-
Content Count
211,174 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaasiinta Maxamed Xuseen Rooble oo hadal kooban ka jeediyey kulankii galabta ay heshiiska ku gaareen isaga iyo midowga musharaxiinta ayaa musharaxiinta aad uga codsaday inay si dhow ugala shaqeeyaan arrimaha doorashada. Waxa uu sheegay in howsha doorashada ay aad u culus tahay kaligiisna uusan ka shaqeyn karin, sidaas darteena uu muhiim u yahay garab uu ka helo musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimada dalka. “Dhamaan musharaxiinta, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaarihii hore waxaan idinka codsanaa doorashada aniga kaliya inaan la igu haleyn, dhamaanteen mas’uuliyadaa na wada saaran. Inaan si cadaalad ah doorasho idinkugu maamulo ayaad ii dirsateen, marka gacan ayaan idin kaga baahanahay,” ayuu yiri Rooble. Sidoo kale shacabka magaalada Muqdisho ayuu Ra’iisul wasaare Rooble ka codsaday inay amniga kala shaqeeyaan ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska oo uu sheegay in hadda kadib si gaar ah loogu xil saaray amniga caasimadda. “Waxaan hey’adda ciidamada boliiska Soomaaliyeed amrayaa inay ilaaliyaan amniga qof kasta oo muwaadin ah, inay ilaaliyaan amnigeyga, amniga madaxweynaha, kan musharaxiinta iyo amniga qof kasta oo Soomaaliyeed, waxaan rabaa inaan cidna lagu xad gudbin oo qof dhib loo geysan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa musharaxiinta ka balan qaaday in qof gaar ah uusan xigsa doonin, oo doorashada uu si xalaal ah u maamuli doono, “Qalbigiina kheyr u sheega, laakiin gacan ayaan idin kaga baahanahay, aragiina yaana waayin,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in aysan jirin doonin qof ciidan ah oo lagu xad gudbo, sidaas darteena uu farayo ciidamada gudaha caasimadda difaacyada uga jira inay goobahoodii ku noqdaan. “Qof ciidan ah laguma xad gudbi doono, ciidanku mucaarad iyo muxaafid kalama laha, marka waxaan farayaa inay dib ugu noqdaan xeryahoodii, oo ay shacabka ka difaacaan argagixisada Al-Shabaab,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble. Hoos ka daawo The post Daawo: Rooble oo hal arrin aad uga codsaday Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn u hor istaagay mudo kororsigii Farmaajo iyo golaha shacabka, sidoo kalena ka mid ahaa guddigii dhawaan loo xilsaaray inay ka soo tala bixiyaan xalka xiisadii ka dhalatay mudo kororsiga, ayaa ka sheekeeyey hadallo ay galabta is dhaafsadeen isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble. Waxa uu sheegay in Rooble weydiiyey sababta ku khasabtay dagaalka, maadaama uu metelo, isla markaana uu meesha u joogo, “Waxaan ku iri waa runtaa Meesha waa ii joogtaa, laakiin Abtiyow markii Mursal ii diiday inaan tago Golihii aan ka tirsanaa, codna malihid la’i yiri. Farmaajo-na jidadka ciidamo ii dhigay ee albaab kasta iga celiyay, cid iga celisana aan waayay ayaan ku qasbanaaday in aan ka dagaalamo gardarada, dulmiga iyo ku tagrifalka awoodeed ee Mursal iyo Farmaajo ku bahoobeen,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in wasiir ka tirsan xukuumada Rooble uu weydiiyey in wixii dhacay uu hadda ka qanacsan yahay, “Si degan ayaan ugu iri mar hadii Golihii Mursal fuuntoobay waxtar dambena uusan lahayn. Farmaajo-na jidadkii shalay uu ii diiday maanta aniga wax la iga weydiinayo, wax cabasho ah ma qabo,” ayuu Mahad Salaad qoraalkiisa ku yiri. Hoos ka aqriso qoraalkan oo Mahad Salaad uu Facebook-ga soo dhigay Kaftan aniga iyo Abtigey Rooble galabta nagu dhex maray Madashii lagu shaacinayay heshiiska. Wuxuu i su’aalay Abtiyow maxaa dagaalka kugu qasbay soo anigu Abtigaa ma’ ihi meeshana kuuma joogo? Waxaan ku iri waa runtaa adigaa Abtigey ah, meeshana ii jooga lkn Abtiyow markii Mursal ii diiday inaan tago Golihii aan ka tirsanaa, codna malihid la’i yiri. Farmaajo-na jidadka ciidamo ii dhigay ee albaab kasta iga celiyay, cid noo garqaada ama iga celisana aan waayay ayaan ku qasbanaaday in aan ka dagaalamo gardarada, dulmiga iyo ku tagrifalka awoodeed ee Mursal iyo Farmaajo ku bahoobeen! Intaas markaan isdhaafsanay Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa mid Wasiirada meesha joogay ka mid ah inta soo booday igu yiri “hada ma qanacsantahay”? Si degan ayaa waxan ugu iri “mar hadii Golihii Mursal fuuntoobay waxtar dambena uusan lahayn. Farmaajo-na jidadkii shalay uu ii diiday maanta aniga wax la iga weydiinayo, wax cabasho ah ma qabo”. Wasiirkii inta dhinacyada iska fiiriyay oo dhoolacadeeyay ayuu tartiiba u siibtay. Malaha mid Fahad iyo Farmaajo wali u noolyihiin oo yaan lagu maqlin isleh ayuu ahaa! Hadal iyo dhamaantiis hada waa la heshiiyay ee howsha aan wada qabano. Mahadsanidiin. The post Mahad Salaad oo ka sheekeeyey arrin galabta dhex-martay isaga iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii heshiis ka kooban 10-qodob galabta laga gaaray xiisadii todobaadyadaan ka taagneyd magaalada Muqdisho, waxaa isisoo taraya soo dhaweynta iyo boggaadinta qodobada ay ku heshiiyeen ra’iisul wasaare Rooble iyo midowga musharaxiinta. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdiraxmaan Odawaa iyo Mahad Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa aad u soo dhaweeyey qodobadii lagu heshiiyey galabta, iyagoo ku taliyey in sida ugu haboon loo dhaqan geliyo heshiiskaas oo xal u noqon kara xiisadii maalmahaan ka jirtay magaalada Muqdisho. Ugu horeyn Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa u uku yiri, “Heshiiskii iyo qodobada caawa lagu heshiiyay waa soo dhawaynaynaa waana bogaadinaynaa. Dhammanteen mar haddii muddo kororsigii saqiiray aan nabadeynta u istaagno una dhaga nuglaanno.” Sidoo kale hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna yiri, “Waxaan bogaadinayaa heshiiska maanta laga gaaray xiisadii ka dhalatay muddo kororsigii fashilmay. Kalsooni ayaan ku qabaa adkaysiga geedi socodka nabada iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya. Mahad Alle aya leh, kaddibna Shacabka Soomaaliyeed iyo intii hor istaagtay muddo kororsiga.” Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad oo qeyb ka ahaa guddigii ka soo shaqeeyey heshiiska galabta la gaaray ayaa ka sheekeeyey hadallo kaftan ahaa oo dhex-maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo qoraalkiisa ku sheegay in hadda wax kasta laga heshiiyey. Heshiiskaas waxaa lagu gaaray hooyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, sidoo kale madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa hooyga uu Muqdisho ka degan yahay kulan afur ugu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Galmudug iyo Midowga Musharraxiinta. The post Maxay mucaaradka ka yiraahdeen heshiiska ciidamada looga saarayo Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Kulan galabta ka dhacay Muqdisho oo Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo mucaaradka yeesheen ayaa heshiis looga gaaray rabshadihii dhawaan ka dhacay Muqdisho. Kulanka oo warbixin looga dhageystay guddigii farsamada talabixinta ee dhawaan Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sh. Maxamuud iyo Sh. Shariif Sh. Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdirahman Cabdishakuur, wuxuuna kulnakaasi ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweyne Qoorqoor. Guddiga farsamada ayaa saxaafadda ka hor akhriyay war-saxafadeed ka soo baxay kulankaas oo ka kooban 10 qodob oo kala ah. 1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021. 2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas. 3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan. 4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni. 5. In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida. A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda. B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed. 6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka. 7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn. 8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb. 9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray. 10. Fulinta qodobadaan waxaa mas’uul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa. PUNTLAND POST https://youtu.be/M8LSddZRfLM The post Heshiis laga gaaray rabshadihii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Criticism of the federal structure in Somalia is growing. Actually, this criticism has existed from the beginning. The political class in Somalia has not yet come to terms with the current constitutional status. Abdirashid Diriye Kalmoy sees the failure of centralisation efforts also as a political failure of the Farmajo government and federalism as an obstacle to state-building. I see it quite differently. It is not because the centralisation efforts have failed that the policy of the last few years has failed, but because this policy was pursued in the first place. Thus, for years, one has pursued a policy against the existing constitutional situation without having an open discussion about the fact that one wants to change the system. No constitution is set in stone. On the contrary. Even the German Basic Law (Grundgesetz), which was the inspiration for the Somali constitution, has been amended more than 60 times since 1949. However, in transparent procedures and by institutions trusted by the majority of Germans. The political disdain for federalism and the practical disregard for the structures has led to a massive loss of trust among the actors. This loss of trust ultimately also led to the failure of the political talks for the 2020/21 election. The lack of respect for the constitution was also demonstrated by the fact that important constitutional bodies such as the Constitutional Court were not filled or not filled transparently and that it was neglected to establish a constitutional state of affairs by starting preparations for the elections in good time. The argument that there should be no power vacuum despite the lack of constitutional legitimacy and that the president is therefore constitutionally in office does not hold water. This is because the constitution