-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii uu maanta xil ka qaadista ku sameeyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadii xilka looga qaaday. Cabdi Waayeel oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in sharciga u yaalla Galmudug uu qorayo in madaxweyne ku xigeenku awood u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo wasiirka oo kaliya, balse uusan xilka ka qaadi karin. “Madaxweyne ku xigeenku waxa uu leeyahay shaqo ka joojin, laakiin xil ka qaadis awood uma lahan, waxaana aaminsanahay in sharcigu noo dhaxeeyo aniga iyo asaga, warqadaana macno gooniya iima lahan sababtoo ah sharci maaha,” ayuu yiri Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Waxa uu sheegay in arrinta golaha deegaanka degmada Balambal laga faafiyey warar been abuur ah, balse ka wasaarad ahaa ay u arkaan in sidii ugu habooneed ay u soo dhiseen xubnaha golaha deegaanka degmada Balambal ee Galmudug. Sidoo kale Cabdi Waayeel ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uusan soo saarin amar lagu joojinayo dhismaha golaha deegaanka Balambal, xilli saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Wasiir Cabdi Waayeel uu dhegaha ka fureystay amar uu madaxweyne qoor Qoor ku joojiyey dhisamaha golaha deegaanka Balambal. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga fal-celiyey xil ka qaadistii uu maanta madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku sameeyey wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Xildhibaanka ayaa xil ka qaadista Cabdi Waayeel la xariiriyey xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ee Jubbaland, isagoo sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo wakiil uga ahaa inuu xasarad ka abuuro Galmudug, sida uu hadalkiisa u dhigay. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Wasiir Cabdi Waayeel oo ka hor-yimid xil ka-qaadistii lagu sameeyey (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga fal-celiyey xil ka qaadistii uu maanta madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku sameeyey wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Xildhibaanka ayaa xil ka qaadista Cabdi Waayeel la xariiriyey xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ee Jubbaland, isagoo sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo wakil uga ahaa inuu xasarad ka abuuro Galmudug. Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu eedeeyey inuu u kala eexday laba beelood oo wada dega magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, kadib markii uu dhawaan shaaciyey liiska gole deegaanka oo Balambal uu u dhisay, kuwaas oo ku koobnaa beeshiisa. “Cabdi Waayeel wuxuu islahaa fidnadii Farmaajo Gedo ka sameeyay mid la mid ah adiguna Galmudug ka sameey isagoo Farmaajo wakiil uga ah. Lkn Ilaahey mahadiis madaxda Galmudug goor hore ayay fahamtay dhagartiisa,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug uga mahad celiyey tallaabadii uu xilka uga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel. “Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay iyo sida Galmudug uu uga badbaadiyay fidnada ay kula meeraysanayeen Cabdi Waayeel iyo qoloda shirkada kula ah,” ayuu yiri Mahad Salaad. Daqiiqado kadib laba habeen ka hor markii wasaaradda arrimaha Galmudug ay shaacisay liiska golaha deegaanka Balambal, waxaa si adag uga hor yimid siyaasiyiin ay ugu horeeyaan Xildhibaan Mahad Salaad iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Cali Yare oo beeshoodu ay wax ka degto Balambal. Wasiirka ayaa la sheegay inuu dhegaha ka fureystay amar uga yimid madaxweynaha Galmudug oo ahaa inuu hakiyo dhismaha golaha deegaanka Balambal oo ay isku heystaan beelaha Mareexaan iyo Habargidir, kuwaas hadda qarka u saaran inay isku dhacaan, waxaana la sheegay in xil ka qaadistaan lagu qaboojinayo xiisadda. Hoos ka eeg warqadda xil ka qaadista The post Mahad Salaad oo tallaabadii uu qaaday Cabdi Waayeel la xiriiriyey xiisadda Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wada inuu safar ugu ambabaxo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida qorshaha uu yahay Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagi doona Kenya, kadib markii heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada ee mudada badan soo jiitamayay, kaasi oo muddooyinkii dambe uu ku howlanaa ra’iisal wasaaraha. Xogta ayaa sheegaysa in ra’iisal wasaaraha uu casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana lagu wadaa in safarkaan uu noqdo mid xal looga gaaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dal. Weli lama shaacin taariikhda rasmiga ah ee safarka Rooble, waxaase loo badinayaa toddobaadkan gudihiis. Rooble iyo Kenyatta ayaa laba toddobaad kahor si kooban ugu kulmay Jabuuti, halkaasi oo ay uga wada qeyb galeen caleemo-saarkii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Kenya ayaa hore xayiraad ugu soo rogtay duulimaadyada iskaga kala goosha labada dal, taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay isku socodka labada dal, waxayna dad badan ku kala xaniban-yihiin caasimadaha labada dal, ayada oo go’aankan uu dhaawac xooggan gaarsiiyey ganacsatada Soomaaliyeed. Safarka Rooble ayaa waxaa la filaya in xal looga gaaro arrinta duulimaadyada, ayada oo meesha laga saarayo khilaafka soo cusboonaaday ee labada dal, xili si rasmi ah dib loogu soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku guuleystay in dalka uu u jiheeyo dhankaa iyo doorasho, isagoo dib usoo celiyay is-aaminadii madaxda dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasada oo hore ugu kala tagay khilaafka doorashada. Ilaa iyo hadda lama ogo in safarka Rooble uu qeyb ka yahay is-faham ay labada dal ka galayaan arrinta qaadka oo keentay in Kenya ay xayiraad kusoo rogto duulimaadyada, midaasi oo ganacsatada qaadka Kenya ay cadaadis hor leh ku saarayaan dowladdooda Kenya. The post Xog: ROOBLE oo safar ugu baxaya KENYA + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiirkii arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Xilka qaadista Cabdi Waayeel ayaa loo cuskaday shaqo gudasho la’aan, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Xilka qaadista wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Galmudug: Wasiir xilka looga qaaday xiisad ka dhalatay dhisme gole deegaan appeared first on Puntland Post.
