Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta ruqsadda Mobile Money (License) guddoonsiiyey adeegga e-Dahab ee shirkadda Somtel. Waa markii labaad oo Bangiga Dhexe bixiyo ruqsad noocaan ah, horey wuxuu u siiyay adeegga EVC-Plus ee shirkadda Hormuud. Adeegga Mobile Money waxaa la sheegay in ay isticmaalaan in ka badan 70% shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdirahmaan Maxamed Cabdullaahi, oo hadal ka jeediyey munaasabad lagu maamusay bixinta ruqsadda ayaa xusey in bixinta ruqsadda adeegga Mobile Money ay ahmiyad gaar ah u leedahay sharciyaynta shirkadaha bixiya adeeggaan, dhowrista xasilloonida hab-maaliyadeedka waddanka iyo ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadahaba. Xasan Cabdi Cawed oo ah Agaasimaha Sare ee shirkadda Dahabshiil Group u qaabilsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa isna ka mahadceliyay oggolaanshaha ruqsada la siiyey shirkadda, isaga oo xusey horumarka ay shirkaduhu samayn karaan marka loo sameeyo xeerar ay ku dhaqmaan. PUNTLAND POST The post Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo sharciyeeyay adeegga e-Dahab ee Somtel appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose. Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab. Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale. Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab. Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu. Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose. The post Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay maaganaayeen Al-Shabaab iyo xubno la dilay appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) - Gunmen in the Galmudug state opened fire outside a restaurant on Friday, killing three people and injuring two others. Source: Hiiraan Online
  4. The Euro 2020 match between Denmark and Finland will be played to a conclusion on Saturday evening and will resume at 2230 local time (1930BST), the Danish Football Association (DBU) has announced. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo tan iyo markii dalka laga dhoofiyey aan laga helin xog sugan. Guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka arrintaan ayaa ka kooban shan xubnood waxayna kala yihiin: 1 – Xasan Xuseen Xaaji wasiirka gaashaandhigga Guddoomiye. 2 – Mukhtaar Xuseen Afrax wasiirka arrimaha gudaha Xubin. 3 – Danjire Cabdullahi Axmed Jaamac Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Xubin. 4 – Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha ciidanka xoogga dalka Xubin. 5 – Maxamed Ibraahim Macalimuu Afhayeenka Xukuumadda Xubin. Tallaabadaan oo ah mid aad muhiim ugu ah waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda ku waayey gacanta dowladda ayaa mudo dheer lagula talinaayey inay qaado dowladda, balse hadda ayuu ku dhaqaaqay ra’iisul wasaare Rooble. Dhawaan waxaa soo xoogeystay warar sheegayey in ciidamo Soomaaliyeed ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kadib warbixin ka soo baxday hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka oo shaacisay xog ku saabsan arrintaas. Wixii intaas ka dambeeyey magaalada Muqdisho ayaa marti gelisay mudaharaadyo waaweyn oo ay dhigayeen waalidiinta ay ka maqanyihiin carruurtooda, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay cabashadooda la hor taagnaa xafiisyada waaweyn ee hey’adaha dowladda. Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro la sheegay inay kasoo goosteen askartii tababarka loo geeyey dalka Eritrea oo maalin ka hor lagu soo bandhigay deegaanada Puntland, kuwaas oo sheegay inay wajaheen nolol adag, iyagoo ku cel-celiyey in loo doodo oo dalka deg deg loogu soo celiyo dhalinyarada saaxiibadood ahaa Eritrea ay uga soo tageen. Hoos ka akhriso warqadda lagu magacaabay guddiga. The post Rooble oo guddi u magacaabay raadinta askartii loo qaaday Eritrea (Aqriso Magacyada) appeared first on Caasimada Online.
