-
Content Count
211,174 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qatar has sent a special envoy from the office of the Foreign Minister, Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, to Somalia to engage with the country's political rivals in what could be a change in tack for the Gulf country that has been siding with President Mohamed Farmaajo. Source: Hiiraan Online
-
Haweeney Muslimada oo Mar qudha dhashay 9-caruur ah+Inta Wiilala & Hablaha+Hadal heyn ka dhalatay & Sawirro Haweeney 25-sano jir ah oo u dhalatay dalka Mali ayaa isbitaal kuyaala dalka Maroko mar qura ku umushay sagaal caruur ah , waxaana dhacdadan noqotay mid hadal heyn badan ka abuurtay daafaha dunida. Halima Cisse oo 25 sano jir ah ayaa horey baadhitaano loogu sameeyay lagu ogaaday in ay wado todobo caruur ah ,balse markii dambe dhashay sagaal caruur ah oo isugu jira shan gabdhood iyo afar wiil. Dhakhaatiirta Cusbitaalkan kuyaala dalka Maroko ayaa hooyadan qaab qaliin ah uga soo saaray caruurtan, waxaana dhakhaatiirtu sheegeen in hooyada iyo caruurtaba xaaladooda ay fiican yihiin. Wasiirka caafimaadka ee Mali, Fanta Siby, ayaa warbaahinta u shegtay in dowladu gacan ka geysatay sidii hooyadan loola socon lahaa xaaladeeda caafimaad iyada iyo caruurteeda, waxayna xustay in hada xaaladooda aad u fiican tahay. Warbaahinta iyo baraha bulshada ayey hadal heyn badan ka abuurtay hooyadan nasiibka badan ee mar qudha dhashay sagaal caruur ah, waxa ayna dadka siyaabo kala duwan uga hadleen sheekada hooyadan caruurta badan mar qudha dhashay. Qaran News
-
Berlin (Caasimadda Online) – Hay’ad lagu eedeeyey inay dhaqaale siiso ururka Xamas ee reer Falastiin iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa lagu soo rogay xayiraad dhaqaale, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, dhismaha iyo jaaliyadda dowladda federaalka Jarmalka Horst Seehofer. Ururka lagu eedeyey inuu dhaqaale siiyey Xamas iyo Al-Shabaab ayaa lagu magacaabaa Ansaar International, wuxuuna saldhigiisa ugu weyn ku leeyahay dalka Jarmarka, halkaas oo lagu aasaasay. Afhayeen lagu magacaabo Steve Alter oo Arbacada maanta qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa yiri “Shabakadda Ansaar International waxa ay maalgelisaa ururo argagixiso oo ka dhisan qeybo kala duwan oo adduunka ku yaalla.” Afhayeenka ayaa sido kale sheegay in tallaabada kaliya ee ururada argagixisada lagula dagaalami karo ay tahay in laga jaro dhaqaalaha. “Haddii aad dooneysid in aad la dagaalantid argagixiso, waa in aad ka jartaa ilaha dhaqaalaha,” ayuu yiri Steve Alter. Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka ayaa sidoo kale ururkaan Islaamiga ah ku eedeeyay in dhaqaale badan u diro ururo ku kula sugan dalal kala duwan sida Al-Nusra oo Syria ka aas-aasan, Xamas oo Falastiin ah iyo Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dhisan. Ciidamada ammaanka Jarmalka ayaa howlgallo ka dhan ah ururkan waxay maanta ka fuliyeen 10 dowlad goboleed oo kala ah: Rhineland-Palatinate, Baden-Württemberg, Bavaria, Berlin, Brandenburg, Hamburg, North Rhine-Westphalia, Lower Saxony, Schleswig-Holstein iyo Hesse. Ururka Ansaar International ee xayiraada dhaqaale lagu soo rogay ayaa dadka mutadawiciinta ah waydisato inay bixiyaan lacago loogu deeqayo dadka ku nool waddamo kala duwan oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Falastiin, Lebanon iyo Sudan. The post Xarumaha hay’ad dhaqaale siisay Al-Shabaab iyo Xamas oo la weeraray iyo xayiraad la saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Under water: Rain water has turned the Ceel Daahir concrete watercourse into an impassable road. Bosaso (PP News Desk) — Lorries and passenger vehicles travelling to Bari districts have becoming stranded at Ceel Daahir watercourse due to torrential rains. Bari Police Division has issued travel warnings. Rain water from Sanaag stream into main road at Ceeldaahir, where the concrete watercourse gets inundated. A lorry braving the sludge at Ceel Daahir. “An ordinary bridge should have been built there in place of a concrete watercourse that cannot cope with torrential rains” said Abdul Mohamud, a structural engineer in Bosaso. Passengers stranded at Ceel Daahir watercourse. Floods eroded foundations of the concrete watercourse, leaving lorries and cars vulnerable to getting bogged down in the sludge. Ceel Daahir is 90 KM from Bosaso, the commercial city of Puntland. Seasonal rains affect travel along the under-maintained Bosaso-Garowe road. © Puntland Post, 2021 The post Torrential Rains Leave Lorries Stranded at Ceel Daahir Watercourse appeared first on Puntland Post.
