Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - Police in Mogadishu said Monday it arrested 27 people linked to human trafficking in the city. Source: Hiiraan Online
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Caaqil Maxamed Cabdikariin Aadan oo ka mid ah waxgaradka Berbera ayaa sheegay in muddo 5 cisho ah la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuur Cadde) oo kusoo baxay doorashadii deegaanka ee magaaladaasi. Caaqil Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in loo maleynayo in la afduubtay xildhibaan Nuur Cadde, isaga oo ugu baaqay madaxda Somaliland inay qeyb qaataan raadintiisa. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muran siyaasadeed uu ka dhashay doorashadii ka dhacay Berbera, taas oo uu kusoo baxay mudanaha uu sheegay in la waayey. Dhinaca kale xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuur Cadde) oo soo hadlay ayaa beeniyey wararka laga faafiyey, wuxuuna sheegay inuu nabad qabo, kuna sugan yahay gurigiisa. Nuur Cadde ayaa sidoo kale tilmaamay inuu u tartamayo xilka maayar ku xigeenka duqa magaalada Berbera. “Waxaan ku suganahay gurigeyga, waxaana u tartamayaa jagada maayar ku xigeenka duqa magaalada Bebera,” ayuu yiri xildhibaan Nuur Cadde. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland oo ku aadan arrinta xildhibaankaasi. Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii doorasho loo galay tartan adag oo isugu jirtay golaha deegaanka iyo golaha wakiilada ay ka dhacday lixda gobol ee Somaliland. The post Maxaa ka jira in la afduubtay xildhibaan ku soo baxay doorashadii Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
  3. Education Above All (EAA) Foundation’s ‘Educate A Child’ program and the World Bank signed on June 8, 2021, a partnership agreement to enroll up to 35,000 out-of-school children in Djibouti. Source: Hiiraan Online
  4. Amiir Hamzah-ha Jordan ayaa doonayey inuu afgamabiyo walalakiis boqor Cabdallaha Labaad, isaga oo taageero ka helaya Sacuud Carabiya, sida lagu sheegay eedeymo maxkamadeed oo lasii daayey Axaddii oo ka dhan ah laba qof oo kiiskan lagu eedeeyey. Labada qof ee la eedeeyey ayaa xiriir dhow la leh Sacuudi Carabiya: Mid ka mid ah waa madaxii hore ee maxkamadda boqortooyada Bassem Awadallah oo haysta dhalashada Sacuudiga, kan kalena waa ergeygii hore ee gaarka ahaa ee boqortooyada, Sharif Hassan bin Zaid. Labada nin ayaa daba-yaaqada bishan lagu maxkamadeyn doonaa Maxkamadda Amniga Qaranka ee Jordan, waxayna wajahayaan illaa 20 sano oo xabsi ah, haddii danbiga lagu helo, sida uu sheegay mid ka mid ah qareenadooda. Hase yeeshee Hamza, oo ay isku aabe yihiin boqorka, kaasi oo lagu eedeeyey 3-dii April inuu ku lug lahaa isku day “lagu arbushayo amniga boqortrooyada,” ayaan maxkamad lasoo taagi doonin. PUNTLAND POST The post Kiiska isku daygii afgambi ee Jordan oo lugaha la galay Sacuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.
