-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Addis Ababa)-Sida uu shaaciyay Komishinka doorashooyinka ee Itoobiya waxaa laba toddobaad lagu daray wakhtigii loogu talagalay diwaangelinta codbixiyeyaasha. Komishinka ayaa sheegay in qaybo kamid ah ay u muuqatay mid dib u dhac ka jiray dhinaca furidda xarumaha qaar ee diwaangalinta codbixiyeyaasha. Dhinaca kale degaannada Soomaalida iyo Canfarta oo ka mid ah goobaha uu dib u dhacu ka jiray ayaa iyaga si gaar ah loogu kordhiyay saddex toddobaad inay ka socoto hawlaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha. Guud ahaan dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay dhawaan ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, inkastoo dadka falanqeeya siyaasadda ay ka dayrinayaan siday u qabsoomayso doorashadan, iyadoo dalka qaybo kamid ahi colaado ka jiraan. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Iyadoo ay sii kordhayso Baahida Gargaarka Samafalka ee Geeska Africa ayaa waxa ay Guddiga Midowga Europe ku dhawaaqeen Kaalmo cusub oo la siinayo dalalka Geeska Africa sannadkan 2021-ka. Madaxa Ururka EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Maaraynta Xasaradaha, Janez Lenarčič ayaa waxaa uu shaaciyey inay 149 million oo Euro ( €149 million) u qoondeeyeen Kaalamada Samafalka ee la siinayo dalalka Geeska Afrika. Waxa kale oo uu tilmaamay inay Malaayiin qof ku dhibaataysan yihiin Geeska Afrika, kuwaasi oo uu sannadkii hore saameeyey Colaado iyo Barakaca, isla markaana ay soo waajahday saddex cabsiyood oo kala ah Waxyeellada Ayaxa, Isbedelka Cimilada iyo Xanuunka COVID 19. Kaalmadda cusub ee loo fidinayo dalalka Geeska Afrika ayaa la sheegay in loo adeegsan doono Taageeradda Nolol-badbaadinta sida Cuntada, Nafaqaynta, Caafimaadka iyo Badbaadada iyo inay Kaalmadaasi si toos ah u gaadhan dadka u baahan. Dhinaca kale, Madaxa EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Maaraynta Xasaradaha, Janez Lenarčič waxa uu xusay in Kaalmada cusub lagu taageeri doono Mashaariicda Samafalka (Humanitarian Projects) ee ka kala socda dalalka Somalia, Djibouti, Sudan, Kenya iyo Uganda. Kharashka loo qoondeeyey dalalkaasi ayaana kala ah: 1- Somalia 42.5million oo EURO (€42.5 million), 2- Djibouti 500,000 oo EURO (€500,000), 3- Sudan 52 million oo EURO (€52 million), 4-Kenya 14 million oo EURO (€14 million), 5- Uganda 32 million oo EURO (€32 million). Waxaa intaasi dheer 8 million oo EURO (€8 million) oo loo qoondeeyey dadaallada lagaga hortagayo Khatarta Ayaxa Lama-degaanka ku hayo Beeraha dalalka Geeska Africa. Qoraalka ka soo baxay Midowga Europe waxaa kaloo hore loogu shaaciyey Kaalmo cusub oo Samafal oo la siiyey Ethiopia iyo South Sudan. Ethiopia waxaa la siiyey 53.7 million oo EURO ( €53.7 million), halk dalka South Sudan la siiyey 43.5 million oo EURO (€43.5 million). Kaalmadaasi ayaa la bixiyey Booqashadii uu Madaxa EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Maaraynta Xasaradaha, Janez Lenarčič dhawaan ku tegay labadaasi dal. W/Q: Ustaad Nuradin Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in markale ay kulan gaar ah ka yeeshaan xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee is mari-waaga doorashooyinka. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa qaban-qaabinaya ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo kaashanaya qaar kamid ah safiirada Dalalka qaar sida UK. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay kulankan uga hadlayaan xaaladda cakiran ee dalka iyo diidmadooda ku aadan muddo kororsiga uu sameeyey golaha shacabka. Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa diirada saari doono go’aan gaarista tallaabada xiga ee ay qaadi doonaan, si xal loogu helo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya. Beesha caalamka ayaa horey u shaacisay inay kasoo horjeedo muddo kordinta labada sano ah ee loo sameeyey hay’adaha dowladda, iyadoo ku baaqday wada-hadalladii fashilmay. Si kastaba Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah oo ka dhalatay tallabaadii baarlamaanka, taas oo ay sidoo kale ka horyimaadeen maamullada qaar iyo mucaaradka The post Xubnaha beesha caalamka oo markale ka shiraya xaaladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo ay ku beegan tahay 24 bishaan April ee 2021-ka u fariisatay dhageysiga dacwadda dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun. Fadhiga maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ah saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada, rag loo heysto dilka marxuumka, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kale. Maxkamadda ayaa waxaa loo horgeeyey cadeymo la xiriira sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo ay toogteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa la filayaa inay go’aan kasoo saarto kiiskan oo horey guddi gaar ah loogu xil-saaray, kaas oo baaritaan dheeraad ah kusoo sameeyey dhacdadaasi, wuxuuna guddigu shaaciyey in si bareer ah loo toogtay marxuumka. Allaha u naxariistee Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa xilli habeen ah 21-kii Janaayo ee sanadkan lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay wadanka Turkiga. The post Maxkamadda ciidamada oo billowday dhageysiga dacwada dilkii Dhagajuun appeared first on Caasimada Online.
