-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dalka kenya oo Qunsul cusub u soo magacaabay Somaliland Wasiir-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa kula soo dhoweyn u qabtay xildhibaanada cusub ee Beesha Barriga Afrika iyo Qunsulka guud ee Kenya u magacowday xafiiska Qunsuliyadooda ee Somaliland. Sida lagu shaaciyey fariin Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ku baahisay barteeda Twitter ayaa lagu sheegay in Md Ababu Namwamba ayaa muxaadaro ka jeediyey hanaanka diblomaasiyadda Baarlamaanka. “Md Namwamba ayaa muxaadaro ku saabsan “Diblomaasiyadda Baarlamaanka” (Parlomacy) oo ah Qaabka Xidhiidhka Caalamiga ah “ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xidhayay mudanayaasha Kuliyadda Arrimaha Dibedda, oo goobjoog ahaa Sarkaalka cusub ee loo magacaabay inuu noqdo Qunsulka guud ee xafiiska Qunsuliyadda Kenya ay ku yeelanayso magaalada Hargeysa, Somaliland, wallow aan magaciina weli si rasmi ah Kenya u sheegin. Wasiir-xigeen MdNamwamba ayaa iftiimiyay taariikhda, qaababka, caqabadaha iyo qiimaha diblomaasiyadda ee xidhiidhka caalamka iyo doorka gaarka ah ee Kuliyadda Arrimaha Dibedda ee diyaarinta diblomaasiyiinta.”sida lagu sheegay fariinta Wasaaradda A Dibedda Kenya. Shaacinta Qunsulka cusub ee Kenya ayaa noqonaya dalkii lixaad ee caalamka ee xafiis diblomaasiyadeed oo cusub ka furta caasimada Hargeysa, taasoo hore ugu lahaayeen dalalka Itoobiya, Jabuuti, Turkiga, Taiwan, Imaaraadka Carabta, iyo dalka Ingiriiska oo leh xafiis qaabilsan iskaashiga labada dal. Qaran News
-
Ganacsade Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo lagu dilay dalka Koofur Afrika Wararka ka imanaaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi goordhaweyd lagu dilay allaha u naxariistee muwaadin Soomaaliya oo ka mid ahaa ganacsatada wadankaasi Koofur Afrika. Muwaadinka Soomaaliga ah ee lagu dilay dalkaas ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi loona yaqiinay Farmaajo, waxaana lagu dilay tuulada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalkaasi Koofur Afrika. Marxuumka ayaa la sheegay in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi xili uu ku guda jiray adeegista macaamiishiisa, waxaana wararku aay intaasi ku darayaan in ninkii dilay muwaadinka Soomaaliga isna lagu dilay isla goobta. Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa inta badan la kulma dhibaatooyin badan oo loogu geysto dalkaas sida dilalka iyo dhaca loo geysto goobahooda ganacsi, iayadoo dowlada dalkaasina aay marwalba sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatada lagu haayo ganacsatada Soomaaliyeed. Qaran News
-
At least three people were killed and four others wounded when a mortar attack targeted Somalia’s presidential palace in the capital Mogadishu on Wednesday, local media reported. “At least three civilians were killed and four others injured in the attack, targeting the presidential palace in Mogadishu. The victims are members of the same family living near the palace,” local radio broadcast Garowe Online reported. The presidential compound in Mogadishu houses the president, the prime minister and the speaker of the parliament. Talking to Anadolu Agency, police officials confirmed the attack without elaborating on casualties. Adan Abdirahman Hussein, a resident in Mogadishu’s Boondhere district, told Anadolu Agency over the phone that he saw several children wounded in Wednesday’s mortar attack. “I heard more than five explosions. One of the mortar shells landed in a residential area near an IDP camp,” Hussein said. Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for the mortar attack, saying it had targeted Villa Somalia, official presidential residence and workplace. It is the second mortar attack in less than a month in Mogadishu. Al-Shabaab has carried out numerous attacks in Somalia over the years, including a 2017 truck bomb blast in Mogadishu which killed at least 300 people. Source: Anadolu Agency The post Somalia: Mortar attack kills 3 in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Koofiya-casta ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumaha ka agdhow ayaa ciidan dheeraad ah geeyay dhismaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ku taalla kasoo hor jeedka taliska booliska Soomaaliya ee Kumaanda Buluusiya. Ciidankaan dheeraadka ah ee la geeyay ayaa la sheegay in ay xoojin doonaan ciidan kooban oo markii hore halkaasi ku sugnaa, kuwaas oo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, waxaana arrintaan lagu sheegay amar ka soo baxay Villa Somalia. Ciidanka dheeraadka ah ee maalmo kahor la geeyay dhismaha Wasaaradda Warfaafinta oo ay ku dhax yaalaan xarumaha Warbaahinta Qaranka, sida SNTV, Radio Muqdisho, SONNA iyo Radio SNA ayaa ah ciidan haysta hub culus iyo mid