-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa xalay khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xiriirka labada waddan iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyo weliba dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Qatar ee QNA. Wakaaladda wararka ee Qatar waxay sidoo kale heegtay in ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi farriin uu ka siday Amiirka Qatar uu gaarsiiyey madaxweynaha Soomaaliya. Farriintan ayaa la sheegay in ay sidoo kale ku saabsanayd xiriirka labada waddan, iyo muhiimadda dib u heshiisiin qaran oo Soomaaliya ka dhacda, si looga dhabeeyo xasilloonida waddanka, sida lagu sheegay farriintaasi ay baahisay wakaaladda wararka ee Qatar. Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar ayaa maalmahan booqasho ku joogay Soomaaliya, waxaana uu shirar kala duwan la yeeshay madaxda dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay xoojineyso taageerada ay siiso Soomaaliya, iyada oo ballan qaad horleh u sameysay dowladda federaalka Soomaaliya. Waaxda cadaalada Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay Soomaaliya ka caawineyso nidaamka Garsoorka, si loo helo garsoor’ si u hufan ugu shaqeeyo dadka Soomaaliyeed. Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in sare loo qaado adeegga garsoorka ee dalka, maadaama aysan shacabka Soomaaliyeed waqti dheer helin garsoor iyo cadaalad la’isku haleen karo. “Mareykanka wuxuu ka caawinayaa Soomaaliya in ay ka dhigto nidaamkeeda garsoor mid wax ku ool ah oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed oo waqti dheer aan helin garsoor la isku halayn karo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay waaxda cadaaladda ee wadanka Mareykanka. Sidoo kale waaxda cadaalada Mareykanka ayaa tilmaamtay inay xooga saari doonto sidii loo mideyn lahaa dhammaan hay’adaha garsoorka dalka, gaar ahaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ka jira Soomaaliya. “Sidii loo mideyn lahaa ku dhaqanka shuruucda ee hay’addaha garsoorka hoostaga Dowladda Faderaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka”, ayaa markale lagu yiri qoraalka. Si kastaba Mareykanka ayaa horey Soomaaliya uga taageerayey dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo sidoo kale ammaanka dalka. The post Mareykanka oo ballan-qaad cusub u sameeyey DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble maanta oo Talaado ah magacaabay Guddi kasoo tala bixiya xalka gaarista qalalaasahii ka dhacay magaalada Muqdisho. Guddiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa guddoonmiye u ah wasiirka amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubay Jimcaale waxayna kala yihiin lix wasiir iyo shan mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya. 1. Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale Guddoomioye 2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin 3. Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Xubin 4. Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin 5. Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin 6. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaalla) Xubin 7. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin 8. Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas dhageey) Xubin 9. Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) Xubin 10. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin 11. Xildhibaan Mahad Maxamed Salad Xubin. PUNTLAND POST The post Rooble oo magacaabay guddi ka soo tala-bixiya xallinta qalalaasihii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga ka kooban 11 Xubnood oo kasoo talo bixiyo sidii xal looga gaari lahaa Khala-laasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya. Rooble ayaa sheegay inuu Guddigaan magacaabay markii uu arkay qodobka 99-aad farqadiisa A,B iyo F ee Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, Qodobka 100-aad Farqadiisa A iyo B ee dastuurka iyo baaqii Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in Rooble uu la wareego Mas’uuliyadda Doorashada iyo Amniga. Guddiga la magacaabay ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Xasan Xundubey, waxaase ku jira xildhibaano iyo xubno ka tirsan mucaaradka Guddiga ayaa wuxuu ka kooban yahay xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee mucaaradka ah iyo kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, Sidoo kalana waxaa kasoo muuqday