Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ganacsade Soomaali ah oo Xaaskiisa oo ajnabi ah ay dishay Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaali ahaa loogu geystay xaafaddda Mayfair oo ka tirsan magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika oo Soomaali badan ay nooshahay. Wararka ayaa sheegaya in dilkaas oo loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis ay fulisay xaaskiisa oo Koonfur Afrikaan ah, taas oo toogasho ku dishay, xilli uu ku sugnaa hoygiisa. Haweeneyda dilka ka dambeysay oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dilka u adeegsatay bistoolad uu lahaa marxuumka, kadibna ay wacday Booliiska oo ay ugu dambeyn isku dhiibtay. Laamaha ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sababta ka dambeysay dilka ay haweeneydaasi u geysatay saygeeda. Dhacdadan ayaa la-yaab ugu noqotay Soomaalida kale oo si aad ah u hadal haya dilka loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Johannesburg. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo badaneyey weerarada ka dhanka ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, iyaga oo la kulmo dil, dhaawac iyo dhac. Inta badan kooxo burcad Afrikaan ah ayaa ka dambeeya weerarada lagu hayo Soomaalida, waxaana aad u yar wax ka qabashada dowladda ee ku aadan dhibaatooyinkaasi Qaran News
  2. MOGADISHU (Reuters) – Somalia’s political leaders have reached an agreement that will pave way for elections, its foreign affairs minister said on Tuesday, ending months of deadlock that at times turned violent. President Mohamed Abdullahi Mohamed’s term expired in February, but wrangling over elections meant a new group of lawmakers was not selected in December to choose a new president. To resolve the deadlock, Prime Minister Mohamed Hussein Roble met with the presidents of five regions to address their concerns over the election’s conduct. “We have now reached an agreement that will lead Somalia to free and fair elections. Going forward Somalia needs to have a predictable transition based on elections that is inclusive, credible, free and fair,” Abdirizak Mohamed said during a U.N. meeting on Somalia. “This is a challenge and opportunity which the Somali people, government and partners must capitalise to ensure sustainable development and country.” Foreign Minister Mohamed said among the sticking points resolved was the formation of an election committee, whose absence had prevented the election of new legislators in December. In April, the lower house of parliament voted to extend the president’s four-year term by another two years. The Senate rejected the move, provoking a political crisis. The political crisis had raised fears that al Qaeda-linked al Shabaab insurgents could exploit a security vacuum if state forces split along clan lines and turn on each other. In late April, troops opposed to President Mohamed’s extension of term in office briefly seized key points in the capital, raising fears of a complete disintegration of the national army along clan lines. The soldiers have since returned to their barracks. The foreign minister said a more comprehensive statement was due to be given on Thursday. Source: Reuters The post Somalia reaches agreement paving way for elections – foreign minister appeared first on Caasimada Online.
  3. Maxaynu ka naqaanaa Weriyaha dartii Cunaqabateynta loo saaray duulimaadyada dalkiisa? Diyaaradda la dejiyay ee Ryanair Dhowr shirkado duulimaad oo Yurub laga leeyahay ayaa shaaciyay in aysan dulmari doonin Belarus, maalmo kadib markii weriye si weyn u dhaliila xukuumadda lagala degay diyaarad loo weeciyay caasimadda Minsk. Air France ayaa ah shirkadii ugu dambeysay ee xayiraad ku soo rogtay Belarus. Dalalka deriska la ah sida Ukraine iyo Poland ayaa joojinaya dhammaan duulimaadyada aada ama uga yimaada Belarus. Waddamada reer galbeedka ayaa ku eedeynaya Belarus afduubka diyaarada Ryanair oo uu la socday weriye Roman Protasevich maalintii Axadda. Mas’uuliyiinta Belarus ayaa Isniintii baahiyay muuqaalka weriye Protasevich oo u muuqda in lagu afduubay si khasab ah. Weriye Roman Protasevich ayaa madaxa gacmaha saartay marki uu ogaaday in diyaaradda ay ku socoto dalka uu kasoo jeedo oo uu baxsad ka ahaa sababo la xiriira ammaankiisa. Waxa uu wajahayaa eedeymo la xiriira warbixinnadiisa doorashadii lagu muransanaa ee bishii August dhacday iyo qaabkii ay dowladda u xakameysay mudaharaadyadii ballaarnaa ee mucaaradka, wuxuuna sheegay in uu ka baqayo in ciqaab dil ah la marsiiyo kadib markii lagu daray liiska argagixisada. Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si adag u cambaareeyay falka ay dowladda Belarus Axaddii sida khasabka ah diyaarad rakaab ah oo ka baxday dalka Giriigga kuna socota waddanka Lithuania uga dejisay magaalada Minsk ee dalkaas. Diyaarad milateri oo ay leedahay Belarus ayaa ku khasabtay diyaaradda uu saarnaa weriyaha in ay ka degto caasimadda Minsk si halkaa loogu xiro Protasevich . Midowga Yurub ayaa ficilkaas ku tilmaamay afduub lagula kacay diyaarad rakaab ah. Dowladda Lithuania ayaa iyaduna sheegtay in ay furtay kiis argagixiso oo ka dhan ah dowladda Belarus. Waa kuma Roman Protasevich, maxaa se ku dhacay? Weriye Protasevich ayaa mar tifaftire ka ahaa Nexta, oo ah warbaahin xogteeda ku shaacisa barta Telegram. Wuxuu ka tagey Belarus sanadka 2019 si uu ugu noolaado Lithuania. Halkaas ayuu uga soo warramayay dhacdooyinkii doorashadii madaxtinimada ee 2020, kadib markii lagu soo eedeeyay argagixisanimo iyo hurin rabshado. Nexta ayaa la sheegay inay taageero u ahayd mucaaradka intii lagu jiray doorashada. Protasevich wuxuu hadda u shaqeeyaa warbaahin kale oo Telegram ah, oo lagu magacaabo Belamo. Muuqaalka fiidiyowga ee la baahiyay kadib markii la qabtay, wuxuu ku sheegay inuu caafimaad qabo oo uu rabo inuu qirto dambiyo lagu soo oogay. Balse dadka u dhaqdhaqaaqaya oo uu kamid yahay hoggaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka ee dalkaas, ayaa dhaleeceeyay fiidiyowga waxayna soo jeediyeen in Protasevich cadaadis lagu saaray inuu qirto dambiyo uusan gelin. Aabaha dhalay Protasevich ayaa BBC-da u sheegay inuu ka cabsi qabo in wiilkiisa la jirdilo. Dmitri Protasevich wuxuu Isniintii sheegay inuu “runtii ka baqayo” sida wiilkiisa ay ula dhaqmi doonaan maamulka dalkiisa. Maxaa ka dhacay hawada? Shirkii Brussels, hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub waxay u sheegeen shirkadaha diyaaradaha in aysan dulmarin Belarus. Waxay sidoo kale ka codsadeen dowladaha xubnaha ka ah inay joojiyaan ruqsadaha ay ku shaqeyso shirkadda duullimaadka ee dalkaas ee Belavia. Diyaaradda la dejiyay ee Ryanair Shirkadda Air France ayaa sheegtay inay “hakisay duulimaadyada hawada sare ee Belarus illaa amar dambe”. Shirkadda diyaaradaha ee Finnair ayaa sidoo kale ku dhawaaqday go’aan kaa lamid ah. Shirkada KLM oo ay weheliyaan shirkadaha duulimaadka ee dalka Jarmalka ee Lufthansa, Scandinavia iyo kuwa kale, ayaa shaaciyay inay sidoo kale duulimaadyada ka joojinayaan Belarus. Shirkadda diyaaradaha ee Singapore Airlines ayaa sidoo kale sheegtay inay dib u habeynayso duulimaadyada si looga fogaado Belarus. Wasiirka arrimaha dibedda ee Ukraine Dmytro Kuleba, wuxuu sheegay in diyaaradaha xamuulka ee laga leeyahay Ukraine laga mamnuucay inay u duulaan ama galaan Belarus. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 130 arday ah oo ku nool magaalada Muqdisho ay wajahayaan halis weyn oo ay uga baaqan karaan Imtixaanka Qaranka ee dugsiga sare, kaasoo Sabtida ka billaaban doono Muqdisho. Waaliidin badan ayaa Caasimada Online u sheegay in ardaydooda oo Iskuulka joogay muddo aan ka yareen 12 sano in laga waayay liiska ardayda Imtixaanka galaya oo ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, markii la baarayna ay ogaadeen in loo qoray Dropout oo loola jeedo in ardaygu uu ka haray waxabarashada ama Iskuulka. Aabe Xuseen Bootaan Xasan ayaa sheegay in uu ka tirsan guddiga waalidiinta ee Iskuul ku yaalla Muqdisho islamarkaana ay dhigato gabadhiisa muddo 12 sano ah balse ay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya u soo qortay Dropout, taasoo xadgudub ku ah xuquuqda ardayda Soomaaliyeed. “Waxaan la kulmay ilaa 3 agaasime oo ka tirsan wasaaradda Waxbarashada iyo agaasimaha waxbarashada Gobolka Banaadir dhamaantoodna waxba kuuma qaban karno ayey i dhaheen maxaan ku muteystay waa xadgudub waana ku takrifal waxaas nama qabtaan,” ayuu yiri Aabe Xuseen Bootaan Xasan. Sidoo kale qaar kale oo kamid ah waalidiinta wajahaya dhibaatadaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay u sheegtay in Iskuulada iyo Dalladaha aysan usoo gudbin magacyada ardaydooda oo ay u raadsadaan. Caasimada Online ayaa xaqiijisay in ardayda qaar si buuxda u dhigan jireen Iskuullada islamarkaana ay kaalmo hore ka geli jareen Imtixaanaadka Iskuulada qaadaan. Ardayda qaar ayaa aragnay oo natiijo wanaagsan ka keenay Imtixaanka dhexe ee Iskuulka (mid-term exam) Lama oga sida ay ku dhamaan doonto arrintaan waxaase muuqato in carruur badan ay la daala dhacayaan dhibaatooyin aysan xaq u laheyn in ay maraan. The post Xog: 130 ka mid ah ardayda Muqdisho oo halis ugu jira inay imtixaanka shahaadiga uga haraan sabab yaab leh appeared first on Caasimada Online.
