Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee ka socda dowladda Qatar, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa maanta si gaar-gaar ah magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle. Dr. Al-Qahtani oo madaxweynayaasha kula kulmay hotelka Decale ee gudaha garoonka Aadan Cadde, ayaa waxa uu kala hadlay khilaafka doorashada iyo is-mari-waaga siyaasadeed ee kal hore isku rogay dagaalka. Ergeyga ayaa Qoor-Qoor iyo Guudlaawe u bayaamiyey doorka ay Qatar ka qaadaneyso xal u helida qalaalasaha siyaasadeed ee ka dhashay muranka doorashooyinka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Labada madaxweyne oo dhawaan ka horyimid muddo kororsigii uu laalay Golaha Shacabka ayaa waxay hore u taabacsanaayeen madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, wallow ay ku kala aragti fogaadeen muddo kororsiga uu dagaalka ka dhashay. Kulamadaan ayaa qeyb ka ah kuwo uu Ergeyga gaar ah ee Qatar la qaadanayo madaxda Soomaalida, ayada oo labadii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kula shiray ra’iisal wasaaraha, labada guddoon ee baarlamaanka iyo musharraxiinta mucaaridka. Dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay bilowday Qatar ayaa kusoo aadaya, xilli lagu wado in dhawaan dib loo bilaabo wada-hadalladii doorashada ee u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, kuwaasi marar badan fashilmay. The post Sawirro: Muxuu ergeyga dowladda Qatar kala hadlay Qoor Qoor iyo Guudlaawe? appeared first on Caasimada Online.
  2. Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Waxaa Jaaliyadaha Puntland/Jubbaland iyo guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Denmark ka baxay Walaal nagu qaaliya Xaaji Maxamed Huseen (Daaniye) Sh. Maxamed Bashiir, oo xalay ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee dalka Denmark. Jaaliyadu waxay ka tacsiyeynayaan geerida ku timi Walaal Maxamed Xusseen Daaniye, Waxayna illaahay uga baryayaan inuu naxariistii Janno ka waraabiyo denbigiisa allaha dhaafo, su’aasha qabriga allaha u fududeeyo samir iyo Iimaana allaha ka siiyo dhammaan Qoyska reer Huseen Daaniye, xaaskii iyo awlaadii, Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee uu ka baxay ee dalka Denmark. Puntlandpost.com The post Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee DK oo ka tacsiyeynaya Geeridii ku timi Xaaji Maxamed Xuseen (Daaniye) oo Xalay ku geeriyooday M. copenhagen appeared first on Puntland Post.
  3. The European Union Ambassador to Somalia Nicolas Berlanga has on Monday said that ‘Demilitarization of Mogadishu is now the priority’. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Muqdisho)-Guddiga Midowga Afrika (AU) ayaa bogaadiyay go’aankii dhowaan uu soo saaray baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorasho ee 17 September 2020. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee dib loogu soo celiyey Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 oo saldhig u ahaa doorashooyinka soo socda, kadib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiyaha Guddiga ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo inuu horumariyey danaha dadka Soomaaliya. Gudoomiyaha wuxuu kaloo soo dhaweeyay doorka hogaamineed ee loo igmaday Raysal Wasaaraha si loogu diyaar garoobo doorashooyin nabdoon, lagu kalsoonaan karo oo hufan laguna xaqiijiyo amnigooda. Moussa Faki ayaa markale ku celiyey baaqiisa ah in si deg deg ah loogu laabto wada hadalka iyo gorgortanka. Wuxuuna sheegay midowga Afrika in ay ka go’an tahay taageerada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee geeddi-socodkan. Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa 20- ka bishaan Muqdisho dhigay gogol ay ku wada hadlayaan dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, si looga dooddo dhammeystirka heshiiska doorashada. Source