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo tababar loogu diray dalka Eritrea. Guddiga oo ka kooban 5 xubnood ayaa kala ah: 1. Xasan Xuseen Xaaji – Wasiirka Gaashaandhiga – Guddoomiye 2. Mukhtaar Xuseen Afrax – Wasiirka Arrimaha Gudaha – xubun 3. Danjire Cabdullaahi Jaamac Ilkajiir – Safiirka Soomaaliye ee Itoobiya – xubin 4. Gen. Odawaa Yuusuf Raage – Taliyaha Xoogga Dalka – xubin 5. Maxamed Ibaarim Macallimuu – Afhayeenka Xukuumadda – xubin. PUNTLAND POST The post Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta caruurtu ka maqan tahay appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi soo baara u magacabay waalidiinta sheegay in carrurtooda ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay dalka Itoobiya. Guddiga uu magcabay Rooble oo ka kooban shan xubnood ayaa soo baraya cabsahda waalidiinta xilli dhowr-jeer ay dowladda iska indha tirtay . Hoos Ka akhriso magacyada guddiga Source: goobjoog.com
  8. Riyadh (Caasimada Online) – Dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa billaabay inay masaafuriyaan oo ay Shiinaha u gacan geliyaan Muslimiinta Uyghur ee dalkaas lagu ciqaabo, sida uu shaaciyey taleefishinka CNN. Warbixinta CNN ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ay 2018 illaa 2020, u gacan geliyeen Shiinaha ugu yaraan hal qof oo Uyghur ah, kaasi oo dalkaas u tegay inuu kusoo guto Cumrada. Qof kale ayaa sidoo kale la xiray kadib markii uu dalkaas u tegay Xajka, wuxuuna hadda wajahayaa masaafurin loogu gacan gelinayo Shiinaha. Sidoo kale, Amannisa Abdullah oo Uyghur ah ayaa sheegtay in seygeeda Ahmad Talip laga qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, bishii Febraayo ee 2018, loona gacan geliyey dowladda Shiinaha. Amannisa ayaa kadib u carartay dalka Turkey oo ay hadda ku nooshahay. “Dhammaan dalalkan kalama jecla xuquuqda aadanaha,” waxaa sidaas CNN u sheegtay Maya Wang oo ah cilmi-baare sare oo Shiinees ah oo ka tirsan hay’adda xuquuqada aadanaha ee Human Rights Watch (HRW). “Waa dowlado aan la dooran oo muwaadiniintooda ku cadaadiya dalalkooda, mana jirto xeer iyo sharci dimoqraadi ah marka ay timaado masaafurinta Muslimiinta Uyghurs,” waxaa sidaa bishii April lagu sheegay warbixin ay sii daysya HRW, oo ku saabsaneyd xadgudubyada ka dhanka ah muslimiintan. Muslimiinta Uyghurs oo ah qowmiyad ku hadasha luuqadda Turkish-ka oo ku nool gobolka Xinjiang ayaa wajahaya cadaadis iyo xagudubyo diimeed iyo mid qowmiyadeed oo ay kala kulmayaan mas’uuliyiinta Shiinaha. Warbixin ay sanadkii tegtay soo saartay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in dowladda Shiinaha ay xirooyin xabsi ah ku hayso hal milyan oo ka mid ah Muslimiintan. The post Saddex dal oo Carab ah oo billaabay inay Muslimiinta Uyghurs u dhiibaan Shiinaha appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan mahadnaq ah la qaatay Toddobada xubnood ee guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka hirgeliyey doorashadii Dhawaan ka qabsoontay deegaanada Somaliland . Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ugu horrayn xubnaha guddida doorashooyinka ugaga mahadnaqay doorashadii milgaha lahayd ee ay dalka ka hirgeliyeen, xilkasnimadii iyo dhabar-adaygii ay sameeyeen, Hay’adaha kale ee kaalinta masuuliyadda leh ka ciyaaray doorashooyinkii dhawaan qabsoomay ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, ayuu madaxweynuhu si weyn u ammaanay, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay warbaahinta qaranka iyo midda madaxa bannaanba. Source: goobjoog.com
  10. PRESS RELEASE Ethiopia to vaccinate 2 million against cholera in Tigray region The vaccination drive, which began on 10 June, will cover 13 priority districts in Tigray MEK’ELE, Ethiopia, June 12, 2021/ — Ethiopia today officially launched a preventive oral cholera vaccination campaign targeting 2 million people aged 1 year and above in Tigray region in the north of the country to avert a potential outbreak. The vaccination drive, which began on 10 June, will cover 13 priority districts in Tigray and is being carried out alongside measures such as provision of water purification tablets and handwashing soaps to improve water, sanitation and hygiene. The Ethiopian Public Health Institute (EPHI) and the Tigray Regional Health Bureau are leading the campaign, with logistical support from the Ethiopian Pharmaceutical Supply Agency, and technical and operational support from World Health Organization (WHO) and partner organizations. Planning for the campaign was led by the Tigray