Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. e UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA) and the Federal Government of Somalia are ‘deeply concerned’ about the deterioration of the dry conditions in Somalia which has now escalated to a drought situation. Source: Hiiraan Online
  2. MOGADISHU (Reuters) -Supporters of Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed and those opposed to the extension of his four-year term clashed on Sunday on the streets of the capital, residents said. Source: Hiiraan Online
  3. Mali diplomat Ambassador Boubacar Gaoussou Diarra, who served at the AU Special Representative for Somalia and head of Amisom from 2010-12 is dead. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaasi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Safiirka cusub oo lagu magacaabo Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay, islamarkaana warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar. Safiirka cusub ayaa beddelay Jamaluddin Mustafa oo muddo ahaa safiirka Ethiopia ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda, wasiirka ayaa safiirka ugu baaqay inay mideeyaan dadaallada labada dal, si ay uga faa’iideystaan furasadaha iskaashi. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu qiimeynayo wada-tashiyada ay wadaagaan labada dal ee ku aada arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka ee ay wada daneeyaan. Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku daray in safiir Cabdulfataax “uu xaqiijiyey taageerada dalkiisa u hayo” shacabka iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, uuna “ku faraxsan yahay” inuu ka shaqeeyo Soomaaliya, si uu u horumariyo xiriirka labada dal. The post Sawirro: Safiir cusub oo ay soo dirtay Ethiopia oo maanta soo gaaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  5. Qeybo kamid ah waqooyiga xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu arkayay ciidamo gadiid dagaal ku hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda, kuwaas oo sheegtay in ay ka tirsan yihiin milateriga Soomaaliya, kana yimaadeen gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamadan ayaa lagu arkayay xaafado ay kamid ah yihiin Fagax, Sanca iyo Siisi, waxaana halkaas rasaas xooggan oo muddo socotay ay ku dhexmartay ciidamadaas iyo ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA), lamana soo sheegin khasaare dhacay. Saaraakiil ka tirsan dowladda oo Muqdisho kula hadlay qaar kamid ah warbaahinta waxay beeniyeen in ciidamo iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ay ka soo baxeen furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dadka degan xaafada waqooyiga Muqdisho ee Fagax, Siisi iyo Sanca ayaa ka guuray guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in xaafadahaas uu dagaal ku dhexmaro ciidamada halkaas yimid iyo kuwo dowladda. Dhanka kale xaafadda Fagax ee Muqdisho waxaa maanta ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo muddo kordhinta dowladda, kaas oo ay dhigeen dad u badan dhalinyaro. Tan iyo markii Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay inuu muddo kordhin u sameeyey hay’adaha dowladda, waxaa magaalada Muqdisho ka jiray xaalad ciidan iyo mid kacsanaan. PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Mogadishu (HOL) - Fighting has reportedly broken out in Somalia's capital after Federal government troops posted to Middle Shabelle vacated their posts overnight and have entered Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - Fighting has reportedly broken out in Somalia's capital after a company of federal government troops posted to Middle Shabelle vacated their posts overnight and entered Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa weli aad u kacsan, gaar ahaan qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Shibis, iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Ciidamo milatari ah oo ka gadoodsan muddo kororsiga loo sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gabi ahaan la wareegay isgoysyada Fagax, Sanca iyo Beyxaani. Ciidamadaan ayaa lagu arkayaa dhammaan isgoysyadaan iyagoo ku hubeysan gaadiidka Dagaalka iyo Hubka noocyadiisa kala duwan. Isgoysyada ay la wareegeyn ciidamadaan ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo gebi ahaanba faarujiyey kadib markii ay ka war heleen dhaq-dhaqaaqyada ay sameenayaan Ciidamada gadoodsan ee ka tirsan Militariga. Saraakiil kan tirsan Ciidamada Dowladda oo ku sugan furumaha dagaalka ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey in inta badan ciidamadii halkaaa ku sugnaa ay soo aadeen Magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka dhinac degmada Kaaraan iyo duleedka ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin ciidamo kale oo uu hoggaaminayo Col. Saney Cabdulle Gaab, kuwaas oo iyana watay tobaneeyo baabuur oo nooca dagaaalka iyo ciidamo aad u fara badan. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan gadoodsan ayaa isugu yeeray lana filayaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, si ay shaaciyey u jeedka dhaq-dhaqaaqooda. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo arrintaan ka war heshay ayaa maanta xirtay qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada, kuwaas oo la dhigay ciidamo dheeraad ah inkastoo markii dambe la furay dhammaan jidadkii la xiray kadib markii lagu guuldareystay in la xakameeyo ciidamada gadoodsan. Si kastaba xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo Muqdisho ayaa kusoo aadeysa, xilli siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda dhexe ay isku khilaafeen arrinta muddo kordhinta, kadib markii golaha shacabka uu meel-mariyey qaraar doorasho oo qaadanyo laba sano The post Ciidamada kasoo horjeeda muddo kororsiga oo oo la wareegay isgoysyo cusub appeared first on Caasimada Online.
