Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Maamulka Galmudug, kuwaasi oo usii galbiyay madaxtooyada Galmudug. Kadib imaatinka wafdigan ayaa waxaa Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ku kulmay Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Wafdiga uu hoggaaminayo Amb, James Swan. Kulanka ayaa looga hadlat dar-dar gelinta doorashada, ayada oo labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii si dhaqso leh loo hirgelin lahaa howlaha doorashada, gaar ahaan mida deegaanada maamulkaas. Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan dhibaatada ka dhalatay Ayaxa oo ku habsaday degaano ka tirsan Galmudug iyo Arrimo kale. Socdaalka Wafdiga ayaa qeyb ka ah u kuur-gelida xaaladaha ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee magaalada, si loo xoojiyo amniga caasimada oo ay ku sugan yihiin wafdi heer sarre ah. Si kastaba, Kulankaan ayaa imanaya xili ay haatan Soomaaliya isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho. The post Sawirro: Qoor Qoor iyo Swan oo ku kulmay Dhuusomareb appeared first on Caasimada Online.
  2. Turkey on Tuesday "strongly" condemned the deadly blast in Somalia which left at least 20 people dead. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah, waxaa khilaaf xoog leh uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo dhinac isku ah iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Khilaafka labadaan masuul ayaa salka ku haaya wararka sheegaya in ammaanka doorashada Galmudug lagu wareejin doono taliyihii hore ee booliska Gobalka Banaadir Jenaraal Saadaq Joon, kaasoo dagaal la galay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Khilaafkaan ayaa soo billowday toddobaadyo kahor markii Madaxweyne Qoor Qoor uu gaarigiisa garoonka diyaaradaha ku geeyay taliye Saadaq Joon oo safar maalmo kooban qaatay ku tagay Turkiga markii uu ka soo laabtayna looga soo qaaday isla gaarigii Qoorqoo, waxaana labada jeer gaariga la saarnaa Madaxweynaha Galmudug iyadoo sababta lagu sheegay in uu Qoor Qoor uu xil gaar ah iska saarayay ammaanka taliyaha oo ay qaraabo yihiin. Qoor Qoor ayaa horey u kala dhex-galay dowladda iyo Saadaq Joon markii la isku dayey in lagu weeraro xaafadda Shiirkole ee magaalada Muqdisho, markaasi oo Qoor Qoor uu damaanad qaaday amniga Qoor Qoor. Madaxweyne Farmaajo ayaa aaminsan in Saadaq Joon uu soo saari karo xildhibaanada mucaaradka islamarkaana uu saameyn weyn ku yeelan karo doorashada Soomaaliya maadaama loo xil saarayo ammaanka goobaha doorashada waana sababta keentay in ay kala tagaan Madaxweyne Qoor Qoor iyo Madaxweyne Farmaajo. Farmaajo ayaa aad isugu haleynayey inuu helo inta badan xildhibaanada kasoo baxaya Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana hadidi Galmudug lagala wareego ay sii yareyn doontaa fursadihiisa. The post Xog: Khilaaf la xiriira howsha loo xil saari rabo SAADAQ JOON oo ka dhex qarxay Farmaajo iyo QOOR QOOR appeared first on Caasimada Online.
  4. UNITED NATIONS (AP) — Ethiopia’s U.N. ambassador said Tuesday that Eritrean troops who have been fighting with his country’s forces in a war against the Tigray region’s fugitive leaders “will definitely leave soon,” a move that would be welcomed by many including the United Nations whose humanitarian chief accused the Eritreans of using starvation as “a weapon of war.” Source: Hiiraan Online
  5. A moment of silence held by lawmakers for those lost to COVID-19 grew personal on Monday as Minnesota Rep. Ilhan Omar held back tears one year after her father died of complications from the virus. Source: Hiiraan Online
  6. Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa hormarineysa hindise cusub oo tobaneeyo tababarayaasha ciidamada gaarka ah dib loogu dirayo Soomaaliya, lix bilood kadib markii uu kasoo saaray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaa sidaas qoray New York Times. Hindisahan ayaan weli loo gudbin Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin III, sida ay sheegeen saraakiisha, mana cadda haddii madaxweyne Biden uu ansixin doono qorshahan. Qorshahan ayaa sidoo kale wajahaya cabaqado ay ka mid yihiin dood siyaasadeed ka taagan haddii ay tahay in la horumariyo xeerar cusub oo la xiriira ficillada tooska ah ee ka hortagga argagixisanimada, sida duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha drone-ka. Biden ayaa markii uu xukunka qabtay wuxuu xadiday howlgaladaas, illaa laga hormariyo siyaasad cusub. Militariga ayaa xilligii Trump haystay fasax ay ku fulin karaan howlgal kasta oo loo arko muhiim ayaga oo aan fasax soo dalban, hase yeeshee waxaa taas joojiyey Biden oo qasab ka dhigay in howlgal kasta la ansixiyo si loo yareeyo khasaaraha shacabka soo gaara. Wixii markaas ka dambeeyey Aqalka Cad ayaa diiday codsiyo dhowr ah oo ka yimid taliska AFRICOM oo Soomaaliya looga fulin lahaa duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, sababtoo ah ma aysan buuxin xeerarka cusub, sida ay sheegeen saddex sarkaal oo la hadlay New York Times. Inta badan 700 oo askari oo Mareykan ah oo Soomaaliya laga soo saaray bishii Janaayo ayaa la kala geeyey Kenya iyo Jabuuti, halkaasi oo saldhig u ah diyaaradaha drone-ka ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya. Waxaa hadda Soomaaliya ku sugan qiyaastii 100 sarkaal oo Mareykanka oo gacan ka gaysta isku ururinta xogaha ay soo gudbiyaan diyaaradaha daba-galka ee dusha kala socda dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab. Hase yeeshee, tijaabooyin ay sameeyeen militariga Mareykanka oo hab online ah ay tababarka u siinayaan ciidamada Soomaaliya ayaga oo jooga Kenya iyo Jabuuti ayaa noqday kuwa aan wax ku ool aheyn. Waxay taasi qasabtay in saraakiisha AFRICOM ay sare u qaadaan booqashooyinkii ay ku tagi jireen Soomaaliya, oo laga dhigay maalinle, halka markii hore ay ka ahaayeen toddobaadle. Saraakiisha ciidamada gaarka ah ayaa sheegay in haddii aan la heli joogitaan joogto ah oo Soomaaliya ah, inay wiiqmi doonto wax ku oolnimada iyo tababarka ciidamada Soomaaliya. The post Pentagon-ka Mareykanka oo diyaarinaya hindise cusub oo ku saabsan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. The plan for a “train and assist” mission would partly reverse President Donald J. Trump’s withdrawal of nearly all American ground forces from the country. Source: Hiiraan Online
  8. Since the war in Syria broke out a decade ago, refugees have fled to countries in the Middle East and Europe as well as to countries in Africa that face instability, like Somalia. And, as Mohamed Sheikh Nor reports from Mogadishu, Somali officials say Syrian refugees are enriching the host nation culturally and economically. Source: Hiiraan Online
  9. ADDIS ABABA,(Reuters) - Ethiopia on Monday launched a tendering process for the proposed sell-off of a 40% stake in state-owned carrier Ethio Telecom to private investors, part of the government's broader plan to open up the Horn of Africa country's economy. Source: Hiiraan Online
  10. Miraa farmer Joseph Muturia of Laare, Meru County, is a troubled man. Since export of the produce to Somalia was banned a year ago, earnings from the crop have dwindled to a level he would never have imagined. Source: Hiiraan Online
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ciidamada ammaanka Puntland ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari, gaar ahaan saldhig kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd dhulka buuraleyda ee gobolkaasi. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada gaarka ah u tababaran ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay howl-galladaasi ku qabteen saanad hub ah, qaraxyo iyo aalado laga sameeyo walxaha qarxa. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu shaaciyey in ciidamadu ay cagta mariyeen saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. “Saldhig Talis ah, Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal ayay ciidamada Puntland ee PMPF ka qabteen Al-Shabaab, hawlgal ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bar,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska. Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee Puntland. Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee Bari ayaa inta badan weeraro xoogab ka fuliso deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi. The post Ciidamada Puntland oo hub iyo qaraxyo ku qabtay gobolka Bari appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay isbitaalka Madiino ku booqday dhalinyaradii ku soo dhaawacantay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha ayaa mid mid u dul-tegay dhalinyaradan oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarkii xerada General Dhega-badan, xilli ay doonayeen inay ku biiraan ciidamada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Rooble ayaa sidoo kale maamulka isbitaalka si gaar ah kala hadlay daryeelka iyo daaweynta bukaanadaasi oo ay xukuumaddu ballan qaaday inay ka war heyn doonto. “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu maamulka Isbitaalka kala hadlay daweynta Bukaannada oo si gaar ah ula soconeyso Xukuumadda, waxaana u rajeyneenaa Caafimaad degdeg ah in uu alle siiyo” waxaa sidaas yiri Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomnaaliya oo ka mid ah xubnaha booqashada ku wehlinayey Rooble. Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, isla-markaana ay sheegtay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale. Weerarkan ayaa noqonayo kii labaad oo is-miidaamin ah oo lagu qaado xerada tababarka ciidamada ee General Dhega-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. The post ROOBLE oo ballan-qaaday daryeelka dhalinyarada ku dhaawacantay qaraxii shalay appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga da’da yar ee madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u arko inuu caqabad ku yahay siyaasadiisa iyo maamulka uu hoggaamiyo ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay shirar uu la yeelanaayo wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland, kuwaasi oo xusul duub ugu jira inay xajistaan mar kale kuraastooda doorashada soo socoto. Kulamadaan ayaa ah is xulufeysi siyaasadeed oo ay wasiirada iyo xildhibaanada Puntland kala sameynayaan siyaasiga da’da yar ee Asad Cismaan Diyaano oo miisaan culus ku leh siyaasadda Puntland iyo dhinaca awooda ciidan ee Puntland, waana gogol xaar u ah ka hadalka arrimaha doorashooyinka iyo is-xulufeysi siyaasadeed oo ka dhan ah Saciid Deni. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kulamadaasi looga hadlay sidii si wada jir ah ah la isaga kaashan lahaa arrimaha doorashooyinka heer xildhibaan iyo in la abuuro isbaheysi ka dhan ah madaxweynaha Puntland oo xusul duub ugu jira in doorashooyinka xildhibaanada labada aqal damacsan in ay kusoo baxaan xubno taabacsan. Caasimada Online ma xaqiijin karto in kulamadaan u dhaxeeya Asad Diyaano iyo xubnaha wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ay Villa Somalia ay taagereyso, hase ahaatee waxaa cad in xifaaltan siyaasadeed uu ka dhaxeeyo Asad Diyaano oo miisaan culus ku leh siyaasadda Puntland iyo Madaxweyne Saciid Deni. Asad Diyaano oo ah siyaasi dhalinyar waa wiil uu dhalay agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Puntland PIS Cismaan Diyaano oo geeriyooday, wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom oo taageera sirdoonka Puntland.Doorashadii Puntland ee January 08, 2019 oo Asad Diyaano iyo Saciid Deni aad ugu tartameen ayaa waxaa afar cod kaliya looga guuleystay Asad Diyaano oo helay 31 cod halka Saciid Deni uu ka helay 35 cod. Ali Muhiyaddiin Ali Caasimada Online The post Wasiirada iyo xildhibaanada Puntland oo qorshe ka dhan ah Deni ka billaabay Xamar appeared first on Caasimada Online.
  14. Ciidanka PMPF ee Puntland, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Taliskii Al-shabaab ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka PMPF, ayay ku sheegteen in ay hawlgal qorshaysan ku qabsadeen Taliskii Al-shabaab ee Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Ciidanka ayaa tilmaamay in ay saldhigaas ku qabteen saanad hub ah, Walxaha qarxa, aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal. PMPF kama hadlin, haddii uu jiro iska hor-imaad ka dhacay saldhiga ama khasaare ka dhashay hawlgalkaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay qabsatay Taliskii Al-shabaab ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan oo ah Xerada loogu magac daray Janaraal Cabdikariim Yuusuf Adan Dhaga-badan, ee ku taallo Degmada Wadajirwaa goob lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Tan iyo 2010-kii, marki la billaabay in ciidamada lagu tababaro, waxaa xeradaas ka soo baxayey dufcado ciidamo iyo maleeshiyaad aan dowladda ka tirsanayn. Haddaba wax badan ka ogoow taariikhda Xeradaasi. Xerada goorta la aasassay Xerda