  5. On April 28, 2021, the US Treasury Department’s Office of Foreign Assets Control (OFAC) issued a final rule amending and reissuing the Somalia Sanctions Regulations, 31 C.F.R. Part 551 (“Regulations”) to further implement two existing Executive Orders, Executive Order 13536 of April 2010 and Executive Order 13620 of July 2012, and to replace the prior Somalia Sanctions Regulations that were published in May 2010 in abbreviated form. Source: Hiiraan Online
  6. Dalka Mareykanka ayaa walaac culus ka muujiyey doorashada ka dhaceysa Itoobiya 21-ka bishan iyaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo kooxaha kala duwan in laga waantoobo colaadda iyo qalalaasaha ka jira dalka. “Kala qeybsanaanta gobolka iyo qeybo ka mid ah Itoobiya waxaa ay khatar ku tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed. Waqtiga xita doorashada waxay noqon doontaa mid muhiim u ah Itoobiyaanka iney isu yimaadaan, si ay uga hortagaan kala qeybsanaanta”, waxaa sidaasi yiri, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price. Wararka ayaa sheegaya in dib loo dhigay labo gobol oo uu ku jira midka Soomaalida degto, taas oo la filayo doorashadooda September 6. Doorashada Itoobiya oo aheyd in la qabto August sanadkii hore ayaa waxaa sanad dib u dhigay raísul wasaare Abiy Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Prime Minister Mohamed Hussein Roble appointed a high-level government commission of inquiry on Saturday to investigate complaints by Somali parents who have not heard from their sons who went to Eritrea. Defense chief Hassan Hussein Haji, Interior Minister Mukhtar Hussein Afrah and Army Chief of Staff Odawa Yusuf Rageh are among those selected to be on the commission. Somali parents have been protesting in Mogadishu for the past two days, demanding information and to know the whereabouts of their sons. A UN human rights report, citing credible information, reported that Somali cadets in Eritrea crossed the Eritrean border alongside Eritrean troops to fight in the Tigray region. Somalia denied reports of Somali troops fighting in the war-torn region. Anadolu Agency spoke to several parents who are suffering from a lack of information about their sons but some confirmed that they spoke to their children through government communication channels and also via direct telephone calls. Source: Anadolu Agency The post Somali premier appoints committee to probe missing recruits appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waalidiinta ay caruurtooda dowladda Soomaaliya tababarka ciidan ugu qaaday dalka Eritrea ayaa shaaciyey xog ay ka heleen wiilashooda oo ku saabsan xadgudubyo culus oo lagu hayo iyo dagaalka la sheegay in loogu qaaday gobolka Tigray. Waalidiintaas oo khadka taleefanka ugu warramaya idaacadda BBC-da ayaa sheegay in carruurtooda oo ay khadka taleefanka dhowr jeer kula xiriireen aysan u sheegin wax dagaal ah oo ay galeen, iyagoo ku adkaystay in aanay ka bixin xeryaha lagu tababaro halkaas oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan. Si kastaba, waalidiinta ayaa sheegay in wiilashooda ay u sheegeen inay ku caddiban yihiin Eritrea. Hooyo Foos Xasan oo ka mid ah walaadiinta ay carruurta ka maqan yihiin ayaa sheegtay in wiil uu ka maqan yahay uuna ka tagay bishii Febraayo ee 2020-kii, iyadoo markii ugu horraysayna uu la soo xiriiray bishii Janaayo ee sanadkan markaas oo uu u sheegay inuu Eritrea joogo. “Dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, oo