-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka ay maanta qaateen madaxweyne Farmaajo iyo golaha shacabka ee looga laabtay muddo kordhintii labad sano aheyd. Golaha shacabka ayaa maanta u codeeyey in lagu laabto heshiikii 17-ka September, ayada oo meesha laga saaray sharcigii muddo kororsiga labada sano ahaa, kadib markii uu sidaas ka codsaday Farmaajo, oo khudbad u jeediyey. “Waxaan soo dhoweeneynaa ficillada ay maanta qaadeen Farmaajo iyo Golaha Shacabka. Waxaan sidoo kale soo dhoweeneynaa kaalinta Rooble ee fulinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in loo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo twitter-ka ay soo dhigtay safaaradda Mareykanka. We welcome the actions taken today by @M_Farmaajo and the House of the People. We also welcome @MohamedHRoble’s role in implementing #Somalia’s elections, which must be held as soon as possible. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) May 1, 2021 Sidoo kale, danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa soo dhoweeyey go’aanka baarlamanka iyo Farmaajo, wuxuuna ka digay cudurdaar dambe oo kale. “Midowga Yurub wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka Golaha Shacabka iyo dhawaaqa madaxweyne Farmaajo. Hadda kadib ma jirto wuxu shuruudo horudhac ah, wax qas-wadeyn ah, wax rabshado ah. Rooble inuu isku halleeyaa taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan madax goboleedyada iyo jilayaasha kale ee Soomaaliya, si uu u hoggaamiyo hanaan ay Soomaalida ay hoggaamineyso,” ayuu yiri Berlanga. The EU welcomes HoP decision and the announcement by President Farmajo. Now, no preconditions, no spoiling, no violence. PM Roble must count on the constructive support from all FMS presidents and other political actors for a Somali-led process — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) May 1, 2021 Farmaajo oo khudbad maanta kahor jeediyey Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo. The post Mareykanka iyo MIDOWGA YURUB oo soo saaray dalab iyo digniin deg deg ah kadib go’aankii golaha shacabka appeared first on Caasimada Online.
-
Daawo Muqaalka Kulan M/weyne Biixi Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay wefti ka socda Dalka Qatar Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ballaadhan Oo Ka Socday Dalka Qadar Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo safar shaqo ku yimi dalka Somaliland, kana socday dalka Qadar oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani. Ugu horrayna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixin dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo halkii laga soo ambo qaaday geeddiga Dimuquraaddiyadda muddo Soddon sanno ah, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay in labada waddan ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah. Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) ay xafiis uga furan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah. Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in halkaa laga ambo qaado xidhiidh wada shaqayneed oo labada dal yeeshaan. Qaran News
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Sabtiya xafiiskiisa ku qaabiley wefdi ka socday dalka Qatar oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi, uu wefdiga warbixin dheer ka siiyay xaaladda guud ee Somaliland, islamarkaana uu ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qatar. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay in labada dhinac yeeshaan xiriir wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar Somaliland ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah, sida lagu xusay Qoraalka. Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qatar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qatar Charity) ay xafiis uga furan lahayd gudaha Somaliland, loona xoojin lahaa xiriirka wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Qatar oo xafiis diblomaasiyadeed ka furanaysa Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Qatar usoo dirtay dalka Soomaaliya Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, taasi oo muujineysa isbeddel siyaasadeed oo weyn. Dr. Al-Qahtani ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, wuxuuna la kulmay wasiirku ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland Liibaan Yuusuf Cusmaan. Qatar ayaa ergeygan, oo ay Qaramada Midoobay sanadkii 2020 u aqoonsatay dhex dhexaadiyaha ugu wanaagsan, usoo dirtay Soomaaliya si uu uga qeyb qaato wada-hadallada Soomaaliya iyo is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya.. Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Somaliland weli wax faahfaahin kama aysan bixin safarka uu Dr. Mutlaq bin majed Al-Qahtani uu ku tagay Hargeysa. Rashid Abdi oo fallanqeeya siyaasadda gobolka ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in socdaalka Al-Qahtani ee Hargeysa uu tusaale u yahay isbeddel ku yimid siyaasadda Qatar ee gobolka. “Qatar waxay u weecatay Somaliland, wafti sare ayaa yimid Hargeysa. Arrintani waa muhiim, waxay imaneysa ayada oo qaska Muqdisho uu kasii darayo, oo waqtigii Farmaajo iyo Fahad uu gebo-gebo ku dhow yahay. Imaaraadka taageero badan ayey ka sameysteen Somaliland. Ma jirto sabab aysan Hargeysa uga faa’iidi karin labadaba,” ayuu yiri. Al-Qahtani ayaa la filayaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxa uuna kulmo kala duwan la qaadan doona dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka. Qatar oo inta badan lagu eedeyo inay xiriir hoose la leedahay madaxda waqtigoodu dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa waxa la fahamsan yahay inay tallaabadan ku muujineyso inay dhex-dhexaad uga tahay xiisada dalka. Dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabada Qatar ay qaaday ay ka dhigan tahay inay hagaajiso sumcaddeeda Soomaaliya, ayna rumeysan tahay in maalmihii Farmaajo ee xukunka Soomaaliya ay gebo-gebo yihiin, si ay ula macaamisho cid kasta oo xukunka ka beddesha. The post Ergeyga ay Qater usoo dirtay Soomaaliya oo dalka yimid, iyo muhiimadda halka uu ka billaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Aqalka Hoose oo ka Laabtay Qaraarkii Muddo Kororsiga Baarlamaanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod ay goordhow qaaden waxa ay ku ansixiyeen dalab uga yimid Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa in lagu laabto heshiiskii 17 kii September. Talaabadan ayaa meesha ka saareysa muddo kororsigii laba sano ee ay aqalka hoose ku kordhiyeen muddada xilheynta hay’adaha dowladda. Kulankii maanta oo ay fadhiyeen 140 xildhibaan, ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxmaed Mursal Sh. Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in 140 mudane ay si buuxda u meelmariyeen dalabka ku laabashada heshiiskii 17-kii September, halka aysan jirin cid diiday ama ka aamustay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo codeynta ka hor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ayaa golaha dib ugu celiyay qaraarkii muddo kororsiga ee 12-kii bishii tagtay April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, islamarkaana ka codsaday inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee hannaanka doorashada dadban. Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in hanaanka doorashada iyo amniga dalka uu hogaamin doono Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu Ra’iisal-wasaare Rooble ku wareejiyey doorashada & Amnigeeda Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad la wada sugayey kahor jeediyey Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo ayaa sidoo kale xubnaha baarlamaanka ka codsaday inay ka aqbalaan in laga laabto sharciga muddo kororsiga, islamarkaana dib loogu laabto miiska wada-hadalka si loo hirgeliyo heshiiska 17-ka September. Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka u sheegay iyadoo la qadarinayo duruufaha ay wajaheyso Muqdisho inay ka tanaasulaan go’aankii ay horey u gaareen oo ahaa in muddo laba sano ah lagu qabto doorasho qof iyo cod ah. Farmaajo ayaa sheegay in sharciga 12-ka April ee muddo kororsiga ay diideen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, islamarkaana Muqdisho laga abaabulay xasarado qorsheysan, lana barakiciyey shacab, sida uu hadalka u dhigay. Farmaajo ayaa sheegay inuusan dooneyn in dagaallo ay ka dhacaann Muqdisho. “Waxaan idiin sheegayaa, magaaladan, qof ahaan, aniga lex jeclo weyn ayaa iga haysa, maxaa yeelay aniga magaaladan ayaan ku dhashay, magaaladan ayaan ku barbaaray, dugsi qur’aan, dugsi hoose, dugsi dhexe iyo dugsi sare uga baxay. Lamana ogolaan karo in dalkeena iyo magaaladan ay ku laabteen dhabihii ay qaadeen 30 sano ka hor, sidaas darteed waxaan dooranay inaan u hiilino xasiloonida dalka,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta ay is diidan yihiin inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida dalka. Ra’iisal-wasaare Rooble oo la wareegay wada-hadalla Dawlada federaalka iyo dawlad goboleedyada Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar kale la hadlay xildhibaanada golaha shacabka kadib markii ay ansixiyen codsigiisa ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorashada ee 17 September ayaa Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku wareejiyey wada-hadallada dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe. Farmaajo ayaa faray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu casuumaad u sameeyo madaxda maamul goboleedyada, si loo saxiixo heshiiskii ay horey u gaareen ee dhacay 17 September. Farmaajo ayaa mar kale ku celiyey go’aankiisa ahaa inuusan aqbaleyn in wax isbadal ah lagu sameeyo qodobadii heshiiska 17 September ee horey u saxiixdeyn Farmaaj iyo madaxda Maamul goboleedyada taaso durba, shaki gelisay awoodda uu Rooble u yeelan karo hoggaaminta shirarka la filayo inay dhacaan. Rooble ayaa hadda looga fadhiyaa inuu