-
Muslim Youth Austria (MJO) is filing a lawsuit against the country's controversial "Map of Political Islam," the group announced on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Medina (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa beddelay astaantii ay ku qorneyd “Muslimiinta Kaliya” ee ku dhegganeyd waddo gasha Masjidka Nebiga SCW ee magaalada Medina, oo ah goobta labaad ee ugu barakeysan Islaamka kadib Makkah. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya in waddaddii lagu fujiyey astaantaas lagu dhejiyey mid cusub oo ah “Aagga Xaramka” oo loola jeedo Xaramka Medina. Ma cadd sababta ay dowladda Sacuudiga u qaaday tallaabadan, mana jiro wax rasmi ah oo kasoo baxay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay dhiiri-gelineyso in gaalada ay tegi karaan magaalada, xilli ay dooneyso inay sare u qaaddo dalxiiska. Qaar ka mid ah muwaadiniinta Sacuudiga ayaa amaanay tallaabadan ayaga oo sheegay inay muujineyso in boqortooyada ay dulqaad u muujineyso dadka aan Muslimiinta aheyn oo laga mamnuucay inay galaan goobaha barakeysan. Marka ay noqoto magaalada Medina, gaallada ayaa waxaa ka mamnuuc ah kaliya inay tagaan Masjidka Nebiga SCW iyo hareerihiisa, hase yeeshee magaalada kale waa ay tegi karaan. Waxay sidoo kale ku doodeen inay tani ay dhiiri-gelin karto dalxiiska kuwa aan Muslimiinta aheyn iyo dadka haysta dhaqamada iyo diimaha kala duwan, taasi oo gacan ka gaysan karta qorshaha dhaqaalaha dalkaas sare loogu qaadayo ee Vision 2030, ee uu billaabay dhaxal-sugaha dalkaas Mohamed Bin Salman. The post Sawir: Sacuudi Carabiya oo beddeshay astaantii gaallada u diideysay inay galaan Medina appeared first on Caasimada Online.
-
Indhaha mucaashaqiinta kubbadda cagta caalamka ayaa sii jeeda gegida Estádio do Dragão magaalada Porto ee dalka Portugal, halkaas oo caawa lagu soo xirayo tartanka xiisaha iyo xamaasada badan horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga. Tartankan waxaa caawa midkood ku guuleysan doonaa kooxaha reer England ee Manchester City iyo Chelsea oo soo gaaray kama dambeysta (final) tartankan, Manchester City ayaa u hanqal taageysa in ay markii ugu horreysay ku guuleysato koobkan, halka Chelsea ay dooneyso in ay markii labaad ku guuleysato tartankan sagaal sano ka dib. Sidoo kale Manchester City ayaa raadinaysa in koobkeedii saddexaad xilli ciyaareedkan ay hantido, iyadoo hore ugu soo guuleysatay Premier League-ga iyo Carabao Cup xlli ciyaareedkan, halka Chelsea ay u dagaallamayso in aanay xilli ciyaareedka ku dhamaysanin koob la’aan. Labada tababare, Pep Guardiola iyo Thomas Tuchel ayaa koobkii ugu horreeyey ku dagaalami doona, Thomas Tuchel oo sanadkii labaad oo xiriir ah yimid final-ka tartankan ayaa markan ku hamiyaya in aan laga guuleysan, halka Guardiola uu rabo in uu rumeeyo riyada Manchester City ee ah in ay markii ugu horreysay sanadkan ku guuleysato Champions league-ga. Manchester City iyo Chelsea hal mar oo kaliya ayay ku kulmeen tartamada Yurub, waxayna ahayd xilli ciyaareedkii 1970-1971, markaas oo ay iskugu yimaaddeen semi-finalka koobkii la oran jiray European Cup, xiligaas waxaa labadii kulanba 1-0 ku badisay Chelsea. Labada kooxood waxay xilli ciyaareedkan tartamadii la soo ciyaaray kulmeen saddex jeer, Chelsea ayaa labo kulan oo FA Cup iyo Premier League-ga ah badisay, halka Manchester City ay hal mar guuleysatay. Tartamada guud waxay wada ciyaareen 166 jeer, Chelsea ayaa 68 jeer guuleysatay, halka ay Manchester City badisay 58 kulan, waxayna barbaro galeen 40 kulan. Manchester City waxaa u safan doona caawa Ederson, Walker, Stones, Rúben Dias, Zinchenko, Bernardo Silva, Fernandinho, Gündoğan, Mahrez, De Bruyne iyo Foden, halka ay Chelsea u safan doonaan Mendy, Christensen, Thiago Silva, Rüdiger, Azpilicueta, Jorginho, Kanté, Chilwell, Pulišić, Werner iyo Mount. Kulanka ayaa dhici doona marka ay goor sheegtu tahay 10pm saacadda Geeska Afrika, waxaana dhexdhexaadin doona ama garsoore ka ah Antonio Mateu oo u dhashay dalka Spain. Covid-19 awgiis ayaa gegida uu ka dhacayo kulanku noqon doontaa mid maran, waxaana taageerayaasha labada kooxood iyo dadka kale ee xiiseeya kubbadda cagta ka daawan doonaan shaashadaha. PUNTLAND POST The post Kulanka caawa Man City iyo Chelsea ee kama dambeysta horyaalka Yurub appeared first on Puntland Post.
