-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Paris (Caasimada Online) – Ninkii loo haystay inuu dhawaan fagaare ku dharbaaxay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron ayaa la horgeeyay maxkamad, wuxuuna ka hadlay falkaas iyo siduu ku dhacay. Ninkan oo lagu magacaabo Damien Tarel oo 28-sano jir ah ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu madaxweyne Macron dharbaaxay, isagoona iska fogeeyay in falkaas uu ahaa mid uu hore usii qorsheeyay, sida lagu sheegay eedeynta loo jeediyay. Waxa uu dharbaaxada uu ku dhuftay Macron ku sifeeyay daqiiqad shucuur kacsanayd ah oo uusan hore uga sii baara-dagin, wuxuuna maxkamadda ka hor sheegay in dhacdadaas ay ka dhalatay hoos u dhaca ku yimid Faransiiska. Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa codsaday in ninkaan lagu xukumo Sanad iyo 6-bilood oo xabsi ah, maadama uu ku doodayo dacwad-oogaha inuu eedeysanaha saameyay ficil rabshado oo si ula kac ah. Sidoo kale waxa kooxda dacwada kusoo oogtay ninka dhirbaaxay Macron ku adkeysaneysa inuu taageersan yahay siyaasadda Midigta-Fog, uuna aad ugu dhowyahay dhaq-dhaqaaqa loo yaqaano ‘yellow-vest’. Madaxweyne Macron oo maalin ka hor ka hadlay dhacdadaas ayaa hoos u dhigay muhiimadda kuna qeexay “mid kali ah” dhacdadii Salaasaddii ka dhacday gobolka Drome ee dalkaas, halkaas oo qof shacab ah uu wejiga dharbaaxo kaga dhuftay. Wareysi uu siiyey wargeyska Dauphine Libere ayuu Macron ku adkeystay inuusan dareemin wax cabsi ah, uuna sii watay inuu dadka salaamo. “Aad ayaan u fiicanahay. Waa inaan dhacdadan, oo aan u maleynayo inay tahay mid kali ah, aan sisaas u eegnaa,” ayuu yiri madaxweyne Macron. Waxa uu intaas ku daray “in shaqsiyaadka aadka u rabshadaha badan” aan loo ogolaan “inay qaabeeyaan doodda dadweynaha, taasi oo aysan xaq u laheyn.” Muuqaallo lagu baahiyey maalintii Salaasada baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujinayey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin kamid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddelkeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya, isaga oo ku dhawaaqay “ha dhaco Macron”. Dharbaaxada lagu dhuftay Macron ayaa carro ka abuurtay saaxadda siyaasadda Faransiiska, ayada oo madaxda sarre ee dalkaas ay ku tilmaameen ficilka lagu beegsaday madaxweynaha mid ka hor-imaanaya dimuqraadiyada. “Siyaasadda ma ahan in ay marnaba rabshad noqoto. Gardarrada afka ah, iskaba daa midda gacanta ah lama aqbali karo. Beegsiga madaxweynaha waa dimqoraadiyadda oo la beegsaday,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Faransiiska, Jean Castex oo la hadlay baarlamaanka. The post Ninkii wejiga ka dharbaaxay Macron oo ka hadlay sababta uu falkaas u sameeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia's semiautonomous state of Puntland on Thursday completely banned female genital mutilation (FGM), officials announced. Source: Hiiraan Online
-
Buula Burde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay weerar culus kusoo qaadeyn saldhigga Magaalada. Saldhigga ayaa wuxuu dagaal ku dhex maray maleeshiyadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada Booliska ee ku sugnaa Saldhigga, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn maadaama waqtiga uu weerarka dhacay aheyd xilli habeen ah. Maleeshiyada weerarka soo qaaday oo la sheegay inay ahaayeen kuwa macawiisleyda ayaa la sheegay inay isku dayeen in xabsiga kasoo furtaan mid kamid ah ciidamadooda oo halkaas lagu xiray. Ciidamada Booliska ee saldhigga ku sugnaa ayaa la sheegay inay iska caabiyeen maleeshiyadii soo weerartay, waxaana fashilmay qorshihii lagu soo furan rabay askariga ku xiran saldhigga ee ka tirsan Maleeshiyada Macawiisleyda. Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga dareemayaa khilaafka u dhaxeeyo macamiilseyda iyo Booliska, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada ay martgeliso dagaal dhex maro labada dhinac. Waxaa jiro warar kale oo sheegaya in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay la socdeyn ciidamo ka amar qaata Guddoomiyaha Degmada Buula Burde, inkastoo aan weli xaqiiq dhab ah loo helin. Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin weerarkii culsaa ee xalay lagu soo qaaday saldhigga degmada Buula Burde. Ciidamada Macawiisleyda ayaa aad ugu xooggan qeybo kamid ah deegaanada Maamulka Hirshabelle, waxayna dhowr jeer dagaal la galeyn Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda, waxaana ugu dambeysay dagaalkii ay ku qaadeyn ciidamada Booliska Haramcad ee ku sugan Magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaas. The post Maleeshiyaadka macawiisleyda oo weerar ku qaaday saldhig Boolis appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in 24 saac oo xiriir ah Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka oo dhan laga waayey hal kiis oo cudurka COVD19 ah. Wasaaradda ayaa sheegtay in muddoyinkii ugu dambeeyey ay sii yaraanayeyn kiisaska COVID19 taas ugu dambeyntii keentay in hal kiis laga waayo Soomaaliya oo dhan 24-tii saac ee u dambeysay. Kiisaska COVID19 ee Muqdisho ayaa maalmihii dambe si gaar ah usii yaraanayey, waxaana muddooyinkii dambe kiisaska u badnaayeen Gobolada Dalka. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dalka oo dhan laga bilaabay qaadashada talaalka cudurka Coronavirus, waxayna dhawaan wasaaradda sheegtay in qeybtii labaad ee talaalka la keenay Soomaaliya. Warka kasoo baxay wasaaradda ayaan sidaan u qornaa: Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 770 o Laga Helay: 0 o Bogsashada: 21 Tirada Guud ee Laga Helay: 14,779 Bogsashada Guud: 7,016 Dhimashada Guud: 774 The post Soomaaliya oo markii ugu horeysay 24 saac gudahood laga waayey kiisaska COVID19 appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warbixintii u dambaysay oo ay soo saarto ku sheegtay in xanuunka COVID-19 laga waayay dhammaan dadkii laga baaray 24-saac ee u dambaysay. Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay, in 24-saac ee u dambaysay xanuunka laga baaray 770 ruux guud ahaan waddanka, islamarkaana dhammaantood laga waayay. Sidoo kale, wasaaradda ayaa tilmaantay in 21 bukaan 24-saac ee u dambaysay ka bogsadeen xanuunka COVID-19. Tirada guud ee cudurka laga helay tan iyo markii uu dalka ka dillaacay ayaa gaaraysa 14,779 bukaan sida laga soo xigtay warbixinta wasaaradda Caafimaadka. PUNTLAND POST The post Xanuunka COVID-19 oo 24-saac ee u dambaysay laga waayay guud ahaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carbeed oo in mudda ah heerkii ugu hooseeyay marayay ayaa u muuqda mid isbeddel aan la filayn ku socdo. Ra’iisalwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Xuseen Rooble ayaa June 8, 2021 qaabbilay Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi oo aan tan iyo December 2019 cag soo dhigin dalka. Su’aasha isweydiinta u baahan ayaa ah: Maxaa keenay isbeddelka siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya? Mase laysku aamini karaa dal lid ku ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka? Walow, wargeysyada qaarkood ay qoreen in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u gargelyooday Maxammed bin Zayed al-Nahyan, haddana isbeddelka siyaasadda dibedda ee dalkaas waxaa loo aaneyn karaa dhowr arrimood: (1) Hoggaanka Mareykanka ee Joe Biden oo la yimid siyaasadda ka duwan tii Donald Trump; (2) Caabuqa Covid-19 oo dhulka la dhacay dhaqaalihii kibirsanaa ee shidaalka; iyo (3) Guuldaro dhaqaale iyo ciidan oo ay kala kulmeen colaaddihii dunida ku cambaareysay ee Libiya iyo Yamen. Dhinaca kale, Riyaad iyo Abu Dhabi oo u muuqday kuwo aan kala maarmi ayaa isku seegay dhaqan-siyaasadeedkii “muruq isku muquuninta” oo Amiir Maxammed bin Zayed al-Nahyan uu ku wiiqi jiray dalka danaha dalkiisa ka horyimaad. Waxase cajiib leh in dib uga gurashadii Farmaajo afgambigii dimuqraadiyadda uu laftiisu dhalay rajo aan horray loo filayn. Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS oo kaashanaya shirkadda LFA Holding oo ah “lobbyist” ayaa awood u helay inuu xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka iyo “State Department”-kaba hordhigo aragti ka duwan tii laga qabay dalka. Halkaas waxaa ka dhashay labo arrimood: (b) Dadaalka Qadar ee keenay ergeyga Mutlaq bin Majed Al-Qahtani inuu isku maro Hargeysa, Muqdisho, Nairobi iyo Jabuuti; iyo (t) Casuumaaddii Boqor Salmaan uu u fidiyey wafuud heer sare ah ee ka socotay Qadar iyo Turki, si looga wada tashto isku duwidda hawlaha dib u dhiska Soomaaliya. . Amiir Maxammed bin Zayed oo ka cagajiidayey inuu fool-ka-fool ula kulmo Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga oo xiriir qabow ka dhexeeyo ayaa imaan shirkii Jeddah taas oo dhalisay su’aasha maqaalka ee ahayd, “Soomaaliya ma ka dhalan kartaa xasillooni dadaalkeedu aysan qayb ka ahayn Imaaraadka?” Fashil Siyaasadeed Waxaa ruux allaale oo damco inuu arrinkan lafaguro uusan ismoogaysin karin heshiiska Imaaraadka ay la gashay Jubbaland dhowr sano ka hor, kaasoo u fasaxayo inay ka dhisto Saldhig Militari, iyadoo la baalmaray Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo la ogyahay in Abu Dhabi xiriir kaas kasii durugsan la leedahay Puntland iyo Somaliland oo loo barreeray diidmada iyo dhaleecaynta Dowladda Federaalka. Ma suurtowdo in labada dhinacba (Muqdisho iyo Abu Dhabi) ay ismoogaysiiyaan arrinkaas baaxadda iyo cawaaqibta weyn leh oo ka dhigay Imaaraadka dawladda faraggelinta iyo dagaalka ugu ba’an ku hayso dibudhiska dowladnimada Soomaaliya halisna ku ah xasilloonida dalka iyo tan gobolkaba. Waxaa kaloo iyadana meesha jira gacansaarka lidka ku ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka oo dowladda Imaaraadka ay la leedahay Kenya. Ka jawaabidda su’aalaha taagan ma sahlana, waxaase la yaab leh waxa isku soo beegay socdaalka uu Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika Jeffrey Feltman ku tegay Abu Dhabi iyo sida degdegta leh ee Danjire Al-Hammadi dib ugu soo laabtay Muqdisho. Si kastaba ha ahaate, Dal-Jire Soomaaliyeed oo daahsan ayaa yiri “Awood kasta ee shisheeye oo isku dayday in ay Soomaaliya ku dhisto-sawirka-riyadeeda, ayaa ka tegi ayadoo madax wareer la rajo beeshay. Soomaalida keliya ayaa go’aansaneysa mustaqbalkeeda sida fiican ama xun. Sheekhyada Gacanka Carbeed [Imaaraadka], waxaa laga yaabaa inay si deg deg ah u bartaan casharkaas” (The American Interest – 23/03/2018). W/Q: Cabdulqaadir Cariif iyo Burhan Rooble AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Maxaa keenay isbeddelka siyaasadda IMAARAADKA CARABTA ee Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, oo garowsaday in dib loo soo nooleyn doono heshiiski Nukliyeerka Iran ee ay horey uga soo horjeesteen, ayaa wada-hadallo kula jira Tehran, si loo xakameeyo xiisadda, ayaga oo sidoo kalena u ololeynaya in wada-hadallada mustaqbalka ay qeyb ka noqdaan walaacyadooda amni. Quwadaha adduunka ayaa Iran iyo Mareykanka wada-hadallo kula leh magaalada Vienna si dib loogu soo nooleeyo heshiikii 2015 ee Tehran ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda Nukliyeerka, ayada oo dhaasaneysa in laga qaado cunaqabateynada caalamiga ah. Maamulka cusub ee Mareykanka ee madaxweyne Biden ayaa doonaya in dib loo soo celiyo heshiiska, kaasi oo Washington ay ka baxday markii uu madaxweyne noqday Donald Trump. Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa u ololeeyey inay qeyb ka nqodaan wada-hadallada Vienna, hase yeeshee waa lagu gacan seeray. PUNTLAND POST The post Sacuudiga iyo Imaaraadka oo wada-xaajood kula jira Iran appeared first on Puntland Post.