-
Qabiir xagga diblomaansiyadda ah Jeffrey Feltman, ayeey Jimcihii dowladda Mareykanka u magacawday inuu ergay gaar ah uga noqdo geeska Africa Washington ayaa il gaar ah ku heyso dhibaatooyinka ka jira geeska Africa oo ay ku jirto dagaalada ay Tigreeda ku lug leeyihiin ee ka soda ethiopia. Dhibaatooyinka kale ee Feltman Laga doonayo in uu xal u raadiyo waxaa ka mid ah Khilaafka ethiopia, egypt iyo Sudan ee biya xireenka wabiga Nile iyo arrima kale . Mr Feltman ayaa horay uga soo shaqeyay meela badan oo ay ka mid tahay North Korea, Iraq, Qudus, wuxuu kaloo Mareykanka Ambasador uga noqday Lubnan . Source: goobjoog.com
-
Somalia’s embattled president has hired a US lobby shop to help build inroads with Congress amid growing criticism from the Joe Biden administration over stalled elections in the East African country. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Ammaanka Qaramada Midobay ayaa war ka soo saaray xaaladda Ismari-waaga ah ee ka jirta Soomaaliya, kadib mudda kordhintii Farmaajo iyo Xildhibaano taabacsan ay sameyeen . Qoraal ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa waxaa walaac looga muujiyay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Hogaamiyayaasha iyo Saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyadoo loogu baaqay in ay si deg deg ah dib ugu noqdaan Wada hadalada Doorashada . Waxaa sidoo kale Golaha ay sheegen in Heshiiskii 17-September uu yahay aas aaska kaliya ee doorashooyinka Soomaaliya . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Xubnaha Golaha Ammaanka waxay walaac xooggan ka muujiyeen sii socoshada is-mari-waaga siyaasadeed iyo khilaafka u dhexeeya madaxda siyaasadda ee Soomaaliya ee ku aaddan hanaanka doorashooyinka. Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u milicsadeen horumarka ballaaran ee laga sameeyay Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan sugidda amniga, dimoqoraadiyadda, dib u hagaajinta siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan deyn cafinta. Waxay ku amaaneen dadka Soomaaliyeed, mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, Midowga Afrika, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo dalalkooda ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ee caalamka dowrkooda ku aaddan dadaaladaas. Xubnaha Golaha Ammaanka waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafka taagan ee ku saabsan hanaanka doorashada uusan ahayn kaliya mid baabi’inaya horumarkan lagu gaaray dadaalka badan laakiin sidoo kale wuxuu diiradda ka weecinayaa dhibaatooyinka mugga leh sida fatahaadaha, abaaraha, ayax duureedka, aafada COVID-19, iyo la dagaallanka khatarta argagixisada Al-Shabaab. Waxay carrabka ku adkeeyeen in is-afgarad laga gaaro arrimaha doorashooyinka ay taageero u noqon doonto isla markaana fududeyn doonto horumarka iyo horumarinta joogtada ah ee Soomaaliya iyo dadkeedaba. Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen in is-afgaradku muhiim u yahay hanaan kasta ee doorasho si looga guul gaaro. Waxay xuseen in heshiiskii 17kii Sebtember uu weli yahay aasaaska kaliya ee ilaa iyo hadda ay ansixiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Sidaas darteed, Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ugu baaqeen dhamaan dhinacyadu inay diidaan cunfiga [rabshadaha] oo ay dib u billaabaan wadahadalka si degdeg ah oo aan shuruud ku xirnayn. Waxay ugu baaqeen madaxda Soomaaliyeed inay aqoonsadaan oo ay ka amba-qaadaan qodobadii badnaa ee horay looga heshiiyay, si ay u xalliyaan khilaafaadkooda harsan oo ay wax walba ka hormariyaan danta dadka Soomaaliyeed, iyadoo laga wada shaqaynayo geeddi-socod doorashooyin oo ay Soomaali leedahay, Soomaalina hogaanka u hayso, lana helo jadwal lagu heshiiyey, sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah. Waxay mar kale ku celiyeen inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan [arrimahaas] iydoo loo marayo Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo kaashanaya AMISOM, Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo saaxiibada caalamka. Xubnaha Golaha Ammaanku waxay tixgeliyeen wadahadalkii Madaxweyne Farmaajo uu magaalada Kinshasa kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga ah ee Congo ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, Felix Tshisekedi 19kii Abriil. Waxay taageero u muujiyeen oo ay dhiirigeliyeen dadaallada caalamiga ee gobolku horkacayo ee gacanta looga geysanayo sidii dhinacyada dib loogusoo celin lahaa miiska