Wasiiro ka tirsan Xukuumadda. Ra’isul wasaare Rooble ayaa guddigaan u xil saaray: 1- Xallinta caqabadaha saameeyey Ciidanka ee ka dhalatay Arrimaha Siyaasadda 2- Dib u celinta ciidamada kasoo baxay furumaha ee soo galay Magaalada Muqdisho 3- Baabi’inta calaamadihii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacay Muqdisho. Rooble ayaa guddigaan faray inay muddo shan maalmood ah kusoo gaba gabeeyaan xal ka gaarista khilaafka ciidamada iyo xiisadda ka jirto Muqdisho. Shaqada Guddigaan ayaa waxay ka bilaabatay maanta oo ay tariikhda tahay 4 Bisha May 2021. Magacyada Guddiga la magacabay Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Guddoomioye Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Xubin Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaalla Xubin Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin Senator Dhagey Geelle Ugaas Xubin Senator Cabdi Aaden Dhuxulow (Dhagdheer) Xubin Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin Xildhibaan Mahad Salad Xubin The post Rooble oo guddi ay ku jiraan mucaaradka u magacaabay xiisadda Muqdisho + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka socda Xukuumadda iyo Xubnaha Mucaaradka u saartay khalalaasihii iyo shaqaaqooyinkii ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka Muqdisho ku dhex maray . Rooble ayaa guddigan oo ka koobaan illa iyo 11 xubnood ayaa ka shaqeyn doona sidoo kale sidii ciidamada ka gadooday mudda kordhinta dib loogu celin lahaa Xeryaha ciidamada . Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz ayaa magacaabay wasiirka cusub ee dhaqaalaha, halka wiilka ugu weyn carruurtiisa nool-na uu u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee boqorka. Boqor Salman ayaa wasiirka dhaqaalaha iyo qorsheynta u doortay Faisal al-Ibrahim, oo hore u ahaa wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, xilkaas oo uu hayey tan iyo horraantii 2018. Al-Ibrahim ayaa sidoo kale hore xilal uga soo qabtay shirkadda shidaalka dalkaas ee Aramco iyo Golaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan ayaa ahaa sii-hayaha xilka wasiirka dhaqaalaha tan iyo sannadii tegtay markii la beddelay wasiirka dhaqaalaha. Dikreeto kale oo ay daabacday warbaahinta dowladda, ayaa Boqor Salmaan wuxuu Amiir Sultan bin Salman ugu magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee aabbihii. Amiirka ayaa hore madax uga ahaa Maamulka Hawada Sare ee Sacuudiga, isaga oo cuskanaya khibraddiisa ah inuu ahaa cir bixyeenkii ugu horreeyey ee Carbeed ee taga hawada sare 1985-kii Maamulka Hawada Sare ayaa waxaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Abdullah al-Swaha, oo sidoo kale ah wasiirka isgaarsiinta iyo taknoolajiyadda. Iman al-Mutairi ayaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka ganacsiga, ayada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Sacuudi Carabiya. Source
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen xaaladdihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo arrimaha doorashada Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Qoraal uu soo saaray ku sheegay in sidoo kale Dr. Mutlaq Al-Qahtani ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal. “Waxa aan la kulmay ergeyga gaarka ah Qatar Dr. Mutlaq alQahtani, waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal”. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka uga mahadceliyay booqashada u ku joogo Caasimadda dalka ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Mahdi Guuleed oo la kulmay Ergayga Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Wefti Safiirada UK u fadhida Somalia Hogaaminaysay Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Wefdiga ay Hoggaaminaysay Safiirka Ingiriiska ayaa waxa ay ka wada hadleen hannaanka qabashada doorashada isku sidkan, tacadiyadda Taliyaha Boolisku ku hayo Murashixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, Xadhiga Sharci darrada ah ee lagu haysto Xubno Musharrixiin ah oo ay ansixiyeen Komishinka Doorashooyinka isla markaana haysta xasaanaddii sharcigu siiyey. Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa Wakiilada Beesha Caalamka u caddeeyey in aanay marnaba aqbali karin sii socodka tacadiyddan ka dhanka ah Murashixiinta Xisbiga WADDANI, iyaga oo hore ugu caddeeyey mawqifkooda War-Saxaafadeedkii dhawaan ay soo wada saareen Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI. Ugu dambeyn, Safiirka Ingiriiska iyo Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa isla garowsaday muhiimadda ay doorashadan isku sidkan u leedahay Qaranka Jamhuuriydda Somaliland, isla markaana isla garwaaqsaday sidii caqabadaha oo dhan looga qaadi lahaa habsi u socodka doorashada. Qaran News