-
Maalqabeenada isfuray ee Bill & Melinda gates oo shaaciyey Siday Hantidooda u kala qaybsadeen! Lammaanaha ayaa is guursaday 1994. Bill iyo Melinda Gates ayaa ku heshiiyay in ay kala qeybsadaan hantidooda, ka hor inta aanay Isniintii shaacin furriinkooda, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka. Lammaanaha bilyaneerrada ah ayaa wada joogay 27 sano, waxaana lagu soo warramay inay kala saxiixdeen heshiis caddeynaya sida ay u qeybsanayaan hantidooda. Bill iyo Melinda ayaan gelin heshiis hantida u kala soocaya markii ay is guursanayeen sanadkii 1994. Lammaanaha ayaa maamula hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation, oo balaayiin doollar ku bixisa hawlaha samofalka ee ay ka qabato daafaha caalamka. Waxa ay ballanqaadeen in ay ka sii wada shaqeyn doonaan hay’adda marka ay sida rasmiga ah u soo afjaraan guurkooda. Bill Gates ayaa hadda ah ninka afaraad ee ugu taajirsan caalamka, waxaana uu haystaa 124 bilyan oo doolar, sida ay shaacisay majalladda Forbes. Waxa uu dhaqaalaha ka sameeyay shirkadda uu wax ka asaasay ee Microsoft, oo ah tan ugu weyn ee samaysa barnaamijyada Software-ka ee ay ku shaqeeyaan kumbuyuurarrada. Hantida maguurta ah ee lammaanaha ayaa la rumaysan yahay inay ka mid yihiin guryo ku yaal Washington, Florida iyo Wyoming. Aqalkooda u weyn ayaa la sheegay in uu yahay mid saaran harada oo ku yaal xaafadda Medina ee Washington, kaasoo qiimihiisa lagu sheegay ugu yaraan 127 milyan oo doolar. Bill iyo Melinda ayaa ogeysiiskooda furriinkooda Isniintii u gudbiyay maxkamad ku taal magaalada Seattle, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka. “Guurkeena waxaa soo gaaray burbur uusan ka kaban karin, waxaan ka codsaneynaa maxkamadda inay ansixiso furriinka,” ayaa lagu sheegay codsi ay maxkamadda u gudbiyeen lammaanaha. Codsiga ayaa lagu sheegay in hantidooda iyo ganacsiyada ay leeyihiin ay ku kala qeybsan doonaan “sida ku cad heshiiska kala tagga,” in kasta oo aan heshiiskaas la shaacin. Lammaanaha ayaa isu dhalay saddex carruur oo dhammaantood qaangaar ah, kuwaas oo aan u baahneyn daryeel waalid, sida lagu sheegay dukumiintiga furriinka. Midkiiba waxa uu qabsaday saddex qareen. Qareennada Melinda waxaa ka mid ah Robert Cohen oo ay macaamiishiisu kamid tahay Ivana Trump, oo ah xaaskii hore ee Donald Trump. Sidee ayay isku barteen Bill iyo Melinda? Melinda ayaa sanadkii 1987 ku biirtay shirkadda Microsoft, waxaana ay isla sanadkaas Bill ku kulmeen xaflad casho oo ka dhacday New York. Sidaa ayay ku billaabeen haasawahooda, sida uu Bill Gates u sheegay barnaamij ay ka diyaarisay shirkadda Netflix. Melinda ayaa sheegtay in Bill uu inta ay wada socdeen u soo bandhigay “faa’iidada iyo dhibaatooyinka uu leeyahay guurka”. Waxa ay sanadkii 1994 ku aqal-galeen jasiiradda Lanai ee gobolka Hawaii, iyagoo sida la sheegay kireystay dhammaan diyaaradaha helicopter-ka ah ee deegaankaas si ay uga hortagaan in dad aysan casuumin ay dul maraan jasiiradda. Bill iyo Melinda Gates Maxay tahay hay’adda Gates Foundation? Lammaanaha ayaa hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation sanadkii 2000 ku asaasay magaalada Seattle Waxa ay xoogga saartaa caafimaadka dadweynaha, waxbarashada iyo isbedalka cimilada Dhaqaalaha ay bixiso waxaa kamid ah 1.75 bilyan oo dollar oo ay ugu deeqday tallaalka iyo cilmi-baarista xilligan uu jiro Covid-19 Hantida hay’adda ayaa sanadkii 2019 lagu qiyaasay 43 bilyan oo dollar Muddo sanado ah, Bill iyo Melinda ayaa ku bixiyay hay’adda lacag ka badan 36 bilyan oo dollar Bill Gates ayaa sanadkii hore iska casilay xilkii uu ka hayay Microsoft si uu xoogga u saaro hawlaha samafalka. Qaran News
-