fudud. Qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta iyo agaasimayaasha wasaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankaan wasaaradda lagu soo kordhiyay markii ay Golaha Shacabka Muqdisho kaga dhawaaqeen muddo korarsiga dowladda islamarkaana uu dowladda ka goostay Janaraal Saadaq Joon. Khubarada amniga ayaa qaba in dowladu ka baqday afgambi ka dhaca Muqdisho, oo Farmaajo looga qaado xukunka sharci-darrada ah ee u uku joogo Villa Somalia. Badanaa markii ay ciidamada sameeyaan afgambi waxay ka billaabaan Warbaahinta Qaranka, xarumaha Madaxtooyada iyo baarlamaanka, waana sababta ay dowladda u adkeysay ammaanka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. The post Xog: DF oo ciidamo dheeraad ah geysay wasaaradda warfaafinta xilli ay cabsi jirto appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa go’aan ka kooban 7 qodob kasoo saaray xaaladda doorashada Soomaaliya, iyo muddo kororsigii ay sameysteen hay’adaha dowladda federaalka iyo Farmaajo. Hoos ka aqriso qoraalka Puntland. Go’aanka Dowladda Puntland ee Xaaladda Doorashada Soomaaliya. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u taagan tahay mabaadiida dowladnimada Puntland si waafaqsan Dastuurka Puntland iyo kan Dowladda Federaalka ah ee Puntland xubinta ka tahay. Dowladda Puntland waxay sidoo kale illaalisaa masiirka geeddi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah, dimuqraadina ah. Kadib tillaabadii sharci darrada ahayd ee qeyb kamid ah Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday 26 December 2020 ku dhawaaqeen 12 April 2021 ee ay muddo kororsiga ugu sameeyeen hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Golayaasha Puntland waxay wadatashi ka yeesheen xaaladda cakiran ee marxaladda kala guurka ah ee uu Dalku marayo. Sidoo kale Dowladda Puntland waxay wadatashi la yeelatay Uruurada Siyaasadda, Bulshada Rayidka ah, Aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshada Puntland. Ka dib markii la tixgaliyey go’aankii Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee soo baxay 17 April 2021. Ka dib markii la arkay Xeerka tirsigiisu yahay 10 ee soo baxay 30 July 2000 ee ilaalinaya doorka Puntland ee nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya. Dowladda Puntland iyadoo tixgelinaysa talooyinka hay’adaha Dowladda Puntland iyo qaybaha bulshada, kana duuleysa baahida loo qabo ilaalinta midnimadda, Xasiloonida iyo horumarka geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, waxay qaadatay go’aanada soo socda. 1- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ma aqoonsana tilaabaadii sharci darrada ahayd ee Golaha Shacabka Federaalka ee 10_aad ee muddo xileedkoodii dhammaaday ku meel mariyeen waxay ugu yeereen xeerka jiheynta doorashada iyo muddo kororsiga hay’adaha Federaalka ee dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 2- Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiiska lagu yahay si loo qabto doorashada Federaalka, iyadoo Ia xalinayo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas si loo gaaro doorasho si nabad ah, wada oggolna ah ku dhacda. 3- Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Saxiixayaashii heshiiskii 17 September 2020, Saamileyda Siyaasadeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya hormarka siyaasadda Soomaaliya in miiska wada hadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsaha badan si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed, loogana hortago khal khal amni iyo burbur dowladnimo 4- Haddii ay dhici weydo in dib loogu soo laabto miiska wada hadalka, Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynaha Puntland ee 17 March 2020, waxay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba Ia wadaagi doontaa tillaabada ku haboon ee la qaadi karo si loo badbaadiyo masiirka dowladnimo dhiska Soomaaliya iyo danaha gaar ahaaneed ee Dowladda iyo Shacabka Puntland. 5-Dowladda Puntland waxay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraysaa in la illaaliyo midnimada, wadajirka, lana badbaadiyo mabaadiida geeddi socodka dowladnimo dhiska Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah iyo dimuqraadiyadda. 6- Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Puntland in ay illaaliyaan midnimadooda dastuuriga ah, amniga iyo xasiloonida Puntland. Dowladda Puntland waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadeysaa cid kasta oo isku deyda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland. 7- Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa xal u helista xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya. The post Puntland oo go’aan 7 qodob ah ka qaadatay xaaladda doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa looga hadlay go’aanka Puntland ee arrimaha doorashada Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn tallaabadii Baarlamaanka Soomaaliya muddada ugu kordhiyay hay’adaha federaalka. Puntland waxay sheegtay in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiis lagu yahay si loo qabto doorashada federaalka. Puntland waxay ugu baaqday saxiixayaashii heshiiskii 17 September, saamileyda siyaasadda iyo wakiilada Beesha Caalamka in miiska wada hadalka lagu soo noqdo si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed. Puntland waxay sheegtay in haddii dib loogu soo noqon waayo miiska wada hadalka ay aayaheeda ka tashan doonto, iyadoo ka duuleysa shirweynihii Puntland ee 17 March 2020. Puntland waxay xustay in ay soo dhaweyn doonto cid walba oo ka qeybqaadanaysa xaaladda cakiran ee Soomaaliya. Dowladda Puntland waxay sheegtay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doono cid walba oo isku dayda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo go’aan ka soo saartay xaaladda doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaali ah oo sidoo kale ka mid ah ganacsatada ku dhaqan gudaha dalkaasi lagu dilay duleedka magaalada Cape Town. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdullahi Gacaney ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay tuulada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed. Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ayaa sidoo kale shaaciyey in isna toogasho lagu dilay ninkii dambeeyey falkaasi oo isku dayey inuu baxsado. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse ka aysan hadlin. Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika. The post Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo ninkii dilay oo la toogtay appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia is bracing for record levels of displacement this year as drought ravages parts of the country, leaving tens of thousands of people without water and livelihoods. “Once again Somalia is facing the prospect of serious drought. Water and pasture resources are depleting every day and resulting in people abandoning their homes with their livestock to search for better conditions. We are worried that drought coupled with conflict could see record levels of displacement this year,” said Mohamed Abdi, Country Director for the Norwegian Refugee Council (NRC) in Somalia. According to data from the Protection and Monitoring Returns Network (PRMN), over one million people were displaced by floods, conflict and drought in Somalia last year, the highest figures recorded since 2016. So far, 112,000 have been displaced in the first three months of 2021, of whom 34 per cent were uprooted because of drought. The last time more than a million people were displaced in Somalia was in 2017, when drought ravaged the country and caused widespread suffering and uncertainty. “Drought will most likely be the driving factor displacing a large number of Somalis this year due to the poor performance of seasonal rains. Our staff on the ground are reporting that more than 50 districts are currently experiencing moderate to severe drought levels and it is expected to get worse,” Abdi said. In Somalia, the impact of drought runs parallel with the impact of flooding in other parts of the country. “It sounds contradictory but simultaneous flooding and drought are a reality in Somalia. Flooding was the main driver of high displacement last year. Some rains have dropped in the past number of days so our teams on the ground are also working towards flooding preparedness and to support those in critical need. We have to prepare for all climate shocks,” Mohamed Abdi explained. The UN’s 2021 aid appeal for Somalia seeks $1.09 billion to assist four million people in dire need, as a result of widespread insecurity, recurring climate disasters and the indirect economic impact of Covid-19. “Around 13 per cent of Somalia’s aid appeal has been donated so far, nowhere near enough to sustain the population as it battles drought and multiple other crises. The international community must not turn their back on Somalis, particularly pastoralist communities, who are impacted the most. We must do all we can to prevent another cycle of suffering in Somalia,” Abdi said. Qaran News
-