Regional Health Bureau, with WHO providing technical guidance , while the vaccines were provided by the International Coordinating Group (ICG) on Vaccine Provision through the Global Taskforce for Cholera Control (GTFCC) with funding of the operational cost by GAVI, the Vaccine Alliance. WHO also facilitated the request, procurement and shipment of the vaccines. “In addition to WHO’s role in the procurement and deployment of the vaccine doses, WHO teams have been working with our teams providing technical, operational and logistical support. I commend the unreserved support and look forward to our continued partnership to ensure the health and safety of the people of Tigray,” said Dr Fasika Amdeselassie, head of the Tigray Health Bureau. Vaccinators trained by the Regional Health Bureau, EPHI and WHO are going through communities and camps for internally displaced persons administering the vaccine in the first-round of the campaign in Tigray, one of Ethiopia’s regions prone to seasonal cholera outbreaks. “The oral cholera vaccine is one of the proven preventive measures that can help avert needless sickness and death if done in a timely manner,” said Dr Boureima Hama Sambo, WHO Representative in Ethiopia. “WHO is working closely with the Tigray Regional Health Bureau to restore the health system, including the capacity to prevent and respond to possible disease outbreaks.” Following the conflict that erupted in Tigray at the end of 2020, more than 2 million people have been displaced, with over 1.7 million of them within the region. The crowded living conditions in camps for internally displaced persons, inadequate sanitation, scarcity of clean water and the upcoming rainy season put both the displaced and the host communities at risk of a cholera outbreak. Cholera is a highly contagious disease transmitted through contaminated water or food. It causes severe diarrhoea and dehydration that must be treated immediately to prevent death, which can occur in just a few hours, and to prevent the disease from spreading on a large scale in a high-risk environment. Disease surveillance, improved water, sanitation and hygiene services as well as treatment and vaccines are crucial in preventing cholera and containing infection spread. Coverage with a full two-round dose of oral cholera vaccine provides up to a five-year protection. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun ku riday ganacsato lagu eedeeyay inay gudaha dalka soo geliyeen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Raggaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 7 ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa, Cabdisalaan Cali Faarax, Qadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed , Cabdisalaan Cusmaan Maxamed iyo hal eedeysane oo baxsad ah. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in Raggaan lagu helay dambi ah inay dalka soo geliyeen Kiimikada qaraxyada, una sii gudbin jireen dagaalameyaasha Al-shabaab. Raggaan ayaa Xeer ilaalinta Maxakamadda waxaa ay ku eedeysay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-dii ilaa 2020 ay Al-Shabaab dekadda Muqdisho uga soo dejiyeen maadooyin laga sameeyo qaraxyada iyo Agab kale. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka codsatay in eedeysanayaasha lagu rido xukuno adeg, maadaama dalka ay soo geliyeen waxyaabo halis ah oo khatar ku ah nafta iyo deegaanka. Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in Maxamed Cusmaan Maxamed oo raggan Madax u ahaa lagu xukumay Xabsi daa’in halka Cabdisalaan Cali Faarax, Qadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed , Cabdisalaan Cusmaan Maxamed lagu xukumay min 8 sano oo Xabsi ah. Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada ay siideysay Cabdisalaan Cusmaan Maxamed, kadib markii la sheegay in Maxkamadda baaritaan dheer kadib ay wax dambi ah ku weysay. The post Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday ganacsato Al-Shabaab ka caawinayey qaraxyada appeared first on Caasimada Online.