-
Somaliland: President Muse Bihi Receives UK Envoy The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, received a delegation from the United Kingdom, led by Ambassador Kate Foster. The delegation which was accompanied by the head of the British Office in Somaliland, Stuart Brown, met with the President and senior cabinet officials on Monday at the Presidency in Hargeisa. Ambassador Foster, who is making her maiden visit to Somaliland, thanked the President and the people of Somaliland for the warm welcome accorded to her and her delegation. The President and the United Kingdom delegation discussed areas of mutual interest, including strengthening the ties between Somaliland and the UK, good governance, democratic elections and aid. The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, briefed the delegation on the history of Somaliland and it’s progress since reclaiming it’s sovereignty after the demise of the union in 1991. The UK delegation is expected to meet with the opposition parties, civil organizations, and the National Elections Commission. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke horeyna usoo noqday Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay sida uu Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble ugu guuleysan karo inuu dalka ka qabto doorasho xalaal ah laguna wada qanacsan yahay. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in guul uu Rooble ka gaaro doorashada dalka ay ku xiran tahay in marka hore dib u habeyn lagu sameeyo madaxda Hey’adaha Amniga Wadanka maadaama uu shaki soo kala dhex galay Saraakiisha iyo Taliyeyaashaa Ciidamada kadib dagaalki ka dhacay Muqdisho. Sharma’arke oo ka tirsan Aqalka Sare waligiisna aan kasoo qeyb gelin kulamadii uu afartii sano ee lasoo dhaafay yeeshay golaha u ka midka yahay ayaa xusay in Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u baahan yahay jawi xasiloon si uu ugu guuleysto waajibaadka culus ee loo igmaday. “Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada Amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada socda ee doorashada. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu mudan yahay jawi deggan si uu ugu guuleysto wadaxaajoodyadda loona maareeyo geeddisocodka doorashooyinka. Xaaladdaan ayaa si deg deg ah loogu baahan yahay dib u habeyn hoggaanka hay’adaha amniga ah si loo mideeyo loona tayeeyo ciidamada,” ayuu yiri Sharmaake oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa rumeysan in Rooble uusan wali u madax-banaaneyn go’aanadda qaar, waxaana ay ku booriyeen in si loo uu u helo kalsooni buuxda uu u baahan yahay isbedel uu ku sameeyay hay’adaha ammaanka oo ku milmay siyaasada. Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu hogaamiyo geedi-socodka doorashooyinka iyo qorshaha guud ee ammaanka qaranka inkastoo arrintaas laga muujiyey shaki. Weli waxaa shaqeyn la’ amarkii Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa in ciidamada ay ka baxaan Muqdisho kuna laabtaan xeryahooda, waxayna weli labada dhinac isku hor fadhiyaan goobihii ay horey ugu dagaalameyn inkastoo magaalada Muqdisho ay dagan tahay maalmihii ugu dambeeyey. The post CC Sharmaake oo shaaciyey arrin Rooble ka caawin karta qabashada doorasho appeared first on Caasimada Online.
-
Taajirka Bill Gates & Xaaskiisa oo soo afjaray Guurkooda+Siday isku barteen & Goortay aqal galeen+Xoggo kale Bill iyo Melinda Gates ayaa aqal-galay 1994 Bill Gates iyo xaaskiisa Melinda ayaa shaaciyay in ay soo afjarayaan guurkooda, kadib markii ay wada joogeen muddo 27 sano ah. Waxa ay sheegeen in “aanay u muuqan inay ka lammaane ahaan horumarkooda ka shaqeyn karaan”. “Kadib dedaal dheer oo ku aaddan xiriirkeena, waxaan go’aansanay in aan kala tagno,” ayay ku shaaciyeen baraha ay ku leeyihiin Twitter. Lammaanaha ayaa isbartay 1980-meeyadii xilligaas oo ay Melinda ku biirtay shirkadda Microsoft ee uu leeyahay Bill. Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah, si wadajir ah ayayna u maamulaan hay’adda samafalka ee Bill & Melinda Gates oo ah tan ugu weyn caalamka. Hay’adda ayaa balaayiin doollar ku bixisay la dagaallanka cudurrada iyo dhiiragelinta tallaalka carruurta. Lammaanaha oo kaashanaya maalqabeenka kale ee Warren Buffett ayaa billaabay ololaha Giving Pledge, oo ugu baaqa dadka dhaqaalaha haysta inay maalkooda ku bixiyaan samafalka. Bill Gates ayaa hadda ah ninka afaraad ee ugu taajirsan caalamka, waxaana uu haystaa 124 bilyan oo dollar, sida ay shaacisay majalladda Forbes. Waxa uu dhaqaalaha ka sameeyay shirkadda uu wax ka asaasay ee Microsoft, oo ah tan ugu weyn ee samaysa barnaamijyada Software-ka ee ay ku shaqeeyaan kumbuyuuraatka caalamka oo dhan. “27-kii sano ee la soo dhaafay, waxaan korinay saddex canug oo aad u wanaagsan, waxaana samaynay hay’ad ka hawlgasha guud ahaan caalamka, dadkana u sahasha inay helaan noolal caafimaad iyo wax soo saar leh,” ayay ku sheegeen war qoraal ah oo ay wadajir u soo saareen. “Waxaan ka sii wada shaqeyn doonnaa hay’adda, balse nooma muuqata in aan lamaane ahaan horumarkeena ka sii shaqeyn karno wejiga xiga ee noolasheena”, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Sidee ayay isku barteen? Melinda ayaa sanadkii 1987 ku biirtay shirkadda Microsoft, waxaana ay isla sanadkaas Bill ku kulmeen xaflad casho oo ka dhacday New York. Sidaa ayay ku billaabeen haasawahooda, sida uu Bill Gates u sheegay barnaamij ay ka diyaarisay shirkadda Netflix. Melinda ayaa sheegtay in Bill uu inta ay wada socdeen u soo bandhigay “faa’iidada iyo dhibaatooyinka uu leeyahay guurka”. Waxa ay sanadkii 1994 ku aqal-galeen jasiiradda Lanai ee gobolka Hawaii, iyagoo sida la sheegay kireystay dhammaan diyaaradaha helicopter-ka ah ee deegaankaas si ay uga hortagaan in dad aysan casuumin ay dul maraan jasiiradda. Bill iyo Melinda Gates Maxay tahay hay’adda Gates Foundation? Lammaanaha ayaa hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation sanadkii 2000 ku asaasay magaalada Seattle Waxa ay xoogga saartaa caafimaadka dadweynaha, waxbarashada iyo isbedalka cimilada Dhaqaalaha ay bixiso waxaa kamid ah 1.75 bilyan oo dollar oo ay ugu deeqday tallaalka iyo cilmi-baarista xilligan uu jiro Covid-19 Hantida hay’adda ayaa sanadkii 2019 lagu qiyaasay 43 bilyan oo dollar Muddo sanado ah, Bill iyo Melinda ayaa ku bixiyay hay’adda lacag ka badan 36 bilyan oo dollar Bill Gates ayaa sanadkii hore iska casilay xilkii uu ka hayay Microsoft si uu xoogga u saaro hawlaha samafalka. Qaran News
-
Boqor Salmanka Sucuudiga oo xilal Sarsare u magacaabay wiilkiisa & Xubno kale Boqor Salman Boqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz ayaa magacaabay wasiirka cusub ee dhaqaalaha, halka wiilka ugu weyn carruurtiisa nool-na uu u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee boqorka. Boqor Salman ayaa wasiirka dhaqaalaha iyo qorsheynta u doortay Faisal al-Ibrahim, oo horeey u ahaa wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, xilkaas oo uu hayey tan iyo horraantii 2018. Al-Ibrahim ayaa sidoo kale horey xilal uga soo qabtay shirkadda shidaalka dalkaas ee Aramco iyo Golaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan ayaa ahaa sii-hayaha xilka wasiirka dhaqaalaha tan iyo sanadii tegtay markii la beddelay wasiirka dhaqaalaha. Dikreeto kale oo ay daabacday warbaahinta dowladda, ayaa Boqor Salmaan wuxuu Amiir Sultan bin Salman ugu magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee aabihiis. Amiirka ayaa horey madax uga ahaa Maamulka Hawada Sare ee Sacuudiga, isaga oo cuskanaya khibraddiisa ah inuu ahaa cir bixyeenkii ugu horreeyey ee Carbeed ee taga hawada sare 1985-kii Maamulka Hawada Sare ayaa waxaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Abdullah al-Swaha, oo sidoo kale ah wasiirka isgaarsiinta iyo taknoolajiyadda. Iman al-Mutairi ayaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka ganacsiga, ayada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Sacuudi Carabiya. AP Qaran News
