Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan oo ku taal banaanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaas uu fuliyey qof ka mid ah qeybta is-miidaaminta ee koxodaas, islamarkaana uu ujeedka ahaa in la beegsado dhallinyaro qoraneysay askarnimo. Kooxda ayaa sheegtay in ay qaraxa ku dishay 40 kamid ah dhallinyaradaas, sidoo kalana waxay sheegatay inay ku dhaawacday 50 kale oo ka tirsanaa ciidan loo qorayey dowladda Soomaaliya, inkasta oo xogta aan hayno ay taas ka duwan tahay. “Camaliyad Istish-haadi ah ayaa maanta waxay ka dhacday gudaha Xerada Turkiga ee Turkisom ee magaalada Muqdisho, waxaana xiliga camaliyada ay dhaceysay halkaasi ku sugnaa maleeshiyaad askar ahaan loo qorayay oo ka tirsan Ururka sagaalaad ee Gorgor; dhimashada waa 40 askari, dhaawacana waa 50 askari,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo maanta ka dhacay Xerada Tababarka Ciidamada ee Gen. Dhega-badan (Warshadda Nacnaca). Gen. Odowaa Yuusuf waxa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay Bar kontorool oo ay joogeen ciidamada ilaalada ka ah Xerada, inta uu xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 10 qof oo ah Dhalinyaro loo xareynayay tababar halka dhaawac uu soo gaaray 20 kale. Xiliga qaraxa uu dhacayay waxa ay ku jireen dhalinyaradaas safka baarista si loo hubiyo waxa ay wataan kahor in aanay u gudbin gudaha Xerada oo loogu diyaariyay in ay ku qaataan tababar ciidan sida uu xaqiijiyay Taliye Odowaa. “Allaha u naxariisto waxaa dhintay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah,” ayuu yiri Gen. Odawaa Yuusuf Raage. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah, tirada dhimashada ay gaartay 18, dhaawacuna ku dhow yahay 40. The post Al-Shabaab oo war kasoo saartay ‘ujeedka’ qaraxii ay ka fulisay xerada Dhega-badan appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda u duulaya dalka Turkiga isaga oo ka qeyb galaya shir looga hadlaya diblomaasiyadda. Shirkan oo ka dhacaya magaalada Mediterranean-ka ee Antalya inta u dhaxeysa 18-20 bishaan, waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madaxweynaha Turkiga Erdoğan iyo madax ama dalal kale oo aan aheyn quwada adduunka. Wararka ayaa intaa ku daraya in shirka ay tagayaan am aka qeyb galayaan sidoo kale madaxda 36 dal oo u badan dalalka qaaradaha Afrika iyo Asia. Shirkan looga hadlayo diblomaasiyadda ayaa hadana waxaa qaadacay ama aan tagi-doonin dalalka ugu waaweyn dunida ee Mareykanka iyo Yurub. Dalalka Yurub ee aqbalay ka qeybgalka shirkan waa dalal yaryar, oo aan miisaan ku laheyn midowga Yurub, kuwaas oo kala ah: Malta, Kosovo, Montenegro, Bosnia iyo Herzegovina, Croatia, North Macedonia, Albania, Moldova, Ukraine, Romania, iyo The Qubrusta waqooyi oo ah dal ay Turkiga keliya aqoonsan tahay. Ma jiro dal ka tirsan quwada military ama dhaqaale ahaan dunidan ugu waaweyn sida Mareykanka, Russia, China, Germany, France, the UK iyo Japan oo sheegay iney ka qeyb galayaan shirkaan. Waxaa kale oo aan shirka tagi-doonin dalalka ugu miisaanka culus dunida carabta sida Masar iyo Sacuudiga kuwaas oo mar hore albaabada ka xirtay Erdoğan iyo dalkiisa. Erdoğan oo go’doonsan diblomaasiyad ahaan inuu qabto shir looga hadlayo mustaqbalka diblomaasiyadda caalamka, ayaa dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda waxaa ay qabaan in tahay waqti lumis, iyada oo la saadaalinayo in shirkan uu fashilmay inta aanu bilaaban. Dalalka waaweyn ee dhaca Mareykanka, Yurub ama bariga dhexe ayaa ku wareeray siyaasadaha Turkiga tan iyo markii uu dalkaasi qabsaday madaxweyne Erdoğan, isaga oo saacad kasta luminayey dal siyaasad ahaan horay olog ula ahaa jamjuuriyadda weyn ee Turkiga. Dhanka kale, si la mid ah Erdoğan, waxaa go’doon ku jira madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo fadhiya xafiis sharci darro ah. Farmaajo oo in ka badan 100 jeer dalka ka baxay 4-tii sano ee lasoo dhaafay ayaa safarkan Antalya waxaa uu noqonayaa midkii ugu dambeysay inta aan la gelin doorashada 2021-ka iyo inta aanu banneyn Villa Somalia. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta ee ka howl-gasha caasimada, iyagoo isugu soo baxay fagaaraha taalada Daljirka Daahsoon. Bajaajleydan ayaa xirtay wadada Shabelle ee hormarta taallada Daljirka Daahsoon, una dhow xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Dhalinyarada kaxeysa mootooyinka Bajaajta ayaa ka cabanaya wado xumo, waxayna sheegeen inay waayeen meel ay maraan, isla-markaana jidadka qaar ay biyo xireen, halka kuwa kalena ay gooyeen ciidanka ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in maalin waliba laga qaado lacago canshuuro ah, isla-markaana aan waxba loogu qaban, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale bajaajleyda Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ay baaq waxa ay u direen guddoomiyaha gobolka Banaadir, iayagoo dalbadeen inuu soo fara-geliyo cabashadooda. Dibad-baxan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka oo hakad-galay, maadaama banaan-baxayaasha ay xiteen wadadaasi. Si kastaba dibad-baxa ayaa kusoo aadayo, xilli maamlmihii lasoo dhaafay jidadka Muqdisho ay ahaayeen kuwa ciriiri ah, isla-markaana ay biyo xireen wadooyinka qaar. The post Dibad-baxayaal xirtay waddo muhiim ah oo ku taalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaan Yuusuf Raage ayaa war kasoo saaray qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada General Dhaga Badan oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Odowaa ayaa marka hore faah faahiyey khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo uu fuliyey ruuxu isku soo xiray walxaha, wuxuuna xaqiijiyey inay ku dhinteen illaa 10 ka mid ah dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidanka Xoogga, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale. Taliyaha ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bar-koontarool oo laga galo xerada, xilli ay dhalinyarada sugeysay baaritaan, si ay galayaan gudaha, wuxuuna tilmaamay inuu soo dhex-galay ruuxa is-qarxiyey oo watay jaakadda qaraxyada. “Allaha u naxariisto waxaa dhintay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah,” ayuu yiri. Sidoo kale dhalinyarada qaarkood ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, iyada oo la geeyey goobaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo. Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey ay usoo baxeen digniino ku aadan in gudaha magaalada ay soo galeen rag wata jaakadaha qaraxyada, isla-markaana doonaya inay weeraro is-miidaamin ah ka fuliyaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Si kastaba ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan. The post Taliye Odowaa oo war ka soo saaray qaraxii is-miidaamintii ahaa ee ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  5. At least 15 army recruits died Tuesday when a suicide bomber attacked a military training camp in Mogadishu, Somalia, an officer said. Source: Hiiraan Online
  6. Berbera (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Berbera ee Somaliland waxaa maanta ka dhacday doorashada maayarka magaaladaasi iyo ku xigneekiisa, kadib codeyn ay sameeyeen xildhibaanada cusub ee loo doortay golaha deegaanka ee magaaladaasi. Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku soo baxay Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ahaa duqii hore ee Berbera, isagoo markale loo doortay inuu hoggaamiyo magaaladaasi, wuxuuna helay 8 cod oo ka mid ah 13-ka mudane ee loo doortay degaanka. Sidoo kale waxaa ku xigeenkiisa loo doortay xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuur Cadde) oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Wadani. Cabdishakuur Cidin waxaa dib u doorashadiisa si weyn u soo dhoweeyey xisbiga uu ka tirsan ee Kulmiye oo ku tilmaamay guul u soo hoyotay xisbigooda. “Dib u doorashada gudgoomiyaha golaha deegaanka degmada Berbera waa dhamaystirka qorshihii xisbiga Kulmiye ku hantiyay mar Labaad talada dalka, waana hanashada mar saddexaad talada dalka oo u sii hogaamiye xisbiga Kulmiye,” ayuu yiri afhayeenka xisbiga. Sidoo kale waxa uu afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa intaasi sii raaciyey “Markale Berbera hore u socota waa guusha Qaranka soomaliland,”. Dhinaca kale golaha deegaanka degmada Gar’adag ee gobolka Sanaag waxaa sidoo kale saaka ka dhacday doorasho kale, iyada oo maayar loo doortay Maxamed Cilmi Maxamuud halka ku-xigeenka oo loo doortay Sahal Maxamed Ismaaciil, kuwaas oo ka tirsan Kulmiye. Somaliland waxaa dhowaan ka dhacday doorasho taariikhi ah oo isugu jirtay tan golaha deegaanka iyo mid golaha wakiilada oo ay ku tartameen xisbiyada Kulmiye, Wadani & Ucid. The post C/shakuur Cidin oo markale loo doortay duqa Berbera appeared first on Caasimada Online.
  7. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeexoo ayaa saaka ansixisay 17 xubnaha ka ah golaha Deegaanka Degmada Hargeysa. Waxaana la filayaa in fadhigooda u horeeyey oo lagu dooran doono maayarka iyo ku xigeenka cusub uu qabsoomo maalinta khamiista oo ku beegan 17 ka bishan. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Golaha Deegaanka degmada Gar’adag ee Gobolka Sanaag ayaa saaka doortay maayir iyo maayir ku-xigeenka. Golaha Deegaanka degmada Gar’adag ayaa waxa ay maayar u doorteen Maxamed Cilmi Maxamuud iyo ku-xigeenka oo loo doortay Sahal Maxamed Ismaaciil, kuwaas oo labadooduba ka soo baxay xisbiga KULMIYE. Source
  9. Qarax ismiidaamin ah oo khasaare geystay ayaa goordhaweyd ka dhacay afaafka hore xero ciidan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lala beegsaday dhalinyaro taagnaa afaafka hore xerada tababarka ciidamada ee Janeraal Dhegabadan, kuwaas oo loo qorayay ciidanimo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo dhalinyaro u badan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan. Ciidamada ammaanka oo halka qaraxu ka dhacay soo gaaray ayaa xiray waddooyinka soo gala xerada, waxaana hadda goobta ka socda howlgallo isugu jira gurmad iyo baaris. Laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin qaraxa ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka ciidmada ee Janeraal Dhegabadan. PUNTLAND POST The post In ka badan 10 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir. Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada Gorgor. Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay in ka badan illaa 10 qof oo ka mid ahaa dhalinyaradii meesha ku sugneyd, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Xaaladda meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale goobta ka dhashay burbur aad u xoogan. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi geystay khasaaraha badan. Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey ay usoo baxeen digniino ku aadan in gudaha magaalada ay soo galeen rag wata jaakadaha qaraxyada, isla-markaana doonaya inay weeraro is-miidaamin ah ka fuliyaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Si kastaba ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan. The post Wararkii u dambeeyey qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. MOGADISHU (HOL) - A suicide bomber blew himself up at a military base in Mogadishu’s Wadajir district Tuesday morning killing at least ten soldiers and injuring ten others. Source: Hiiraan Online
