-
Content Count
211,234 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa tacsi loo dirayaa Caruurtii, Ehelka iyo Guud ahaan Asxaabta Geeridii ku timid Alla ha u naxariistee Marxuumad Caasho Cilmi Buraale, oo Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Talaado 27,04,2021. Waxaa sigaara loogu tacsiyaynayaa Caruurtii Marxuumada Ilmo Cabdi Kawi Jamac iyo Guud ahaan Reer Cilmi Buraale. Marxuumada Waxaan Illaahay uga baryaynaa Jano waarta iyo dambidhaaf iyo in Illaahay samir ka siiyo intii ay ka baxdey. Aaaamiin Aaaamiin Aaaamiiin The post Tacsi— Marxuumad Caasho Cilmi Buraale oo 27 Abril ku geeriyootay Muqdisho appeared first on . Source
-
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa aad loo adkeeyey Amaankeeda, Awoodii ugu weynayd ee Ciidamada Dowlada ayaa la isugu keenay, Ciidamada ku sugan Madaxtooyada waxaa Labadii maalin ee lasoo dhaafay la shan jibaaray Ilaalada Madaxtooyada, Ciidamadaan dheeraada ah ee Ilaalada ka noqonaya Madaxtooyada ayaa ah kuwo lasoo xulay oo idlamarkaas ku hubaysan hubka ugu culus ee Ciidamada Soomaaliya la siiyay. Wararka ay Puntlandi.com helayaan Ciidamadaan waxay sitoosa uga amarqaataan Janaraal Biixi, Shaqada loo xilsaarayna waa inay 24 ka saac ay ilaaliyaan Madaxtooyada. Mid kamida Askartii dhowaan kasoo goostay Ciidamada Dowlada oo iminka ku sugan Garowe ayaa Puntlandi.com u sheegay in Ciidamadii uu isagu ka tirsanaan jiray ay shalay soo gaareen Madaxtooyada si loogu xoojiyo Ilaalada Madaxtooyada, Xiriir uu la sameeyay Asxaabtiisa ka tirsan Ciidankaan waxay u sheegeen in lagu qalabeeyey hub iyo Haadiidka Turkiga. Culayska soo foodsaaray Villa Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Ciidamo farabadan oo ka soo horjeeda Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ay soo galeen Magaalada Muqdisho kuwasoo qaarkood qarka usoo fuuleen Madaxtooyada, Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamadaan gadoodsan ayaa iqaarkood ku hanjabeen iney u dhacayaan Villa Soomaaliya. Waa markii u horaysay mudo 30 Sano ah Madaxweyne Soomaaliyeed oo ku ka titsanaa Xooga Dalka kuwasoo sababay in Madaxweynihii uu isaga cararo Dalka. Puntlandi.com Muqdisho The post Villa Soomaaliya oo la keenay Ciidankii ugu badnaa appeared first on . Source
-
(SLT-Hargeysa)-Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Madaxweyne Biixi iyo siyaasiyiin Kulmiye ah ayaa soo bandhigay dareenno shaki gelinaya daacadnimada Kulmiye ee wasiirrada iyo siyaasiyiinta xisbiga ku abtirsada. Cabdikariin Xinif oo madaxda Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka mid ah ayaa dhawr goor sheegay in Kulmiye dhexdiisa lagu arkay dad u adeegaya Xisbiyada kale. Mujaahid Cali Guray oo falanqaynayay tirada xildhibaannada Saddexda Xisbi kale heli doonaan ee Wakiillada ayaa sheegay in Kulmiye lagu jabin doono shirguddoonka iyo tirada xildhibaannada wuxuuna eedda dusha u saaray siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta Kulmiye. Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah madaxda wasaaradda waxbarashada ayaa isna tixraacay hadalka Cali Guray oo sheegay in uu ku raacsan yahay 100% islamarkaana ka shaki qabo inta badan madaxda xukuumadda. “Mudane Madaxwayne Wali Gollahaaga Wasiiradda Dhiigga Ma Ka Qaaday? Immisaa Aammisan Siyaasaddaada IyoTa Xisbiga Kulmiye? Wallaahi Waan Dhaartaye Innaanay Gaadhayn Afar Wasiir,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan. Wasiir hore Cabdillaahi Cukuse ayaa isna shalay sheegay in uu galka seefta kala bixi doono oo xilligan la gaadhay wakhtigii uu muxaafadnimada ka bixi lahaa. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Waxaa ka bilaamay qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho barakac baahsan, kadib markii dadka rayidka ah ay ka cabsadeen in dushooda lagu dagaalamo oo khasaaaro ka soo gaadho. Waxaa ugu badan ee maanta la arkayo ayaa ah gawaadhi sida furaashyo, carruur iyo hooyooyin ka soo baxsadey xaafadaha laga cabsi qabo in lagu dagaalamo. Xaafadaha laga barakcaayo waxaa kamid ah Xaafadda Siigaale, agagaarka mowlaca Macalin Nuur iyo xaafado kale oo ku teedsan kana tirsan degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag. Sannadkii 2011, markii uu Raysalw asaaraha ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u danbeysey dagaalo dadku ka barakacaan oo Muqdisho ka dhaca, wixii ka danbeeyey bixitaankii al-Shabaab bishii Agoosto 2011, waxay ahaayeen qaraxyo dadka lagu dhibaateynaayo, laakiin ma jirin ciidamo safeyn ah oo hubka kiisa culus isla dhaca. 