loona fududayn lahaa wadaxaajoodyo loo dhanyahay. Xubnaha Golaha Ammaanku waxay tixgeliyeen war-saxaafadeedkii IGAD ee 21kii Abriil iyo war-murtiyeedkii Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee 22kii Abriil. Waxay taageero u muujiyeen Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud, James Swan, iyo dadaallada Midowga Afrika iyo IGAD ee gacanta ka geysanaya xallinta is-mari-waaga taagan. Xubnaha Golaha Ammaanku waxay cambaareeyeen dhamaan weeraradii argagixiso ee ka dhacay Soomaaliya iyo gobolkaba waxayna mar kale xaqiijiyeen xurmaynta gobannimada, madax-banaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Khasaaro Ka Dhashay Iska Horimaad Ka Dhacay Magaalada Qudus
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
In ka badan 100 Falastiiniyiin ah iyo 20 booliis Israel ah ayaa lagu dhaawacay iska horimaad rabshado wata oo dhacay habeenimadii xalay, ka dib markii Israa’iiliyiinta midigta-fog ay socod ku mareen Bariga Qudus ee la haysto iyagoo ku dhawaaqayab erayo ka dhan ah Falastiiniyiinta . Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay inay daweeyeen ugu yaraan 105 qof, iyadoo qaar ka mid ah la dhigay isbitaalka. Booliska Israa’iil ayaa sheegay in 20 sarkaal lagu dhaawacay iska horimaadka , iyadoo saddex ka mid ah loo qaaday isbitaalka. Rabshadaha ayaa ka qarxay ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka laga soo galo magaalada Old City, isku dhacyada kadib ayeey kooxihii Yahuudda joojiyeen banaanbixi ay wadeen. Boqolaal booliis Israel ah oo wata dharka rabshadaha ayaa xiray aagga si looga hortago in dadka reer Israel iyo Falastiiniyiintu uu sii xoogeysto rabshadahooda . 13-kii Bishaan ayey aheyd markii sidan oo kale ay Rabshado ay ka dhaceen Magaalada Old City , iyadoo Falastiiniyiintu ay ka cabanayaan in booliisku ay xireen goob caan ah oo ay Falastiiniyiinta isugu yimaadaan Dhamaadka Bisha barakeysan ee Ramadan “Falastiiniyiintu waxay jecel yihiin inay ku nastaan aaggaan salaadda maqrib kadib Masjidka Al-Aqsa, laakiin Yahuudda ma jecla. , ”ayuu yiri Mohammad Abu al-Homus oo deggan magaalada Qudus, xilli uu la hadlaya Aljazira News . GoobJoog #Watch ,How the group of occupation soldiers brutally assaulting Palestinian youth in the occupied city of Jerusalem. The situation is too hard,so My friends, please Pray more for the Palestinian people of Jerusalem.#القدس_تنتفض #القدس #فلسطين #رمضان #Jerusalem #Palestine pic.twitter.com/yYzP3ZWvSz — Islam Essa#Gaza (@IslamEssa_Gaza) April 24, 2021 The moment when the dozens of worshipers were managed to enter Al-Aqsa Mosque after occupation forces attempts to prevent them throughout Bab Hutta Gate. It's a proud moment,May Allah make us see a real victory#القدس_تنتفض #القدس #فلسطين #رمضان #Jerusalem #Palestine pic.twitter.com/04tFxWpjgk — Islam Essa#Gaza (@IslamEssa_Gaza) April 23, 2021 Source: goobjoog.com -
The UN Security Council adopted a statement Friday calling on parties in Somalia "to reject violence and resume dialogue as a matter of urgency and without precondition," underscoring its concern over the country's political crisis. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu xafiiska sii joogi doona illaa doorasho ay ka dhacdo dalka. Farmaajo oo wareysi siiyey wargeyska Buffalo News ee dalka Mareykanka, oo kasoo baxa magaaladii uu ka yimid ee Buffalo ee gobolka New York ayaa yiri “Weli waan joognaa markii uu muddo xileedkeenu dhammaaday bilo kahor, sababtoo ah dalka ma huri karo firaaq, firaaq dhanka xukunka ah.” “Sidaas darteed illaa ay doorasho ka dhacdo, xafiiska waan sii joogi doonaa, sababtoo ah kama tagi karo, yaa hoggaaminaya dalka haddii aan baxo, sababtoo ah waxaa loo baahan yahay dowlad sharci ah oo xafiiska la wareegta, oo ku timaada doorasho,” ayuu yiri. Farmaajo ayaa wargeyska u sheegay in labada sano ee uu ku kororsaday muddo xileedka ay tahay “isbeddel nidaam doorasho,” wuxuuna ku adkeystay in waqtigan dheeri ah uu ku qaban karo doorashooyin ay shacabka doortaan wakiiladooda, inkasta oo ay jirto in afartii sano ee uu xukunka hayey aanu maalinna ka shaqeyn doorasho noocaas ah. Waxa uu sidoo kale ka jawaabay cambaareynta Mareykanka iyo Yurub ee ka dhanka ah muddo kororsiga. “Tan ma ahan muddo kororsi. Tani waa isbeddel nidaamka doorashada ah. Waxayna u baahan tahay waqti in doorashada la qabto, dabcan.” “Doorashada dadban ma ahan doorasho, waa hanaan xulasho, sababtoo ah hoggaamiyayaasha qabaa’ilka ayaa xulaya xubnaha baarlamanka, kuwaas oo