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo xubno ka tirsan Hoggaanka Sare ee Xisbiga ayaa shalay kulan saacado badan ah la qaatay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriisku u soo Magacowday Dalalka Somaliland & Soomaaliya, Marwo Kate Foster iyo Madax ka socota Xafiiska Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa. Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Wefdiga ay Hoggaaminaysay Safiirka Ingiriiska ayaa waxa ay ka wada hadleen hannaanka qabashada doorashada isku sidkan, tacadiyadda Taliyaha Boolisku ku hayo Murashixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, Xadhiga Sharci darrada ah ee lagu haysto Xubno Musharrixiin ah oo ay ansixiyeen Komishinka Doorashooyinka isla markaana haysta xasaanaddii sharcigu siiyey. Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa Wakiilada Beesha Caalamka u caddeeyey in aanay marnaba aqbali karin sii socodka tacadiyddan ka dhanka ah Murashixiinta Xisbiga WADDANI, iyaga oo hore ugu caddeeyey mawqifkooda War-Saxaafadeedkii dhawaan ay soo wada saareen Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI. Ugu dambeyn, Safiirka Ingiriiska iyo Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa isla garowsaday muhiimadda ay doorashadan isku sidkan u leedahay Qaranka Jamhuuriydda Somaliland, isla markaana isla garwaaqsaday sidii caqabadaha oo dhan looga qaadi lahaa habsi u socodka doorashada. Source
-
Weerar lagu dilay Askar Kenya ah oo ka dhacay Jubbada Hoose
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kismaayo ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurka Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Kaambooni iyo Buur-Gaabo oo ka wada tirsan gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu ku billowday qarax, islamarkaana uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac. Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarka ay qaadeen dagaalyahanadeeda ayaa sheegtay inay ku dishay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku gubeèn gaari nooca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Kenya, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM, gaar ahaan ciidamada Kenya oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka oo ay weli ku xoogan tahay. The post Weerar lagu dilay Askar Kenya ah oo ka dhacay Jubbada Hoose appeared first on Caasimada Online. -
(SLT-Washington)-Ergeyga dhowaan Maraykanka ay u magacabay Geeska Africa Jeffrey Feltman ayaa booqasho ku tegeya dhowaan wadamo ku yaal Geeska Africa. Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Blinken ayuu ku sheegey in Jeffrey Feltman uu booqan doono dalalka Masar, Eretria, Ethiopia iyo Sudan tan iyo 13-ka bishan May. Ergeyga Gaarka ah ayaa la kulmi doona masuuliyiinta dowladaha waddamadan, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa saamileyda siyaasadeed ee dalalkan iyo kooxaha arrimaha bani’aadanimada ka shaqeeya. Qoraalka uu soo saarey Xoghaye Blinken ayaa lagu sheegay in safarka Jeffrey Feltman ay hoosta ka xariiqeyso sida maamulka Mareykanka ay uga go’an tahay in ay hoggaamiyaan dadaallo diblomaasiyadeed oo wax lagaga qabanayo xasaradaha isku xidhan ee siyaasada, amniga iyo bani’aadanimada ee ka taagan Geeska Afrika, waxaana lagu xusay qoraalkaan in Ergeygan Gaarka ah uu xidhiidhin doono siyaasadda Mareykanka ee gobolka si loo gaadho yoolkaas. Mareykanka ayaa ku cadaadinaayey Ethiopia in ay soo afjarto colaadda gobolka Tigray oo soctay mudo lix bilood ah, waxaa kale saraakiisha Mareykanka ugu baaqeen Eretria in ay ciidamadeeda kala baxdo gobolkaas. Source
-
(SLT-Qadar)-Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa xalay khadka taleefonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomalaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Qatar ee QNA. “Intii uu socday wicitaanka, waxay dib u eegeen xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo hababka sare loogu qaadi karo looguna horumarin karo, waxaa taas dheer inay ka wada-hadleen dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka QNA. Wakaaladda wararka Qatar ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan wada-hadallada. Wada-hadallada ayaa imanaya ayada oo uu magaalada Muqdisho ku sugan yahay ergey gaar ah oo ka socda dowladda Qatar oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani kaasi oo la sheegay inuu dhex-dhexaadinayo dhinacyada Soomaalida. Al-Qahtani ayaa la kulmay raysal wasaare Rooble, guddoonka labada aqal ee baarlamanka, madaxweyne goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, hase yeeshee waxaa yaab leh in aanu weli la kulmin Farmaajo. Ujeedka ergeygan ayaa laga bixiyey fasiraado kala duwan. Taxliiliyayaasha qaar ayaa rumeysan inuu isku dayayo inuu wiiqo oo uu kala qeybiyo mucaaradka dowladda, halka qaar ay qabaan in soo diristiisa ay astaan u tahay in Qatar iyo Farmaajo ay sii kala fogaanayaan, islamarkaana Doha ay isku dayeyso inay saaxiibo cusub ku yeelato Soomaaliya. Source