  5. Hargeisa (PP News Desk) — One day after Somaliland Information and Culture Minister Suleiman Ali Koreh told the local media in Hargeisa that several opposition candidates were under investigation for making contact with the Federal Government of Somalia, the Chairman of UCID, Faisal Ali Warabe, accused Somaliland Government of politicising the police for electoral goals. “One police commander told a UCID candidate to drop his candidacy for a local government seat. Somaliland government officials said that candidates had no immunity from prosecution. The Somaliland government had damaged the neutrality of the police” said Warabe at a press conference held in Hargeisa yesterday. President MusibBihi (left), Waddani Chairman Abdirahman Abdullahi (middle) and UCID Chairman Faisal A. Warabe last year signed an agreement to ensure that the three political parties will have a level playing field. In a joint statement Waddani and UCID, two opposition parties, have accused Somaliland government of violating agreements aimed at preparing Somaliland for free and transparent local and parliamentary elections. “There is no longer a level playing field for political parties. The police harass opposition candidates. It has become clear that Somaliland government had turned a blind eye to our concerns and complaints from civil society organisations and Somaliland Human Rights Center” reads the statement. A joint statement issued by Waddani and UCID in Hargeisa. Waddani and UCID urged Somaliland President Muse Bihi Abdi to rein in the police commander “who authorised soldiers to visit opposition party offices to harass candidates”. Human Rights Center took note of “the detention of 7 opposition politicians who declared willingness to compete in the elections. Additionally, three more opposition candidates are wanted by the Police. During the period this report covers, HRC has also documented the detention of 7 journalists. The arrest of the opposition politicians contradicts the Constitution of Somaliland and the Elections Act, which both provide politicians with the right to participate in politics without fear of reprisal and to join the party of their choosing.” Somaliland local and parliamentary elections will take place on 31 May, 2021. © Puntland Post, 2021. The post Somaliland Government Accuses Opposition Candidates of ‘Treason’ appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan. Farmaajo ayaa sidoo kale danjiraha ka guddoomay fariin iyo salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Itoobiya, wuxuuna madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uga warbixiyey Cabdulfataax guulo wax-ku-ool ah oo ay gaartay dowladiisa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. “Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey Safiirka guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidammada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.” Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa asaguna dhankiisa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyey ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax-bannaanida dal walba. Madaxweynaha waqtigiisa uu dhaaamaday ayaa ugu dambeyntiina waxa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka miro-dhalinta iyo xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, daris wanaag iyo wax-wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika. Ma aha markii u horeysay ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu waraaqaha danjirenimo ka guddoomo safiir dal kale, xili uu dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga ahaa. Sharciga Soomaaliya ayaa dhigaya in madaxweynaha dalka uu ka guddoomo danjirayaasha dalalka caalamka aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilaaban, hase yeeshe xiligan Soomaaliya malaha madaxweyne sharci ah, waxaana dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda. The post Sawirro: Farmaajo oo aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Ingiriiska Amb. Kate Foster. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Kate Foster oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimi safar shaqo oo ah safarkii ugu horreeyey maaddaama safiirku cusub yahay. Ugu horrayn, madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu safiirka cusub xog-warran ballaadhan ka siiyey hannaanka Dimuqraaddiyadeed ee ha kana qaaday Somaliland intii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii burburtay ee Soomaaliya oo Somaliland ay ka gaadhay horumar dhinac walba ah oo sababtay inay tusaale u noqoto dalal badan oo ka mid ah geeska Afrika. Iyadoo madaxweynuhu safiirka ku soo dhaweeyey dal qaan-gaadhay oo buuxiyey shuruudihii dawladnimo balse