-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Qaahira)-Maxkamadda Rayidka ee ugu sarraysa dalka Masar waxay taageertay xukun hore loogu riday 12 xubnood oo ka tirsan Ururkaasi oo laga mamnuucay dalkaasi. Ilo Garsoorka ayaa sheegay in Eedeysanayaasha lagu helay inay xidhiidh la lahaayeen dil-wadareed lagu dilay Askar ka tirsan Ha’addaha Ammaanka ee dalkaasi sannadkii 2013-kii. Xubnaha dilka lagu xukumay oo aan Rafcaan ka qaadan Karin Xukunkaasi waxaa ka mid ahaa Maxamed El-Beltagi oo hore uga tirsanaa Barlamaanka Masar iyo Osaama Yaasiin oo isna Wasiir soo noqday. Bishii April ee la soo dhaafay, ugu yaraan 9 ka tirsan Ururkaasi ayaa lagu fuliyey Xukun Dil ah, kadib markii eedeeyey weerar lagu qaaday Saldhig Bolis, oo 13 Askari lagu dilay. Ururka Walaalaha Muslimiinta Masar ama Akhwaanul-Muslimiinka Masar waxaa la asaasay sannadkii 1928-kii , waxayna mar ka mid noqdeen Mucaaradka dalkaasi, inkastoo markii dambe gebi ahaan Dhaqdhaqaaqooda laga mamnuucay dalkaasi. Source
-
Iyadoo uu maanta furmayo Kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa waxa soo baxaya guux ku saabsan abaabulka mooshin ka dhan ah heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, oo la soo xiriiray Puntland Post, islamarkaana ka gaabsaday in magacyadooda la xigto ayaa sheegay in ay u-diyaar-garoobayaan mooshin ka dhan ah heshiiska DP World. Xildhibaannada ayaa ku doodaya in muddada fulinta heshiiska DP World ee lagu heshiiyay ahayd laba oo ka bilaabata maalintii la saxiixay 6 April 2017, balse afar sano kadib aysan waxba ka fulin heshiiskaas, sidaas darteedna ay mooshin ku burinayaan. Dhinaca kale, xildhibaanno taageersan madaxweyne Deni ayaa aaminsan in arrinta DP World looga dambeeyo xukuumadda, maadaama ay tahay shaqo u taalla laanta fulinta ee dowladda (Executive branch of the government). Waxa xusid mudan, in aan weli la soo bandhigin qodobada Ajandaha Kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamanka, kaas oo u baahan marka hore in la ansixiyo, si loogu shaqeeyo. PUNTLAND POST The post Guux ku saabsan mooshin oo ka jira Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya. Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay khasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana gaarsiisa dad shacab ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’naa ayaa maalmahan soo hagaagaya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Golaha Amniga Qaramada Midoobay u gudbisay Qoraal ka dhan ah Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ayaa sheegay in Xildhibaano ay qeyb ka yihiin Cabdiraxmaan Odowaa, Mahad Salaad, wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macalim Fiqi iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah ay ka shaqeeyeen in magaalada Dhuusamareeb uu gaaro Janaraal Saadaq Joon. Xogta ayaa tilmaameysa in ujeedada socdaalkiisa uu yahay sugida ammaanka doorashada baarlamaanka, waxaana ogolaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoo ay soo baxayaan durbaba cabsi ay qabaan siyaasiinta muxaafadka ah ee ku dhow Madaxweyne Farmaajo. Siyaasiyiintaan muxaafadka ayaa aaminsan in musharaxnimadooda uu saameyn ku yeelan karo Janaraal Saadaq Joon maadaama uu hoggaamin doono ammaanka doorashooyinka. Xubnaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug ayaa aamisan in taliyaasha booliska ee Galmudug oo laga soo magacaabay Muqdisho iyo ciidanka ay wataan oo ka tirsan kuwa dowladda dhexe ay doorashada u boobi karaan Farmaajo muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasina ay keentay in ay Galmudug geeyaan Janaraal Saadaq Joon. Xariirka ka dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Villa Somalia ayaa ahaa mid wanaagsan muddo ka hor hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in mugdi soo kala dhaxgalay labada dhinac, inkastoo wax kasta is badali karaan. Tegitaanka Saadaq Joon iyo haddii u uku lug yeesho sugidda amniga doorashada Galmudug, waxay albaabka usoo xiri doontaa damacii madaxtooyada ee ahaa in xildhibaano taageersan si xoog ah looga saa soor Galmudug. The post Xog: Qorshaha tegitaanka Saadaq ee Dhuusamareeb iyo cidda ka shaqeysay appeared first on Caasimada Online.