  12. PRESS RELEASE South Sudan’s former Petroleum Minister urges industry to stick with Cape Town by endorsing African Energy Week The former minister urged investors and companies to participate in the first edition of the African Energy Week JUBA, South Sudan, June 11, 2021/ — The Republic of South Sudan’s former Minister of Petroleum, Ezekiel Lol Gatkuoth has expressed his disappointment at the decision of London based Hyve group to move Africa Oil Week to Dubai. “I think it will be unacceptable to move the Russian Energy Week from Moscow or ADIPEC from Abu Dhabi to Juba, South Sudan Africa on the basis of COVID 19. The same reasoning should apply to Africa especially Dubai has more Covid 19 cases than Cape Town.” The former minister urged investors and companies to participate in the first edition of the African Energy Week, due to be held in Cape Town, South Africa organized by the African Energy Chamber. “Opportunities and challenges concerning the Middle East and its energy are best discussed in the Middle East, and rightfully so. It is therefore a huge lack of appreciation and a vote of no-confidence in Africa to hold this discussion outside of the continent especially when the Oil and Gas industry must have a unified position on developing our natural resources in the face of energy transition. Many of us are asking what will happen to Mining Indaba. Will they also move Mining Indadba to Dubai or London?” Mr Gatkuoth continued. Minister Gatkuoth is yet another prominent voice in the industry that has come out against the decision to move Africa Oil Week to Dubai. According to the African Energy Chamber, interest and support for its Africa Energy Week event has been instant and strong. The event will rally the industry in Cape Town to talk about the effects of energy transition on the continent and about new opportunities for investors across the entire energy value chain. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
  13. Doodo & Murano ay Sababtay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka dhex oogan Xisbiga Dimuqraadiga ILHAN CUMAR . Kala aragti duwanaasho xooggan ayaa la sheegay iney ka dhex abuurantay xubnaha xisbiga Dumuqraadiga dhexdooda kaddib marki ay Ilhaan Cumar Israa’iil iyo Mareykanka ay ku sheegtay iney xasuuq geysteen si la mid Xamaas iyo Taalibaan. Hadalka Ilhaan Cumar oo ku soo beegmay xilli uu xisbiga Dimuqraadiga ee ay ka tirsan tahay uu u baahan yahay midnimo si uu u ilaashado aqlabayiyadda daciifka ah. 2019-kii hadal ay Ilhaan ka sheegtay taageerada siyaasadeed ee ay Washington siiso Israa’iil waxaa ka dhalatay dood toddobaadyo socotay. Haddaba hadalka ay Ilhan Cumar oo ah xildhibaanad ka soo jeedda dadka laga tirada badan yahay ee gobolka Minnesota ay isku barbar dhigtay Mareykanka iyo Israa’iil iyo ururrada Xamaas iyo Taalibaan xubnaha xisbigeeda waxay khamiisti ka dhex abuurtay kala qaybsanaan xooggan. Maalintii Isniinta, Ms Omar waxay barteeda Twitterka ku soo qortay “waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israel, Afghanistan, iyo Taliban”. “Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo cadaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha,” ayay qortay, xilli ay su’aalo waydiinaysay Xoghayaha Arimaha Dibada Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga gudiga Aqalka Wakiilada. Isabarbardhigga Ilhaan waxaa ka carooday Dimuqraadiyiinta Yuhuudda ee Aqalka ay Ilhan ka midka tahay ka tirsan. Waxayna sheegeen hadalka Ilhaan ka soo yeeray inuu mid marin habaabin ah. “Waxay iska indha tirtay farqiga u dhaxeeya dowladda dimuqraadi ah oo shjarciga lagu soo doorto iyo kuwa lugaha kula jira falal argagaixisanimo hadalkeeduna wuxuu ka tarjumayaa naceybka qotoda dheer ee ay qabto iyada oo dooneyso iney qariso ficillada kooxaha argagaixisada” ayey ku yirahdeen qoraalkooda. “Waa wax laga xishoodo asxaabteyda i soo wacda markay u baahdaan taageeradeyda inay hadda soo saaraan qoraal ay ku codsanayaan ‘caddeyn’ iyaga oo I soo wacin,” ayay ku soo qortay Twitter-keeda Ilhan Cumar oo ka mdi ah labada haween ee muslimka ah ee aqlkaasi ka tirsan. “Bayaankan xambaarsan Islaam naceybka xad dhaafka ah waa mid xadgudub ah. Wuxuuna ka yimid dhibaateynta iyo aamusnaata joogtada ah ee aan arrimahan laga hadlin saxiixayaasha warqaddanna waa mid aan loo dul qaadan karin” ayey sii raacisay. Qaar ka mid ah saaxibbadeed ay xisbiga Dimuqraadiga ka wada tirsan yihiin oo hadalka Ilhan difaacay waxay sheegeen xubnaha dimuqraadiga ay yihiin dad ay cunsuriyaddu ku weyn tahay. Cori Bush oo ah xubin aqalka ku cusun waxay barteeda Twitterka ku soo qortay: “Anigu lama yaabbani iney Jamhuuriyiinta ay haweeney madow ah oo xuquuqda aadanaha u doodeysa weeraraan , Balse weerarka noocaasi marka uu ka yimaada dhanka Dimuqraadiyiinta aad ayuu kuu dhaawacayaa.” WAxayna intaa raacisay “In la joogo xilligi la joojin lahaa Islaamka iyo Naceybka dadka Madowga.” Rashida Tlaib oo ah xildhibaannadlaga soo doorto Michigan oo asal ahaan ka soo jeeddo