caalamka ka sugaya wixii ay xaq u lahaayeen oo ah ictiraaf buuxa. Waxaana kulanka lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada dal, arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo maalmo koobani inaga xigaan. Waxa kale oo kulanka lagu lafo-guray deeqaha dalka ingiriisku Jamhuuriyadda Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika. Safiirka cusubna waxa ay dhinaceeda uga mahadnaqday madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba horumarka, Dimuquraaddiyadda iyo nabadgelyada buuxda ee ay gaadheen muddadaa soddonka sanno ah, iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay booqashada ay ku timid dalka, ka dawlad ahaanna ay dardar-gelin doonto hawlaha wada shaqayneed ee labada dhinac hore uga dhexeeyey. Qaran News
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Kate Foster oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimi safar shaqo oo ah safarkii ugu horreeyey maaddaama safiirku cusub yahay. Ugu horrayn, madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu safiirka cusub xog-warran ballaadhan ka siiyey hannaanka Dimuqraaddiyadeed ee ha kana qaaday Somaliland intii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii burburtay ee Soomaaliya oo Somaliland ay ka gaadhay horumar dhinac walba ah oo sababtay inay tusaale u noqoto dalal badan oo ka mid ah geeska Afrika. Iyadoo madaxweynuhu safiirka ku soo dhaweeyey dal qaan-gaadhay oo buuxiyey shuruudihii dawladnimo balse caalamka ka sugaya wixii ay xaq u lahaayeen oo ah ictiraaf buuxa. Waxaana kulanka lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada dal, arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo maalmo koobani inaga xigaan. Waxa kale oo kulanka lagu lafo-guray deeqaha dalka ingiriisku Jamhuuriyadda Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika. Safiirka cusubna waxa ay dhinaceeda uga mahadnaqday madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba horumarka, Dimuquraaddiyadda iyo nabadgelyada buuxda ee ay gaadheen muddadaa soddonka sanno ah, iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay booqashada ay ku timid dalka, ka dawlad ahaanna ay dardar-gelin doonto hawlaha wada shaqayneed ee labada dhinac hore uga dhexeeyey. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL Source
  9. Kismaayo (Caasimadda Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeyb gali doonaan shirka uu iclaamiyay rai’sul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu 20-ka bishan isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo Gobolka Banadir. Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan oo BBC la hadlay ayaa ku baaqay in la isu tanaasulo danta shacabka Soomaaliyeedna la eego, islamarkaana raii’sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa. “Jubaland way ka qeyb galeysaa shirka uu ra’iisul wasaaraha ku baaqay 20 Bisha, wax kasts oo aan rabnay ee habsami u socodka doorashada lawada ogolyahay waxaan soo saari doonaa miiska wadahadalka,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Adan. Maxamuud Sayid Adan ayaa Rooble ka codsaday inuu xalka la raadinayo ku daro sidii Gobolka Gedo looga soo saari lahaa ciidamo uu sheegay inay ku milmeyn siyaasadda, sidoo kalena laga wada hadlo afduubkii loo geystay madaxdii Jubaland ee Gobolka Gedo oo uu tilmaamay in si xoog ah Muqdisho looga dajiyey. “Waxaan kaloo Ra’iisul wasaaraha ku dhiira gelineynaa inuu qorshihii amniga qaranka ee uu isaga hadda hayo ku daro sidii xal loogu heli lahaa ciidamada siyaasadda ku milmay labadii sano ee ugu dambeysay oo ay ka qeyb ka tahay kuwa Gobolka Gedo ee albaabada isugu dhuftay hey’adihii dastuuriga laguna daro waajibaadka guddiga shaqada ka wado Muqdisho,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan. Mar wax laga waydiiyey inay Jubaland shuruud ku xireyso ka qeybgalka shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble ayuu sheegay inaysan wax shuruud ah ku xiri doonin balse wuxuu tilmaamay inay jiraan caqabado dhowr ah oo muddo hortaagnaa inuu hirgalo heshiiskii 17 September taasna looga wada hadli doono miiska wada-hadalka, isagoo rajo ka muujiyey in xal kama dambeys ah la gaari doono. Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo la waydiiyey in madaxweyne Axmed Madoobe uu Muqdisho la tagi doono ciidamadii uu markii hore la tagi jiray iyo haddii uu hadda ku kalsoonaan doono ra’iisul wasaare Rooble ayaa uga jawaabay in ilaalinta qofka Mas’uulka ah aysan ku xirneyn amni iyo amni darro balse ay iyaga ay ka go’an tahay inay tagaan shirka. Dhinaca kale, Wasiiru dowladaha madaxtooyada Maamul Goboleedka Jubaland Xirsi Jaamac Gani ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xirgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble looga baahan yahay inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada si dalka uu u aado doorasho lagu kalsoonaan karo. Xirsi Jaamac oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa tilmaamay in Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble looga baahan yahay inuu adeegsado awoodiisa dastuuriga ah oo ay qeyb ka tahay inuu xilalka ka qado taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. “Sida ku cad qodobka 99-aad ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya waxaa ku jira xuquuqda RW iyo laantiisa fulinta inay dalacsiiyaan ama shaqada ka eryaan taliyayaasha ciidamada. Waxaan kula talinayaa Ra’iisul Wasaare rooble inay tahay inuu adeegsado awoodiisa si uu faa iidada ugu helo mideynta ciidamada,” ayuu yiri Xersi Gaani. The post Jubaland oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan shirka uu iclaamiyey Rooble, kana dalbatay hal qodob appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (PP News) — A Puntland Post story on a comment by Dr Afyare Elmi, Director of Heritage Institute for Policy Studies, on the political situation in Somalia is generating lively discussions in Twittersphere. We reported that Afyare had argued that a failure on the part of the incumbent Somali government to organise elections had resulted in political uncertainties. Afyare’s inadvertent use of rotation lends credence to the duopoly theory. “The root cause is that every four years Somalia often has some sort of rotation of power that has not happened under the leadership of the President” Afyare told Al Jazeera. Afyare’s inadvertent use of rotation lent credence to the duopoly theory advanced by Professor Ahmed Ismail Samatar about two Somali clans that take turns occupying Villa Somalia. “With respect to @afyare_elmi the supposition that Somalia should adopt an alternate presidential system rotating between Darood and Mogadishu Clan is not only pure sophistry but regressive given the present 4.5 power sharing structure. Somalia does not belong to two tribes?” tweeted Sharief Zeinulabidin Khalif. In a tweet, Afyare begged to differ: “This is not about duopoly. They misunderstood it. Argued that of democracy components (rule of law, rotation of power & checks & balances), Somalia had practice of rotation of power every 4 yrs, and VS failed to deliver it. See my publications on citizenship and decentralization.” The root of rotation is rotate. Oxford English Dictionary defines rotate thus: “ to move or turn around a central fixed point.” It is this difinition of the verb that Muna Ismail has in mind when, in reply to Adam Aw Hirsi, she tweeted: “Rotation’ implies an inherently known pattern of an activity. While ‘changing hands’ refers to something with a new outcome. Of course the ‘duopoly system’ carries anything but change. It was created to ring-fence the positions of President and PM for two specific groups only.” “Afyare is a Somali intellectual who is not on the record for speaking out against marginalisation of Somali clans known as Others. Heritage Institute, like other so-called think tanks in Somalia, is a mouthpiece of a clan. That Afyare accepted its directorship says a lot about the quality of research by Somali think tanks. They promote the 4.5 system and deprive us of political and economic rights” Aweys Shiikhey, a Banadiri political activist, said. Somalia is still searching for an intellectual class able to rise above the promotion of powerful clans’ interests and patronage. © Puntland Post, 2021 The post Debate on the Somali ‘Duopoly’ Rages in Twitter appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan. Safiirka Itoobiya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya, Marwo Sahle-Work Zewde, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay. Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan, ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyey ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax bannaanida dal walba. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, daris wanaag iyo wax-wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Isniin ah xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Kate Foster. Madaxwweynaha maamulka Somaliland, oo kulan gaar ah la qaatay safiirka, waaxaana kulanka lagaga wada hadlay qodoba ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka maamulka Somaliland iyo dowladda Ingiriiska, arrimaha diyaar garowga doorashooyinkaSomaliland ee Golaha wakiillada iyo deegaanka oo maalmo kooban ka harsan yihiin. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in sidoo kale kulanka lagu lafo-guray deeqaha dalka ingiriisku Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Biixi oo qaabilay safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nocolas Berlanga, ayaa ku baaqay in ciidamada militariga ee dowladda iyo kuwa mucaaradsan labadaba laga saaro gudaha magaalada Muqdisho. Mr Berlanga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay, in magaalada Muqdisho aysan xamili karin ciidamo amni oo kala qaybsan, kuwaas oo qaarkood ay ka baxsanyihiin Amarka Taliska Ciidamada. Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku baaqay, in cid kasta oo doonaysa in ay door wanaagsan ka qaadato doorashooyinka dalka ay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku taageerto shaqooyinkiisa muhiimka ah. Hadalka Safiirka ayaa ku soo beegmay, xilli weli ay gudaha Muqdisho ku sugan yihiin ciidamo kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka kadib qalalaasihii ka dhashay mudda kordhintii dowladda. PUNTLAND POST The post Madowga Yurub oo ku baaqay in Ciidamada Milatariga laga saaro gudaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Jubaland ayaa shaacisay in ay ka qayb-gelayso shirka uu ku baaqay Ra’iisul wasaare Rooble, oo ku saabsan dhammaystirka heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden, oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay ka qayb-galka shirkaas, oo lagu ballansanyahay 20 bishaan May 2021. “Jubaland wey ka qaybgalaysaa shirka uu ra’iisal wasaare Rooble ku baaqay 20 ka bisha waxaan qabno dhammaan miiskan saari doonaan” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aaden Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay, in ay jiraan tabashooyin ka soo noqday heshiiskii 17-kii September, kuwaas oo u baahan in lagu xalliyo miiska wada-hadalka gaar ahaanna shirka soo socda. PUNTLAND POST The post Jubaland: Waan ka qayb-gelaynaa shirka Rooble ku baaqay appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Laascaanood)-Maayarka Magaaladda Laascaanood cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa sheegay in huteelad ku yaala magaalada aan laga ogalayn in laga tumo muusig. Duq Taarwale ayaa sheegay in cidda shida muusig ay ciidanka ammaanku ku amran yihiin in ay gacanta kusoo dhigaan.“Waxa aan idiin sheegaya in ay mabnuuc tahay in huteellada habeenkii muusig lagu tumo, waana xaraan qofkii lagu qabto cidaanku gacanta ayuu ku soo dhigaaya. mulkiilayaasha huteelada waxaan ku wargelinayaa in ay sidaasi ula socdaan amarkaa aanu soo saarnay” Maayirku waxa uu sheegay in raxmaadkii gu’gu ay si fiican uga curteen magaaladda Laascaanood iyo deegaanada ku hareeraysan waxanu bulshada u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan xilli roobaadkan aynu galnay kana guuraan goobaha biyo mareenka ah Source
  16. Imaam lagu dilay Masaajid Gudihii Isagoo Salaad tukanaya Sheekh Cali Amiin, oo ahaa imaam caan ka ah bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa lagu toogtay masjidka weyn ee magaalada Beni isaga oo salaad ku tukanaya. Nin hubeysan ayaa toogtay Imaamka xilli lagu jiray salaadii maqrib ka dibna wuu baxsaday, sida uu sheegay mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha. Imaamka wuxuu ahaa nin si adag u dhaleeceeya xagjirnimada islaamka ee ka jirta gobolka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Bariga DR Congo waxaa si xun u saameeyay xasilooni daro, oo ay ku jiraan weeraro ay sheegteen kooxda la baxday Dowladda Islaamka (ISIS). Waxaa sidoo kale jira kooxo badan oo hubeysan kana howlgala bariga DR Congo. “Waxay dhacday abaare 19:15 salaadii maqrib. Rasaas ayaa ka dhacday gudaha masjidka oo lala beegsaday imaamka. Ninkii hubeysnaa waa uu baxsaday maadaama uu banaanka hore ee masjidka uu ku sugaayay qof watay mooto ,” ayuu yiri Stewart Muhindo, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha. Qaran News
