabadda, Horumarka, Hannaanka Doorashooyinka ku dhisan Qof iyo Codka, dimuqoraadiyadda iyo isu Tanaasulka. Waxaa xaqiiq ah in Xalka Qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay ahmiyad, Mudnaan iyo Aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul, Garowshiyo iyo Wadahadalo miro dhal ah oo kayimaada dhanka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, kana Fog Caadifad iyo Laablakac, waana in lasameeyo wadahadalo ku saleysan waaqaca iyo halka ay Boogtu taalo. Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin Mudnaantii iyo Meeqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Maawimooyinka Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan. Midnimo ku timaada wax wadalahaansho, Walaalnimo, Garawshiyo iyo isu tanaasul ee aan ku imaan khiyaano iyo Jujuub ayaa ina wada Deeqda. The post Muxuu Cabdikariin Xuseen Guuleed ka yiri 18-ka May? appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqday xukunka eedeysanayaal loo heystay in ay ka dambeeyen dilka Allaah u naxariistee guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin ciise dhega-juun, oo bilawgii sanadkan ku baxay gacanta ciidamada booliiska Soomaaliyeed. Baaritaanka guddiga dhacdadaan ay xukuumadda u magacawday iyo Dhagesiga gal dacwadeedka eedeysanayaasha oo mudda socday ayeey maxkamadda ku riday xukun isugu jira bixinta magta guddoomiyaha iyo xabsi ciidan . Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sidda ayaa horay u sheegay in dilka Allaah u naxariistee Dhaga-juun uu yahay mid ku dhacay si kas ah , balse markii ay soo gabagabodw dhageysiga gar maqalka eedda eedeysanayaasha iyo qareenada difaayay ayeey maxkamadda ciidamada qalabka sida sheegtay in ay go’aan ka soo saareyso xukunka eedeysanayaasha oo ka koobna 6 Askari oo uu ku jiro Taliyihii saldhigga degmada Hawl-wadaag. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay xukunka raggii lagu eedeyay in ay ka dambeeyen dilkii bilawgii sanadkaan . Gaashaanle Shuceyb Cabdi Taliyihii saldhigga degmada Hawl-wadaag ayaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah, halka dable boliis Bashiir Axmed Cabdi ayaa lagu xukumay isna 5 sano oo xabsi ciidan ah, iyadoo sabab looga dhiga taxadar la’aan iyo baxsashadiisa, halka min laba sano oo xabsi ciidan ah lagu xukumay Jamaal Isxaaq Cali , Dhiblaawe Ibrahim Yusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmiye Kaariye Cali. Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa sidoo kale dhamaan eedeysanayaasha ku xukuntay bixinta Magta guddoomiyaha dhintay Cabdixakiin Ciise Cabdiraxmaan Dhaga-juun Source: goobjoog.com
-
Ururka Midowga Afrika ayaa weli ku adkeysanayaa magacaabista madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ee ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya, kadib diidmadii ka timid dowladda Soomaaliya, waxaa sidaas weriyey wargeyska East African. Midowga Afrika waxa uu rasmi ahaan sheegayaa inuu la-tashiyo ka sameynayo tallaabada xigta ee uu qaadayo, hase yeeshee waxa uu walaac ka muujiyey isku dayga ay Soomaaliya ku qaadaceyso go’aanka uu ururka ku caawinayo, ee markii hore uu codsaday madaxweyne Famaajo. Afhayeen u hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa wargeyska East African u sheegay in xubnaha ururka ay go’aan ka gaadhi doonaan arrinta Jahn Mahama. “Arrimahan oo kale, guddoomiyaha Midowga Afrika kaligiis go’aan kama gaadho. Wuxuu kala tashadaa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika,” ayuu yidhi afhayeenka oo lagu magacaabo Zenon Mukongo, oo sidoo kale ka tirsan guddiga khubarada ah ee madaxweyne Tshisekedi kala taliya arrimaha Afrika. “Madaxweynaha wuxuu hakiyey kulanka guddiga oo lagu waday inuu dhaco Arbacada. Mowqifka Midowga Afrika wuxuu caddaan doonaa kadib kulankan.” Wargeyska East African ayaa ogaaday in ururka uu taageerayo Mahama, isaga oo rumeysan in isbeddel lagu sameeyo magacaabistiisa ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku lug yeelato cidda noqoneysa dhex-dhexaadiyaha. Intii uu ku sugnaa magaalada Kampala oo uu toddobaadkii kaga qeyb-galay caleemo-saarka madaxweyne Museveni, madaxwene Farmaajo ayaa la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxayna ka wada-hadleen muranka ka taagan magacaabista Mahama. Xiisadda magacaabista John Mahama ayaa salka ku haysa dowladda federaalka oo rumeysan inuu xidhiidh la leeyahay Kenya, halka ay sidoo kale gebi-ahaan kasoo horjeedo ergey lasoo diro, ayada oo ku doodeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu qaatay doorka xal u raadinta is-mari waaga siyaasadeed. Hase yeeshee mucaaradka Soomaaliya ayaa rumeysan in tani ay tahay isku-day kale oo uu Farmaajo ku xagal daacinayo xal u raadinta is-mari waaga doorashada, si uu kursiga ugu sii fadhiyo xilli muddo xileedkiisa uu dhammaaday saddex bil kahor. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa go’aan rasmi ah kasoo saartay kiiska dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Marxuum Cabdixakiin C/raxmaan Ciise (Dhagajuun). Maxkamadda ciidamada ayaa maanta oo Tallaado ah ku dhowaaqday xukunka lagu ridday eedeysanayaasha kiiskan oo loo heystay illaa 6 askari oo uu ku jiro taliyihii hore ee sladhigga Booliska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, Shuceyb Cabdi Maxamed. Sidoo kale maxkamadeynta raggaan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana horey xeer ilaalinta maxkamadda u sheegtay in dilka Dhagajuun uu ahaa mid si ula kac ah loo geystay, kuna ogaadeen baarista la sameeyay iyo warbixinada guddiga loo saaray dhacdadaasi. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur oo ku dhowaaqay go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in taliyihii hore ee booliska degmada Howlwadaag Gaashaanle Shceyb Cabdi Maxamed lagu ridday xukun 5-sanno oo xabsi ciidan ah, halka sidoo kale Dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi lagu xukumay 5 sano, kaas oo haatan baxsad ah, ayna ku raad joogaan saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in min labo sano xabsi ciidan ah lagu xukumay eedeysanayaasha kala ah Jamaal Isaaq Cali, Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmi Kaariye Cali, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya. Waxa kale oo xabsiga usii dheer in ay bixiyaan magta (Diyada) marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhega-juun, Ibraahim Abuukar Cismaan & Liibaan Xasan Liibaan oo rasaasta lagu furay uu dhaawac kasoo gaaray. Allaha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun ayaa xilli habeen ah, gaar ahaan 21-kii Janaayo ee sanadkan 2021 lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay dalka Turkiga oo caafimaad loogu qaaday. The post Maxkamadda ciidamada oo go’aan kasoo saartay dilkii marxuum Dhagajuun appeared first on Caasimada Online.
-
Inkasta oo Maraykanka mar labaad horjoogsaday bayaan Golaha Ammaanku soo saari lahaa oo ku baaqayey in colaadda la joojiyo, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin siddeed maalmood oo ay colaadi ku dhex maraysay Qasa Israel iyo ururada Falastiiniyiinta ah. Biden ayaa ku wargeliyey Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netenyahu in Maraykanku kala shaqaynayo Masar iyo dawlado kale sidii loo joojin lahaa colaadda. Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Aqalka Cad Biden “wuxuu ku tirtirsiyey Israel in ay intii suurto gal ah ku dedaasho in ay ilaaliso rayidka aan waxba geysan” Warbixintu waxay intaa ku dartay in Biden “sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin oo uu kala hadlay in Maraykanka, Masar iyo dalal kale ay ka wada shaqaynayaan sidii yoolkaa loo gaadhi lahaa. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana uu Biden ansixiyey heshiis Israel lagaga iibinayo hub oo qiimihiisu dhan yahay 735 milyan oo doolar. Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lagaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha. Source
-
