Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Arab foreign minister are expected to meet in Doha on Tuesday to discuss the ongoing dam dispute between Sudan, Egypt and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  2. Beledweyne (HOL) - The President of Hirshabelle, Ali Abdullahi Hussein, has fired his deputy security minister of the Hirshabelle region Hassan Mohamed Elmi on Friday. Source: Hiiraan Online
  3. Warar lagu kalsoonyahay sheegaya in hawlihii Guddiga kala saarista iyo xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashooyinka laga soo gudbiyey, gaar ahaan kuwii Somaliland uu soo dhexgalay Farmaajo taas oo caqabad hor leh ku noqon karta doorashooyinka dalka. Madaxwaynaha muddo xileedkiis dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo celinaya xubno hore looga saaray oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gudiga Somaliland oo ah Shaqaalle Dawladda ka tirsan. Farmaajo ayaa la sheegay inuu la wareegay Wasiiraddii ay quseysay iyo beelahoodii kala dooday Seddaxda Kiis ee Gudiga Warbaahinta ka sheegay in cabasho ka taagan tahay ayna ahayd in ay go’aan ka gaaraan RW, Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar. Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka codsaday Guddiga in ay u soo gudbiyaan 7-da xubnood ee ay sheegeen in ay Guddiga Somaliland ka saareen, seddaxda Kiis ee cabashadu ka taagan tahay ayaa Guddigu diiday oo aan ilaa hada waxba loo keenin. Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa ku baaqay in la fuliyo la raaco Heshiiska doorasho ee lagu saxiixay Muqdisho , si loogu guulaysto dhamaynta khilaafka soo noq noqday ee ka taagan doorashada Somaliland. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
  4. A total of 17 al-Shabab insurgents were killed and several others wound in two separate security operations in Somalia’s central region on Friday, Somali National Army (SNA) has said. Source: Hiiraan Online
  5. The call for the withdrawal of Kenya Defence Forces from Amisom is slowly reemerging. Source: Hiiraan Online
  6. CAIRO - 13 June 2021: Vice Chairman of Banque Misr Akef El Maghraby stated Sunday in IPAs Africa Forum 1 that the bank had applied on licenses to operate in Somalia, Djibouti, and Kenya. Source: Hiiraan Online
  7. The parents of an 8-year-old boy who killed himself after being bullied repeatedly at an Ohio school have reached a tentative $3 million settlement with his school district. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si weyn isu-soo taraya cabasho xoogan oo laga muujinayo hadal kasoo yeeray Wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegayay in uu shaqo billaabi doono garoon la sheegay in laga dhisayo dhul shacab laga boobay oo ku yaalla degmada Deyniile. Cabashada ayaa waxay ka taagan tahay goobta ay dowladda u asteysay garoonka laga hirgelinayo degmada Deyniile, maadama uu yahay dhul shacab oo maamulka degmada Dayniile uu boobay, kaasi oo wasiir Duraan laga dhaadhiciyey inuu sharciyeeyo. Qaar kamid ah Odayaasha deegaanka Deyniile ee dhulkan leh, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhulka uu Wasiir Duraan ku sheegay in laga hirgelinayo Garoonka ay leeyihiin milkiyadeeda, oo uu yahay dhul shacab. Waxay sheegen inay xaqdaro tahay in dhulkaas ay dowladda si xoog ah uga sameynayso garoon diyaaradeed, ayada oo sharci rasmi ah u haystaan dadkii iska lahaa mulkiyadeeda. “Waxaa ku leenahay mudane Wasiir dhulkaas garoon maaha ee waa dhul shacab leeyahay, sharcigana maray, documant-giisana uu saxan yahay oo dowladda u sharciyeysay, oo gobolka iyo madaxtooyada ay ogtahay. Arrintaas ayaa waxay nagu noqotay fajiciso, waxaana bilowday dhaq-dhaqaaq aan hore uga jirin xili ay socotay in dhulkaas dib loogu celiyo dadkoodii,” ayuu yiri Cumar Santooni oo kamid ahaa Odayaashii la hadlay warbaahinta. Sidoo kale waxay ka dalbadeen Wasiir Duraan inuu ka laabto arrintaas oo ay sheegen inuu ku deg-degay, islamarkaana uu raali-gelin ka bixiyo dhulkaas uu ku sheegay in laga hirgelin doono garoon diyaaradeed. Odayaasha ayaa waxay si adag uga digeen dhibaatada ka dhalan karta haddii dhagaha laga fureysto baaqa ay maanta soo saareen, taasi oo ay mas’uuliyadeeda ay qaadi doonto dowladda federaalka, ayaga oo ka dalbaday madaxda sarre inay si deg-deg ah usoo fara-geliyaan arrintaan. Ugu dambeyntiina waxa ay baaq u direen shirkadaha diyaaradaha oo ay uga digeen inay ka degaan dhulkaas uu sheegay Wasiirka in laga hirgelinayo garoon diyaaradeed. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Digniin laga bixiyey isku day wasiir Duraan uu garoon uga dhigayo dhul laga boobayo dad shacab ah appeared first on Caasimada Online.