-
Abshir Axmed Maxamed guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare ayaa sheegay in mas’uuliyadda ciidamadii loo qaaday Eritrea ay dusha ka fuuleyso madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhaamada Maxamed Cabdullahi Farmaao. Senator Abshir oo ka hadlay kulan muqdisho ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah waalidiintooda carruurtooda waysan iyo xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay xildhibaano isaga hor-muud u yahay ay u istaagayaan sdiii dalka dib loogu soo celin lahaa ciidamadaas . Guddomiye Abshir ayaa yiri : ” Waxaan hadda ku tala jirnaa in aan talaabooyin waawayn aan qaadno oo dhalintaas maqan xildhibaanada baarlamaanka federaalka soomaaliya labadiisa gole anagaa wakiil uga ah oo halkaan joogna, kuwa kalena waan gaarsiineyna iyo inta maqan, laakiin dhamaantood waxeey u taagan yihiin in ilmihii ay matalaayeen sidii loo heli lahaa oo dib dalkooda, dadkoodii iyo waaliidkoodii loogu soo celin lahaa”. Abshir ayaa sheegay in aan la isku heysan oo shaki aysan ku jirin in carruurtaas ay maqan yihiin . “Ilmahan in ay maqan yihiin dood kama taagna mas’uuliyadduuna waa mas’uuliyaad hal xaba ah madaxweynihii mudda xileedkiisu dhamaaday ayeey mas’uuliyaddaan oo dhan saaran tahay ” ayuu yiri senator abshir . Senoter-ka ayaa intaas hadalkiisa ku sii daray ” dadka kale ee mar marka qaar la leeyahay taliyaha ciidankaa saan sameyay, habeennimaa dadkaan la qaadaayay oo diyaarado lagu dal dalaayay, marka hortiinna waxaa rabaa anigoo ku hadlayo xildhibaanada halkaan jooga, xog ogaalnimada dowladda ku hadlaya cidda cidda mas’uuliyadda iska leh waa madaxweeynaha mudda xileedkiisu dhamaaday oo keliya , isagaa heshiiska soo gaaray, isagaa seddax mar tagay Eriteria, isagaa deal-ka soo galay isagaa ilmahaas gacanta u geliyay magafaha geeska Afrika “. Sikastaba hadalka ka soo yeeray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare senator Abshir Axmed Maxmed xilli ay cabasho xoogan ay muujinayaan waalidiinta carruurtooda tababarka loogu qaaday Eretria. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya. Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween. Abuukar ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya dilal iyo dhaawac ay duqeymaha Kenya u gaysteen haween iyo caruur Soomaaliyeed, wuxuuna Kenya ku eedeeyey dambiyo dagaal. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa dhowaan sheegay in Kenya aysan duqayn ka fulin karin Soomaaliya, yadoo aan marka hore lagu war gelin taliska Amisom iyo dawladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay qasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana gaarsiisa dad shacab ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Dowladda Kenya ayaa shalay sheegtay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu furi doonto safaaraddeedkii magaalada Muqdisho kadib soo jeedin ka timid dowladda federaalka Soomalaiya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sidoo kale lagu casuumay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu kusoo laabto Nairobi, oo uu dib u billaabo howlihiisa. The post DF oo golaha ammaanka u gudbisay dacwad xasaasi ah oo ka dhan ah KENYA appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dib u fureyso safaaradeedii ay ku laheyday Muqdisho, iyadoo safiirkii Soomaaliya ee Nairobi ka codsatay in uu dib ugu soolaabto shaqadooda. Qoraal ka soo baxay dowladda kenya ayaa lagu sheegay in ““Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya.” Hadalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa imaanaya xilli maalma ka hor ay sheegtay dowladda Soomaaliya in ay soo celisay xiriirkeedii kala dhaxeyay Kenya . Hoos Ka akhriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya . Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xil cusub kusoo kordhiyay gobolka Banaadir, kaasi oo aan hore uga jirin, sida lagu shaaciyey wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiye Filish ayaa wuxuu ku aas-aasay “Waaxda Abaarmiitooyinka magaalada Muqdisho”, oo uu u magacaabay Mudane Kamaaludiin Yuusuf Maxamuud. Filish ayaa aas-aaska waaxdan cusub ku sheegay mid muhiim ah, maadama gudaha caasimada ay kusoo badanayaan dhismayaasha abaarmiitooyinka. Waxaa xeerka cusub dhameystirkiisa uu guddoomiyaha u igmaday Waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar, sida ku xusan wareegtada uu soo saaray. Kamaaludiin Maxamuud ayaa noqonaya agaasimihii u horeeyay ee loo magacaabo Waaxda cusub ee Abaarmiitooyinka dowladda hoose ee Xamar. Hoos ka eeg wareegtada Filish The post Cumar Filish oo xil cusub ku soo kordhiyey G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Kal-fadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, ayaa sida qorshaysan maanta oo Talaado ah ka furmaya xarunta Baarlamanka ee Caasimadda Garoowe. Kal-fadhiga waxa si rasmiya u furi doona, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, islamarkaana wuxu ka jeedin doonaa khudbaddiisa waxqabad ee mudadii u dhexaysay labada Kal-fadhi. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la filaya in uu ka hadlo qorshayaasha kala duwan ee u degsan xukuumaddiisu in ay fuliso, gaar ahaanna barnaamijka doorashooyinka xisbiyada badan. Baarlamanka waxa horyaalla ajandayaal kala duwan, oo ay ku jiraan doorashada xubnaha Aqalka sare iyo ka doodista heshiiska horumarinta dekedda Boosaaso ee DP World oo aan waxba ka fulin. PUNTLAND POST The post Kal-fadhiga 48 aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta furmaya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka oo howl-gallo ka wada gobolkaasi ay la waregeen deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaasi, isla-markaana ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay qabsadeen deegaanada kala ah Macalinka, Sabriye ,Balod, Binaanka-Balow, moordiinle iyo Ciise Lugoole oo hoostaga degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay shaaciyeen saraakiisha. Sidoo kale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay howl-galladaasi ku dileen ugu yaraan illaa lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya. Xaaladda deegaanada ay la wareegeen ciidamada ayaa deggan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi. Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Shabeelooyinka. The post Ciidamada Xoogga dalka oo kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaano horleh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday inay dib u furtay duulimaadyadii tooska ahaa ee labada dal, ayaa waxaa soo baxaya walaac hor leh oo la xiriira halis ay wajahayaan duulimaadyadaas oo ah in markale la hakiyo. Aqoonyahanada Soomaalida ah qaarkood ayaa u arka in haddii aan xal buuxa laga gaarin arrimaha diblomaasiyadda la xiriira ee labada waddan ay mar kale saameyn ku yeelan karto shacabka labada dal, oo xilli kasta la hakin karo duulimaadyada. Kaafiye Naaleeye oo kamid ah Aqoonyahankaas ayaa walaac ka muujisay arrintaas ayada oo wareysi ay siisay idaacada VOA-da ku sheegtay in xiriirka labada dal oo xiliyadii dambe cago adag ku taagneyn uu saameyn xoogan ku yeelanayo duulimaadyada dib loo furay oo noqonaya cawaaqibta ugu weyn ee ka dhalan karta xiriir xumida labada waddan. “Dadka Soomaalida wadanka ay ugu safarka badan yihiin waa Kenya, marka waxaa dhihi karna rejada furitaanka diyaaradaha aysan weli jirin kalsooni buuxda oo ay ku furnaan karto, waayo caqabadihii taagna ma oga dadweynaha meesha ay ku dhamaadeen ama lagu xaliyay,” ayey tiri. Xayiraada Kenya ee duulimaadyada ayaa saameyn xoogan ku yeeshay isku-socodkii labada dal, ayada oo bulshada qaarkooda ay wareeg dheer u gali jireen sidii ay u tagi lahaayeen caasimadaha labada dal, inkasta oo ay hadda si maalinle ah usoo laabteen duulimaadyadii labada dal, kadib markii ay Kenya ku dhawaaqday inay laashay xayiraadaas. Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa weli mad-madow badan ku jiraa xiriir diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya, ayada oo bil ka hor dib loo soo celiyay xiriirkaas, lamana oga halka ay ku dambeyn doonto xiisada qabow ee xiligan ka dhex aloosan labada dal. The post Duulimaadyada u dhaxeeya Somalia iyo Kenya oo hal arrin ku xiran inay sii socdaan appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan, Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay kulan la sheegay inuu xalay dhex-maray isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka HirShabelle. Jeneraal Xuud ayaa sheegay in uusan jirin kulan siyaasadeed oo dhex-maray asaga iyo Yuusuf Dabageed, balse ay ku kulmeen munaasabad ay iskugu timid beeshoodu. Waxa uu xusay in markii ay isku arkeen Dabageed munaasabadaas, keliya ay isdhaafsadeen hadal kooban, ayaga oo aan marnaba ka hadal arrimo siyaasadeed iyo xiisada ka taagan Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay. “Dabageed wey jirtaa xalay inaan kulanay ee ma jirin wax kulan gaar ah oo ina dhex-maray anniga iyo isaga ee waxaan ku kulanay kulan qaraabeysi ah oo beesha u dhaxeeyay,” ayuu yiri Jeneraal Xuud. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa igu soo hadal qaaday in dadku naceen ana waxaan ku iri dadkada dhinac kasoo raac kuma necbe”. Majiro wax war ah oo kasoo baxay Yuusuf Dabageed oo ku aadan kulanka la sheegay iyo qaabka uu uga warbixiyey Jeneraal Xuud, hase yeeshe waxaa si weyn loogu baahiyay kulankaas baraha bulshada, ayada oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxay ka wada-hadleen labada mas’uu. The post Jeneraal Xuud oo war kasoo saaray arrin laga faafiyey appeared first on Caasimada Online.