qaato doorkiisa doorashada maadaama Farmaajo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku wareejiyey, waxaana looga fadhiyaa inuu si dhex-dhexaad ah u hoggaamiyo hanaanka doorashada. Ra’isul wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka ay yeelanayaan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana meesha ka bixi doonto doorkii uu Farmaajo ku lahaa kulamada looga xaajoonayo doorshada iyo xallinta khilaafka taagan. Lama qiyaasi karo go’aanka ay madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka qaadan doonaan Mas’uuliyadda lagu wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble iyo casuumadda la filayo inuu dhawaan u fidiyo. Farmaajo ayaa khudbaddii koowaad ee uu ka jeediyey golaha shacabka shaaca uga qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar kale la hadlay xildhibaanada golaha shacabka kadib markii ay ansixiyen codsigiisa ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorashada ee 17 September ayaa Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku wareejiyey wada-hadallada dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe. Farmaajo ayaa faray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu casuumaad u sameeyo madaxda maamul goboleedyada, si loo saxiixo heshiiskii ay horey u gaareen ee dhacay 17 September. Farmaajo ayaa mar kale ku celiyey go’aankiisa ahaa inuusan aqbaleyn in wax isbadal ah lagu sameeyo qodobadii heshiiska 17 September ee horey u saxiixdeyn Farmaaj iyo madaxda Maamul goboleedyada taaso durba, shaki gelisay awoodda uu Rooble u yeelan karo hoggaaminta shirarka la filayo inay dhacaan. Rooble ayaa hadda looga fadhiyaa inuu qaato doorkiisa doorashada maadaama Farmaajo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku wareejiyey, waxaana looga fadhiyaa inuu si dhex-dhexaad ah u hoggaamiyo hanaanka doorashada. Ra’isul wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka ay yeelanayaan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana meesha ka bixi doonto doorkii uu Farmaajo ku lahaa kulamada looga xaajoonayo doorshada iyo xallinta khilaafka taagan. Lama qiyaasi karo go’aanka ay madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka qaadan doonaan Mas’uuliyadda lagu wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble iyo casuumadda la filayo inuu dhawaan u fidiyo. Farmaajo ayaa khudbaddii koowaad ee uu ka jeediyey golaha shacabka shaaca uga qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo. The post Rooble oo la wareegay wada-hadalla DF iyo maamullada appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ansixiyay dalab uga yimid Madaxweyne Farmaajo, kaas oo ah in lagu laabto heshiiskii 17 kii September. Kulanka oo ay fadhiyeen 140 xildhibaan, ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxmed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, waxa uu sheegay in 140 mudane ay meelmariyeen dalabka, halka aysan jirin cid diiday ama ka aamustay. Madaxweyne Farmaajo oo codeynta ka hor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka, ayaa golaha dib ugu celiyay qaraarkii muddo kororsiga ee 12-kii bishii tagtay April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, islamarkaana ka codsaday inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee arrimaha doorashooyinka dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hanaanka doorashada iyo amniga dalka uu hogaamin doono Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa 12 kii April waxa ay ansixiyeen qaraar ay muddo kordhin laba sano ah ugu sameeyeen hay’adaha dowladda federaalka, kaas oo sababay qalalaase siyaasadeed iyo dagaalo ka dhacay Muqdisho. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay in dib loobu laabto Heshiiskii Arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir ku-xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku qaabilay maddaarka caalamiga ah ee Cigaal airport wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Qatar oo uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Wasiir arrimaha Dibedda Arrimaha Africa. Soo dhawayn iyo kulan kooban kadib weftiga, waxa si toos ah loogu soo gelbiyey Qasriga madaxtooyada halkaas oo ay kulan kula qaadan doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Source
-