  9. Gabadh muslimad ah oo kaalinta koobaad ka gashay imtixaanka dugsiga sare ee Itoobiya Sacaada Jamaal oo ah gabar muslimad ah oo ku nool magaalada Warabe eeku taalla Koonfurta dalkaasi Itoobiya ayaa noqotay gabadha kaalinta koobaad ka gashay imtixaanka dugsiga sare (12-aad) ee dalkaasi Itoobiya ee sanadkan 2021-ka Sacaada oo ay labadeeda waalid yihiin macallimiin ka soo jeedda qoys sabool ah ayaa horay u sii qorsheysatay iney natiijada ugu sarreyso keeneyso. “Waxaad dhinayey ‘Natural Science’ toddoba maaddo uu imtixaanka ka koobnaa oo lagu saxayey 700 waxaana ka keenay 650, marka aan fasalka 12-aad u gudbay ayaanna sii qorsheystay inaan keeno 650 iyo wixi ka sareeya, aad ayaan ugu faraxsanahay,” ayey tiri Sacaada. “Gabadheyda Sacaada maadaamaa ay dalka Itoobiya oo dhan ay kaalinta koobaad ka gashay aad ayaan ugu faraxsanahay, balse dadaalka gabadhaasi ay muujineysay iyo sida ay u akhrisaneysay waan ka filayey dhibcaha ay hadda keentay iyo wixii ka sarreeya” ayey tiri hooyadeed Najiiba Amaan. “Gabdhaha ila midka ah waxaan dhihi lahaa iney awoodda uu ilaahey siiyey ka faa’ideystaan caqabad kasta oo soo wajahdana ay ku sii adkaadaan markaas ayey gaari karaan halka au mustaqabalka ku hamminayan iney gaaraan” ayey tiri sacaada. Sacaada Jamaal waxay dalbatay Jaamacadda dhakhtarnimada lagu barto ee ‘Paulos Milinium Universirty’ iyada oo jaamacadda ka sugeyso aqbalaadda. Qaran News
  10. Maleeshiyaad deegaanka ah oo kasoo horjeeda muddo kordhinta Farmaajo ayaa lagu waramayaa iney isku ballaariyeen bariga Muqdisho. Weriyaha Goobjoog News oo soo indho-indheeyey qeybo badan oo ka tirsan bariga caasimadda ayaa sheegaya in ciidamo ku labisan dharka ciidanka militariga balse sheegay iney kasoo horjeedaan muddo kordhinta ay isku ballaariyeen Mirinaayo, qeybaha Cabdicaziz iyo Kaaraan, Siisii iyo Fagax. Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay kasoo baxeen qeybo ka tirsan shabeellada dhexe, lamana oga tiro ahaan inta ay la egyihiin. Dhanka Fagax waxaa la sheegayaa in uu hadda ka socdo dibadbax looga soo horjeedo muddo kordhinta Farmaajo, iyaga oo dadka ku dhawaaqaya erayo ay ka mid yihiin “Doonimeyno Farmaajo” iyo erayo kale. Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii 12-kii bishan ay qeyb ka tirsan golaha shacabka ay Farmaajo 2 sano ugu dareen, taasi ay ka hor yimaadeen saamileyda siyaasadda iyo xataa beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Dawladda Kenya, ayaa Khuburo dhinaca duulimaadyada ah u soo dirtay Somaliland, si ay kormeer ugu sameeyaan Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa. Weftiga ka socdey Kenya isla-markaana dalka u yimid inay kormeeraan si ay u hubiyaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa hawshoodu la xidhiidhaa heshiis 15-ka December, 2020 ay wada gaadheen Somaliland iyo Kenya, kaasi oo ay ka mid ahayd in diyaaradda Kenya Airways iyo diyaaradaha kale ee Ganacsiga ee Kenya ay duulimaadyo ka bilaabaan Somaliland. Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Safarka Weftiga Kenya ku yimaaddeen Hargeysa, ayaa sheegtay in Weftigaasi qayb ka yahay dardar-gelinta sidii loo fulin lahaa heshiisyadii labada dal wada gaasheen sannadkii hore ee 2020 “Muddadaa saddexda bilood ah waxa la sameeyay Horumar weyn, haddaynu soo qaadano dhinaca duulimaadyada, Maareeyaha Madaarrada Somaliland wuxuu tagay Kenya, wuxuu la kulmay dhiggiisa, si loo dardar-geliyo heshiiskii (dhinaca duulimaadyada ee Kenya iyo Somaliland)..” ayuu sheegay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo u warramay Telefiishanka SAHAN, waxaanu intaa ku daray in Kenya soo dirtay Kooxo kormeer ku sameeya Madaarrada Somaliland “Kenya waxay soo dirtay Kooxo kormeer ku sameeya Madaarka Hargeysa, waxayna ka bixiyeen War-bixin wanaagsan oo Heer sare ah, kuwaasi oo Hargeysa ka noqday, markaa heshiiskii dhinaca duulimaadyadu waa diyaar oo waalla dhamaystirayaa, haddii Allaah yidhaahdo..” Source
  12. Dagaalka siyaasadeed ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Masar isla-markaana Salka ku haya biyo-xidheenka Itoobiya ka dul-dhistay Webiga Niil, ayaa Maalinba weji cusub u gudbaya, Bilihii u dambeeyay oo dhan waxa lagu guul-daraystay inay wada-hadlaan oo ay heshiis gaadhaan Dawladaha Suudaan, Itoobiya iyo Masar oo ka wada faa’idaysta Biyaha Webiga Niil, maaddaama oo uu khilaaf xooggani si gaar ah uga dhexeeya Masar oo Dadkeenu 90% biyaha ka helaan Webiga Niil iyo Itoobiya oo Webigaasi ka dul-dhistay biyo-xidheen ay ku baxday Adduun Lacageed oo ka badan 4 Bilyan oo dollar, si ay mustaqbalka uga dhaliso Tamarta Laydhka. Sababta ugu weyn ee heshiis loo gaadhi la’yahay, ayaa Warbaahinta dunidu waxay ku sheegtaa Itoobiya oo ka dhego-adaygaysa inay joojiso Biyo-xidheenka ama ugu yaraan dib u dhigto buuxintiisa oo laga cabsi qabo inay yarayso qulqulka biyaha gaadha Masar, taasi oo Masarna meel adag ka taagan tahay. Laakiin, Siyaasiyiinta Maxaliga ah ee Itoobiya oo arrintan isha ku haya, ayaa qaarkood waxay sheegayaan in Masar ay sii xoojisay dagaal ay sheegeen inuu weligeedba ka dhexeeyay Itoobiya. Obang metho oo ah Madaxa Urur lagu Magacaabo ‘Dhaqdhaqaaqa Midnimada’ oo xaruntiisu tahay Addis Ababa, ayaa maqaal dheer oo uu ku baahiyey Internet-ka, wuxuu ku sheegay in Masar beddeshay dagaalkeeda ka dhanka ah Itoobiya, isla-markaana ay dagaalkii ka dhigtay mid dadban, si ay u waxyeelayso Amniga gudaha ee Itoobiya iyo dhaqaalaheeda. Wuxuu sheegay, in Masar doonayso inay xidho Marinada Ganacsi ee Itoobiya, gaar ahaan Dekedaha badda Cas, sida Somaliland, Jabuuti iyo Eritrea, si loo go’doomiyo Itoobiya, si taasi ugu suurto-gashana ay qas iyo amni-xumo ka abuurayso badda cas iyo Sues Kanal-ka, arrimahaasi oo dhan oo uu sheegay inay yihiin dagaal dadban oo ku socda Itoobiya. “Tani waxay u dhigantaa dib u bilaabid iyo ballaadhinta dagaalka dadban, si loo go’doomiyo Itoobiya, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanb.” ayuu qoraalkiisa ku sheegay Obang metho, waxaanu intaa ku daray in Masar ay doonayso inay xanibto Marinada Ganacsi ee Itoobiya “Waxa kale oo ay isku dayeysaa (Masar) inay xidhnaadaan jidadka ganacsiga ee Itoobiya, sida dekedaha Badda Cas ee Ereteriya, Jabuuti iyo Somaliland…” Obang metho oo qoraalkiisu dheeraa waxa kale oo uu ku sheegay in Masar arrimahaasi oo dhan fulintooda u isticmaalayso Siyaasad iyo Sirdoonkeeda. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd ka bilowday magaalada Muqdisho banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, waxaana dhigay qaar kamid ah dadweynaha magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dibad-baxaan ayaa hadda ka socda Isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaran ee Gobolka Banaadir, halkaas oo lagu soo waramayo inay gacanta ku hayaan ciidamo ka gadoodsan dowladda waqtigeedu dhamaaday. Dadka banaan-baxa dhigaya ayaa waxay ku dhawaaqayaan ereyo ka dhan ah Farmaajo,oo ay si weyn uga soo horjeedaan, sidoo kale waxay taayaro ku gubayaan bartamaha Isgoyska. Ereyada ay dibad-baxayaashu ku dhawaaqayaan ayaa waxa kamid ah “Muddo kororsi doonimeyo, Farmajo doonimeyo iyo kaligii talis doonimeyno”. Waxay gebi ahaanba hakiyeen isku socodkii gaadiidka ee Isgoyska Fagax, ayada oo amaanka banaanbaxayaasha ay sugayaan ciidamo Millateri ah oo saacado ka hor la wareegay Isgoyska Fagax, kuwaasi oo ka gadoodsan dowladda. Xaalada Isgoyska Fagax ayaa kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in banaanbaxaan uu saacadaha soo socdo kusii faafo degmooyinka kale ee gobolka, ayada oo warbaahinta la hadli doona warbaahinta saraakiisha kasoo horjeeda muddo kororsiga ee kasoo horjeeda Farmaaj. The post Daawo: Dibad-bax ka dhan ah Farmaajo oo ka billowday qeybo ka mid ah Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (PP Editorial) — When President Mohamed Abdullahi Mohamed mooted the idea “African solutions to African problems”, little did he know of the make-up of African Union committees such as the Peace and Security Council. PSC made up of 15 countries including Djibouti and Kenya, two troop-contributing countries whose forces are in Somalia under Amisom mandate. The Western Countries welcomed PSC communiqué. After all, they pay salaries of Amisom troops and have a leverage to influence decisions by AU committees. African solution is an oxymoron. Who gave PSC the privilege to attack the legislature of a member country that thinks the principle of national sovereignty still mattered in a unipolar word? AU has not shed its ‘club of dictatorships” image. 1/3 of AU member states thinks it is fair to undermine the sovereignty of Somalia through a partisan communiqué while at the same time touting its role as a mediator. PSC can be likened to a judge who had declared a conflict of interest and but is reluctant to recuse himself from a case. President Mohamed underestimated the influence of Western countries on the African Union committees when he had proposed an AU mediator role in Somalia. The Somali political leaders who oppose the mandate extension should not be turning a blind eye to the gradual disempowerment of federal institutions. They will not bank on the votes of progressive Somali MPs and Senators, who object to the patronising communiqué from PSC. In the communiqué PSC alluded to the sovereignty of Somalia, but in the same vein made a mockery of it by granting itself a privilege to condemn a parliamentary decision to extend the mandate of the Somali federal institutions. If Somalia turns the other cheek, AU will become a tool to bless dictatorships. It is becoming clear that the AU, as a supranational body, is creaking under the weight of clash of values. Kenya and Djibouti — PSC members— are beneficiaries of the Somali conflict. Djibouti midwifed the notorious 4.5 power-sharing system whereas Kenya invaded Somalia in 2011 and rebranded its role as a peacekeeper under Amisom mandate. Both countries have felt unease over the institutional progress made by Somali security forces on course to wean Somalia off dependency on Amisom. Djibouti calls itself Hiil Walaal (a brother’s succour) but it is in the grip of sibling rivalry with Somalia given how it had lent weight to a communiqué against the sovereignty of Somalia. Somalia’s response to PSC communiqué is reasonable and timely. © Puntland Post, 2021 The post The African Union Overplayed Its Hand in Somalia appeared first on Puntland Post.