-
ISBEDELkA CUSUB Todobada degmo ee Grade A waxa loo badinayaa in inta badan ay mucaaridku isku shubtaan oo ay ku guulaysan doonaan Maayaradooda iyo weliba ku xigeenadooda oo dhan. Kulmiye waxa uu doonayaa in uu ku mitido Berbera, Gebilay, iyo Laascaanood oo keliya. Taas oo markaa noqonaysa guushii labaad ee Mucaaridku ka gaadho doorashada weliba marka ay isku helaan Hargeysa oo caasimadii ah iyo Burco oo caasimadii labaad ah. Somaliland in kasta oo madaxbanaanida Dawladaha Hoose ay sharci ahaan xadidan tahay hadana lagama filayo in degmooyinka ay maayarada iyo ku xigeenadooduba ka soo jeedaan xisbiyada mucaaridku ay ku wareegi doonaan xisbul xaakimka, sidii hore u dhici jirtay. Taas oo keeni karta in khilaafyada golayaasha qaarkood uu si cad u muuqan karo ka dib marka ay is doortaan, xidhiidhka wada shaqaynta ee ka dhexeeya degmooyinka golayaasha uu mucaaridku hogaaminayo iyo Dawladda Dhexe ayaa laga fili karaa in aanu sidii hore noqon doonin balse sharciga ayuun baa muhiim ah in loo wada hogaansamo. Berbera in kastoo mucaaridku ay sheegayaan in ay ku gacan sareeyaan hadana waxa jira ilo wareedyo muhiim ah oo beeninaya waana isla berri hadii Alleh yidhaa waxa ay kala caddaan doontaa. Hadii Kulmiye laga qaado Berbera waxa markaa sida la filayo gacantiisa ku soo hadhi doona Gebilay iyo Laascaanood oo keliya. Degmooyinka Grade A Hargeysa………….. Mucaaridka Burco……………….. Mucaaridka Ceerigaabo………… Mucaaridka Berbera…………….. Kulmiye Gebilay…………….. Kulmiye Laascaanood…….. Kulmiye Waxa Qoray Cali Guray Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online – Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa shirweyne ay maanta ku qabsatay Magaaladda Muqdisho ee Gobalka Banaadir si weyn ugu cambaareysay shaqsiyaad ay sheegtay inay isku dayayaan inay boob ku qaataan kuraasta ay Qowmiyadda Banaadiriga ku leedahay matalaadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Shirweynaha oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha bulshada ayna ka hadleen Odayaasha dhaqanka, Culumaa’udiinka, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo waxgaradka kale ee Qowmiyadda Banaadiriga ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey Wasiirka Badroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo ninka ay isku heyb yihiin oo lagu magacaabo Cabdullaahi Shiiqeey Baa-Xasan. Qowmiyadda Banaadiriga ayaa ku eedeysay Wasiirka Badroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed inuu sanadkii 2016 uu Qowmiyadda Banaadiriga ka qaatay kursi Baarlamaanka oo ka mid ahaa lixdii kursi ee ay Banaadiriga ku lahaayeen golaha shacabka, kadibna uu gaystay magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed, kadibna u uku fariistay. Waxay intaas ku dareen in wasiirka uu mar labaad isku dayayo inuu kursi labaad ka dhaco Qowmiyadda Banaadiriga, si uu ugu fadhiisiyo nin qaabilsan dhanka dallaalida shidaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shiiqey Baa-Xasan, kaas oo wasiirka ay isku jufo yihiin, sida ay hadalka u dhigeen. Shirka waxaa si weyn la isula gartay in dhammaan tallaabooyinka uu wasiirka qaadayo iyo ninka ay isku beesha yihiin ee Baa xasan ah in ay yihiin Xadgubyo ka dhan ah xaquuqda bani’aadamnimo ee Beelaha Banaadiriga, Xaqa matalaadda ee qowmiyadda dulman ee Banaadiriga iyo ku tumasho dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya ee beelaha Soomaaliyeed siinayey matalaado ay ku heleen hab dib u heshiisiin ah, taas oo beel walba lagu xushmeynayey, balse Banaadiri kuraasteeda lagu hayo boob iyo dhac ay u geysanayaa shaqsiyaad adeegsanaya awoodda dowladda. “Waayahan danbe Qowmiyadda Banaadiriga waxaa lagu hayey farogalin aad u baaxad weyn oo isugu jirta dhan deegaan iyo dhan siyaasadeedba, taas oo ay geysanayaan