-
Dhallinyaro ka mid ah Askartii ay Xukumada Farmaajo u qaaday Eritrea oo soo baxsaday+Xoggo culus oo ay shaaciyeen Dhalinyaro ka tirsan askartii ay dowladda federaalka Soomaaliya tobabarka ugu qaaday dalka Eritrea ayaa kasoo baxsaday xeryihii ay ku jireen ee dalkaas. Dhalinyarada oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in markii hore laga qaaday magaalada Muqdisho, islamarkaana loo sheegay in tobabar loo geynayo dalka Qatar, kadibna laga dejiyay Eritrea. Waxay sheegen in dowladda federaalka ay qaaday dhalinyaro ku dhow 5,500 oo Askari, kuwaasi oo kala ahaa dhowr dafcadood oo kala dambeeyay, sida ay warbaahinta u sheegen. “Waxaa kamid ahaa ciidamadii laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaa markii hore na-lagu qalday in nala geynayo Qatar, balse waxaa nagala dejiyay Eritrea,” ayuu yidhi mid kamid ah dhalinyarada askarnimada loogu qaaday Eritrea ee soo baxsaday. Dhalinyarada oo socdaal dheer oo dhulka ah kusoo soo maray gobolada Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ugu dambeyntii soo gaadhay magaalada Garoowe “Anaga iyo waxaa isku dhacnay askartii Eritrean-ka ahaa oo dagaal ina-dhexmaray waxaa nagala laayay qaar kamid ah askarteeni u socday tobabarka, waxayna nala dhaceen bambooyin iyo xabado” ayuu yidhi mid kamid ah askarta kasoo baxsaday Eritrea. Sidoo kale waxay sheegen intii ay ku jireen xeryaha tobabarka ay la kulmeen tacadiyo kala duwan oo iskugu jira jidhdil iyo ciqaab, taasi oo markii dambe ay u adkeysan waayen, oo keentay inay kasoo baxsadaan. Askarta ay dowladda federaalka u geysay Eritrea tobabarka oo ay qeyb ka ahaayeen dhalinyartaan kasoo baxsatay ayaa waxay dalkaas ku sugnan yihiin muddo ka badan 2-sanno, oo aysan helin daawo iyo xuquuqda aas-aasiga ah, sida ay sheegen. Dhalinyartaan maanta warbaahinta la hadlay oo wajiyadooda laga dheehan karo diifta iyo rafaadka ay usoo mareen sidii ay dalka dib ugu soo laaban lahaayeen ayaa qaarkood waxaa lagu xidhay deegaano ka tirsan Itoobiya, kadib markii ay booliska u gacan galeen ayaga oo baxsad ah. Ugu dambeyntiina waxay baaq u direen waalidiinta ay carruurtooda kaga maqan yihiin Eritrea, “Alxamdulilh waxaa imaanay dhulkeeni hooyo socdaal dheer kadib, waxaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ay ka maqan yihiin carruurtoodi si deg-deg ah ugu baaqeyna inay jiriyaan oo loo keeno.” Arrintan ayaa imaneysa xili ay sarre u kacday xiisada ka dhalatay askarta tobabarka loogu qaaday Eritrea oo sanado ku maqan, waxaana magaalada Muqdisho maanta ka bilowday dibad-bax ballaadhan oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada maamulka Puntland ee toddobaadkan ayaa lagu meel-mariyey xeerar dhowr ah oo uu kamid yahay xeerka Gudniinka Gabdhaha, oo dood badan dhaliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shirkaas guddoominayey, waxayna golaha wasiiradu dood iyo falanqeyn dheer kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeerka Gudniinka Gabdhaha. Shirka ayaa waxa kale oo looga hadlay arrimaha Amniga, Ansixinta Xeerka Daroogada, xaaladda Covid-19 ee deegaanada Puntland, Dhismaha Bangiga Gaalkacyo iyo saameynta Ayaxa ee Gobolada Puntland. Golaha wasiirada ayaa sidoo kale shirka toddobaadkan ku ansixiyey xeerka Daroogada oo ay fadhiga golaha usoo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda Puntland. Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Cadaalada Puntland oo shirkaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cid kasta oo ku kacda fal ah Gudniinka Gabdhaha ay marsiin doonaan ciqaab, maadama sida uu sheegay ay ka hor-imaaneyso xeerka uu golaha meel-mariyey. “Gabdhaha Puntland waxaa loo daynayaa sida ay ku dhashaan, ciddii guddana waxaa la marsiin doona ciqaab,” ayuu yiri Wasiirka cadaalada Puntland. Xeerka Gudniinka Gabdhaha ee uu meel-mariyey goluhu ayaa waxaa ka taagan dood, inkasta oo golaha ay si aqlabiyad leh ugu codeeyen ansixintiisa, midaasi oo xeerkan ka dhigeysa mid dhaqan galaya, walow aan la ogeyn qaabka uu deegaanada Puntland uga fuli doono The post Puntland oo meel-marisay xeer dood badan dhaliyay oo la xiriira gabdhaha (Aqri) appeared first on Caasimada Online.