Min kumaandoos ilaa ra’iisal Wasaarihii ugu mudada dheeraa+ Taariikhdiisa Netanyahu ayaa ah ra’iisal wasaaraha ugu mudada dheer Israa’iil Shan iyo tobankii sano ee uu Benjamin Netanyahu ra’iisal wasaaraha ka ahaa Israa’iil, waxa uu noqday hogaaminaya ugu mudada dheeraa iyo weliba kii ugu horreeyay ee dacwad lagu soo oogo isaga oo xukunka haya. Hoggaamiyahan xisbiga Likud oo ay taageerayaashiisa ugu yaqaanaan “Boqor Bibi” iyo “sixiroole” ayaa wajahaya xilligii ugu adkaa, isagoo u dagaallamaya jiritaankiisa siyaasadeed xilli loo haysto eedeymo musuq-maasuq. Guusha uu ka gaaray doorashada ayaa inta badan loo tiiriyaa inuu u muuqdo qof Israa’iil ka difaaci kara cadowgeeda Bariga Dhexe. Waxa uu si adag uga hortagay qadiyadda Falastiiniyiinta, isagoo walaaca amni ku xira wadahadallada nabadda, marar badanna sheegaya in Iran ay khatar ku tahay jiritaanka Israa’iil. Dhalinyaronimadiisii Benjamin Netanyahu waxa uu ku dhashay Tel Aviv sanadkii 1949. Qoyskiisa ayaa Maraykanka u guuray 1963 kadib markii aabihii Benzion oo ahaa taariikhyahan uu halkaa ka helay shaqo barenimo. Markii uu 18 jir noqday, ayaa Netanyahu waxa uu ku soo laabtay Israa’iil, isagoo muddo 5 sano ah kamid ahaa ciidamada. Waxa uu kabtan ka noqday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Sayeret Matkal, isagoo ka qeyb qaatay hawlgalkii garoonka diyaaradaha ee Beirut ka dhacay 1968, kaas oo lagu burburiyay 14 diyaaradood oo garoonka tiilay iyo dagaalkii Bariga Dhexe ee 1973. Netanyahu (Midig) ayaa kabtan ka ahaa ciidanka gaarka ah ee Sayeret Matkal. Kadib markii uu gutay hawshiisii ciidan, waxa uu ku laabtay Maraykanka, isaga oo shahaadooyinka bachelor iyo master ka qaatay jaamacadda Massachusetts Institute of Technology (MIT). Sanadkii 1976, walaalkii Jonathan ayaa ku dhintay hawlgal ay ciidamada Israa’iil ku soo furanayeen diyaarad lagu haystay garoonka Entebbe ee Uganda. Geeridaas ayaa saameyn xooggan ku yeelatay qoyska Netanyahu, waxaana Jonathan halyey looga aqoonsaday Israa’iil. Netanyahu ayaa asaasay mac-hadka la dagaallanka argagixisada oo uu ugu magac daray walaalkii, waxaana sanadkii 1982 uu noqday kuxigeenka madaxa safaaradda Israa’iil ee Washington. Durbadiiba waxa uu si weyn uga dhex muuqday shaashadaha telefishinnada Maraykanka, maadaama uu ku hadlo Ingiriis aad u wanaagsan. Laba sano kadib, waxaa loo magacaabay wakiilka joogtada ah ee Israa’iil u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Siyaasadda Sanadkii 1988 ayuu dib ugu laabtay Israa’iil, waxaana uu ku guulaystay xubin ka mid ah baarlamaanka Knesset, kana tirsan xisbiga Likud, waxaana loo doortay wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda. Muddo kadib ayuu noqday guddoomiyaha xisbigaas. Sanadkii 1996, Netanyahu ayaa noqday ra’iisal wasaarihii u horreeyay ee ay shacabka toos u doortaan, kadib doorasho xilligeeda ka soo hormartay oo ka dhalatay khaarijintii Yitzhak Rabin. Waxa uu sidaa ku noqday hoggaamiyihii ugu da’da yaraa ee Israa’iil soo mara. Waxaa looga guulaystay doorasho xilligeeda ka soo hormartay oo dhacday 1999, taasoo uu ku soo baxay hogaamiyihii xisbiga Labour-ka, Ehud Barak. Dib u soo laabashadii siyaasadeed Netanyahu ayaa ka degay xilka guddoomiyaha Likud, waxaana kala wareegay Ariel Sharon. Markii uu Sharon noqday ra’iisal wasaaraha sanadkii 2001, Netanyahu ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibedda, kadibna kan maaliyadda. Sanadkii 2005, waxa uu iska casilay xilkii uu hayay isagoo ka carooday in ciidamada Israa’iil laga soo saaro marinka Gaza. Fursad kale ayaa soo martay sanadkii 2005, markii uu Sharon ka baxay xisbiga Likud, isla markaana samaystay xisbi cusub oo la yiraahdo Kadima. Waxa uu markale noqday hoggaamiyaha