  12. ISBEDELkA CUSUB Todobada degmo ee Grade A waxa loo badinayaa in inta badan ay mucaaridku isku shubtaan oo ay ku guulaysan doonaan Maayaradooda iyo weliba ku xigeenadooda oo dhan. Kulmiye waxa uu doonayaa in uu ku mitido Berbera, Gebilay, iyo Laascaanood oo keliya. Taas oo markaa noqonaysa guushii labaad ee Mucaaridku ka gaadho doorashada weliba marka ay isku helaan Hargeysa oo caasimadii ah iyo Burco oo caasimadii labaad ah. Somaliland in kasta oo madaxbanaanida Dawladaha Hoose ay sharci ahaan xadidan tahay hadana lagama filayo in degmooyinka ay maayarada iyo ku xigeenadooduba ka soo jeedaan xisbiyada mucaaridku ay ku wareegi doonaan xisbul xaakimka, sidii hore u dhici jirtay. Taas oo keeni karta in khilaafyada golayaasha qaarkood uu si cad u muuqan karo ka dib marka ay is doortaan, xidhiidhka wada shaqaynta ee ka dhexeeya degmooyinka golayaasha uu mucaaridku hogaaminayo iyo Dawladda Dhexe ayaa laga fili karaa in aanu sidii hore noqon doonin balse sharciga ayuun baa muhiim ah in loo wada hogaansamo. Berbera in kastoo mucaaridku ay sheegayaan in ay ku gacan sareeyaan hadana waxa jira ilo wareedyo muhiim ah oo beeninaya waana isla berri hadii Alleh yidhaa waxa ay kala caddaan doontaa. Hadii Kulmiye laga qaado Berbera waxa markaa sida la filayo gacantiisa ku soo hadhi doona Gebilay iyo Laascaanood oo keliya. Degmooyinka Grade A Hargeysa Mucaaridka Burco. Mucaaridka Ceerigaabo Mucaaridka Berbera Kulmiye Gebilay. Kulmiye Laascaanood Kulmiye W/Q Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Source
  13. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo qarax khasaaro geystay oo ka dhacay xerada dhega-badan ee magaalada Muqdisho. Inkabadan 10 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinten qaraxa halka inkabadan 20-qof oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa. dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay u badnaayen askar loo diiwaan gelinayay tababar leyli-sarkaalnimo. Sawirada Goobta Qaraxa. Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Berbera)-Maayirka magaalada Berbera ayaa loo doortay Cabdishakuur Ciddin halka ku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde. Qaabkii ay u dhacday doorashada maayirka iyo maayir ku-xigeenka Berbera: Fadhigii saaka waxa ka soo xaadiray 11 xubnood Cabdishakur Maxamuud Xasan (Cidin) oo u tartamayay maayirka Berbera waxa u coddeeyay oo gacanta u taagay 7 xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo u tartamayay maayirka Berbera waxa u coddeeyay 4 xildhibaan Xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuurcade) oo u tartamayay maayir ku-xigeenka Berbera oo waxa u codeeyay oo gacanta u taagay 7 xildhibaan Aadan Sahal Ducaale (Aadan Dheere) oo u tartamayay maayirka ku-xigeenka Berbera waxa u codeeyay 4 xildhibaan. Waxa xusid mudan in Musharraxii hore u shaaciyay in u tartamayo maayirka Berbera Maxamed Dable, ayaan isagu iman goobta Doorashada. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, gaar ahaan xero ciidan oo ku taalla, halka loo yaqaano Warshadda Nac-Naca ee degmada Wadajir. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo diyaarinayey ciidamo, si loogu tababaro xeradaasi. Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaasi, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo askarta ay waxyeelada soo gaartay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xerada oo isku geedaamay, isla-markaana wada baaritaano dheeraad ah. Wixii soo kordha kala soco: caasimada.net The post Deg Deg: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  16. Qarax khasaare geystay ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay xerada Gen. Dhega-badan ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo uu geystay qof ismiidaamiyey, ayaan laga heyn faahfaahin badan, balse waxaa la sheegayaa inuu ka dhacay xerada oo horay ahaan jirtay xerada Nac-naca. Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa kadib ay halkaas ka dhacday rasaas. Wixii kusoo kordha kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Berbera)-Maayirka magaalada Berbera ayaa loo doortay Cabdishakuur Ciddin halka ku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde. Musharraxii la tartamayay Maxamed Dable, ayaan isagu iman goobta Doorashada balse Cabdirashiid Xaaji Yuusuf, oo isna Kulmiye ka soo baxay ayaa la tartamay Ciddin, inkasta oo laga guulaystay. Warkan oo faah-faahsan goor dhaw kala soco Somalilandtoday.com Source