-
Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa soo bedelay xubnihii la soo eedeeyay ee ku jiray Guddigii doorashada ee lagu muransanaa. Maamulka Hirshabelle ayaa afar xubnood ku soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka. Sidoo kale Maamulka Koofur Galbeed ayaa labo xubnood soo bedelay oo kala ah Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo soo dhamaystiray xubnihii guddiga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Ninkii dhirbaaxay madaxweynaha Faransiiska oo shaaciyey sababtu ficilkaas u sameeyay+Xukun lagu riday Ninka ku eedeysan in uu dharbaaxay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron, ayaa la horgeeyay maxkamad, maanta. Ninkan oo 28 sano jir ah, ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu Macron dharbaaxay, wuxuuna ficilkaas ku sifeeyay daqiiqad shucuur kacsanayd ah oo uusan horey u soo qorsheysanin. Wuxuu tilmaamay in dhacdada ay ka dhalatay hoos u dhaca Faransiiska ku yimid, sida uu maxkamadda ka hor sheegay. Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa codsaday in ninka oo lagu magacaabo Damien Tarel, lagu xukumo 18 bilood oo xabsi ah, wuxuuna dharbaaxada ku tilmaamay “ficil rabsho oo si ulakac ah loo sameeyay”. Waaxda dacwadda ku oogeysa ninkan ayaa ku adkeysaneysa in uu taageersan yahay siyaasadda Midigta-Fog, uuna aad ugu dhowyahay dhaqdhaqaaqa ‘yellow-vest’. Mr Macron ayaa horey u sheegay in ay tahay inaan la fududeysanin weerarka, si dhexdhexaad ahna loo eego. Madaxweynaha Faransiiska markii la dharbaaxayay wuxuu ka soo baxay iskuul ku yaalla magaalada Waqooyiga-Bari ee Tain-l’Hermitage, ka dib ayuu ku leexday dad banaanka ku sugnaa oo lagu celiyay xeyndaan gaaban oo bir ah. Ninka Macron dharbaaxay waxaa la maqlay in uu ku qeylinayay “Montjoie iyo Saint-Denis! Ha dhoco Macron”, waana ereyo la adeegsan jiray dagaalladii qarniyadii dhexe. Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Faransiiska oo maanta la kulmay ciyaartoyda xulka qaranka dalkiisa ka hor inta aysan furmin ciyaaraha Euro. Wuxuuna markale ka hadlay dhacdadii dharbaaxada. Dhacdadaas waxaa cambaareeyay siyaasiyiinta Faransiiska, iyadoo tartanka doorashada madaxtinimada ay ka dhiman wax ka yar hal sano. Isla goobtii madaxweynaha lagu dharbaaxay waxaa laga xiray nin kale oo isku magaalo ay yihiin Damien Tarel, wuxuu wajahayaa dacwad ku saabsan in uu haystay hub sharcidarro ah oo laga helay gurigiisa oo la baaray ka dib dhacdada. Muxuu maxkamadda u sheegay ninkan? Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee faransiiska, AFP, ninkan waxaa la horgeeyay maxkamad ku taalla magaalada Valence, isagoo weli xiran funaanaddii uu qabay markii madaxweynaha uu dharbaaxayay. Waxaa la weydiiyay sababta uu madaxweynaha u dharbaaxay, wuxuuna ku jawaabay in xilli uu sugayay saaxiibbadiisa, uu ku fakaray in uu sameeyo wax la xusuusan karo. Wuxuu tilmaamay in uu fikirkiisii hore ahaa in uu kareem ama ukun ku tuuro, balse wuxuu ku adkeystay in uusan ka fikirin in uu madaxweynaha dharbaaxo. “Markaan arkay sida uu u furfuran yahay oo si been ah, taas oo dhib igu ahayd codbixiye-ahaan, waan ka lalabooday,” ayuu ka yiri maxkamadda horteeda, sida warbaahinta ay qorayaan. Isagoo dhalleeceynayay siyaasadaha madaxweynaha, wuxuu sheegay in uu qeyb ka ahaan bannaanbixii Macron ka dhanka ahaa ee la baxay ‘jaakadda-jaalaha ah’ kaas oo dhacay xilligii uu ku cusbaa xilka madaxweynanimo. “Si dareen leh ayaan ficilka u sameeyay,” ayuu yiri. Muxuu Macron ka yiri dharbaaxada lagu dhuftay? Madaxweynaha Faransiiska, wuxuu horey u beeniyay in ficilkaas uu yahay mid qof keligii uu sameeyay. Isagoo hadalkaas xoojinaya wuxuu ku tilmaamay in”dadka rabshadaha badan” aan loo ogolaanin in ay afduubaan waxa ay shacabka ka doodayaan. Shirjaraa’id oo maanta uu qabtay ayuu ku sii faafaahiyay dhacdadaas. “Waxaa jiray marxalado xiisad sare iyo qalalaase uu dalkan soo maray oo madaxweyne ahaan aan u joogay, xilligii qalalaasihii ‘gilets jaunes’. Balse bulshada heerkaas way ka soo gudubtay.” Wuxuu tilmaamay in isaga shaqsi ahaan uusan sharciga la tiigsan doonin ninkaas, arrintaasna uu u daayay hannaanka cadaaladda. Qaran News
-
Somali parents take to streets over ‘missing’ army recruits