punishes the administration that fails to hold elections and does not reward it with an option to remain in power permanently. The principle of democracy in Article 1(1) of the provisional constitution speaks against this. However, the lack of respect for the constitution has also been demonstrated by the fact that the Farmajo government has precisely not invested any energy in reforming or revising the constitution. The Constitution is a “provisional” Constitution and therefore Article 137 in conjunction with Article 134 states that the Constitution shall be reviewed in a transparent process. Appropriate bodies were also set up in 2017, but proposals were made far too late and with little political support. A reform was recently postponed until the next legislative period. This has left open one of the most important questions of the constitution. Namely, how the distribution of tasks between the federal states and the federal government should be structured. In the German Constitution there are detailed catalogues of what the Länder can regulate alone, what the federal level can regulate alone and in which areas joint action can be taken. For example, schools, the police, the prison system, parts of the infrastructure (roads, ports and airports) and large parts of the normal administration are the sole responsibility of the Länder. The federal level, on the other hand, is responsible for military defence, border control, consistent civil and criminal law, foreign representation and other overarching issues that affect the entire country. Power-sharing is the real secret of federalism’s success and the fact that this has not been achieved or that it was not wanted for fear of losing influence cannot be held against federalism as a structural principle. How Somalia decides on the constitution in the coming years is up to Somalis. The “Somalisation” of the constitution will be a significant task. Whether federalism or a central state. That is ultimately a matter of taste. There are good and not so good examples of both forms of state. However, the basis of any state-building is strong and workable institutions and the trust of the people and actors. State institutions that see their task as primarily adopting the president’s policies unthinkingly and not performing their constitutional duties only support an unhealthy alliance of politics, law and power. In a functioning democracy with a functioning separation of powers, these institutions should check each other, not be in coalition. René Brosius is a PhD candidate at the University of Bayreuth in Germany and is working on Somalia and the Somali constitution. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post Federalism is not to blame for the political impasse appeared first on Caasimada Online.
-
Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo. Reer Muqdisho Iyo guud ahaan soomaalida nabad iyo horumar ayaan u rajeynayaa inshaa’allah. 1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021. 2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas. 3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan. 4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni. 5. n Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida. A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda. B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed. 6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka. 7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn. 8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb. 9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray. 10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu gaaray heshiis lagu soo afmeeray qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo ee 25-kii bishii April ka dhacay magaalada, ayada oo la isku raacay in ciidamada laga saaro magaalada. Heshiiskan ayaa waxaa lagu gaaray kulan galabta ka dhacay caasimadda oo ay ka qeyb galeen, Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh, iyo guddiga ka kooban 11-ka xubnood ee loo xil saaray arrintan. Heshiiska la gaaray oo ka kooban 10 qodob, ayaa kala ah: 1- In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021. 2- In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas. 3- In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan. 4- In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni. 5- In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida. A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda. B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed. 6- In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka. 7- In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn. 8- In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb. 9- In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray. 10- Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa. The post DEG DEG: Heshiis 10 qodob ah oo Muqdisho lagu gaaray iyo ciidamada oo laga saarayo magaalada appeared first on Caasimada Online.