  5. Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Soomaaliya James Swan oo shalay ka qeyb galay shir ay yeesheen Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay Xaaladda bani’aadannimada ee Soomaaliya. James Swan ayaa waxaa uu sheegay inay weli aad u liidato Xaaladda Arrimaha Bani’aadannimada ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana dadka danta yar ay u baahan yihiin Gargaar. Mr Swan ayaa tilmaamay in 19 boqolkiiba Qorshaha ka Jawaabidda Xaaladda Bani’aadannimada ee sanadka 2021 loo helay lacag, iyadoona in ka badan saddex-meelood meel dadku ay u baahanyihiin Gargaar Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Soomaaliya ayaa dowladdaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ka codsaday in ay bixiyaan tabarucaad dheeri ah oo lagu caawinayo dadka u baahan Gargaarka. PUNTLAND POST The post James Swan oo ka hadlay xaaladda banii’aadanimo ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Doha (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ahna ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar ayaa maalmahan booqasho ku jooga caasimada Sudan ee Khartoum, xili ay taagan tahay xiisad ka dhex aloosan Ethiopia iyo Sudan. Al-Thani ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha Sudan, Dr. Cabdalla Xamduuk, ayada oo qaabilaadaasi ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Sudan. Ra’iisal wasaaraha Sudan ayaa Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ka gudoomay dhambaal qoraal ah oo uu usoo diray Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani. Waxaa looga hadlay kulankaan xiriirka labada dal, taageeradda Qatar ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, Maalgashiga, Tababarada, Iskaashiga iyo Dhaqaalaha, ayada oo labada dhinac isla qaateen in Qatar dhex-dhexaadiso Sudan iyo Ethiopia. Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Jaasim Al-Thani ayaa shaaciyey inay Qatar dhex-dhexaadin doonto Sudan iyo Ethiopia oo isku haysta Khilaaf dhanka Xuduudka iyo Saami-qeybsiga biyaha ee Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD. “Ma doonayo wax kasta oo dhibaataynayo dadka Sudan, Ammaankooda ama Noloshooda. Waxaa kale oo aan bogaadinaynaa qaabka ay Sudan ku wajahayso arrimahaasi ee Caaqilnimada iyo qaabka Diplomaasiyadeed ee deggan” ayuu yiri Ku-xigeenka RW Qatar. Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa rejo fiican ka muujiyey xalinta Xiisadahaasi, ayada oo loo mari doono wada-xaajood iyo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee Sudan iyo Ethiopia, sida uu sheegay. Dhex-dhexaadinta Qatar ay ka bilaabeyso Ethiopia iyo Sudan ayaa imaneysa xili ay dowladda Imaaraadka Carabta ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan labada dal. Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa dhawaan sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka. Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaala deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Qatar ayaa ayadu laftigeeda daneyneysa sidii deegaan Maalgelin uga samaysan laheyd gudaha Sudan, taasi oo ay hore isugu fahmi waayeen dowladda Imaaraadka oo muran kooban soo kala dhex-galay hogaamiyeyaasha dalka Sudan. The post Qatar oo isku dayeysa inay bedesho dhex-dhexaadintii uu Imaaraadka ka laabtay appeared first on Caasimada Online.