shaqsiyaad iyo beelo boob ku sameynaya kuraasteena matalaadda. Waxaa jira shaqsiyaad dhibaato nagu hayo oo haddana sheeganaya in ay Ra’iisal Wasaarahaba iyaga ay keensadeen, bulshadana ay boobi karaan oo aan cidna wax ka qaadeyn, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee arrinta maanta aan u fadhinno ay xafiiskiisa quseyso inuu wax ka qabto shaqsiyaadka dhibaatada nagu haya ee adeegsanaya awoodda xafiiskiisa,” waxaa sidaas yiri Guddoomiyaha Dhalinyarada Banaadiriga Luqmaan Cali Macow oo shirka ka hadlay Sidoo kale Nanaddoon Kamaal Xaaji Maki ayaa yiri “Awalba Banaadiri waxay lahaayeen 6 kursi kaliya, lixdiina mid ayaa horey loo dhacay oo Baydhabo la geeyey, haddii haddana mid kale na laga dhaco waxaa soo baxaysa in aan weyno matalaad oo dhan, waxaana sidaa nalagu dhihi karaa banaadiri maba jirto, waana caddaalad darro” “Maalin walba haddii uu yimaado nin siyaasi ah oo dantiisa fiirsanaya, uuna xaquuqdeena ku tunto waa dhibaato, anaga waxay nagu noqonee Karaamo darro. Ra’iisal wasaare wax ka qabo arrintan,” ayuu sii raaciyey. Malaaq Muxudiin Xaaji Xuseen oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Banaadiriga kuwooda ugu da’da weyn oo shir weynaha ka hadlay ayaa sheegay in Banaadiri la dulmiyo mar walba, aysanna jirin dowlad wax ka qabata maaddaama ay qowmiyaddu yahay mid nabadeed. Malaaqa ayaa waxaa uu yiri “Qowmiyadda Banaadiriga way dulman tahay, dulmigaasna waa loo wada jeedaa, haddana cid wax ka qabaneyso ma jirto. Hase yeeshee dulmigaasi kama aamuseyno, waan ka qaylineynaa, waan ka gilgilaneynaa, waana ka qaylineynaa inta tabarteena ah.” Marwo Fowsiyo Malaaq oo iyada ku hadashay codka haweenka Banaadiriga ayaa waxaa ay tusaale siisay Ra’iisal Wasaare Rooble, iyada oo canbaareysay shaqsiyaadka u duuban ku tumshada xaquuqda Banaadiriga, isla markaasna baaq u dirtay Ra’iisal wasaaraha inuu wax ka qabto kooxda boobka ku heysa Banaadiriga. Fowsiyo Malaaq ayaa tiri “Ra’iisal Wasaare waxa maanta kula hadlayaa waa dhammaan qowmiyadda Banaadiriga oo ay u dhan yihiin Culumaa’udiinkooda, Dhaqankooda, Aqoon yahankooda, siyaasiintooda, Dhallinyaradooda, haweenkooda iyo waxgaradkooda. Waxaan cod dheer iyo cod gaaban kugu leenahay naga dhici kooxda qowleysatada ah ee xaqeena boobeysa, xaqeena inooga dhici. Ra’iisal Wasaare, waxaan rabnaa caddaaladda in aad fiiriso, reer Banaadir way dulman yihiin, waxaan kaa codsaneynaa in aad xaqooda u soo dhiciso.” Aqoonyahan Muscab Maxamed Axmed oo ku hadlayey codka aqoonyahanadda Banaadiriga ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la iska difaaco dulmiga ay shaqsiyaadkan ku sameynayaan Qowmiyadda Banaadiriga, isaga oo sheegay in ay marar badan cabasho ka gudbiyeen balse aan waxba laga qaban. “Horey waxaan u dirnay farriin ah in dhammaan talada Banaadiriga looga danbeeyo oo loo maro odayaasha dhaqanka ee hormuud ah, farriinteenaas jawaab lagama soo bixin, mar labaad odayaasha dhaqanka Banaadiriga waxay codsadeen in guddiga doorashada ee kuraasta Banaadiriga oo markoodii hore aan laga talo galin, balse hadda ay arrintooda mar kale taagan tahay in iyaga laga talo galiyo, illaa haddana looma jeedo wax ka soo jawaabay codsigaas, maantana waa baaqii seddaxaad, sidaas darteed, maaddaama aan u taagan nahay xaquuqdeena in aan u doodno waxaan ka codsaneynaa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in uu ina dhegeysto oo cabashadeena wax ka qabto.” Ugu danbeyntii shirweynaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu arrinta soo farogaliyo, isla markaasna Ra’iisal Wasaarihiisa ku qanciyo inuu u caddaalad falo Qowmiyadda Banaadiriga. Hoos ka daawo shirka The post Daawo: Beelaha Banaadiriga oo ka digay qorshe socda oo lagu boobayo kuraastooda appeared first on Caasimada Online.
