Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Nin hubeysnaa ayay saraakiil ka tirsan hay’adda FBI-da Mareykanku toogteen kaddib markii ay saacado isku horfadhiyeen albaabka laga galo xarunta CIA-da, sida ay sheegtey hay’adda dambi badhista Mareykanka. Ninkan oo aan la aqoonsan wali ayaa laga hor istaagay inuu gaadhi ku dhaafo albaabka xarunta CIA-da oo ku taalla bannaanka Washington DC isniintii shalay. Saraakiisha ammaanka xarunta ayaa sheegey inay isku dayayeen inay la xaajoodaan ninkan si uu isku soo dhiibo dhowr saacadood. Qoraal ay soo saartay hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegey in nin watay gaadhi oo hubna u saarnaa uu soo abbaaray saraakiishii ammaanka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in la dhaawacay ninkan, loona qaaday cisbitaal si loo daweeyo. Goor hore oo shalay ah ayaa afhayeenka CIA-du waxa uu sheegey inay la socdeen xaaladda ka taagneyd bannaanka xarunta oo ah goob ammaankeeda si weyn loo xakameeyo, dhowr boqol oo mitirna u jirta dhismaha weyn ee xafiisyada hay’adda ku yaallaan. Ammaanka xaruntan ayaa aad loo adkeeyey sannadihii dhawaa, xaruntan oo ku taalla xaafada Langley ee gobolka Virginia ayaa waxaa ku dhow wado aad u mashquul badan Dhacdadan ayaa waxa ay dad badan xasuusineysaa mar uu sannadkii 1993 nin u dhashay dalka Pakistan oo lagu magcaabijiray Aimal Kansi uu toogasho ku dilay laba ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda CIA-da halka uu sedex kalena dhaawacay xilli ay baabuurtooda ku jireen, ayna sugayeen in ay ku leexdaan xarunta hay’adda. Source
  2. Jeffrey Feltman oo ah Ergay gaara oo Aqalka Cad usoo diray inuu soo kormeero Geeska Afrika ayaa Tagi doona Dalalka Masar. Otoobiya, Eritrea iyo Sudan. Ergaygaan ayaa wuxuu dalalkaan kala hadlayaa Arimaha Bini’aadanimada iyo baahida ka jirta Dalalkaan ee ay sababeen Dagaaladu, wuxuu kaloo kala hadli doonaa Xiisada Wabiga Nile ee u dhexaysa Masar, Sudan iyo Itoobiya. Ergaygaan Gaarka ah wuu ka boodayaa Soomaaliya oo liiska uguma jirto Dalalka uu tagi doono. Puntlandi.com Nairobi The post Maraykanka oo Ergayga usoo diray Geeska Afrika oo aysan Soomaaliya ku jirin appeared first on . Source
  3. Roobabka ma hiigaanka ah re ku hooray Deegaanada Puntland ayaa sababay in ay burburaan Buundooyin muhiim u ah isusocodka Puntland. Deegaanka Alxamdulilaah ee Gobolka Karkaar waxaa burburtay Buundada Qayaadsame, tasoo hada laga cabsi qabo inay gabi ahaan burburto, Buundadaan waxay isku xirta Bosaso iyo Qardho aad ayayna muhiim u tahay. Laamiga Sunijiif ee Gobolka Nugaal ayaa iyana burburtay waxaana Laamiga ka harsan wax yar, sida la xaqiijiyay kala bar ayaa Laamiga kala go’ay meel u dhow Sunijiif oo Dooxada ah, Gawaarida ayaa hada isku ciriirinaya qaybta ka hartay wadada. Hay’ada Wadooyinka Puntland wali kama ayasan hadal Khasaaraha Roobabku i gaysteen Laamiyada Gobolada Puntland. Puntlandi.com Garowe The post Roobabka oo sababay in laga cabsi qabo in Bosaso iyo Garowe ay kala go’aan appeared first on . Source
  4. Wararka naga soo gaarayo deega hoostaga Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolanyo ciidan oo ka tirsan kuwa AMISOM . Ciidamadan ayaa waxa ay marayeen xilliga ay la kulmeen weerarka wadada isku xirta deeganada Kaambooni iyo buur-gaabo oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose . Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay Saaka xilliga weerarka uu dhacayay ay maqleen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac . Dhanka kale ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan , iyadoo ciidamada ka tirsan AMISOM ee weerarka lagu qaaday ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda dalka Kenya . Sikastaba ururka Al-shabaab ayaa inta badan weeraro dhabba gal ah ka fuliya deegaanada gobalka Jubbada Hoose . Source: goobjoog.com