  9. Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxa sirdoonka Israel ee Mossad ee xilka ka degaya ayaa sameeyey qirashadii ugu dhoweyd oo ah in dalkiisa uu ka dambeeyey weeraro dhowaanahan lagu qaaday Nukliyeerka Iran iyo saynisyahano militari. Yosi Cohen oo la hadlay barnaamijka daba-galka ee “Uvda” oo ka baxa taleefishinka Channel 12 ee dalkaas ayaa bixiyey qirasho aan caadi aheyn oo aan laga fileyn madaxa hay’ad sirdoon. Hadalladiisa ayaa sidoo kale diginin cad u diray saynisyahanad Nukliyeerka Iran, oo ah in sidoo kale ay noqon karaan bartilmaameedka khaarijin. “Haddii syanisyahanada ay doonayaan inay shaqadooda beddelaan, oo aysan na waxyeeleyneyn, haa, waxaan u yabooheynaa hab ay uga baxaan,” ayuu yiri Cohen. Weeraradii ugu weyna ee Iran lagu qaado, ayaa laba ka mid ah, waxay ka dhaceen xarunta Natanz, halkaasi dhulka hoostiisa lagu kobciyo macdanta uranium-ka, si looga hortago in la weeraro. Bishii July 2020, waxa uu qarax kala dhantaalay mashiinada loo adeegsado uranium-ka, waxayna weerarkaas Iran ku eedeysay Israel. Sidoo kale bishii April ee sanadkan ayaa waxaa isla xaruntaas ka dhacay qarax kale oo saameeyey hoolalka lagu kobciyo macdanta uranium-ka. “Mashiinada Centrifuge-ka halkaas ayey ku shaqeyn jireen,” ayuu yiri. “ooh adda ma shaqeeyaan miyaa,” ayey weydiisay weriye Ilhan Dayan, wuxuuna ka jawaabay “dhab ahaantii. Cohen si toos ah uma qiran weerarka, hase yeeshee wuxuu yaboohay qirashadii ugu dhoweyd ee ah in Israel ay ku lug laheyd weerarada. Barnaamijka Uvda ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii November loo gaystay saynisyahan qeyb ka ahaa billowga barnaamijka Nukliyeerka Iran oo lagu magacaabay Mohsen Fakhrizadeh, wuxuuna sheegay in Cohen uu saxiixay dilkaas. Cohen ayaa ugu baaqay saynisyahanada Iran inay faraha kala baxaan barnaamijka Nukliyeerka, waxaana mar la weydiiyey waxa dhacaya haddii aysan sidaas sameyn uu ku jawaabay “way arkeen saaxiibadood,” isaga oo ula jeeda kuwa la dilay. AP + VOA The post Madaxii hore ee Sirdoonka Israel oo sameeyay qirasho lama filaan ah oo la xiriirta Iran appeared first on Caasimada Online.
  10. Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ay weheliyaan madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambasador Donald Yamamoto. Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay dardargalinta hanaanka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga iyo saameynta uu geystay fatahaada wabiga Shabeelle. Beesha Caalamaka ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaadanaysay madaxda Soomaaliya, iyagoo kala hadlay dhaqangelinta war-murtiyeedkii 27-kii May. Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya caddaadis ku saaraysa dhaqangelinta heshiiskii 27 May ee arrimaha doorashooyinka, oo weli aan sidii la rabay loo fulin. PUNTLAND POST The post Rooble, Qoorqoor iyo Guudlaawe oo kulan la qaatay Yamamoto appeared first on Puntland Post.
