-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wajir County Governor Mohamed Abdi Mohamud has been impeached. Thirty-seven (37) MCAs voted in favour of his ouster, while ten opposed his removal. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo Caawa khudbad ka jeediyay Telefishinka dowladda, ayaa soo dhoweeyay go’aanka Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ee ku aaddan in lagu laabto heshiiskii 17-kii September, si dalka doorasho looga qabto. Madaxweyne Farmaajo, wuxu sheegay in uu diyaar u yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho nabdoon oo wakhtigeeda ku qabsoonta, balse wuxu tilmaamay in taas ay diidan yihiin shakhsiyaad gaar ah iyo dowlado shisheeye, oo uusan magacaabin, kuwaas oo dalka burbur iyo fowda la doonaya. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasilooni-darro, oo ay ku jiraan siyaasadaynta ciidamada iyo kala qaybinta bulshada. Mudane Farmaajo, wuxu sidoo kale sheegay in uu Sabtida Baarlamanka hor-tegi doono, si dalka loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee 17-kii September 2020 lagu heshiiyay, kaas oo ahaa doorasho dadban. Halkaan ka daawo Khudbadiisa PUNTLAND POST The post Muxuu madaxweyne Farmaajo kaga hadlay khudbaddiisa? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Walhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahaan la kulmay Cadaadis hubaysan iyo Caaddaadis afka ah oo iga imaanayay Beesha Caalamka ayaa caawa ku dhawaaqay inuu dib ugu laabanayo Teendhadii Afisyooni. Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay inuu Sabtida hortagi doono Baarlamaanka uuna u sheegi doono inuu dib ugu laabanayo Miiska wadahadalka iyo hirgalinta Heshiiskii 17 Sebtembar. Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa khudbad jeediyay kadib markii Raysal wasaarihiisa iyo Maamuladii taabacsanaa ay ku dhawaaqeen inay ka horbyimaadeen Mudo kordhinta. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku laabanayaa Teendhadii Afisyooni appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa jeediyey khudbadii uu balan qaaday, kadib markii ay garabkiisa baneeyeen madaxda maamul goboleedyadii taabacsanaa, kuwaas oo si cad uga soo jeestay mudo kororsigii ay xildhibaanada mudo xileedkoodu dhamaaday u sameeyeen 12-kii bishan April. Madaxweyne Farmaajo oo ugu horeyn weerar afka ah ku qaaday dowlad goboleedyada qaar iyo dowlado shisheeye oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dalka ay doorasho nabdoon ka dhacdo, ayaa soo dhaweeyey weeyey baaqyadii saacadihii la soo dhaafay ka soo baxay dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo ka ddhashay go’aankii ay Galmudug iyo HirShabeelle uga soo hor-imaadeen mudo kororsiga, isla markaana uu taageeray ra’iisul wasaare Rooble. “Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in maalinka Sabtiga ah ee soo socda uu hor tegi doono xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka, si uu mar kale u horgeeyo arrimaha ku soo kordhay doorashooyinka dalka. “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,” ayuu yiri. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixayaashii heshiiskii 17-kii September ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir deg deg ah si loo saxiixo qodobada harsan, iyadoo aan lagu xireyn wax shuruud ah, si buu yiri loo guda galo hir-gelinta doorasho la isla ogolyahay. “Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021,” ayuu yiri Farmaajo. Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabka birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeed-na ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida. Hoos ka daawo khudbadiisa The post Farmaajo oo shaaciyey in arrinta kusoo korortay doorashada uu kula laabanayo BF (Daawo Khudbadiisa) appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa jeediyay Khudbad uu uga hadlay Xaalada Dalka, wuxuuna eedeyn usoo jeediyay Madaxdii isaga ka horaysay, isagoo ku macneeyey Madaxweynayaashii hore inay maalmihii lasoo dhaafay ay Astaan u ahaayeen Sharka. Madaxweyne Farmaajo wuxuu yiri Madaxdii hore ee Dalka waxay kursiganku raadinayaan Dhiiga Dhalinyarada, wuxuuna ku yilmaamay Inay Abaabulayaan Rabshadaha ka socda Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay inay ka waantoobaan. Madaxweyne Farmaajo wuxuuniyana weearay Beesha Caalamka oo uu ku eedeeyay inay Dalka dib u celinayaam. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News-Madaxweyne Farmaajo oo weerar afka ah ku qaaday Madaxdii hore appeared first on . Source