  5. Magaalada Muqdisho waxaa Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku sugnaa Ciidamo aan cidna ka amar qaadan kuwasoo sheegay inay kasoo horjeedaan Xukuumada Xilkeedu dhamaaday. Hogaamiyayaasha Ciidamadaan oo kala ah Janaraal Maxamed Siyaad Indhacade, Saadaq Joon, Cabdimaalik Ismaaciil, Saney Cabdulle iyo Cusmaan Xaadoole ayaa Xalay kulan ay isugu yimaadeen waxay ku gacan dayreen baaqyadii ahaa In Ciidamadu ay ka baxaan Magaalada isla markaasna ay faraha kala baxaan Siyaasada. Janaraal Indhacade ayaa lagasoo xigtay in kulankii Xalay ay isku afgarteen in ay joogaan Magaalada isla markaasna ay sugaan Amaanka Caasimada ilaa Laga arkayi in Raysal wasaaruhu uu Diyaar u yahay Isbadal dhab ah iyo wadaagayn dhab ah oo uu la samaynayo Mucaaradka. Waxaa muuqata inuu wali jiri kala shaki iyadoo ay maalmahaan suuqa ku jirto in Madaxweyne Farmaajo uusan tanaasulin balse uu doonayo inuu ku adeegto Raysal wasaaraha. Shakigaan waxaa iyana qaba Qaar ka tirsan Mucaaradka . Puntlandi.com Muqdisho The post Ciidamada Kasoo horjeeda Mudo kororsiga oo diiday inay ka baxaan dhufaysyada appeared first on . Source
  6. Roobab mahiiggaan ah oo weli ka da’aya Gobollada Puntland, ayaa laga cabsi qabaa in ay gebi ahaanba gooyaan Laamiga dheer ee isku xira Garoowe iyo Boosaaso. Xalay waxa go’day buundada Qayaadsame oo ka tirsan degaanka Alxamdullilaahi ee Gobolka Karkaar, waxaana weli hakad ku jira isu-socodka gaadiidka kala duwan ee isaga gudba Bari iyo Karkaar. Sidoo kale, waxa sii go’aya hal seed oo ka harsan laamiga tuulada Sinujiif ee Gobolka Nugaal, gaar ahaanna dooxada loo yaqaan Midigar oo ku taal dhul biya-mareen ah, inkasto aysan weli la kulmin. Haddii uu wada go’o halka seed oo ka harsan laamiga Sinujiif, waxa gebi ahaanba istaagi doona isu-socodka gaadiidka Garoowe iyo Boosaaso, taas oo kala xiran ku keeni doonta Gobollada Puntland. PUNTLAND POST The post Seed ka harsan laamiga Sinujiif oo isna sii go’aya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Badbaado Qaran ee ka dhashay muddo kororsigii dowladda ayaa shalay ku shiray magaalada Muqdisho waxayna soo saareen dhowr qodob oo muhiim, sida aan xogta ku helnay Saraakiisha oo ay ka mid yihiin Indha-Cadde, Saney Cabdulle, Saadaq John, Cabdimaalik Ismaaciil iyo Cusmaan Xaadoole ayaa isku raacay in la dhowro amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay kaga sugan yihiin lana xaqiijiyo inaysan ka dhicin xabad, iyo wax kasta oo shacabka dhibaato u gaysan kara. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, saraakiisha ayaa sidoo kale isku raacay inaysan ka bixin goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho illaa ra’iisul wasaare Rooble uu ka qaado tallaabo muujineysa in lagu kalsoonaan karo, waxayna ka dalbadeen inuu beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda ee ku lugta lahaa dagaalkii lagu soo qaaday musharaxiinta madaxweyne 25-kii April. Saraakiisha ayaa sheegay in caqliga saliimka ah uu diidayo in ciidamada militariga ee sharciga ilaalinaya dib loo hoos geeyo taliyayaal ay dagaalameen oo ay cadaawad kala dhaxeyso, kuwaas oo dib u beegsan kara. Waxay sheegeen in kahor inta aanay ciidanka ka saarin caasimadda ay muhiim tahay in la hubiyo in ra’iisul wasaare Rooble uu daacad ka yahay dadaallada uu wado iyo inuu yahay nin fulinaya aragti uu Farmaajo usoo dhiibay oo gadaal laga maamulayo, taasi oo looga aargudanayo ciidankii ka hor-yimid muddo kororsiga. “Waxaa tan lagu ogaan karaa in Rooble uu beddelo taliyayaasha ku lugta lahaa dagaalka iyo in kale,” ayaa laga soo xigtay xubno ka tirsan saraakiisha oo shirka ku qeyb galay. Ra’iisul wasaare Rooble ayaan weli qaadin wax tallaabo ah oo muujinaya inuu yahay mas’uul ka madax banaan Farmaajo, oo dhex-dhexaad ka ah arrimaha la isku hayo, wuxuuna ka aamusan yahay aargudasho durba lagu billaabay ciidamadii ka horyimid muddo kororsiga Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay amartay in laga joojiyo mushaarka ay qaataan ciidamadii iyo saraakiishii ka midka noqday ciidamada diidan muddo kororsiga, islamarkaana ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho. Xogta aan helnay ayaa tilaameysa in amar ka soo baxay Madaxweynaha lagu joojiyay lacagaha ay qaataan ciidanka iyo saraakiisha diidan muddo kororsiga, waxaana sababta lagu sheegay in ay ku biireen mucaaradka. Waxaa sidoo kale la amray in saraakiishan iyo ciidanka laga saaro ciidamada, lana ruqseeyo. The post Xog: Saraakiisha ciidamadii diiday muddo kororsiga oo go’aano cusub soo saaray appeared first on Caasimada Online.
