Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay lw areegeen deegaano dhorw ah oo ka tirsan gobolka Dhexe ee maamulka HirShabelle. Howl-galladan oo uu horkacayey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadu ay kula wareegeen deegaanada War Dhagax, Warciise, Gal Leef, Qoor Dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere. Wararka ayaa sheegaya in deegaanadaasi ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, balse dagaal kooban, kadib ay isaga baxeen deegaanadaasi. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday inay jab xoogan iyo khasaare ku gaarsiiyeen dagaalyahanadii ku sugnaa deegaanadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay fariisimo cusub ka sameysteen deegaanada ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, iyadoo laga cabsi qabo inay soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo beryahaan ku sugnaa gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa baabul iyo dhaq dhaqaaqyo milatari ka waday deegaano ka tirsan maamulka HirShabelle. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyaga oo weeraro culus kasoo abaabulay deegaanada ay heystaan ee HirShabelle. The post Ciidamada DF oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  2. Kooxda Taliban ayaa shuruudo adag ku xiray ka qeybgalka shirka sida weyn loo sugayo, kaas oo Mareykanku doonayo inuu ka dhaco magaalada Istanbul ee waddanka Turkey. Shuruudahaas waxa kamid ah in ajandaha shirka aysan ku jirin go’aan ka gaarista arrimaha xaasaasiga ah iyo in wafdiga Taalibaan aysan ku jiri doonin hoggaanka sare ee ururkaas. Shirkan oo ay si wadajir ah u martigalinayaan Qaramada Midoobay, Turkiga, iyo Qatar ayaa markii ugu horeysay waxaa soo jeediyay Mareykanka bishii April, maalmo kadib markii Madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay in ciidamada shisheeye ay ka baxayaan Afghanistan. PUNTLAND POST The post Taliban oo shuruudo ku xirtay ka qeybgalka shirka Istanbul appeared first on Puntland Post.
  3. Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aanka dowladda Soomaaliya ku diiday ergaygii midawga Afrika dhawaan u soo magacaabay . James Swan oo khudbad dhinacya badan taabaneysa ka hor jeeydiyay shirka golaha Ammaanka qaramada midoobay, kaas oo looga hadlayay xaaladda doorashooyinka iyo bini aadanimada Soomaaliya ayaa sheegay in ay walaac iyo wal wal xoogan ay ka qabaan go’aanka dowladda Soomaaliya ku diiday madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo midawga Afrika u soo wakiishay Soomaaliya . “Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan. Madaxweynaha midawga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi, ayaa John Mahama u soo magacabay in uu kala dhex galo dhinacyada isku haysto siyaasadda Soomaaliya kadib markii madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka codsaday in la soo kala dhex galo isaga iyo midawga Musharixiinta . Xubnaha Midawga musharixiinta ayaa soo dhaweyay John Mahama , iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay ku eedeysay in uu xiriir dhaw la leeyahay Kenya oo ay Soomaaliya is hayaan . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad aha ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan kooxda Al-Shabab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan nawaaxiga Wajeer. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyey guri uu duleedka Wajeer ka dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalkaasi oo lagu magacaabo Nuur Jibriil, kaasi oo xilliga weerarka ka maqnaa guriga. Sarkaalka la weeraray hoygiisa oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in xilligaasi ay isaga iyo askar kale ilaalo ka hayeen isbitaalka (Khorof Harar Hospital), kadibna markii ay maqleen rasaasta ay guriga kusoo laabteen. Nuur Jibriil oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in marka ay yimaadeen guriga ay la kulmeen meydka wiilkiisa oo ay toogasho ku dileen kooxihii fuliyey weerark oo goobta ka baxsaday. “Annaga iyo saraakiisha kale ee NPR, waxaan ilaalo ka haynay Isbitaalka (Khorof Harar Hospital) markii Al-Shabaab ay soo weerareen gurigeyga, waxaan maqalnay dhawaqa rasaasta waxaana durba u dhaqaaqnay goobta. Nasiib darro, markii aan halkaa gaarnay waa goor ay wiilkayga toogteen,” ayuu ka dhawaajiyey Nuur Jibriil. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weerarka, kadib howl-gallo ballaaran ka sameeyey agagaarka degmada Wajeer, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey falkaasi. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyo Bari oo xad laleh Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay Kenya + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo khudbad ka jeedinayey kulanka golaha ammaanka ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2021. Swan ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday go’aankii ay dowladda federaalka ah ku diiday ergeygii ka socda Ururka Midowga Afrika ee John Mahama oo dib isaga laabtay. Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay tahay arrin laga welwelo in dowladda Soomaaliya ay iska diiday ergeygii Midoowga Afrika u soo magacaabay arrimaha Soomaaliya, si uu qeyb uga noqdo dadaallada socda ee doorashada. “Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan. Sidoo kale wuxuu farriin u diray hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ku shirsan Teendhada Afisyoone, isaga oo ugu baaqay inay ka dhabeeyaan wada-hadallada socda ee doorashada. James Swan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in madaxda Soomalaiyeed ay heystaan fursad muhiim ah oo dalka looga gudbin kari xaaladda adag ee uu jiro, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah oo ay sii adkeeysay is-faham waaga ka jira doorashooyinka. Si kastaba, John Mahama ayaa iska casilay xilkan, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay go’aankeeda, waxayna ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay dowladda Kenya. Hadalkan ayaase ku soo aadayo, iyada oo haatan isku dhowaasho laga sameeyey wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana lagu wadaa in go’aanka beri lagu dhawaaqo, si markaasi loo bilaabo doorashada oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha. The post QM oo walaac xoog-leh ka muujisay go’aankii DF ee diidmada John Mahama appeared first on Caasimada Online.
  6. (SLT-Hargeysa)-12 Xubnood oo ah goob joogayaasha caalamiga ah ee dusha kala socon doona doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ayaa soo gaadhay Somaliland kadib markii ay martiqaad ka heleen Komiishanka doorashooyinka Qaranka. Warsaxaafadeed ay goob joogayaashani soo saareen oo Wakaalladda wararka Solna ay soo turjuntay ayay ku sheegeen inay goob joogayaashan ay maalgeliso dawlada Ingiriiska. Waxay sheegeen in shaqadoodu noqon doonto u kuurgalida habka ololuhu u socdo, hannaanka doorashadu u dhacayso iyo fulinta shuruucda doorashada iyadoo ay goob joogayaasha caalamiga ah ay arrintaas ka saacidayaan kor joogtada Maxaliga ah. Goob joogayaasha caalamiga ah waxaa kale oo ay sheegeen inay dusha kala socon doonaan Maalinta doorashada iyo tirinta codadka Waxaa kale oo ay intaas ku dareen in goob joogayaashani ay ka kala socdaan dalalka Uk, Masar, Ethiopia, France, Jarmalka, New Zealand, Koonfur Africa, Maraykanka iyo Zambia. Michael Walls oo ah madaxa goob joogayaasha caalamiga ayaa sheegay in doorashadani ay ahmiyad weyn u leedahay dimuquraadiyada Somaliland maadaama la qabanayo doorashada Wakiillada oo lagu gelayo Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxaanu xusay in doorashadan ay ku lamaan tahay ta golayaasha deegaanka. Professor Michael Walls oo ka socda waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL, ahna madaxa Kor-joogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi isaga oo daba socda kulan wada shaqayneed oo ay la yeesheen Guddida Doorashooyinka Qaranka: “Doorasho kastaa waa muhiim, doorashooyinka imika dhacayaa iyada oo ah markii labaad ee ay Somaliland qabato doorashooyinka golaha wakiillada, waxa ay noqon doonaan Gole Wakiillo oo ku soo baxay codka dadwaynaha. Isku darista labada doorasho ee deegaanka iyo golaha wakiilladu waxa ay sii kordhinaysaa muhiimadda codka ee bulshada reer Somaliland. Kormeerayaal ahaan, kaalintayadu maaha keliya ololaha, maalinta codaynta iyo natiijada oo keliya, laakiin waxa kale oo noo muhiim ah xeerarka doorashooyinka iyo sida loo fulinayo” Madaxa goob joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka Somaliland ayaa intaas ku daray in afar bilood kadib ay soo saari doonaan warbixintooda. Source
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar lagu dilay dad shacab ahaa ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Garasle oo hoostaga magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo warramayaa in dadka lagu dilay oo gaarayey illaa saddex qof ay ahaayeen dad isku qoys ah. Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay dadkaasi ugu tageen gurigooda, kadibna ay dileen. Sida ay ogaatay Caasimada Online dadka la dilay ayaa kala ahaa labo wiil oo walalale ah iyo sidoo kale gabar ay Abti u ahaayeen, kuwaas oo meydadkooda la geeyey Balanballe. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in kooxihii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug. Falkan ayaa walaac xoogan waxaa ka muujiyey dadka deegaanka, iyadoo lagu soo warramayo inay haatan socdaan howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey. Sidoo kale waxaa weerarkan lala xiriirinayaa inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano dhowr ah ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii duleedka Balanballe uu ka dhacay dagaal beeleed khasaare geystay oo dhex-maray maleeshiyaad ku wada sugan halkaasi. The post Weerar lagu dilay dad isku qoys ahaa oo ka dhacay gobolka GALGADUUD appeared first on Caasimada Online.