-
Beesha Caalamka ayaa maanta kulamo la qaadatay Ra’iisul Waare Rooble iyo qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta, kuwaas oo looga hadlay doorashada Soomaaliya iyo caqabadaha ku gadaaman. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu Beesha Caalamka kala hadlay sidii ay dalka uga dhici la hayd doorasho daahfuran iyo sidii ay taageero caalami ah u heli la hayd doorashadaasi. “Waxaan maanta kulan muhiim la yeeshay saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, kaas oo aan ku gorfeynay hannaanka doorashooyinka dalka, sida ay nooga go’atahay qabashada doorasho daahfuran iyo muhiimmadda taageerada Beesha Caalamka ee geeddi socodka doorashooyinka dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in kulan ay aalada internet-ka kula qaateen Beesha Caalamka la isku raacay in la suuliyo caqabadaha ku gudban midaynta ciidanka iyo qabashada doorasho la isla ogolyahay. “Kulan aaladda la iska arko maanta ku dhexmaray safiirrada UK, EU, US iyo UN, iyo qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta, ayaa la isku afgartay dhammaan qodobbadii laga wadahadlay oo ay kamid ahaayeen in la taageero dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble, la suuliyo caqabadaha ku gudban midaynta ciidanka iyo qabashada doorasho la isla ogolyahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo kulamo la qaatay Roobe iyo Mucaaradka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la garab istaago Ra’iisul Wasaaraha Xakuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, si loo hirgeliyo doorasho xor ah oo dalka ka dhacda. Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu boqaadinayo dadaallada uu Rooble ka billaabay xal u helidda xasaradihii amni ee Muqdisho ka dhacay iyo sida uu kasbaday saamileyda siyaasadda dalka. “Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xiisadda ka dhalatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa, sidoo kale waxaan soo dhoweynayaa shirka uu ku baaqay 20ka bishan” ayuu ku sheegay hadal kooban oo uu maanta jeediyay. Waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in fursad la siiyo lana garab istaago dadaalka u wado Ra’iisul Wasaaraha, si uu dalku uga baxo xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka dhalatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa iyo inqilaabkii hay’adaha dastuuriga ah. “Dhammaan qeybaha ka duwan ee bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku garab istaagaan hirgelinta doorasho xor ah oo dalkeena ka dhacda” ayuu raaciyay. Xasan Sheekh ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoonyahay go’aannada Ra’iisul Wasaare Rooble, taas oo meesha ka saareysa shaki ay muujinayeen midowga musaharraxiinta iyo golaha badbaado Qaran. Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii la siiyey awoodda hirgelinta doorashada iyo amnigeeda wado dadaalo uu ku doonayo inuu saamileyda siyaasadda iyo madaxda Maamul Goboleedyada ku qanciyo si ay uga qeyb noqdaan xal u helidda khilaafka ka taagan Dowladda, wuxuuna hadda heystaa ogolaanshaha dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta. The post Xasan Sheekh: waa in la garab istaagaa Ra’isulwasaare Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya, ayaa shir waxa uu maanta uga furmay xerada Xalane. Kulanka oo ay qaban qaabadiisa laheyd beesha caalamka ayaa waxaa looga wada hadlayaa doorashooyinka iyo sidii Rooble lagala shaqeyn lahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay ku wada qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda. Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlayaa sidii ay beesha Caalamka u fududeyn laheyd shirka la filayo inay Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeeshaan Muqdisho 20 Bishaan sida uu iclaamiyey Ra’isul wasaare Rooble. Rooble ayaa kulanka ka sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe ay kusoo dhiseyo ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhex-dhexaadna ah. Waxa uu intaas ku daray inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci uuna dhisiddooda kala tashan doono dhammaan saamileyda siyaasadda dalka. Waa shirkii u horreeyay ee dhex mara Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaruhu la wareegay arrimaha doorashooyinka iyo amniga oo looga fadhiyo inuu dhowaan guda galo hirgelinta heshiiskii 17 September. Waxa uu sheegay in kadib markii uu wadatashi la sameeyey maamul gobleedyaada uu diyaar u yahay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho aasaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September. Rooble ayaa sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan doorashada ay tahay dhammeystirka heshiiskii 17-ka September, iyadoo loo sii marayo taloyinkii shirkii Baydhaba. Waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha caalamka inay billaabaan qorshayaasha ku saabsan taageerada dhinaca tasiilaadka, farsamada iyo dhaqaale ee loo fidinayo hannanaka hirgelinta doorashada. Shirkaan ayaa imaanayo kadib markii madaxweyaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ogolaaday inuu Mas’uuliyadda doorashada iyo amnigeeda uu ku wareejiyo Ra’isulwasaare Rooble kadib markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay dagaal dhiig ku daatay oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo ciidamo diidan muddo kordhin loo sameeyey Farmaajo. The post Shir u furmay Rooble iyo beesha caalamka iyo Rooble oo ku dhowaaqay dhisidda ciidan cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Itoobiya waxay markii ugu horaysay soo bandhigtay ciidamo ay sheegtay in ay yihiin kuweeda badda, iyadoo hore u balan qaaday in ay samaysan doonto ciida badeed. Tuulada dhacda duleedka Addis Ababa ee Bishoftu ayay xukuumadda Addis kusoo bandhigtay ciidamo kooban iyo xaflad lagu daah furayay sumadda rasmiga ah ee ciidaada badda Itoobiya. Ciidamo cusub ayaa la siiyay darajooyin kadib dhagax dhig uu sameeyay janaraalka ugu sareeya ciidamadan, oo xarun cusub oo ciidamada saldhig u noqonaysa ka dhagax dhigay tuulada Bishoftu. Itoobiya waxay isticmaali doontaa biyaha wadamada gobolka iyadoo la filayo in a saldhig ka samaysato dalka ay colaadu ka dhaxaysay balse ay heshiiyeen ee Ereteriya. Haddaba Maxay Ethiopia Iyada Oo Aan Bad Lahayn U Dhisatay Ciidanka Badda? Rooble Maxamed Saxardiid qoraal uu ka baahiyay bartiisa facebook waxa uu si faah-faahsan uga hadlaya Waxa aan arkayay ilaa shalay iyadoo laga hadlayo in Itoobiya samaysatay ciidanka badda oo dufcaddii koobaad qalin jebisay. Waan ku hambalyaynayaa Itoobiya arrinkaa marka hore. Eeg hadda … Wax kele maaha, Itoobiya waxa ay u fekeraysaa sidii dawlad caadi ah laga rabay in ay u fekerto uguna diyaar garowdo mustaqbalkeeda. Muhiimadduu maaha inaad bad leedahay iyo in kele, mana aha in aad cid duullaan ku tahay, muhiimaddu waxa weeyaan in mustaqbalkaagu is beddeli karo diyaarna aad u tahay markaa oo wixii lagaa rabi lahaa aad imikaba sii haysato. Itoobiya shalay bay bad lahayd laakiin 1993 mustaqbalkeedii wuu is beddelay oo bilaa bad bay noqotay, maxaa diidaya in mustaqbalka haddana arrinkaasi is beddeli karo oo ay bad yeelan karto siday doontaba ha ku timaaddee ? .. Waxa aan ka wadaa uun mustaqbalka waa la odorrosaa, wixii kuu soo baxana waa loo sii diyaar garoobaa. Tusaale ahaan Maraykanku ciidankiisa kuma tababaro hubka casriga ah oo keliya, wuxuu sidoo kele ku tababaraa warankii, gaashaankii iyo seeftii .. Miyaad garanaysaa sababta ? … Waxa ay odorroseen in mustaqbalku is beddeli karo oo tiknoojiyaddani ay si uun isu taagi karto, dibna loogu noqon karo in waran iyo seef lagu dagaallamo, Sidaas darteedna aanuu ciidankoodu faro madhnaan isa soo taagin markaa. Hadda ma fahantay ? …. Tusaale kele aan ku daree waxa laga fekeraa haddii dunida inta dagaal dhaco Nuyuukliyeer la isku miiso maxaa la yeelayaa ? ,, Eeg hadda ,, innaga xisaabta innooguma jirto waxaasi laakiin waxa ay sameeyeen magaalooyin dhan oo dhulka hoostiisa ah oo sannado badan lagu noolaan karo haddii taasi dhacdo … Innagu marka Nuyuukliyeerku innagu soo dhaco ayaynu odhan lahayn maxaynu yeelnaa sow maaha ? ,, Intaasaa lagu kala duwan yahay. Bal hadda eeg … Adduunyada caadiga ah inta la fadhiisto ayaa la is waydiiyaa sidee bay wax u dhici karaan … markaasaa siyaabahaas laga dooday wixii looga baahnaan lahaa qorshaheeda la galaa oo la dhamaystiraa. Aan luqad la fahmayo idinkula hadlee, Adduunyadu abaaraha waxa ay ka diyaar garowdaa inta aanay iman, waa sababta aynaan u maqlin abaar baa cid laysay oo qorshe diyaar ahaa uun baa la fuliyaa …. Sidaa si la mid ah, Daadadka waxa laga diyaar garoobaa inta aanay iman, oo wixii lagaga hortegi lahaa la sii sameeyaa. Innaga uun baa jirna dad suga abaarta oo markay timaaddo ee lagu le’do yidhaahda dadka ha loo gurmado, sidoo kelena daadadku markay ina qaadaan yidhaahda maxaynu yeelnaa. Ma kula tahay innagu haddii aynaan bad lahaan lahayn in aynu ciidan badeed samaysan lahayn ?? Eeg hadda …. Ma garanaysaa sababta aynaan Duuliyayaal diyaaradeed u yeelan weli ?? ,, Waxaynu sugaynaa intaynu diyaarado helayno .. markaasaa la odhanayaa bahalladan yaa duulinaya haddaba … ma fahantay imika ? Hadda eeg … Bulshooyinka caalamku mustaqbalka ayay ka fekeraan oo ay u diyaar garoobaan … Waa sababta ay hore ugu socdaan …. Innagu daqiiqaddaa la taagan yahay fekerkeenu ma dhaafsiisna … Waa sababta aynu halkaynu taagannahay uun ugu meeraysanno. Ilaahay wanaagga ha inna garansiiyo dhamaanteenba … Source
-
Xalima Cisse waxay baal ga gashay buuga taariikhda kadib markay noqotay Haweyneydii u horaysay oo Sagaal Caruura Uurka ku ‘wada qaaday Hal mar. Xaliimo Ciise waa 25 jir u dhalatay Dalka Maali , Isbitaal ku yaal Dalka Marokko ayaa lagu qalay oo lagasoo saaray Sagaal Caruura 5 Gabdhood iyo 4 wiil, Waa markii u horaysay oo Qof Bini’aadamka ah uu uurka kuwada qaado hal mar Caruur intaan le’eg. Wasiirka Caafimaadka Maali Fanta Siby ayaa sheegtay in Markii hore loo haystay In Xaliimo ay sido Mataano ama Sadex Caruur ah laakiin Sawir laga qaadey Caloosha gudeheeda ayaa la ogaadey inay sido Caruur dhowra, Sidaas awgeed ayaa loogu qaadey Isbitaal gaara oo ku yaal Marooko halkaasoo mudo lagu xanaanaynayay , Xalay ayay Dhashay 9 Caruura. 9 Caruurta ah iyo Hooyadood aad ayuu u fiican yahay Caafimaadkoodu. Puntlandi.com A newborn baby lies under his mother’s arm in the maternity ward at the referral hospital Garissa Provincial Hospital (GPH) in the provincial capital of Garissa in Kenya’s North East Province on March 22, 2011. According to a survey completed in 2009, only 70% of women with a live birth received antenatal care from a skilled provider in North Eastern Province compared to 90% nationally. Only 17% of births in North Eastern Province occur in a health facility, this is the lowest rate in the country. Over 40% of women who delivered at home in North Eastern Province said they did so because the health facility was too far away. The second most common reason was tht the facility wasn’t open. North Eastern Province also has the lowest vaccination rate in the country, with only 48% of children aged 12-23 months receiving all of the basic recommended vaccinations. Despite the low levels of vaccination coverage compared to the national level of 77%, improvements have been seen in North Eastern Province since 2003 when coverage was only 9%. The post Haweynay u dhalatay Maali oo 9 caruura halmar dhashay appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid Cali Xasan oo kamid ahaa ciidanka Haramcad, islamarkaana ahaa muuqaal duubaha gaarka ah ee ciidamada, ayaa shaaciyey arrin argagax leh oo ku aadan mucaaridka, taasi oo ay si gaar ah u beegsadaan inta badan ciidamadaan. Saydi Cali oo dhawaan lagu eedeyay inuu ka dambeeyay weerarkii ay ciidamada Haramcad ku qaadeen Idaacadda Mustaqbal ayaa wareysi gaar ah uu bixiyey iskaga fogeeyay eedeymahaas, wuxuuna banaanka keenay arrimo badan oo ku aadan howl-galada ciidamada. Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda laga dhaadhiciyo in mucaaradka kasoo horjeeda dowladda ay yihiin cadow mudan “in xoolahooda la qaniimeysto”, midaasi oo lamid ah qorshaha ay argagixisada u adeegsato dagaal-yahaanadeeda. “Askari kasta ayaa laga dhaadhiciya in waxwalba oo mucaaradka leeyihiin ee kasoo horjeeda dowladda ay yihiin qaniimo. Haddii askariga loo sheego oo la dhaho gurigaan nin mucaarad ah ayaa iskaleh, Xasan Sheekh ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa markiiba kusoo dhaceysay qaniimeysiga,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in xafiiska madaxweynaha uu beegsi gaar ah ku hayo warbaahinada baahiya waxyaabaha ay dhibsato, gaar ahaan adeegsiga magaca “Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday” oo si weyn uga carooto Villa Somalia. “Idaacad kasta oo ka aragti duwan oo ku dhawaaqda ereyga madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu qorshaha yahay in la beegsado, oo wariyaha la beegsado, xafiiska Madaxweynaha ayey awaamiirtaas toos uga timaada,” ayuu yiri. Waxa uu shaaciyey in dowladda ay qorshaha ugu jirto inay weerarto warbaahind dhowr ah oo ay dhibsatay qaab tabantooda, kuwaasi oo ay kamid yihiin Goobjoog iyo Radio Kulmiye, sida uu sheegay. Arrimaha uu shaaca ka qaaday Sayid Cali oo ah kuwo xasaasiya ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyey Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, oo uu sheegay in aan ciidan qaran laga filan karin. “La-yaab waxa leh askari ka tirsan ciidamo qaran inuu isticmaalo asagoon la qasbayn erayo la mid ah kuwa shabaabku sida xun ugu isticmaalaan boobka hantida dadka. Waxaase in la isweydiiyo mudan ciidamadii amniga dalka in ay ilaaliyaan loo soo tababaray inay ka hortagaan argagixisada inay noqdaan kuwo erayo dhibaya Farmaajo hawl-galadooda saldhig looga dhigo, amarkana ka qaata xafiiska Villa Somalia,” ayuu yiri. “Wiilkan dhallinyarada ah ee waraysiga bixinayey waxaa ka muuqatay degenaan iyo inuu iska rogayey eedo si gaar ah asaga dusha looga tuuray balse wuxuu daaha ka rogay arrimo dadka badankiisu aysan ogeyn laakin in muddo ah dad xog ogaal ahi ay sheegi jireen.” Fiqi ayaa isdul taagay qoddobo ku jiray wareysiga Sayid Cali Xasan oo kamid ahaa ciidanka Haramcad oo muujinayey hanaanka guracan ee loo adeegsado ciidamadaas, kuwaasi oo u dhignaa sidan; 1. Wuxuu isticmaalay erayga “Qaniimo” oo ah eray ay kooxda shabaabku si xun u adeegsadaan marka ay xalaashanayaan xoolaha dad ay aaminsan yihiin in ay gaalo yihiin. 2. Wuxuu sheegay in askarta hantidaas ku qamaamtay uu qof walba wixii uu qaadan karo u fasaxan yahay oo aysan jirin isla xisaabtan iyo tirakoob lagu sameeyo wixii meeshaas laga qaaday. 3. Wuxuu sheegay ciidankaas weerarada iyo hawlgallada ay samaynayaan in taliska Booliska ee uu hoostago aysan wax war ka heyn. 4. Wuxuu sheegay in ay beegsadaan warbaahinta isticmaasha erayga “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ama madaxweynihii hore”. 5. Wuxuu sheegay in madaxtooyada uu ka yimaado amarka ay uga hawlgalayaan goobaha iyo shaqsiyaadka ay weeraraan. 6. Wuxuu sheegay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ka hawlgala in weerarada soo socda ay ku soo wajahan yihiin asagoo sidoo kale magacaabay qaar ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka guryahooda in la qaniimaysto in ay amarkeeda haystaan. Hoos ka daawo muuqaalka The post Askari ka tirsan Haramcad oo bixiyey xog yaab leh oo ku saabsan aragtida ciidanka DF ee mucaaradka (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Haweeney U Dhalatay Dalka Mali Oo Dhashay Sagaal Carruur Ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Mali)-Haweeney ku nool dalka Mali ayaa dhashay sagaal carruur ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Mali. Halima Cisse, oo 25 jir ah, ayaa la filayay inay dhasho toddoba carruur, sida lagu sheegay baadhitaan dhinaca aaladda ultrasounds ee laga sameeyay gudaha dalkaMorocco iyo Mali, hase yeeshee waxay umushay 9 carruur ah oo dhammaantood qalliin loogaga soo saaray. Madaxda dalka Mali ayaa gacan ka geystey sidii haweeneydan u dhali lahayd kadib markii la ogaaday inay carruur badan ay sido ayaa loo direy dalka Morrocco halkaas oo ay ku umushay. Wasiirka caafimaadka ee Mali, Fanta Siby, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee France, in hooyada iyo dhallaanka ay xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay. Haweeneydan iyo carruurteeda ayaa lagu wadaa in dib waddankooda Mali ay ugu soo laabtaan dhowr toddobaad kadib. Source -