  8. On April 25, violence broke out in Somalia’s Mogadishu between different units of the Somali army, the police and mysterious militias. For two more days, skirmishes were reported in different parts of the city leading to residents fleeing their homes. The media reports and images were reminiscent of the 1991 civil war. Somalia was on the brink of violence again. To deescalate the political tensions that have engulfed Somalia and the violence in Mogadishu, President Mohamed Abdullahi Mohamed, also known as Farmajo, addressed the nation and requested the Somali parliament to rescind his two years term extension that was previously passed by the parliament. The president’s trade-off remarks brought normalcy back to the capital. Nevertheless, Somalia’s political and electoral crisis, the recent violence in Mogadishu and the fissure within the Somali army and police point to structural challenges undermining Somalia’s nation-building efforts. The political crisis and the violence have rendered Farmajo politically weak. Has Farmajo politically failed in Somalia ultimately? And what are the structural challenges awaiting whoever wins the next Somali elections? Farmajo’s idealism Ever since Farmajo, a dual Somali and U.S. citizen who was a New York State bureaucrat, was elected in 2017, he espoused nationalist policies and discourses – which resonated with the majority of the Somali people. After three decades of clan-based violence coupled with al-Shabab terrorism, Somalis were yearning for peace, good governance and stability. Farmajo, whose short tenure as a prime minister of the country was praised by the people, was the perfect candidate to stabilize Somalia. Indeed, his government conducted numerous administrative and economic reforms. The Somali army’s numbers increased with the establishment of lethal units like Gorgor and Haramcad brigades. Furthermore, the president maintained a low profile. He gave few speeches and avoided clan-based political discourses or engaging with the oppositions in diatribes. More significantly, the president embarked on centralization efforts. Somalia’s federal states, which function like quasi-independent states, are a big challenge in building a functioning and stable Somali state. The opposition of Puntland and Jubaland to Farmajo’s centralization policies resulted in the current protracted electoral crisis. Puntland and Jubaland have their own reservations about a strong federal government in Mogadishu. Indeed, Somalia – given its civil war experience and clan-based politics – doesn’t need a totalitarian government. Nevertheless, federalism, which should have brought cooperation in governance, became a political obstacle in state-building processes. There is no clear political hierarchy in the Somali federal system, and this has made the political differences worse. With the violence in Mogadishu, Farmajo’s idealistic politics and centralization efforts have come face-to-face with the realities of Somalia’s clan-based politics and federalism. Puntland’s realism The political fall from grace of Farmajo is a win for Puntland and Jubaland. Both Puntland and Jubaland have politically resisted and challenged previous Somali presidents. The political elites in Garowe and Kismayo have always been skeptical of the federal government in Mogadishu. It seems they have a deeper understanding of Somalia’s clan-based politics, which has evaded Farmajo’s attention, given his idealistic Somali nationalism. For the political elites in Garowe and Kismayo, Mogadishu is not only the center of the Federal Government of Somalia (FGS): it has become the hegemonic political center of a specific clan or clans. Together, Jubaland and Puntland are hell-bent on safeguarding their own political autonomy and interests against Mogadishu. Farmajo’s centralization efforts and strengthening of the federal government vis-a-vis the federal states were viewed as a threat in Puntland and Jubaland. The electoral crisis that has been going on for the last year is a “war” between Farmajo’s idealism and Puntland’s realism. Now that the army and the police in Mogadishu have been split along clan lines, it seems like Puntland and Jubaland are saying to Farmajo: “look, there is no functioning state in Mogadishu, to hell with your centralization.” Structural problems Nevertheless, from a sociological viewpoint, Somalia has structural issues hindering its state-building processes. The realities that Farmajo faces will not disappear when he leaves office, which may happen very soon. The biggest structural challenge is the federal system of governance in Somalia. The issue is not if the federal system is the ultimate solution but how to implement it. Does federalism