  8. (SLT-Doha)-Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ahna ku-xigeenka Raysal Wasaaraha dalka Qatar ayaa maalmahan booqasho ku jooga caasimada Sudan ee Khartoum, xili ay taagan tahay xiisad ka dhex aloosan Ethiopia iyo Sudan. Al-Thani ayaa kulan la qaatay raysal wasaaraha Sudan, Dr. Cabdalla Xamduuk, ayada oo qaabilaadaasi ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Sudan. raysal wasaaraha Sudan ayaa Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ka guddoomay dhambaal qoraal ah oo uu usoo diray Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani. Waxaa lagaga hadlay kulankaan xidhiidhka labada dal, taageeradda Qatar ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, Maalgashiga, Tababarada, Iskaashiga iyo Dhaqaalaha, ayada oo labada dhinac isla qaateen in Qatar dhex-dhexaadiso Sudan iyo Ethiopia. Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Jaasim Al-Thani ayaa shaaciyey inay Qatar dhex-dhexaadin doonto Sudan iyo Ethiopia oo isku haysta Khilaaf dhanka Xuduudka iyo Saami-qeybsiga biyaha ee Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD. “Ma doonayo wax kasta oo dhibaataynayo dadka Sudan, Ammaankooda ama Noloshooda. Waxaa kale oo aan bogaadinaynaa qaabka ay Sudan ku waajahayso arrimahaasi ee Caaqilnimada iyo qaabka Diplomaasiyadeed ee deggan” ayuu yidhi Ku-xigeenka RW Qatar. Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa rejo fiican ka muujiyey xalinta Xiisadahaasi, ayada oo loo mari doono wada-xaajood iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee Sudan iyo Ethiopia, sida uu sheegay. Dhex-dhexaadinta Qatar ay ka bilaabeyso Ethiopia iyo Sudan ayaa imaneysa xili ay dowladda Imaaraadka Carabta ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan labada dal. Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Tallada dalka Sudan ayaa dhawaan sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka. Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaalla deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Qatar ayaa ayadu laftigeeda daneyneysa sidii deegaan Maalgelin uga samaysan laheyd gudaha Sudan, taasi oo ay hore isugu fahmi waayeen dowladda Imaaraadka oo muran kooban soo kala dhex-galay hogaamiyeyaasha dalka Sudan. Source
  9. (SLT-Yemen)-Hadal ka soo baxay Saldhiga Boliska ee May 22 ee Galbeedka magaalada Sanca ee dalka Yeman ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay Gacan-ku-dhiiglihii sida xaq-darada u dilay Allaha U Naxariisto Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Faarax Muuse oo 36-jir ahaa. Gacan-ku-dhiiglaha la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Khaalid C/Baasid Yaxya Naasir Al-Jayifi waa 32-jir, kaasi oo la xaqiijiyey inuu Marxuumka ku dhufatay 5 xabbo oo rasaasta Qoriga Ak 47 ee uu Gacan-ku-dhiigluhu sitay. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Maamulka Kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haysa Magaalada Sanca ay dilka nin Soomaaliga kadib ay gawaadhi lagu xidhay Samaacado waa weyn ku naadinayeen in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglaha oo baxsad ahaa. Booliska Xuutiyiinta ayaa waxaa ugu dambayntii ku guuleysteen in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglaha, kaasi oo dhawaan la soo taagi doono Maxkamad hoos tagta Maamulka Xuutiyiinta. Denbiilaha dilka geystay ayaa waxaa la sheegay inuu Muwaadinka Soomaalida istaajiyey, xilli uu ku sii jeeday Xarunta Jaamacadda Aljazeera ee Sanca oo uu ka ahaa Shaqaalaha Nadaafadda. Marxuumka ayaana la toogtay, kadib markii uu Dableygu weydiiyey Jinsiyadiisa, kaasi oo Marxuumka toogtay markii uu caddeeyey inuu yahay Muwaadin Soomaali ah. Source