kadibna dooranaya madaxweynaha. Tani ma ahan hanaan dimoqraadi ah. Hase yeeshee doorashada qof iyo cod ah ayaa ah doorasho, taasi oo siineysa muwaadinka xuquuq uu ku codeeyo. Waxaan fileynay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay tani taageeri doonaan – oo aysan diidi doonin,” ayuu yiri. Si kastaba, Farmaajo oo xafiiska joogay afar sano ayaan xitaa hal maalin ka shaqeyn qabashada doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ah mid ka mid ah sababaha loo rumeysan yahay inay tahay qiil xukunka lagu dheereysanayo, maadaama la ogyahay inaysan dhici karin. Farmaajo oo la weydiiyey haddii uu xafiiska ka tegi doono haddii doorasho looga adkaado ayaa yiri “Haa dabcan, dhab ahaantii, ka laba labeyn la’aan.” The post Madaxweyne FARMAAJO: “Xukunka anigaa sii haynaya illaa ay doorasho ka dhacdo” appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu dhowaan ergey cusub oo gaar ah usoo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda dalka, kadib go’aankii kasoo baxay Golaha Nabdda iyo Ammaanka ururka. Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in ergeygan laga yaabo inuu noqdo madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone Ernest Bia Koroma, isaga oo taageero ka helaya qaar ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika oo magacaabistiisa aad ugu ololeynaya, sida Nigeria, Ghana, Sierra Leone iyo Senegal. Dalal oo u badan kuwa waqooyiga Afrika ayaa iyana u ololeynaya xoghayihii hore ee Jaamacadda Carabta Camr Mussa, inkasta oo ay u badan tahay in loolanka xilkan uu ku adkaado Ernest Bia Koroma. Go’aanka Midowga Afrika ayaa yimid kadib markii Farmaajo uu ka codsaday madaxweynaha dalka DR Congo, ahna guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo Soomaalida, hase yeeshee dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sheegaya in Farmaajo uusan marnaba fileyn qaraarkii adkaa ee Midowga Afrika ee sida weyn loogu cambaareeyey muddo kororsiga. Wargeyska Afrika Intelligence ayaa qoray in Kenya, oo ay xiisad kala dhaxeyso Farmaajo, ay kaalin weyn ku laheyd in Felix-Antoine Tshisekedi uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ayada oo Uhuru Kenyatta uu booqday Kinshasa, maalin kadib markii uu kasoo laabtay Farmaajo, taasi oo ay suurta-gal tahay in Kenya ay kaalin ka cayaartay jabkii siyaasadeed ee uu Farmaajo kala kulmay Midowga Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa qaraarka kahor ka digtay in Kenya iyo Jabuuti ay faro-gelin ku hayaan go’aanada Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, hase yeeshee dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan inay aheyd diblomaasiyad xumo iyo garasho la’aan siyaasadeed in Farmaajo uu fahmi waayo waxa ka dhaxeeya Uhuru Kenyatta iyo Felix-Antoine Tshisekedi, kahor inta aanu tegin Kinshasa. Eregyga cusub ee Midowga Afrika ayay suurta-gal tahay inuu horseedo in Farmaajo uu xilka isaga tago. Sidan oo kale, ayaa sanadkii 2010 waxay Midowga Afrika ergay gaar ah usoo magacaabeen Soomaaliya kadib markii barlamaankii xilligaas uu samaystey muddo kororsi, ergeygaas oo ahaa madaxweynihii hore ee Ghana Jerry Rawlings. Xilligaas ayaa waxaa dalka ra’iisul wasaare ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dadaalladii Jerry Rawlings ayaa ku dhameeyey heshiiskii Kampala Accord ee uu ku baxay Farmaajo. The post Warbixin: Ergeyga la filayo in M/Afrika uu soo diro iyo qalad siyaasadeedkii Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay Galmudug ay ciidamadii ugu badnaa geysay koonfurta gobolkaasi, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka bilaabay duleedka magaalada Wisil. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa daraawiishta maamulkaasi ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo cusub ka sameysteen deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug. Ujeedka dhaq-dhaqaaqyadan ay Galmudug ka billowday gobolka Mudug ayaa waxaa lagu sheegay in looga hortegayo weeraro ay Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay booqdaan gudaha deegaanadaasi mas’uuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, si ay iyana qeyb uga noqdaan gulufka ka dhanka ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale baqdin iyo wal-wal ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Galmudug ay wajaheysay weeraro uga imaanayey dhanka Al-Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug. The post Sawirro: GALMUDUG oo ciidankii ugu badnaa geysay koonfurta Mudug + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in go’aanka Midowga Afrika ee la xiriira ismari-waaga siyaasadeed ee Soomaaliya uu ahaa mid adag, marka loo fiiriyo habka ay uga hadleen, taas oo ah wax aan horey looga fileynin, sidaas oo ay tahayna madaxweyne Farmaajo uu ku qasban yahay inuu qaato. Dr. Jibriil Cali Aw Maxamed, oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in arrintaan ay waji gabax ku tahay dowladda Soomaaliya. “Runtii, marka hore dowladda Soomaaliya arrintaan waxay ku tahay waji gabax, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga ayaa u safray dalka DR Congo, si uu ula kulmo guddoomiyaha Midowga Afrika, isaga ayaana codsaday in Afrika ay arrinta soo kala dhex gasho,” ayuu yiri Jibriil oo BBC-da u waramayay. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay soo dhoweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowrka fududeynya, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay. Arrintan waxay soo baxday kaddib markii, dhawaan wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa, Madaxweyne Felix Tshisekedi, oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika. Dr Jibriil Cali Aw Maxamed ayaa qaba in booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Congo, iyo kulankaas uu dhigiisa la yeeshay, ay qasbayso in uu hadda u hoggaamsamo warka ka soo baxay Midowga Afrika. “Haddii dowladda ay ku adkeysan lahayd ‘innagu dal qaran ah ayaan nahay oo hay’addaha yaga ayaa wax maareeynaya innagaa heshiineyna’, waa laga haybsan lahaa, laakin maadama uu qoor dhiibtay oo uu yiri ‘Afrika ayaa arrinta fududeynaysa’ hadda wuxuu ku qasban yahay madaxweynaha inuu raaco,” ayuu yiri Jibriil. Si kale, haddii loo dhigo hadalka Jibriil ayaa ah in Farmaajo uu sheegay inuu ku qanco xal Afrikan ah, haddana xalkii Afrika uu noqday inuu la diido muddo kororsigiisa. The post Hal sabab oo madaxweyne Farmaajo ‘ku qasbeysa’ inuu aqbalo go’aankii M/Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Midowga Yurub oo qorsheynaya inay dacwad ku oogaan shirkadda AstraZeneca Midowga Yurub ayaa qorsheynaya inuu dacwad ku soo oogo shirkadda dawooyinka sameysa ee AstraZeneca, ka dib markii muddooyinkii ugu dambeeyey ay dhibaatooyin xagga caafimaadka ah kala kulmeen dadyow badan oo qaatay tallaalka COVID-19 ee shirkadaasi ay soo saartay. Wadamo badan oo Yurub iyo caalamka kale ah ayaa hadda joojiyey isitcmaalka Tallaalkan ka dib markii dadka qaar uu dhiigooda xinjiroobay, halka qaarna kalena la sheegay inay u dhinteen. AstraZeneca ayaa sidoo lagu haystaa inaysan ixtiraamin qandaraasyo ay la gashay Midowga Yurub, ayna la habsaantay shixnado talaal ah oo laga sugayey. Somaliland & Somalia ayaa ka mid ah dalalka Tallaalkan uu gaadhay isla markaana ay dad badan qaateen, hase yeeshee ma jiraan cabashooyin soo yeedhay oo tibaaxaya in lagala kulmay dhibaatooyin caafimaad darro. Qaran News
-
Midowga Yurub oo taageeray Go’aankii Golaha Midowga Africa ee lagu canbaareeyay Mudo-korodhsiga Farmaajo Midowga Yurub ayaa taageeray go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ku saabsaneyd xaalada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. War ka soo baxay Qoraal ka soo baxay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga Joseph borrell ayaa lagu sheegay In Midowga Yurub uu taageersan yahay diidmada muddo kordhin kasta, isagoo xusay in si dhaqsi leh loogu laabto wadaxaajoodka, oo uu fududeeyo ergayga Midowga Afrika, si loo gaaro is afgarad dhanka doorashooyinka ah, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 Sebtember 2020. Sidoo kale Midowga Yurub ayaa wuxuu kaloo soo dhoweeyay baaqa ah in Shirka dalal ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) oo lagu qiimeynayo xaalada amni ee Soomaaliya. Ugu danbeyntii Midowga Yurub ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu si dhaw u lashaqeeyo ergayga midowga africa, dhanka kale, wuxuu codsanayaa degenaansho iyo in laga fogaado talaabo kasta oo kale oo sii xumeyn karta xiisada. Qaran News
-