Mogadishu youth groups ‘oppose warmongering’. Mogadishu (PP News Desk ) — A three-day conference for Mogadishu youth groups was concluded in Mogadishu today. Participants have passed resolutions in favour of “peaceful co-existence for Somalis”. “We don’t want our children to go through the same tribulations as we did as children. We say ‘no to warmongers’” said one of the participants. Participants took note of the tense political situation in Somalia and warned against attempts to drive a wedge among Somali people. “Damuljadiid group has an agenda, and is making baseless claims about the political situation in Somalia” said another participant. Damulajdiid is a politico-religious group to which Hassan Sheikh Mohamud, the former Somalia President, belongs. “We oppose politicians who are keen on creating hostilities among Somali clans for political purposes. It is deplorable that some traditional leaders have resorted to fanning hostilities. As youth groups we have decided to stand up for peace and say ‘no to destablisation’” reads one of the resolutions. A one-day consultative conference for a group of Mogadishu Clan politicians against the mandate extension for federal institutions was concluded in Mogadishu on Tuesday. Several Presidential Candidates including Hassan Ali Kheire, Abdikarim Guled and Dahir Mohamud Gelle have boycotted the conference they deem to be a platform for Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud, two former Somalia Presidents. © Puntland Post, 2021 The post Somali Youth Groups ‘Oppose Warmongering in Mogadishu’ appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — A disgruntled group of policemen has attacked Garowe Central Police Station and managed to forcibly release Mohamed Dahir, the former commander of the Municipality Force, from custody. Mr Dahir was detained after he had refused to hand over responsibility to a new commander. Garowe authorities have arrested two policemen who “took part in the raid”. The same group of policemen, now armed with a vehicle-mounted browning machine gun, returned to Central Police Station and released the two policemen arrested for collusion with the group who raided the Garowe Central Police Station a few hours ago. Several policemen at the police station were wounded in the attack. Policemen who stormed the police station reportedly belong to a batch of rookie cops trained in Qardho. Puntland Police Force has not commented on an incident many locals view as a sign that recruitment standards of the police force had deteriorated significantly. © Puntland Post, 2021 The post Disgruntled Policemen Storm Garowe Central Police Station appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in la saaray cadaadiskii ugu dambeeyay ee dhinaca beesha caalamka, iyadoo shirar gaar gaar ah oo laga yeeshay xaaladda Soomaaliya laga soo saaray farriimo adag. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubno sare oo ka tirsan QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka iyo UK ay Madaxweyne Farmaajo hor dhigeen laba qodob oo kala ah. 1- In uu dib ugu laabto shirkii looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya ee teendhada Afisyoone, islamarkaana uu xaliyo khilaafka doorashada Soomaaliya. 2- In uu iscasilo haddii uu diido ku laabashada shirka ama uu xalin waayo muranka doorashada Soomaaliya oo gaaray heerkii ugu sarreeyay. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Farmaajo uu saaran yahay culeys xooggan oo dhanka dibadda ah. Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa in si isdaba joogb ah ay ula soo xariiraan wakiilada beesha caalamka ee dalalka Mareykanka, UK iyo France iyo ururada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. Kulankii Golaha amaanka ee QM xalay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa loo oo jeediyay saddex qodob, kuwaas oo kala. 1- In dowladda iyo maamulada dalka ay ku laabtaan shirkii Afisyooni. 2- In la dhaqan geliyo heshiiskii 17-Sep, ee doorashada Soomaaliya. 3- Iyo in la saxiixo is afgaradkii guddi ee Baydhabo lagu gaaray 16-kii Feb ee sanadkaan, kaas oo ku aadanaa doorashada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu warramayaa inuu weli ka dhego adeegayo inuu ka laabto muddo kororsiga, mana cadda sida ay xalaaddan ku dhammaan doonto. The post Xog: Beesha caalamka oo Farmaajo ku cadaadineysa inuu sameeyo laba midkood appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Martial Court today sentenced eight men to death by a firing squad. Ayn and Mudug Martial Court foun the eight men guilty of carrying out assassinations as members of Al-shabaab. The Martial Court Prosecutor reading the court’s ruling against eight Al-shabaab members. For the last eight months Galka’yo saw the highest number of terrorist attacks in Puntland. Al-shabaab cells have masterminded the assassination of the former Mudug Governor and several journalists who spoke out against the presence of Al-shabaab operatives in the divided city. The eight men have thirty days to appeal the martial court’s ruling. North Mudug regional authorities have pledged to strengthen coordination between security agencies to fight the “scourge of Al-shabaab”. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Martial Court Sentences Eight Al-shabaab Members to Death appeared first on Puntland Post.