  7. Slain Somali-American businessman Bashir Mohamed Mohamud was on the intelligence system radar for receiving and sending huge sums of money to Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta shir gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana hor tegay oo khudbado ka jeediyey xubno ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. Ugu horeyn wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa khudbadiisii uu ka hor jeediyey Golaha Ammaanka waxa uu ku sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ahaa qodobka ugu muhiimsan ee loo qabtay shirkaas. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya ay shir maalmo qaatay oo weli uga socda magaalada Muqdisho ay ka gaareen hor-marro waaweyn, isla markaana heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay ee doorashada ku saabsanaa. Sidoo kale wasiirku waxa uu khudbadiisii galabta ku sheegay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen qodobadii muhiimka ahaa ee uu muranka ka taagnaa, isla markaana ay war-saxaafadeed si wadajir ah u soo saari doonaan maalinta Khamiista ah ee soo socota. Dhankiisa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan isagoo warbixin ku saabsan Soomaaliya siinayey golaha ammaanka ayaa waxa uu bogaadiyay tanaasulka ay muujiyeen hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo is afgaradka socda, “Dareenka tanaasulku weli waa baahi deg deg ah oo loo sii socdo,” ayuu yiri James Swan. Iyadoo aan weli wax heshiis ah oo la gaaray aan la shaacin, ayey xukuumaddu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey la wadaagtay in wax kasta laga heshiiyey, balse sida aan xogta ku heleyno weli lama xalin qodobo ay ku jirto arrinta Somaliland. Tan iyo Sabtigii todobaadkaan Ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho ayuu shir uga socda Teendhada Afisyooni, waxaana lasoo werinayaa in afartaas maalmood wadahadalladii socday laga gaaray hormarro muhiim ah, waxaana lagu wadaa in Khamiista 27-ka bishan lasoo gabagabeeyo shirka, sida uu galabta shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble. The post DF oo sheegtay in heshiis laga gaaray doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  9. James Swan, UN Special Representative for Somalia and head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), said it is imperative that the summit yield an implementable agreement to hold elections in the shortest time possible. Source: Hiiraan Online
  10. (ERGO) – Fadumo Mohamed Mohamoud, an internally displaced mother of 11, has been providing for her family with the income from her small shop in their IDP camp in Luq district, cushioning them from the heavy blow dealt to many other families by the economic impact of COVID19. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) - Somalia's Foreign Minister told the UN Security Council on Tuesday that federal and regional leaders have reached a tentative electoral deal that would finally see long-delayed elections. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, sida uu shaaciyey xafiiska Rooble. Shirkan waxaa lagu wadaa in lasoo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan, waxaana la isku afgartay inta badan qodobadii la isku hayey. Af-hayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka oo maanta galay maalintiisii afraad, waxuuna sheegay in madaxda ay muujiyeen biseylkooda ku aadan sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka. “Ra’iisul wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto,” ayuu yiri Macalimuu. Shirkan oo teendhada Afisyooni ka furmay Sabtidii lasoo dhaafay ayaa looga hadlay qodobo in mudo ah la isku khilaafsanaa, waxaana la sheegayaa in badankood ay dhinacyadu heshiis ka gaareen, waxaana dhiman weli qodobo ay ka mid tahay arrinta Somaliland. Sida uu ka dhawaajiyey Afhayeenka xukuumadda waxaa la guda galay diyaarinta warmurtiyeedkii heshiiska, waxaana la sheegay in Khimiista soo socota la soo xiri doono shirka, iyadoo madaxdu ay shaaci doonaan qodobada ay ku heshiiyeen, si dalka loogu jaheeyo doorasho. Hoos ka Daawo The post Daawo: Goorta lasoo xirayo shirka Afisyooni oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  13. Shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo afar maalmood ka socday Muqdisho ayaa la filayaa in la soo xiro maalinta khamiista ee soo socota. Afhayeenka Xukuumadda Federaaka Soomaaliya Ibraahim Macallimow oo galabta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu heer gabagabo ah marayo dhameystirka qodobadii la isku khaliifsanaa ee shirarkii hore fashiliyay. Macallimow wuxuu tilmaamay in maalinta Khamiista la sameyn doono xaflad weyn oo lagu iclaamin doono heshiiska ka soo baxa shirka. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Goormuu soo gabagaboobayaa shirka Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Maamulka HirShabeelle ayaa wali wada baaritaano la xariira dadkii ka dambeeyay ama ku lug-lahaa dagaalkii Arbacadii ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka HirShabeelle, kaasoo lagu dilay in kabadan 10 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxtooyada. Ciidanka Booliska ayaa baadi goobaya shaqsiyaad loo tilmaamay kuwaas oo wax ka ogaa weerarkii dhacay, sidoo kalane u badan qaraabada Maleeshiyada Macawiisleyda ee weerartay magaalada Jowhar. Baaritaanadii ugu dambeeyay ee shalay laga sameeyay Xaafadda Hanti-wadaag ee Jowhar ayaa la sheegay in lagu soo qabtay saddex qof oo ay ku jirto xaaska ninkii hogaaminayay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu soo qaaday Jowhar. Haweeneyda la soo qabtay ayaa lagu magacaabaa Aamino Shariifow, waxaana la sheegay in ay u saarantahay Assaay (mara cad ee xertaan dumarka laga dhinto). Haweeynadaan oo sidoo kale ah Hooyo carruur heysata ayaa ninkeeda oo kooxdii weerarka soo qaaday hogaaminayay ku dhintay isla dagaalkaas waxaana la sheegay in ciidanka ay su’aalo weydiinayaan. Saraakiisha Booliska HirShabeelle oo aan la xariirnay ayaa heli weynay si aan wax uga weydiino baaritaanada ay wadaan ee lagu baadi goobayo dadka xigtada ah kooxdii weerarka ka fulisay Jowhar, kuwaasoo ka tirsanaa Maleeshiyada Macawiisleyda. The post HirShabelle oo xirtay xaaska hogaamiyaha maleeshiyadii soo weerartay Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  15. Messaging app WhatsApp has blocked the accounts of dozens of Palestinian journalists following this month's fighting between Israel and Gaza's Islamist rulers Hamas, reporters said. Source: Hiiraan Online
  16. GALKAYO (HOL) - A military court in central Somalia region of Mudug has sentenced two men accused of killings and belonging to the militant group Al-Shabaab to life. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Hargeysa)-Xaraaradda doorashadda, ayaa cirka isku sii shareeraysay marba marka ka sii dambaysa maadaama doorashoyinkii isku sidkan ay kaabiga innoo sii saaran yihiin, waxaana uu xisbi kasta isku dayaya sidii ay uu Musharraxiin miisaan leh u heli lahaa, halka uu musharrax waliba doonayno inuu guulaysto,balse hadda oo doorashadii maalmo yari ka hadheen, ayaa waxa soo ifbaxay in musharraxiin ka kale tirsan saddex Xisbi oo xafiil tan uu ka dhaxeeyo ay Magaalooyinka waa weyn ee dalka ka bilaabeen qorshe ay dadka cod-bixiyayaasha kaga iibsanayaan kaadhadhka codbixinta doorashooyinka isku sidkan. Xoggo kale duwan oo uu Wargeysa Waaberi ka helay illo wareedyo rasmi ah oo ku kale sugan Magaalooyinka ,Hargeysa ,Burco, Berbera iyo Laascnood, Boorama iyo Ceerigaabo, ayaa noo xaqiijiyey in kaadhadhka codbixinta ay jiraan dilaalin u iibinaya Musharraxiinta qaarkood,kuwaas oo dadka kaadhadhka codbixinta ka urursanay, balse kula ballamaya inay maalinta codka ay ku siinayaan goobta uu ka codaynayo, isla markaana ku dhaarinayo inuu u codaynayo Musharrax uu ka iibiyey kaadhka,waxaanay xusid muddan in Magaalooyinka iyo tuullooyinka lagu kale iibsanayo kaadhka codbixinta lacag u dhexeeya $150 ilaa laba boqol oo dollar $200,halka meelaha qaar loogu darayo raashin Sidoo kale, Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo arrintaas ka hadlay ayaa uga digay dadka inay iibiyaan kaadhadhka codbixinta waxaanu ugu baaqay inay ilaashadaan kaadhadhkoodda ” Xagga kaadhadhka ha la illaaliyo qof wallow-ba kaadhkaaga hayso yaannu kaa bixin, qaar ayaa wareegaya oo doonnaya kaadhadhka inay iibsadaan,qof waliba ha ku dedaalo inuu kaadhkiisa haysto.”ayuu yidhi Ismaaciil Xaaji Nuur Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Sanaag ayaa isna arrintaa ka hadlay ayaa ku dardaaray bulshada reer Sanaag inay ilashadaan kaadhadhka codbixinta”Dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI,waxa aan xasuusinayaa, haddii aad maqli jirteen dad qalato ayaa jirta Saxiibayaal waxa soo baxay cod qalato,waxa inooga ballan ah inaynu iska ilaalino.”ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI ee Gobolka Sanaag Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha guddaha ee WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa isna falkaas ka hadlay waxaanu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayo oo Gobollada ay galbeedka ka wadda ololaha KULMIYE ay qorshaas lagu iibsanayo kaadhadhka codbixinta ay waddaan,waxaanu ugu baaqay Bulshada reer Awdal iyo Salel inay kaadhadhkooda ilashadaan. “Waxa aan maqlay inay Nimanka waa weyn ee KULMIYE ka socdaa ama KULMIYE qorshayaasha uu wataa dadka danyarta ah ee dhallinyarta iyo haweenka inuu leeyihiin kaadhadhkiina keena lacag ayaa la idin siinayaaye ,waxaan uga digaynaa inay fara-geliyaan waxyaabaha noocaas ah,waar si xalaal ah oo nadiif ah u tartama banaanka ayaa la isugu imanayaa.” Source
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay faah-faahino dheeriya oo laga helayo baaritaano lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya. Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin, ayada oo meesha laga saaray in wax rasaas ah loo adeegsaday, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday. Ehellada marxuumka ayaa hore u shaaciyey in dilka Bashiir loo adeegsaday rasaas, ayna sidoo kale ku yaalleen nabaro kale oo jir dil ah, hase yeeshe faah-faahinta hordhaca ah ee kasoo baxeysa baaritaanka ayaa tilmaameysa mid taas ka badalan, sida ay daabacday warbaahinta Kenya. Madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka ayaa gacanta ku haya baaritaanka meydka marxuumka oo muddo la raadineyay, kaasi oo markii dambe la helay meydkiisa, ayada oo la geeyey qolka maydka ee magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka. Dhinaca kale, Qareenka u doodaya marxuumka ayaa asaguna sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay. Waxa kale oo uu intaas ku daray in gubasahda meydka ka muuqatay ay ugu wacan tahay in koronto lagu dhajiyey, sida uu sheegay. Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Maxamed Gaboobe oo todobaadyo ka hor la waayey ayaa 23-kii bishaan meydkiisa laga helay duleedka magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Marxuumka oo maalmo badan la baadi goobayey ayaa waxaa meydkiisa laga helay meel duur ah oo qiyaastii 180 KM u jirta magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Marxuumka ayaa 13-kii bishan aynu ku jirno la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana kadib waayitaankiisii duleedka Nairobi laga helay gaari la rumaysanyahay inuu yahay kiisa oo la gubay. Sidoo kale marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad ganacsi oo ka shaqeysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalka Kenya. Dhacdadan ayaa wal-wal xoogan iyo sidoo kale cabsi ku reebtay ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. The post Xog cusub oo laga helayo baaritaanka ganacsadihii Soomaaliga ee meydkiisa laga helay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  19. (SLT-Hargeysa)-Tartanka Ololaha Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,ayaa axadii toddobaadkan si rasmi ah uga bilaabmay dalka,kaas oo soconaya muddo lix cisho ah,isla markaana uu xisbi waliba leeyahay laba cisho,sida ay sheegeen guddida doorashooyinka Qaranku, Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ayaa lagu waddaa inay dalka ka qabsoomaan maalinta isniinta ah ee toddobaadka dambe oo ku beegan 31 Bishan May 31 2021-ka Haseyeeshee waxaynu halkan ku eegi doonnaa ololayaashii doorashooyinkii dalka ka dhacay sannadihii 2010,2012-kii iyo 2017-kii siday ay ahayaan iyo wax-yaabihii ay ku kale duwanayeen iyo inta cisho ay dalka ka socdeen iyo dhacdooyinkii ku duugnaa. Ololaha Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee Sannadkii 2010-kii Afhayeenkii Komishankii hore Maxamed Axmed Xirsi Geele ayaa shir saxaafadeed uu qabtay ku sheegay in 4 Bishii June sannadkii2010-kii