Golaha Ammaanka QM oo war cusub kasoo saaray is-mari waaga doorashada Soomaaliya Xubnaha Golaha Ammaanka QM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay si qoto dheer uga walaacsan yihiin is-mari waaga siyaasadeed iyo khilaafka u dhaxeeya hoggaamiyayaasha Soomaalida ee ku aadan hannaanka doorashooyinka. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in khilaafyada sii socda ee ku aadan hannaanka doorashada aysan baabi’ineyn oo kaliya horumarkii dhibka laga soo maray, balse ay sidoo kale dareenka ka weecinayaan dhibaatooyin joogto ah; oo ay ka mid yihiin daadadka, abaaraha, ayaxa, COVID-19, iyo la-dagaalanka halista kooxda Al-Shabaab. Waxa ay sheegeen in heshiis laga gaaro doorashooyinka uu taagerayo fududeynta si wadista horumarka Soomaaliya iyo shacabkeeda. “Xubnaha Golaha Ammaanka waxay hoosta ka xariiqeen in heshiis la gaaro uu muhiim u yahay hanaan kasta oo doorasho in si guul leh loo fuliyo. Waxay xuseen in heshiiska 17-ka September uu yahay aas-aaska kaliya ee ay taageereen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayanaka. “Sidaas darteed, xubnaha Golaha Ammaanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada Soomaalida inay iska diidaan rabshadaha, dibna u billaabaan wada-hadallada si deg deg ah, ayada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.” Waxay ugu baaqeen hoggaamiyayaasha Soomaalida inay xaliyaan arrimaha harsan, ayna hormariyaan danta shacabka Soomaaliyeed marka hore, ayna si deg deg ah isugu raacaan hanaan doorasho oo leh waqti cayiman. Waxay intaas ku dareen in xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, oo kaashanaya AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo saaxiibada kale ee caalamiga uu diyaar u yahay inuu caawiyo. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyey codsigii Farmaajo uu u jeediyey madaxweynaha DR Congo, ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee ahaa inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxayna taageero u muujiyeen dadaallo gobolka uu hoggaaminayo oo miiska wada-hadalka la isugu keeno dhinacyada Soomaalida. Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa beeniyay in uu wax xiriir siyaasadeed ah la leeyahay dowladda Imaaraatiga Carbeed. Madaxweyne Deni, oo su’aal laga weydiiyay, haddii uu xiriir siyaasadeed la leeyahay Imaaraadka? Ayaa sheegay in aanay jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya isaga iyo dowladda Imaaraaraadka, islamarkaana aysan waxba ka jirin wararka ku saabsan arrintaas. “ Shaarica dee waxaan u sheegayaa in Siciid cabdullaahi Deni xiriir gaar ah oo uu dal adduunka ah la leeyahay uusan jirin mar taas ma jirto” ayuu ku jawaabay madaxweynaha oo wareysi siiyay Dalsan TV. Sidoo kale, wuxu tilmaamay in dowlad goboleedyada Soomaaliya aysan wax xiriir siyaasadeed ah la yeelan karin dal kale “ dowladaha xubnaha ka ah Federaalka cilaaqaad siyaasadeed dalal lama yeelan karaan” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni: Wax xiriir ah lama lihi dowladda Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Amniga Qaramada Midoobay, ayaa mar kale war ka soo saaray muranka ka aloosan siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka dalka. Golaha Ammaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka dhalatay hirgelin la’aanta doorashooyinka. “Xubnaha Golaha Ammaanku waxay muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin sii socoshada cakiran ee siyaasadeed iyo khilaafaadka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya ee ku saabsan qaabka doorashada” ayaa lagu yiri bayaanka “Xubnaha Golaha Ammaanku waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafka taagan ee ku saabsan qaabka doorashada uusan kaliya baabi’in doonin horumarkan dadaalka badan lagu kasbaday laakiin uu sidoo kale ka weecinayo dhibaatooyinka culeyska leh sida daadadka, abaaraha, ayaxa ayaxa, aafada COVID-19, iyo la dagaalanka argagixisada khatarta Al-Shabaab.” PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo mar kale war ka soo saaray arrimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda socdaalka nuhaajiriinta ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen badda Mediterranean, kadib markii ay degtay doon yar oo sidday dad muhaajiriin ah oo ka badan 130-ruux. Warbixin hey’adaasi ay soo dhigtay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in doontaasi oo ka sameysneyd caag ay ku degtay meel Woqooyi kaga began caasimada Liibiya ee Tripoli. Warar ayaa sheegaya inay jiraan laba doonyood oo kale oo ku dhibaataysan badda,xilli hirarka ama mowjadaha badda ay gaaraya 6-mitir . In ka badan 350 qof ayaa la sheegayaa in sanadkan ay ku dhinteen badda Mediterranean . Hay’adda socdaalka muhaajiriinta ee IOM ayaa baaq u dirtay dowladaha si ay dib ugu daabulaan maraakiibta baadigoobka iyo badbaadinta badda Mediterranean-ka. PUNTLAND POST The post In ka badan 100 ruux oo ku dhintay doon ku degtay badda Mediterranean appeared first on Puntland Post.