Moya Lothian-McLean’s new series provides an important corrective to what we have been told about our history Moya Lothian-McLean: ‘I don’t know my history’ Near the start of Human Resources, a new podcast from Broccoli Productions, the journalist and presenter Moya Lothian-McLean recalls the words of Bob Marley in “Buffalo Soldier”: “If you know your history, you will know where you’re coming from.” But, she says: “I don’t know my history, I don’t know where I’m coming from or where I’m going. Neither do millions of other Brits from all sorts of ethnic backgrounds.” The daughter of a white British mother, and a black Caribbean father who left when she was three and later died, Lothian-McLean says her Jamaican ancestry remains unknown. And while the histories of Britain and the Caribbean are inextricably linked, the British history she learned at school kept that relationship, and the subject of slavery, at arm’s length. Now, at 26, she has questions she would like answered: “Did modern Britain develop alongside slavery, or because of it? Why is slavery taught as black history and not British history? What British institutions and social structures owe their foundations to the slave trade?” Human Resources is her attempt to piece together her own story and the history of Britain that has been glossed over in school syllabuses and yet continues to influence society today. There have been several podcasts lately seeking to highlight and understand Britain’s colonial past. Bonnie Greer’s In Search of Black History, from 2019, was a righteous exposé of the black stories that have been ignored and suppressed by northern European historians, while Afua Hirsch’s We Need to Talk About the British Empire talked to people about their family histories while highlighting the difficult legacy of British imperialism. Lothian-McLean’s series approaches the subject through a series of landmarks, starting with Lady Hawkins’ School, near her home in Herefordshire, and its connection to Sir John Hawkins, a naval commander and England’s first slave trader whose coat of arms featured a bound African slave. The second episode, out this week, starts at Woolsthorpe Manor in Lincolnshire, home of the apple tree that inspired Isaac Newton to formulate his law of universal gravitation. Not so well known is the debt that Newton’s research into tide readings owes to colonialism and data collection in slave ports in places such as French Martinique. Human Resources is an elegantly produced and illuminating series that provides an important corrective to what we have been told about our history. In mixing the personal and political, Lothian-McLean shows why this history remains so vital nearly 200 years after abolition. Also significant is that the series is made by Broccoli, the production company created in response to the clear bias against young and minority talent in podcasting and which masterminded last year’s Equality in Audio pact, in which industry figures and companies pledged to break down barriers and work towards greater representation. Proof that green is good for us all. Source: Financial Times The post Human Resources uncovers Britain’s colonial past through landmarks appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Degaanka Puntland, ayaa xirmaysay dooxooyin xoola daaqsin ah oo ka tirsan Gobolka Nugaal. Wareegto ka soo baxday xafiiska ku simaha Wasiirka Degaanka Puntland, Cabdirashiid Cali Geelle, ayaa lagu faray dhammaan Xoola-dhaqatada Gobolka Nugaal, in mudda 15 cisho ah la xirmeeyay dooxooyinka Cada-dheero iyo Laba-dulley oo dhanka bari ka xiga Garoowe. Wareegtada ayaa lagu sheegay in ujeedka laga leeyahay go’aankan uu yahay in la nasiyo dooxooyinkaas oo cagta xooluhu ku badan tahay, inta uu naqu si fiican u soo baxayo, waxaana wareegtada lagu xusay in dooxooyin kalena la xirmayn doono. Hoos ka akhriso Wareegtada PUNTLAND POST The post Puntland oo xirmaysay dooxooyin ka tirsan Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa faah faahin ka bixiyey khilaaf horleh oo soo kala dhex-galay maamulkaasi iyo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. Caadle oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa shaaca in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay ka gaabisay fulinta mashruuca horumarinta iyo wax ka qabashada fatahaadaha kusoo laa laabtay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda dhexe, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ay haatan billowday fulinta mashruucan, xilli uu kar-kaaraha jabsaday wabiga Shabelle. Wasiirka oo hadalkiisa siita ayaa xusay in xaaladda Jowhar iyo fataahadaha ku dhuftay ay gaariisan tahay heer aan wax laga qaban karin, loona baahan yahay in la xakameeyo biyaha. “Mashruuca wax ka qabashada Fatahaadaha DG Hir-Shabeelle gaabiska ku yimid waxaa