Falastiin, oo siyaasadda Israa;iil ugu yeerto ‘Midab takoor’ iyo ‘Cunsuri’ ayaa si weyn u difaacday hadalka ka soo yeeray Ilhaan Cumar. Jamhuuriyiinta iyo qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta ayaa codsday Ilhaan Cumar in laga saaro guddiga arrimaha dibadda ee Golaha, balse hoggaamiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiyiinta ayaa codsigaasi diiday. Ilhaan Cumar oo hadlaysa ka dib guushii ay ka gaartay tartanka aqalka Koongareeska Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa bishii Fabraayo ee sanadkan 2021-ka loo magacaabay Gudoomiye kuxigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afrika iyo arimaha xuquuqul insaanka caalamka. Mar sii horreysayna Ilhan waxay sheegtay inay si gaar ah u danaynayso “inay kormeerto arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibadda” ee Afrika. Ilhan ayaa horay uga mid ahayd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Kongareska inkasta oo dadka dhaleeceeya ay horay ugu baaqeen in laga saaro kadib hadalo si weyn loo dhaliilay oo ay jeedisay sanadkii 2019-kii oo ku saabsanaa saameynta siyaasadeed ee Isra’iil ku leedahay Maraykanka. Qaran News
  14. MOGADISHU (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Roble has ruled claims he might be contesting in the upcoming presidential elections noting his focus was on preparing the country for elections. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Roble has ruled claims he might be contesting in the upcoming presidential elections noting his focus was on preparing the country for elections. Source: Hiiraan Online
  16. Dalka Sucuudiga oo War Cusub ka soo saaray Xajka Sanadkan 2021 Haramain Sharifain Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhawaaqday in xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya 60,000 oo xujey ah oo ku nool Sacuudiga, taasi oo ka dhigan in dhammaan xujeydii ka iman laheyd guud ahaan caalamka aysan gudan karin xajka sanadkan. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida. Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxeyn doono 18 ilaa 65 sano jir, islamarkaana ay waajib noqo doonto in ay si buuxda u soo qaateen tallaalka looga hortago xanuunka COVID-19. Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa. Qaran News
  17. Addis Ababa (Caasimadda Online) – Itoobiya ayaa sheegtay iney adeegsaneyso dakadaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta dakadaha Jabuuti oo keli ah. Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Daagmaawiit Moges oo FBC u warrantay waxay sheegtay dalka Itoobiya alaabaha uu dhoofiyo ama uu soodajiyo 99% inuu ku tiirsanaa dakadaha Jabuuti oo keli ah balse hadda la doonayo seddex dakadood oo kale oo ku yaalla waddamada deriska in uu dalka Itoobiya isticmaalo. “Dakadaha aan isticmaalkooda bilaabeyno qaarkoodna aan horay billownay waxay kala yihiin Dekadda Berbera, Dekadda Lamu iyo Dakadda Port Sudan, isticmaalka dekadahaasina waxay keeneysaa ku tiirsanaantii dakadaha Jabuuti ee ahayd 99%, iney noqoneyso 89% meelahaa iyada oo dekadaha cusub ee aaan isticmaaleyno 8.8% ay kaalintooda noqoneyso” ayey tiri. Itoobiya waxay dhawaan meel marisay siyaasaddeeda ku aaddan Logistika (Logistic Policy), waxaana lagu qeexay iney lagama maarmaan tahay Itoobiya iney dakad hesho inta ay dakad ka heleysana ay sii isticmaasho dakadaha waddamada Deriska la ah ee u dhow. Itoobiyana waxay dhawaan heshiis seddex geesood ah la gashay Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo maalgashi ku sameynayo dakadda Berbera. “Dekadda Berbera si aan u isticmaalno gudaha Itoobiya waxaa laga wadaa mashaariic isugu jira waddooyin isku xira Itoobiya iyo Berbera iyo tasjiilaadkii kale oo gacan ka geysanayo inaan dekadda Berbera si buuxda u isticmaalno. Shirkadda DP World waxaan la galnay heshiis ay ku kaceyso 1 balyan oo doolar, Adeegsiga Dekadda Laamuu dowladda Kenya heshiis ayaan kala galnay iyada oo dhawaan xarigga laga jaray waddooyinkii Itoobiya iyo dakadda isku xiri lahaa” ayey tiri. Tallaabbooyinkaasi haddii ay dowladda Itoobiya qaaddo waxay fursad u siineysaa iney muddo kooban ay ku tallaabsato horumar dhaqaale oo dalka waxbadan ku soo kordhiyo maadaamaa ay dakaduhu halbowlo u yihiin kobac dhaqaale ee dalka. Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 100 malyan oo dhul weyna ku fadhida ayaan lahayn dakad ay iyadu leedahay oo ay wax kala soo degto ama ay kadhoofiso. The post Dowladda Itoobiya oo shaacisay magacyada Dekadaha ay isticmaaleyso appeared first on Caasimada Online.