10 Sano kadib oo uu xilkii Madaxweyne ka dhammaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa Muqdisho ka bilaamay dagaalo siyaasadeed, kadib markii uu xafiiska isku dhejiyey muddo korodhsi laba sanno ahna samaystey, taas oo keentey in dadka rayidka ah ay guryahadooda iskaga baxsadaan. Farmaajo ayaa habeenkii xalay bilaabey in uu ciidamo badan keeno xaafadaha dagaalada looga cabsi qabo, sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo banaanka magaalada laga soo daabuley, waxaana uu ku goodiyey in uu soo afjarayo kooxaha diidan muddo korodhsiga. Baaqyo caalami ah ayaa loo jeedinayaa dhinacyada isku haya tallada, waxaana loogu baaqey in dagaalku aanu xal ahayn ee dib loogu laabto wada hadalka. Source
-
Ururada Saxaafadda ayaa canbareyay weerarkii ciidamada dowladda ay ku qaadeen Xarunta warbaahinta Mustaqbal . Warar ka soo baxay Ururada FESOJ iyo SJS ayaa lagu sheegay in wax laga xumaadoa ay tahay weerarkii subaxnimadii hore ee maanta ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramacad ay ku qaadeen xarunta warbaahinta Mustaqbal. Qoraal ka soo baxay FESOJ ayaa lagu yiri” Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, ayaa si kulul u cambaareyay jirdilka Ciidmadda Dowladda Soomaaliya u gaysteen wariye Bashiir Maxamuud Yuusuf oo ka tirsan idaacada Mustaqbal oo saaka la so weeraray. Gudoomiyaha FESOJ, Abaadir Cabdulqaadir Cilmi ayaa sheegay in ay ka xun-yihiin weerarkii lagu qaaday dhismaha idaacada oo ku yaal xaafada Hodan iyo qalabka idaacadda oo qaybna la burburiyay qaybna la qaatay. Wuxuuna Dowladda Federalka ee Soomaaliya ugu yeeray in si deg deg ah qalabka idaacada loogu soceliyo, lagana dulqaado Culayska ciidan ee saaran hay’adaas warbaahineed. Falkan argagaxa Leh waxa uu dhibaato ku yahay shaqada Warbaahinta Madaxa Bannaan Iyo guud ahaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed. Dhanka kale Ururka SJS ayaa dhankooda qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay ka xun yihiin weerarkii Mustaqbal Media iyo jirdilkii loo geystay wariye Bashiir Maxamuud . ‘Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarkii gacan ka hadalka ahaa ee lala beegsaday idaacadda gaarka loo leeyahay ee Mustaqbal Media, garaacistii wariye Bashiir Maxamuud Yuusuf iyo qalabkii idaacadda oo ay la wareegeen xubno ka tirsan qeybta booliska ee “Xaracadcad” oo ku sugan magaalada Muqdisho subaxnimadii Talaadada.” Source: goobjoog.com
-
(SLT-London)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn saartay 22 shaqsi oo 14 ka mid ah ay u dhasheen Ruushka, kuna lug lahaa kiisas musuq-maasuq oo ku saabsan nidaamka cusub ee la dagaalanka musuqmaasuqa. Shakhsiyaadkan ku kala baahsan Koonfur Afrika, Koonfurta Suudaan iyo Latin Amerika ayaa sidoo kale lala beegsaday hakinta hantidoodii iyo xayiraad dhanka safarka. Xoghayaha arrimaha dibadda Dominic Raab ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka UK inay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka musuqmaasuqa. Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay dalka inuu yahay “dheri malab ah” “jilayaasha musuqmaasuqa”. Nidaamka cusub wuxuu ka dhigan yahay shakhsiyaadka ku lug leh kiisaska ugu halista badan adduunka ee musuqmaasuqa mar dambe awood uma yeelan doonaan inay lacagtooda soo mariyaan bangiyada UK ama soo galaan waddanka, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo Sooranka iyo Horumarinta. Source