la tumay, oo la xabbadeeyay, oo caddib intii qof bini’aadam ah la marsiiyo intii ugu badnayd ay haysato, wax ay xal ka gaari karaanna aysan jirin,” ayey tiri hooyo Foos Xasan. Dhankiisa Saleebaan Cali oo isna BBCda u warramay ayaa sheegay in walaalkii iyo dhowr wiil oo kale oo uu adeer u yahay ay ku dhibaataysan yihiin waddanka Eritrea halkaas oo tababar loo geeyay bilowgii sanadkii hore. “Wiilashan Eritrea loo qaaday baa 10 wiil iiga jirto, mid walaalkey waaye, shanna adeer ayaan u ahay, afarna adeer ayaan u ahay, mar ay ila soo hadleen waxay ii sheegeen in 24-kii saacba afar xabbo oo rooti ah oo qalayl ah in la siinaayo, dhar aysan haysan, bannaan ay seexdaan, maalintiina dabayl iyo kulayl aan la joogi karin, habeenkiina dhaxanta ay daran tahay, aad inay u dhibaataysan yihiin.” “Cunto ma haystaan, hoy ma haystaan, dhar ma haystaan, wax alaale iyo wixii dhibaata ah oo bini’aadam qabsan lahaa meesha waa ku haystaan, naftoodaaba halis ku jirta, xaaladdooda raggaas ma sahlana oo sida ay ii sheegeen aad bay u dhibaataysan yihiin,” ayuu yiri Saleebaan. Waalidiinta ayaa sheegay in carruurta dhowr jeer oo ay xariir la sameeyeen aanay u sheegin wax dagaal ah oo ay ka qeybqaateen. Hooyo Foos ayaa sheegtay in wiilkeeda ay waydiisay in dagaal ay ka qeybgaleen wuxuuna ugu jawaabay: “Annaga khaasatan waxaan nahay 900 oo askari oo xearadan ku jirto. Qof nalagama qaadin, xataa maanan maqal meel wax laga qaaday laakiin annaga xerada gudaheeda ayaa nagalu dhibaateeyay,” ayey tiri Hooyo Foos. Saleebaan Cali ayaa isna intaas oo kale BBC-da u sheegay. Dowladda fedaraalka ee Soomalaiya ayaa beenisay warar maalmihii dambe la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joogay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya. Waalidiinta ayaa dhanka kale sheegay in carruurtooda ay u sheegeen in bishii September ee sanadkii hore mar ay ka gadoodeen dhibaatada lagu hayo ay isku dhaceen ciidammadii tababaray kaddibna ay gacanta iskula tageen arrintaas oo ay sheegeen inay sababtay in carruurtooda awood loo adeegsado halkaasna ay dhowr ku dhinteen halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen. The post Qaar ka mid ah waalidiinta caruurtooda la geeyey Eritrea oo shaaciyey xog ay heleen appeared first on Caasimada Online.
  9. Golaha Hirgalinta iyo Ansixinta Dastuurka Liibiya ayaa howlgalka Qaramada Midoobay waxay ku eedeeyeen inuu jabiyey khariidada waddanka iyo arrimaha madax bannaanida Dalka. Warqad loo dirtay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Liibiya, aya lagu cadeeyay sida howlgalka Qaramada Midoobay ay xagal daacinayaan hirgalinta dastuurka Liibiya iyo qabashada doorashooyinkii lagu balamay. Golaha Hirgalinta iyo Ansixinta Dastuurka Liibiya ayaa waxaa la aas-aasay, 17-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore, taa oo ay ansixiyeen Madasha Wada-tashiga Siyaasadda Liibiya, Guddigan ayaa ka kooban 17 xubnood oo ay howshooda tahay hirgalinta Dastuurka iyo qabashada doorashooyin ka dhaca dalkaasi. Marka laga hadlayo carqaladeynta aftida Dastuurka Liibiya, Golaha waxay sheegeen in macluumaadka ay hayaan uu xaqiijinayo in Xaftar uu ku wargaliyay dhammaan hay’adaha caalamiga ah inuu ka soo horjeeda guud ahaanba dajinta dastuurka, sidaana ay ku timid faro galinta howlgalka Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Howlgalka Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay faragelin ay ku hayaan Liibiya appeared first on Puntland Post.