  10. (SLT-Mali)-Millateriga dalka Mali ayaa shaaciyay in meesha laga saray xilalkii ay hayeen madaxweynaha kumeel gaadhka ah ee Bah Ndaw iyo ra’iisal wasaaraha dallkaasi Moctar Ouane. Labada hoggaamiye ayaa lagu hayay saldhig millateri oo ku yaalla dulleedka magaalada Bamako tan iyo markii la xidhay Isniintii. Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, madaxweyne ku-xigeenka dowladda ku meel gaadhka ah ayaa madaxdaasi ku eedeeyay inay ku fashilmeen hoggaaminta isla markaana ay doonayaan inay carqaladeeyaan dowladnimada. Ururka dalalka galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS, ayaa cambaareeyay xadhigga hoggaamiyaashaasi, waxayna sheegeen in ay wefti u diri doonaan dalkaasi Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Mali ayaa dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo madaxweyne Bah Ndaw iyo Raysal Wasaare Moctar Ouane, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in labadoodaba ay xidheen millatariga. Qoraal Twitter-ka lasoo dhigay (oo ku qoran luuqadda Faransiiska) ayay diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay sidoo kale ku codsadeen in xasilooni laga sameeyo waddanka ku yaalla Galbeedka Afrika. Xadhigga mas’uuliyiinta ayaa yimid saacado kaddib markii isku shaandheyn lagu sameeyay dowladda, taasoo sababtay in xilalka laga baddalo labo sarkaal oo ka tirsan xubnaha sar sare ee millatariga ee ka qeyb qaatay afgambigii sanadkii hore. Lataliyaha sare ee madaxweyne ku xiigeenka dalkaasi ee Baba Cise oo ka hadlay telefiishanka qaranka ayaa sheegay in doorashada ay qabsoomi doonto sanadka soo socda. Maxaa sababay dhibaatada? Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa sheegay in aanana ;lagalal tashanin isku shaandheynta golaha wasiirada, taas oo uu ku sheegayo in isaga loo magacaabi lahaa madaxweyne ku xigeen. Kadib afgembigii sanadkii hore hogaamiyahan milatariga ah ayaa doonayay in uu hogaamiyo dowladdan ku meel gaaraka ah ee qabanqaabinayso doorasho inay dalkaasi ugu dhacdo muddo 18 bilood islamarkaasina xukunka dib loogu celiyo rayidka. Ururka ECOWAS ee heshiiskaasi marki hore gadhwadeen ka ahaa ayaa weli wuxuu ku doodaya in xukunka shacabka lagu soo celiyo. Balse Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa ah ninka ugu awoodda badan dalkan aan xasiloonida lahayn eek u yaala galbeedka afrika. Maxaa xiggi doona? Wefdi ka socda ururka ECOWAS aayaa la filaya in maanta ay gaadhan Bamako. Maadama Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, uu heshiiskii ururka wada saxeexdeen ka baxay oo uu hada xilka awood kula la wareegay, ma cadda talaabada ay qaadi doonnan. Laakiin Faransiiska, oo hore u gumeystay dalkan, ayaa ku hanjabay cunaqabateynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah kuwa ka dambeyay afgembiga, iyadoo madaxweynaha Emmanuel Macron uu ku tilmaamay arrintan”inqilaab inqilaab dhexdiisa ka dacay”, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters. Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa dadka ugu baaqay inay howlahooda maalinle ay wataan islamarkaana balanqaaday in milatariga uu horumar ka sameyn doono arrintan. Source
  11. New York (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay qasab tahay in shirka wadatashiga ee Muqdisho ka socda uu dhaliyo heshiis horseedi kara in dalka doorasho looga qabto waqtiga ugu gaaban ee ugu macquulsan. “Heshiis la’aan, iyo daacadnimada iyo niyad-wanaagga lagu fulinayo, guulihii la gaaray sanadihii tegay waa ay lumi doonaan, taasi oo keeni karta amni iyo xasillooni darro dheeraad ah,” ayuu ka digay James Swan oo ka hadlay kulan uu Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya. Isaga oo ka hadlayey is-mari waaga siyaasadeed iyo muddo kororsigii laga laabtay ee horseeday in lagu dagaalamo Muqdisho, ayuu James Swan yiri “Soomaaliya qarka ayey kasoo laabatay marxaladdii ugu xumeyd.” James Swan ayaa ku cadaadiyey hoggaamiyeyaasha ku shirsan Muqdisho inay raadiyaan tanaasul, kana shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ayada oo la eegayo danta shacabka Soomaaliyeed. “Haddii aan la gaarin heshiis, horumar laga sameeyo ahmiyadaha qaranka waa ay wiiqmi doonaan, ama kasii daran’e waa ay baabi’i doonaan, sida amniga dhaqaalaha iyo waaxyaha horumarka,” ayuu ka digay Swan. Shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho ayaa la filayaa in maanta lasoo geba-gebeeyo, ayada oo wararka ay sheegayaan in heshiis laga gaaray. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo isna ka hadlay kulanka Golaha Ammaanka ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya ay heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay ee doorashada ku saabsanaa, laguna dhowaaqi doono maanta. The post Swan oo madaxda ku shirsan Muqdisho uga digay waxa dhici kara haddii aysan heshiin appeared first on Caasimada Online.