-
The Security Council on Friday welcomed Thursday's agreement reached by the Somali federal government and federal member states leaders on elections, which may steer the country out of the political crisis. Source: Hiiraan Online
-
Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa farriin taageero iyo is-garabtaag ah usoo dirtay Soomaaliya, kadib qaraxii xalay ka dhacay magaalada Baydhaba oo lagu dilay dad shacab ah, kuwa kalena lagu dhaawacay. Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha magaalada Baydhaba, xili ay ka taagneyd saxmad aad u badan, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah, waxaana uu sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 7 qof kale. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in Doha ay si xooggan u cambaareyneyso qaraxaas, oo lagu beegsaday laguna dilay oo lagu dhaawacay dad shacab ah. Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar ayaa intaas ku daray in dowladda ay mowqif adag ka taagan tahay diidmada rabshadaha argagixisada, ujeeedka ay doonaan ha lahaadaan’e. Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Qatar ay tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna u rajeyneyso kuwa dhaawaca ah inay deg deg usoo bogsadaan. Cambaareynta Qatar ayaa imaneysa xilli Qatar lafteeda horey loogu eedeeyey inay ku lug leedahay qaar ka mid ah weerarada argagixiso ee ka dhaca gudaha Soomaaliya. Bishii July ee 2019, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso. Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof. The post Dowladda Qatar oo farriin cusub usoo dirtay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Hadhaaga 215 caruur oo la xasuuqay oo ka soo jeeda dadka Asal ahaan Keneda “Canada” loogu tagay oo la helay Kamloops Indian Residential School Qalfoofka ilaa 215 caruur ah oo qaarkood ahaa saddex sano jir ayaa laga helay meel u dhow iskuul ay daganaan jireen waxna ka baran jireen caruurta qabaa’ilka loogu tagay Canada. Ra’iisulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa warka helitaanka haraaga caruurtan ku tilmaamay qalbi-jab. Caruurtan ayaa ahaa arday wax ka baraneysay dugsiga Kamloops Indian Residential School ee gobolka British Columbia, kaas oo la xiray sannadkii 1978-kii. Rosanne Casimir oo ah caaqilka qabiilka Tk’emlúps te Secwépemc ayaa sheegay in bulshooyinka Canada loogu tagay ay ogaayeen warka la xiriira dilka carruurta, balse ay hadda awoodeen in ay xaqiijiyaan. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay hayaan su’aalo ka badan jawaabaha la sugayo. Baaritaan socday muddo lix sano ah ayaa sanadkii 2015-kii lagu ogaaday in iskuullada hoyga iyo waxbarashada isugu jiray ee sida qassabka ah loo geyn jiray caruurta ay dhaleen qabaa’ilka dadka asal ahaan leh Canada, ay ka dhaceen xasuuq dhaqameed. Kumannaan carruur ah ayaa la ogaaday in la jir-dilay, la kufsaday ama la dilay inti u dhaxaysay 1840-kii ilaa 1990-kii. Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Hindiya Virander Kumar Paul ayaa muujiyey dadaallada miro-dhalka ah ee dowladdu ay gelisay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalka caalamka ee dan-wadaagta la ah Soomaaliya Danjire Kumar ayaa soo gaarsiiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya, waxa uuna tilmaamay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab. Danjiraha ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya uga mahad celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku qaabileen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey kobaca iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isu-socodka. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha dowladda Hindiya horumarka muuqda ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, gaar ahaan dib u habeynta laamaha ammaanka, dhaqaalaha, dayn cafinta, dib-u-dhiska ciidamada, xoojinta dimuqraadiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Hindiya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in qirashadii dhowaan uu Faransiisku ku qirtay doowrkii uu ku lahaa xasuuqii 1994-kii ka dhacay Rwanda ay tahay tallaabo weyn. Mr Emmanuel Macron, ayaa intii uu ku guda jiray booqasho taariikhi ah oo uu toddobaadkan ku tagay waddankan ku yaalla bariga Africa, waxa uu qiray kaalintii Faransiiska ee dilkii 800,000 oo qof oo u badnaa qowmiyadda Tutsi, wuxuuna sheegay in kuwa ka badbaaday oo kali ah ay cafis bixin karaan. Waxa uu ku sigtay in uu raalli-gelin bixiyo, isagoo hoosta ka xarriiqay in Faransiisku “uusan lug ku laheyn” rabshadaha tooska ah. Macron ayaa qaaday tallaabo ka dheer kuwii madaxweynayaashii isaga ka horreeyay isagoo qiray in Paris ay taageertay nidaamkii xasuuqa gaystay ayna iska indhatirtay digniinaha ku saabsanaa xasuuqa. Kagame, oo hogaamiyay kacdoonka Tutsi-ga ee soo afjaray xasuuqa, ayaa si joogto ah waxa uu ugu eedeeyn jiray Faransiiska in uu ku lug lahayd dambiyadaasi. PUNTLAND POST The post Paul Kagame oo tallaabo weyn ku tilmaamay in Faransiisku qirtay Xasuuqii Rwanda appeared first on Puntland Post.
-
Erdogan oo xadhiga ka jaray Masaajid uu dhismihiisu muran badani ka dhashay Masaajidka Taksim wuxuu qaadaya in ka badan 4,000 qof Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xarigga ka jaray masaajid laga dhisay fagaaraha Taksim ee ku yaalla magaalada Istanbul-kaas oo qorshaha dhisitaankiisa uu ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo looga soo horjeeday sanadkii 2013-kii. Kumanaan qof oo ka qeybgalay munaasabadda ayaa buux dhaafiyay masaajidka xilli ay ku tukanayeen salaadda jimcaha. Masaajidkan ayaa ku yaalla fagaare caan ah oo astaan u ah mabaadii’da cilimaaniyadda Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaana loo arkaa goobtan inay tahay meel qaddiimi ah oo ku xusan taariikhda Turkiga gaar ahaan aasaasihii dalkaas Mustafa Kemal Ataturk. “Masaajidka Taksim wuxuu haatan ku yaalla goob caan ah oo kamid ah astaamaha magaalada Istanbul” ayuu yiri madaxweyne Erdogan oo shaley salaaddii jimcaha kadib furay masaajidka. Wuxuu intaas ku daray in masaajidka uu yahay mid sii jiri doono, “Haddii uu Alle idmo, masaajidka meesha ayuu kusii yaalli doonaa tan iyo wakhti dambe” Wuxuu dadweynihii kasoo qeybgalay munaasabadda uu u sheegay in dhismaha masaajidka uu yahay guul taariikhi ah kadib dibadbaxyadii lagu diidanaa in fagaaraha Taksim laga dhiso masaajidka. “Haatan, ma jirto cid hor istaagi karto barnaamijkan” ayuu yiri Erdogan. Dad ku cibaadeysanayay fagaaraha Erdogan wuxuu ka hadlay sababta uu u doonayay in fagaaraha Taksim laga hirgeliyo masaajid tan iyo markii uu ahaa duqa magaalada Istanbul sagaashamaadkii. “Xitaan meel salaadda lagu tukado kama jirin fagaaraha xitaa dadka waxay ku tukan jireen warqadaha wargeysada marka ay joogaan garoonka” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Gudaha masaajidka Taksim Dadkii musalliinta ahaa ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu dhisay masaajidka, masaajidka waxaa ku xardhan astaamihii dowladdii Cusmaaniyiinta iyo naqshado casri ah, wuxuu qaadayaa in ilaa 4,000 qof. Abuzer Koç oo kamid ah dadkii kusoo tukaday masaajidka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in horraan masaajidda ay yaraayeen marka loo barbardhigo tirada dadka muslimiinta ah. Wuxuu intaas ku daray, “Allah ha barakeyo dadka suurtageliyay arrintani” Madaxweyne Erdogan oo khudbad u jeedinayay dadkii ku tukunayay masaajidka Dadka dhaleeceeya siyaasadda Erdogan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha in uu isku dayayo in uu xiddidada u siibo mabaadii’da cilmaaniga ee Turkiga. Sanadkii 2013 waxaa Turkiga ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday in masaajid laga dhiso barxadda Gezi ee ku taalla fagaaraha Taksim, waxay sidoo kale banaanbaxyo ka dhan ah arrintaas ka dhaceen meelo ka tirsan caalamka. Mudaaharaadyadu waxay ka billawdeen qorshe ay dowladdu ku doonaysay inay dib ugu dhista fagaaro ay dadku ku nastaan. Wax ku bilowday qorshaha ay dowladda dib u dhiska uga sameyn rabtay fagaaraha ayaa markii dambe waxaa ka dhashay caro xooggan oo looga soo horjeeday siyaasadda dowladda gaar ahaan waxa dadka dibadbaxyaasha ay ku tilmaameen ‘diktaatooriyadda’ Erdogan ee sii xoogeysaneyso. Qaran News