  10. Mombasa (Caasimada Online) – Najmo Macalin Cabdullaahi oo ka mid ahayd ardaydii sanadkan ka baxay Dugsiga Sare ayaa meydkeeda laga helay deegaanka Bonji ee Magaalada Mombasa, ka dib saddex cisho oo la la’aa. Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada marxuumadda ayaa sheegay in gabadha ay ugu war dambeysay gelinkii dambe ee Arbacadii, saddex cisho ka dibna ay meydkeeda heleen. Xasan Bashiir ayaa tilmaamay in gabadha ay is raaceen gabar kale oo saaxiibo ahaayeen, markaasna ay ugu dambeysay. “Gabar yar bay ahayd oo 19 jir ah. Gabadha waxay maqneyd saddex cisho, waxay baxday Arbacadii 4-ta galabnimo. Gabar kale oo saaxiibteed ah ayay guriga iska raaceen, oo ay u raacday meel la dhaho Martini,” ayuu yiri Xasan Bashiir. Sidoo kale waxaa uu sheegay in meydka gabadha uu ka muuqday dhaawacyo loo gaystay, isagoo intaa ku daray inaanay garanayn sababta loo beegsaday gabadha. “Gabadha dhaawacyo ayaa ka soo gaaray jirkeeda meelo ka mid ah, sida wejiga dhinaca dhabanka, kelida oo kale, ilkaha oo afka hore ah. Dhaawacyada meelahaas ayaa ugu weynaa,” ayuu yiri Xasan Bashiir. Xasan Bashiir ayaa yiri “Gabadha sababta loo beegsaday weli maanan garanin, hadda baaritaan baan ku haynaa, baaritaankaas markaan dhameeno uun baan ogaan doonnaa, Insha Allah.” Waxaase uu sheegay in dilka gabadha ay kaga shakisan yihiin gabadhii ay saaxiibada ahaayeen ee guriga iska raaceen, taasoo ay soo xireen Booliska Kenya. Soomaalida ku dhaqan magaalo xeebeedka Mombasa ayaa ka carooday dilka halkaasi loogu gaystay gabadha dhalinyarada ah. The post Gabar Soomaali ah oo qaab aad loola yaabay loogu dilay magaalada Mombassa appeared first on Caasimada Online.
  11. Edmonton Police are investigating a report that a Somali Canadian woman who was wearing a hijab was attacked Friday night, the latest in a series of attacks on Black and racialized Muslim women in recent months. Source: Hiiraan Online
  12. Maayarkii hore ee magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in uu musharax Cabdikarin Axmed Mooge uga tanaasulay xilka maayarnimada magaalad Hargeysa . Saltelco ayaa sheegay in kadib soo jeedin uga timid madaxweynaha Somaliland uu musharaxnimadiisa xilka maayarnimada Caasimadda Hargeysa uga tanaasulay musharax Mooge . Cabdikarin Axmed Mooge ayaa ka mid ah musharixiintii ku soo baxday doorashada golaha deegaanka Hargeyso ee sanadkan, isgoo markaan u taagan qabashada xilka maayarka hargeysa . Mooge oo sidoo kale ka tirsan xisbiga mucaaradka ee WADANI ayaa noqday musharixii ugu codka badnaa dooshada golaha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland. Cabdikariin ayaan helay codod kor u dhaafaya 26,000 oo cod kuwaas oo ay shacabka magaalada hargeysa ugu coodeyen. 17-ka bishaan ayaa lagu wadaa in xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa ay yeeshaan kulankoodii ugu horeyay, iyagoo kulanka sidoo kale ku dooran doona Mayaarka Hargeysa iyo ku-xigeenkiisa . Mooge ayaan markaan wajaheynin tartan culus oo ku aaddan xilka maayarka, iyadoo ay inta badan musharixiintii la tartameysay ay isaga hareen tartanka . Dhanka kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in isaga oo tixgelinaya codka shacabka uu Cabdikariin Mooge kala shaqeyn doono in loo doorto maayarka Hargeysa . Cabdikariin Axmed Mooge ayaa waxaa dhalay fanaankii weynee ee Axmed Mooge Liibaan oo ka mid ahaa fanaaniinta ugu magaca dheer dhulka Soomaalida . GoobJoog News Source: goobjoog.com
  13. Several thousand Israelis turned out in Tel Aviv on Sunday, spraying foam and confetti and jumping into fountains to celebrate the establishment of a new government in Israel and to revel in the ouster of former prime minister Benjamin Netanyahu. Source: Hiiraan Online