-
Loolanka loogu jiro Maayarka Berbera oo Meel xasaasiya gaadhay & Xoggihii u danbeeyay+ Xukuumado Oo Ciidamo Tiro Badan Gaysay & Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka Oo Gaadhay Loolanka Kursiga Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Ee Maayarka Berbera ayaa, Xiisadiisa iyo Hadalhayntiisu gaadhay Meel Adag, Kadib Markii Wasiiro Katirsan Xukuumadu ku kala aragti duwanaadeen, Cida Noqonaysa Maayarka, iyadoo Wasiirka Arimaha Guduhu gaadhay Magaalada Berbera ujeedada Socdaalkiisa ha ugu badnaato in Xukuumadu siweyn uga Shakiday Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Cabdilaahi Abokor, oo isagu Kasoo horjeeda in Maayarka Wakhtigan ee Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin uu Mar labaad dib ugu Soo Noqdo Hogaaminta Golaha Deegaanka Degmada Berbera. Gudaha Magaalada Berbera oo Siweyn looga Dareemayo, dhaqdhaqaaqa Xisada Loolanka Maayarka oo ay Si Xamaasad leh ugu Hirdamayaan Maayarkii hore u hayay Xilka Cabdishakuur Cidin iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Dable, oo kasoo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyadoo ay Galinkii Dambe ee Maanta isla Magaalada Berbera Gaadheen Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii hore ee Madaxtooyada, oo isaguna indhawaale Dhex Socod ku ahaa Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Kuwa Muxaafidka ah Waxaana gabi ahaanba Magaalada Ka Muuqda In Xukuumadu adkaysay Amaanka Magaalada oo Looga Cabsi Qabo in Xiisada Loolanku Saamayn ku Yeelato. Sikasta, oo ay Tahey Loolanka Kursiga Maayarka Degmada Berbera ee u Dhexeeya Labada Xildhibaan Cabdishakuur Cidin iyo Maxamed Dable, ayaa ah Mid Wali Natiijadiisa iyo Saadaasha sida loogu kala gacan sareeyaa ay Xaqiiqdeedu ka Maqan tahay Guud ahaanba Bulshada Reer Somaliland oo Siweyn isha ugu haysa Maadaama Taageerayaasha labada Dhinac uu Mid Waliba Dhinaciisa ka Gudbinayo Warar Guushooda ku Saabsan, haddana, Waxaa Xogogaal badani Xaqiijinayaan in Labadii habeen ee u Dambeeyay, Tirada Aqlabiyada Xildhibaanadu usoo Noqotay Dhinaca Xildhibaan Cabdishakuur Cidin Waxaana dhaq dhaqaaqyada loogu jiro maayarka berbera kusoo biiray in Gurmadka Hargeysa uga tagey Xildhibaan Dable uu Xoojiyay Rajadiisa Khusuusan Gudoomiye Cirro, oo Culays badan Saarey Xildhibaan Nuur Cadde oo isagu go,aan ku Qaatey in aanu Cidin meelna uga hadhin. Sidoo kale xogaha dheeraadka ah ee laga helayo hirdanka maayarka berbera ee udhexeeya xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ayaa sheegaya in maayarkii hore ee berbera cidin iyo xildhibaan maxamed dable ay aad iskugu dhow yihiin xildhibaanada ay kal haystaan wallow qolo kastaa dhinaceeda guul sheeganayso balse warar ka madaxbanaan ayaa sheegaya in ay adag tahay guusha ay ku kala badin karaa iyadoo maalinta bari ah loo balansan yahay fadhigii kowaad ee golaha deegaanka berbera oo lagu dooran doono maayarka iyo maayar kuxigeenka magaalada berbera Isku soo Wada duub oo Wararka xogogaalka ahi Waxey Wali Dul joogaan, in Aqlabiyada Xubnaha Golaha Cusub ee Deegaanka Degmada Berbera uu gacanta ku hayo Xildhibaan Cabdishakuur Cidin kuwaasi oo lagu sheegay in uu haysto 7xildhibaan halka xildhibaan dablena uu haysto lix xildhibaan iyadoo Saakaba Fadhiga Golaha Lagu Kala Calaf qaadi Doono. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo shalay dib ugu laabtay Baydhabo ayaa ka hadlay diyaar garowga howlaha doorashada xildhibaanada labada Aqal ee lagu qabanayo deegaanada maamulkaas. Madaxweynaha ayaa sheegay inay si weyn u adkeyn doonaan amniga labada Goobood ee ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe, xili uu si dar-dar leh u socdaan howlaha doorashada dalka. Laftagareen ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisi uu si buuxda ugu diyaar garoobay doorashada uu galayo dalka, islamarkaana ay deegaanadooda ka qaban doonaan doorasho xur iyo xalaal ah oo wada-ogol ah. Hadalka madaxweynaha HirShabelle ayaa imanaya xili dhawaan la filayo in dalka ka qabsoomto doorasho, taasi oo uu dalka u jiheeyay heshiiskii doorashada ee 27-kii bishii hore lagu saxiixay magaalada Muqdisho. Amaanka doorashada la filayo inay ka qabsoomto dalka ayaa waxaa amaankeeda iska kaashan doona ciidamada AMISOM iyo kuwa booliska Soomaaliyeed. The post Yaa sugaya amniga goobaha lagu qabanayo doorashada labada aqal ee K/Galbeed? appeared first on Caasimada Online.