Likud. Bishii March 2009, waxaa mar labaad loo doortay ra’iisal wasaaraha Israa’iil. Inkastoo 2009 uu si cad u sheegay in uu si shuruudo leh u aqbalayo dal Falastiiniyiintu leeyihiin oo laga garab sameeyo Israa’iil, ayaa haddana waxa uu ka laabtay go’aankaas. “Lama samayn doono dal ay Falastiiniyiinta leeyihiin, mana noqon karo midka ay dadka ka hadlayaan. Taas ma dhici doonto,” ayuu u sheegay idaacad ku taal Israa’iil sanadkii 2019. Colaadda Gaza Dagaallada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo milateriga Israa’iil ee ka dhaca Gaza iyo agagaarkeeda ayaa soo noq-noqday ka hor iyo kadib markii uu Netanyahu xilka ku soo laabtay 2009. Bishii July 2014, waxaa Gaza ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay, kadib markii gantaallada ay Falastiiniyiinta ku ridaan Israa’iil ay dhalisay in ciidamada lugta ay gudaha u galaan marinkaas. Colaadda oo 50 maalmood socotay ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 2,100 Falastiiniyiin ah oo badankood rayid ah, halka Israa’iil ay uga dhinteen 67 askari iyo lix qof oo rayid ah. Burburka Gaza Inkastoo uu Maraykanka taageero u muujiyay Israa’iil inta uu dagaalka socday, haddana waxaa meel adag marayay xiriirka Netanyahu iyo madaxweyne Baraclk Obama. Waxa uu xiriirkooda meel xun gaaray, kadib markii March 2015 uu Netanyahu khudbad u jeediyay Congress-ka Maraykanka, isagoo ka digay “heshiis xun” oo laga galo barnaamijka nukliyeerka Iran. Maamulka Obama ayaa dhaliilay booqashada Netanyahu, waxaana uu ku tilmaamay mid faragelin iyo dhaawac ah. Xiriirka Trump Markii uu Trump xilka la wareegay, waxaa aad isugu soo dhawaaday siyaasadaha Maraykanka iyo Israa’iil. Muddo sanad gudahiis ah, Trump ayaa Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil, tallaabadaas oo ka caraysiisay Carabta. Sanad kadib, Trump ayaa buuraha Suuriya laga haysto ee Golan Heights u aqoonsaday qeyb kamid ah Israa’iil. January 2002, Netanyahu ayaa soo dhaweeyay qorshaha Trump ee nabadeynta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, in kastoo laga qorshahaas laga diiday dhanka Falastiin. Netanyahu ayaa sidoo kale soo dhaaweeyay in sanadkii 2018 uu Trump ka baxay heshiiskii nulkiyeerka Iran, uuna cunaqabateyn ku soo rogay xukuumadda Tehran. Maxkamadeyn Bishii November 2019, Netanyahu waxaa lagu eedeeyay saddex dacwadood oo kala ah laaluush qaadasho, wax isdaba marin iyo inuu khiyaanay amaanada bulshada. Netanyahu ayaa lagu eedeeyay inuu hadiyado ka qaatay maalqabeenno ganacsato ah, uuna asxaan u sameeyay si uu warbaahinta uga helo tebin wanaagsan. Waxa uu beeniyay eedahaas, isagoo ku tilmaamay duulaan siyaasadeed oo ay wadaan dadka ay isku hayaan siyaasadda. Bishii May 2020, waxa uu noqday ra’iisal wasaarihii u horreeyay ee isaga oo xil ka haya Israa’iil maxkamad la soo taago, waxaana uu dhagaha ka furaystay baaqyo uga imanayay mucaaradka oo ahaa inuu iscasilo. Qaran News
-
(SLT-Addis ababa)-Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta Midowga Yurub u go’aansaday in uu joojiyo kormeereyaal ay u diri lahaayeen doorashada baarlamaanka ee shanta bisha June ee soo socota ka dhici doonta dalka Ethiopia. Nabila Massrali ayaa u sheegtay wariyaha VOA James Butty in Ethiopia ay diiday inay buuxiso shuruudaha gundhigga u ah geynta kormeereyaasha goobaha doorashooyinka, oo ay ku jirto madax-bannaanida ergada. Waxay sidoo kale sheegtay in Etiopia ay diiday in howlgalka Midowga Yurub uu la yimaado qalab isgaarsiineed oo u gaar ah oo ay ku jiraan telefoonada satellite-ka. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa toddobaadkan sheegay in aan loo baahnayn taleefoonada dayax gacmeedka, wuxuuna sababta ku sheegay in goob kasta oo doorasho laga heli karo hab isgaadhsiineed oo hoosyimaada nidaamka Isgaadhsiinta Qaranka, isla markaana ay midowga Yurub isticmaali karaan. “Waa wax laga xumaado in Midowga Yurub aanu heli damaanad-qaadkii lagama maarmaanka u ahaa astaamaha dimoqraadiyadda ee loo fidin lahaa shacabka Ethiopia. Hufnaanta kormeereyaasha doorashada ayaa udub-dhexaadka midowga Yurub” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay Midowga Yurub oo ku aaddanaa hakinta kormeereyaasha reer Yurub ee doorashada Ethiopia. Midowga Yurub ayaa sheegay in ay Guddiga Doorashooyinka Ethiopia ay ugu deegeen 20-milyan oo lacagta Yurub ah, si dowladda Ethiopia u diyaariso doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo. Source
-
khilaafka ka dhex oogan Ethiopia & Midowga Yurub+Halka Sartu ka qudhuntay? Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta Midowga Yurub u go’aansaday in uu joojiyo kormeereyaal ay u diri lahaayeen doorashada baarlamaanka ee shanta bisha June ee soo socota ka dhici doonta dalka Ethiopia. Nabila Massrali ayaa u sheegtay wariyaha VOA James Butty in Ethiopia ay diiday inay buuxiso shuruudaha gundhigga u ah geynta kormeereyaasha goobaha doorashooyinka, oo ay ku jirto madax-bannaanida ergada. Waxay sidoo kale sheegtay in Etiopia ay diiday in howlgalka Midowga Yurub uu la yimaado qalab isgaarsiineed oo u gaar ah oo ay ku jiraan telefoonada satellite-ka. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa toddobaadkan sheegay in aan loo baahnayn taleefoonada dayax gacmeedka, wuxuuna sababta ku sheegay in goob kasta oo doorasho laga heli karo hab isgaarsiineed oo hoosyimaada nidaamka Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana ay midowga Yurub isticmaali karaan. “Waa wax laga xumaado in Midowga Yurub aanu heli damaanad-qaadkii lagama maarmaanka u ahaa astaamaha dimoqraadiyadda ee loo fidin lahaa shacabka Ethiopia. Hufnaanta kormeereyaasha doorashada ayaa udub-dhexaadka midowga Yurub” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Midowga Yurub oo ku aaddanaa hakinta kormeereyaasha reer Yurub ee doorashada Ethiopia. Midowga Yurub ayaa sheegay in ay Guddiga Doorashooyinka Ethiopia ay ugu deegeen 20-milyan oo lacagta Yurub ah, si dowladda Ethiopia u diyaariso doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo. Qaran News
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Kaxda ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaas qarax ka dhacay . Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaano SURF . Inta la xaqiijiyay Seddax qof ayaa ku dhimatay Qaraxa , kuwaas oo dhamaantood saarnaay gaariga Miinada ay la kacday , halka dhaawac uu ka soo gaaray Haweeney goobta ka ag dhaweyd . Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha warkaan kala Soco GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac. Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa lala beegsaday gaari Land Cruiser oo marayey Kaxda. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan saddex ruux, halka uu ku dhaawacmay qof kale, kuwaas oo la socday gaariga la qarxiyey. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray dhacdada kadib, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma cadda bartilmaameedka qaraxan, mana jiro weli wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi khasaaraha dhaliyey. Si kastaba qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey Muqdisho, kuwaas oo isugu jiray dilal qorsheysan iyo qaraxyo intaba. The post Wararkii ugu dambeeyey qarax ay ku dhinteen dhowr qof oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal markale dib uga qarxay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa saaka ka billowday halka loo yaqaano Beledunuur oo ku taalla galbeedka Beledweyne, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed, kuwaas oo haatan dagaalkooda dib uga sii qarxay halkaasi, waxaana socotay rasaas xoogan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ay isku qabsadeen laba dhinac ee dagaalamay. Sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inuu ku baxay xiisadaasi, islamarkaana uu ciidamo geeyey goobta lagu dagaalamay. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dhaq-dhaaqyo ciidan laga dareemayo xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. The post Dagaal ka qarxay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe, ayaa sheegaya in tuulooyin ka tirsan degmadaas uu ka socdo bara-kac ballaaran, kadib markii Webiga Shabeelle fatahaad xooggan ka sameeyay halkaas. Tuulooyinka Baarey iyo Moyko oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay Webigu fatahaad ka sameeyay, ayaa inta badan laga bara-kacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle. Fatahaadda webiga ayaa sidoo kale baabi’iyay dhul beereed ballaaran, oo ku yaalla labadaas tuulo oo ka tirsan degmada Jowhar, waxaana la sheegay dalag badan fatahaaddu qaadday. Sidoo kale, fatahaadda ayaa goysay wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar waxa isna go’an jidka isku xira Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha magaalada ee Maxamed Dheere. PUNTLAND POST The post Webiga Shabeelle oo Fatahaad xooggan ka sameeyay tuulooyin ka tirsan degmada Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
Mowjado daadad ah oo ka dhashay Roobabka Gu’ga, ayaa buuxiyay togga Ceeldaahir ee Gobolka Bari, taas oo mar kale xannibaad ku keentay isu-socodka Gaadiidka. Gaadiid kala duwan oo isu’gu jira Rakaab iyo Xamuul, ayaa mudda saacado ah ku xanniban Toggaas oo daadad xooggan ku soo dhaceen sida ay xaqiijiyeen Goob-joogayaal. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa sidoo kale soo saaray digniin adag oo ku saabsan, in aysan dadka Safarka ah Naftooda iyo Maalkooda halis ku gelin Toggaas. Sidoo kale, Laamaha Amniga ayaa lagu wargeliyay in ay soo dhoweeyaan dadka musaafuriinta ah oo ku xanniban Togga Ceeldaahir (Ceeldoofaar) labadiisa dhinac, inta jawigu is beddeli doono. PUNTLAND POST The post Gaadiid fara badan oo mar kale ku xannibmay Togga Ceeldaahir appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo u dhaxeeya Maleyshiyo beeleed oo subaxnimadii hore ee saka ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan . Maleyshiyada oo kala taabacsan beelo walaala ah oo wada deegaanka Doon Maleyka oo hoos yimaada magaalada Baladweyne ayaa la sheegay in uu salka ku haayo Buundo laga dhisayo deeganka . Wariyayaasha GoobJoog News ee magaalada Baladweyne ayaa xaqiijiyay in maaleyshiyada uu socday dagaal kooda mudda saacada ah . Wararka qaar ayaa sheegaya in labada Maleyshiyo beeled mid ka mid ah ay ogolaatay in deegaanka laga dhiso Buundada halka midda kale ay ka biya diiday arinkaa, halkaasne uu ka bilaabtay dagaalka . Illaa iyo hadda ma caddda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Labada maleyshiyo beeleed ee wada dega deeganka Doon Maleyka oo hoostaga magaalada Baladweyne . Wixii Faahfaahin ah oo ku soo kordha warkan kala soco GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Saddex ruux ayaa ku dhintay, mid kalena waa ku dhaawacmay, kadib markii qarax lala beegsaday gaari nooca raaxad ah o marayay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso, ayaa la kacay gaari LandCruiser ah oo halkaas marayay, inkastoo aan weli la xaqiijin cidda qaraxa lagu beegsanayay. Laamaha Booliiska iyo danbi baarista dowladda oo goobta tegay, ayaa laga soo xigtay in ay baaritaan ku wadaan dhacdadaan. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa, islamarkaana faahfaahin buuxda lama helin. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal beeleed hubaysan, oo saaka ka dhacay duleedka degmada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa sid wararku sheegayaan wuxu sababay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tiro sugan laga hayn khasaarihiisa. Dagaalka labada malayshiya-beeleed ayaa ka dhashay muran ku salaysan dhul ay isku qabsadeen labada dhinac, kaas oo ku yaalla degaanka Belednuur. Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa laga soo xigtay in markii dambe ay ciidamo kala dhex dhigeen labada dhinac, islamarkaana dagaalku istaagay. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxay dagaal beeleed ka dhacay duleedka Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu booqasho rasmi ah ku tego boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu casuumaad ka helay. Wararka ayaa sheegaya inuu ra’iisul wasaaraha uu soo Cumreysanyo maalmaha ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu ra’iisul wasaare Rooble kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalkaas, isla-markaana uu kala hadli doono xiriirka labada dal. Sacuudiga ayaa dhawaan qaaday xayiraaddii dhinaca socdaalka caalamiga ah, ka gadaal markii uu sameeyey cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli ay u taallo shaqo adag oo ay ugu horreyso qabashada doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka. Si kastaba safarkani ayaa noqon doono kii sadexaad ee uu ambabaxo Rooble tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul-wasaaraha, isagoo horey booqasho ugu tegay Qatar & Kuweyt The post R/W Rooble oo ku wajahan dalka Sacuudiga + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi saraakiil ah oo ay iska dhex magacaabeen ciidamada dhawaan gudaha u soo galay magaalada Muqdisho ee difaacyada ka sameystay xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis, Hodan iyo Howlwadaag, ayaa shuruudo ku xiray inay dib ugu laabtaan xeryahoodii. Guddigan oo ka kooban sedex Janaraal iyo afar Korneyl ayaa dalbaday in madaxweyne Farmaajo wareejiyo mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, maadaama uu mudo xileedkiisii dhamaaday, iyagoo ku eedeeyey inuu iska hor keenay ciidamada qalabka sida ee dalka. Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo ah afhayeenka guddiga ciidamada ka gadooday mudo kororsigii Farmaajo oo u waramay BBC ayaa sheegay inay sii joogi doonaan difaacyada ay ka sameysteen gudaha magaalada Muqdisho, inta xal looga helayo waxyaabihii markii hore ay ka gadoodeen. “Anagu markasta waxaan ilaalineynaa sareynta sharciga iyo ku dhaqankiisa, Soomaaliya waxaa u degan dastuur ay ku heshiisay, waxaana markii aan aragnay in sharciyadii wadanka la lunsaday go’aansanay inaan badbaadino dowladnimada Soomaaliya, u jeedkeenu waxa uu ahaa hor istaaga mudo kororsiga iyo in lagu soo laabto miiska wadahadalka,” ayuu yiri Afhayeenka guddiga ciidanka Badbaado Qaran Gaashaanle Diini Rooble Axmed. Sidoo kale Afhayeenka guddigan ayaa ku dooday in Farmaajo ciidanka uu ka dhex abuuray qalalaase, isla markaana ay khasab tahay inuu iska wareejiyo mas’uuliyadda ciidamada Qaranka. “Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday sidii umaddu rajeyneysay mudo kororsiga ugama uusan hadlin, sida noo muuqatay qeyb waa ka tanaasulay, qeybna weli waa ku dhimantahay. Ammaanka dalka madaxweynuhu kama sii ahaan karo masuul, sababtoo ah waxa uu sababay in ciidankii qalabka siday ee Soomaaliya uu iska hor yimaado, sidaas darteed anagu waan sii joogi doonaa gudaha Muqdisho, inta kala