  12. Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar ka fuliyay Gobolka Wajeer ee Waqooyi bari Kenya. Al-shabaab ayaa weerartay guriga sarkaal ka tirsan dowladda Kenya, sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas. Sarkaalka ayaa la sheegay wakhtiga weerarku dhacay in uu guriga ka maqnaa, waxaase ku dhintay wiil uu dhalay oo halkaas joogay. Sarkaalkaas ka tirsan Ciidanka Kenya ee Gobolka Wajeer laguna magacaabo Nuur Jibriil ayaa tilmaamay inay baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarii dhacay, ayna ku raad joogaan xubnaha hubeysan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar ka fulisay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
  13. Waxaa maalintiisi Shanaad socda shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka. Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo. Madaxda ayaan illa hadda aan shaacin heshiisyada ay gaareen , balse warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ay madaxda ay isla afgarteen qodobo horay dood uga taagneyd. Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay dhankeeda shirka Afisyooni, iyadoo la sheegay in qodobo ay ka mid yihiin cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland la isku afgartay. Berri ayaa lagu wadaa in magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. More than 20 people have disappeared since January and their bodies dumped in mortuaries, roadside thickets and on river banks. Source: Hiiraan Online
  15. COVID-19 is a key factor forcing migrants travelling to Saudi Arabia to make risky journeys home from Yemen. Source: Hiiraan Online
  16. (ERGO) – Somali women activists are calling for stronger laws and tougher penalties to protect women and girls from rising cases of rape and sexual violence. Source: Hiiraan Online
  17. Saddex ruux oo isku qoys ah ayaa xalay lagu dilay degaanka Garasle oo ka tirsan degmada Balanballe ee Gobolla Galgaduud. Dabley hubaysan ayaa la sheegay in ay dadkan ku toogteen gurigooda kadibna goobta isaga baxsadeen sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Maydadka saddexda ruux oo ah laba wiil oo walaalo ah iyo gabar ay abti u yihiin ayaa la geeyay isbitaalka degmada Balanballe. Dhacdadan ayaa lala xiriirinayaa aanooyin qabiil oo horay halkaas uga dhacay sida ay sheegeen dadka degaanka. PUNTLAND POST The post Dad isku qoys ah oo lagu laayay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  18. Foreign Minister Mohamed said among the sticking points resolved was the formation of an election committee, whose absence had prevented the election of new legislators in December. Source: Hiiraan Online
  19. A Chinese envoy on Tuesday called on parties in Somalia to strive to break the current political deadlock over delayed elections. Source: Hiiraan Online
  20. Sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa ku wargeliyay Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay, in haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin ay macluul baahdsani ka dhici doonto Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. Sarkaalkan oo lagu magacaabo, Mark Lowcock oo ah Wakiilka Arrimaha Bani’aaddannimada ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa Golaha Amniga u gudbiyay warbixin uu ka diyaariyay xaaladda Gobolk Tigray. Lowcock ayaa sheegay, in haddii labada bilood ee soo socota aan si deg deg ah loo xoojin gargaar bani’aadannimo ay dadka ku nool gobolkaas ay colaaduhu ka jiraan ee Tigray ay khatar u gali doonaan macluul. Muddo ka badan lix bilood oo ay colaado ka jiraan gobolka waqooyi ee Tigray ee Itoobiya ayaa hey’adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay soo sheegayeen in halkaasi ay ka dhaceen gaboodfallo ka dhan ah aadanaha. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ka digtay macluul ka dhacda Gobolka Tigray appeared first on Puntland Post.