  15. Waxaan daawaday kilib kooban, oo madaxweynaha Puntland kaga jawaabayo su’aal laga weydiyay heshiiska Puntland iyo DP World ee dekedda Boosaaso, kaas oo laga soo jaray wareysi habeen ka hor laga baahiyay Dalsan TV. Madaxweyne Deni, wuxu sheegay in heshiiska DP World aysan waxba ka fulin, kadib markii caqabado ka yimaadeen labada dhinac ee Puntland iyo shirkaddaba, sidaas darteedna ay hakiyeen shaqadii DP World ka haysay dekedda Boosaaso, inta laga xallinayo caqabadaha hor-taagan dhaqan-gelinta heshiiska. Haddaba, aan wax yar dib ugu laabto heshiiska dhexmaray Puntland iyo DP World. 6 April 2017, Puntland iyo DP World waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan dhismaha iyo horumarinta dekedda Boosaaso, waxaana heshiiska si rasmiya qalinka ugu duugay madaxweyne Gaas iyo madaxa DP World Suldaan Axmed bin Sulaymaan. Si kooban, nuxurka heshiiskaas waxa lagu sheegay in shirkadda DP World ay mudda laba sanno gudahood ah ku dhisayso dekedda Boosaaso, iyadoo lagu kordhinayo 450 mitir oo ballac, islamarkaana ay ku baxayso lacag dhan $ 336 malyan oo Dollar, taas oo wejiga kowaad ee dhismaha la gelin doono $ 200 oo malyan, halka wejiga labaadna la gelin doono $136 malyan oo Dollar. Sidoo kale, heshiiska waxa ku jiray laba qodob oo dadka qaarkood dareen ka muujiyeen, kuwaas oo kala ah; in shirkadda DP World mudda 30 sano ah maamusho dekedda Boosaaso iyo in ay qaadato 60% wixi dekedda ka soo baxa. Si kastaba, 6 April 2019, waxa dhammaatay labadii sano ee loo qabtay dhaqan-gelinta heshiiska, iyadoo DP World aysan waxba ka fulin heshiiska, waxaana xusid mudan in 4 February ee isla 2019 Boosaaso lagu dilay Paul Anthony Formosa, oo ahaa madaxii shirkaddaas u qaabilsanaa dekedda Boosaaso. 15 April 2019, waxa magaalada Dubai ku kulmay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed bin Sulayman. Kulankaas kadib war ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in labada dhinac isla garteen, in si dhakhso ah loo bilaabo dhismaha dekedda Boosaaso. 16 march 2020, siyaasi Faarax Cali shire oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan wada-tashiga Puntland oo Garoowe lagu qabtay, ayaa ka deyriyay xaaladda dekedda Boosaaso, isagoo sheegay in ciid ka buuxsantay marinka laga galo dekedda. 26 November 2020, madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Baarlamanka Puntland, ayaa ka codsaday in aan laga hadlin arrinta DP World oo markaas kamid ahayd ajandaha horyaalla Golaha. 28 November 2020, Baarlamanka Puntland oo fulinaya codsigii madaxweyne Deni, ayaa meesha ka saaray dood ku saabsanayd in laga hadlo sababta loo fulin waayay heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World. 30 November 2020, madaxweyne Deni ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo 1 December 2020 dhammaan lacagaha ay qaaddo shirkadda DP World, in lagu shubo akoonada dowladda, gaar ahaanna akoonnada maamulka dekedda Boosaaso. 