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa walaac xooggan ka muujiyay dagaallada hubaysan ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhex maray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka. War ku qoran Af-Soomaali ,oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in Mr. Guterres uu dhinacyada ugu baaqay, in ay ka joogsadaan rabshado dambe, islamarkaana khilaafkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo tanaasul. “Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.” Xoghayaha Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay, in ay dib ugu laabtaan wada-xaajood ku salaysan Heshiiskii doorasho ee 17-kii September, si loo xalliyo muran ka taagan Arrimaha doorashooyinka dalka. “Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo.” Baaqa Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmay, xilli weli xiisad colaadeed ka aloosantahay magaalada Muqdisho, kadib iska hor-imaadyadii ka dhashay mudda kordhinta hay’aha dowladda Federaalka. PUNTLAND POST The post António Guterres: waa in deg deg loogu laabto wada-xaajood ku salaysan Heshiiskii doorasho ee 17-kii Sebtember appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa si adag uga hadlay iska hor imaadyada u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda dhexe ee kasoo cusboonaaday gudaha magaalada Muqdisho. Antonio Guterres ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga walaacsanyahay xiisadaha dagaal ee haatan ka jira Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay ka joogsadaan rabshada dambe, isla-markaana ay wax-weliba ku xalliyaan wada-hadal. Qoraal kasoo baxay xafiiska Stephane Dujarric oo ah afhayeenka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri “Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsan-yahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul,”. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray afhayeenka inuu xoghayuhu ku boorinayo dhinacyada is-haya inay si deg-deg ah ku billaabaan wada-xaajood, si loo soo afjaro xiisada aloolsan. “Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo,” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan xaalad adag ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho oo ay qeybo ka mid ah isku horfadhiyaan ciidanka dowladda iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka, kana soo horjeedo muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo. The post Xoghayaha guud ee QM oo baaq deg-deg ah kasoo saaray xaaladda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday xarunta ay Muqdisho ka deggantahay warbaahinta madaxa-bannaan ee Mustaqbal. Mas’uuliyiinta warbaahinta Mustaqbal, ayaa sheegay in ciidamada weerarka qaaday ay jirdil xooggan u gaysteen qaar kamid ah shaqaalaha idaacadda, islamarkaana burburiyeen qayb kamid ah Qalabkii xarunta halka qaar kalena ay la tageen. “Ciidanka dowladda ee galay xarunteenu waxa ay geysteen Jirdil shaqaalaha qaarkood, Waxa ay qaateen Dhammaan qalabkii Warqabadka, Maamulka iyo Telefishinka. Aad ayaan uga xunahay in ciidanku noola dhaqmay sida dad cadow ah oo si gaar ah loo beegsanayo,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay warbaahinta Mustaqbal. “Waxa aan codsaneynaa in nalaga qaado ciidanka iyo hubka yaal Albaabka xarunteena oo aan u aragno hanjabaad iyo awood sheegasho! Sabab naloo argagixiyo ma jirto, haddiiba ciidanka oo na difaaci lahaa na dilayo, hantida iyo Qalabkana qaadanayo waa maxay shaqada ay qaban doonaan ee kale?” ayaa la sii raaciyay warka. Warbaahinta Mustaqbal ma sheegin sababta keentay in la weeraro xaruntooda, waxaase magaalada ka jirta xiisad colaadeed oo u dhexaysa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa mucaaradka oo maalin ka hor isku dhacyo dhex mareen. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo weeraray xarun warbaahineed oo ku taal Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore weerar ku qaaday dhismaha ay dagan tahay Idaacadda Mustaqbal oo ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee haatan ka howl-gasha gudaha magaalada Muqdisho. Maamulka Idaacadda oo war qoraal ah soo saaray, kadib weerarkaasi ayaa sheegay in ciidamadu ay jir-dil xoogan u geysteen qaar ka mid ah shaqaalaha Raadiyaha, sidoo kalena ay qaateen dhammaan qalabkii war-qabadka iyo sidoo kale kan maamulka Idaacadda. “Ciidanka dowladda ee galay xarunteenu waxa ay geysteen Jirdil shaqaalaha qaarkood, Waxa ay qaateen Dhammaan qalabkii Warqabadka, Maamulka iyo Telefeahinka. Aad ayaan uga xunahay in ciidanku noola dhaqmay sida dad cadow ah oo si gaar ah loo beegsanayo,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska maamulka Radio Mustaqbal. Sidoo kale maamulka ayaa codsaday dowladda