-
18 qof oo Maxakamadda Ciidamda Puntland ay ku riday xukunno dil ah kadib markii lagu helay falal argagixisnnimo ayaa maanta maxkamadda sare ee ciidamda ay ayiday xukunkii lagu riday. 17 ka mid ah dadkan ayaa lagu xukumay dil, halka ay midka 18-aad lagu xukuntay xabsi daa’in. Qaran News
-
Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hey’adda CARE International ayaa kala saxiixday mashruuca wax Bar Carruurta oo ay ka faa’iideysan doonan 57000 oo ah carruurta Soomaaliyeed ee aan aadin (School) waxbarasho. Wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacaliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hey’adda CARE Internatonal ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday mashruuca loo yaqaano wax bar carruurtaada (Educate your Children), oo ay is ka kaashanayaan wasaaradda Waxbarshada iyo Hay’adda CARE kaasi oo kordhin doona tirada ardayda Soomaaliyeed ee aadaya goobaha waxbarashada lana qorsheeyay in lagu kordhiyo carruurta hadda waxbarata tirro gaareysa 57000 oo arday. Mashruucaan ayaa waxaa wasaaradda waxbarashada u Saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacaliinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Caabi Xasan iyo maamulaha mashaariicada waxbarashada, hurumarinta ee Hay’adda CARE International u qaabilsan Soomaaliya mudane Ibraahim Maxamed Nuur, inta uu socodo mashruucaan ayaa waxaa maalgelinaya Educate a child of Qatar Foundation ee Dowladda Qatar oo soo marsiisay hey’adda CARE International. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda CARE International oo kala saxiixday mashruuc waxbarasho appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE At least 33,000 children in parts of Tigray, Ethiopia, at imminent risk of death as conflict increases famine threat Statement by UNICEF Executive Director Henrietta Fore NEW YORK, United States of America, June 14, 2021/ — “At least 33,000 children in inaccessible parts of Tigray, Ethiopia, are severely malnourished and face imminent death without immediate help. “These children are among more than 2.2 million in northern Ethiopia who are acutely food insecure, including at least 140,000 in Tigray who are already facing famine-like conditions (IPC level 5). In the last month alone, we have seen a four-fold increase in weekly admissions of children for treatment of severe acute malnutrition. UNICEF projects that 56,000 children under five in Tigray will need treatment this year for severe acute malnutrition – almost six times higher than the average annual caseload for the region. “The rates of malnutrition among pregnant and breastfeeding women are consistently above 40 per cent, threatening the lives of newborn babies and their mothers. “Making matters worse, the malnutrition crisis in the region has coincided with extensive damage to essential systems and services on which children depend for their survival. Mobile health and nutrition teams have been attacked and harassed. Health facilities have been looted or damaged and essential vaccination capacity has ground to a halt. Many health workers have not returned to work. Destruction of water infrastructure has caused an extreme scarcity of safe drinking water. “These developments could lead to outbreaks of disease, putting malnourished children at even greater risk of death. Sites hosting displaced children and families are especially vulnerable to disease transmission because of overcrowded and unsanitary conditions. “The situation, while already a catastrophe, could deteriorate further as food insecurity is expected to worsen over the coming months – especially if crops cannot be planted. “UNICEF is making every effort to prevent this from happening. Our aim is to reach every child across the region with critical health, nutrition, water, sanitation, education, and protection services. This includes working with our partners so that all severely malnourished children get lifesaving treatment before it is too late. “But we urgently need strengthened funding support from donors as we expand our critical programmes for children over the coming months to reach all those in need. “It is also imperative that parties to the conflict ensure that humanitarian actors, including UNICEF, have unimpeded and safe access on the ground to stave off widespread famine and to reach those in need. Mobile health and nutrition teams require access to the 21 hard-to-reach districts to serve children, and we must be able to safely carry out the upcoming measles, polio, vitamin A and nutrition campaign across all areas of the Tigray region. “In addition, parties to the conflict have an obligation to keep children safe from harm and to end attacks on civilians and civilian infrastructure, including health care and water facilities. “More than anything, the region’s children and their families need an immediate cessation of hostilities so that they can safely obtain lifesaving services and begin to rebuild their lives.” Multimedia content available for download here. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Children’s Fund (UNICEF). SOURCE United Nations Children’s Fund (UNICEF) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo ra’iisul wasaare Rooble ay isugu tegi doonaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoos. Halkaas maalmaha soo socda waxaa lagu qaban doonaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana shirkaas marti geli doonta Jubbaland. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka ay Kismaayo ku yeela doonaan waxaa looga hadli doonaa dardar gelinta doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxaa shirkaas lagu qiimeyn doonaa waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii lagu kala saxiixday magalaada Muqdisho 27-kii bishii May. Illaa hadda waxaa ka hir-galay heshiiskaas in guddiyada doorashooyinka laga reebay qaar ka mid ah xubnihii laga cabanayey ee la tilmaamay inay ka tirsan yihiin shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qaranka, inkastoo ay weli aysan tallaabadaas ku qancin musharaxiinta qaar. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa tan iyo markii lasoo magacaabay safarro ku tegay dhammaan xarumaha dowlad goboleedyada dalka, markii laga reebo magaalada Kismaayo oo haatan la sheegay inuu ku wajahan yahay, isla markaana uu halkaas ku shir guddoomi doono shirka Golaha Watashiga Qaran. The post Xog: Rooble iyo madax goboleedyada oo ku wajahan Kismaayo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay laga dejiyey ciidamo aad u hubeysan oo hor dhac u ahaa wafdigiisa maanta gaaray Dhuusamareeb. Saadaq Joon lama hadlin saxaafadda, lamana shaacin u jeedada dhabta ah ee safarkiisa Dhuusamareeb, balse warar ay heshay Caasimada Online waxay sheegayaan in Dhuusamareeb uu ka dhigan doono saldhigiisa ugu weyn inta ay socodaan doorashooyinka dalka. Salkaalkaan ayaa ilaalo xoog leh la tegay Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in qorshihiisu uu yahay inuu saameyn ku yeesho doorshada dalka, gaar ahaan xildhibaanada lagu soo dooranayo Galmudug oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo. Warar aan la xaqiijin waxay tilmaamayaan inuu isku soo sharaxi doono Senator, gaar ahaan kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari, kursigaas oo Aqalka Sare ka soo gala magaalada Cadaado. Saadaq Joon ayaa maalin ka hor ka soo laabtay safar dibadda ah oo mudooyinkii dambe uu ku maqnaa, waxaana jirta xurguf xoog leh oo kala dhaxeysa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa dagaal toos ah iyo mid siyaasadeedba ku qaaday Saadaq Joon markii uu noqday sarkaalkii ugu horeeyey ee ka hor yimid mudo kororsigii fashilmay ee dhacay 12-kii Abriil, waxuuna Farmaajo garaadihii iyo xuquuqdiisii ciidan kala noqday Saadaq Joon. Safarka Saadaq Joon ee Dhuusamareeb waxa uu ku soo aadayaa xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uusan weli soo magacaabin xubnihii laga sugayey ee guddiyada doorashada, waxaana maalmihii u dambeeyey soo baxaysay xog sheegeysa in Qoor Qoor cadaadis la xariira magacaabidda guddiyadaas uu ka soo wajahaayo xafiiska Farmaajo oo doonaya inuu sameyn ku yeesho. The post Saadaq Joon iyo ciidamo la socda oo gaaray magaalada… appeared first on Caasimada Online.
-
Ragga xukunka lagu diray Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta oo isniin ah xukun ku diray 18 nin oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. 17 nin ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka nin kale lagu xukumay xabsi daa’in, waxaana xukunku ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Maxkamadda ayaa sheegtay in raggan lagu helay ku lug lahaanshaha ku dhawaad 300 oo ruux oo 13 kii sanno ee u dambeysay siyaabo kala duwan loogu dilay deegaannada Puntland. 5 ka mid ah ragga toogashada lagu xukumay ayaa la sheegay in ay yihiin raggii go’aamin jiray dilalka iyo qarxyada magaalada Gaalkacyo. Raggan waxa horay u soo xukuntay maxkamadda darajada kowaad ciidamada ee gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: 17 nin oo dil toogasho lagu riday appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilada Qaramada Midoobe, Midowga Afrika, Safiirka EU iyo Urur Goboleedka IGAD. Qoraal ka soo baxay Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu Wakiillada Beesha Caalamka uga warbixiyey sida ay ugu diyaargaoowday Hirshabeelle doorashada heer federaal, uuna cadeeyay inay qaban doonaan doorasho xalaal ah oo si nabad ah ku dhacda. Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu kala hadlay Wakiillada Beesha Caalamka howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada Shabeelooyinka, soona jeediyay in howlgadaas ay ku biiraan ciidamada AMISOM. Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle waxa uu ka codsaday Beesha Caalamka in la garab istaago oo loo gurmado dadka ay dhibaateeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle lagana wada shaqeeyo xal u helida aafooyinka fatahaada iyo in la hirgaliyo biyo xireeno. Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa cadeeyay in Hirshabeelle ka caawin doonaan xal u helida fatahaadaha iyo caawinta arrimaha bini’aadanimada. PUNTLAND POST The post Guudlaawe oo ka codsaday Beesha Caalamka in AMISOM ku biirto howlgallada Shabeellooyinka appeared first on Puntland Post.