  11. Guddiga farsamada Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa la kulmay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada arrimaha doorashooyinka. Guddiga ayaa xubnahan ka socda Qaramada Midoobay kala hadlay isu duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah. Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeynaya sidii uu si habsami leh ugu fulin lahaa howlaha doorashooyinka ee uu u xilsaaran yahay. PUNTLAND POST The post Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka oo la kulmay xubno ka socda Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  12. Nearly six months into his deployment to Morocco, Israel’s head of mission to the North African country is still working from his hotel, as he struggles to find premises for his office. David Govrin was named head of Israel’s liaison office in Morocco in January after Rabat normalised relations with Israel late last year, becoming the fourth Arab country to do so in the past nearly two years. The United Arab Emirates and Bahrain normalised ties with Israel in September last year while Sudan followed suit earlier this year. Prior to this Egypt and Jordan were the only country to have signed peace treaties with Israel in 1979 and 1994 respectively. In exchange, the administration of former US President Donald Trump agreed to recognise Morocco’s claim over the disputed Western Sahara region. According to media reports in Morocco as well as Israel, people in the capital Rabat have refused to rent to the Israeli emissary. “The agency hired to find accommodation for Govrin found an appropriate residence in a residential compound in an upscale area in Rabat, and Govrin agreed and thought that the flat had the required security measures,” the local Assahifa website reported last week. “However, the problem was that the owners categorically refused to rent their properties to the Israeli diplomat as soon as they knew who he was.” The newspaper quoted a Morocco source as saying the same thing had happened “in other residential compounds in the area”. Govrin, a former ambassador to Egypt, is still staying at a Rabat hotel, the newspaper said. The announcement of the normalisation of ties with Israel in December had sparked uproar in Morocco, where several protests were held to denounce the move. Morocco responded to criticism by saying that the kingdom’s relations with Israel were “already normal”, and that the move was tantamount to “resumption” of ties. “From our perspective, we aren’t talking about normalisation because relations were already normal. We’re talking about [re-formalising] the relations between the countries to the relations we had because there have been relations the entire time. They never stopped,” Moroccan Foreign Minister Nasser Bourita said in an interview with the Yedioth Ahronoth newspaper last year. More recently, thousands of Moroccans marched in cities across the country to denounce the latest 11-day Israeli bombardment of the besieged Gaza Strip, with the ruling Justice and Development Party demanding the closure of Israel’s liaison office. About 250 Palestinians were killed while rockets fired from Gaza killed 12 people in Israel. Rights groups have slammed Israel for its “disproportionate attack” on Gaza, which has been under an Israeli land, sea and air blockade since 2007. Last month, UN human rights chief Michelle Bachelet said Israel’s attacks on Gaza may constitute “war crimes” if they are shown to be disproportionate. The UN rights body has agreed to launch an open-ended international investigation into violations during the 11-day conflict between Israel and Palestinian groups in Gaza, and into “systematic” abuses in the occupied Palestinian territories and inside Israel. SOURCE: AL JAZEERA The post Moroccan landlords refuse to rent out space for Israeli mission appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii Farsamada arrimaha doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay saraakiil sarre oo ka socota Qaramada Midoobay. Guddiga Farsamada iyo Kooxda ka socotay QM ayaa ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan isu-duwida iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaalada Ra’iisal wasaare Rooble ee hirgelinta doorasho daah-furan oo u dhacda si xor iyo xalaal ah. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay xiligan leedahay dar-dar gelinta hanaanka doorashada, maadama uu heshiiskii dhawawan lagu saxiixay magaalada Muqdisho dhigayay in muddo ku siman lixdan maalmood ay ku dhacdo doorashada. Kooxda ka socotay Qaramada Midoobay ayaa xubnaha Guddiga u ballan-qaaday inay kala shaqeyn doonaan howlahooda ku aadan hirgelinta arrimaha doorashooyinka ee uu u igmaday ra’iisal wasaare Rooble. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo ay Guddiga farsamada ka bilaabeen magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dar-dar gelinayo howlaha doorasho ee loo xil-saaray. Guddiga ayaa farsamo ahaan ka shaqeyn doona sida uu kal hore sheegay xafiiska ra’iisal wasaaraha doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan heshiiskii 27-kii May, ayaga oo qeyb weyna ka qaadan doona xiriirinta Golaha Wadatashiga Qaran, Beesha Caalamka, iyagoo sidoo kale taageero farsamo siin doona guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka. The post Guddiga uu magacaabay ROOBLE oo ballan-qaad muhiim ah ka helay QM appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxii hore ee sirdoonka Israel ee Mossad ayaa si cad u qirtay in dowladda Israel ka dambaysay weeraro lagu qaaday Iran. Yosi Cohen oo la hadlay barnaamijka daba-galka ee “Uvda” oo ka baxa taleefishinka Channel 12 ee dalkaas ayaa bixiyey qirasho aan caadi aheyn oo aan laga fileyn madaxa hay’ad sirdoon. Hadalladiisa ayaa sidoo kale diginin cad u diray saynisyahanad Nukliyeerka Iran, oo ah in sidoo kale ay noqon karaan bartilmaameedka khaarijin. Weeraradii ugu weyna ee Iran lagu qaado, ayaa laba ka mid ah, waxay ka dhaceen xarunta Natanz, halkaasi dhulka hoostiisa lagu kobciyo macdanta uranium-ka, si looga hortago in la weeraro. PUNTLAND POST The post Yosi Cohen oo qirtay in Israel ka dambaysay weeraro lagu qaaday Iran appeared first on Puntland Post.
  15. US President Joe Biden has announced the deployment of American special troops to Kenya to help in the region's counter-terrorism efforts. Source: Hiiraan Online
  16. Kulanka kooxda G7 ayaa saacadihii tagay lagu soo qaaday xaaladda gobolka Tigreyga ee dalka Itoobiya isaga oo la dhalceeyey waxa ka socda. Charles Michel oo madax ka aha golaha Yurub oo arrintan ka hadlay ayaa sheegaya in xaaladda Tigreyga ay ku jirtay ajendaha G7. Michil waxaa uu intaa raaciyey in lasoo qaaday qalalaasaha 7 bil jirsaday, waxashnimada, isir tirtiridda, ku tumashada xuquuqul insaanka iyo barakaca kumannaan aan waxba galabsan iyo weliba abaarta abid ugu darneyd ee gobolkaas ka dhacdo. Ugu dambeyntii, Charles Michel waxaa uu sheegay in kooxda G7 ay ugu baaqeen caalamka in wax laga qabto dhibaatada ka socota gobolka Tigreyga. Maamulka Abiy Axmed ayaa in ka badan 7 bil waxaa uu gobolkaas ka wadaa xasuuq ka dhan ah qawmiyadda Tigreyga isaga oo la kaashaday dalalka Soomaaliya iyo Eritrea. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xaqiijisay in saraakiil sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay lacago ka qaataan Isbaarooyin ay ciidanka dowladda dhigteen waddada xariirsa Muqdisho iyo Afgooye, iyo sidoo kale xaafado ka mid ah Muqdisho. Isbaarooyinka yaalla gudaha Muqdisho ayaa ku teedsan wadada aada Ex Contarol Balcad ama xaafado kamid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxaana dadweynaha looga qaadaa lacag u dhaxeysa $2 ilaa $10, iyadoo lacagta ugu badan laga qaado gaadiidka dhagaxa iyo ciidda lagu raro. Xog ay heshay Caasimada Online ayaan ku ogaanay in toddobaadkii lacag laga siiyo saraakiil sare oo ka tirsan booliska Soomaaliya dhammaan Isbaarooyinka yaala Muqdisho iyo duleedkeeda. “Laba taliye oo ah kuwa sar sare ayaa todobaadkii midna waxaa la siiyaa $300 halka kan kalane la siiyo $500, waana Isbaarada taalo duleedka Muqdisho oo kaliya, halka kuwa gudaha ay qaataan saraakiil hoose laakiin ku xiran kuwa ka sarreeya,” ayuu yiri mid kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online. Afar maalmood ka hor ayaa la qaaday Isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye kadib markii warbaahinta Muqdisho ay baahiyeen warar la xariira in halkaas dadka lagu dhibaateeyo. Jahwareerka siyaasadeed ee xilliga kala-guurka ayaa saraakiil badan ay kaga faa’iideysanayaan inay lacag ku urursadaan, ayaga oo rumeysan inaan lala xisaabtami karin, islamarkaana haddii ay dowlad cusub timaado xilka laga wadi qaadi doono. The post Xog: Taliyeyaal ciidan iyo saraakiil isbaarooyin dhigtay Muqdisho iyo duleedkeeda appeared first on Caasimada Online.