Soomaaliya inay dib ugu soo celiso qalabka laga burburiyey, sidoo kalena laga dul-qaado ciidamo la dhigay afaafka hore ee xarunta “Waxa aan ka codsaneynaa dowladda in ay dib u soo celiso qalabka islamarkaana aanay u dhaqmin hab beegsi ah oo na dareensiinaya in magaca, hubka iyo awoodda dowladdu nalugu dulminayo.Waxaan sidoo kale dalbaneynaa in nalaga qaado ciidanka iyo hubka yaal Albaabka xarunteena,” ayaa markale lagu yiro qoraalka cabasha ee Radio Mustaqbal. Ma cadda illaa iyo sababta rasmiga ah ee loo beegsaday Idaacadda Mustaqbal, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya. Dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan gudaha magaalada Muqdisho ay ka taagan taha xiisad dagaal oo u dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo mucaaradka, taas oo ay tabaneysay Mustaqbal, si la mid ah Idaacadaha kale ee ku yaalla caasimada. The post Sawirro: Ciidamada DF oo weeraray mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa mucaaradka oo taageersan murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, islamarkaana ay hoggaaminayaan Saadaq Joon iyo Indhacadde ay xalay isaga guureen nawaaxiga madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim degmada Hodon. Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka kala duwan ee dagaalka, ayaa sida la xaqiijiyay waxay dageen xaafadda Siigaale oo ka tirsan isla degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, halkaa soo ay fariisimo ciidan ka samaysteen, sida ay sheegeen goob-joogayaal. Shacabka ku nool xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, ayaa sidoo kale lagu soo warramay in ay xalay saqdii dhexe barakac xooggan sameeyeen, kadib markii ay ka war-heleen ciidamada mucaaradka ee dushooda soo degay. Dhinaca kale, Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furay wadooyinka Km4 Iyo Tarabuunka, halkaas oo horay ugu sugnaayeen ciidamada taabacsan Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, General Indhacadde iyo Saadaq John. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Barakac xooggan oo ka bilowday xaafad ay dageen Ciidamada taageersan mucaaradka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa ka billowday barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka, kuwaas oo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto dadaallada kasoo cusuboonaday gudaha caasimada. Shacabka ku dhaqan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Waabari ee gobolka Banaadir ayaa xalay iyo saaka billaabay inay isaga hayaamaan guryahooda, kadib markii ciidamada taabacsan mucaaradka ay aag ka sameysteen xaafadda Siigaale ee magaalada Muqdisho. Xaafadaha laga qaxay waxaa ka mid ah Taleex, Siigaale, Shanta Geed iyo xaafadaha ku dhow isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa billaabay inay u gaaraan xaafadaha kale ee ka caagan dhaq-dhaqaaqyada, sida degmooyinka Wadajir, Dharkenley, Kaxda iyo duleedka caasimada. Inkastoo ay wada-hadallo socdaan ayaa haddane waxaa jira abaabul xoogan oo ay wadaan labada dhinac, kuwaas oo haatan isku bira tumanayo. Muqdisho ayaa xaalad dagaal gashay, kadib markii ay caasimada gudaha u soo galeen ciidamo diidan muddo kororsiga loo sameeyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), kuwaas oo qabsaday qeybo badan oo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho. The post Barakac horleh oo ka billowday MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Mareykanka ayaa war uu ka soo saaray dagaaladii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho , isagoo sheegay in ay ka walaacsan yihiin Xaaladda Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu xusay in haddii ay sii socdaan rabshadaha uu Mareykanku mar kale ka fikirayo xayiraado iyo Cunaqabateyn uu ku soo rogo dadka ku lugta leh xasilooni darada Muqdisho. Hadalka oo aad u koobnaa ayaa u qornaa sidan “Mareykanku wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay isku dhacyadii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda. ” “Wada-hadallo iyo heshiis ayaa ah hababka kaliya ee lagu xaliyo is-mari waaga siyaasadeed, waxaan ku boorineynaa dhinacyada inay dib u billaabaan wada-xaajoodyada mar un, si ay u gaaraan heshiis horey