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali parents Thursday staged a protest in the capital Mogadishu, demanding the government disclose the whereabouts of their sons who were taken to Eritrea for military training. This fresh protest by the parents comes days after a UN human rights report, citing “credible sources”, said that Somali trainees have crossed to the Eritrean border along with the Eritrean forces to fight in Ethiopia’s conflict-hit Tigray region. Bashir Sheikh Ali, the father of a recruit, told Anadolu Agency in Mogadishu they want the government to explain the recruiting process and the whereabout of their sons. “Our son was very young and he was told that he was going to Qatar for training. He was told he will be paid well and become an army officer. But he was transferred to Eritrea. Since his departure, we never communicated with him,” Ali said. “If the government does not have anything to hide, it should tell us if he is alive or dead,” he demanded. Halima Abdi, one of the protesting parents, told Anadolu Agency that they will continue the protest to pressure the government. “We are not against our government. We are patriotic citizens, but the way our leaders are behaving right now is unacceptable. We need full information about our sons,” Abdi said. Some families confirmed they spoke to their sons through the government communication channels. Somali government reiterates denial The Somali government Thursday again strongly denied that its forces fought in Tigray region, but confirmed the presence of Somalian forces in Eritrea. Somali Information Minister Osman Dubbe told a news conference in Mogadishu after the protests: “No Somali soldier is fighting in Tigray, no Somali soldier has been captured in Tigray, and no Somali soldier was in Axum.” He said Eritrea is training the forces just like other friendly countries who are taking part in rebuilding and strengthening the Somali national army. The minister accused the political opposition groups of politicizing the country’s defense and security matters. “In many countries, politicians avoid discussing defense and security matters because it is deemed a supreme national secret. Unfortunately, our politicians have made the politicization of our forces a hobby which is dangerous,” he said. Source: Anadolu Agency The post Somali parents take to streets over ‘missing’ army recruits appeared first on Caasimada Online. -
Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo laga reebay doorashada ka dhacaysa Dalka Itoobiya Juun 2021+Sababaha loo cuskaday Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in doorashadii lagu waday inay bishan June 21 ka dhacdo deegaannada Soomaalida iyo Hararida dib loo dhigay. Guddoomiyaha, Birtukan Mideqsa, waxay sheegtay in doorashada labadaas deegaan ay dhaceyao 6-dabisha September ee sannadkan 2021. Waxay dib u dhigista u sababeysay khaladaad lagu arkay waraaqaha diiwaangelinta codbixoyeyaasha. Balse dalka Itoobiya intiisa kale way ka dheceysaa doorashada xilligii loo asteeyay. Guddiga ayaa sheegay in dhammaan deegaannada doorashadooda dib loo dhigay oo dhan ay codeynta ka dhici doonto bisha September. Taa micneheedu wuxuu yahay in doorashada, dhammaadka bishan, aysan ka dhici doonin deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Deegaanka Soomaalida oo ka mid ah 10-ka dowlad deegaan ee xubinta ka ah Federaalka Itoobiya, waxaa ka socday diyaargarow xooggan oo loogu jiray sidi ay doorasho guud deegaankaasi uga dhici lahayd, balse hadda go’aankan ayaa laga yabaa in dad badan uu niyad jab ku keeno. Xisbiyadii ugu badnaa abid ayaa deegaanka Soomaalida isu diiwaangeliyay si ay uga qeybgalaan doorashada. Xisbiyada mucaaradka ee doorashadaas ka qayb galaya waxaa ka mid ah ururka ONLF, Xisbiga Xorriyadda iyo Caddaaladda iyo Xisbiga Ezema. Xisbiga talada deegaankaas haya ee Barwaaqo ama PP, wuxuu sidoo kale ka qayb yahay loollanka loogu jiro doorashada deegaanka Soomaalida. Deegaanka Soomaalida ayaa seddexdi sano ee ugu dambeeyey noqday midka ugu nabdoon Itoobiya, waxaana ka dhammaaday dagaalladii jabhadaha oo sababtay in deegaanka uu nabad noqdo. deegaannada kale ee dalka Itoobiya waxaa intooda badan ka socdo dagaallo u dhexeeya qabiillo ama malleeshiyaad iska soo horjeeda. Waxaa ka mid ah colaadaha ka socda qayba badan oo ka mid ah deegaanka Oromiya iyo Benishaangul oo ay waddo jabhadda OLF-Shane oo ah garab ka baxay jabhaddii xornima doonka Oromada ee OLF ee Itoobiya heshiiska nabadeed la gashay. Doorashada Deegaanka Soomaalida ka dhaceyso sannadkan waxaa codbixinta isu diiwaan geliyey tiradii ugu badneyd ee codbixiyeyaal. Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka warbixinayey geeddi socodka diiwaangelinta doorashada, wuxuu sheegay in ay codbixinta iisu diiwaan geliyeen in ka badan 3 malyan oo qof. Tiradaas waxay noqoneysaa tii ugu badneyd oo doorasha ka qayb qaadata inti uu deegaankaas jiray. Dhanka kale Doorashada la filayo inay ka dhacdo deegaanka Soomaalida, waxaa u sharraxan dumarkii ugu badnaa. Xisbiga PP oo kale musharrixiinta haweenka ee doorashada deegaanka ka dhaceyso oga qeybgaleysa wuxuu ku sheegay boqolkiiba 30%. Iyada oo xisbiyada kalena ay musharrixiin haween ah ay soo sharraxeen, inkastoo tirada rasmiga ah aana weli la xaqiijinin. Xogta guud ee doorashada Itoobiya 2021 Doorashada lagu wado in 21- June ee sannadkan ay Itoobiya ka dhacdo, waxaa ku loollamaya 47 xisbi, oo isugu jira kuwa u tartama heer qaran iyo kuwa heer deegaan ah. Seddexda xisbi ee musharrixiiinta ugu badan diiwaan geliyey waxay kala yihiin EPP (xisbiga talada dalkaasi haya), EZEMA iyo INNAT, waxayna soo sharraxeen musharraxiin kor u dhaafaya 8,200. Wuxuuna guddiga doorashooyinka qaranka ee Itoobiya sheegay inuu dadaal xooggan ugu jiro sidii loo billaabi lahaa diiwaangelin laga sameeyo goobaha amniga darrada aawadeed aysan diiwaangelinta codbixiyeyaasha uga billaabmin. Sidoo kale, doorashada Itoobiya ka dhaceysa sannadkan, kama dhici doonto deegaanka Tigray oo weli ay ka taagan yihiin rabshado u dhexeeya TPLF iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaadka Amxaarada. Shan arrimood ka ogow doorashada Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya 1. Xisbiyada badan Deegaanka Soomaalida waxaa markii ugu horreysay doorashada isu diiwaan geliyey xisbiyadii ugu badnaa. Xisbiyada mucaaradka ee doorashadaasi ka qayb galaya waxaa ka mid ah ururka ONLF, Ururka Xorriyadda iyo Caddaaladda iyo Ururka Ezema. Xisbiga talada deegaankaasi haya ee Barwaaqo ama PP wuxuu sida oo kale uu ka qayb yahay loollanka loogu jiro doorashada deegaanka Soomaalida. Waxayna xisbiyadaasi dhammaantood ay u tartamayaan kuraaska golayaasha baarlamaanka iyo kuwa deegaanka (degmooyinka iyo magaalooyinka). Iyada oo ay xusid mudantahay in madaxweynaha deegaanka Mudane Mustafa Cagjar uu ka mid yahay musharixiinta u taagan baarlamaanka deegaanka. 2. ONLF oo doorashada qayb ka ah Ururka ONLF wuxuu ka mid yahay xisbiyada mucaaradka ee doorashada deegaanka Soomaalida ka qaybgaleyso kuwooda ugu cad cad. ONLF oo muddo aad u dheer dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa dowladda Itoobiya heshiis ka gaartay kaddib markii uu dalka Itoobiya uu isbeddel siyaasadeed uu ka dhacay, Abiy Axmed oo hoggaanka dalkaasi qabtayna uu ku dhawaaqay Jabhadaha dowladda ka soo horjeeda iney miiska wadahadalka u soo laabtaan. ONLF oo iyaduna baaqa dowladda soo dhaweysay waxay wadahadal la gashay wakiillo ka socday dowladda Itoobiya ugu dambeynti bishii October 2018-kii labada dhinacba waxay ku dhawaaqeen iney heshiis hordhac ah gaareen. Heshiiskaasina ay ku gaareen magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Wakiilladii labada dhinac ee ku kulmay Asmara Xoghayihii arrimaha dibadda ee ONLF ee xilligaasi, Axmed-Yaasiin Sheekh Ibraahim, wuxuu BBC u sheegay in ay ku heshiiyeen in “ONLF hawlaheeda si nabdoon u sii wadato”. Wuxuu intaa ku daray in la isku afgartay in wadahadallada la sii wado. Heshiiskaasi kaddib iyo kulammo dhowr ah oo isxig-xigay waxaa ka dhalatay inuu ururka ONLF nabad buuxda qaato askarto ONLF ahna lagu daray ciidamada deegaanka Soomaalida. Ugu dambeyntina ONLF wuxuu ka mid noqday ururrada siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka diiwaan gashan oo la siiyey shahaadada aqoonsiga uu uga qayb galay kaddib marki uu buxiyey shuruudihi looga baahnaa. 3. Doorashada oo dhaceysa deegaanka oo nabad ah Deegaanka Soomaalida ayaa seddexdi sano ee ugu dambeeyey noqday deegaanka ugu nabdoon Itoobiya. Iyada oo aysan jirin jabhad duurka ku jirta ama dagaallameysa. Halka deegaannada kale ee dalka Itoobiya ay ka socdaan dagaallo ay jabhado wadaan sida kuwa ka socda qayba badan oo ka mid ah deegaanka Oromiya iyo Benishaangul oo ay waddo jabhadda OLF-Shane oo ah garab ka baxay jabhaddii xornima doonka oromada ee OLF ee Itoobiya heshiiska nabadeed la gashay. Deegaanka Tigraay ee ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiyana ku dhawaad 6 bilood iyo ka badan waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo maleeshiyaadka daacadda u ah jabhadda TPLF ee ay Itoobiya ku sheegtay argagxiso. Dagaalka Tigraay oo billaawday kaddib marki uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu sheegay maleeshiyaad daacad u ah TPLF iney weerareen isla-markaana ay qabsadeen saldhiggi ugu weynaa ee ay ciidamada dowladda dhexe ku lahaayeen Waqooyiga dalkaasi gaar ahaanna gobolka Tigraay. Doorashada sanadkan ayaa deegaanka Soomaalida ka dhaceysa iyada oo deegaanka Soomaalida uu haysto nabaddi abid ugu wanaagsaneyd wax amni darra ahna deegaankaasi aysan ka jirin. Deegaanka Soomaalida oo isbeddelki dhacay 2018-ki wixi ka horreeyey ahaa mid ay nabadgalyadiisu aad u liidato oo gobolla badan ciidan la’aan aan la mari karin iisu socodka habeenkina aan laguba fakirii karin. 