  18. Jadwalka Dhaarinta Xildhibaanada Golayaasha Degaanka oo Maxkamada Sare ee S/land mudeysay +Goorta Degmo walba la dhaarinaayo Qaran News
  19. Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo soo saaray war qoraal ah ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ee ku aadan dib usoo nooleynta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka ayaa marka hore soo dhoweeyey go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee dib loogu soo celinayo xiriirka ay la laheyd Kenya, isaga oo ku tilmaamay horumar weyn. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasiloonoda gobolka oo dhan. “Jabuuti waxay soo dhaweyneysaa dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Walaalaha ah ee Kenya. Runtii waa horumar weyn oo ka jirta gobolkeenna IGAD nabad iyo xasillooni darteed” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Dowladda federaalka ayaa warqad u dirtay Kenya, taas oo ay ku shaacisay inay dooneyso dib usoo nooleynta xiriirka labada dal, si dib loogu furo safaaradaha labada dowladood. Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkooda xumaa muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana Kenya ay joojisay duulimaayada inkastoo ay markale dib u furtay, halka Soomaaliya ay iyana horey u joojisay qaadkii faraha badnaa ee maalin weliba laga soo daabuli jiray dalka Kenya. Arrimahan ayaa kusoo aadeyso, iyada saaka ay si rasmi ah u billowdeen duulimaadyada diyaaradaha ee Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii la qaaday xayiradii saarneyd. Si kastaba labada dowladood ayaa haatan muujinayo isku dhowaasho dhinaca dibulmaasiysadda ah iyo fur-furnaan, si meesha looga saaro khilaafka labada dal. The post Jabuuti war kasoo saartay go’aanka DF ee xiriirka Kenya appeared first on Caasimada Online.
  20. Heshiiskii 27-kii May ee Afisyooni ay ku saxiixdeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada waxaa la socday habraacyo ku saabsan sida loo xulayo ergada, odeyaasha dhaqanka iyo xataa xubnaha bulshada rayidka ee doorashada 2021-ka. Dokomentiga ay aragtay Goobjoog News waxaa kale oo ku jira diiwaangelinta ergada, badalidooda ama haddii ay cabasho jirto. Haddaba, Qoraalka oo dheeraa, waxaa soo akhriyey Cabdicaziz Gurbiye, waxaana uuna kusoo koobay warbixintan. XULIDA ERGADA DOORASHADA: Ergada Doorashada waxaa soo xulaya Guddiga Xulitaanka Ergada oo ka kooban oday dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wadatirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga. Jufo ama beel kasta ee wadaagta kursi waxaa xulista ergada ku matalayashan (5) oday dhaqameed & labo (2) wakil ka kala socda bulshada rayidka. Ergada doorashada waa inay matalaan dhamaan jilibyada ay ka kooban tahay jufada kuraasta isla leh. Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Xulitaanka Ergada kama tirsanaan karto guddi xulis ergada kursi kale. Xubin ka tirsan Guddiga Xulitaanka Ergada ma noqon karo ergo ama murashax doorashada u tartama, guddi xulitaan ergo kalena kama tirsanaan karo. Guddiga Xulitaanka Ergada wuxuuu soo xulayaa ergada doorshadasi wadar-ogolah. Hadii ay suurtagali waydo in si wadar-ogol ah wax usoo xulaan odayaasha dhaqanka & wakiilada bulshada rayidka, waxaa lagu soo xulaya cod hal dheeri ah(50+1). Odayaasha Dhaqanka 1. Oday dhaqameedyada waxaa laga soo xulaya odayaashii dhaqanka ee 135 soo xulay baarlamaankii 10aad sanadka 2016 iyo odayaasha dhaqanka jufooyinka islaleh kursiga. 2. Odayaasha dhaqanka waa inay ka diiwaangashanyihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha heer Federaal ama heer Dowlad Goboleed. 