Janaraal Dhega-badan oo ku taallaa xaafadda Jasiira ee Magaalada Muqdisho, waxay ku dhawdahay xerada Turkisom uu Turkigu ku tababaro ciidamada Soomaaliya. Waxaana xeradan la aasaasay billowgii sannadkii 1991. Waxay xarunta xeredaasi laga yagleelay horay u ahaan jirtay warshaddii Nac-naca, balse ku burburtay dagaalladi sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay. Inkasta oo ay Xerada maaulkeeda guud ahaan, ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, haddana qaar ka mid ah waddamada reer galbeedka ayaa dowladda gacan ka siiyo dhanka tababarrada iyo arrimo la xiriira. Xerada goorta magaca laga beddelay Xerada waxaa magacii hore ee ahaa ‘Warshadda Nacnaca’ laga beddelay sannadkii 2015, iyada oo wixi intaa ka dambeeyey loogu magacdaray Janaraal Dhega-badan, oo ahaa Abaanduulihi hore ee ciidamada xoogga dalka oo isla sannadkaasi ku dhintay weerar ay Al-shabab ku qaadeen Hoteel Saxafi. Janaraal Dhega-badan oo ah sarkaal ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya oo magac iyo maamuusba ku lahaa, ayaa looga magacdaray wixi ka dambeeyey sannadkii 2015. Xerada oo marki hore ahayd Warshaddi nacnaca ee Soomaaliya, kuna burtay dagaalladi sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay billowgi sagaashamaadkii, waxay mar ahayd xero ay Al-Shabaab ku tababarayeen ciidamadooda. Markii Muqdisho laga saaray ururkaas xiriirka la leh Al-Qaacidda, sannadkii 2010-kii, waxaa loo bedelay goob lagu tababaro ciidamada dowladda. Waxayna ka mid ahayd xerooyiinka ugu muhiimsan ee ciidamada ugu badan ay ka soo baxaan. Ciidamada lagu tababaro Xerada Dhega-badan waa goob ciidan oo lagu tababaro dhammaan noocyada askarta Soomaaliya, mana ahan goob u gaar ah askar qaas ah. Cabdisalaan Guuleed, oo ah taliye-kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda, haddana ka faalloda arrimaha amniga Soomaaliya, ayaa BBC Somali u sheegay: “Maalmahan waxay dowladdu sheegeysay in dadka doonaya ay ka mid noqdaan ciidamada gorgor ku soo biireen, ay halkaa tagaan. Marka xeradu waxay ahayd meel tijaabada koobaad qofka lagu marsiiyo”. “Ciidamada gorgor ee hadda lag qorayey, marka dadka raba inay qortaan ayaa lagu kala saarayey – qofka caafimaadkiisa, inuu yahay qof askarinimo ka bixi kara – ka dibna waxaa loo sii gudbinayey qaybaha kale uu tababarka ay ku qaadan lahaayeen ,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed. Inta badan ciidamada cusub ee ka mid noqonaya kuwa dowladda Soomaaliya, waxaa tijaabada ugu horreyso looga qaadaa xeradaas, ka dibna, waxaa loo sii gudbiyaa waddamadii ama goobihi kale ee lagu tababari lahaa. Jananka xeradaasi loogu magac daray Janaraal Dhega-badan, wuxuu ka mid ahaa taliyeyaashii ugu caansanaa ee ciidamada Soomaaliya. Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhega-badan), ayaa ka mid ahaa dadkii 2015-kii lagu dilay qaraxi lala beegsaday Hoteel saxafi, oo ay ku dhinteen 15 qof. Dhega-badan ayaa sida oo kale ka mid ahaa saraakiisha ciidan ee sida weyn uga muuqday dagaalki Soomaaliya ay Itoobiya la gashay, taariikh badanna ku lahaa guulo badanna ka soo hoyey. Waxaa sida oo kale lagu xusuustaa inuu yahay sarkaal ciidan oo muddo dheer hoggaaminayey dagaalka lagula jiro Ururka Al-shabaab ee ka dagaallamay Soomaaliya. Qaraxa shalay ka dhacay xerada ciidmada lagu tababaro ee General Dhega-badan, waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo ka mid ahaa dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka. Sidoo kale waxaa jiro dhaawac soo gaaray illaa 20 kale oo ku sugnaa bannaanka koontarool-ka laga galo xerada, ciidanka ee General Dhaga badan. “Dadka qaraxaas ku waxyeelloobay waxaa u badan dhalinyaro sugeysay Baaritaanka koontoroolka, ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah”, sidaas waxaa Warbaahinta Qaranka u sheegay, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage. Ma aha marki ugu horreysay oo xeradan uu weeraro qof isku soo xiray walxaha qarxa. 4-tii bishii tobnaad, sannadkii 2017-kii, ayey ahayd marki uu gudaha xerada isku qarxiyey nin watay dharka ciidanka, halkaasna ay ku dhinteen shan askari, 15 kalana ay ku dhaawacmeen. Isha: BBC The post Saddax arrin ka ogow xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan ee shalay la qarxiyey appeared first on Caasimada Online.