entail the balkanization of Somalia along clan-based federal states? Is federalism the devolution, sharing or decentralization of governance or the federal government losing its political sovereignty to the federal states? These paradoxes have to be solved by the Somali political elites if federalism is to work in Somalia, or else secessions, rogue federal states and balkanization will always be a threat to the Somali state and political stability. Somalia also needs a unified national army and police. The recent violence in Mogadishu is an indicator that the Somali security sector is very weak and fragile. A properly trained army and police that is indoctrinated with national values and principles, and sanitized from clan politics is also a necessity. No state can function without a unified and disciplined national army. Finally, Somalia needs reconciliation talks on a national scale. The pain, trauma and grievance of the civil war still loom over the Somali body politics. At the foundation of the mistrust and disagreement of political elites is the unresolved traumatic legacy of the civil war. It is time to heal the Somali people through grassroots dialogue. On May 1, the Somali parliament rescinded the government’s two-year term extension. Both the international community, the United Nations office in Somalia and Turkey welcomed the decision. Moreover, the president handed over the mandate of the elections process to Prime Minister Mohamed Hussein Roble. The political tension in the country seems to be cooling down and elections are on the horizon. Nevertheless, Somalia’s incessant structural issues need to the resolved – either now or in the near future. Abdirashid Diriye Kalmoy is graduate student and a teaching fellow in the Sociology Department, Ibn Haldun University The post Has Farmajo failed politically in Somalia? appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) - The freshly appointed Qatari special envoy arrived in Mogadishu on Tuesday, where he met with Somalia's Prime Minister and leading members of the opposition. Source: Hiiraan Online
  10. President Joe Biden announced Monday, after coming under fierce criticism, that he was raising the maximum number of refugees allowed into the United States this year to 62,500 -- up from the 15,000 cap imposed by his predecessor Donald Trump. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa qaabilay ergeyga ka socda dowladda Qatar, Dr Mutlaq al-Qahtani, kaas oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo kor u qaadida taageerada Qatar ee Soomaaliya. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka Soomaaliya 2021-ka. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka caawiso dhinacyo dhowr ah. Dr Mutlaq al-Qahtani oo maalmhan ku sugnaa Muqdisho ayaa horey ula kulmay madaxda sare dalka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada dalka. Si kastaba kulaman ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay Soomaaliya ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay is mariwaaga ka taagan doorashada 2021-ka. The post Ergeyga ay soo dirtay Qatar oo la kulmay Mahdi Guuleed appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) - Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo received credentials from the incoming Ethiopian Ambassador to Somalia Abdulfatah Abdullahi Hassan on Monday. Source: Hiiraan Online
  13. Ergayga dowladda Qatar u soo magacawday Soomaaliya Dr Mutlaq Al-Qaxtani, ayaa kulama la qaatay xubna ka tirsan madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Dr Mutlaq ayaa la kulmay madaxweeynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed cabdi kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug . Ergayga ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdiaziz Xassan Lafta-gareen , iyadoo kulamadaan looga hadlay xaaladda dalka iyo khilaafaadka arrimaha doorashooyinka . Kulamada uu la qaatay Dr Mutlaq madaxda dowlad gobaleedyada ayaa intii ay socdeen waxaa leysla meel dhigay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka muddada dheer ka jira doorashooyinka iyo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagidda weerarada argagixisada. Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa isna dhankiisa la kulmay Ergayga Qatar Dr Mutlaq . Guudlaawe ayaana isna kala hadlay Mutlaq sidii looga heshiin lahaa khilaafka doorashada dalka ee mudada dheer ka jiray dalka Dhanka kale Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani, ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee maamulka gobalka Banaadir . Guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish ayaa kulan la qaatay Ergaygan cusub ee Qatar Soomaaliya u soo dirsatay . Cumar Filish iyo ergayga ay ka wada hadleen Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani, Xaaladda magaalada Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka dalka. Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani, oo laba cisho ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulama la qaatay madaxda dowladda Federaalka , Madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Xubna ka tirsan midawga Musharixiinta . Source: goobjoog.com