-
The UN Security Council members on Tuesday rejected President Farmaajo’s extension of term, but endorsed efforts of the African Union to help parties resolve an electoral impasse. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa maanta weeraray saldhiga bartamaha magaalada Garoowe, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay labo askari. Ciidamada weeraray saldhiga ayaa watay gaari tikniko ah, waxayna xoog kula baxeen taliyihii hore ee ciidamada dowladda hoose ee degmada Goroowe oo la xiray markii uu diiday xilka qaadis lagu sameeyay. Sidoo kale ciidamada ayaa mar kale xoog u la baxay labo askari oo ka tirsanaa saldhiga oo loo xiray ku lug lahaanshaha weerarkii hore. Ciidamada saldhiga Garoowe weeraray ayaa kamid ahaa ciidamo Boolis ah oo dhawaan lagu soo tababaray xerada Xorgoble ee Qardho. Booliska Puntland ayaa ka hadlin falkan, waxaana xiriiro aan la samaynay saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dhacdadan. PUNTLAND POST The post Ciidamo weerary saldhiga dhexe ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa lagu sheegay in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ay khilaaf ka dhex abuurayaan golaha dhexdiisa, iyadoo arrintaas aad loogu dhaleeceeyey qoralkaan. “Waxaan ogsoonahay in abaabul xoogan oo lagu kala dhantaalayo awooda golaha mudaba uu ka soctay xaafiisyada dowladda waqtigeedu dhamaaday, iyadoo qaar kamid ah xubnaha golaha laga hadalsiinayo, loona isticmaalayo dano guracan, waa in ay ogaadaan xubnaha golaha in xeer qaba doono, cid kasta oo ku xad gudubta danta guud ee loo aas-aasay Golaha Hogaaminta Habaragidir,” ayaa lagu yiri qoraalka. War-saxaafadeedka oo dheer ayaa intaas ku sii daray, “GHH himaladli iyo Hilgsigii uu u qabay doorashada Soomaaliya waxay ahayd in shacabka Soomaaliyeed helaan doorasho hufan, xalaal ah, la isla ogolyahay, isla marahaantaasna lagula kala wareego xukunka si nabadgalyo ah, oo dhamaan saamilayda siyaasada Soomaaliya laga tixgaliyo, si looga gudbo dib u dhaca iyo xasarad dalka ka dhacda.”` Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa sidoo kale qoraalkaan ku sheegay inay u muuqato khatar siyaadeed iyo mid amni oo ku gedaaman habraacii ‘sharciga baalmarsanaa ee uu ku dhaqaaqay Golaha Shacabka baarlamaaka Soomaaliya’ kaas oo mudo kordhin u sameeyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, halka madaxweynuhuna uu deg deg ku saxiixay. “ GHH waxaa uu ka digayaa khatarta kor aan kusoo xusnay oo umadda Soomaaliyeed ku yeelan karta saameyn taban oo aan si dhow looga soo kabsa karin, wax kasta oo ka yimaada isku dhajinta kursiga oo halis ku ah dalkeena kasoo banaya qalalaase 3o-sano jirsaday, waxaa masuuliyadeeda qaadi doona madaxwaynaha iyo hogaanka golaha shacabka ee muda xileedkoodii sharciga ahaa wada dhamaaday,” ayaa lagu yiri qoraalkan. Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada in xiligaan adag ay badbaadiyaan dalka iyo dadka Soomaallyeed, iyagoo kaashanaya saamileyda kale ee siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan. “Waxaa uu qayb ahaa Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir, soona dhawaynayaa wixii ka soo baxay shirweynilhii beelaha Mogadishu Clan ee Isniintii shalay Muqdisho ka dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalkan. The post Golaha Hoggaaminta beesha Habargidir oo war kasoo saaray xaaladda dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya sababta rasmiga ah ee Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uga baaqdeen shirkii beelaha Mogadishu Clan, oo la filayey inay uga