loogu ambaqaado doorashooyin deg deg ah.”ayaaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Afhayeenka Xoghayaha Guud ee arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price Afhayeenka Xoghayaha Guud ee arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo qoraalka ka soo baxay waxa lagu yiri “Sida uu horey u sheegay xoghayaha arrimaha dibedda, dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay ka fakarto dhammaan ikhtiyaaraadka la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateyno iyo xayiraado dhanka visa-ha ah, si looga jawaabo dadaallada lagu waxyeeleynayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.” GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa taageersan musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo ciidamo kale oo diidan muddo kororsiga oo ay hogaaminayaan Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa isaga guuray agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim halkaas oo ay ku sugnaayeen habeenadii tegay. Ciidamada ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan inay u guureen dhinaca Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, halkaas oo iyaga iyo madaxda la socota ay fariisin cusub ka sameysteen. Jen. Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa lagu warramay inay tallaabada ay qaadeen ku sheegeen istiraatiijiyad ciidan oo ay ka aag bedesheen xaruntoodii hore, waxaana hadda ay u muuqdaan inay isku fidiyeen degaano cusub, ayaga oo kusoo dhowaanaya dhanka madaxtooyada. Waxay sidoo kale ku xirmeen ciidamo kale oo horey u haystay xaafadaha Barmuudo, Dambka iyo qeyb ka mid ah Howlwadaag, kuwaas oo iyagana kasoo horjeeda dowladda, kuna beel ah ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Arrintan ayaa ka dhigan in waddada inta badan xaafadaha ka hooseeya Maka Al-Mukarama ee ka tirsan Howl-Wadaag iyo Hodan ay haystaan ciidamada kasoo horjeeda dowladda federaalka. Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee Dowladda ayaa bilaabay inay furaan wadada u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka, halkaas oo horay ay dhufeysyo uga sameysteen Ciidamo ka tirsanaa kuwa taageersan mucaaradka oo ilaalo u ahaa musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde. Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ee Xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ka socda barakac ay sameeynayaan dadka shacabka ah, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo. The post Ciidamada ay hor-kacayaan Indha-Cadde iyo Saadaq Joon oo aag beddeshay appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia and the United Nations (UN) said Sunday at least 3.4 million people are projected to be affected by drought conditions by the end of 2021 in the country, of which around 380,000 are expected to be displaced. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa weerar ku qaaday Waaberigi hore ee saaka Xarunta warbaahinta Mustaqbal Media . Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Howl wadeenada Xarunta loo geystay jir dil, iyadoo ciidamada ay qaateen qaar ka mid ah qalabkii lagu shaqeynayay. “Ciidanka dowladda ee galay xarunteenu waxa ay geysteen Jirdil shaqaalaha qaarkood, Waxa ay qaateen Dhammaan qalabkii Warqabadka, Maamulka iyo Telefeahinka.”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Facebook-ga Mustaqbal Agaasimaha Muqstaqbal Oo la hadlay GoobJoog News ayaa sheegay in ciidamada ay Saakay xilligii Salaaddi subax weerar ku soo galeen xarunta , jirdilne u geysteen Bashiir Maxamuud Yuusuf BK, sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in ay ciidamada Weerarka ku qaaday ay yihiin kuwa sida gaarka ah u Tababaran ee Booliiska Haramacad . Source: goobjoog.com
-
In the last year, while traders worldwide watched as commodities’ prices rose and crashed, one precious commodity that soared in demand and value is medical oxygen. As the Federal Ministry of Health and Human Service (FMoH)’s National Incident Manager for the coronavirus disease (COVID-19) response in Somalia, and Director of one of the busiest hospitals in Somalia – the De Martino Hospital – Dr Abdirizak Yusuf Ahmed knows the importance of medical oxygen. Source: Hiiraan Online