Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dawladda Jabuuti oo ka jawaabtay Eeddo Xukumada Farmaajo ku saydhay Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabaty eedayn ay dhawaan dolwadda federaalka Soomaaliya u jeedisay taas oo la xirirtay in Jabuuti ay galaangal ku lahed bayaankii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga afrika, bayaankaas oo uu goluhu ku cambaareeyay muddo korarsiga haydaha dowladda federaalka. Jabuuti ayaa haddaba sheegtay in ay ku mowqif tahya Golahha Nabadda iyo Ammaanka ee midowga, isla markaana dano siyaasadeed laga leeyahya eeda dowladda Soomaaliya ay u soo jeedisay. Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay: “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,” Waxa uu wasiirku intaasi ku daray: “Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd.” Dowladda Jabuuti ayaa dhanka kale hadalka dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dano siyaasadeed uun laga leeyahay, haatanse ay tahay in doorasho sidii loo qaban lahaa laga shaqeeyo. “Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.” Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay wadammada Kenya iyo Jabuuti ku eedaysay inay wadaan olole ka dhan ah oo ay sheegtay inay ka dhex wadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe Dowladdu waxa ay waqtigaas sheegtay inay hayso xog xasaasi ah oo xaqiijinaysa in labadaas dal ay soo jeedinayaan qodobo ay doonayaan in lagu daro bayaanka uu guddigaas soo saari rabay maalintaas. Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo ka hadlayay taleefishinka qaranka ee dalka, ayaa waxa uu ka digay waxkasta oo taabanaya gobonnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya. Mowqifka Jabuuti Dhanka kale, dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ku mowqif tahay bayaankii uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. “Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mowqifka ay qaateen waxa uu ahaa in laga baaqsado waxkasta oo carqaladaynaya xasiloonnida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Bahdoon. Wasiirka warfaafhinta ee Jabuuti ayaa dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya waxa ay ugu baaqday in miiska wadahalka ay dib ugu laabtaan. “Jabuuti waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay ka waantoobaan hadallada rabshadaha dhicin kara, oo ay la yimaadaan is-aqbalaad iyo dulqaad, isla markaana ay ku soo bandhigaan aragtidooda iyo waxyaabaha ay kala tabanayaan albaabka u furan oo ah dib u heshiisiin.” Mowqifka Soomaaliya Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso ergayga la filayo in Midowga Afrika u soo magacaabayo dhexdhaxaadinta dhinacyada Soomaaliya, balse waxay si adag u diiday qodobo kamid ahaa bayaankii Midowga Afrika ka soo saaray xaaladda cakiran ee khilaafka doorashada Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen in ay diidan yihiin muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha dawladda Federaalka. Markii uu bayaankaasi soo baxay kaddibna, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo Sabtidii shir jar’aaid ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aanu jirin ururo cambaareyn kara go’aan baarlamaan oo uu qaatay dal madax bannaan. “Ma jiro urur caalami ah ama urur goballeed oo sharciyan cambaareyn kara go’aan baarlmaan dal madax bannaan arrintaas waxaan u sheegaynaa in aaney ahayn sharci dowladda federaalka Soomaaliyana ma soo dhaweynayso” ayuu yiri wasiir Dubbe. Qoraalkii uu Midowga Afrika ka soo arrimaha Soomaaliya Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa kulan ay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda doorashada Soomaliya. War-murtiyeedka oo ka koobnaa 14 qodob ayaa waxay midowga Afrika cambaareeyeen go’aankii Golaha Shacabka ay muddada kordhinta ugu sameeyeen madaxwayne Farmaajo. “Waxaan walaac qoto dheer ka qabnaa tallaabadii halka dhinac ahayd ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12kii Abriil 2021, kaasoo meesha ka saaraysa heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya”ayaa lagu yiri bayaanka. Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in la magacaabo ergay gaar ah oo ka socda midowga Afrika islamarkana dhinacyada Soomaalida ka caawiya sidii heshiis looga gaari lahaa ismari-waaga ka taagan doorashooyiinka. Ergayga ayay golahu waxay ku booriyeen in muudo 4 toddobaad gudahood ah uu ugu soo gudbiyo guulaha laga gaaro qabashada doorashooyiinka Soomaaliya. “Sidaas awgeed waxaan ka codsanaynaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu si deg deg ah ugu magacaabo una diro Soomaaliya, ergay gaar ah, si uu ula shaqeeyo dhinacyada iyo daneeyayaasha kale ee ay khuseyso, si loo gaaro heshiis wadar-oggol ah, iyo in muddo 4 toodobaad ah uu warbixin ugu soo gudbiyo golaha”ayaa lagu yiri warmurtiyeedka. Golaha nabaddda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa sidoo kale ka codsaday in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ammaanka Soomalaiya. Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa dhanka kale golahu, waxay ka codsadeen, inuu si deg deg ah u isugu yeero shir loo qabanayo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si looga baaraandago saameynta amni ee ay keeni karto ismari-waaga siyaasadeed loogana tashado waddooyinka u furan ee lagu xalin karo ama hoos loogu dhigi karo. Qaran News
  2. Yaa ku dagaallamaya Gobolka ku yaal woqooyiga Addis Ababa? Madaxa hay’adda cabashooyinka shacabka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in tirada dadka lagu dilay rabshadihii dhawaan dhexmaray labada qowmiyadood ee ugu tirada badan dalkaasi ay suurtagal tahay in ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 200 oo qof. Warar hore ayaa sheegayay in ilaa 50 qof ay ku dhinteen dagaal u dhexeeya Amxaarada iyo Oromada, kuwaa oo ku dagaalamay waqooyiga gobolka Amxaarada. Endale Xayle oo ah madaxa hay’adda cabashooyinka shacabka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ku dhawaad 330,000 oo qof ay ku barakaceen colaaddaasi. Waxa uu sidoo kale sheegay in afar meelood hal meel la gubay guryaha magaalada Ataye. “Sida ku cad macluumaadka aan ka helnay dadka la barakiciyay, waxaan ku qiyaaseynaa in ilaa 200 oo qof ay ku dhinteen labada aag, balse wali waxaan u baahannahay in aan xaqiijino tirade dhabta ahi,” ayuu yiri Endale Haile oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters. Rabshadahan ayaa inta badan ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Amxaarada balse dad ahaan waxaa ku badan qowmiyadda Oromada, waxaana horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya gelisay qeybo ka mid ah gobolkaasi xaalad deg deg ah. Rabshado xooggan ayaa ka jiray qaybo badan oo ka mid ah dalka Itoobiya, waxaana ka mid ah gobolka waqooyiga ee Tigray oo dagaalo ay ka socdeen lixdii bilood ee la soo dhaafay. Doorashooyinka qaranka ee dalkaasi Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay dhacaan bisha Juun ee sanadkan, iyadoo dhowr gobol oo ka tirsan dalkaasi ay haatan ka jiraan rabshado siyaasadeed iyo kuwa u dhaxeeya qowmiyadaha kala geddisan ee dalkaasi. Ra’iisalwasaare Abiy Axmed ayaa isbadal siyaasadeed ka sameeyay dalkaasi kaddib ku dhowaad 30 sano oo uu dalkaasi ka jiray xukun adag balse hadda waxaa soo baxay quwado ku saleysan gobollo iyo qowmiyado oo loolan adag kula jira xisbiga Abiy si ay u helaan dhaqaale iyo awood dheeri ah. Horey waxaa u jiray walaac laga muujiyay tacaddiyo la sheegay in laga geystay gobolka Tigreeda, kuwaa oo lala xiriirinayo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ee gacanta ku siinayay ciidamada milatariga Itoobiya dagaalka ka dhanka ah maamulkii Tigreeda ee TPLF ee xukunka laga tuuray. Midowga Yurub ayaa sheegay in ay heleen warbixino is daba joog ah oo ku saleysan dilka iyo beegsiga qoomiyad, lagana yaabo inuu gobalka waqooyiga Itooboiya ku yaalla ee Tigray ay ka dhaceen dambiyo dagaal. Ciidamada difaaca dalka Itoobiya ayaa gobalka galay horaantii bishii Nofeembar ee sannadkii tagay, kaddib markii ciidamada TPLF ay qabsadeen saldhigga milatariga ee gobalkaas ku yaalla. Dowladda ayaa ku dhawaaqday inay guul ka gaartay dagaalka, dhamaadkii bishii November, balse Midowga Yurub ayaa sheegay in xaaladda ay wali tahay mid adag. Sidoo kale Miowga Yurub ayaa sheegay in isku dhacyada halkaa ka jira ay caqabad ku yihiin xasiloonida gobalka. Qaran News
  3. Dawlada Ethiopia oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya Safiira Ethiopia Dowladda Ethiopia ayaa safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaasi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Safiirka cusub oo lagu magacaabo Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay, islamarkaana warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar. Safiirka cusub ayaa beddelay Jamaluddin Mustafa oo muddo ahaa safiirka Ethiopia ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda, wasiirka ayaa safiirka ugu baaqay inay mideeyaan dadaallada labada dal, si ay uga faa’iideystaan furasadaha iskaashi. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu qiimeynayo wada-tashiyada ay wadaagaan labada dal ee ku aada arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka ee ay wada daneeyaan. Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku daray in safiir Cabdulfataax “uu xaqiijiyey taageerada dalkiisa u hayo” shacabka iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, uuna “ku faraxsan yahay” inuu ka shaqeeyo Soomaaliya, si uu u horumariyo xiriirka labada dal. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka ayaa digniin culus u diray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Guddoomiye Axmed Daaci ayaa fariimo dardaaran ah u kala diray dhinacyada kala ah, Farmaajo, Rooble, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, Cumar Filish, ciidanka Qaranka iyo AMISOM. Ugu horeyn Axmed Daaci ayaa madaxweyne Farmaajo ka codasay inuu xilka ka dego, isagoo sheegay in hadii uu taladaas qaadan waayo ay xaaladu sidaan kasii xumaa doonto. “Madaxweynaha Soomaaliya xilka inuu ka dego ayaan ka codsaneynaa saacadaha soo socda, hadda fursad ayuu heystaa, fursada uu heysto waa inuu garoonka ka dhoofi karo, hadii uu sidaan ku sii adkeysto, waxaa imaan doonta inuu garoonka ka dhoofi waayo,” ayuu yiri Axmed Daaci. Waxa uu intaas ku sii daray, “Madaxweyne inta dab nagu shido garoonka u carari meyside xilkaan isaga deg, waa lagaa hor istaagi doonaa inaad dalkaan ka dhoofto, ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalkaana waxaan ka codsaneynaa in uusan garoonka ka bixin nin dalka Dab ku shiday.” Mar uu fariin u diraayey Ra’iisul wasaare Rooble ayuu yiri, “R/wasaaraha waxaan leeyahay waqtigaagu afar bilood ayuu ahaa, waajibaad-kaagana waad gudan weysay, asaguna ha iska casilo xilka.” Sidoo kale guddoomiye Axmed Daaci ayaa fariin duray madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo duqa Muqdisho, waxuuna ka dalbaday in madaxweynaha aysan afgebi ku gacansiin, hadii kale sidiisa loola dagaalami doono. “Seddax nin ayaan la hadlaa markaan, waa Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cumar Filish, walaalayaalow hal fursad ayaad heysatiin, madaxweynuhu waa idinla shaqeeyey oo madax ayuu idinka dhigay, laakiin hadii aad garab siineysaan, doorasho ku garab siiya ee afgembi haku garab siinina. War madaxweynaha la hadla oo war layaqaan ha idinka soo baxo, hadii ay taasi dhici weyso sida asaga loola diriraa ayaa la idiinla diriri doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Daaci. Waxa uu sheegay in rajada la qabo hadda kadib ay ku soo koobantay seddaxdaas hoggaamiye, balse hadii ay taladu seegto aysan xaaladdu fiinaa doonin, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntii Axmed Daaci ayaa fariin u diray ciidamada Qaranka, isagoo kula dardaarmay in xabadda dhaceysa ay joojiyaan, furimaha dagaalka aysan soo baneyn, Shabaab-na ay dalka ka difaacaan. Hoos ka Daawo The post Daawo: AXMED DAACI oo hanjabaad culus kasoo saaray xiisada kacsan ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dhaqaalo xumada soo food-saartay dowladda waqtigeedu dhamaaday, kadib markii ay dalalka deeqaha bixiya ka goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa habeen hore shaaciyey in loo baahan yahay in Soomaalidu isku tashado, maadama ay dalalkii lacagaha badan ku bixin jirey taageerada dowladda ay jarteen, taasi oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay “xeelad cusub oo loogu gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan”. “Khasnadda Dowladda waa maran tahay iyo shacabka ayaan lacag ka uruurineynaa waa farsamo loogu gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan. Rajiimka Farmaajo saacadihii ugu danbeeyey ayuu ku jiraa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Waa xilligii ay wax kasta horay u sii qaadan lahaayeen ee hantidiinna ka ilaashada. Canshuur iyo deeq tii aad siisaanba way dhacayaan ee ka digtoonaada.” Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Baanka dhexe, Hantidhowr-ka iyo Xisaabiyaha Qaranka ugu baaqay inay xil iska saaran hantida shacabka, oo ay u ilaaliyaan. Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dalalka deeqaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka, oo ay dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u darran. “Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yiri Beyle. Beyle ayaa sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato. Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya. The post CC SHAKUUR oo shacabka u digay kadib markii wasiir Beyle uu ka dalbaday lacag appeared first on Caasimada Online.