-
Maxbuus Itoobiyaan ah oo Calooshiisa laga soo saraay masaabiir & Biro Madaxa cisbitaalka Arbaminch ee ku yaalla koonfurta Itoobiya ayaa BBC u sheegay in masaamiir gaareysa 30, biro iyo agab kale laga soo saaray caloosha nin maxbuus ahaa oo u dhashay dalkaas. Temesgen Teshome wuxuu sheegay in ninka maxbuuska ah uu ku xukunnaa 7 sano oo xarig ah, haatana laga daweynayo xannuunka dhanka dhimirka ah. Ninkan ayaa Talaadadii la soo dhaafay la dhigay cisbitaalka Arbaminch isago oo sheegayo in calool xanuun uu dareemayo ayna xaaladdiisa ay halis aheyd, sida uu sheegay Teshome. Markii dhakhaatiirta ay weyddiyeen halka laga hayo, wuxuu ku jawaabay in uu liqay masaamiir. Dhakhaatiirta ayaa markii dambe ninka maxbuuska ah caloosha ka saaray raajato (X-ray), waxaana la ogaaday in calooshiisa iyo mindhiciradiisa lagu arkay qalab ay ka mid yihiin masaamiir iyo biro. Sida laga soo xigtay Temesgen Teshome, waxaa lagu sameeyay qalliin markii la arkay in dheef -shiidgiisa uu gebi ahaanba xiran yahay. “Markii qalliinka lagu sameynayay, waxaa la ogaaday in qalabka ay dhexgaleen caloosha iyo mindhicirada, markaa waxay noqotay in si taxaddar leh loo qalo”, ayuu yiri Teshome. Ku dhawaad 30 musmaar, afar qalin, cirbad, dun iyo biro adag, ayaa laga soo saaray calooshiisa. Ka dib markii qalliinka lagu sameeyay, dhakhaatiirta waxay ninka saareen raajo kale, waxay xaqiijiyeen in calooshiisa uusan wax kale ku jirin. “Xaaladdiisa wey wanaagsan tahay, wuxuu u baahan yahay baaritaano dheeraad ah. Wuxuu liqay qalab halis ah oo caarad leh, waxaa suuragal ah in uur ku jirtiisa ay dhibaato u gesyteen,” ayuu yiri madaxa cisbtaalka. Wuxuu intaas ku daray in ninka maxbuuska ah uu u baahan yahay in mar kale baaritaan caafimaad la marsiiyo si loo baaro cunihiisa iyo baaritaan dhanka dhimirka ah. Saraakiisha ayaa BBC u sheegay in ninka maxbuuska ah in uusan horey u dareemeynin xanuun dhanka dhimirka ah, balse uu xanuunkan la soo dersay markii la soo xiray. Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuixigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Mohamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Waraaqda xilka looga qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Galmudug ayaa waxay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug, waxaana ku saxiixnaa madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo hadda si ku meel gar ah xilka u hayo, maadaama Qoor Qoor uu ku sugan yahay Muqdisho. Xil ka qaadistan ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay, taasi oo maamulka Galmudug uu ka hor-yimid Dhismaha Golaha deegaanka Balanbale ayaa waxaa ka dhalatay colaad dhanka qabiilka ah, waxayna Galmudug hakad gelisay dhismaha maamulkaas kadib markii beel kamid ah beelaha dago Balanbale la siiyey tirada ugu badan xubnaha deegaankaas. Wasiirka xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyey inuu isaga ka dambeeyo qaabka loo xulayo xubnaha deegaanka Balanbale, waxayna taas keentay in ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayo. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda xil ka qaadista The post Wasiirkii Arrimaha Gudaha Galmudug oo xilka laga qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday, goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo uu hoggaaminayay Mr Michael Walls oo ay wehelinayeen, Dr Jaamac Muuse Jaamac iyo Dr Amaal Cali oo ka mid ah goob-joogayaasha doorashada. Guddoomiyaha iyo waftiga ayaa isla gorfeeyay habsami-u-socodka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee 31 May loo dareerayo, caqabadaha laga soo gudbay iyo sida ay ahmiyad weyn u leedahay in doorashadu u qabsoonto si hufnaan leh, oo ay isla ogolyihiin dhinacyada ku tartamaya. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa xubnaha waftiga warbixin ka siiyay sida ay hay’adda garsoorku ugu diyaar garowday in ay xaliso cabasho kasta oo soo gaadha, isagoo xusay in uu guddoomiyayaasha maxkamadaha heerarka kala duwan ee dalka faray, in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan. Guddoomiyaha ayaa faahfaahin ka siiyay xubnaha waftiga xeerka doorashooyinka iyo dariiqyada sharci ee u banaan dhinacyada doorashada ku loolamaya haddii ay timaado cabasho la xidhiidha hannaanka doorashadu. Masuuliyiinta ka socday goob-joogayaasha doorashada ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan, dedaalada ay wadaan garsoorka dalku, iyagoo xusay in ay horseedayso daah-furnaanta doorashada, korna u qaadayso kalsoonida axsaabta qaranka. Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu xubnaha waftiga uga mahad-celiyay doorka ay goob-joogayaasha caalamiga ahi kaga jiraan hab-sami-u-socodka doorashada dalka ka qabsoomaysa 31 May. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa eedeyn culus usoo jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay burburisay dhammaan heshiisyadii ay horey ula galeyn madaxweynayaashii horey usoo maray Soomaaliya tan markii ay ku dhawaaqeyn inay ka go’eyn Soomaaliya. Guddoomiyaha UCID oo la hadlayey taageerayaashiisa ayaa madaxda Somaliland ugu baaqay inay joojiyaan wada-hadallada u dhaxeeyo Somaliland iyo Soomaaliya. Waraabe ayaa xusay in Somaliland ay dhibaato xoog leh kala kulantay wada-hadalada ay kula jirto Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wada-hadaladaas ay sabab noqdeyn inay Somaliland weyso aqoonsiga ay adduunyada ka raadineysay. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in Wada-hadalladii Somaliland la gashay Soomaaliya ay Sumcad u soo jiideen Dawladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan jirin oo Magac uun ah. “Nidaam iyo dowlad aan jirin ayaynu Adduunka ka sharciyaynay, iyaguna way ka faa’iidaysteen, wixii aynu la galnay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh way baa’biisay dowladdan hadda joogta ee Farmaajo” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe. “Baarlamaanka cusub markuu yimaaddo ajendaha ugu horeeya waxa weeyaan in wada-hadallada la joojiyo oo inagu aynu Adduunka la macaamilno.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa in muddo ah ahaa kuwa soo jiitamaayey iyadoo ilaa hadda aan xal rasmi ah laga gaarin arrimaha uu muranka ka taagan yahay. Afartii Sano ee uu xilka hayey madaxweyne Farmaajo ayuu ku guuldareystay inuu Somaliland ku qanciyo midnimada Soomaaliya, waxayna wada-halada Soomaaliya iyo Somaliland ay galeyn marxad aad u adag. The post Feysal Cali Waraabe oo shaaciyey dhibaato ay kala kulmeyn wada-hadalada DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxeysa Israsaaseyn ciidamo ka wada tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya maanta ku dhexmartay magaalada Muqdisho. Israsaaseynta ayaa dhexmartay ciidamo ka amar qaata sarkaal lagu magacaabo Liibaan madaxweyne iyo ciidamo militari ah, waxaana ay rasaasta bilaabatay kadib markii ciidanka militariga rasaas ay ku furanayeen ciriir ka jiray Isgoyska Warshadda Caanaha ay ka shakiyeen ciidanka Liibaan Madaxweyne oo ku sugnaa goobta. Liibaan Madaxweyne ayaa ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay Ciidamada Badbaado Qaran ee ka hortagay muddo kororsigii madaxweyne Farmaajo, islamarkaana horseeday in la helo heshiis doorasho. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in israsaaseynta ciidamada dowladda ay ka gaysatay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, halka mid kalen uu dhaawac soo gaaray. Goor dambe ayaa la sheegay in saraakiisha ciidamada ee is-rasaaseeyay ay is fahmeen, waxaana kadib si caadi ah dib ugu soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Warshadda Caanaha oo daqiiqado kooban hakad galay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale ay is-rasaaseyn geysatay khasaaro kala duwan ay ku dhexmartay cidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo inta badan kala shakiyey. The post Is-rasaaseyn uu ku leg leeyahay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badbaado Qaran oo Muqdisho ka dhacday appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabilay goobjoogayaal ka socda dhawr iyo Toban waddan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud hay’adda Brenthurst Foundation, Dr Greg Mills, kuna wehelinayaan madaxweynihii hore ee Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma iyo hoggaamiyihii hore ee mucaaradka, ahaana murashaxii madaxweynenimo ee mucaaradka dalka Ugandha, Dr. Kizza Besigye oo Somaliland u yimi kormeerka iyo qiimaynta doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya Jamhuuriyadda Somaliland 31-May-2021 oo hal maalin ka hadhsan tahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo. Madaxweynuhu waxa uu u sheegay goobjoogayaasha inay indhahooda ku soo arkaan horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, adduunka intiisa kalena ay gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa. Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen in Toddobada doorasho looga dareero Jamhuuriyadda Somaliland. Dalalka ay ka kala socdaan goobjoogayaashu waxay kala yihiin, UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Goobjoogayaal ka Socda Dhawr iyo Toban Dal Oo U Yimi kormeerka Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabilay goobjoogayaal ka socda dhawr iyo Toban waddan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud hay’adda Brenthurst Foundation, Dr Greg Mills, kuna wehelinayaan madaxweynihii hore ee Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma iyo hoggaamiyihii hore ee mucaaradka, ahaana murashaxii madaxweynenimo ee mucaaradka dalka Ugandha, Dr. Kizza Besigye oo Somaliland u yimi kormeerka iyo qiimaynta doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya Jamhuuriyadda Somaliland 31-May-2021 oo hal maalin ka hadhsan tahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo. Madaxweynuhu waxa uu u sheegay goobjoogayaasha inay indhahooda ku soo arkaan horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, adduunka intiisa kalena ay gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa. Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen in Toddobada doorasho looga dareero Jamhuuriyadda Somaliland. Dalalka ay ka kala socdaan goobjoogayaashu waxay kala yihiin, UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa kulan ku yeeshay Teendhada Afisiyooni Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Wakiilada Beesha Caalamka. Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominayey kulanka, waxayna wararka sheegayaan in looga hadlay sidii loo fulin lahaa heshiiskii ay Khamiistii Muqdisho ku kala saxiideyn Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sugi lahaa amniga doorashooyinka, isla markaasna amniga loogu wareejin lahaa ciidamo Boolis ka socdo Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Ra’isulwasaare Rooble ayaa Beesha Caalamka uga warbixiyey heshiiskii ay wada saxiixdeyn madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe, waxayna Rooble iyo Madaxda Maamu Goboleedyada si wadajir ah uga codsadeyn beesha Caalamka inay fududeyso lacagaha doorashada oo xoogeeda iyaga laga sugayo. Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ku baxeyso lacag aad u badan, waxaana 10 Malyan oo kamid ah laga sugayaa Qaramada Midoobay, UK, Mareykanka iyo Midowga Yurub. Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay siwadajir ah u saxiixeen heshiis doorasho oo ay ku gaareen Shir Afar Maalin uga socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho. The post Maxaa looga hadlay kulankii dhex maray Rooble, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka? appeared first on Caasimada Online.