  17. Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta khadka aalada fogaan araga ah ee ZOOM-ka uga qeyb galay shirar ay qabteen Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Shirarka ayaa waxaa looga hadlay howlaha isbadalka Maaliyadda oo wali socda iyo barnaamijyada muhiimka ah ee Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ka caawinayaan dowladda Federaalka. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in guushii dowladda ka gaartay deyn Cafinta ay shacabka Soomaaliyeed u furtay waddooyinka badan oo horseeday horumar balaaran. Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Qoraalkiisa intaas kusii daray “Guushii deyn Cafinta waxa ay ummadda Soomaaliyeed u furtay waddooyin badan oo inoo horseeday faa’iido iyo horumar balaaran”. Wasiir Beyle ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka ay dhaqaale xumidii ugu darneyd ay soo wajahday, isla markaana laga joojiyay dhaqaalihii uga imaan jiray dhinaca Beesha Caalamka, wixii ka dambeeyay Bishii Ogoosto ee sanadkii 2020. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo la shiray Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Tel Aviva)-Saddex qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa Axaddii lagu dhaawacay toogasho ay Daanta Galbeed ee la haysto ka fuliyeen rag ku socday baabuur, ayada oo wasiirka gaashaandhigga Israel Benny Gantz uu weerarka ku eedeeyeey “argagixiso”. Toogashada oo ka dhacday goob basaska laga raaco oo ku taalla Isgoyska Tapuah ee koonfurta Nablus ayaa loo maleynayaa inay fuliyeen kooxaha Falastiiniyiinta. “Gaadhi laga shakiyey ayaa yimid isgoyska, wuxuuna xabado ku furay shacab Israa’iiliyiin ah oo goobta ku sugnaa,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saareen ciidamada Israa’iil. “Ciidamada ayaa rasaas ugu jawaabay gaadhiga laga shakiyey oo goobta ka baxsaday,” ayuu bayaanka intaas ku daray. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israa’iil ee Megan David Adom ayaa sheegay in saddexda qof oo da’doodu tahay labaatameeyada loo qaaday cisbitalka, islamarkaana mid ka mid ah ay xaaladdiisa darran tahay. Sadddexda qof ayaa la sheegay inay ahaayeen arday seminar diimeed u joogay deegaan ka ag dhow goobta oo lagu magacaabo Itamar. Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa yidhi “Uma ogolaan doonno in argagixisada ay madaxa sare u qaaddo, waxaana cadowgeena ku weerari doonnaa awood.” Dhinaca kale, ciidamada Israa’iil ayaa galay xaafadda Beita ee koonfurta Neblus, waxayna isku dhaceen Falastiiniyiin tuurayey dhagxaan, halkaasi oo rasaas ay ku fureen ay ku dhaawacmeen saddex qof. Goor sii horreysay, ciidamada Israa’iil ayaa toogasho ku dhaawacay haweeney Falastiini ah oo ay sheegeen inay mindi kusoo weerartay. Waxay goor dambe ku geeriyootay cisbital ku yaalla Qudus. Waxaa magaceeda lagu sheegay Fahima al-Hroub, oo dhalatay 1961-kii, kana soo jeeday Bethlahem. Source
  19. Saddex qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa Axaddii lagu dhaawacay toogasho ay Daanta Galbeed ee la haysto ka fuliyeen rag ku socday baabuur, ayada oo wasiirka gaashaandhigga Israel Benny Gantz uu weerarka ku eedeeyeey argagixiso. Toogashada oo ka dhacday goob basaska laga raaco oo ku taalla Isgoyska Tapuah ee koonfurta Nablus ayaa loo maleynayaa inay fuliyeen kooxaha Falastiiniyiinta. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israel ee Megan David Adom ayaa sheegay in saddexda qof oo da’doodu tahay labaatameeyada loo qaaday isbitalka, islamarkaana mid ka mid ah ay xaaladdiisa darran tahay. Sadddexda qof ayaa la sheegay inay ahaayeen arday seminar diimeed u joogay deegaan ka ag dhow goobta oo lagu magacaabo Itamar. PUNTLAND POST The post Falastiiniyiin weerar toogasho ah ka fuliyey dhulka la haysto ee Daanta Galbeed appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa maanta dalbaday in ciidamada militariga laga saaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayada oo xiisaddii magaalada ka taagneyd ay yara qabowday. Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “In militariga laga saaro Muqdisho waa muhiimadda koowaad ee iminka. Dadka doonaya inay cayaaraan kaalin wanaagsan oo ku aadan doorashada waa inay ra’iisul wasaare Rooble ka taageeraan shaqadan muhiimka ah.” “In Muqdisho lagu kala qeybiyo maleeshiyo ama ciidamo amni oo leh talis ka baxsan qadka talis guud ma caawineyso shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri. Demilitarise Mogadishu is the priority now. Those that want to play a positive role towards elections should support PM Roble in his key tasks. Division of Mogadishu with militias or out-of-line-of-command security forces is not helping Somali people — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) May 3, 2021 Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wada sugan ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo dowladda ka tirsan balse ka horyimid muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo iyo golaha shacabka ee laga laabtay Sabtidii, waxaana ra’iisul wasaare Rooble uu dalbaday in ciidamaas ay ka baxaan Muqdisho. Hase yeeshee, ciidanka diidan muddo kororsiga oo hadda u muuqda inay toos ugu biireen ciidamada Midowga Musharaxiinta, ayaa waxaa kusii biiraya ciidamo hor leh oo kasoo goosanaya dhanka dowladda. Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa shalay ka goostay dowladda federaalka, iyagoo ku biiray ciidanka taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaado Qaran. Arrintan ayaa aad uga carreysiisay dowladda oo xalay u digtay siyaasiyiin ay sheegtay inay Muqdisho ka wadaan kala-qeybinta iyo burburinta ciidamada. Mucaaradka ayaa sheegay in weli aysan jirin wax la taaban karo oo ra’iisul wasaare uu sameeyey si loo aamino, sidaas darteed ay ciidankooda joogayaan Muqdisho illaa dalka uu doorasho ka aado, sababtoo ah ciidamo uu soo iro Farmaajo oo dhowr jeer weeraray qaar ka mid ah musharaxiinta, ayaga oo aan haysan difaac badan. The post Midowga Yurub oo qoraal kulul kasoo saaray ciidanka weli ku sugan MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  21. Khamenei oo si adag uga jawaabay Codkii laga duubay Zarif ee uu ku weeraray Jeneralkii Maraykanku dilay Qassem Soleimani Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cambaareeyey wasiirka arrimaha dibedda dalkas, oo wareysi sir ah oo la dusiyey ku sheegay in Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay saameyn isaga ka badan ku leeyihiin siyaasadda arraimaha dibedda iyo xogta Nukliyeerka. Wareysiga oo uu baahiyey taleefishin fadhigiisu yahay London oo ku baxa luuqadda Persian-ka ayaa Mohammad Javad Zarif wuxuu ku sheegay inuusan haba yaraatee wax saameyn ah ku laheyn siyaasadda arrimaha dibedda Iran. Ayatollah Ali Khamenei, oo jeediyey khudbad laga baahiyey taleefishinka ayaan magacaabin Zarif, hase yeeshee wuxuu hadalldiisa ka yiri “Tani waxa aheyd qalad weyn oo ay tahay inuusan sameyn sarkaal ka tirsan Jamhuuriyadda Islaamiga ah.” “Ma jirto meel dunida ka mid ah oo wasaaradda arrimaha dibedda ay go’aansato siyaasadda dibedda. Waxaa jira saraakiil ka sarreysa oo go’aanada iyo siyaasadaha qaata. Dabcan, wasaaradda arrimaha dibedda way ku lug leedahay.” Iran ayaa ka xanibtay inay dalka ka baxaan 15 qof oo lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin codka la dusiyey oo ay mas’uuliyiintu sheegeen in loogu talo-gala diiwaanka dowladda balse aysan aheyn in la baahiyo. Zarif ayaa wareysiga kaga ashtakooday heerka saameynta uu siyaasadda dibedda ku lahaa hoggaamiyihii la dilay ee ciidamada Qudus ee Kacaanka Islaamiga, Qassem Soleimani. Cajaladda maqalka ah oo muddo saddex saac socotay ee laga duubay Mohammad Javad Zarif, ayaa Iran ka dhalisay dood kulul ka hor doorashada madaxtinimada iyo xilli ay Iran wadahadallo lagu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka magaalada Vienna kula leedahay quwadaha dunida. Qoraal uu soo dhigay Instagram kadib khudbadda Khamenei ayaa Zarif waxa uu kaga cudur daartay hadalladaas oo ka “carreysiiyey” mas’uuliyiinta sare ee Iran. “Haddii aan ogaan lahaa in erey ka mid ah meel fagaare ah lagu daabacayi, ma aanan sheegeen,” ayuu yiri Zarif. “Hadalkeyga…ma yareynin maqaamka iyo doorka aan la beddeli karin ee shahiid Soleimani.” Qaran News