iska leh Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, qandaraaska waxaa la bixiyay xili uu fatahaad sameeyay wabiga Shabeelle dabcan meel wax laga qaban karo lama joogo, balse xalka loo baahan yahay waa in biyaha la xakameeyo kadibna lagu dhaqaaqo mashruuca, ”ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadeyao, iyada oo wasaaradda maaliyadda qudheeda ay eedeynta dhabarka u saartay HirShabelle oo ay sheegtay inay ka gaabisay ka hortagga fatahaada. The post HirShabelle oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqday Israel lagu cadaadiyo iney joojiso dhibaatada ay ka waddo dhulka Falastiin iyada oo soo jeedisay xal labo dowlad. Arrintan ayaa kusoo aaday shir laga yeeshay dagaalka ay Israel ka waddo Qudus, Gaza iyo meelo kale oo dhulka Falastiin ah. Wasiir dowladaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Bilaal Cusmaan oo ka hadlayey OIC ayaa axaddii sheegay in la gaaray xilligii la joojin lahaa dagaalka, lana ogolaan lahaa labo dal oo ay yeeshaan Israel iyo Falastiin. “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sidaas darteed, waxay kala mid tahay dunida Islaamka inteeda kale baaqyada ah in la joojiyo qabsashada Israel ee dhulalka Falastiin iyo in la xaqiijiyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ee aayo-ka-tashi iyo in la dhiso dowlad u gaar ah oo leh Bariga Qudus inay tahay caasimaddeeda muran la’aan, ”ayuu yiri Cismaan. Soomaaliya waxay sii wadeysaa inay taageerto xalka labada dowladood, ”ayuu sii raaciyay Cismaan,“ Iyadoo lagu saleynayo xuduudaha caalamiga ah iyo xadkii 1967 iyo Israa’iil iyo dowlad madaxbanaan oo Falastiin ah, kuna wada noolaan kara nabad, nabadgelyo iyo is aqoonsi labada dhinac ah. ” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Booliiska Gobolka Bari, ayaa saaka kantaroolka magaalada Boosaaso ku qabtay khamri fara badan, oo la doonayay in la geliyo gudaha magaalada. War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen khamrigan la doonayay, in si qarsoodiya lagu soo geliyo magaalada Boosaaso, islamarkaana ay wateen askari ka tirsan ciidamada. Khamrigaan oo lagu soo guray Karaatiinta Saliida si aan loo moodin ,in ay ku jiraan dhalooyin khamri ah ayaa Hubin kadib waxa ay ciidamada ay ku guleesteen in ay gacanta ku dhigaan, waxaana soconaaya Baaritaano khamrigaas iyo cidii loowaday. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku ah amniga waxana uu sheegay in ay kula xisaabtami donaan cidwalba oo ay khuseeso in khamrigaan ay soo galiyaan magaalada Bosaaso. PUNTLAND POST The post Khamri fara badan oo lagu qabtay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland ayaa maanta xuseysa 30 sano kadib markii ay ka go’day jamhuuriyadda Soomaaliya 1991-dii, iyada oo weli aan helin aqoonsi. Todobaadkan ayey aheyd markii madaxweyne Muuse Biixi uu ka qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo qeyb ka ah dadaallada uu ugu jira inuu saameyn ku yeesho gobolka. December sanadkii tagay waxaa caasumaad u fidiyey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, booqashada Biixi ayaa waxaa ka dhashay isu soo dhowaanshiyo labada dhinac, waxaa intaas dheer Itoobiya oo heshiis horay ula gashay dekadda Berbera. Somaliland waxaa ay haatan galeysaa doorasho iyada oo dunida, oo ay ugu horeeyaan deeq bixiyeyaasha iyo kuwa daneeya indhaha ku heyso sida ay u dhacdo codbixinta iyo hawlaha u qabsoomaan si hufan, xor yo xalaal ah. Sidee ku timid Gooni isu taagga? Shirk ka dhacay Burco 27dii April ilaa 5tii May 1991-dii, waxaa isugu yimid beelo ku abtirsada gobollada waqooyi sida Ciise, Gedabuursi, East Sanaag Clan iyo Isaaqa, beesha dambe ayaa beelaha kale ka dhaadhiciyay in shir February sanadkaan ka dhacay Hargeisa la isku afgartay in lala soo noqdo dawladnimadii lixdankii. Go’aannada shirkaasi lagu gaaray oo 3 ahaa waxaa saxiixay 17 ka mid ah wakiillada beelaha dega gobollada waqooyi raggaas oo mas’uul ka ahaa in gobolladaas gooni u baxaan. Subaxnimadaa 18-kii May 1991-dii, waxaa go’aanka ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha dhexe ee SNM Ibraahim Meygaag Samatar Iyo Guddoomiyaha SNM Cabdiraxmaan Cali Tuur iyaga oo sheegay in si rasmi ah uga go’een Jamhuuriyadda Soomaaliya, dibna ula noqdeen xuriyadooda. Dib U Xusuuso Sida Midnimadii hore ku timid 1960: British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, laakin arintaan waxaa la soo afjaray 26- June, 1960-kii. Ka hor Xuriyadda Gobolada Waqooyi 26-ka June iyo Xitaa maalmihii ka dambeeyay inta aanay la midoobin Koofurta Soomaaliya waxaa dhacay dhowr arin oo xusid mudan. 