4. Codbixiyeyaashii ugu badnaa ee doorashada iisu diiwaan geliyey? Doorashada Deegaanka Soomaalida ka dhaceyso sanadkan waxaa codbixinta isu diiwaan geliyey tiradii ugu badneyd ee doorasho iisu diiwaangeliso. Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka warbixinayey geeddi socodka diiwaangelinta doorashada deegaankaasi wuxuu sheegay iney codbixinta iisu diiwaan geliyeen in ka badan 3 malyan oo qof tiradaasi oo noqoneysaa tii ugu badneyd oo doorasha ka qayb qaato inti uu deegaankaasi jiray. Shacabka deegaankaasi marki ay si buuxda diiwaangelinta codbixinta ugu soo dareereenna waxaa lagu kordhiyey maalmo dheeri ah oo ka baxsan inti horay loo qoondeeyey. Inkasta oo guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ay sheegeen deegaan doorashooyin ku yaalla deegaankaasi in geeddi socodka doorasha cabasha la soo gudbiyey ayna u saareen guddi soo baaro, inta ka horreysanaya deegaannadaasi la hakinayo ayna adagtahay iney codbixintu ka dhaco 21-ka May oo ay dalka intiisa kale codbixinta doorashada ka dhaceyso. 5. Saamiga haweenka Doorashada la filayo iney ka dhacdo deegaanka Soomaalida waxaa u sharraxan dumarkii ugu badnaa. Xisbiga PP oo kale musharrixiinta haweenka uu doorashada deegaankasi ka dhaceyso uu u diyaariyey wuxuu ku sheegay 30%. Iyada oo xisbiyada kalana ay musharrixiin haween ah ay iyaguna soo sharraxeen waloow aan tirada rasmiga ah ay weli noo xaqiijin. Qaran News
-
(ERGO) – Jija Mohamed Yussuf, a displaced widow, has returned to her camp in Sigaale village in the Somali capital’s Hodan district after being displaced temporarily by the electoral dispute that brought violent conflict to this part of the city in April. She used to run a table-top shop selling rice, flour and sugar. When the chaos erupted she fled with her eight children and food stocks to another camp in Deynile, on the outskirts of the city. They ate some of the food to survive and the rest was spoilt in heavy rainfall. Jija lost not only her source of daily income, but also the $60 investment from a women’s rotating savings group that had enabled her to start the shop in January 2019. “I used to wash utensils for a restaurant before I set up the shop. I invested some of the money in the savings scheme and that is how I was able to start my own business,” she said. Jija was one of 30 of the most vulnerable women affected by the political violence that rocked the city to be given $130 by local organisation, Barwaaqo Community, to set up in business again. She started selling women’s and children’s clothes in May. “This organisation has helped us with a little money. I used my share to buy this stock that I’m selling now,” she said. “I make a profit of more than five dollars though on bad days it can be down to $2.5.” This was the first aid Jija had received since fleeing five years ago from Qoryooley, Lower Shabelle region, where drought destroyed her farm and livestock. She is cooking twice a day for her children and hopes things will improve further so that she can move the family out of the IDP camps to a rented house in the city – if she can save enough. Yasmin Abdullahi, another widowed mother of four, started a vegetable business back in Sigaale with money from Barwaaqo Community. She is making $6 to $10 daily selling watermelon, tomatoes, onions and potatoes. This is an improvement on her previous earnings of just over a dollar selling vegetables before their brief escape from Hodan district. “I am making some good money now though most of my customers are buying the vegetables on credit. I open every morning and am hopeful it will soon make a change in my living,” she said. Yasmin, who fled from Yaaq Biraweyne in Lower Shabelle after her husband was killed in a clan conflict, says she is now able to cook three meals for her children. A representative of Barwaaqo Community, Salim Mohamed Hassan, said they are planning to help 150 IDP women to start businesses so that they can be independent and move out of the camps. The organisation is funded by diaspora Somalis. Salim said they wanted to support women with the potential to invest the money wisely and apply for bank loans to further expand their businesses. source: Ergo The post IDP women affected by Mogadishu election chaos start up new businesses appeared first on Puntland Post.