  18. Wararka naga soo gaarayo xerada tababarka ciidamada Dhaga-badan Ex xero nac nac ayaa sheegaya in goor dhaweyd uu ka dhacay qarax khasaaro geystay. Qof isku soo xiray waxyabaaha qarxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay gudaha xerada . Wararka ayaa intaas ku daraya in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxa. Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa xerada tababarka ciidamada Dhega-badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Degdeg:Maayarka & Maayar-xigeenka Berbera oo la doortay+Codadkay kala heleen & Xubno Madasha aan ka soo xaadirin & Xoggo kale oo xasaasiya Mayorka Cusub ee Berbera ayaa loo doortay C/shakuur Ciddin oo helay 8 Cod,Halka Maayarku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde oo helay 7 Cod Musharaxa kale ee u tartamayey Maayarnimada Berbera Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa helay 3 Cod halka ku-xigeenkiisa Aadan Dheerena helay 4 Cod Musharax Dable ayaan ka soo xaadirin Madasha Doorashada,Waxaana ku sugnaa Madasha Doorashada oo ka soo xaadiray 11 Xildhibaan oo keliya Qaran News
  20. Garabka Cabdishakuur Ciddin 4 Kulmiye ah 2 Waddani ah 1 Ucid ah Qaran News
  21. (SLT-Berbera)-Ammaanka magaalada Berbera ayaa saaka aad loo adkeeyay iyadoo inta badan dariiqyada magaalada lagu daadiyay Ciidamo sida ay ku soo warramayaan Wariyeyaasha ku sugan magaalada Berbera. Xubnaha cusub ee golaha Deegaanka Berbera ayaa dooran doona Maayir iyo ku-xigeen haddii aan wax isbedelin waxa xilka Maayirnimo tartan adagi ku dhexmari doonaa Maxamed Dable, oo ah Ganacsade siyaasadda ku soo biiray iyo Cabdishakuur Ciddin, oo hore Maayir uga ahaa magaalada. Wasiirro xukuumadda ka tirsan ayaa ku sugan magaalada, sidoo kale xubno mucaaradka ka tirsan ayaa iyana jooga magaalada. Xildhibaannada ayaa hadda galay hoolka ay doorashada ka dhacayso Midkasta Kitaab Qu’raan ah ayaa miiska loo sii saaray Mudanayaasha golaha Deegaanka Berbera oo inta maanta la dhaariyo iska dhex dooran doona Maayir iyo ku-xugeen. Garabka Cabdishakuur Ciddin, ayaa ka hor inta aanay gelin hoolka lagu dooranayo Maayirka iyo ku-xigeenka Berbera sawirkan iska soo qaaday. Kala soco Somalilandtoday oo isha ku hay mar kasta Source
  22. As Kenya was celebrating her independence in 1963, the people of the Northern Frontier District were mourning the death of their dream of self-governance under British rule. In the spring of 1962, at the Lancaster House Conference, the region’s delegation had demanded self-determination for the NFD. Source: Hiiraan Online
  23. (SLT-Morocco)-Wakiilka Israa’iil ee Morocco ayaa wali ka shaqeynaya hoteel ku yaalla caasimada Rabat, Ka Dib Markii Maalqabeenada iska Leh Guryaha waaweyni ay Diideen In ay Ka Kireeyaan Xarun ay Ku shaqayso Qusuliyaddu. bilo ka dib banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay dalka Oo dhan ayaa Waxa lagaga soo horjeeday heshiiskii caadiga ahaa ee ay wada saxeexdeen maamulka Morocco iyo Israel dhamaadka sanadkii la soo dhaafay. Diblomaasi ruug cadaa David Govrin ayaa shaqadan bilaabay lix bilood ka hor kadib Markii caadi laga dhigay Xidhiidhka u dhexeeya Marooko iyo Israel. Israa’iil waxaa la siiyay meel ay ka shaqeyso dowladda Morocco, oo aad uga fog bartamaha magaalada, laakiin Israa’iil ayaa diiday dalabkan. Source