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in Madaxweynaha HirShabeelle uu dhowr jeer isku dayay in uu la heshiiyo Beesha Xawaadle oo diidan maamulkiisa laakiin uu la kulmay caqabad ilaa hadda taagan. Xubnahaan ka tirsan xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed uu dalbaday in looga dambeeyo beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle islamarkaana uu awoodi waayay in uu wada-hadal lafuro. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa diiday in la dhinac maro oo ay Xawaadle qof kala hadasho arrimaha HirShabeelle, taasoo ku tilmaamay in ay meel ka dhac ku tahay matalaaddiisa. “Wax badan ayaa isku daynay laakin Madaxweyne ku xigeenka ayaa yiri yaan la ii gadaal marin basle waxba kama keenin in toos Madaxweynaha ula xariirana waa diidyay,” ayuu yiri la-taliye sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha oo la hadlay Caasimada Online. Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo Madaxweyne ah muddo ka badan lix bil ayaa ilaa hadda wajahaya diidmo xoog leh oo kaga imaanaya beesha Xawaadle oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn HirShabeelle. Beeshan ayaa diiday doorashadii uu kusoo baxay Guudlaawe, ayada oo ku dooday in heshiiskii lagu dhisay HirShabelle uu ahaa inay leeyihiin madaxweynaha, halka beesha Guudlaawe ay leedahay caasimadda, inkasta oo kuwa arrintan diidan ay sheegeen in heshiiskaas uu ahaa hal muddo xileed, oo aanu aheyn weligiis. The post Xog: Hal arrin oo Guudlaawe ka hor-taagan in uu heshiis la gaaro beesha Xawaadle appeared first on Caasimada Online.
  22. Dawlada Qatar oo u xusul duubaan Dhex-dhexaadin uu Imaaraadku tahli kari waayey,Kana huleelay Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ahna ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar ayaa maalmahan booqasho ku jooga caasimada Sudan ee Khartoum, xili ay taagan tahay xiisad ka dhex aloosan Ethiopia iyo Sudan. Al-Thani ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha Sudan, Dr. Cabdalla Xamduuk, ayada oo qaabilaadaasi ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Sudan. Ra’iisal wasaaraha Sudan ayaa Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ka gudoomay dhambaal qoraal ah oo uu usoo diray Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani. Waxaa looga hadlay kulankaan xiriirka labada dal, taageeradda Qatar ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, Maalgashiga, Tababarada, Iskaashiga iyo Dhaqaalaha, ayada oo labada dhinac isla qaateen in Qatar dhex-dhexaadiso Sudan iyo Ethiopia. Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Jaasim Al-Thani ayaa shaaciyey inay Qatar dhex-dhexaadin doonto Sudan iyo Ethiopia oo isku haysta Khilaaf dhanka Xuduudka iyo Saami-qeybsiga biyaha ee Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD. “Ma doonayo wax kasta oo dhibaataynayo dadka Sudan, Ammaankooda ama Noloshooda. Waxaa kale oo aan bogaadinaynaa qaabka ay Sudan ku wajahayso arrimahaasi ee Caaqilnimada iyo qaabka Diplomaasiyadeed ee deggan” ayuu yiri Ku-xigeenka RW Qatar. Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa rejo fiican ka muujiyey xalinta Xiisadahaasi, ayada oo loo mari doono wada-xaajood iyo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee Sudan iyo Ethiopia, sida uu sheegay. Dhex-dhexaadinta Qatar ay ka bilaabeyso Ethiopia iyo Sudan ayaa imaneysa xili ay dowladda Imaaraadka Carabta ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan labada dal. Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa dhawaan sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka. Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaala deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Qatar ayaa ayadu laftigeeda daneyneysa sidii deegaan Maalgelin uga samaysan laheyd gudaha Sudan, taasi oo ay hore isugu fahmi waayeen dowladda Imaaraadka oo muran kooban soo kala dhex-galay hogaamiyeyaasha dalka Sudan. Qaran News