-
New York - The members of the Security Council expressed their deep concern about the continued political impasse and disagreement among Somalia’s political leaders on the model for elections. Source: Hiiraan Online
-
Ramadaan Kariim, waa mar kale iyo dhigane caafimaad oo aynu ku faaqidayno saamaynta caafimaad ee balwaduhu keenaan iyo weliba sida aynu ugu sixi karno bishan barakaysan ee ramadaan. Maanta waxa aynu gooni u milicsan doonaa sigaarka iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka unkama. Cabidda sigaar-ka ayaa ah mid halis weyn ku haysa caafimaadka aadamaha , hadeerna ka mid ah sababaha ugu badan ee loo dhinto. 2015 dalka Malaysia, waxa ay xaqiijiiyeen in dad ku dhaw 20,000 oo qof u geeriyoodeen masiibooyin ka farcamay sigaarka iyo wixii la hal maala. Sigaar marka aan ka hadlayo waxa aan u jeedaa maaha oo qudha sigaarka ee waxa ku ladhan badeecadda/shiishada iyo buuriga. Waxa la aaminsan yahay in badeecaddu ka dhib badan tahay sigaarka. Sigaarka ayaa ka kooban maadooyin badan oo sun ku ah jidhkeena kuwaas oo keena dhibaatooyin kala duwan. Maadada Nicotine ayaa ah mida keenta in uu qofku la qabsado isla markaana uu sigaarka joogteeyo isticmaalkiisa. Sigaarka ayaa ka kooban maadooyin badan kuwaas oo qaarkood kaba dhashaan gubashada warqada uu ku duuban yahay. Waxa la og yahay in ilaa 70 maado oo keeni kara cudurka kansarku ay ku jiraan tobacco-da/buuri-ga. Maadada Tar ayaa iyana ah maado ku jirta sigaarka ama buuriga. Maadadan ayaa ah mid dhegdheg leh midabkeeduna yahay bunni taas oo ku dhagta ilkaha, cidiyaha iyo sambabada. Carbon monoxide waa maado aan ur iyo dhadhan toona lahayn, hase ahaatee keeni karta mararka qaar ilaa heer dhimasho. Maadadan ayaa unugyada dhiiga ee cas kula tartanta Oxygen taas oo hoos u dhigta xadiga uu qaadi karo dhiigu isla markaana ka yaraato xubnihii jidhka aadamaha. Formaldehyde & Acetaldehyde waa laba maado oo ay isku dhaw yihiin walxaha ay ka samaysan yihiin. Formaldehyde waa maado la xaqiijiyey in ay keeni karto kansarka dadka halka maadada Acetaldehyde ay ku keento kansarka xayawaanka lana tuhunsan yahay in ay ku keeni karto basharka. Si kastaba ha ahaatee labadan maado ayaa keena dhibaato soo gaadha dubka/maqaarka, indhaha, cunaha iyo hab-dhiska neefsiga. Kuma soo koobi karno hal qormo dhibaatooyinka kala duwan ee laga mudan karo cabidda sigaarka, waxa aynu se soo qaadan doonaa xubnaha ugu muhiimsan iyo waxyaabaha uu ku keeno. Cabitaanka sigaarka ayaa hagardaamo gaadhsiin kara maskaxda in kasta oo aan la haynin cilmi baadhisyo badan hadana waxa qaarkood xuseen in sigaarku hoos u dhigo hawlaha maskaxda sida go’aan qaadashada, garaadka qofka , xusuusta iyo in uu ragaadiyo barashda wax cusub. Waxa intaa lagu daraa in ay maskaxdu yaraato isla markaana ay ku dhacaan is bedelo kala duwan. Waxa lala xidhiidhiyaa in uu kor u qaado asaasaqa iyo cudurada ku dhaca maskaxda. Sigaarka ayaa kor u qaada in dhiigu xinjiroobo taas oo keeni karta xaalado halis gelin kara nolosha qofka. Fibrinogen waa mid ka mid ah maadooyinka ka qayb qaata samaynta xijirta, maadadan ayaa la arkay in ay kor u kacdo dadka sigaarka caba isla markaana ay degdeg hoos ugu soo dhacdo marka uu qofku sigaarka joojiyo. Arrinta yaabka leh ayaa ah in ay qaadato muddo 5 sanno ah sida lagu xaqiijiyey cilmi baadhis ay soo saartay NPHS in ay la mid noqoto xadiga qofka aan sigaarka cabin. Xinjirawga ayaa keeni kara in uu wax yeello u geysto xubnaha jidhka ugu muhiimsan sida wadnaha taas oo uu qofku marar badan u geeriyoon karo. Sida oo kale sigaarku waxa uu wadnaha ku keenaa garaaca oo bata, dhiiga oo kaca, halbawlayaasha oo yaraada iyo wixii la hal maala. Waxa aad caan u ah saamaynta baahsan ee sigaarku ku leeyahay sambabada aadmaha. Sigaarka ayaa xanniba hababka kala duwan ee ay isku difaacaan sambabadu taas oo keenta in ay ku uruuraan maadooyin sun ahi. Waxa mararka qaar qofku isku arkaa naqaska oo qabanaya taas oo sigaarku ku keeno in dhuumaha hawadu bararaan cidhiidhina noqdaan taasina ay keento in uu