3. Odayaasha dhaqanka ee kuraastooda loo qoondeeyaygoobo kala duwan waxay kujiri karaan oo keliya halg uddi xulistaergada. 4. Isimada & nabadoonada kuraasta beelahooda kala yaalaan deegaan doorashooyin kala duwan waxa soo xulaya ergooyinka kuraasta nabadoonada ka diiwaangashan deegaan doorashada kursigu yaalo. Shuruudaha Laga Rabo Odey Dhaqameedka: 1. Waa inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo katirsan jufooyinka kursiga isla leh; 2. Waa inuu yahay qof miyirkiisu dhanyahay, qabankara waajibka laga doonayo; 3. Waa in da’diisu aysan kayarayn 30 sano; 4. Waa in uusan noqon musharrax u taagan labada aqal ee baarlamaanka; 5. Waa inuusan xiriir lalahayn argagaxisada; 6. Waa inuu yahay qof dhexdhexaad ah, sumcad wanaagsan kuleh bulshada dhexdeeda; 7. Waa inuu ka diiwaangashan yahay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heerFederal ama DowladGoboleed; 8. Waa inuusan ka tirsanayn ergada waxdooranaysa; 9. Waa in uu leeyahay fahan wanaagsan ee mas’uuliyadaha doorashada; 10. Waa in aan lagu xukumin dambi shanti sanadood ee lasoo dhaafey. Wakiiladda Bulshada Rayidka ee Xulista Xildhibaanka ama Ergada xildhibaanka dooranaya: Wakiilada bulshada rayidka ee guddiga xulista ergada waxay ka kala Imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada (qofkasta oo udhexeeya 18 ilaa35 sano jir), haweenka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, culimada, ganacsatada iyo aqoonyahanada kasoo jeeda jufada ama jufooyinka isla leh kursiga. Guddiga xulista ergada kursi kasta waxaa uu yeelanayaa labo xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah Wakiillada bulshada rayidka ah, waxaa soo xulaya daladaha ururada bulshada rayidka ah eek a diiwaan geshan deegaan doorashada uu kursiga yaallo, waxaana diiwaan gelinaya guddiga doorashada maamul goboleedka oo mas’uul ka ah diiwaan gelinta iyo doorashada kursiga iyada oo la raacyo habraacan, waxaa kormeeraya guddiga doorashooyinka heer federal. Shuruudaha Bulshada Rayidka ee Doorashada Xulista iyo Ergada Noqonaya: 1. Inuu yahay muwaadin Soomaali ah; 2. Da’diisa/deeda 25jir aan kay arayn; 3. Ka tirsan jufooyinka kursiga wada leh; 4. Aan xiriir lalahayn argagaxisada; 5. n aanay maxkamad kuxukumin xukun ciqaabeed kama dambays ah 6. Shanti sano ugu dambaysay; 7. In Miyirkiisa dhan yahay 8. Ka mid aheyn ergada doorashada 9. Ka tirsaneyn shaqaalaha rayidka dowladda heerarkeeda kala duwan. Ergadad Doorashada: 1. Tirada ergada doorashada kursi kasta waa 101 xubnood oo laga soo Xulay jufooyinka isla leh kursiga, waxayna dooranayaan murashaxiinta u Tartamaysa kuraasta Golaha Shacabka. 2. Liiska erga kasta waxaa loo soo gudbinaya oo xaqiijinaya Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, waxaana ku kormeeraya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal. 3. Ergada waxaa ka reeban inay codkooda ku badashaan dano shaqsiyeed ama mid dhaqaale; cidii lagu helana waxaa laga qaadaya tilaabo sharciga waafaqsan. 4. Fududaynta adeegyada ergadu u baahan yihiin waxaa si wadajir mas’uul uga ah Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka HeerFederaal, Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka & Maamulka Dowlada Xubnahaka ah Federaalka. Qaabka uu noqon doono Ergada Doorashada: Marka la hubiyo qofka ergada ah inuu Soomaali yahay, miyirkiisu dhan yahay, da’du aanu ka yareyn 18, aheyn musharax u taagan labada aqal, fahamsan yahay habka cod bixinta, haddana uusan heyn wax xil ah, isla markaana aanu xiriir la laheyn argigixisada. Waxaa dhaca sidan: 1. Odayaasha dhaqanka iyo wakiilada bulshada rayidka ah waa inay u soo gudbiyaan liiska ergada doorashada xafiiska Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnahakaah Federaalka. 