  14. At least 50 al-Shabab militants have been killed in the past two days as the Somali forces intensified security operations in al-Shabab bases in the central and southern regions of the country, the military said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT-Tel Aviva)-Baarlamaanka Israa’iil ayaa soo afjaray muddo 12 sano ah oo uu dalkaasi Raysal Wasare ka ahaa Benjamin Netanyahu kadib markii ay u codeeyeen dowlad wadaag cusub. Naftali Bennett, oo madax ka ah xisbi Yamina ayaa loo dhaariyey xilka raysal wasaaraha kadib markii cod cadhiidhi ah ay ku heleen 60-59 baarlamaanka. Mr Netanyahu – hogaamiyaha ugu waqtiga dheer ee Yamina oo xukumayay, wuxuu sii ahaan doonaa madaxa xisbiga garabka midig ee Likud wuxuuna noqon doonaa hogaamiyaha mucaaradka. Codeynta ka dib, Mr Netanyahu wuxuu gacan qaaday Mr Bennett. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa durbaba hambalyo u diray Mr Bennett, isagoo sheegay inuu rajeynayo la shaqeyntiisa. Source
  16. Wararka naga soo gaarayo magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in xalay xilli dambe uu dab xoogan ka kacay suuqa weyn ee magaalada. Ciidamada dab damiska iyo shacabka ku dhaqan xaafadaha hoostaga suuqa ayaa sameyay gurmad balaaran oo ay ku daminayaan dabka qabsaday suuqa, iyadoo ugu dambeyn ay ku guuleysteen. Illa iyo hadda macadda waxa uu ka dhashay dabka kacay suuqa wayn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay gubteen dhowr dukaan oo ku tiillay suuqa magaalada, waxaana ku bur buray dabka hanti fara badan. Maamulka degmada iyo Laamaha ammaanka ayaana welli ka hadlin dhankooda dabka ka kacay suuqa weyn ee magaala ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Ra’iisul wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu ayaa cod aqlabiyad leh lagaga adkaday kaday kadib 12 sano oo uu maamulayay xukuumadda Tel Aviv. Naftali Bennett ayaa loo dhaariyay ra’iisul wasaaraha cusub ee yahuudda kadib markii ay u codeyeen xildhibaanada baarlamaanka Isreal. Bennett ayaa soo dhisayo xukuumad isku dhaf ah oo ay kawada tirsan yihiin mucaaradka ugu saameynta badan Isreal. Heshiiska Awood qeybsiga Isreal ayaa awood u siinaya Mr Naftali Bennett in uu xilka haayo laba sano waxaana xilka kala wareegi doono Yair Lapid oo ah hogaamiyaha xisbiga dhexe ee Yahuudda. Naftali Bennett ayaa ah 49 sano jir dhashay 25 march 1972, waxa uuna horay u soo noqday wasiirka difaaca Isreal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM iyo xoogag ka tirsan Al-Shbaab oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii weerar ku billowday madaafiic ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidankaasi ku leeyihiin deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah. Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga, halka kuwa kale ay ku hoobteen xaafado ku yaalla deegaankaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka intii uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu qaatay muddo saacado ah. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka qorsheysan ee ka horreeyey intaba. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo khasaaraha uu geystay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobollada Jubbooyinka laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda. Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo inta badan ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa weeraro iyo dagaallo culus ku qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla gobolladaasi. The post Al-Shabab iyo Kenya oo ku dagaalamay Jubada Hoose appeared first on Caasimada Online.