  16. Norway: Saddex Ruux oo is dhalay oo Maxkamad loo soo taagay qoys soomaaliya oo ay cunsuriyadeeyeen Aabe norwiiji ah iyo labo wiil oo uu dhalay ayay maanta maxkamad uga bilaabatay magaalada Elverum kadib markii sannad ka hor ay halkaasi uga soo guureen cunsuriyad ay ku hayeen in muddo ah qoys soomaaliyeed oo ka kooban hooyo iyo lix carruur oo ay dhashay. Aabaha fal-dambiyeedka loo haysto oo magaciisa la qariyay ayaa da`diisa lagu sheegay 55-jir, halka labada wiil ee uu dhalay da`aadooda iyana lagu kala sheegay 18 iyo 16 sano jir. Hooyo Faadumo Bulxan oo muddo toboneeyo sano daganeyd magaalada Elverum, kuna ilmo dhashay ayaa ka cabaneysay aabahan iyo labadiisa wiil in muddo ah, waxaana sannadkii tagay xoogeystay cadaadiska kaga imaanayay ninkan oo isugu jirtay gacan-ka-hadal iyo hanjabaad taas oo ugu dambeyn ku khasabtay hooyo Faadumo in ay isaga soo cararto magaaladaasi, una soo guurto caasimadda Oslo. Labada wiil ee uu ninkani dhalay ayaa loo haystaa in ay biro iyo eey ku ceydhsadeen labo wiil oo ay dhashay hooyo Faadumo iyo shan carruur oo kale kuwaas oo iyana ahaa ajaaniib aan dalka Norway u dhalanin. Waxa ay ku qeylinayeen markii ay ceydhsanayeen erayo ay ka mid yihiin «neger» iyo «Nav er den veien» oo xarafka dambe micnihiisu yahay “Wadada xafiiska ceydhu waa tanaa”. Aabaha ayaa isna loo haysaa in uu hooyo Faadumo iyo laba gabdhood oo ay dhashay ku ceydhsaday gurigooda, isagoona ugu hanjabayay in uu dili doono. Hooyo Faadumo ayuu ugu dambeyn wax aan la cadeyn uga dhuftay dhabarka. Qareen u hadlay aabahan iyo labadiisa wiil ayaa warbaahinta NRK u sheegay in uusan qeysan wax dambi ah, isagoona iminka ka qoomameynaya in arrintani ay si weyn u saameysay nolosha qoyskiisa, uuna iminka diyaar u yahay in ay dhinac u dhacdo. Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go`aan ka gaahdo kiiskan kaddib dhageysiga labada dhinac. Qaran News
  17. Furitaanka Ururada Ma Run Baa Ma Riyaa? Muddo yar ka hor doorashadii 31 May dalka ka qabsoontay Golaha Wakiilada ee 16ka sanadood fadhiyay waxay fadhigoodii ugu dambeeyay ku soo gebogabeeyaan nuqul qabyo-qoraal ah oo Xeerka Furitaanka Ururada Siyaasadda ku saabsan. Ka dib markii Goluhu ansixiyay xeerka waxay u gudbiyeen Guurtida oo ilaa hadda uu hor yaal balse aan ka gudanin waajibkoodii dqstuuriga ah ee hoosta dhigay. Hadii arinka xeerkani caadi ahaan lahaa Guurtidu sabab la’aan hoosta may dhigteen oo wakhti ku filan way haysteen oo ay kaga bogtaan kuna ansixiyaan si ay ugu celiyaan Wakiilada oo sharci ahaan iyagu u gudbin lahaa Madaxwaynaha. Sida aan filayo nuqulkan qabyo-qoraalka ahi markiisa muu ahayn mooshin sharci oo curintiisa ay lahayd xukuumaddu waayo xukuumadda ayaa daba socon lahayd Guurtiduna hoosta may dhigteen. Sidaa daraadeed wuxu noqonayay mooshin curintiisu ay ku koobnayd xildhibaanada Wakiilada qaarkood in xaga madaxtooyada laga soo taabtay iyo in kalena mooyi. Markaa yaa og in uu ahaa keliya fariin gaar ah oo ku wajahnayd xisbiyada mucaaridka uun oo lagu hubsanayay dareenka ay ka qabaan xili la og yahay in muddo kooban uuni ay ka hadhsantay dhici taankii shahaadadaha xisbinimada ee sadexda xisbi. Hadii aan xal kale la gaadhin inta ka horaysa dhicitaanka shahaadadaha xisbinimada sadexda xisbi oo wakhtigu ka dhacdo markaa sadexdan xisbi waxay dib ugu noqon doonaan heerkii ururada sharci ahaan. Markaa maxaa xal ah ilayn waa la og yahay oo doorasha madaxtooyada waxa tartami kara uun xisbiyo qaran oo sharci ah ee ururo siyaasadeed ma geli karaan doorasho madaxtooyo eh. Dabcan waa laba mid: ta hore in sadexdan xisbi loo helo sharciyad ay ku sii ahaan karaan xisbiyo qaran ka dib marka ay ka dhacaan shahaadaduhu iyo in inta ka horaysa dhicitaanka shahaadadaha sadexda xisbi la helo Xeer lagu furan karo ururo siyaasadeed oo tartan la geli kara sadexdan xisbi si sadex xisbi qaran oo sharci ahi uga soo baxaan. Wixii kale ee aan labadaa midna ahayn waa mugdi uun wax la fahmi karona maaha Qaran News
  18. Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Arbaco ah ku wajahan magaalada Dhuusamareeb. Wefdiga ayaa sida qorshaysan kulan la qaadan doona Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiinta Xukuumaddiisa. Labada dhinac ayaa la filayaa in ay ka wada-hadlaan xaaladda Galmudug iyo guud ahaan Arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug oo ku sugnaa Muqdisho ayaa shalay gelinkii dambe ku laabtay magaalada Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post James Swan oo maanta la kulmaya Madaxweyne Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay hore u sheegtay Caasimada Online, maamulka gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhaqaalo la’aan xoog leh taasi oo saameyn weyn ku yeelataay mushaarka shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar. Bishii la soo dhaafay ee May ayaa la sheegay in ilaa hadda aysan mushaarkooda helin shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in aysan muuqan rajo lagu bixin karo mushaarka sababo la xariira dhaqaalo la’aan heysata maamulka. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu wado dadaalo la xariira in uu isku dayo in waxyar waxyar lacagta gobalka soo gasha laga siiyo shaqaalaha, taasoo keeni karta in todobaadyo kale ay mushaar la’aan sii ahaadaan qaar ka mid ah shaqaalaha gobalka maadaama aan halmar la wada siin karin. Hadal heyn xoog leh ayaa ka dhax jirta shaqaalaha waxayna is weydiinayaan sida uu xaalku noqon karo haddii aysan helin xuquuqda ka maqan iyo sida ay ku sii socon karto shaqada dowladda Hoose. Si guud dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa dhaqaalo la’aan taasoo ka dhalatay muddo korarsigii iyo murankii doorashada Soomaaliya iyadoo lacagta gobalka ay noqotay mida kaliya oo ay ku tashato dowladda dhexe iyo canshurta gaadiidka Bajaajta iyo canshuuro kalaba oo hakad ku yimid kadib markii ay shaqada joojisay shirkadii gobalka kala shaqeyn jirtay qaadista Canshuurta. Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo gala dhaqaale ku filan mushaharka shaqaalaheeda oo sidoo kalena lagu hormarin karo gobolka, hase yeeshee lacagtaas ayaa waxaa qaata dowladda federaalka ayada oo lagu biilo, xildhibaano, wasiiro iyo shaqaale aan gobolka u dhalan oo ka kala yimid gobollada kale ee dalka. The post Xaalka dhaqaale ee maamulka G/Banaadir oo sii xumaanaya appeared first on Caasimada Online.
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada, iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda difaacaan. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. It is the target of folklore jokes for different reasons: It produces daring and assertive residents, characteristics considered negative or derogatory by more urban residents of old Mogadishu, and by others as well. It attracts envy from rest of Somalia for contributing the finest soldiers to the Somali National Army. It is the home town of prominent Somalia’s politicians and leaders. It had led the way in the struggle for national independence. For the bravery of its residents, Italian Colonial Administration Authorities called it “Rocco Littorio”, after the name of Italian Warship for brave soldiers. Galkayo was the epicenter of repression and persecution by the Military Dictatorship of General Barre for no good reasons other than the strong character of its residents. Lately, since the foundation of Puntland State, Galkayo and entire North Mudugh Region had been neglected in terms of good governance and development projects, dismissing it as nuisance frontier and despicable Puntland trouble spot. It has been left to its own device as irredeemable enclave and ungovernable location of the State. Since the inception of Puntland State Galkayo has been suffering from Administrative vacuum. Regional authorities there were appointed in nominal fashion without any meaningful State backup to address the the unique chronic issues and historical problems in the absence of well-intended governance strategy. The City has been treated as an outcast in the family. Even Galkayo road links to the rest of Puntland State had been disowned and allowed to deteriorate beyond repair. It is now three times easier and faster to travel more than four hundred Kms on the way to Bosaso on the shores of the Red Sea in the east than to drive a little more than two hundred Kms to Galkayo from Garowe, the main administrative center of Puntland State. Any vehicle that reaches Galkayo safely from Garowe would need total overhaul and expensive repairs. A multi-clan Somalia’s town of a quarter million residents with the potential to become the future National Capital City has been let to ruin and rot. As a result of despair due to neglect, residents of Galkayo became disillusioned and lost any hope in the future. Elders and youth have been taken advantage of by Al-Shabab and other extremist organizations of all form and shape; youth, and even elders, have been recruited as killers and murderers of their own kinship. The cream of its residents had been assassinated by local hopeless youth under the spell of Al-Shabab. For the first time, strange questions on whether Galkayo belongs to Puntland or Galmudugh were raised. Some residents of the city have been contemplating the idea of seceding from Puntland altogether since being part of the State has lost all meaning. Most recently, a break has come to the residents of North Galkayo: Relationships and good neighborliness with the Southern Galkayo have significantly improved. Relative security and calm have returned to the City of Galkayo in both parts of the town. Dozens of Al- Shabab assassins have been apprehended and persecuted, a security campaign still underway as we write this article. These prisoners of Al-Shabab assassins have been narrating, in their debriefings, graphic details of their murder exploits. But, it is still premature to conclude that the Dystopian Somalia’s City of Galkayo is out of the woods. It is too good to see Galkayo that lucky. https://amazon.com/author/ismailwarsame The post GALKAYO: THE DYSTOPIAN CITY OF SOMALIA appeared first on Puntland Post.