6 April 1960, Golaha Tashriica ee Protectorate of Somalia ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida iyo Midnimada Soomaaliya. 22 April 1960, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee Koofurta, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya. May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Waxaan Filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii-1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa Xuroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Halgaama Soomaaliyeed ayaa Gabaygaas caanka noqday codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur. Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen, leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya. 4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqdishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, taas oo dhacday 1-dii July 1960-kii. Abaarihii Saqdii dhexe 12:00 Habeenimo iyo haldaqiiqo Calanka laga taagay bartamaha Muqdishu iyadoo mar kale ayaa la qaaday hestii “Kana Siib Kana Saar” July 1, 1960: waa maalinta Soomaaliya, maalintii xuriyadda iyo midnimada, Waa maalintii ay Soomaaliya ka xurowday gumeystaha Talyaaniga iyo sidoo kale ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur. March 30, 1960: Waxaa dalka ka dhacay doorashadii ugu horeysay, SYL ayaa ku guuleysatay 69 ka mid kuraasta 123-da ah ee Baarlamaanka. Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963 Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii. Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo Wareysi bixiyay 1991-kii kadib gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada ay ku timid Caadifad iyo Qorshe la’aan. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay sii xoojin doonaan duqaymaha ka dhanka ah dadka reer Falastiin si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasiloonida Israa’iil. Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa hadalkaas jeediyay kadib markii uu ka soo baxay kulan uu la qaatay saraakiisha kala duwan ee laamaha difaaca Israa’iil. Wuxu sheegay in duqaymaha ay sii socon doonaan inta la sugayo amniga shacabka Israa’iil oo sida uu tilmaamay weeraro kala kulmaya dhinaca Xammaas. Labada dhinac ayaa weli is waydaarsanaya duqaymo culus waxaana Israa’iil bartil-maameedyo ka dhigatay dhulka ay degan yihiin dadka Rayidka ah ee reer Falastiin. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo ku hanjabay in ay sii wadi doonaan duqaymaha marinka GAZA appeared first on Puntland Post.
-
Midowga Afrika ayaa ka hadlay Go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ku dalbatay in la bedelo Ergeyga gaarka ee Midowga u soo magacaabay Soomaaliya John Mahama oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana. Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Afhayeenka Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa sheegay in dalabka dowladda Soomaaliya ee ku codsatay in la bedelo John Mahama uu Midowga kala tashan doono dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika. Sidoo kale Felix Tshisekedi ayaa walaac ka muujiyay qaabka uu Midowga Afrika ku doonayo inuu ku xaliyo khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada ka dhaceysa dalka Soomaaliya oo Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedya aysan weli heshiis ka gaarin. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay John Mahama in uusan dhex dhexaad ka noqon karin Arrimaha doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana ay u baahan yihiin la bedelo, iyagoona arrintaas ka codsaday Midowga Afrika. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo ka hadlay dalabkii Villa Somalia ee ahaa In la bedelo John Mahama appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa weli ku adkeysanayaa magacaabista madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ee ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya, kadib diidmadii ka timid dowladda federaalka Soomaaliya, waxaa sidaas weriyey wargeyska East African. Midowga Afrika waxa uu rasmi ahaan sheegayaa inuu la-tashiyo ka sameynayo tallaabada xigta ee uu qaadayo, hase yeeshee waxa uu walaac ka muujiyey isku dayga ay Soomaaliya ku qaadaceyso go’aanka uu ururka ku caawinayo, ee markii hore uu codsaday madaxweyne Famaajo. Afhayeen u hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa wargeyska East African u sheegay in xubnaha ururka ay go’aan ka gaari doonaan arrinta Jahn Mahama. “Arrimahan oo kale, guddoomiyaha Midowga Afrika kaligiis go’aan kama gaaro. Wuxuu kala tashadaa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika,” ayuu yiri afhayeenka oo lagu magacaabo Zenon Mukongo, oo sidoo kale ka tirsan guddiga khubarada ah ee madaxweyne Tshisekedi kala taliya arrimaha Afrika. “Madaxweynaha wuxuu hakiyey kulanka guddiga oo lagu waday inuu dhaco Arbacada. Mowqifka Midowga Afrika wuxuu caddaan doonaa kadib kulankan.” Wargeyska East African ayaa ogaaday in ururka uu taageerayo Mahama, isaga oo rumeysan in isbeddel lagu sameeyo magacaabistiisa ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku lug yeelato cidda noqoneysa dhex-dhexaadiyaha. Intii uu ku sugnaa magaalada Kampala oo uu toddobaadkii kaga qeyb-galay caleemo-saarka madaxweyne Museveni, madaxwene Farmaajo ayaa la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxayna ka wada-hadleen muranka ka taagan magacaabista Mahama. Xiisadda magacaabista John Mahama ayaa salka ku haysa dowladda federaalka oo rumeysan inuu xiriir la leeyahay Kenya, halka ay sidoo kale gebi-ahaan kasoo horjeedo ergey lasoo diro, ayada oo ku doodeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu qaatay doorka xal u raadinta is-mari waaga siyaasadeed. Hase yeeshee mucaaradka Soomaaliya ayaa rumeysan in tani ay tahay isku-day kale oo uu Farmaajo ku xagal daacinayo xal u raadinta is-mari waaga doorashada, si uu kursiga ugu sii fadhiyo xilli muddo xileedkiisa uu dhammaaday saddex bil kahor. The post MIDOWGA AFRIKA oo ku adkeysanaya magacaabista John Mahama ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
The AU is the first international body to tackle the problem head-on, and it needs global support. Source: Hiiraan Online
-
Beirut (Caasimada Online) – Militariga Israel ayaa duqeeyey dalka Lubnaan ayaga oo ka jawaabaya gantaallo halkaas looga soo tuuray, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay militariga. Lix gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan ayaa Isniintii lala beegsaday waqooyiga Israel hase yeeshee uma soo gudbin Israel oo waxay ku dhaceen meel xuduudda u dhow, sida militariga Israel ay yiraahdeen. Militariga Israel ayaa sheegay in ayada oo taas laga jawaabay la duqeeyey Lubnaan, si loo beegsado “halka laga soo tuuray”gantaallada. Ilo-wareedyo amnio o ku sugan Lubnaan ayaa Reuters u sheegay in illaa 22 gantaal oo ay soo rideen militariga Yahuudda ay kusoo dhaceen Lubnaan. Ma jiraan wax khasaare ah oo lasoo weriyey inay ka dhasheen duqeymaha, mana muuqato in Israel ay ku furmeyso furin cusub oo dagaal ah, xilli ay duqeymo ka wadaan Marinka Gaza. Waxay aheyd markii labaad oo muddo toddobaad gudihiis ah Israel lala beegsado duqeymo ka yimid Lubnaan. Saddex gantaal oo Khamiistii laga soo tuuray Lubnaan ayaga oo ku wajahan Israel ayaa ku dhacay badda Mediterranean-ka. Israel ayaa 2006 dagaal la gashay ururka Xizbullah ee Lubnaan oo maamul Koonfurta dalkaas, islamarkaana haysta gantaallo horumarsan. Wixii markaas ka dambeeyey ma dhicin dagaal dhex-maray labada dhinac. The post Ciidamada Israel oo duqeyn culus ku billaabay Lubnaan iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga Fatahaadaha hirshabeelle ayaa wasaaradda Maaliyadda markale ku eedeyay in ay ka dambeysay xayiraadda lacagaha loogu tala galay ka hortagga Fatahaadaha . War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in Wasiirka maaliyadda eeddii ay u jeeydiyeen in uu san ka soo garbixin balse uu soo saaray Jawaab u muuqatay isdifaacid sida ay hadalka u dhigeen . Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda ay dhankiisa ka xayiran tahay lacagaha ka hor tagga fatahaadaha Hirshabeelle . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddiga Source: goobjoog.com