  19. Maxkamadda sare ee Ciidamada dowladda Puntland, ayaa sida qorshaysan maaanta magaalada Galkacyo kaga dhawaaqaysa xukunka kama dambaysta ah ee 18 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Xubnahan waxa hore dil toogasho ah ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobollada Mudug iyo Cayn oo fadhigeedu yahay Gaalkacyo, inkastoo ay Rafcaan ka qaateen xukunkaas. Sadexdi Asbuuc ee la soo dhaafey ayaa Maxkamadda sare u fadhidey dhegeysiga Xukunki Racfaan qaadashada,, iyadoo Maxkamaddu maanta shaacin doonta go’aanka kama dambaysta ah. 7 Qareen oo kala duwan oo qaar kamid ah ka yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa u doodaya xukumanayaasha. Amniga guud ee Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka lagu arkayaa ciidanka Booliiska oo xaqiijinaya Amniga. PUNTLAND POST The post Puntland: 18 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo maanta xukun kama dambays ah lagu ridayo appeared first on Puntland Post.
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada ammaanka Galmudug saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Howl-galka ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu baadi goobayey kooxo habeen ka hore nin muruq-maal ahaa ku dilay gudaha magaaladaasi. Taliyaha Booliska magaalada Caabudwaaq, Farxaan Xasan Xuseen oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay in lagu soo qabtay rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen toogashada Odowaa Axmed oo lagu dhex-dilay gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu hayo shaqsiyaadka lasoo qabtay, isaga oo xusay in dhowaan lasoo taagi doono maxkamad. Farxaan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay sii wadayaan howl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka degmada Caabudwaaq oo dhacda waqooyiga gobolka Galgaduud. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanka inay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga guud ee magaaladaasi. Caabudwaaq ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal salka aanooyin Qabiil, balse waxaa haatan ka billowday howl-gallo ay wadaan ciidamada Galmudug oo amniga lagu sugayo. Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa kusoo laa-laabta dilalka qorsheysan iyo sidoo kale dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan gobolladaasi. The post Galmudug oo gacanta ku dhigtay rag ‘dil ka geystay’ magaalada Caabud-waaq appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale fara-gelin ku haya Guddiga kala saarista iyo xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee cabashooyinka laga soo gudbiyey, sida ay ogaatay Caasimada Online. Guddiyda uu xubnahooda fara-gelinta ku hayo Farmaajo ayaa waxaa kamid ah xubnihii Somaliland, oo kal hore ay ka dhaqaaqi weyday doorashada, waxayna midaan markale caqabad hor leh ku noqon kartaa doorashooyinka laga heshiiyey ee dalka. Madaxwaynaha waqtigiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo celinaya guddiyada doorashooyinka xubno hore looga saaray oo uu kamid yahay Guddoomiyihii gugdiga doorashada Somaliland Khadar Xariir Xuseen oo ah shaqaalle ka tirsan dowladda. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka dalbaday guddiga inay usoo gudbiayan toddobada xubnood ee ay sheegen in guddiga Somaliland ka saareen, wuxuuna guddiga ka cago jiiday saddexda kiis ee cabashadu ka taagan tahay oo ilaa hadda waxba loo keenin. Farmaajo ayaa la sheegay inuu la wareegay Wasiiraddii ay quseysay iyo beelahoodii uuna kala dooday saddexda kiis ee Gudiga warbaahinta ka sheegay in cabasho ka taagan tahay ayna ahayd in ay go’aan ka gaaran Ra’iisal wasaare Rooble, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi. Cabdi Xaashi ayaa asagu dhowr jeer ku baaqay in la fuliyo heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Muqdisho, si meesha looga saaro khilaafka soo noq-noqday ee ka taagan doorashada Somaliland oo arrintaan markale dib usoo istaadhi karto. Si kastaba, xiisadan