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mar labaad diiday in uu la kulmo waftiga dhax dhaxaadinta ee ka socda dalka Qatar, kuwaas oo maalmahan Muqdisho u jooga xal u helidda arrimaha doorashada Soomaaliya, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay. Xog la helay ayaa sheegeysa in Sheekh Shariif, oo laba habeen ka hor ka cudur daartay kulankii Midowga Musharaxiinta iyo wafdiga Qatar, ay mar kale diiday codsi labaad oo ka yimid wafdiga Qatar oo ahaa inay si gaar ah ula kulmaam. Wararka aanu helnay ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in Soomaaliya ay dambiyo ka galeen dalalka, Itoobiya, Eritrea iyo Qatar, halka Turkiga uu sheegay in taageeradii ay siisay Soomaaliya si khaldan loo adeegsaday. Wafdiga Qatar ayaa la sheegay in si weyn ay u daneynayeen kulanka Murashax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay u arkaan hoggaamiyaha ugu awoodda badan mucaaradka, sababta oo ah waa guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta, sidoo kalena ciidanka ku sugan Muqdisho ee Badbaado Qaran ayay badankood isku beel yihiin. Xubno ku dhow Shariifka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay inn madaxweynihii hore uu qabo su’aalo ay ka mid yihiin: Xagee jirtay Qatar afartii sano ee tagay, markii loo qeylinayey kaalmo dibadeed iyo in wax laga qabto xadgudubyada Villa Somalia ay ku kaceysay? Qatar xitaa kama hadal markii Muqdisho ay ololeysay toddobaadkii tegay ee ciidamada dowladda ay weerareen aqallada Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur taasi oo dagaal gelisay caasimada. Kama hadal markii Farmaajo iyo Mursal ay sameysteen laba sanno oo muddo korodhsi sharci-darro ah, markaasi oo beesha caalamka oo idil ay soo saareen qoraallo ay ku diideen. Source
-
MOGADISHU (HOL) - Three people were killed and several others injured in Mogadishu Wednesday following a car bomb attack. Source: Hiiraan Online
-
With a population of under 1 million, Djibouti on the Horn of Africa is one of the smallest countries on the continent. Source: Hiiraan Online
-
Xukumada Somaliland oo Maal-Gelinaysa Arday Muhindisiin ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in ay maal-gelin dhaqaale siinaysayo arday muhindisiin ah oo waxka barta Dugsiyadda sare ee dalka, kuwaasi oo ay wasaaraddu u qabatay munaasibad ay ku soo bandhiyeen Hal-abuur dhinaca farsamada ah oo ay ikhtiraaceen. Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo hadal ka jeediyay Munaasibad Ardaydan ku soo bandhigayeen hal abuurnimadan ayaa waxa uu sheegay in ay dhiirigalinayaan ardaydan. Waxaanu yidhi “Waan idin dhiirigelinaynaa, Wasaaradu idika hadhi mayso, ilaa uu hamigiinu meel sarre gaadho, qof kastaana waxa uu u baahanyahay waa in lala sameeyo, Maalgalintii ayaanay u baahanayaan haddii Dhalinyaradani soo bandhigeen hal abuurnimo, waxaana idiku dhiirigalinaynaa in aanu aragno waxaas oo runa, waxaana halkan kaga dhawaaqaynaa in mid kasta la siiyoToban Milyan oo Shilinka Somaliland ah si ay ugu iibsadaan Agab kale maalinta kale ee ay soo bandhigayaan Hal abuurnimada,”. Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Xasan Nuur Axmed (Taajir) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu kula dardaarmay Ardaydan in aanay ka Caajisin Hal Abuurnimadan ay hindhiseen.Waxaana uu yidhi”Wax waliba waa bilow hadii laga hadhi waayana guul ayaa laga gaadhaa maskaxdiina ayaad ka shaqaysiiseen guul ayaana idiin soo socotee haka caajisina,”. Sidoo kale Agaasimaha guud Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor Maxamed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku boogaadiyay Ardaydan Halabuurkan ay soo bandhigeen,waxaana uu ku dhiirigaliyay Ardaydan in halkaa sii wadaan Curintan. Qaran News