-
Xoggo ku saabsan Ganacsadihii Forex ee khasaaray $5.4 milyan oo doollar Mobeen Azhar oo ah weriye ayaa warbixinta ku eegeyaa sida ganacstada maalaayin doollar ku khasaaraan ka dib ganacsiga sarifka ee dhanka online-ka ah. Wuxuu ka sheekeynayaa ganacsato farqaha u galay dad isku sheegeyo in ay leeyihiin shirkado qaabilsan dhanka lacagaha oo ay ku soo biiri karaan, si faa’ideyo ay u sameeyaan. Waxaa dadka ganacsatada ah ee lacagaha laga qaaday loo sameeyay qol WhatsApp ah oo ay ku wada xiriirayaan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa ganacsi, waxaana loo sheegay in lacagihii ay gashadeen shirkadaha Online-ka aanay kala bixin karin. Ganacstadan markii ay khasaareen ayay ogaadeen in shirkad loogu sheegay Infinox oo ka diiwaangashaneyd jasiiradda Bahamas, uusan wax cilaaqaad kala dhexeyn waaxda maamusha lacagaha ee UK. dadka laga qaaday lacagta ugu badan waxay ku sugnaayeen Britain. Wuxuu sannadkii 2020-kii arkay muuqaal baahay oo ku saabsan nin lacago caddaan siinaya dad uusan aqoonin. Waxaana ninkaas lagu magacaabay Gurvin Singh Dyal, oo ah ardeyd kulliyada dawada ka dhigta jaamacad ku taalla Britain. Gurvin wuxuu caan ka ahaa baraha bulshada ka hor inta aanan laga waaynin halkaas. Dad ku xirnaa boggiisa Instagram-ka ayaa sheegay in dhaqaale uu ka sameeyay ganacsiga sarifka. Jonathan wuxuu kamid yahay dadka uu khasaaraha soo gaaray Wuxuu bilaabay shirkada lagu magacaabo GS3, si uu ganacsi ula sameeyo qof kasta oo firfircoon, oo daneynaya in uu ogaado qaababka ganacsiga hadda caanka noqday ee online-ka dhaqaalaha badan looga sameeyo. ‘Waxaan heystay in ka badan $24,000 oo doollar, waxaa ii soo haray $68 doolar’ Nin lagu magacaabo Jonathan, ayaa barta Instagram-ka ku bartay Gurvin. Wuxuu sannadkii 2019-kii ku biiray shirkadda GS3, waxaana Jonathan lagu daray qol WhatsApp ah oo kulmisay dad maalgashato ah oo qeyb ka ah shirkaddaas. Wuxuu ganacsiga sarifka online-ka ku darsaday $1,400 doollar. Jonathan wuxuu ka war hayay halista ku aadan sarifka online-ka, balse waxaa shakiga ka bixiyay Gurvin oo u sheegay in GS3 ay maamusho waaxda maamulka lacagaha ee UK. Markii hore Jonathan wuxuu helay faa’ido badan, wax ka yar toddobaad wuxuu sarifka geliyay $24,000 oo doollar. Wuu ka macaashay ganacsigaas, xitaa wuxuu gaaray ganacsigiisa illaa $42,600 oo doollar, balse xilligii dabaaldeggii ciiddda Kirismaaska, sannadkii 2019-kii, ayay wax kasta is beddaleen. Lacagtii uu ku maalgashaday safirka Forex-ka, ayaa hoos u dhacayay maalinta maalinta ka dambeysa, isaga oo khasaare weyn kala kulmay, waxaana u soo haray $68 oo doollar. Jonathan wuxuu sheegay in farriimo marin habaabin ah oo uga imaanayay shirkadda ganacsiga ee GS3 ay ka joojiyeen in lacagihii uu sameeyay uu kala baxo shirkadda sarifka Online-ka ee ‘been abuurka ahayd’. Joanna Bailey, oo ah qareen ku takhasustay dambiyada la xiriirta sarifka ayaa sheegtay inay soo gaareen kumanaan dacwado ah oo ku saabsan sarifka Wuxuu intaas ku daray in qofkii maamulayay ganacsiga sarifka uu u sheegay in laga saari doono shirkadda, waa haddii uu isku dayo in lacagtii uu faa’iday uu la baxo. Jonathan wuxuu ka mid yahay dad badan oo ay qabsatay sheeko noocan ah. Isaga iyo dad kale waxay galeen khasaare gaarayo $5.4 milyan oo doollar. Jonathan wuxuu dib u xusuustay dadkii ay qolka WhatsApp-ka ay ku wada jireen, kuwaas oo qeyb ka ahaa shirkaddan sarifka. “Waa lacagtii aan meel dhiganayay, xitaa ma iska bixin karo kirada guriga hadda. Dadka qaar waxay lacago ka soo amaahdeen waaliddiintooda, haddana waxkasta way waayeen oo wey ku khasaareen”, ayuu yiri. Joanna Bailey, oo ah qareen ku takhasustay musuqa la xiriira sariifka, ayaa sheegtay in shirkadeeda ay soo gaareen in ka badan 3,000 oo cabasho oo ku saabsan eedeymo iyo fadeexad dhanka sarifka online-ka ah. Sida ay muujinayaan kiisaska loo soo gudbiyay Joanna Bailey, dadka sariifka galay waxay lumiyeen $14,000 ilaa $5,670,000 oo dollar. Waxay dadkaas u heysteen in lacagahooda ay ilaalineyso waaxda maamusho lacagaha ee UK, markii ay khasaaraha galeen ayay ogaadeen in lacagahooda ay ku dambeeyeen shirkado shisheeye oo aanan wax damaanad ah ka heysanin Britain. Qaran News