-
Mahuraan Band ayaa soo bandhigay hees ay kaga qaybqaadanayaan kacdoonka ka dhanka ah in Dalka laga leexiyo wadadii Nabada iyo Dowladnimada, Heesta oo halkubdhagerfu yahay dictator (Kaligii Taliye) Hoos ka dhagayso The post Daawo Muharaan Band iyo heestooda cusub “ Kaligii Talisnimuu doonayaa” appeared first on . Source
-
Given the current difficult situation in the country and the need for urgent need for an electoral agreement; After broad consultations with the Non-State Actors CSO; 1. I would like to reiterate that it is disheartening to witness the return of violence in our country and particularly in Mogadishu past few days, which has already resulted in displacement of the most vulnerable of our society. 2. I would like to welcome the press statements made by Galmudug and Hirshabelle Federal Member States. I call on the other Federal member States of Puntland, Jubbaland, Southwest and Banadir region to fully commit to a peaceful process in our efforts to hold a free and inclusive election. 3. As I have stated in front of our Parliament in the context of my government program, I am still prepared to implement the September 17, 2020 agreement; 4. I call on all the Somali elections stakeholders to prepare for a national election and to refrain any action that would jeopardize this effort; 5. I instruct our military to duly submit themselves to their constitutional responsibilities and to safeguard the national security. I instruct the force commanders to pull back forces to their locations and barracks. 6. I call on the political opposition leaders to cease all hostilities and actions that can blunder this country into unintended consequences and to stay at their locations. 7. I commend the efforts of international partners and call on them to continue their support to the Somali people and State and to particularly provide support to the election process. 8. Finally, I call on the Somali people to strongly support our peace-building and security efforts to implement a free and The post Prime Minister Roble’s statement on the current situation in Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aankii ay maanta Galmudug iyo HirShabeelle uga soo hor jeesteen mudo kororsigii loo sameeyey hey’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in mowqifka Galmudug uu markii horeba cadaa oo horay uu u shaaciyey in aysan ogoleyn mudo kororsi. Qoor Qoor oo wareysi siiyey VOA ayaa mar wax laga weydiiyey sababta ay mar hore uga soo hor jeesan waayeen mudo kororsiga, waxa uu sheegay inay wadeen wadahadal iyo dadaallo ku aadan arrintaas, isla markaana ay aad uga xunyihiin wixii dhacay intii ay wadeen dadaalladaas. “Waxaan rajeynayaa in dhibku halkaas ku istaago, wixii dhacayna ay nasiib darro ahaayeen, Soomaalina laga samata bixiyo caqabadaha ka soo wajahay doorashada iyo dib u dhaca jira, waxaan sidoo kale rajeynayaa in dhamaan wixii la qorsheynayey ee danta umada aysan ku jirin laga waantoobo,” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweyne Qoor Qoor wax laga weydiiyey in madaxweyne Farmaajo uu la ogaa go’aankii ay galabta qaateen ayaa yiri, “Madaxweynuhu aragtidiisa iyo mas’uuliyadiisa ayuu leeyahay, waxa uu caawa dhihi doonana ma ogi, in aan ogaadana wax baahiya looma qabo, marka anagu mowqifka aan qabnay iyo sidii wax nala ahaayeen ayaan sheegnay, isaguna wixii mowqifkiisa ah ayuu sheegi doonaa.” Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/04/c2a9a8a6-bbf7-44e4-96ee-d9312e9bb02f_16k.mp3 The post Wareysi: Qoor Qoor oo faah-faahin ka bixiyey go’aankii ay ku diideen mudo kororsiga appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Prime Minister of Somalia Mohammed Hussein Roble today declared that his government was committed to elections based on the 17 September electoral model. Roble met civil society members in Mogadishu following clashes between the government forces and clan militias in several neighbourhoods. “I call on all Somali elections stakeholders to prepare for a national election and refrain [from] any action that would jeopardize this effort” reads a statement from the Office of the Prime Minister. President of