  22. Shan arrimood oo ku saabsan Cabdikariim Mooge – Maayirka dooran ee Hargeysa CABDIKARIIM MOOGE Cabdikariin Axmed Mooge ayaa la filayaa in uu noqdo maayirka magaalada Hargeysa ka dib markii ay isku waafaqeen seddaxda xisbi siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Wuxuu helay codadkii ugu badnaa ee uu helo musharax u tartamayay Golaha deegaanka. Wuxuuna ku soo baxay in ka badan 26 kun oo cod. Magaca Mooge Cabdikariim waxaa dhalay fannaankii caanka ahaa ee Axmed Mooge Liibaan, oo gayiga Soomaalida aad looga yaqaanay. Waxaa suuragal ah in magacaas uu wax badan ka caawiyay, marka la eego caannimada aabihiis oo fannaan ahaa. Qofkasta marka la soo qaado magaca Mooge wuxuu xasuusanaya Aabihihii iyo saameyntii uu ku lahaa fanka Soomaalida. Markii axsaabta ay isku raaceen Ka dib markii lagu dhawaaqay guusha Cabdikariim Axmed Mooge ee Golaha Deegaanka, waxa uu khudbad u jeediyay shacabkii soo doortay. “Guushan waa mid xagga rabbi ka timid; waa hiil shacab; waa hiil Hargeysa; waa midnimo umadeed; waa shacabkii oo tuuray heeryadi qabyaaladda; waa guul lawada leeyahay oo aan la kala lahayn oo ay leeyihiin shacabka Hargeysa iyo shacabka Somaliland oo dhan.” ayuu yiri Cabdikariim. Cabdikariim waxaa kale uu sheegay: “Waxaad ka timaaddeen magaalooyin fara badan oo Somaliland ku yaalla iyo qurbaha. Waad mahadsan tihiin. Qaar kaloo idinka mid ihina, waxaad qabteen baahiya gaar ah sida aragga, maqalka iyo lixaadka. Waxaad u adkeysateen dhibka aad u mareysaan in aad codkiinna i siisaan. Waad mahadsan tihiin.” Wuxuu sheegay in guushiisa ay afjartay in “oday dambe uu go’aan ka gaaro musharraxa ama qofka umaddan isu soo sharaxaya”. Wuxuu Alle ka baryay in xilka ay loo doortay uu ku asturo, wuxuuna xusay inuu “codka shacabka uu xujo ku yahay uuna ogyahay in ay wax badan ka filayaan.” Markii uu ku guuleystay doorashada Golaha Deegaanka Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa laba jeer uu hadlay ku cel celiyey ‘in la ixtiraamo doonista shacabka’, oo dabcan uu ula jeeday codka badan ee uu ku soo baxay in ha loo dhug yeesho. “Waxaad dirteen farriin dadban oo ah qofka aad rabtaan in uu maayir idiin noqdo, anna maanta laga bilaabo waxaan gelayaa dedaalkeeda,” ayuu yiri Cabdikariin. “Codkaa aad i siiseenna waa farriin aad u dirteen madaxda qaranka. Waxaanan rajeynayaa in ay qaddarin doonaan rabitaanka shacabka,” ayuu hadalka ku sii daray. Dad badan ayaa markii hore u arkeyey in caqabadda ugu weyn ee Cabdikariin wejahi doonaa ay tahay in uusan ka soo bixin xisbiga talada hayey – Kulmiye. Isbuucii hore, waxaa madaxtooyada ku kulmay Cabdikariin Axmed Mooge iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Kulankaas, oo war-saxafaadeedkii ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in madaxweynuhu ajiibay baaq uga yimi Cabdikariin. Waxaa kulankaas madaxweynaha uu ka sheegay, “in xaqiisa uu la baadi dooni doono”. “Codkaagii sahal muu ahayn, nin waxaagii ma diidi karo. Codkiinnii iyo miisaankiinna xisbi iyo sharci midna ma diidi karo,” ayuu ka yidhi Muuse Biixi, kulankaas. Cabdikariin Axmed Mooge, maaddaama uu ka soo baxay xisbi mucaarad ah, waa mid ka mid ah fursadaha uu haystay. Inkasta oo musharrax kastaa dadkiisa uu wato, taageerada uu haystaana ay caddayn u tahay in uuba u soo baxi karo kursiga uu u taagan yahay, haddana waxaa jiro dad tiro ah oo siyaabo kala duwan oo si bareer ah ugu muujiyey taageerada Cabdikariin. Waxaana u danbeeyey Madasha Barkulanka Somaliland-jire, oo ka kooban waayeel iyo odayaal guurti ah oo sheegay in ay tahay in xilkaas lagu ixtiraamo Cabdikariin Axmed Mooge. “Waxaan ahay nin aan qabiil matali doonin