Golaha shacabka ayaa isku raacay in dib loogu noqdo September 17 ee ay isku raaceen dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah, taasi oo ka dhigan iney laaleen sharcigii jiheynta ee 12-kii April ay Farmaajo ugu dareen 2 sano. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta hortagay golaha shacabka ayaa ka laabtay muddo kordhintii loo sameeyey 12-kii bishii tagtay isaga oo dalka ku celiyey heshiiskii Septeber 17, 2021 ay isku afgarteen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey ayaa xildhibaannada golaha ku yiri yiri”Waxaan dhammaantiin idiinka codsanayaa idinka xeerinaya duruufaha siyaasadeed ee dalka ku gedaaman iyo marxaladaha cakiran ee aan ku jirno, in aad ila qaadataan in lagu noqdo heshiiskii wada ogolka ahaa ee aad ansixiseen 26-kii September 2020-kii” Madaxweynaha talada ka dhammaatay, oo sii hadlayey ayaa waxaa uu yiri”Golaha sharafta leh, waxaan rabaa inaan cadeeyo, in ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo hirgelinta amniga doorashada iyo doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga sida waaqafsan dastuurka dalka waxaa iska leh ra’iisul wasaaraha, waxaan farayaa xukuumadda iney u diyaar garowdo xukuumadda hawshaas baaxadda weyn” Hadalka Farmaajo iyo codeynta golaha shacabka kadib, waxaa uu dalka aaday doorasho dadban, waxaana lagu wadaa in dhamestirka heshiiskaas ay ka wada hadlaan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey codsigii uu hor keenay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiska doorashada ee 17 September. Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada in cod gacan tag ah loo qaado codsiga Madaxweynaha. Waxaa codsiga madaxweynaha aqbalay guud ahaan Xildhibaanadii kulanka kasoo qeyb galay oo ahaa 140 xldhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal. Guddoomiye Mursal ayaa shaaciyey in dalka uu dib ugu laabtay heshiiska doorashadii 17 September maadaama Baarlamaanka uu si aqbalbiyad leh u ansixiyeen, waxaana halkaas ka baxay muddo kororsigii. Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baarlamaanka Soomaaliya ugu mahadceliyey sida ay u aqbaleyn codsigiisa ahaa in dib loogu laabto heshiiskii 17 September. Go’aanka Baarlamaanka uu gaaray ayaa kusoo aadayo xilli Magaalada Muqdisho ay gashay xaalad hubanti la’aan ah iyadoo ay is hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa diidanaa muddo kordhinta. Waxaa hadda la filayaa in mar kale ay kulmaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo dhameystiro heshiiska 17-ka September, ugu dambeyna dalka uu aad doorasho. The post Golaha shacabka BF oo u codeeyey in muddo kororsiga laga laabto, oo lagu noqdo heshiiskii 17-ka September appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynsha Xilkiisu dhanaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu Baarlamaanka Wakhtigiisu dhamaadey u sheegey in uu hogaaminta Doorashada uu ku wareejiyey Raysal wasaare Rooble. Wuxuu kaloo Baarlamaanka u sheegay in Lagu laabto Teendhada Afisyooni tasoo macneheedu yahay inuu ka laabtay mudo kordhintii. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News-Farmaajo oo shaaciyey inuu hogaaminta Doorashada Wareejiyey appeared first on . Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo khudbad u jeediyay Aqalka Hoose ee Baarlamanka, ayaa si rasmiya u shaaciyay in uu mas’uuliyadda hirgelinta doorashada iyo Amnigeeda ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobel. “Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon” ayuu yiri Farmaajo Madaxweyne Farmaajo, wuxu sheegay in uu Ra’iisul wasaaraha u xil-saaray qaban-qaabada iyo marti-qaadka saxiixayaashii Heshiiskii 17-kii September, si loo meel-mariyo heshiiskaas iyo talooyinkii farsamo ee ka soo baxay shirkiii Baydhaba 16 February 2021. “Waxaan kale oo Ra’iisulwasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmairyo heshiiskas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo mas’uuliyada doorashada iyo Amniga ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Rooble appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad la wada sugayey kahor jeediyey Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo ayaa sidoo kale xubnaha baarlamaanka ka codsaday inay ka aqbalaan in laga laabto sharciga muddo kororsiga, islamarkaana dib loogu laabto miiska wada-hadalka si loo hirgeliyo heshiiska 17-ka September. Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka u sheegay iyadoo la qadarinayo duruufaha ay wajaheyso Muqdisho inay ka tanaasulaan go’aankii ay horey u gaareen oo ahaa in muddo laba sano ah lagu qabto doorasho qof iyo cod ah. Farmaajo ayaa sheegay in sharciga 12-ka April ee muddo kororsiga ay diideen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, islamarkaana Muqdisho laga abaabulay xasarado qorsheysan, lana barakiciyey shacab, sida uu hadalka u dhigay. Farmaajo ayaa sheegay inuusan dooneyn in dagaallo ay ka dhacaann Muqdisho. “Waxaan idiin sheegayaa, magaaladan, qof ahaan, aniga lex jeclo weyn ayaa iga haysa, maxaa yeelay aniga magaaladan ayaan ku dhashay, magaaladan ayaan ku barbaaray, dugsi qur’aan, dugsi hoose, dugsi dhexe iyo dugsi sare uga baxay. Lamana ogolaan karo in dalkeena iyo magaaladan ay ku laabteen dhabihii ay qaadeen 30 sano ka hor, sidaas darteed waxaan dooranay inaan u hiilino xasiloonida dalka,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta ay is diidan yihiin inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida dalka. The post Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu ROOBLE ku wareejiyey doorashada iyo amnigeeda appeared first on Caasimada Online.