Somalia Mohammed Abdullahi Farmaajo will deliver a speech tonight on elections. Puntland and Jubaland welcomed the statement on elections. All federal member states are now committed to elections based on 17 September Agreement. President Mohammed is expected to endorse the new electoral roadmap and sign an executive order that will effectively dissolve the bicameral legislature. The breakthrough will see Somalia enter an indirect elections season to select MPs and Senators who will elect speakers of the bicameral house and the President. © Puntland Post, 2021 The post Somali Federal Government Endorses 17 September Electoral Model appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in toos loo aado doorashooyinka dalka, ayada oo aan dib looga laaban wada-hadalladii burburay. “Iyadoo Laga Ambaqaadayo Barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan hirgelinta Dooorashooyinka Qaranka oo ay fulinteeda u xilsaarantahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Wasaaradda oo fulinaysa awaamiirta Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya, waxay ugu baaqaysaa dhinacyada ay quseyso in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka ee uu saldhig u yahay hishiiskii 17 Sept 2020 ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha. Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “waxay Wasaaraddu ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha doorashada dalka in ay u diyaar garoobaan doorasho jawi nabdoon ku dhacda, sida uu faray Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya.” Qoraalkan ayaa u muuqda mid ay dowladda ku dooneyso in doorasho lagu galo, ayada oo aan dib loogu laaban wada-hadalladii burburay, islamarkaana toos loo dhaqan geliyo heshiiskii 17-ka September ee qodobo badan oo ka mid ah ay dowladda jebisay. Maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in heshiiskaas aan doorasho lagu gelin karin, waana taas sababtii ay kadib heshiiskii u dhaceen dhowr wada-hadal oo aan miro-dhalin. Hase yeeshee, qoraalkan ayaa u muuqda mid ay dowladda dooneyso inay kaga faa’iideysato xiisadda kacsan ee Muqdisho ee ka dhalatay muddo kororsiga, ayada oo isu muujineyso inay ka tanaasuleyso muddo kororsiga, taas beddelkeedna ay qasbeyso in la qaato heshiiska 17-ka September. Si kastaba, khudbadda la filayo in caawa uu jeediyo Farmaajo ayaa kala caddeyn doono wax walba. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda The post DF oo soo saartay qoraal ay ku amreyso in doorasho la galo ayada oo aan dib looga laaban wada-hadal dambe appeared first on Caasimada Online.
-
The post Daawo Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay xaalada Caawa appeared first on . Source
-
Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey waxay qaaday talaabo aysan ku farxsanayn kooxaha taageersan Villa Soomaaliya, waxay Wasaaradu ku baaqday in si deg deg ah loogu laabto Heshiiskii 17sebtembar. Waraaqdaan waxay Muujinaysaa in La arkay Cawaaqiib xumada Mudo kordhintii Madaxweynuhu uu samaystay. Waatan ee akhriso The post Sagxadii baa lasoo taabtay , Akhriso waraaq kasoo baxdey Wasaarada Arimaha gudaha ” Teendhadii halagu laabto appeared first on . Source
-
Baydhaba (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu shaaciyey in iyadoo laga duulayo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka iyo ismari waaga arrimaha doorashooyinka ay K/Galbeed ku talineyso in dalka doorasho la isla ogolyahay loo jiheeyo. Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada K/Galbeed oo ka kooban afar qodob, ayaa lagu yiri: In dib loogu noqdo wadaxaajoodka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo talo-soojeedintii kasoo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021. In laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida. In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu uga mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Laftagareen oo ahaa shakhsiga ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya iyadoo galabta ay si cad maamullada Galmudug iyo HirShabeelle uga hor yimaadeen mudo kororsigii labada sano ahaa ee uu sameystay Farmaajo, isla markaana ay soo dhaweeyeen Ra’iisul wasaare Rooble, Puntland iyo Jubbaland. The post DEG DEG: Lafta-gareen oo ku biiray madaxda diidan muddo kororsiga appeared first on Caasimada Online.