ahayd maalin arbaca ah uu guud ahaan dalka ka bilaabmay Ololaha doorashadii Madaxtooyadda,kaas socday muddo 21 maal-mood ahayd. Kaltankii ololaha ee ugu horeeyey ayaa waxa bilaabay Xisbigii UDUB ,waxaana ku xigay xisbiga KULMIYE ,halka uu ugu dambeeyey kaltanka olalahaas xisbiga UCID. Ololahaas ayaa ahaa mid xamaasad lahaa,isla markaana ay Xisbiyadda Mucaaradka ahaa ee UCID iyo KULMIYE oo xuluufo ahaa ay wacdaro ka dhigi jiraan fagaarayaasha, ,waxaase xusid muddan inuu jiray cahdigaas kacdoon hoose oo beesha dhexe ku diidanayd xukunkii Madaxweyne Riyaale ,haddana muu noqon olole xanaf badan ka tegay markii ay doorashadaasi dhammaatay. Ololaha Xisbiyadda Iyo Musharraxiinta ee Doorashadii Golaha Degaanka Iyo Ururada ee Sannadkii 2012–kii Guddidii doorashooyinka ee xilligaas ayaa shaaciyey inuu guud ahaan-ba dalka si rasmi ah uga bilaabmay ololihii ururada iyo Musharraxiinta ee sannadkii 2012-kii,waxaanu ololahaas bilaabmay maalin isniin ah 29-ka Oktober 2012-kii,kaas oo socday muddo bil ah Ololahan oo socday muddo bil ah ayaa waxa ka qayb qaadanayey taageerayaasha toddoba Urur siyaasadeed oo urur kastaa maalin gooni ah uu dibedbax ka samayn jiray magaalooyinka waa weyn ee dalka,kuwaas oo kale ahaa Ummadda, UCID, Kulmiye, Dalsan, Rays, Wadani, iyo Xaqsoor. Ololihii doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee sannadkii 2017-kii Guddidii hore ee doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ololihii doorashada Madaxtooyadda uu dalka si rasmi ah uga bilaabmay 21 October 2017 -kii,kaas oo socday muddo 21 ciso ah ,waxaana kaltanka ololaha ugu horeeyey oo bilaabay Xisbiga UCID ,waxaana ku xigay Xisbiga KULMIYE,halka uu Xisbiga WADDANI ugu dambeeyey. Tartankii ololihii doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee sannadkii 2017-kii ayaa ahaa mid adag,maddaama oo uu xafiiltan ka dhaxeeyey Xisbiyadda KULMIYE ,UCID oo isku dhinac ahaa iyo Xisbiga WADDANI,waxaanu ololuhu ahaa kii ugu adkaa ee doorashooyinkii dalka ka dhacay taariikhda,waxaanu xaalku gaadhay meel xaasaasi ah,balse waxa uu ku soo dhammaaday si nabad ah. Tartanka Ololaha doorashooyinka Isku sidkan Ee Wakiillada Iyo Degaanka ee sannadka 2021-ka Guddidan Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in tartanka ololaha doorashooyinka isku sidkan uu dalka si rasmi ah uga bilaabmay 23 bishan May,kaas oo ay sheegeen inuu soconay muddo kooban oo lix maal-mood ah,waxaan tartanka ololaha bilaabay xisbiga UCID ,waxaana ku xigay Xisbiga KULMIYE, halka Xisbiga WADDANI uu uga dambayn doonno . Gunaanadkii Ololahan ayaa ah mid aan hore dalka uga dhicin,iyadoo ay ka qayb-qaadanayaan ku dhawaad kun musharrax oo u tartamaya doorashooyinka isku sidkan ee degaanka iyo Wakiillada iyo taageerayaashoodii,waxaana la odhan karraa waa ololihii ugu ballaadh-naa ee doorashooyinkii dalka ka dhacay,waana mid ka xamaasad badan,iyadoo uu ku jiro ficiltan iyo dhoolatus musharraxiinta iyo beelaha ay ka soo kale jeedaan u dhaxeeyaa,waxaana xusid muddan in amaanka si weyn loo adkeeyey,maddaama oo uu yahay olole sal ballaadhan,kaas oo la filayo in la soo afmeero maalinta jimcaha ah ee inagu soo aadan. Source
  20. WARSAXAAFADEED Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxay ku ammaanaysaa dhammaan goobaha waxbarashada JSL sida xilkasnimadu ku dheehan tahay ee ay u fuliyeen go’aannadii Guddiga Qaran ee Xanuunka KALA-ROORA iyo wareegtadii Wasaaradda Waxbarashada. Haddaba Wasaaradda Waxbarashada oo ka duulaysa in xaqiiqada ah inay dugsiyadu fasax yihiin inta u dhaxaysa 13/4/2021 iyo 3/7/2021, muhiimadda ay leedahay dhaqaalaynta macallimiinta iyo inaan culays dhaqaale la saarin ardayda; waxay soo saartay go’aannadan: 1. Way reebban tahay in dugsiyada dalku ay ardayda shuruud kaga dhigaan bixinta lacagta dugsiga (Fiiga) oo lagu waajibiyo inay waalidku isku mar bixiyaan 2 bilood iyo ka badan; haddii aanu waalidku sidaas doorannin. 2. Dugsiyada waxa la farayaa inay mushahar siiyaan macallimiinta iyo shaqaalaha dugsiyadooda ka hawlgala dhammaan 12-ka bilood ee sannadka, maadaama ay ardaydu lacag (School Fee) bixinayaan 12-ka bilood ee sannadka. 3. Waa waajib in ay waalidiintu bixiyaan lacagta Fiiga waxbarashada dhammaan 12-ka bilood ee sannadka, iyadoo loo bixin karo bil, kal (Semester) ama sannad; hadba kii waalidku doorbido. 