-
Mareykanka ayaa isu diyaarinaya hirgelinta qorshe dagaal oo mustaqbalka dhici kara, kaasi oo u muuqda mid ka baddalan dagaalladii hore. Khudbad Jimcihii uu jeediyay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayuu ku sheegay in waddankiisa uu diyaar u yahay dagaallo kasta oo dhici karo mustaqbalka, kana duwan dagaalladii hore. Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa yiri mar uu booqanayay taliska Mareykanka ee Badweynta Baasifigga “Qaabka aan u dajinay qorshaheena dagaal ee soo socda waxay noqondoontaa mid gebi ahaanba ka duwan sidii aan u dagaallami jirnay dagaalladii hore.” Austin, si toos ah ugama hadlin tartanka dalkiisa kala dhaxeeya waddamada Shiinaha iyo Ruushka, laakiin hadaladiisa ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxeysa dalakan ay sii xumaaneysa. Sidokale hadalkan ayaa ku soo beegmaya bilowgii bixitaanka Ciidamadda Mareykanka ee ku suganAfgaanistaan, arrinkaas oo uu amray Madaxweyne Joe Biden, ujeedkiisana uu ahaa in la soo afjaro dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka iyo in dib loo dejiyo qorshaha Pentagon. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo u diyaar garoobaya qorshaha dagaal cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu hortego xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo kala hadli doono xaaladda dalka. Kulanka oo lagu wado inuu goor dhow ka furmo Villa Hargeysa ayaa waxaa haatan hoolka ku sugan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo la sugayo madaxweynaha oo khudbad xasaasi ah ka jeedin doono kulanka maanta ee Golahaasi. Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo wariyeyaasha kula hadlay hoolka baarlamaanka ayaa ka hadlay kulankan, wuxuuna farriin culus u diray madaxweyne Farmaajo. Idiris Dhaqtar ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha laga raayey, isla-markaana ay haboon tahay inuu is-casilo, sida uu hadalka u dhigay. “Isaga waxaa ku haboon inuu is-casilo barkey haddii ninka laga raayo ma’ahan inuu meesha isku dhajiyo waxaa fiican inuu meesha isaga tego,” ayuu yiri Idiris Dhaqtar. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xaaladdu ay faraha kasii baxayso, isla-markaana jidadka ay fadhiyaan mucaaradka, loona baahan yahay in dalka la bad-baadiyo “Marka u shaan dhig waan kuu duceyneynaa xittaa maanta barkey waan soo lugeynay meel aan soo marno ayaan weynay jidadkii mucaaradaa fadhiyo xaaladda meel qaraar ayey mareysaa dadkii waa barakaceen,” ayuu sii raaciyey xildhibaanku. Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa ah mid isha lagu wada hayo, wuxuuna kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo uu dalku jiro marxalad ah adag oo kala guur ah. The post Farmaajo oo loogu baaqay inuu is-casilo, kadib kulanka BF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa goordhaweyd Albaabada loo furay Golaha Shacabka iyadoo Xildhibaanadu mid mid usoo galayaan, waxaa jirta cabsi laga qabo in Xildhibaanada badankoodu ay soo xaadiri waayeen halka Xildhibaano dhowra ay ka caraysan yihiin ka noqoshadii laga noqdey Mudo kororsiga, kuwasoo laga yaabo inay Buuq sameeyaan. Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey isla markaasna isku dayay inuu Mudada dheeraysto Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hada la sugaya, waxaana loo dhagtaagayaa Khudbada uu jeedin doono waxa uu iga hadlayo. la soco kulanka Baarlamaanka. Puntlandi.com Muqdisho The post Kulankii Baarlamaanka oo la sugayo Madaxweyne Farmaajo iyo Buuq laga cabsi qabo appeared first on . Source