-
Somali parents take to streets over 'missing' army recruits
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali parents Thursday staged a protest in the capital Mogadishu, demanding the government disclose the whereabouts of their sons who were taken to Eritrea for military training. Source: Hiiraan Online -
TACSI Anigoo ku hadlaaya magaca ilma Cumar Cabdi (ilma Cumaryare ) Waxaan tacsi u diraynaa dhamaan qoska ILMA JAAMAC CISMAA (ILMA GEELJIRE )Oo hoyadaad ku geeriyootay magaalada Hargaysa raxmaanku janadii ha geeyo samir iyo iimaana haynaga siiyo Aamiin AAMIIN SIR MAXAMUD CUMARYARE Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyey xubnaha cusub ee ay ku badeleen kuwii hore loogu soo eedeeyay ee ku jiray Guddigii doorashada ee lagu muransana. Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay afar xubnood. Sidoo kale Maamulka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isagna soo bedelay xubnihii lagu celiyay, kuwaasi oo ah labo xubnood oo kala ah Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal. Labada madaxweyne ayaa xubnaha cusub u gudbiyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo isagu gacanta ku haya howlaha doorashada, oo kal hore uu kala wareegay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday. HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa saddex dowlad goboleed oo aan weli soo magacaabin xubnahooda oo la sugayo, hase yeeshe waxaa hadda harsan oo keliya dowlad goboleedka Galmudug. Jubaland, Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa noqday dhinacyadii u horeeyay ee soo magacaaba xubanahooda guddiyada doorashada, midaasi oo qeyb ka aheyd fulinta heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho. Guddiyada cusub ee dhinacyadu soo magacabaayan ayaa bar billow u noqonaya hirgelinta heshiiskii 27-kii May, kaasi oo meesha ka saaraya mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya. Hoos ka aqriso magacyada ay soo gudbiyeen labada maamul The post Aqriso Magacyada: Guudlaawe iyo Lafta-gareen oo Rooble u gudbiyey beddelka xubnihii dib loogu celiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, haddana ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya. ayaa wajahaya eedeymo la xiriira inuu qeyb ka yahay mas’uuliyadda kiiska dhalinyaradii Soomaaaliyeed ee loo diray dalka Eretria. Kheyre ayaa ahaa Ra’isul wasaaraha Soomaaliya xiliga askarta Soomaaliyeed loo daaabulayay Eritrea, kuwaas oo la qaaday saddex jeer oo kala duwan, islamarkaana illaa iyo hadda aan war iyo wacaal laga hayn xaaladdooda. Tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Dowladda Federalka Itoobiya ku qaaday qowmiyadda Tigray, waxaa soo shaac baxday warar sheeegaya inay ka qeyb qaateen askar Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa tababarka loogu qaaday Eritrea. Waxaa warkan sii xoojiyay qoraal kasoo baxay toddobaadkan ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha xuquuqul Insaanka oo cadeeyay ku lug lahaanshaha askar Soomaaliyeed dagaalkii ka dhacay Ethiopia, gaar ahaan magaalada Aksum ee gobolka Tigray. Xasan Cali Kheyre ilaa hadda arrintan kama uusan hadlin waxaana uu ka gaabsaday codsiyo kala duwan oo loo diray si uu arrintan xaqiiqda uga sheego. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iskala tirsan yihiin golaha midowga musharaxiinta ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta xilka heysay markii dhalinyaradan Soomaaliyeed loo daad gureynayay dalka Eritrea iney qataan doorkooda oo arrintan ay ka sheegaan wixii ay ka ogyihiin isagoo ula jeeda Ra’isul Wasaare Kheyre. “Waxaan leeyahay dowladda iyo ragga siyaasiyiinta kuwa hadda jooga iyo kuwa barigii ay dhalinyarada baxeysay xilalka hayay, laakiin aan hadda xilka heynin intaba mas’uuliyad ayaa ka saaran, waa inay sheegaan xaalkooda, sababta ay u baxeen, meesha ay aadeen iyo tiradooda, waxa ay maanta ku sugan yihiin, hooyooyinka maalin kasta dariiqa taagan ee oynaya in ilmahooda xaalada ay ku sugan yihiin in loo sheego xaq ayay leeyihiin,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Sidoo kale Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi hadana ah Musharax madaxweyne ayaa isna ku baaqay in Kheyre arrintan wax laga weydiiyo maadama uu xiligaas ahaa mas’uulka ugu sareeya xukuumadiisa. Waxaana uu Taabid ku yiri qoraal uu soo saaray “Mas’uuliyiinta ka hadlay dhallinyarada Eritrea tababar loogu qaaday oo aan raq iyo ruux toona la heynin. Waxaan oran lahaa baaritaan bulshada u furan “Public Enquiry” dhexdiina ka sameeya, maadama uu Midowga Musharrixiinta xubin idin kala yahay Raisulwaarihii hore oo xog ka bixin kara amuurtan, hoggaanna u ahaa hay’addii fulinta xilligaas. Ood dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa.” Sidan si lamid ah waalidiinta ay dhalinyaradaas ka maqan yihiin ayaa dalbaday in Ra’isul wasaarihii hore uu wax uga sheego halka ay ku dambeeyeen wiilashooda balse wali kama uusan hadlin, waxaana dhowr jeer ay ka dalbadeen dowladda Soomaaliya iney ka jawaabto baaqyadooda iyagoo dhowr jeer banaabax ka dhigay Muqdisho. Xaqiiqda ayaa ah in eedeyn kasta oo arrintan la xiriirta oo uu wajaho Farmaajo, sidoo kalena uu wajahayo Kheyre, mana jirto sabab loo kala saaro, oo midna loo eedeeyo midka kale kalena looga dhaafo. Marka la eego baaqyada kala duwan ee loo dirayo Kheyre waxaa muuqata in Kheyre uu wajahayo cadaadis xooggan iyo eedeymo saameyn ay ku yeelan doonto mustaqablkiisa madaxtinimo ee Soomaaliya, ayada oo ay suurta-gal tahay in qaar badan oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen gobolka Tigray. Kheyre wuxuu haystaa fursad uu shacbiyad iyo taageero ku kasban karo, haddii uu sida dhabta ah uga hadlo arrintan, islamarkaana qaato mas’uuliyadda kaga aadan, sababtoo ah waa qofka kaliya ee maanta kusoo xiga Farmaajo ee sidaas sameyn kara. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Kheyre oo wajahaya eedeyn iyo cadaadis xooggan oo saameyn kara rajadiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Marxuum Maxamed Qoorad (bidix), marxuum Abshir Caydiid (midig) Allaha u naxariistee, waxaa saacadihii la soo dhaafay maagalada Garowe ku geeriyooday Nabadoon Maxamed Diiriye Qoorad iyo Nabadoon Abshir Caydiid Soodhakhsade. Nabadoon Maxamed Diiriye Qoorad ayaa galinkii dambe ee maanta oo khamiis ahayd geeriyooday, halka Nabadoon Abshir Caydiid Soodhakhsade uu caawa fiidkii geeriyooday. Labada Nabadoon ayaa kamid ahaa nabadoonnada soo jireenka ah ee gobolka Nugaal. Labada marxuum ayaa lagu wadaa in berri oo Jamce ah lagu aaso beer ku taalla duleed Bari ee magaalada Garowe. PUNTLAND POST The post Nabadoonno ku geeriyooday Garowe appeared first on Puntland Post.