  14. Doha (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa xalay khadka taleefonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomalaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Qatar ee QNA. “Intii uu socday wicitaanka, waxay dib u eegeen xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo hababka sare loogu qaadi karo looguna hormarin karo, waxaa taas dheer inay ka wada-hadleen dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka QNA. Wakaaladda wararka Qatar ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan wada-hadallada. Wada-hadallada ayaa imanaya ayada oo uu magaalada Muqdisho ku sugan yahay ergey gaar ah oo ka socda dowladda Qatar oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani kaasi oo la sheegay inuu dhex-dhexaadinayo dhinacyada Soomaalida. Al-Qahtani ayaa la kulmay ra’iisul wasaare Rooble, guddoonka labada aqal ee baarlamanka, madaxweyne goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, hase yeeshee waxaa yaab leh inuusan weli la kulmin Farmaajo. Ujeedka ergeygan ayaa laga bixiyey fasiraado kala duwan. Taxliiliyayaasha qaar ayaa rumeysan inuu isku dayayo inuu wiiqo oo uu kala qeybiyo mucaaradka dowladda, halka qaar ay qabaan in soo diristiisa ay astaan u tahay in Qatar iyo Farmaajo ay sii kala fogaanayaan, islamarkaana Doha ay isku dayeyso inay saaxiibo cusub ku yeelato Soomaaliya. The post Muxuu Amiirka dalka Qatar xalay kala hadlay Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
  15. Garissa elders have welcomed the move by the government to close Kakuma and Daadab refugee camps. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU - Somalia is one of the lowest-ranked countries in Africa for press freedom, and advocates are calling on authorities to do more to support journalists as the Horn of Africa nation looks ahead to elections. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo saaray amar ku socda ciidanka oo muuqda in lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyadooda iyo howlaha ay qaban karaan. Taliyaha ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah xaqiijinta amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, si fiicanna ay ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Inkasta oo Xijaar uusan si gaar ah u shaacin sababta keentay amarkan cusub, haddana dad xog ogaal ah oo ka tirsan booliska ayaa laga soo xigtay in ujeedka amarkan uu yahay in laga ilaaliyo in ciidanka ay ku milmaan siyaasadda. Ciidamada booliska, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Haramcad, ayaa horey ugu lug yeeshay weeraro ka dhan ah musharaxiinta mucaaradka iyo dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho. Si kastaba, ma cadda saameynta hadalka Xijaar uu ku yeelan karo ciidankan, sababtoo ah, inkasta oo ciidankan ay hoos tagaan booliska, haddana waxaa si toos ah looga amraa madaxtooyada, oo ay fuliyaan amarrada kasoo baxa, ayada oo badankood loo adeegsado ujeedooyin siyaasadeed. Xubno ku dhow mucaaradka ayaa iyagana aaminsan in amarkan uu yahay ruwaayad siyaasadeed oo saraakiisha ciidanka ay isugu muujinayaan in ciidanka laga reebayo howlo siyaasadeed, si ciidamadii ka dhashay diidmada muddo kororsiga ee ku sugan Muqdisho loogu cadaadiyo inay ka baxaan. Sababta ay ku sheegeen in amarkan uusan marnaba iman xilligii ay ciidankan ku lug lahaayeen dagaalladii toddobaad kahor ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay weeraro lagu qaaday musharaxiin madaxweyne. The post Taliye Xijaar oo soo saaray amar ku socda ciidamada appeared first on Caasimada Online.
  18. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa u diraya Geeska Afrika Ergeygiisa Gaarka ah maanta oo Talaado ah, si loo dejiyo xiisada gobolka ka taagan. Qoraal uu soo saaray Xoghaye Blinken ayuu ku sheegey in Jeffrey Feltman uu booqan doono dalalka Masar, Eretria, Ethiopia iyo Sudan tan iyo 13-ka bishan May. Ergeyga Gaarka ah ayaa la kulmi doona mas,uuliyiinta dowladaha dalalkan Masar, Eretria, Ethiopia iyo Sudan. Mareykanka ayaa ku cadaadinaayey Ethiopia in ay soo afjarto colaadda gobolka Tigray oo socotay mudo lix bilood ah, waxaa kale saraakiisha Mareykanka ugu baaqeen Eretria in ay ciidamadeeda kala baxdo gobolkaas. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Itoobiya ku cadaadinaya in ay soo af-jarto colaadda Gobolka Tigray appeared first on Puntland Post.