2.Liiska ergada doorashada waa inuu ka koobnaada: a)Magacaqabiilka ama jufada kursiga iska leh; b)Magaca ergada afaran c)Magaca hooyada sedaxan d)Jinsiga (e) Taariikhda Dhalashada f)Magaalada ama tuulada uu daganyahay g)Qaybta wakiilka uu kasocdo(dhalinyarada ama haweenka) h)Macluumaadka lagala xiriiri karo (lambarka taleefanka, cinwaankaiimaylka) i)Tilmaan cadaynaysa in kursiga yahay mid guud ama mid uxiran haweenka. 3. Liiska ergada doorashada waxaa saxiixaya odayaasha dhaqanka iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee u xilsaaran magacaabista ergada doorashada. 4. Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku kormeeraya fulinta qodobkan Ansixinta Liiska Ergada Doorashada: 1. Liis kasta oo ergo ah waxaa hubinaya Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, wuxuuna xaqiijinya: (a). In ergo kasta ku jirta liiska ergada doorashada ay katirsan tahay qabiilka ama jufada iska leh kursiga (B). in liiska ergada doorashada ee kursi kasta ku jiraan ugu yaraan 31 haween ah iyo 20 xubnood oo dhalinyaro ah. 2. Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GMHDG) wuxuu dib-u-eegis & hubin ku sameynayaa liisaska lasoo gudbiyey ee ergada doorashada. 3. GMHDG wuxuu xaqiijinaya in dhamaan beelaha ama jufooyinka wadaaga kursiga lagala tashaday oo ay ogolyihiin 4. Haddii liiska lasoo gudbiyey ee ergada doorashooyinka uu buuxin waayo shuruudaha habraacan, odayaasha dhaqanka iyo wakiillada bulshada rayidka waa inay dib u waafajiyaan qodobadisa ayagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad GoboleedyadaX ubnaha ka ah Federaalka. Diiwaangelinta Ergooyinka Kahor Codbixinta: 1. Ergada dooroshada waa inay si shaqsi ah isu diiwaangaliyaan cod-bixiye ahaan iyadoo la raacayo habraacan & jadwalka uu dajiyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka HeerFederaal. 2. Oday dhaqameedyada iyo wakiilada bulshada rayidka ah ee magacaabay ergada doorashada waa inay u xaqiijiyaan mid mid xubin kasta ergada ka midka ah, liiskana saxiixaan. 3. Ergay walbana waxaa la siinayaa aqoonsi ergonimo. Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnaha kaa h Federaalka ayaa hubinaya. Bedellidda Ergooyinka 1. Haddii ergay dhinto ama aysan ka qayb geli karin doorashada, ama rabo inuu iska dhaafo erganimada sabab kasta, odayaasha dhaqanka & wakiillada bulshada rayidka ee soo magacaabay ayaa siwaafaqsan qodobada habraacan magacaabaya qofkii badalilahaa. 2. Qofkii raba inuu ka tanaasulo erganimada waai nuu si shaqsi ah ugu soo gudbiyaa tanaasulkiisa Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnahaka ah Federaalka isagoo buuxinaya foomka kalaabadashada erganimada. 3. Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku kormeeraya fulinta qodobkan. Cabashooyinka: Jufadii loo diiday inay ka mid noqoto ergada doorashada waxay soo gudbin kartaa cabashadeeda si waafaqsan nidaamka cabashooyinka doorashada Kooramka Codbixinta: Kooramka codbixinta ergada wuxuu ansax noqonaya marka ay joogaan ugu yaraan 71 ergo. Dhaqangalka Habraacan: Habraacan wuxuu dhaqan galayaa marka uu ansixiyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. The Turkish Red Crescent on Saturday distributed meat among needy families in Somalia’s capital Mogadishu, an official of the charity group said. Source: Hiiraan Online