  6. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay iska hor-imaadyadii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadal kooban soo duubay ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatadii ka dhacay Muqdisho, isla markaana xalka ugu haboon ee arrintaas lagu xalin karo yahay wadahadal. Ciidamada amniga ayuu faray in ay gutaan waa jibaadkooda oo ay dhowraan oo ka hortagaan khatar kasta oo bulshada dhibaato u keeni karta. Shacabka ayuu ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida Muqdisho. PUNTLAND POST The post Rooble oo ka hadlay xaaladda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday Heshiis Dhanka Waxbarashada ah iyo Shaqo Abuurka. Munaasabadda Heshiiska Mashruuca Waxbarashada iyo Shaqo Abuurka ee TVET ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirada Waxbarashada, Siihaayaha Xilka Wasiirka Shaqada ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka Qorsheynta ee XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya. Siihayaha Xilka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa ammaanay dadkii ka soo shaqeeyay, waxaana uu sheegay in mashruuca TVET uu xambaarsan yahay Fursado isagu jira shaqo abuur iyo Waxbarasho, taasi oo uu xusay in ay tahay howl loo baahan yahay in looga faa’iideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji Cabdulaahi Carab ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dhammeystirka Saxiixa Mashruuca TVET oo ay maalgelinayso Midowga Yurub. Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay iyo hay’adda maalgelinaysa madhruuca ee Midowga Yurub. Mashruucan oo ay ku baxayso in ku dhow 15 milyan oo doolar ayaa loogu talo galay sameynta xirfadaha Waxbarashada ee tababarka Farsamada. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday Heshiis cusub appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho ayaa caawa marti gelisay iska hor-imaadyadii ugu cuslaa, kuwaas oo u dhaxeeyey ciidamo taabacsan madaxda mudo xileedku ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo ciidamo ka soo hor jeeda mudo kororsiga ay ku dhaqaaqeen Madaxweynaha iyo Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka. Dagaalkii ugu xooganaa ayaa salaadii Maqrib kadib ka bilaawday guriga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan. Weerarkaas waxaa fuliyey ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxuuna siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey inay hoggaaminayeen laba sarkaal oo kala ah, Farxaan Qaroole iyo Kaniif. “Kaniif iyo Farxaan Qaroole waa labada sarkaal ee weerarka ku ah caawa oo dhan hoygayga aan deganahay. Farmaajo ayey la qaadayaan masuuliyada weerarka,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Dagaallada caawa ka qarxay Muqdisho ayaa ku faafay goobo badan, sida isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana la isku adeegsaday hub culus. Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno weerarka lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegaya in iska cabin xoog leh ay halkaas kala kulmeen ciidamadii weerarka qaaday ee taabacsanaa madaxda dowladda federaalka, isla markaana ay hadda dib uga laabteen hoygii ay weerareen ee Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur. Dagaalladan ayaa maanta duhurkii ka qarxay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis ee waqooyiga Muqdisho, halkaas oo ay isku fara-saareen ciidamo ka yimid gobolka Sh/Dhexe oo diidan mudo kororsiga iyo kuwo taabacsan madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo. Dagaalkaas waxaa la sheegay in ciidamadii ka yimid gobolka Shabeellada Dhexe ay guulo ka gaareen oo ay iska caabiyeen ciidamadii weeraray ee DF, isla markaana ay caawa ku sugan yihiin inta goobihii lagu dagaalamay maanta. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo degan aagga maanta lagu dagaalamay ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in gurigiisa ay ku soo weerareen ciidamo ka tirsan dowladda, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaas. Hase yeeshee wasiirka amniga Xasan Xundubey oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, isagoo ka jawaabayey hadalka Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas, isagoo sheegay in Xasan Sheekh uu yahay madaxweyne hore dowladuna ay aad u xushmeyneyso. Ugu dambeyntii rasaas goos-goos ah ayaa hadda laga maqlayaa meelo badan oo wadada Maka Al-mukarama ah, sida agagaarka isgoyska Sayidka, isgoyska Dabka, Shaqaalaha iyo isgoyska KM-4, sidoo kale dhanka degmada Howlwadaag ayaa laga maqlayaa rasaas teel-teel ah. The post Warbixin: Waa sidee caawa xaaladda Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirrada UK iyo Midowga Yurub u jooga Soomaaliya ayaa qoraallo ka soo saaray dagaallada ka qarxay caasimadda Muqdisho, oo maanta ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah magaalada. Ugu horeyn qoraal ka soo baxay xafiiska Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa walaac looga muujiyey dagaallada ka socda Muqdisho. “Wararka sheegaya rabshadaha ee Muqdisho, aad ayey walaac u leeyihiin. Waxaan ku baaqeynaa deganaan iyo is-xakameyn. Wada-hadallo nabadeed ayay ku jirtaa danta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Safiirka UK Kate Foster. Dhanka kale qoraal uu soo saaray Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa lagu yiri “Aad ayaan uga walaacsanahay dhacdooyinka ka socda Muqdisho. Danta guud waxay ku jirtaa is-xakameynta ugu sarreysa, ilaalina ha’ayadaha la wada leeyahay iyo wada-hadallo. Rabshadaha ma ahan wax la aqbali karo. Kuwa ka mas’uulka ah waa lala xisaabtami doonaa,” Degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho ayuu maanta ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo ka soo hor jeeda mudo kororsiga hey’adaha dowladda federaalka iyo ciidamo daacad u ah madaxweyne Farmaajo, kaas oo la isla soo gaaray salaadii maqrib ee caawa. Sidoo kale fiidkii hore ee caawa ayuu weerar kale ka bilaawday hoyga uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka degan yahay magaalada Muqdisho, kaas oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan. Weerarkaas waxaa fuliyey ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxuuna siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey inay hoggaaminayaan laba sarkaal oo kala ah, Farxaan Qaroole iyo Kaniif. “Kaniif iyo Farxaan Qaroole waa labada sarkaal ee weerarka ku ah caawa oo dhan hoygayga aan deganahay. Farmaajo ayey la qaadayaan masuuliyada weerarka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Dagaallada ka soo cusboonaaday Muqdisho ayaa caawa ku faafay isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana laga maqlayaa rasaas la is-weydaarsanayo. The post Midowga Yurub iyo UK oo farriin adag iyo digniin kasoo saaray rabshadaha Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. Ciidamada Daraawiishta Puntland, gaar ahaanna Birmadka madaxtooyada, oo saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka magaalada Boosaaso, ayaa gacanta ku dhigay kaydkii Qaraxyada Al-shabaab. Telefishinka dowladda Puntland ayaa sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen god Al-shabaab ku kaydsatay Qaraxyo, islamarkaana qarxiyeen miinooyin ku jiray godka, oo kayd qarsoon u ahaa kooxda. Puntland TV, wuxu sidoo kale tilmaamay in Ciidanku ay godkaas ka soo saareen tiro bambooyinka gacanta laga tuuro iyo agab kale, oo qaraxyada laga sameeyo, kuwaas oo Al-shabaab ku aastay godkaaas. Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland, ayaa todobaadyadii u dambeeyay hawlgalo ka waday magaalada Boosaaso iyo Buuraleyda ku dhow halkaas oo ay ku dhuuntaan Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Kaydkii Qaraxyada Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta mucaaradka ah ayaa si adag loogu canbaareeyey weerarro ay sheegeen in ciidamo ka amar qaata madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ku qaadeen guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Waraame. “Weerarka waxaa qayb ka ahaa ciidanka Gorgor ee ay Dawladda Turkiga tababareen, qalabeeyeen, mushaarkana siiyaan. Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin ayaa maanta AMISOM ka daabulay rasaas weerarka looga qayb qaato, ayaa lagu yiri qoraalkan caawa ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta. Sidoo kale golaha ayaa ciidanka AMISOM iyo Dawlada Turkiga oo taageerta Ciidanka Gorgor uga digay in aysan qayb ka noqon waxa ay ku tilmaameen ‘colaada sokeeye’ ee Muqdisho ka qaraxday, isla markaana ay caddeeyaan mawqifkooda ku aaddan taageeradoodii loo isticmaalay dagaalka sokeeye, tallaabo cadna ay ka qaataan arrintaas. “Waa markii labaad oo ciidanka Farmaajo ay weerar ku qaadaan deegaanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/shakuur oo labaduba ka mid ah Midowga Murashaxiinta. Goluhu wuxuu kaloo cambaaraynayaa caburinta iyo cadaadiska ay ku hayaan ciidanka Farmaajo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaa shacabka Muqdisho ee sida nabadda ah u mudaaharaadaya, kuwaasoo ka soo horjeeda muddo kordhinta sharci darrida ah ee uu samaystay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa qoraalkan ku sheegay inay horay uga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta in ciidanka oo loo adeegsado siyaasadda, lagana weeciyo yoolkii la dagaallanka Alshabaab. “Goluhu wuxuu ku baaqayaa in gebi ahaanba ciidanka siyaasadda laga fogeeyo.” The post Midowga Murashaxiinta oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray dagaallada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  12. Midawga Musharixiinta ayaa canbaareyay weraradii lagu qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame . Xubnaha Midawga Ayaa sheegay in ciidama ka amar qaata Farmaajo ay weerar ku qaadeen guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin labada Siyaasi oo ka tirsan Midawga Musharixiinta . Golaha Midawga Musharixiinta ayaa sidoo kale waxa ay dowladda Turkiga iyo AMISOM ugu baaqeen in ay ka fogaadan in Ciidamadooda ay ka qeyb galaan colaadda uu hurinayo Farmaajo . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Midawga Musharixiinta. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id goordhaw ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan Muqdisho, isagoo dardaaran u jeediyey dadka ku nool magaaladan. Wasiirka ayaa been abuur ku tilmaamay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen guriga madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. “Madaxweynihii hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii uu xilka wareejiyey 2017-kii waxaa waardiyeynayey ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada Qaranka, maamuus iyo mudnaan ayuu leeyahay, suurta galna maaha in la weeraray oo wax ka jira malahan,” ayuu yiri. Wasiir Xundubey ayaa sheegay in dad aan u naxeyn dadka reer Muqdisho ay magaalada soo geliyeen maleeshiyaad, kuwaas oo uu sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen. Sidoo kale waxa uu sheegay in dagallada laga abuurayo Muqdisho ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye, sida uu sheegay. “Reer Muqdisho waxaa idin lee yahay dagaaladaan lagu soo xawilay Muqdisho haka qeyb qaadanina, dowlado shisheeye ayaa loogu daneynayaa, dad yar oo Soomaali ah ayaana dalaal ka ah, dagaal waad soo aragteen ee ayaanaa iska burburin nabadda noo soo iftiintay,” ayuu yiri Wasiirka amniga Xasan Xundubey. Hoos ka Daawo The post Daawo: Wasiirka Amniga oo war kasoo saaray xaaladda kacsan ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  14. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa walaac xooggan ka muujiyey dagaallada ka socda Muqdisho. Safiirka waxaa uu dhinacyada ugu baaqay in la is xakameeyo, lana ilaaliyo hey’adaha dadka ka dhaceeya. Ugu dambeyntii, waxaa uu safiirka sheegay in aan la aqbali karin dagaal isaga intaa raaciyey in la ciqaabi doonno ciddii ku kacdo. Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda magaalada Muqdisho ayaa ku sii faafaya dhul badan kaas oo markii hore ka qarxay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo uu degan yahay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Dagaalka ayaa ku faafay isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana laga maqlayaa rasaas la is-weydaarsanayo. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa goordhaw shaaciyey in weerar toos ah uu ku socdo gurigiisa oo ay kula sugan yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin uu sheegay inay ugu tageen wadatashi, maadaama xaalaldda magaaladu ay aad u kacsan tahay. “Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan ayaa dhawaan soo degay guri u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaalka xoogiisa, waxana la sheegay in weerarkan ay fuliyeen ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka. The post DAGAALKA oo ku faafay wadada Maka Al-Mukarama ee bartamaha Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  16. Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake ayaa cambeerayay weerarka lagu qaadey Madaxweynihii hore Xasan Sheikh iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Weerarada lagu qaadey Madaxweynihii hore Xasan Sheikh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waa talaabo taxadar la’aan ah oo cawaaqib xumo yeelan doonta. Waxaa iska cad in DFS ee waqtigeedu dhammaaday ay u arkayaan furimaha dagaalka inay yihiin istiraatiijiyad istiraatiiji ah oo lagu xallinayo ismariwaaga iyo wadahadalada soo socda. Maanta ayaa Ciidamo hubaysan ay weerareen Guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheikh, saacado kadibna waxaa la weeraray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Puntlandi.com Nairobi The post Cumar Cabdirshiid “Villa Soomaaliya waxay Dagaalka u arkaan istiraatiijiyad Siyaasadeed” appeared first on . Source
  17. Mogadishu (HOL) - Fighting in Mogadishu has spread to KM4, one of the city's main intersections. Source: Hiiraan Online
  18. Degmada Hodan waxaa laga maqlayaa Rasaas ka dhacaysa Nawaaxiga Nr4, waana markii labaad oo maanta ay Rasaas ka dhacdo Magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa goor dhaweyd soo dhigay Qoraal Barihiisa Bulshada wuxuuna qoray sidaan., Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” Waa Musharixiinta labaad oo maanta la weeraro, Galabnimadii dambe waxaa la weeraray Guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheikh,?waxaa xigay oo Afurkii la weearay Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Puntlandi.com Muqdisho The post War Deg Deg ah-Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la weeraray, appeared first on . Source
  19. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa cambaareeyey weeararka uu Farmaajo ku qaaday hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraal uu soo dhigay Faceboog ayuu u yiri “Waxaan aad u cambaareynayaa weerarka uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo isaga oo adeegsanaya xooggaga Duufaan iyo Gorgor ku qaaday hoyga Madaxweynihii Hore Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxweyne hore Maxamed Farmaajo kaligiis ayaa qaadi doona cawaaqib xumada ka dhalata weeraradaas bahalnimada iyo qarandumisnimada ah. Guddoomiye Abshir oo sii hadlaya ayaa baaq u diray ciidanka isaga oo qoray Baaqa aan u dirayo askarta: Askarigu wuxuu sharafta iyo karaamada Ciidanka Qaranka mutaa marka uu ilaaliyo sidoo kalena u hoggaansamo shuruucda ku qoran dastuurka gaar ahaan qodobka 127aad. Haddii uu askarigu ku guul dareysto in uu ilaaliyo, wuxuu noqonayaa maleeshiyo iyo dayday xiran dharka ciidanka, isaga ayaana qaadaya mas’uuliyada ka dhalata xadgudubya uu geysto. Source: goobjoog.com
  20. “Xisbiga WADDANI Doorkiisa Mucaarid Ee Ku Aadan Wuu Gutaa, Balse Qolada KULMIYE Mucaaridnimadi Burburinta Ahayd Ee Aynu Garanayno Ayay Raadinayaan, Taasna Somaliland Ma Qaadi Karayn Marxaladan Waxaase Muuqata Inuu KULMIYE U Xiisa Qabo Midi Midi Ku Taag” Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Hargeysa (Somalilandtoday)- Guddoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga ugu wayn Mucaaridka Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo waraysi gaara siiyay Wargayska Somalilandtoday ayaa ka hadlay doorashooyinka isku sidkan ee la filaayo inay Dalka ka dhacan dabayaaqada bisha danbe, doorka Mucaarid ee Xisbiga uu hoggaamiyo iyo arrimaha ka socda Geeska Afrika. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo isagoo ku sugan Waddanka Findland u waramaayay Tafatiraha Wargayska Somalilandtoday, wuxuu kaga jawaabay su’aal ahayd. Guddoomiye maxaad ka filaysaan Xisbi ahaan doorashooyinka isku sidkan ee bisha danbe Waddanka ka dhici doona.? Doorashooyinka wakiilada iyo degaanku muddo dheer ayay qateen inay inoo qabsooman, Alle ayaa mahadleh inay inoo dhacayaan bisha-danbe waxay soo jitamaanba, runtii waxaan bogaadinaya doorkii Xisbiyada, Xukuumadda iyo Koomiishanka doorashooyinku ka qateen in halkan la soo gaadho, annagu WADDANI ahan dadaal mugwayn ayaanu ku bixinay inay doorashooyinkasi inoo qabsooman, wax fiican ayaanu ka filayna Insha Allah, Somaliland iyo qaranka oo dhan ayaa wax fiican ka nawilaaya, Illahay waxaan ka baryayaa inay nabad inoogu dhacaan Xildhibaano ummadda u ageeda oo shacabku mahadiyaana ay ka soo baxaan. Xisbiga KULMIYE wuxuu mararbadan idinku eedeeyay gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo Wasiiro kale in aanu Dalka ka jirin Mucaarid sidee arrintaas u aragtaa.? Xisbiga KULMIYE inuu mucaarid baadi goobo may-ahayn oo isaga Mucaarid iskuba ah, warbaahinta ayaad ka aragteen sarakiisha Xisbiga iyo kuwa dawladda oo is eedaynaaya, hadayse u jeedan Xisbiyada Mucaaridka ah, WADDANI wuu gutaa doorkiisa Mucaaridnimo ee ku aadan si wayeelnimo ah, waxaanse filayaa KULMIYE wuxuu raadinaya mucaaridnimadi duminta ahayd ee aynu garanayno, oo ay hore u soo jileen taas Somaliland may qaadi karayn marxaladan, doorashooyinka hadda inoo qabsoomaya dulqaadka Mucaaridka ayay doorkan inoogu soo gadheen, nacasnimo kamay ahayn Mucaaridka inay mararbadan dhankooda tanaasul mujiyeen,waxaase hadda muuqata inuu mala KULMIYE raadinaayo oo u xiisay midi-midi ku taag, samirka iyo dulqaadku masuul kasta haybad ayuu u yahay waxaana ugu baahi badan cidda markaas xilka Waddanku saaranyahay, haddii cidii ay ahayd inay tanaasusho oo dulqaad samayso markii laga waayay Xisbiyada Mucaaridku sameyeen in haddana la yidhaahdo Mucaarid ma-jiro masuuliyad darro ayaan u arkaa, wuxuunban leeyahay saxiibaday Mucaarid wuu jira waanu dulqaatay, haddii aad u xiisteen Mucaaradnimadi aad taqaneen markiina dulqaata way iman doontaaye. Ugu danbayntii Somaliland markii ugu horraysay doorashooyin isku sidkan ayay galaysa maxaad soo jeedin lahayd. Waxaan ku baaqaya in doorashooyinkas oo wakhti badan iyo tacaba galay hareeraha laga joogo, axsaab, Xukuumad iyo shacaba. Waxaan kaloo ku baaqaya in laga durko wax kasta oo inaga fool xumayn kara doorashada, Murashaxiin badan ayaa tacadi ku dhacay intii qaban qaabada doorashadu socotay, taas oo ka imanaysay Xukuumadda marqudha dhibaato kamay iman dhanka Xisbiyada Mucaaridka, waliba iyagoo danaynaaya doorashada waxbadan ayay indhaha ka laabteen, haddii maanta Koomiishankii doorashooyinka ay la yalaan dhammaan murashaxiintii saddexda Xisbi waa in laga dhawro turaan turo kasta oo wax yeeli karta, shacabka Somaliland ee xariirta ahna waxaan leeyahay nabad ku codeeya nabad ku codeeya maanta ayaad fursad haysataane doorta ciddii aad is leedihiin baahiyaha idin haysta waxbay ka qaban karaysa. Source
  21. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in lagu soo weeraray Gurigiisa Muqdisho. Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo” Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey in hadda hoyga uu ka degan yahay Muqdisho uu ka socdo weerar lagu soo qaaday, kaas oo mas’uuliyadiisa uu dusha ka saaray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo. Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku shaaciyey in haatan ay gurigiisa oo weerar ku socdo ay kula sugan yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin ugu tegay wadatashi, maadaama xaaladda Muqdisho ay maanta kacsaneed. “Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan ayaa dhawaan soo degay guri u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaal culus, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka. The post DEG DEG: CC Shakuur oo sheegay in gurigiisa lasoo weeraray iyo dagaal culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
  23. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen ciidama ka amar qaata Farmaajo. Qoraal uu soo dhigay Facebook-ga ayuu ku sheegay in mas’uuliyadda dhibka dhasha uu qaadan doonno madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo.” Source: goobjoog.com