cusub ee uu hor-boodayo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ayaa markale is-mari-waa cusub ku hor-gudbeysa qabashada doorashada oo uu dadaal badan ku bixinayo ra’iisal wasaaraha dalka. Hoos ka arag warqad caddeyneysa in Khadar Xariir uu yahay shaqaale dowladeed. The post Farmaajo oo mar kale fara-geliyey xubnaha guddiyada doorashada Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  22. Maamulka iyo Shacabka magaalada Boosaaso, oo iskaashanaya ayaa xalay ku guulaystay in la demiyo dab xooggan oo ka kacay suuqa weyn ee Boosaaso. Dabka ayaa si adag loo xakameeyay, waxaana ka qayb-qaatay dab-demisyada kala duwan ee ka hawlgala Boosaaso, inkastoo dabkaas uu ka dhashay khasaare kooban. Carwooyin iyo xarumo Ganacsi ayaa ku gubtay dabkan oo aan weli la xaqiijin waxa uu ka dhashay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee Boosaaso. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu hayo sababta dhalisay dabka oo halis geliyay suuqa Boosaaso. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay dab xooggan oo xalay qabsaday suuqa weyn ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  23. Safiirka Israel u fadhiya dalka Marocco oo shacabka dalkaasi u diideen in laga kireeyo Guri safaaradu degto Safiirka Israel u magacowday dalkaasi Marocco David Govrin ayaa ku dhiban helidda guri goob uu dalkiisa ka dhigto safaarad kadib markii shacabka dalkaasi u diideen in ay ka kireeyaan guryohooda. Dhammaadka sanadkii hore ayay aheyd markii dalka Marocco uu xidhiidh diblomaasiyadeed la yeeshay Israel kadib dowlado dhowr ah oo carbeed oo wadadaasi maray, waxaana heshiisyadaasi ka shaqeeyay madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump. Safiirkani iyo team-kiisa ayaa muddo lix bilood ah waxa ay ku shaqeynayaan hotelkii ay ka dageen caasimada dalkaasi ee Rabat. Shirkad u xilsaaran in ay guri usoo hesho safiirka ayaa dhowr jeer caqabado diidmo ah kala kulantay mulkiilayaasha guryaha kuwaas oo markii ay ka war-helaan cidda loo doonayo guryaha iska diiday heshiiska. Marocco ayaa heshiiska xidhiidhka-soo-celinta Israel ku bedelatay in Mareykanku aqoonsado in Western Sahara ay ka tirsan tahay Marocco. Marka laga reebo Marocco, sannadkii tagay waxaa heshiis cilaaqaad la saxeexday Israel dalalka United Arab Emirates, Bahrain iyo Sudan. Masar iyo Jordan ayaa iyagu heshiis la kala galay Israel sanaddadii 1979 iyo 1994. Qaran News
  24. Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka wadatashiga isku-duwidda wasaaradaha ee siyaasadda maamul baahinta iyo aasaasida xafiiska xariirka maamulka. Shirka waxaa si wadajir ah u soo agaasimay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo kan wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug. Waxaana kasoo qeyb galay wasiirrada ilaa sagaalka wasaaradood iyo inta badan agaasimayaasha wasaaradaha Galmudug. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay inay qorsheynayaan daadejinta shaqada wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaa muhiim ah in la aasaaso xafiiska xariirka wasaaradaha, kaas oo kor joogteyn doona howlaha wasaaradaha Galmudug, sida uu sheegay Cali Ciid. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in maamulku uu bilaabayo barnaamij dib u heshiisiin ah, isla markaana ay dhawaan isu-keeni doonaan dhammaan beelaha walaalaha ah ee dirirta ku kala maqan. “Waxaa koow muhiim noo ah in la daadajiyo maamulka, waxaan dhiseynaa dhammaan dowladaha hoose ee degmooyinka, inta uusan sanadkaan dhamaan waxaan dhiseynaa golayaasha deegaanka degmooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Balambal, Cadaado iyo Hobyo, waxaana soo magacaabi doonaa wasiir cusub oo ay yeelato wasaaradda arrimaha gudaha, kaas oo shaqadiisa ugu badan ay noqon doonto dhismaha golayaasha deegaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Ciid. Hoos ka Daawo Warbixin The post Qorshaha Galmudug kadib kiiskii Balanbal iyo ceyrintii Wasiir Cabdi Waayeel appeared first on Caasimada Online.