-
Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ammaantay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle inay kasoo horjeesteen muddo korodhsiga, ayna ku taageerene heshiiskii 17-kii September. Fariin lagu qoray barta twitter-ka ee safaaradda Maraykanka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo jidka cad ee wada-hadalka iyo nabadda, sida lagu sheegay farriintaas. Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa isna farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay dhiirranaanta ay muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamullada ee ku saabsna in doorasho wadar oggol ah ay waddanka ka dhacdo. Berlanga ayaa sheegay in gacan ka hadal aysan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee bannaana uu yahay wadahadal. PUNTLAND POST The post Mareykanka iyo Midowga Yurub oo taageeray go’aanka Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Rooble appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa qoraallo ay soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen qoraalladii ay galabta soo saareen Ra’iisul Wasaare iyo madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo ay ku cadeeyeen in aysan raali ka aheyn mudo kororsigii uu sameystay Madaxweyne Farmaajo. Ugu horeyn Puntland ayaa kula talisay dhigeeda Koonfur Galbeed in ay qaataan mowqif lamid ah kan ay qaateen madaxda dowlad goboleedyada kale iyo ra’iisul wasaare Rooble. “Dowladda Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Puntland ayaa ugu baaqday dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wadahadalladii doorashasda si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17-kii September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah. “Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.” Ugu dambeyntii Puntland waxay wakiillada Beesha Caalamka ku bogaadisay in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah Dhanka kale dowlad goboleedka Jubaland ayaa si lamid ah Puntland u soo dhaweeyey go’aanka ay qaateen maamullada kale ee Galmudug iyo HirShabeele, kaas oo ay ku diideen mudo kororsiga sharci darada ahaa. “Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysa go’aanka ay qaateen Dowladaha Galmudug iyo Hirshabeele kaas oo ay ku diideen mudo kororsiga sharci darada ah, Waxaan aaminsanahay heshiiska 17 Sep inuu yahay waxa kaliyah ee laga amba qaadi karo doorashooyin loo dhan yahay oo dalka ka dhaca,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland. Sidoo kale Jubaland waxay ciidamada Qaranka ugu baaqday in aysan fulin hadii la siiyo amaro sharciga hareer-marsan, isla markaana aysan ku milmin siyaasadda. Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland oo dhameystirsan. The post Jubaland iyo Puntland oo war kasoo saaray xaaladda Muqdisho iyo go’aanka Galmudug iyo HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
-
Dowlad gobaleedyada Jubbaland iyo Puntlabd ayaa soo dhaweyay go’aankii ay qateen Maamualada Hirshabeelle, Galmudug iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble . Qoraallo kala duwan oo ka soo baxay Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa aad loogu soo dhaweyay go’ aanada , iyagoo sidoo kale lagu baaqay in laga shaqeyo qabsoomidda doorasho leysla ogolyahay. Hoos Ka Akhriso Qooralada Labada Maamul. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhaweynaysaa Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaan Dowladda Koonfur Galbeed u rajaynaynaa in ay qaataan mowqifkaas la mid ah. Dowladda Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka. Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah. Dowladda Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah. Source: goobjoog.com
-
Maamul goboleedka Jubaland ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen maamullada Galmudug iyo Hirshabeele kaas oo ay ku diideen mudo kordhinta uu baarlamaanka u sameeyay Madaxweynihii hore. haddaba halkan hoose ka akhriso warmurtiyeedka uu soo saaray maamulka Jubaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlad Gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa war ka soo saaray xaaladda magaalada Muqdisho. Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loogu noqdo wadahadal si doorasho loogu galo heshiiskii 17 September . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Dowlad gobaleedka Koonfur galbeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ammaantay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle inay kasoo horjeesteen muddo korodhsiga, ayna ku taageerene heshiiskii 17-kii September. Fariin lagu qoray barta twitter-ka ee safaaradda Maraykanka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo jidka cad ee wada-hadalka iyo nabadda, sida lagu sheegay farriintaas. Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa isna farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay dhiirranaanta ay muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamullada ee ku saabsna in doorasho wadar oggol ah ay waddanka ka dhacdo. Berlanga ayaa sheegay in gacan ka hadal aysan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee bannaana uu yahay wadahadal. Maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka. Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen labada maamul ayey ku yiraahdeen “Waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin. Dhinaca kale, Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa goor sii horeysay war kasoo saartay xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka. Qoraal kasoo baxay safaarada oo si toos ah ugu socda madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa waxa lagu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dagaalka isku rogay uu bur-burinayo rejada umadda iyo dalka Soomaaliyeed. “Khilaafka siyaasadeed wuxuu bur-burinayaa rajada Soomaaliya. Waxaan mar labaad ka codsaneynaa dhamaan dhinacyada inay ka waantoobaan rabshadaha,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu baahiyey barta twitter-ka. Safaaradda ayaa si toos ah u fartay Farmaajo iyo Rooble oo ah madaxda u sareysa ee dowladda waqtigeedu dhamaaday inay sida uga dhaqasaha badan dib ugu bilaabaan wada-hadaladii looga arrinsanayey doorashada ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. “Waxaan mar labaad ugu baaqeynaa Farmaajo iyo Rooble inay dib u bilaabaan wada-hadalkii ay la lahaayeen madaxda dowladaha xubnaha ka ah sida ugu dhaqsaha badan. Tani waa wadada kaliya ee horay loogu soconayo,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. The post Mareykanka iyo M/Yurub oo faririn cad u diray Farmaajo kadib go’aankii Galmudug, HirShabelle iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Midawga Yurub, Mareykan, Ingiriiska iyo Norway ayaa soo dhaweyay go’aankii Maamaulada Galmudug , Hirshabelle iyo Ra’iisul wasaare Rooble ku diideen kordhinta. Dowladahan ayaa qoraallo ay soo dhigeen Bartooda Twitter-ka waxa ay sheegen in ay soo dhaweynayaan go’aanada ay qaateen Maamulada Galmudug ,Hirshabelle iyo Ra’iisul wasaare Rooble, iyagoo sidoo kale sheegay in Ay arintan xal u noqoneyso khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya. Hoos Ka Akhriso Qorralada Dowladaha. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay war-murtiyeedka ay soo saareen Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay ku diideen muddo kororsigii sharci darada ahaa Dastuurka Dalkana baal marsanaa. Sidoo kale Guddoomiyahu wuxuu soo dhaweynayaa War-qoraalka Xafiiska RW Mohamed Hussein Rooble ee ah in Dalka Doorasho loo jiheeyo Guddooniyahu wuxuu u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay, waxa uuna ku boorinayaa dhammaan masuuliyiinta in ay qaataan doorkooda masuuliyadeed si dalka loogu jiheeyo doorasho wadar-ogol ah oo ku dhacda jawi nabdoon. Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Mohamed Ahmed ayaa soo dhawyay go’aanka Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle . Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri ‘ Waxaan boggaadinayaa go’aanka ay sida wadajirka ah warsaxaafadeedka ugu soo saareen madaxweyneyaasha labada dowlad goboleed ee Galmudug iyo Hirshabeelle kaas oo ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu hiiliyeen. Waxaan soo dhaweynayaa in labada maamul ay si cad uga horyimaadeen mudo kororsigii sharcidarada ahaa ee loo sameeyey madaxweynaha uu xilkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo iyo in ay ku baaqeen in Heshiishka 17 Sebteember dib loogu laabto, kaas oo ah gogol-dhigga keli ah ee lagu gaari karo qabsoomida doorasho loo wada dhanyahay.” Source: goobjoog.com
-
Waxaa halkaan tacsi looga dirayaa dhammaan awlaadii, ehelkii, asxaabtii iyo qaraabadii ay ka baxday Marxuumad Caasho Cilmi Buraalle oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho. Waxaa si gaar ah loogu tacsiyeynayaa Caruurtii marxuumada Ilmo Cabdi Kawi Jaamac iyo guud ahaan reer Cilmi Buraalle. Marxuumada waxaan illaahay uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka ragtayna samir iyo Iimaan ka siiyo Aamiin. Puntlandpost.com The post TACSI: MARXUUMAD CAASHO CILMI BURAALLE appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhaweynaysaa Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaan Dowladda Koonfur Galbeed u rajaynaynaa in ay qaataan mowqifkaas la mid ah. Dowladda Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka. Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah. Dowladda Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah. DHAMMAAD The post Dowladda Puntland oo sood dhowaysay go’aankii Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Rooble appeared first on Puntland Post.