-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan Itoobiya iyo Sudan. Sida uu qorey Wargeyska Asharq ee ka soo baxa magaaladda Abu Dhabi, dowladda Imaaraadka waxay si rasmi ah ugu war-geliyeen dowladda Sudan inay ka laabteen dhex-dhexaadintii lagu xalin lahaa muranka dhulka Xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia, kadib muran kooban oo soo kala dhex-galay xukuumadda Khartoum Qoraal ay dowladda Imaaraadka u dirtay dowladda Sudan ayaa lagu xaqiijiyey inay Imaaraadka xushmeynayaan mowqifka Sudan ee ku aadan baahida loo qabo in marka ugu horeyso meel la isla dhigo Xuduud-sameeyayaasha (Border makers). Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka. Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaala deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Sudan ayaa sidoo kale ka hortimid in Beeralayda Itoobiya mar kale u oggolaan doonin joogitaankooda Xuduudka, ilaa inta si rasmi ah loo caddeynayo xuduudka labada dal, oo sarre u qaaday xiisada ka dhex aloosan labada dowladood. Itoobiya waxay ka biyo diidsan tahay heshiiskii xuduudka ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Sudan sanadihii 1902-dii, 1903-dii iyo 1972-kii. Xiisada Sudan iyo Itoobiya ee la xiriirta muranka dhulka ayaa sababtay iska hor-imaadyo dhex-mara labada dhinac, waxaana weli taagan muran dhuleedka xuduudka oo ah dhul beereed. Source
-
Guddoomiyaha siyaasiyiinta Somaliland ahna guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo madasha Badbaado qaran Cabdi Xaashi ayaa la sheegayaa in isaga oo siyaasiyiinta Somaliland iska diideen dalabka ra’isul wasaarae Rooble ee ku aadan qoondada laga siiyey guddiyada hirgelinta doorashada. Ilo ko dhow guddoomiye Cabdi Xaashi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in kulanka Xaashi iyo Rooble kadib uu guddoomiyaha dalab ra’isul wasaaraha ka yimid uu hordhigay guddiga siyaasiyiinta Somaliland, isla markaana ay iska diideen. Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa ka dalbaday in Xaashi uu u ogaalado in la siiyo ilaa 5 xubin oo guddiga ah halka 10-ka kale la siin doono kooxda ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed. Guddoomiye Xaashi qoondada la siiyey 35% waxaa uu u arkaa in aaney ka tarjumeyn kursiga uu ku fadhiyo iyo siyaasiyiinta Somaliland iyada oo ninka dowladda ay taageerto ee Mahdi Guuleed uu la tagayo 65% guddiga. Waxaa xusid mudan in shirkii farsamada ee Baydhabo uu garabka Guddoomiye Xaashi siiyey 4 xubin, in hal xubin looga darana aaney waxba ka badaleyn cabashada jirta. Isha la hadashay Goobjoog News ayaa intaas ku dartay in haddii madaxda Afisyooni ay ku dhawaaqaan go’aan hal dhinac ah uu guddoomiye Xaashi qaban doono shir jaraa’id, uuna ku laalayo waxa ay sheegaan. Mowqifkan cusub, waxaa uu meesha ka saarayaa inuu jiro isfaham dhexmaray labadaba dhibac sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaare Rooble. Arrinta guddiyada Somaliland ayaa u muuqata kiiska ugu adag shirka doorashada kadib markii xal laga gaaray arrimaha Gedo iyo guddiyadii doorashada ee Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali Journalist Syndicate (SJS) calls for the Somali Prime Minister’s office to allow journalists to get unhindered access to the national electoral conference, following the journalists’ complaints that they were deliberately blocked from accessing the ongoing national election talks in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Somali Journalist Syndicate (SJS) calls for the Somali Prime Minister’s office to allow journalists to get unhindered access to the national electoral conference, following the journalists’ complaints that they were deliberately blocked from accessing the ongoing national election talks in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kaas oo Sabtidii lasoo dhaafay ka furmay Teendhada Afisyoone ee ku dhex-taalla Xalane. Shirkan oo galay maalintiisii labaad ayaa wuxuu u dhexeeyaa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya oo isugu soo qaban qaabiyey, duqa magaalada Muqdisho iyo hoggaamiyeesha shanta dowlad goboleed ee Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Puntland. Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka, siiba is mari-waaga ka taagan doorashada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo maamullada dalka Sida ay ogaatay Caasimada Online Qodobada la’isku hayo ee dooda iyo shirka sii dheereeyey ayaa ah arrinta gobollada waqooyi oo ay isku hayaan guddoomiyaha Aqalka Sare iyo sidoo kale xiisada gobolka Gedo ee dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland. Labadan qodob ayaa qaadatay waqti badan iyo dood dheer, waxaana sidoo kale jiray kulamo gaar gaar ah oo ay dhinacyadu ka yeesheen, si la’isugu soo dhowaado. Jadwalka lagu ballamay inuu juu soo xirmay shirka ayaa is-bedal uu ku yimid, waxaana haatan socda wada-hadallado ku aadan sidii heshiis dhameystiraan loo gaari lahaa. Sidoo kale waxaa wararku intaasi kusii darayaan inay haatan socdaan dadaallo ay wadaan madaxda qaar kuwaasi oo shirka looga ilaalinaya in uu fashilmo ama lagu kala tego. Shirka doorashooyinka ee haatan ka socda magaalada Muqdisho ayaa kusoo aaday xilli loo baahnaa, waana fursaddii ugu dambeysay, marka loo eego waqtiga la heysto ee ku aadan qabashada doorashada dalka oo isugu jirto tan baarlamaaniga ah iyo mida madaxweynaha. The post Wararkii ugu dambeeyey ee shirka doorashooyinka oo galay maalintii afaraad appeared first on Caasimada Online.
-
Maqnaanshiyaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa ay fududeysay in si deggan, oo tartiib ah u socdaan wada hadallada doorasha ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kuwaas oo ka socda xerada Afisyooni ee Muqdisho Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan shirka ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in xaaladda ay aad uga deggan tahay shirarkii hore ee uu Farmaajo joogay, isla markaana ay dhinacyada ku dadaalayaan inuu shirka guuleysto la’aantii. “Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa ku guuleystay kalsoonida dhinacyada kala duwan oo ay ugu horeeyaan madaxda maamul goboleedyada” ayey isha intaas raacisay. Meelaha ilaa hadda horumarka laga gaaray waxaa ka mid ah Gedo iyo kala dirista guddigii doorashada ee sharci darrada ahaa, waxaa kale oo meel fiican maraya arrinta Somaliland. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya waxaa ay qabaan in haddii Farmaajo uu sidan uga sii maqnaado kulamada iyo guud ahaan hannaanka fulinta doorashada ay keeni karto in dalka uu galo doorasho hufan, oo kalsooni ka muuqato. Wada hadallada ayaa la filayaa iney sii socdaan todobaad iyada oo lagu dadaalayo xalinta dhammaan khilaafaadka jira si loo dedejiyo doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Onliine) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maanta kulan xasaasi ah ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka oo ay wada-hadalladooda ka socdaan magaalada Muqdisho. Kulankan oo qabsoomayo gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa si gaar ah loogu falan-qeyn doonaan doorashooyinka, amniga, wada-hadallada socda iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dalalka xubnaha ka ah golaha. Sidoo kale golaha ayaa warbixin ka dhageysan doono ergeyga gaarka ah ee ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo adaxa AMISOM, Francisco Madeira oo faah faahin ka bixin doono xaaladaha soo kordhay iyo sidoo kale wada-hadallada haatan ka socda magalada Muqdisho. Qaramada Midoonay ayaa dusha kala socota xaaladda adag ee Somalia, waxaana golaha ammaanku marar badan kulamo deg deg ah ka yeeshay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku jiro, iyagoo ku baaqay in xal waara laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka. Kulanka ay maanta yeelanayaan golaha ammaanka ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana aysan weli go’aamo rasmi ah kasoo bixin shirka wada-tashiga doorashooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo galay maalintiisii afaraad. Soomaaliya ayaa waxaa ku daba-dheeraaday ka gudubka xaaladda kala guurka ah, waxaana arrintu kasii dartay markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxda dowladda federaalka ah, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hannaanka doorashooyinka 2021. The post Golaha ammaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Source
-