cid walba oo reer Hargeisa ah u doodi doono isla markaana matali doono, xisbiga aan maalayana aan ka horreysiinayo inaan shacabkeyga Hargeisa aan wada matali doono aniga oo aan u abtirineyn.” ayuu yiri “Qofka ay u soo dooranayan golaha deegaanka aad ha uga fiirsadaana maadaamaa qof aad soo doorataan uu ku xiran yahay mustaqbalka Hargeisa.” “Cabdikariim waxa uu sidoo kale inuu noqon noqon doono xildhibaanka matali doono dhamaan shacbka hargeysa.” Waxa uu qabanayo Cabdikariim ayaa sheegay inuu ka jawaabayo xilka ay 31 May u doorteen shacabka isagoona u sheegay in shanta sanno ee soo socota uu aahaan doono hiilkooda. “Waxaan ahay mudane gole deegaan oo huwan codkii ugu badnaa oo ay bixiyaan shacabka reer Hargeysa iyo shacabka Somaliland. Waxaan ahay mudane Qaran, mana noqonayo mudane qolo ku suntan.” “Waxaa iga go’an in aan rumeeyo riyooyinkiinna iyo rajadinnaba, qof kasta oo tabanaya inuu mudane xaafaddiisu u soo bixin, aniga ayaana mudane u ah.” Waxuu sheegay in sinnaanta iyo caddaallad uu xoojin doono. “Waxaynu kor yeeli doonnaa sinnaanta, wada noolaashaha, reer Hargeysanimada, waxaan soo afjari doonnaa oo aan halgankeedi sii wadi doonnaa qabiilka iyo qolo-qolada.” Sidee loo qurxin karaa magaalada Hargeisa? Cabdikariim ayaa ballan qaaday inuu magaalada Hargeysa aad u qurxin doono oo uu bilicdeeda baddeli doono. “Magaala Cagaaran ayaan sameynayaa. Barnaamijkeyaga wuxuu leeyahay qof iyo geed, Guri iyo geed. Guri kasta waxaan ka raba ugu yaraan hal geed inuu beero, qof kasta oo reer Somaliland ahna waxan ku wacyigelineynaa inuu hal geed beero. “Ciiddan iyo bustan magaalada yaallo markaan ka gurno hubaal magalada Hargeysa waxay noqoneysaa magaalda cagaaran. Dowladda hoosana waxay waraabineysaa dhirtu, xoolahana magaalada dhex daaqayana waan ka saarayaa.” Qaran News
  23. Golaha Degaanka Hargeysa oo la ansixiyey Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa maanta si rasmiya u ansixisay natiijada guddida doorashooyinka ee golaha degaanka ee degmada Hargeysa, waxaana ansixinta maxkamadda goob joog ka ahaa masuuliyiinta gobolka Marooijeex, saraakiil ka socday saddexda xisbi Qaran, taliyaha ciidanka booliska ee Somaliland, iyo mudanayaasha golaha degaanka ee la doortay. Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan Cabdi, oo fadhiga maxkamadda furay waxaa uu sheegay in aanay jirin wax dacwad doorasho ah oo soo gaadhay maxkamadda gobolka isla markaana waafaqsan sharciga. Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu si rasmiya ugu dhawaaqay ansixinta natiijada hor dhaca ahayd ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, u soo gudbiyeen maxkamadda, iyada maxkmadduna mid mid u dhaarisay toddoba iyo tobanka xubnood ee noqonaya golaha degaanka ee degmada Hargeysa. Qaran News
  24. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster. Kulankaan dhexmaray Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Safiirka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka, ilaalinta qoondada haweenka Soomaaliyeed, Amniga, Bini’aadanimada iyo dhismaha Golayaasha Degaanka. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Safiirka la wadaagay baaxada dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha Wabiga shabeelle, isagoo ugu baaqay in loo gurmado dadkii ka barakacay fatahaadihii ka dhacday Hirshabeelle oo dhibaato xoogan heysato. Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dowladda Ingiriiska ka dalbaday taageerada tababarada ciidamada booliiska iyo Daraawiishta si ay ugu filnaadaan amniga guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Safiirka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.