dambeyntii dalka ay dib uga soo noqaneyso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray sarkaalkan. Mar wax laga weydiiyey sababta ay u qaadan waayeen amarkii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa inay dib ugu noqdaan xeryahooda ayuu ku jawaabay, “Ra’iisul wasaaraha xil-gaasiinta waan maqlay hadalkiisa, laakiin shalay markii aan soo geleynay magaalada waa uu joogay, muhiimadeenuna waxay tahay in sababtii aan shalay u soo galnay magaalada ee aheyd inay sharciyadu sareyso ay weli wax ka dhimanyihiin.” Hoos ka dhageyso wareysiga The post Wareysi: Afhayeenka gudiga ciidanka Badbaado Qaran oo ka hadlay qorshahooda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran oo sidoo kalena ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa wareysi uu siiyey telefishanka Dalsan waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo xasaasiya. Xildhibaan Odowaa ayaa ugu horeyntii in xaalada dalka iyo qalaalasaha ka taagan uu sabab u yahay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona sheegay inuu leeyahay mas’uuliyada dadweynaha dhawaan ku barakacay magaalada Muqdisho. Waxa uu shaaciyey in magaalada Muqdisho aysan ka baxeyn ciidamada kasoo horjeeday muddo kororsigii la laalay, ilaa inta la dhameystirayo wada-hadalo bilow ah oo la iskugu laab-xaarayo saraakiisha iyo ciidamada, taasi oo waqti u baahan, sida uu sheegay. “Mas’uuliyada qaxa waxaa iskaleh Farmaajo (mas’uuliyada barakaca). Wada-hadal ayaa ka socda mida ciidamada markaa miraheeda hala gaaro, waqti ayey u baahan tahay. Taliyeyaal ciidan ayaa jira oo ciidamadaan ay ishaysteen oo shalay iska soo horjeedee,” ayuu yiri. Wasiirki hore ee arimaha gudaha DFS ayaa inta uu wareysiga socday ka jawaabay su’aal la xiriirtay inuu Jeneraal Saadaq John u difaacayo beel ahaan?, maadama markii uu kasoo horjeestay Farmaajo uu si weyn ugu muujiyey garab istaag. “Haa!, ceeb miyaa xildhibaankiisa ayaa ahee, aniga kursiga aan ku fadhiyo beel sow kuma fadhiyo, waxaa ku fadhiyaa 4.5,” ayuu yiri Xildhibaan oo ka jawaabaya su’aasha la xiriirta in Saadaq John ay ku difaacayaan garab qabiil, islamarkaana ugu hiiliyeen kadib markii ay is-qabteen Farmaajo. Xildhibaan Odowa ayaa ugu dambeyntiina sheegay in qaybaalada uu dib usoo nooleeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo uu xusay inuu wada-hadalo masiiri ah u bur-buriyay deegaanka uu kasoo jeedo ee Gedo. The post Odowaa oo shaaciyey xiliga ay Muqdisho ka baxayaan ciidamada babaado qaran appeared first on Caasimada Online.
-
Suspected extremist in Kenya’s east blow up truck killing 2
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
NAIROBI, Kenya (AP) — At least two people were killed near Kenya’s eastern border with Somalia when the vehicle they were travelling in ran over an explosive device suspected to have been planted by the extremist al-Shabab rebels, officials said Tuesday. Source: Hiiraan Online -
The ancient trade routes of East Africa’s Swahili Coast – a 3,000 kilometre littoral stretching from Somalia in the north to Northern Mozambique in the south – is riddled with illegal trading. These networks are connected to political instability in the wider region as well as the emergence of extremist movements which threaten to undermine and corrode the region’s fragile institutions. Source: Hiiraan Online
-
Kenya is on course with the construction of the 700km-long barrier along its border with Somalia. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Asha Mohamed Abdirahman had to flee for her life when violent clan conflict broke out in Dhabar Dalool, a remote village in the arid plains of northern Somalia’s Sool region. Source: Hiiraan Online