yaraado dariiqa ay marayso hawadu. Sigaarka ayaa keena dhaawac aan la mahadin oo ku yimaada kiishashka yar yar ee hawada dhiiga u gudbiya. Waxa jira cudur aad caan ugu ah dadka sigaar cabka ah oo loo yiqaano COPD kaas oo ah 3da cudur ee ugu dhimashada badan dalka maraykanka. Sigaar ka ayaa si gaar ah loola xidhiidhiyaa kansarka ku dhaca sambabada kaas oo ah mid halis weyn ku haya caafimaadka dunida. Dadyawga sigaarka caba ayaa aad ugu nugul caabuqyada kala duwan sida oof ku soo noq-noqota. Waxa kale oo uu hoos u dhiga dhumucda lafaha, halka muruqyada qaar adkeeyo sidaana ay ku lunto hufnaanta shaqadii uu qaban lahaa. Balwadaha ayaa sida oo kale saamayn ku leh taranta aadamaha rag iyo dumarba. Isla garanay oo lafa gurnay qaar ka mid halista sigaarka, hadaba ma uga faaidaysan karaa qof kasta oo leh balwadda sigaar cabidu in uu joojiyo balwadan soonka bisha ramadaan. Diraasad lagu sameeyey dalka Malaysia ayaa lagu la socday dadka caba sigaarka bisha ramadaan iyo ka dib. Waxa lala socday heerarka kala duwan ee maadada nicotine iyada oo la adeegsaday laba nooc oo baadhitaano ah . waxa la arkay in ay hoos u dhacday maadada nicotine ee ku jirta candhuufta iyo in la arkay in uu hoos u dhac ku yimi ku tiirsanaanta jidhka ee maadada nicotine. Marka ay maadadni hoos u dhacdo waxa uu si fudud qof ku isaga dayn karaa sigaarka, taasina waxa ay horseedi kartaa in uu ka badbaadi karo dhibaatooyinka sigaarka. Caqligaaga marka aad adeegsato waxa kugu soo dhacaysa su’aal ah qofka dhawr iyo toban saac iyo ka badan soomanaa kana maqnaa sigaar ee aan cabbin, sidee ayaanu habeenkii uga maarmi karin? Dadkeena sigaar cabka ahi waxa ay uga baahan yihiin bulshada intooda kale in lagu booriyo in uu sigaarka iska joojiyo ee aan laga bixin. Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan Email: deeqadahab17@gmail.com Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka QM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay si qoto dheer uga walaacsan yihiin is-mari waaga siyaasadeed iyo khilaafka u dhaxeeya hoggaamiyayaasha Soomaalida ee ku aadan hannaanka doorashooyinka. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in khilaafyada sii socda ee ku aadan hannaanka doorashada aysan baabi’ineyn oo kaliya horumarkii dhibka laga soo maray, balse ay sidoo kale dareenka ka weecinayaan dhibaatooyin joogto ah; oo ay ka mid yihiin daadadka, abaaraha, ayaxa, COVID-19, iyo la-dagaalanka halista kooxda Al-Shabaab. Waxa ay sheegeen in heshiis laga gaaro doorashooyinka uu taagerayo fududeynta si wadista horumarka Soomaaliya iyo shacabkeeda. “Xubnaha Golaha Ammaanka waxay hoosta ka xariiqeen in heshiis la gaaro uu muhiim u yahay hanaan kasta oo doorasho in si guul leh loo fuliyo. Waxay xuseen in heshiiska 17-ka September uu yahay aas-aaska kaliya ee ay taageereen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayanaka. “Sidaas darteed, xubnaha Golaha Ammaanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada Soomaalida inay iska diidaan rabshadaha, dibna u billaabaan wada-hadallada si deg deg ah, ayada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.” Waxay ugu baaqeen hoggaamiyayaasha Soomaalida inay xaliyaan arrimaha harsan, ayna hormariyaan danta shacabka Soomaaliyeed marka hore, ayna si deg deg ah isugu raacaan hanaan doorasho oo leh waqti cayiman. Waxay intaas ku dareen in xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, oo kaashanaya AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo saaxiibada kale ee caalamiga uu diyaar u yahay inuu caawiyo. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyey codsigii Farmaajo uu u jeediyey madaxweynaha DR Congo, ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee ahaa inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxayna taageero u muujiyeen dadaallo gobolka uu hoggaaminayo oo miiska wada-hadalka la isugu keeno dhinacyada Soomaalida. The post DEG DEG: Golaha Ammaanka oo war cusub kasoo saaray is-mari waaga doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.