4. Dugsiyada waxa la farayaa in aanay ardayda lacag kaga qaadin imtixaan, buugaag, waraaqo, qalimaan, tabaashiir, beddel, diiwaan galin, safar, iwm. Isla markaana inaan ardayda lagu amrin inay soo iibiyaan agab dugsiga looga baahan yahay; marka laga reebo agab arday waxyeello u geystay oo laga magdhebayo. 5. Maamulayaasha dugsiyada, macallimiinta, ardayda, waalidiinta iyo Wasaaradda waxa ka dhexeeya ixtiraam in uu kordho mooyaane ay tahay in aanu marnaba hoos u dhicin. 6. Waa in Waalidka iyo Maamulka Dugsiyadu yeeshaan wadatashi joogto ah oo ku saabsan arrimaha Waxbarashada dugsiga iyo xoojinta xidhiidhkooda, isla markaasna sannadkiiba hal mar la qabto kulanka horumarinta dugsiga oo ay ka soo qayb galaan dhammaan waalidiinta iyo macallimiinta dugsigu. Allaa Mahad Leh. Qaran News
  21. (SLT-Burco)-Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ayaa tageeradii miisaanka lahayd ee uu ku lahaa Gobolka Togdheer ay u muuqataa inay meesha ka sii baxayso,waxaanna muddooyinkii ugu dambeeyey soo ifbaxayey in taageerayaashii Xisbiga ay u guureen dhanka labada Xisbi ee Mucaaridka ah. Iyadoo ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda KULMIYE ay fagaarayasha ka muujiyeen tawaawac muujinayey in Xisbigu uu fara madhnaan ka taagan yahay Gobolka Togdheer. Xilligan oo lagu jiro wakhti doorasho, ayaa waxa aan la dafiri karrin in Xisbiga KULMIYE uu Musharraxiinta uu soo xulay Gobolka Togdheer ay yihiin qaar aan guul-baddan u keeni karrin Xisbiga, marka loo eego labadda Xisbi ee kale. Madaxweyne Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa ka hor inta aannu bilaabmin ololaha doorashooyinka u diray Gobolka Togdheer Wasiiro miisan leh oo deegaankaa ka soo jeeda,kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiir Siciid Sulub Maxamed, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal iyo Guddoomiye Cabdikariin Xinif iyo masuuliyiin kale. Hase-yeeshe waxa xusid muddan inay reer Togdheer ay dhabarka u jeediyeen xisbul-xaakimkii tacabka iyo juhdiga galiyeen, kuwaas oo naadinaya taageerada KULMIYE . Guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga ayaa sheegay in aanay cidi u garaan-bayn haddii la yidhaahdo Faysal Cali Waraabe ayaa kaga baddiyey Gobolka Togdheer Xisbiga KULMIYE “Maanta waxa tartamaya Siilaanyo ,Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Ismaciil Cali Abokor Iyo Faysal Cali Waraabe,Malaa ciddi noo garaabi mayso, Faysal ayaa kaga baddiyey ragaas .”Ayuu yidhi Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo kumanaan Taageerayaashiisa ah kula hadlayey fagaaraha Khayriyadda Burco ayaa sheegay in reer Togdheer ay KULMIYE ka yaceen,isagoo sheegay in xildhibaano xul ah oo uu KULMIYE diiday uu ka soo sharraxay UCID Togdheer ” Waxa aanu idiin soo xulnay dad wanaagsan dadkaa yimi baddankoodu waxay markii hore u tageen ,Xisbigii aad isla ogaydeen laga yaac-laga yaac, Burco ma ka yaac-day,waa laga cararay buugaa waan soo xidhaynaa Waxaanu intaas ku sii daray Guddoomiye Faysal “UCID weeye doorkani qabyaaladii waad arragteen saw mahaa,Jeegaantii waad arragteen saw maaha .” Source
  22. (SLT-Addis Ababa)-Dowladda Japan ayaa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ugu deeqday adduun lacageed oo gaadhaya hal Milyan oo dollar. Lacagtan loogu deeqay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in loogu tallo galay in wax lagaga qabto biyo-gelinta, Fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo waliba ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga. “Waxaan ku faraxsan ahay inaan deeq dhan 1 million oo dollar oo wax lagaga qabanayo biyo-gelinta iyo fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga ka helnay dawlada Japan. Hay’adaha UNHCR iyo International Labour Organization (ILO) ayaa fulinaya mashruucan, oo qayb ahaan wax ka taraya biyo-la’aanta baahsan ee ka jirta Qabribayax” ayaa lagu yidhi qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar. Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadiisa aay qorshaha ku darsatay in biyo gelin dhammeystiran u sameyso magaalooyinka kala ah Jigjiga, Qabribayax, Dhagaxbuur iyo Wardheer sanad- miisaaniyadeedka soo socda. Source