15-kii bishan April 2021, waxa dhammaatay laba sano oo kale, tan iyo kulankii dhexmaray madaxweyne Deni iyo DP World, kaas oo Dubai ka dhacay 15 April 2019 islamarkaana laga sheegay in si dhakhso ah loo bilaabi doono dhismaha dekedda Boosaaso. Geba-gabo, mudda 4 sano ah ayaa ka soo wareegtay markii la saxiixay heshiiska Puntland iyo DP World 6 April 2017, iyadoo ilaa iyo haatan aysan shirkaddaas wax shaqo ah ka qaban dekedda Boosaaso. Haddaba 4 sano kadib Puntland maxaa la gudboon? W.Q: Cabdiraxmaan Ciise The post PUNTLAND IYO DP WORLD!! appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ka taagan tahay waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka , gaar ahaan qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Ciidamo milatari ah oo gadoodsan muddo kororsiga loo sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gabi ahaan la wareegay isgoyska Fagax, iyo qeybo kale oo ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay kasoo baxeen furumaha dagaalka ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay horey ugu sugnaayeen. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah ay wataan ciidamadan oo isku fidiyey xaafadaha ku dhow isgoyska Fagax. Sidoo kale wararka dhinac degmada Kaaraan iyo duleedka ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin ciidamo kale oo uu hoggaaminayo Col. Saney Cabdulle Gaab, kuwaas oo iyana watay ku dhowaan 10 baabuur oo nooca dagaaalka iyo ciidamo aad u fara badan. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan gadoodsan ayaa isugu yeeray lana filayaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, si ay shaaciyey u jeedka dhaq-dhaqaaqooda. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo arrintaan ka war heshay ayaa maanta xirtay qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada, kuwaas oo la dhigay ciidamo dheeraad ah. Si kastaba xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo Muqdisho ayaa kusoo aadeysa, xilli siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda dhexe ay isku khilaafeen arrinta muddo kordhinta, kadib markii golaha shacabka uu meel-mariyey qaraar doorasho oo qaadanyo laba sano. The post Ciidamo militari ah oo la wareegay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo wararkii u dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  17. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dalalka deeqaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda Soomaaliya, oo ay dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u darran “Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yidhi Beyle. Beyle ayaa sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhammaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Cabdifataax Maxamed Liibaan oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dab-demiska ee magaalabada Burco, ayaa sheegay in hawl-galka ilmahaas yar lagu soo badbaadiyay ay ka qayb-qaateen xubno ka tirsan ciidanka dab-demiska ee degmadaas, waxaanuu intaas ku daray in ciidankaasi u gurmadaan dhibaatooyinka ka dhaca degmadaas, sida dab-ka iyo waxyaabaha ciidankaas gurmadka looga baahdo. Geesta kale masuul ka tirsan cisbitaalka guud ee magaalada Burco ayaa sheegay in xaaladda ilamahaas yar masqusha ku dhacay ay hadda wanaagsan tahay. Ugu dambayn qaar ka mida qoyska ilmahaas yar ee masqusha ku dhacay, ayaa u mahadceliyay ciidanka dab-demiska qaranka ee soo badbaadiyay ilmahaas yar. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo warbixin dheer soo saaray ayaa ku bidhaamiyey abaalka ballaaran ee ay dowladda Jabuuti u gashay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Wasiir Canshuur ayaa warbixintiisa ku soo bandhigay waxyaabaha ay Jabuuti u qabatay Soomaaliya laga soo billaabo 1991-dii, kadib burburkii ku yimid dowladdii dhexe ee dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kadib qaran-jabkii Soomaaliya ay dowladda iyo shacabka Jabuuti buuxiyeen kaalintii laga filayay ee garab istaagga. “Tan iyo markii uu qaran-jabku nagu dhacay, Jabuuti waxay buuxisay kaalintii laga filayay iyo abaalkii aan u galnay,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta. Waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in dano doorasho darteed haatan loo ijaafeeyo walaalaha Soomaaliyeed ee reer Jabuuti. Halkan hoose ka aqriso:- Jabuuti waa Hiil-Walaal Xukuumadda iyo shacabka Jabuuti waxay ahaayeen kuwo hiil iyo hooba la garabtaagnaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jamhuuriyadda. Tan iyo markii uu qaranjabku nagu dhacay, Jabuuti waxay buuxisay kaalintii laga filayay iyo abaalkii aan u galnay: Sanadkii 1991 waxay qabatay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee Jabuuti 1&2, laguna soo dhisay Dawlad KMG ah. Sanadkii 2000 waxay noo qabteen shirkii Carta ee dhidibada loogu taagay dawladnimada aan maanta haysanno. Sanadkii 2008 waxay marti geliyeen kulamadii dib-u-heshiisiinta ee Xukuumaddii KMG iyo Isbahaysigii Dib-u-Xoreynta, kolkaasoo lagu soo dhisay dowlad wadaag ah. Gobolka Hiiraan markii Shabab loo loogay Jabuuti waa tii wiilasheeda & gabdhaheeda usoo dirtay, kana qeyb qaadatay nabadgelyada iyo horumarka dhammaan magalooyinka gobolka Hiiraan. Reer Hiiraanna waxay ugu magac dareen Hiil- Walaal. Jabuuti waxay u istaagtay inay martigeliso ganacsatadeena, isla markaana u fududeysay sidii ay ku heli lahaayeen baasaboorro ay adduunka uga ganacsadaan, iyadoo ganacsatadaasi ay yihiin dadka halbowlaha u ah dhaqaalaha dalkeena. Waxaa nasiibdarro ah dano gaaban oo doorashada ku siman in loo ijaafeeyo walaalaheen Jabuuti oo abaalkaas nagu leh, iyadoo dadka dagaalka ku haya Jabuuti aysan dalka ku sugneyn, kana warqabin xaalkiisa sanadahaas adag ee la soo maray. Reer Jabuuti xil iyo xaal-marin naga guddooma haddaan nahay Soomaali. Yaan naloo qabanin in yar oo kursigu kala weyn yahay walaalnimada iyo abaalka la isku leeyahay. Jabuuti waa Soomaali, Soomaalina waa Jabuuti. The post Muxuu Canshuur ka yiri xiisadda Soomaaliya iyo Jabuuti? appeared first on Caasimada Online.
  20. Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa war ka soo saartay go’ aanadii ka soo baxay Uruka midawga Afrika. Jubbaland ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in heshiiskii 17 September uu yahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorashooyinka. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxtooya Jubbaland ayaa lagu yiri “Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa dadaalada Saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga Midowga Afrika ee 22 Abriil 2021, Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee Sebtember 17 ay tahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo.” Source: goobjoog.com