Cape Town (Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaali ahaa loogu geystay xaafaddda Mayfair oo ka tirsan magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika oo Soomaali badan ay nooshahay. Wararka ayaa sheegaya in dilkaas oo loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis ay fulisay xaaskiisa oo Koonfur Afrikaan ah, taas oo toogasho ku dishay, xilli uu ku sugnaa hoygiisa. Haweeneyda dilka ka dambeysay oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dilka u adeegsatay bistoolad uu lahaa marxuumka, kadibna ay wacday Booliiska oo ay ugu dambeyn isku dhiibtay. Laamaha ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sababta ka dambeysay dilka ay haweeneydaasi u geysatay saygeeda. Dhacdadan ayaa la-yaab ugu noqotay Soomaalida kale oo si aad ah u hadal haya dilka loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Johannesburg. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo badaneyey weerarada ka dhanka ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, iyaga oo la kulmo dil, dhaawac iyo dhac. Inta badan kooxo burcad Afrikaan ah ayaa ka dambeeya weerarada lagu hayo Soomaalida, waxaana aad u yar wax ka qabashada dowladda ee ku aadan dhibaatooyinkaasi The post Ganacsade Soomaali ah oo xaaskiisa ay ku dishay dalka Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Mali)-Wararka ka imanaya dalka Mali ayaa sheegaya in Millatariga dalkaasi ay xabsiga u taxaabeen Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaadhka ah ee dalkaas. Dhammaan madaxdan ayaa lagu hayaa xero millatari oo ku taalla duleedka magaalada Caasimada ah ee Bamako. Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah millitariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay kaddib, waxaana sidaas wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay ilo wareedyo diblamaasiyadeed iyo kuwo ka tirsan dowladda Source
-
Golaha Ammaanka Qaramada midoobay ayaa maanta kulan ka yeelaaya xaaladda Soomaaliya, iyagoo golaha ka hadli doono arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka . Qaramada midoobay ayaa maanta kulankooda uga doodaya xaaladda doorashooyinka Soomaaliya iyo Arrimaha bini aadanimada, waxaana warbixino laga dhageysan doonna Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira. Shirkan ayaa si toos ah looga baahin doonna baraha bulshada ay ku xiriito , isagoo furmaya shirka 5-ta Galabnimo xilliga geeska Afrika . Sikastaba kulanka golaha Ammaanka qaramada midoobay ayaa ku soo aadaya xilli maalintii afaraad Afisyooni shirka doorashooyinka uu uga socdo madaxda dowladda federaalka iyo hogaamiyayaasha maamul gobaleedyada . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Johannesburg)-Ganacsade Soomaali ah oo ka mid ah dadka ku ganacsada dalka Koofur Afrika ayaa lagu dilay xaafada Mayfair ee magaalada Johannesburg. Ninkan oo la odhan jirey Cabdikariin Gigis, ayaa la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeysay xaaskiisa oo u dhalatay wadanka Koonfur Afrika iyadoo ku dishay bastoolad uu lahaa. Ciidammada Booliska Xaafadda Soomaalida ee Mayfair ay gacanta ku dhigeen haweeneyda dishay Ninkeeda kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf la xidhiidha arrimo qoys. Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika joogto ka noqday dilalka loo geeysanayo Soomaalida, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay dalkaas lagu dilay ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo dilalkaas ay geystaan budhcad u dhashay dalka Koonfur Afrikan Source
-
(SLT-London)-Britain ayaa u direysa Soomaaliya 250 askari si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al Shabaab. Tallaabadan oo la qaadayo 12-ka bilood ee soo socda gudaheeda, waxay noqontaa hawlgalkii ugu horreeyay oo rasmi ah oo ciidanka cusub ee Ranger UK uga howlgalayaan Soomaaliya, sida uu sheegayo wargeyska Ingiriiska ee Express. Waxay ku soo beegmaysaa bilo uun ka dib markii la aasaasay Guutada Howlgalka Gaarka ah uu ku dhawaaqay taliyihii hore ee ciidamada Cirka Britain, General Sir Mark Carleton-Smith, oo hadda madax ka ah Ciidanka Ingiriiska. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in ciidammadan la dejin doono Soomaaliya, halkaas oo ay ku tababari doonaan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya si ay uga hortagaan Al-Shabab. Dowladda Britain ayaa hadda tababarta ciidamada Soomaaliya ee ka howlgalla degaanada koonfur Galbeed. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerarkii xooganaa ee ay bishii March dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso. Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday xog rasmi ah oo ku saabsan weerarkaasi oo ay sheegtay inuu ahaa mid uu heerkiisu aad sareeyey oo ay soo abaabushay kooxda Shabaab. Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay Al-Shabaab ku deysay illaa 337 maxaabiis ah oo ay 140 ka mid ah ay u xirnaayeen dambiyo la xiriira argagixisanimo, halka 10 ka mid ah isla maxaabiistaas ay ahaayeen dumar. Sidoo kale warbixinta kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay 7 askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka, isla-markaana uu ku jiro taliyihii xabsiga dhexe ee Boosaaso iyo 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Asluubta. Waxa kale oo warbixinta lagu soo qaaday weerarada ay kooxda Daacish ka fuliso deegaanada Puntland, gaar ahaan weerarkii ay kooxdaas bishii April ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugnaa degmada Qandala, laguna dilay illaa labo askari. Baahinta warbixintan ayaa qeyb ka ah warbixin saddex biloodle ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, taas oo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan uu maanta ka horjeedinayo golaha ammaanka. Si kastaba, dagaallamayaasha kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa inta badan weeraro ka fuliya magaalooyinka waa weyn ee Puntland, iyaga oo inta badan beegsada xarumaha ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. The post QM oo shaaca ka qaaday XOG ku aadan weerarkii Al-Shabaab ee xabsiga Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa maanta oo Talaado ah shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya. War ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Goluhu maanta shir ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka dalka. Shirka Golaha Ammaanka waxa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto doorashada iyo sidoo kale arrimaha banii’aadannimada. Shirka waxa warbixinno kooban siin doona Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsa Soomaaliya, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo maanta shir ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa si adag uga digay Qabaa’ilka Gobolka Mudug, in ay wax xiriir ah la yeeshaan ururka Al-shabaab. Guddoomiyaha ayaa sheegay, in ay soo baxayaan warar ku saabsan in Qabaa’ilka Mudug qaarkood ay hadda Al-shabaab heshiisyo la galayaan, taas oo uu si adag uga digay cid kasta oo ku dhaqaaqda tallaabadas. “ Waxa la sheegayaa Qabaa’ilada qaar oo hadda Shabaab heshiisyo la galaya. War gaari qallibmay baad dabada haysataa. Qabiilka hadda Shabaab la heshiinayow qalad baad ku jirtaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladdu tallaabo ka qaadi doonto Qabiil kasta oo lagu ogaado in uu Shabaab heshiis la galay, islamarkaana loola dhaqmi doono sida Shabaabkii. “Ciddii lagu ogaado in ay Shabaab heshiis la gashayna, ama Qabiil weyn ha noqoto ama qof ha noqotee, waxay noogu calaamadsanaan in ay Shabaab yihiin, lana macaamili mayno sidii Qabiil ula macaamili mayni” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay Qabiilada Al-shabaab heshiisyada la gala appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maalintii seddaxaad galay olalaha doorashooyinka Somaliland, xilli deeganada maamulkaasi la filayo in dadweynaha maalmaha soo socda ay u dareeraan goobaha cod bixinta . Olalaha ay sameynayaan xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland ayaa si aad ah uga soconaya deeganada maamulkaas . Bilawgii todobaadkaan ayeey aheyd markii ay si rasmi ah u bilabmeen Olalaha doorashada, iyadoo xisbiyada KULMIYE iyo UCID ay labadi maalin ee la soo dhaafay ay sameyeen Olalahooda . Maanta aya a lagu wada in mas’uuliyiinta xisbiga WADANI ay sameyan olalahooda, iyagoo taagerayaashooda kula hadli doona fagaarayaasha waaweyn ee deeganada Somaliland . Source: goobjoog.com
-
Shirka xallinta muranka arrimaha doorashooyinka, oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa maalintii afraad ka socda xarunta Afisyooni ee Muqdisho. Waxa shir-guddoominaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-galay madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirkan ayaa ku saabsan dhammaystirka iyo turxaan-bixinta heshiiski 17-September ee arrimaha doorashooyinka, kaas oo tabashooyin ka soo noqdeen qaar kamid ah qodobadii ay ku heshiiyeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Qodobka ugu adag ee shirkan horyaalla, waxa lagu sheegay arrinta la xiriirta kuraasta Somaliland oo ay ku heshiin waayeen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi, kuwaas oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Wararku waxay sheegayaan, in ilaa iyo haatan aysan jirin isfaham laga gaaray muranka ku saabsan arrimaha doorashooyinka, waxase isu-soo dhowaansho laga muujiyay qodobada qaarkood. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ciidamo gaar ah usoo direysa Soomaaliya, si ay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM uga taageeraan la dagaalanka argagixisada. Wargeyska Express ee kasoo baxa London ayaa baahiyay in UK ay udiri doonto Soomaaliya 250 ka tirsan ciidanka khaaska ah ee UK, kuwaasi oo loo daabuli doono gudaha dalka 12-ka bilood ee soo socda. Wargeyska ayaa sheegay in arrintaan ay daba socoto aas-qaska guutada howl-galka khaaska ah (The Special Operation Brigade) oo la howl-galiyay dhowr bilood ka hor. Taliyihii hore ee Ciiddanka Cirka ee khaaska UK ee Special Air Service (SAS) , Jeneral Mark Carleton-Smith oo haatan madax ka ah Ciiddanka Britain ayaa iftiimiyey qorshaha UK ee ay ciidamada ugu soo direyso bariga Afrika. Jeneral Mark ayaa hoosta ka xariiqay inuu doonayo in 12-ka bilood ee soo socda uu ku dhiso Guutada Koowad ee Ciiddanka Rangers-ka, isaga oo ka gaabsaday muddada ay ciidamadaas ku sugnaan doonaan gobolka. “Waxaan doonayaan inaan arko, iyagoo loo daad-gureeyo Bariga Africa si ay u taageeraan La-hawlgalayaasheenna Bariga Afrika” ayuu yiri Jeneral Mark Carleton-Smith. Express oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Ciiddankaasi saldhigooda noqon doono Soomaaliya, si ay Ciiddanka khaaska ugu tababaraan xeelladaha dagaalka ay kula jiraan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Wargeyska ayaa xogtaan uu baahiyey ku xusay in ciidamada khaask ah ay badeli doonaan kuwii Mareykanka ee tobabari jirey ciidanka dowladda Soomaaliya. Waxaa lagu wadaa in ciidaanka iyo goobtooda koowaad ee howl-galka oo xogtu tibaaxeyso inay tahay Soomaaliya lagu shaaciyo Shirweynaha Hoggaamiyayaasha dalalka G7 ee bisha soo socota ee June 11-da ilaa 13-da ku yeelan doonaan Gacan-biyoodka Carbis Bay ee Gobalka Cornwall ee dalka Britain. Ciidamada dowladda federaalka oo kaalmo ka helaya kuwa AMISOM ayaa dagaal adag kula jira dagaalyahanada Shabaab, waxaana la filayaa in haddii UK si toos ugu biirto ay sarre u qaadeyso howl-galada ka dhanka ah argagixisada. The post Xog: Maxay yihiin ciidamada gaarka ah ee UK ay usoo direyso Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Militariga dalka dhaca galbeedka Afrika ee Mali ayaa xiray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga ee dowladda kumeelgaarka ah . Ciidamada ayaa Xabsiga u dhaadhiciyay madaxweyne Bah Ndaw, Ra’iisul wasaare Moctar Ouane iyo wasiirkii difaaca Mali Souleymane Doucoure. Xoogaga Militeriga ayaa la soo wariyay in mas’uuliyiintan ay ku xireen xero ciidan oo ku taalla meel ka baxsan caasimadda dalka Mali ee Bamako. Xariggooda ayaa imaanaya kadib markii dhawaan Militeriga ay xilka ka qaadeen madaxweeynihii hore ee Mali Ibrahim Boubacar Keita. Dhawaan ayeey aheyd markii Mali laga dhisay Dowlad isku dhafan kadib xilka qaadistii Keita, Militeriga ayaana la sheegay in madaxdan ay u xireen sababa la xiriira xil ka qaadis lagu sameeyay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Militeriga Mali. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maalintiisi Afaarad galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo . Madaxda ayaan illa hadda aan shaacin heshiisyada ay gaareen , balse warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ay madaxda ay isla afgarteen qodobo horay dood uga taagneyd . Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay dhankeeda shirka Afisyooni, iyadoo la sheegay in qodobo ay ka mid yihiin cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland la isku afgartay . Saamileyda siyaasadeed ee dalka ayaa dhankooda sheegay in ay filayaan in shirka ay ka soo baxaan wax dhamaan heshiis lagu yahay . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Militariga waddanka Mali ayaa xabsiga dhigay madaxweynihii, Ra’isul Wasaarihii iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi. Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’isul Wasaare Moctar Ouane iyo Wasiirka Gaashaandhiga Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyay xero millatari oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah Bamako. Xiritaanka madaxdan ayaa imaneysa bilooyin kaddib marki ay isla millitarigan uu xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Mali Ibrahim Boubacar Keita. Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah millitariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay. Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxda dowladda kumeel gaarka ah ee Mali. PUNTLAND POST The post Ciidamada Milatariga Mali oo xabsiga dhigay madaxweynihii dalkaas iyo mas’uuliyiin kale appeared first on Puntland Post.