dhowaaqeen mowqifkooda ku aadan muddo kororsiga Farmaajo. Sida aan xogta ku helnay, Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa xubnaha mucaaradka ah u sheegay in ay dib ugu laaban doonaan degaanadooda islamarkaana ay kulamo la qaadan doonaan baarlamaanka, golaha wasiirada iyo ururada bulshada rayidka, islamarkaana ay kadib caddeyn doonaan mowqifkooda ku aadan arrinta muddo korarsiga. Xogta aan helnay ayaa tilmaameyso in labadaan Madaxweyne ay u sheegeen mucaaradka in ay soo saari doonaan war-saxaafadeed wadajir ah, islamarkaana aysan ka qeyb geli karin shirkii aaya ka tashiga Mogadishu Clan iyagoo aan wadatashiyo la sameynin maamulada ay matalaan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha mucaaradka ah ay ku qanceen hadalka labada madaxweyne, islamarkaana ay ka qabaan rajo wanaagsan in ay helaan mowqifkooda ku aadan arrimaha doorashada Soomaaliya. Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shalay ka baaqsaday shirkii aaya ka tashiga Mogadishu Clan, waxaana soo baxayay warar sheegaya in ay uga baaqdeen cadaadis uga yimid dhinaca Villa Somalia oo shirkaasi diidaneed. Beel Weynta Mogadishu Clan ayaa shalay si cad u diiday muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaana shirkaas ka maqnaa Madaxweyne Galmudug iyo HirShabeelle oo shirka la rajeynayay in ay ka soo qeyb galaan maadaama ay beesho degto degaanada iyo meelo kale oo Soomaaliya kamid ah. The post Xog: Sababta ay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay uga baaqdeen shirkii Mogadishu Clan appeared first on Caasimada Online.
-
Waysadu waa lafdhabarta salaadda, iyada la’aanteed salaad lama aqbalo sida ka sugan Rasuulka Xadiiska Abu Hurayra warinayo ee Bukhaari soosaaray, “Ilaahay ma aqbalo salaad aan wayso lahayn.” Waa wax cad in aanay suurtagal ahayn qof aan wayso qabin in uu salaad tukado, laakiin waxa la iswaydiiyaa qofka maydhay isaga oo aan waysaysan ma tukan karaa? Su’aashaa waxa keenay xadiiska Caasha ee sheegay: Rasuulku kolka uu maydho muu waysaysan jirin. Fahanka iyo sharraxa xadiiskan fuqahadu waxay ku soo ururiyeen in maydhashada la jeedaa ay tahay midda jinaabada oo ay leeyihiin qofku hadduu maydhashada ka hor waysaysto oo aanay waysadu ka jabin kolka uu maydho wayso uma baahna. Xadiiska Caasha ee ah: “Rasuulku kolka uu maydho muu waysaysan jirin.” Fahannada laga qaato waxa ka mid ah qofka oo maydhasho qabowsi ah maydhay in uu tukado isagoo aan waysaysan isagoo dhaqangelinaya xadiiskan. Fuqahadu waxay si cad u sheegeen in aan la khalad fahmin xadiiska oo lala akhriyo axaadiiska kale ee mawduucan ay ka wada hadlayaan. Fuqahadu waxay leeyihiin maydhashada caadada ah ee qofku naftiisa u qabowsanayo ama isku nadiifinayo iyo midda cibaadada ah ee jinaabo ama xayd laga maydhanayo waxa kala saarta ee u dhaxaysaa waa niyadda. Niyaddaa caadada iyo cibaadada kala saarta kolkaas maydhashada aan cibaado ahayn lagu dhaqangelin maayo xadiiskan. W/Q Cabdirisaaq Rakuub Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Urur Goboleedka IGAD ayaa goordhoweyd war-murtiyeed kasoo saaray xaalada dalka, gaar ahaan dalabkii uu dhawaan madaxeynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo u gudbiyay guddoomiyaha Midowga Afrika ee madaxweyne Congo, Felix Tshisekedi. IGAD ayaa soo dhaweeysay “hindisaha la soo jeediyay ee dib wada-hadalada loogu bilaabayo Saamileyda siyaasadda dalka,” si loo xalliyo xaalada cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya. Waxay sheegtay in dhinacyada is-diidan ee saamileyda siyaasada ay fursad siiyaan hidisahaan cusub, si