  19. Kismayo (PP News Desk) — Jubaland State Vice President Mohamud Sayid Aden told BBC Somali Service that the Kismayo-based Federal Member State would attend the national consultative summit to be held in Mogadishu on 20 May, 2021. “We will raise the unresolved issues that we would like to be addressed at the summit” said Mohamud. Jubaland Vice President added that there were residual issues pertaining to 17 September electoral model. President Ahmed M. Islam seeks to have the interim status of his administration waived by Roble. Jubaland seeks seeks to renegotiate terms of the electoral agreement signed in Dhuusamareeb by Jubaland President Ahmed M. Islam. Another burning issue is the interim status of Jubaland administration whose mandate ends in September 2021, based on the recognition granted by the Federal Government of Somalia due to parallel elections held in Kismayo in 2019. Jubaland leaders fear that the Gedo clause in the electoral model will set a precedent applicable to other Jubaland social groups that have no confidence in the incumbent administration led by President Ahmed M. Islam. Sources close Jubaland State House told Puntland Post that Jubaland leader will ask for Mohamed Hussein Roble, the Prime Minister, to waive the interim status conferred on Jubaland by the Federal Government of Somalia. © Puntland Post, 2021 The post Jubaland to Attend the National Consultative Summit appeared first on Puntland Post.
  20. 23 qof ayaa ku dhintay in kabadan 70 kalane dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib markii ay isku dhaceen labo tariin Caasimada wadanka Mexico ee metro. Kooxaha gurmadka deg deg ayaa ku howlan badbaadinta dad kale oo wali lagu la,yahay shiilkaasi sidoo kale duqa magaalada Claudia Sheinbaum oo tagay goobta shilka uu ka dhacay ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in wali howl-weenada gurmadka ay wadaan soo daad gureynta iyo caawinta dadka ay waxyeelada kasoo gaareen shilkaas . Sidoo kale warbaahinta gudaha wadankaas ayaa soo tabaneyso in shilka uu ka dhacay buunda weyn oo ay maraan tareenada hase ahaate muuqaalada ay ka duubeen ay muujinayaan inay jiraan qasaarooyin intaa ka badan maadaama uu bur bur xooggan uu soo gaaray buundada. PUNTLAND POST The post shil Tareen oo ka dhacay dalka Mexico appeared first on Puntland Post.
  21. Taliyaha qaybta gobolka Karkaar G/Sare Faarax Nuur Maxamed, ayaa dareewaladda gaadiidlaydda ku wargeliyay in hakad la geliyay Isticmaalka wadada laamigga ah ee xiriirisa magaaladda Boosaaso iyo Qardho, ka dib markii roobabkii da’ayay sacadihii lasoo dhaafay ay dhaawac soo gaarsiiyeen mid ka mid ah buun-dooyinka degaanka Qayaadsame. Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta isagga oo ku sugan deegaanka Alxamdulilaah, ayaa sheegay in dhamaan gaadiidka lagu celiyay caawa baraha kaan-tarooladda si loo yareeyo khatar kasta oo ka dhalan-karta buundada dhibtu gaartay iyo ilaalinta bad-qabka nafeed iyo midda hantiyeedba ee shacabka. Waxa uu xusay in hadana ay ku mashquulsan-yihiin sidii looga hawl-geli lahaa hagaajinta wadadaan oo ay wax yeeleen biyo xoog leh oo uu keenay roob 48dii saac ee lasoo dhaafay ka da’ay degaanadaas. G/Sare Faarax ayaa sidoo kale ku guuleystay in ciidamo gaar ah lagu qaybiyo ilaalinta goobta go’aday si aan cidna uga gudbin, sidoo kale gadiid birta culus ah oo ka shaqaynaya yaraynta khatarta in ay sii balaarato, oo wadada ay dhibaato kale gaarto ayaa goobta la geeyay, waxaana lagu wadaan in beri ay tagaan wafti ka socda dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Laamiga xiriiriya Boosaaso iyo Qardho oo ka go’ay buundada Qayaadsame appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan xog ka helnay waxyaabihii looga wada-hadlay kulankii xalay Hotelka Decale ku dhex-maray midowga musharaxiinta mucaaradka ah iyo Ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani. Kulankaas waxaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka iyo taageerada dowladda Qatar la garab taagneed Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxaana kulankaas musharaxiinta uga qeyb galay Xasan Sheekh Maxamud, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Musharaxiinta ayaa u sheegay Mutlaq Al-Qahtani in taageeradii ay dowladda Qatar sida indha la’aanta ah ula garab taagneyd Farmaajo iyo Fahad afartii sano ee lasoo dhaafay lagu dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dhaawac xoog leh loogu geystay geedi socodkii dhismaha dawladnimada Soomaaliya. Intii uu socday kulankaas Musharaxiintii waxay kaloo ku eedeeyeen Qatar iyo Turkiga in hubkii iyo gaadiidkii ay ugu deeqeen ciidanka Soomaaliya uu Farmaajo u adeegsaday caburinta shacabka, iyadoo lagu weeraray Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo dadweyne banaanbax banadeed dhigayey. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kulankii xalay ka sheegay in weerarkii gurigiisa lagu qaaday 17-kii December uu si gaar ah ugu tuhmaayo inay Qatar ku lug laheyd, sida ay nagu soo gaartay xogtu. Musharaxiintu waxay Mutlaq Al-Qahtani u sheegeen in dhaqaalihii dowladda Qatar ay ku taageertay Farmaajo iyo Fahad loo adeegsaday burburinta dawlad goboleedyadii ka dhisnaa dalka, laaluushka baarlamaanka iyo iibsashada saraakiisha sarsare ee ciidanka iyo qandaraas shirkado loobiga Maraykanka lagu siiyey in ay hagaajiyaan xiriirka Farmaajo maamulkii hore ee madaxweyne Trump. Waxaa loo soo jeediyey in ay shacabka Soomaaliyeed uga cudurdaartaan gaboodfalladii dhacay, isla markaana qaataan tallaabo muuqata oo muujinaysa inay ka xunyihiin taageeradii Farmaajo. Ergeyga ka socda dowlada Qatar Mutlaq Al-Qahtani ayaa ka dalbaday sida uu xalku ula muuqdo Midowga Musharaxiinta oo loo soo celin karo kalsoonida siyaasiyiinta dhexdooda, waxay Midowga Musharaxiinta si cad ugu sheegeen ergeyga in xalka iyo kalsoonidu ay ku soo laaban karto oo kaliya in Farmaajo kursiga baneeyo, isagana soo baxo Vilada ama uu wareejiyo amniga guud ee dalka, farahana kala baxo arrimaha doorashooyinka dalka. Waxay kaloo musharaxiintu la wadaageen Ergeyga in dowladiisu kala shaqeyso Ra’iisul Wasaare Rooble sidii uu u qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo sida ugu dhaqsiyaha badan dalka uga dhacda. Ergeyga ayaa isagoo is difaacaya dhiniciisa sheegay in dowladiisa Qatar aysan shakhsiyaad taageerin, balse ay taageereen dowladda Soomaaliyeed, waxa uu sheegay inay Farmaajo gaarsiiyeen fariin adag oo ay ka soo wada shaqeeyeen dowladda Maraykanka. Waxuu kaloo sheegay in uu danaynayo xal u helidda khilaafka Kenya iyo Soomaaliya iyo inuu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya si uu u guddoonsiiyo fariin gaar ah uu ka sido Amiirka dalkiisa. Dawladda Qatar ayaa haatan u muuqata in ay ka guurtay taageeradii Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isla markaana ay baadi-goob ugu jirto xulufaysi siyaasadeed oo hor leh. The post Xog: Hadalladii kululaa ee la isku weydaarsaday kulankii xalay ee ergeyga Qatar iyo musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.
  23. The European Union Ambassador to Somalia Nicolas Berlanga has on Monday said that ‘Demilitarization of Mogadishu is now the priority’. In a tweet, the Ambassador stated that, “Those that want to play a positive role towards elections should support PM Roble in his key tasks. Division of Mogadishu with militias or out-of-line-of-command security forces is not helping Somali people.” On May 1st, Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble ordered the Army to return to their bases Earlier, the EU had said “now, no preconditions, no spoiling, no violence. PM Roble must count on the constructive support from all FMS presidents and other political actors for a Somali-led process.” This was after the announcement by the Somali’s House of Parliament to reinstate 17th Sep agreement that calls for indirect elections. The post EU urges demilitarization of Mogadishu, Somalia appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, waxaa dib loogu celiyey gacanta Dowladda Soomaaliya ciidamo iyo gawaari uu lasoo goostay Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud oo xalay ku biiray ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran. Arrintaan ayaa ku timid wadahadal dhex maray Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku sugan Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid ahaa Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-Cadaalla. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran iyo xubnaha ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo ciidamadii iyo gawaaridii uu lasoo goostay Taliye ku-xigeenkii Haramcad Muumin Ciise Maxamuud, taasoo ugu dambeyntii kusoo dhamaatay si guul ah. Taliye ku xigeenkii ciidanka Haramcad Muumin ayaa ku adkeystay inuusan dib ugu laabaneyn gacanta Dowladda Soomaaliya, wuxuuna isaga si rasmi ah ugu biiray ciidamada diidanaa muddo kordhinta ee gacanta ku hayo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Ciidamadii la socday Muumin ayaa cudur daar ka bixiyey tallaabadii ay ku dhaqaaqeen, waxayna sheegeyn inaan lagu war gelin go’aanka soo goosashada islamarkaana ay aheyd wax ku kooban taliye ku xigeenka. Horay saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaas oo aad uga soo hor jeeda mudo kororsigii ay dhawaan sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka ee dib looga noqday. Waxaa socon waayey qorshihii mudo kororsiga, kadib markii gudaha magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo si weyn u diidanaa mudo kororsiga. Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu ogolaaday in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxuuna shaaciyey in amniga iyo guud ahaan arrimaha doorashada uu ku wareejiyey ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, balse ciidamadii ka gadooday mudo kororsiga weli waxay difaac uga jiraan gudaha magaalada Muqdisho. The post Ciidamadii iyo gawaaridii uu lasoo goostay Captan Muumin oo dib loogu celiyey DF appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay warbixin xasaasi ah oo uu wargeyska New York Times ka qoray sababta uu madaxweyne Farmaajo isaga dhiibay baasaboorka Mareykanka, iyo inuu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, islamarkaana uu wajahay baaritaan ay sameysay dowladda Mareykanka. Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa beeniyay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu haysto dhalashada dalka Canada, isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha la xiriira in dacwad looga furay Mareykanka. “Waan akhriyey waxa wargeyska uu qoray. Run ahaantii warar aan sal iyo raad lahayn ayaa ku jira. Madaxweynahu waxa uu haystaa baasaboorka Soomaaliya, hore-na wuxuu u haystay ka Maraykanka, waana kii iska dhiibey madaxweynuhu, si uu shaqadan uu u dhaartay ee madaxtinnimo ee dalka uu si hufan ugu guto. Ma jirto markaa dal kale oo dhalashadiisa uu haysto oo aan ka ahayn Soomaaliya,” ayuu yiri. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Farmaajo uu haysto baasaboorka Soomaaliya oo keliya, xili uu dhawaan shaaciyey New York Times in Farmaajo uu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, midaasi oo aan hore loo ogeyn. “Sababta madaxweynuhu u celiyey baasaboorka Mareykanka waa sheeko dheer, faah-faahinteedana aan hore u bixinay, kuma jirto marnaba inuu sababo kale u dhiibay, haba yaraatee madaxweynaha weligii laguma soo oogin wax dacwad ah,” ayuu yiri Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada. “Madaxweynaha jamhuuriyadda wax dacwada oo xilliyadas kaga socotay Maraykanka ma jirto, weligiina laguma soo eedayn.” Cabdirashiid ayaa meesha ka saaray in Farmaajo uu door hogaamineed ku lahaa jaaliyada Buffalo, isagoona ku tilmaamay been abuur eedeymaha la xiriira inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya. “Way jirtaa in uu ahaa abaabule aqoonyahan ah, dhanka siyaasaddana uu ku jiray oo xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, labadana u soo shaqeeyey. Balse marnaba ma dhex gelin (jaaliyadda), guddoonna uma noqon, intii uu halkaa joogay, rag badan baa caan ku ahaa oo la weydiin karaa reer buffalo-na ay yaqaannaan,” ayuu yiri. Warbixin ay dhawaan baahisay New York Times ayaa shaaca ka qaaday dhacdo ku saabsan nolosha Farmaajo oo ka dhacday magaalada Buffalo ee gobolka New York, oo tusaale u noqon karta hanaankiisa siyaasadeed ee hadda meesha halista ah istaajiyey Soomaaliya. “Dhowr ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in 2007, uu muran xooggan ka dhex qarxay jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo ee uu hoggaaminayey Farmaajo. Waxaa dhammaad ahaa laba sano oo Farmaajo loo doortay hoggaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda ayaa ku eedeeyey inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya,” ayaa lagu yiri warbixinta. Sidoo kale warbixintaas ayaa lagu sheegay in madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday uu dhalashada Mareykanka iska dhiibay, xili ay socdeen baaritaan ay Waaxda Dakhli Uruurinta Mareykanka ee Internal Revenue Service (IRS) ku haysay maaliyaddiisa (lacagihiisa), sida ay sheegeen saddex sarkaal oo reer galbeed ah oo arrintan xog ogaal u ah. IRS ayaa awood u leh inay baarto lacagaha iyo dhaqaalaha muwaadniinta Mareykanka, haddii lagu tuhmo qaladaad, meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Isaga oo ka tanaasulaya dhalashadiisa Mareykanka, Farmaajo wuxuu ka baxay xeendaabkii ay ku baari kartay IRS. The post Villa Somalia oo jawaab ka bixisay warbixintii uu New York Times ka qoray Farmaajo appeared first on Caasimada Online.