loo galo wada-hadal furan oo miro-dhal ah. “IGAD waxay markale ku celinaysa in wada-hadalku uu weli yahay midka ugu fiican ee isku-xirnaanta qaran, siyaasad loo dhan yahay, dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta, amniga aadanaha iyo xasilloonida,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay IGAD. Sidoo kale waxay hogaamiyeyaasha IGAD ugu baaqeen siyaasiyiinta Soomaalida inay is-xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojin karta xiisada taagan, midaasi oo keeni karta isku dhac dhex-mara dhinacyada is-diidan. “Waxa ku boorineyna dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, oo dib loogu celiyo meel furan, ayada oo la galayo wada-hadal hufan oo wax ku ool ah, kaasi oo dan u ah dadka Soomaaliyeed iyo in hore looga socdo dib u dhaca siyaasadeed.” Si kastaba, wada-hadallada ay IGAD boorineyso ayaa waxaa hore u diiday Madasha Badbaado Qaran, ayada oo sheegtay in isku dayga uu yahay mid Farmaajo uu dadka ku maaweelinayo, waqtigana kusii dheereysanayo. Qoraalka IGAD ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday u ambabaxay dalka DR Congo, kana codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaalida ee ku muransan arrimaha doorashada. Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxtooyada DRC ayaa sidoo kale qoraalo ay soo saareen ku xaqiijiyey in Farmaajo doonayo in madaxweyne Félix Tshisekedi uu saamileyda Soomaalida u qabto wada-hadallo lagu gaaro heshiis doorasho, oo aan la shaacin nooca ay yihiin. Xaalada Soomaaliya ayaa kasii dartay, tan iyo markii uu soo baxay qaraarka Golaha Shacabka ee uu muddo kororsiga ugu sameeyay Farmaajo, lamana oga in saamileyda siyaasaddu ay aqbali doonaan wada-hadal dhex-mara madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo asagu sii dheereystay xukunka dalka. The post IGAD oo war kasoo saartay wada-hadallada cusub ee laga qorsheynayo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Anakara)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa u yeedhay safiirka Sweden ee Ankara, si ay uga ashtakooto xidhiidh dhex maray laba wasiir oo Swedish ah iyo xubnaha ka tirsan kooxda Ciidamada Dimoqraadiga Syria (SDF), oo Ankara ay u aragto urur argagixiso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasi. Turkiga ayaa SDF u aragta inay ka tirsan tahay kooxda PKK ee Kurdish-ka ee dalkaas laga mamnuucay, taasi oo dagaal tobaneeyo sano socda ku qaadeysay Turkiga. Ankara ayaa sheegta in kooxda Kurdish-ka Syria ee YPG, oo ah garabka militari ee SDF, ay ka dhalatay PKK. Ilo-wareedyada Turkish-ka ayaa ayaa sheegay in safiirka Sweden looga wacay wasaaradda, sababo la xidhiidha wada-hadal video ah oo dhex maray Wasiirka Difaaca Sweden Peter Hultqvist iyo xubno sare oo ka tirsan SDF. Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in wada-hadalladan ay yimaadeen waxyar un kadib markii uu xidhiidh dhex-maray Wasiirka Arrimaha Dibedda Sweden Ann Linde iyo “argagixisada.” Safiirka ayaa lagu yidhi in Turkiga ay “si xooggan u cambaareysay” xiriirka, islamarkaana “siyaasadaha halista ah ee Sweden aysan taageereyn kaliya kuwa beegsanaya madax-banaanida Syria iyo amniga Turkey, balse ay ka dhigan yihiin xadgudub cad oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga, ayna sidaas darteed waxyeeleynayaan xiriirkeena,” ayey yidhaahdeen ilo-wareedyada. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sweden ayaa xaqiijisay in loo yeeray safiirka, waxayna sheegtay in dowladda aysan la kulmin ururada ku jira liiska ururada argagixisada ee Midowga Yurub. Reuters Source